Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all 1186 articles
Browse latest View live

Hiil-Qaran Hurdadii maka toosay?

$
0
0

Intii aan la galin doorashadii madax-waynaha soomaaliya ayaa aragtidayo loo gudbiyay qaar ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Hiil-Qaran , waxaa maantaa muuqday dag dag iyo kala xishood wuxuu ahaa garan maayee in ay golaha dhexe indhaha ka daboosheen xaqiiqo jirta waxayna isku qanciyeen wixii ay maantaa laabtooda doonaysay .

Xisbiga waxaa ku jira rag iyo dumar Soomaali dhab ah u badan(inkastoo qaar kufeen markii kursiga la waayay) laakiin waxaa jiray markii la isu diyaarinayay doorashada laab la kac xoog leh , waxaa dhinac ay iska dhigeen golaha dhexe xaqiiqada ka jirta xamar oo ah hanaanka qabiilka ee wax lagu qaybsanayay , waxaa lasoo dhigay safka hore una tartamo jagada dalka ugu saraysa Axmed Ismaciil oo 30 wax ka badan ku darsaday Soomaalida hadal quus u badan waxaa yarayd in la arko axmed oo wanaag ku sheegaya shicibka Soomaaliyeed , toloow sidee noo hoggaamin lahaa ?

Soomaalidu waxay tiraahda nin kabahaaga eegay kor looma eego , taariikh nololeedka axmed kuma jirto inuu xitaa ugu deeqay deegaankiisa waxa ugu yar ee qof isagoo kale ah uu kari karo , intuu soomaali wax ka qorayay marna kumuusan fikirn inuu degmaduu ka yimid ka dhiso qol yar oo ay ku dhalaan gabdhaha maalin iyo habayn dhiig baxa iyo dhibaatooyinka foosha ugu nafwaaya deegaanka .

Hiil-qaran wuxuu u muuqday inuu isu diyaarinayay doorasho deegaanka Minisooto ka dhici doonto iigama muuqan diyaar garoow loollanka adag ee Xamar ka socday lama dajin qorshaba B, T , iyo J oo noqon kara haddaan wayno kurisga 1 aad yaanan waayin wasiirka 1 aad haddii aaan wayno Xisbigu yuusan waayin mid am laba wasiir oo aan shacabka ku tusno kartida iyo aqoonta Xisbiga Hiil Qaran leeyahay si ay suura gal noonu noqoto inaan helno 4 sano kadib codka shacabka eegaya dantiisa cidda si hagar la’aan ugu shaqaysa.

Niyad bur-burka ku dhaca qaar badan oo ka mid ah Xisbiga waxaa sabab u ah ismaqal waa xoog leh iyo aragti kaliya rag qaba kuna dhagay moodayna qaybaha kale ee xibiga inay yihiin Tabaciyad aysan ahayn in wax la waydiiyo mar haddaysan Barayaal ka ahayn Dugsiyada reer Galbeedka ubadkooda wax loogu dhigo.

Sida kasoo boodday afkiisa C/qaadir Jaangali oo ka mid Golah dhexe ee Xisbiga kulan lagu soo dhaweeyay (isku soo dhaweeyay ) Axmed Ismaciil Samater oo ka dhacay Miniyaabulis wuxuu qiray inaysan Golaha dhexe ka fariisan iskana arkin in Axmed u tartamo xilka madax wayne ee Soomaaliya , hasa yeeshee Axmed ciduu ka haystayba wuxuu haystay kalsooni uu ku qabo inaan lagula loolami Karin Kursiga .

Suura gal ma ahan inay miisaan yeelan waayeen rag iyo dumar badan oo soomaali dhexdeeda laga xushmeeyo kana mid noqday xubnaha xisbiga ee waxay ila tahay inuu jiray ifafaale guul daradii ku dhacday Hiil Qaran oo gaartay inuu helo 0.016%

Wakhtigan waxay Soomaaliya galaysaa Xisbiyo badan Hiil qaran wuxuu kaga mid noqon karaa markuu garawsado xaqiiqada ka jirta soomaliya kuna saleeyo Siyaasaddiisa haddii kale wuxuu noqon Xisbi ay furteen laba wada dhalatay waxaana u codayn doona intay dhaleen iyo inta u dhaw .

