Ethiopia, waxey kharash tira badan ku bixisay in ay wax ka beddesho qaab wadaagga biyaha wobiga Niil, waxeyna in muddo ahba ku mashquulsaneyd biyo xireen ay rabto in ay uga faa’iideysato mashaariic fara badan oo khuseysa beeraha iyo dab dhalin dhinaca awoodda korontada ah.
Dhismaha mashruucani, wuxuu aad uga careysiiyay dowladda masar oo arrintani u aragta in dadkeeda lagu cunaqabateynayo, waxeyna billowday dhaqdhaqaaq diplomaasiyadeed oo ay ku dooneyso in lagu joojiyo hamiga, iyo dhaqan gelinta biyo xireenkani cusub, kaasoo iminka heer kulka xasaasiyaddiisa siyaasadeed ay meel xun mareyso cabsina laga muujinayo.
Masar iyo Itoobiya xuduud ma leh oo wey kala fog yihiin, laakinse masar waxey dooneysaa hardanka iyo dagaalka qabow ee ay Itoobiya kula jirto in ay u soo xawisho dhulka Soomaaliyeed, iyada oo ilaashaneysa kaliya danaheeda u gaarka ah, kaasoo aan aheyn mid la dhayalsan karo isuna rogi kara gacan ka hadal abuuri kara barakac, dhimasho iyo macluul hor leh oo dadka soomaaliyeed soo gaarta, waxaanse leennahay «Masareey dagaal waa ka soo daalnay, dagaal kalena maya!».
22 sano ayey dadka soomaaliyeed ku soo jireen qax joogta ah, dhaawac iyo dhimasho aan leysaga garaabeyn, gaajo iyo macluul ehel la’aaneed ee masareey markaasi maxaan kuu arki waayay? xaggeed jirtay xilligaasi?, maxaa keenay markii biyahaada la damcay in aad annaga dhibtaada nagu la soo galgalato, ma waxaad rabtaa neecaawda dowladnimo ee noo soo bidhaantay in mar kale indhaha laga duugo, weligaaba ma awr kacsi un baad naga dhiganeysaa?, taasi ma oggolaaneyno ee masareey walaalnimo ma diiddanin, laakin dagaal waa ka soo daalnay mid kalana maya!.
Usbuuc ka hor waxaa muqdisho ka soo degay wefdi ka koobnaa khubaro iyo jenneraallo reer masar ah oo lagu sheegay in ay wax ka qabanayaan dhismaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, taasi haddii ay tahay caawinaad dhab ah oo loo geysanayo ciidanka soomaaliyeed ma xumo oo waa wax wanaagsan, laakinse haddii ay tahay mid la rabo in difaac looga dhigo biyaha wobiga niil, anigu waxaan dhihi lahaa « taasi ha inooga ekaato qorigii xakiimka ahaa ee aad 1963 – 64 nagu dagaal geliseen, iminkase waa cusub baa u beryay dadka soomaaliyeed, maxaa yeelay xaqiiqada ayey fahmeen, waxeyna ku dhaqmayaan hal heyska ah dagaal waa ka soo daalnay dagaal kalana maya!.
Guud ahaan shacbi weynaha soomaaliyeed, waxaan u soo jeedinayaa in ay ku baraarugaan arrintani indho gaar ahna ku eegaan, sidoo kale dowladda xukuumad iyo xildhibaanba, waxaan ku biirin lahaa ineysan ku kedsoomin siyaasadaha gurracan iyo danaha is diiddan ee la doonayo in lugaha loo geliyo, hana tix raaceen xikmadda ah « dagaal waa ka soo daalnay dagaal kalana maya!».
Talada ugu danbeysa waxaan siinayaa walaalaha is dilaya ee uu dhiiggoodu ku daadanayo jubbooyinka, «walaalayaal dagaal wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta, dhulku wuu inaga badan yahay ee damaca yareeya oo idil ahaantiinba isu tanaasula, si loo badbaadiyo loogana farxiyo maatida dhiillada iyo halaagga ku soo barbaartay».
Soomaali haddii ay is disho oo ay dhexdeeda is gumaaddo macaash kama soo baxaayee arrinku wuxuu noqonayaa un ( kugu dhimayoo kaa dhimay ) sidaasi darteed hoggaamiyayaasha soomaaliyeedow ka tusaale qaata kuna dhaqma hal heyska maqaalkan oo ah « dagaal waa ku soo daalnay, dagaal kalana maya!».
Soomaalaay midnimo ogow
Soomaalaay qaranka ogow
Soomaalaay calanka ogow
Soomaalaay is raaca ogow.
W/Q: Bashiir Cali Xuseen.
Barbaariye@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online