W/Q Saynab Qorane

Sqorane@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan


Tabeelayaal socda oo aan is ogeyn!! (Faallo xaalad ka jirta Muqdisho)

$
0
0

Dunidaan casriga ah ee aan ku dul noolnahay xiligaan waxa ay dhankii laga eegaba u dheereyneysaa sida shey cirka laga soo tuuray oo kale.waxaana la oran karaa rubuc qarnigii ugu danbeeyay waxaa Aduunka lagu soo kordhiyay adeegya tira beel ah iyo  wax  aan la qaban Qarniyadii tagay, taasina waxa ay keentay in la hindiso malaayiin Campany oo soo saara wax kastoo Dad iyo Duunyaba aas aas u noqon kara hurumarka noloshooda haba lagu sii kala horeeyee.

Waa hubanti in Campaniyada wax soo saara ay tartan ugu jiraan hanashada quluubta bulsha weynta caalamka si ay alaabahooda ugu qanciyaan una helaan macaamiil joogta ah,si ay guushaa u  gaaraana waxa ay  adeegsadaan farsamooyin kala duwan oo lagu kala tagsan yahay,haba ugu sii mudnaato dacaayadaha ay u sameeyaan alaabahooda iyo hurumarinta magacyadoodee.

Hadaba quburada qarnigan ganacsiga wadaahi waxa ay ogaadeen in dacaayadaha ama xeyeysiinadu ay door muhiima kaga jiraan horumarka ganacsiga,waxa ayna had walba jaangooyaan wax soo saarkooda,iibinta magaca Campaniga iyo cidda ay rabaan in ay gaarsiiyaan fariintooda,iyadoo halka ugu badan ee lagu dagaalamayana ay tahay da,da ka hooseysa 40 tan jirka oo 75% ah bulshada.

Tusaale ruuxa ka weyn da,da 50-ka ama ku dhow weli waxa uu xasuustaa noloshii hore oo aan la aqoon waxa hada la yaqaano,lamana qabsan karo casrigaan ciir ciiraya,bal u fiirso dhanka teleefoonada hadii ay isku dayaan qaadashadooda inta badan waxa ka fadhiistaan boosaska kuwa raqiiska ah, dantooduna waa ineey ku hadlaan oo qudha,balse jiilka maanta waa ay ka xanaaqaan ama ka xishoodaan qaadashada telefoon aan qaali aheyn,waayoo waxa ay ku jiraan halgan kale  oo la yiraahdo Facaa iska dhici,tan kalena waxa ay awood u leeyihiin adeegsiga macluumaadka tirada  badan ee ku jira.

Sidoo kale Campaniyada soo saara,Cumputarada,Gaadiidkaa noocyadiisa kala duwan,Softweerada,waxyaabaha la isku qurxiyo ama la isku carfiyo, qalabka digitalka oo malaayiin nooc ah,dharka, kabaha, saacadaha,Cabitaanada iyo dhamaan waxa kasta oo hadda la adeegsado, ninba taagtii waxa uu wax soo saarkiisa u sameeeyaa dacaayado maadaama uu tuhmayo in tartan lagula jiro.

Dhamaan Campaniyadani waxa ay u kala xusul duubayaan waxa ay tahay sidii ay shucuubta caalamka u isticmaali lahaayeen adeegyadooda,waxaana iibinta magacyadooda kaga baxa Malaayiin dollar, ma aha macnuhu in lacagahaa faraha badan aanuu Campanigu u baahneyn balse waxa uu maanka ku hayaa tartanka yaala suuqyada dunida.

Waxaa sidoo kale lagu kala hormarayaa shaqsiyaadka iyo goobaha caanka ah,sida Cayaartoyda, Fanaaniinta,Actarada,Naadiyada iyo meelaha kale ee ilqabadka  leh,ujeedkuna waxa uu yahay in la kasbada taageerayaasha ay ku leeyihiin aduunka,iyo barashada magaca Campaniga ee shanta Qaaradood si isku mid ah looga arkayo.

Campaniyada Nike,Adi-das,Buuma,Kabo Fly Emarites,Ithihaad Airweys, Toyota,Samsung opec,iyo kuwa kaloo aan qoraal lagu soo koobi Karin waa kuwa dacaayadahooda si weyn uga faa,ideysta dhanka Sportiga noocyadiisa kala duwan,maadaama Sportigu uu yahay aalad xoog badan oo ay xiiseeyaan bulshadu ,waxa ayna iyaga oo bixinaya xuquuqda lagu yeesho sameeyaan Funaanado, koofiyado, iyo shey yaal kale oo magacyadoodu ay ku yaalaan,sidoo kale waxa ay boorar il qabad leh ku dhajiyaan garoomada cayaaraha iyo magaalooyinka dhexdooda, balse ogoow meel kasta oo ay isticmaalayaan waa hishiis laba geesood ah ama canshuur baa ku socota.

Soomaaliya hadaan u soo noqdo, tan iyo bur-burkii waxa ay ka mid aheyd dalalka dadkooda looga faa,ideystay sida tabeelayaasha oo kale,waayoo hadaad dhex marto suuqyada ama magaalada waxaad arkeysaa oo kaa hor imaanaya dad ku labisan Campaniyo isticmaalka magacyadooda ku bixiya lacago ama ay aheyd in ay ku bixiyaan lacago sida, Nike,Adi-das,Samsung,Cookacolla,Pepsi, Nokia,Sportsman,Toyota Fly Emarites, Boss, Cofee, Omega,Turkish Airweys,,National,Yahoo,  Pansonic,Google,Facebook,Barcless,Shell,Vadafone iyo kuwa kaloo badan.

Sidoo kale waxaad arkeysaa magacyo shirkado Isgaarsiin  Xawaalado,Carwooyin,Warbaahino,kuwa Duulimaad,Hotelo,magacyo Caano, Cabitaan iyo Sigaar,goobo la isku qurxiyo,iyo shirkado  kale oo ganacsi oo dhamaantood si ay uga faa,ideystaan Tabeelayaashaan socda ee aan is ogeyn,si fudud ugu sameeyay Funaanado,koofiyayaal,Qalmaan,Dalado,Saacado iyo waxyaabo kale, dabadeedna u qeybiyay  weliba bulshada intooda jilicsan ee duruuftu ku qasbeyso qaadashadooda,sidoo kale waxaad arkeysaa gaadiid muraayadaha looga dhajiyay calaamado shirkado ganacsi,oo laga yaabo in aaneey aqoon halka ay ku yaalaan,koofiyayaal,Qalimaan,Dalado,Saacado iyo waxyaabo kale, dabadeedna u qeybiyay  weliba bulshada intooda jilicsan ee duruuftu ku qasbeyso qaadashadooda,sidoo kale waxaad arkeysaa gaadiid muraayadaha looga dhajiyay calaamado shirkado ganacsi,oo laga yaabo in aaneey aqoon halka ay ku yaalaan.

Mana jiro wax hishiis ah oo ka dhexeeya iyaga iyo Campaniyada  ay magacyadooda ku wareejinayaan magaalada, halka ay Campaniyadani hishiisyo iyo lacago badan ku bixiyeen Tabeelayaasha aan socon ee ay hareeraha wadooyinka ku xardheen balse waa marag ma doonto in Campanigu  uu ku helayo  faa,ido badan xeyeysiinta lugeyneysa, marka sow lama oran karo dadka noocaas ah waa TABEELAYAAL SOCDA OO AAN IS OGEYN.      Dhamaad

W/Q/ Wariye :C/qaadir Maxa,med Faarax Dulyar

dulyar23@Gmail.com  Mogdisho-Somalia.

CASUUMADII ABOORKA !!!

$
0
0

Soomaalidu tan iyo markii ay gacmahooda ku riday Dowldii loo arkayay in ay ku fadhido sadbursiiyo ay heli lahaayeen saraakiil iyo ganacsato midba maalintiisa gadooday qabyaaladina aaneey ka marneyn, dibna looga qoomameeyay waxa ay dhex maquurteen colaado kala calamo duwan oo mid waliba car-carteeda iyo ceynad gaara laheyd.

Mudadaa 21-ka sano ah,Roobabku waxa ay da,yeen iyadoo difaac la isugu jiro,qoraxda Soomaaliya u dhalataana  ma aaneey dhicin iyadoo aaneey dhicin wixii dhici lahaa, oo ah dagaalo sokeeye,mid Siyaasadeed,mid dhul Dowladeed oo la isku heysto,mid aana qabiil,gaadiid lakala dhacayo,mid Isbaaro,Mid Diimeed,mid ganacsato,mid Dowlad lagu taageerayo,mid Qaad ka bilowda,maalin walbana waxaa la soo ahaa umad is wada dileysa,oo kala qaxeysa oo aan isku soo galin,mar walbana waxaa loo sacabo tumayay fikrad kooxi keentay oo aan la is weydiin halka ay ku dhamaaneyso,aakhirkana waxaa laga haraa oo mid kale looga diga rogtaa iyadoo kii hore laga dhaxlay dhimasho iyo dhaawac.

Ma aheyn wixii la soo maray iyo dhawaqyadii la maqli jiray cayaar sharax ah ama wilisiqo rag xoogani garaacayeen,ee waxa ay ahaayeen rasaas iyo madaafiic lagu ridayay dad iyo daaro wixii markaa noolaa,marka aadse u fiirsato si miyir qab ahna u eegto   hadii aad ka soo samata baxday  wixii si maalayacni ah rag isugu soo dileen ama ay u soo galaafteen kuwa aan waxba galabsan,sow lama oran karo waxa ay Soomaalidu u ekeyd Umad taariikhda iyo mustaqbalku u yihiin qadar iyo nasiib iska yimaada oo iska taga,ee aaneey u aheyn natiijo ka dhalata waxa ay sameynayaa,marnana aan xiligaa is weydiin su,aalo ay jawaabahooda hadda hayaan,waxa ay u ekyihiin dad dunida u arka in la isku soo jujuubay oo ka firxanaya oo sida ugu dhaqsiyaha badan u dhimanaya,waa dad rubuc Qarni deegta ku sita Ak-47 oo ah darka wadku u soo maro xaqna uma laha ineey noloshooda  canaantaan maadaama ay iyagu doorteen.

Sidoo kale waayadaan danbe waxaa Soomaaliya ku soo batay Qaraxyo ismiidaamin ah oo dad badan oo masaakiin ah u taxaabay Aakhiro,markase aad maqasho gaari qarxay oo qofkii waday kaligii ku dhintay ama ruux meel cidlaa isku  qarxiyay waa suurta gal in aad su,aalo badan is weydiiso,sidoo kale marka aad maqasho dagaal socda oo salka ku haya muran Isbaaro,guri dowladeed oo la isku heysto,ruux kun shilin loo dilay iyo waa ka shakiyay,ama Qaad lakala dhacayo,oo sababa dhimashada in ka badan 20 ruux iyo dhaawaca Sodomeeyo kale,iyana waa suurta gal in mar qura ay maskaxdaada ku dagaalamaan su,aalo badan oo ay ka mid tahay waxa dhacay iyo waxa la isku heysto sida ay u kala fogyihiin,aaway noloshii qiimaha laheyd,maxaa dadkan nabad iney dunida ugu noolaadaan u diiday!!!

Bal u fiirso Tahriibka badda waxaa 7-aad walba soo yeeraya soomaali badan baa badda ku dhimatay maalin walbana doomuhu waa sii raran yihiin oo waxaa lagu soo daadinayaa biyaha , weliba waa lagu kala tartamayaa geeridaa naxdinta leh.

Dhanka kale hadii aad maqasho askari askari kale dilay ama nin ciidana oo qof rayida dilay oo maalmo dabadeed Maxkamad la soo taagay, ina heblaayo hebel dabadeedna lagu xukumay dil toogasho ah,waxa aad is weydiineysaa bal waxa uu ka faa,iday falkiisii hore iyo in uu dilkani ka fiican yahay dilalkii hore ee aan la isku daba gali jirin.

Markase la isku xooriyo inkastoo geeridu xaq tahay,dhimashadan soomaaliya laga wada caashaqay mar qurana aan la is weydiineyn waxa lagu dhimanayo waxa ay yihiin,welina  Qorigii hebelo badan lagu dilay la sito,la iskuna tag taagayo  si dhimashadu u sii socoto iyadoo la og yahay ruuxii dhintaa in aanuu dib ifka ugu soo laabaneyn,sow waxa loo wada dag dagayo lama oran karo Soomaalida ABOOR BAA CASUUMAD U DHIGAY !!!!

DH A M A A D  

C/qaadir Maxamed Faarax (Dulyar)

Dulyar23@Gmail.com Muqdisho/Somaliya.

Shaqaalo dowladeed awood u yeeshay ku takrifalidda hantida Qaranka

$
0
0

Dowlad kastaa oo jirtaa waxa ay leedahay sharci u gaar ah oo ay ku maamusho dalkeeda iyo dadkeeda, sharciguna waa inuu qabtaa shaqsi kastaa oo dambi galaa ha ahaado shacab, madax, askari, xildhibaan, safiir, wasiir, biitooni(dhul xaaqe) iyo shaqaale kastaa oo dowladda u shaqeeya.

Shaqaalaha dowladdu waa kala heer heer, weyna kala darajo sareeyaan, mid walibana waxa uu qabtaa shaqooyin u gaar ah oo uu u hayo Qarankiisa, waxaana muhim ah in shaqaale kastaa lagu abaalmariyo haddii uu qabto wax wanaag ah oo uu kor ugu qaadayo sumcadda dalkiisa, sidoo kale haddii uu qalad ama dembi Qaran galo waa in sharcigu qabtaa oo lagu qaadaa ciqaabta heerka dambiyeed ee uu galay.

Sida aynu ogsoon nahay Safiirradu waxa ay ka mid yihiin shaqaalaha dowladda, dal kasta oo ay safiir ka yihiinna waxa ay ku metelaan Qarankooda, waxayna ku howl galaan oo ay ku shaqeeyaan awaamiirta dowladdooda, taasoo ay jirto ayaa waxaa haddana muddooyinkan dambe soo ifbaxay in qaar ka mid ah safiirradii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalalka caalamka ay yeeshaan awood u gaar ah iyagoo aan ka amar qaadan wasaaradda arrimaha dibadda ee howshooda qaabilsan.

Waxaa dhacday in safiirro Soomaaliyeed ay awood u yeesheen ku takrifalidda hantida Qaranka iyagoo aan dowladdooda wax amar ah uga heysan amaba latashi la samaynin, sida in safiir uu si iskiis ah u kireysto dhismaha iyo xafiisyadii Safaaraddii uu magaca Soomaaliya ku matalayay, weliba waxaa layaab sii ah in safiirradaas qaarkood ay ku doodaan inay arrintaas ku saxsan yihiin….. “Lacagaha kirada laga helo waxaan ku dayactireynaa dhismaha safaaradda” ayaa laga hayaa qaar ka mid ka mid ah safiirrada kireystay safaaradaha Soomaaliya, iyadoo qarashaadka ay ku kireeyeen aysan dowladdoodu la ogayn amaba ka war heynin, ayna markaasi noqoneyso hanti dowladeed si marmarsiyo ah loo dhacay una gashay jeebabka shaqsiyaad safiirro ah, ileyn ma jiro heshiis dowladdu saxiixday ama wax ka ogtahaye, kaliya waa awood ay si gaar ah isu siiyeen safiirro shaqaale dowladeed ah.

Sidoo kale waxaa jira dhismayaal safaarado iyo dhisayaal kale oo ay leedahay dowladda Soomaaliya oo aan ilaa iyo hadda gacanta dowladda ku jirin oo safiiro Soomaaliyeed ay ka kireysteen ama ay ka iibiyeen hay’ado, ganacsato iyo shaqsiyaad caadi ah, waxaa kale oo jira safaarado ay dhex degan yihiin qoysasaka safiirrada kuwaasoo hantidii qaranka u isticmaala sida inay iyagu leeyihiin oo kale.

Haddaba dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon la xisaabtan gaar ah in ay ku samayso safiiradaha aan dhicin ee aan la beddelin, hantida qaranka iyo qarashaadka soo gala safaaradahana iyaga u isticmaala hanti u gaar ah, iyagoo weliba ku dooda “Dowladdu wax mushaar ah nama siiso inagaa si kasta oo aan wax ku heli karno ka samaysanayna safaaradaha aan ka talinno”.

Waxaa kale oo la ogsoon yahay in safaaradaha qaar ay qabtaan howlo dhaqaalo uu ku soo galo sida iyagoo bixiya Baasaboorro, warqado dal ku gal ah, kuwo dal ku joogid ah iyo arrimo fara badan oo ay dhaqaalo ku kasbadaan, mana uu jiro la xisaabtan dhab ah oo wasaaradda arrimaha dibaddu ay la samayso safiiradaas takrifalidda samaynaya.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ay xildhibaannada Baarlamaanku wax ka weydiiyeen safaaradaha lagu takri-falay ee safiiradu ay iska kireysteen amar dowlo la’aan, waxayna ku doodday oo ay isku difaacday wasiiraddu  in markii la kireynayay safaaradahaas ay ka horreysay xilligii magacaabisteeda, hase ahaatee aysan sidaasi uga hari doonin oo ay baaritaan ku samaynayso iyadoo xustay in ay Guddi  gaar ah ay u saartay arrintaas.

Haddaba eeddu kuma koobna safiirado kireystay safaarado ee sidoo kale waxaa jira safiirro aan waxqabad muuqda lahayn, kuwaasoo weliba is laheysiiyey howsha safiirnimo  uguna shaqeysta si shaqsi ah ee aan si Qaran ugu shaqeynin, iyadoo qaar ka mid ah safiiradahaas ay ku dhex milmeen ganacsatada iyo maalqabeennada Soomaalida ee dalalka ay safiirrada ka yihiin, kuwaasoo awooddooda safiirnimo uga qaata dhaqaale iyagoo kula gorgortama in wax kasta oo ay safaaradda uga soo baahdaan ama isku xirka madaxda dalka ay ku ganacsadaan u fududeynayaan, marka waxaa loo baahan yahay in kuwaasi ay dowladdu il gaar ah iyaguna ku eegto.

Su’aalaha jawaabaha u baahani waxa ay yihiin: Safiiradu shaqaale dowladeed ma aha miyaa…? Sharciga dalka u degsan iyagu ma qabto miyaa…? Mar haddii ay ka howlgalaan meel dalka ka baxsan wey ka madax bannaan yihiin miyaa dowladda iyo sharciyada dalka oo shaqaalaha iyo shaqsiyaadka gudaha dalka ku sugan kaliya ayuu sharcigu qabtaa miyaa macnuhu….? Jawaabaha su’aalahani waa kuwo u yaala dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha u yahay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

W/D: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)

caaqildalmar@hotmail.com

caaqildalmar@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Faallo: Soomalida maanta & tii shalay‏: Waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin

$
0
0

Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa maqaal gaaban oo aan kaga hadli doona farqiga u dhaxeeyo Soomalida maanta iyo tii shalay,walaalayaal sida aad ka warqabtana dadka Soomaliyeed waxa ay ka mid yihiin shucuubta tirada badan ee ku nool caalamkan,waxa ayna dadka Soomaliyed haystaan nimcooyin badan oo ay yar tahay cid haystaa Gaal iyo Muslim, waxaana nimcooyinkaasi ka mid ah iyagoo alle ka dhigay dad isku diin ah,isku af,isku midab iyo isku dhaqan, laakin sidaas oo ay tahay hadana waxa ay maanta noqdeen dadka dunida ugu xun ee ku rafaadsan buqcad kasta oo ku taal dunidan,marka waxaan rabaa inaan maqaalkan uga hadlo bal farqiga u dhaxeeyo Soomalida maanta iyo tii hore.

Soomalidii hore

Soomalidii hore uma baahno inaan wax badan ka waramo maxaa yeelay waan ognahay waxa ay ahaayeen iyo taariikhdooda laakin si aan isu barbardhigno iyaga iyo Soomalida maanta waxa aan u baahannahay inaan wax ka niraahno si aan u helno farqiga u dhaxeeyo iyaga iyo kuwa maanta jooga,Walaalayaal Soomalidii hore waxa ay ahaayeen dad intooda badan xoolo dhaqato iyo kuwa beeraley ah, kuwaas oo si sharaf leh ugu noolaa dhulkii uu ilaah ku abuuray iyagoo dhaqanayo xoolaha uu alle ku maneystay sida Geela,Lo’da,Ariga iyo wixii soo raaca.

Waxa ay ahaayeen Soomalidii hore dad leh xeerar iyo dhaqamo wanaagsan oo intooda badan ka soo burqanayey diinta Islaamka, waxaana dhaqamadaasi ka mid ah geesinimada,deeqsinimada,martisoorka,iyo caawinta dadka maasaakiinta iyo kuwa kaloo badan,waxa ay ahaayeen dad qab leh oo u arko in cunsurka Soomaliga uu uunka ugu sareeyo,waxa ayna ku taamayeen in mar un la qotomiya dowlad xoogan (SOMALIWEYN) oo ka hanaqaada dhulalka ay Soomalidu ka degan tahay Geeska Africa,waxa ay xaqiijinta ahdaaftaasi u u hureen kumanaan kun,iyagoo la dagaalay Gumeystayaashii cadaa iyo kuwii Madoobaa.

Inkasta oo Soomalidii hore aysan ku nooleyn magaalooyin leh system dowladeed hadana Waxa ay ahaayeen dad neceb waxyaabo badan oo uu ugu horeeyo kufsiga,dilka dadka loo yaqaano birimageydada,dhaca,bililaqada iyo dawarsiga.waxa ay sidoo kale aad u necbaayeen in la gumeysto sida aan ka arki karno taariikhdeena,waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah xitaa markii laga xuruubay Gumeysigii reer Yurub in Soomalidii diiday in afkii gumeystiyaashaasi lagu hadlo sida ay sameeyeen wadamo badan oo la soo gumeystay sida wadamada Galbeedka Africa iyo Koonfur America.

Gaba gabadii waxa aan dhihi karaa Soomalidii hore waxa ay ahaayeen dad is jecel oo cadowgooda si guud isaga celiya,waxa ayna dunida kaga tageen taariikh wanaagsan oo maanta baal dahab ah uga jirto guud ahaan taariikhda Wadankeena,waxaana ka xusi karaa Soomalidaasi Axmed Gurey,Sayid Maxamed Cabdille Xasan,Dhagaxtuur,Xaawo Taako iyo kuwa kaloo badan ,kuwaasi oo la dagaalamay dhamaan Gumeystiyaashii soo hunguriyeey dhulka ciziga iyo sharafta ee ay Soomalida ku nooshahay.waxaana gunaanudki leeyahay ilaahay ha u naxariisto Soomalidii hore wixii danbi ah oo ka dhacayna ilaahay ha u dhaafo maadaama ay naf iyo maalba u hureen jirintaanka Umaddeena ayna ku guuleysteen iney taagaan dowlad Soomaliyeed oo xoog badan taasoo iyadana hamigeedu ahaa in la xaqiiyo dream-kii ahaa SOMALIWEYN.

Soomalida Maanta

Soomalida maanta waxa aan dhihi karaa waa Soomalidii ugu xumeyd ee soo marta qowmiyadda Soomalida ah, maxaa yeelay waxaa ay ka gudbeen dhamaan maxaariimtii ilaahay dadka ka reebay haday ahaan lahayd dhiig la daadiyo,dumar la kufsado bililiqo iyo dhac aan gabasho lahayn iyadoo waliba mararka qaar lagu faanayo,Intaasi kuma aysan ekaanin waxaa ay u soo horkaceen wadankoodii cadowgoodii soo jireenka ahaa ilaa ay soo dhex istaajiyeen caasimadoodii,waana wixii ugu xumaa ee ay Soomalida maanta sameyso.

Walaalayaal waxyaabaha ay Soomali sameysey, waa wax maanta oo dhan hadii la yiraahdo halaga sheekeeyo aan la soo koobi karin, maxaa yeelay waxa ay ku kaceen waa waxii ugu xumaa oo dad bani’aadam ku kaco,miyaad aragtay dad inta doomo lasaaro waliba iyadoo lacagi laga qaatay hadana badda bartankeeda lagu daadinayo iyadoo aan mar ahayn oo labo ahayn, ma waxaasi ayaad aragteen ama maqasheen ma jirto cid aan Soomali ahayan oo waxaasi sameyn karta.waxaa ka sii xun markii ay yiraahdeen waxaan kala jareynaa Jamhuuriyaddii la oran jiray Soomaliya halka dunida aan maanta ku noolnahay uu qof kasta doonayo isbahaysi iyo cid uu bah wadaag la noqdo,cajiib!!!!!

waxyaabaha ay Soomalida maanta sameysay waxaa ugu qaabdaran markii dad Soomaliyeed oo aan in badan oo ka mid ah galin wax danbi hadana gacanta loo geliyo dowlado shisheeye,waxaan la yaabaa maamulada Hargeyso iyo Garoowe oo ku faanayo in ay dad Soomaliyeed u gacan geliyeen dowladd Itoobiya oo waliba ay ku jiraan gabdho yaa kariim, ma waxaasi baa qof muslim sheeganayo ku kici karaa? yaab badanaa,waxyaabihii iigu yaabka badnaa oo aan maqlo waxa ay ahayd in mid ka mid ah Madaxweyniyaashii soo maray kililka 5aad uu qaabilay wasiir ka socday dowladda CUBA,isagoo uga mahadceliyey gacantii ay Itoobiya ka siiyeen jibintii ciidamadii Soomaliya dagaalkii dhexmaray Soomaliya iyo Itoobiya 70 tameeyadii, waliba ninkaasi waxaan maqlay in uu ka mid ahaa caruurtii ka soo qaxday dagaalkaasi, markii waxbarashadiisa dugsiga sare uu ku dhameystayn gudaha Soomaliya ka dibna dibadda loogu diray waxbarasho kale.

Walaalayaal waxa aan isugeysaney hadaannahay Soomalida maanta ma aha wax qof caqli lehi uu ku fikiri karo ma waxa aad aragtay in qof Soomali ah inta madaxa laga soo gooya hadana dadka la horkeenayo, ma waxa aad maqashay in qof soo tukaday salaad subax inta la dilo hadana ilaahay loogu xamdinayo dilkiisa hadana diinbaan u dagaalameynaa lagu leeyahay.waxani ma aha waa qof caadi ah ka suurooba.

Ma waxaad maqasheed dumar hir ah oo iska socda sidii taaqaatiirtii aan xaduudda lahayn, waxyaabaha aan ku aragnay Soomalida maanta ma aha wax caadi, 2002 ayaa Nayroobi tagay anigoo ka imid Soomaliya, waxaa ku arkay dumar badan oo guryo u kireysan markaasaan weydiiyey dadkii maxay yihiin dumarkan meesha degan xitaa gabdho yar yar ayaa ku jiray ,waxaana la iigu jawaabay waa dumar iskaabulo ah, waxa ay igu noqotay wax aan aad ula yaabay maxaa yeelay waxaan maqli jiray oo kaliya rag iskaabulo ah, waxaasi waxaa lagu arkay Soomalida maanta.

Waxyaabah nalagu arkay waayadan danbe waxaa ka mid ah niman la leeyahay waa Aqoonyanaho iyo Siyaasiyiin oo inta idacaado iyo Tv-yo lagu martiqaado si ay u taxliiliyaan arimaha wadankooda hadana aad la yaabeyso markaad hadaladooda dhegeysato, halka mararka qaarna aad ku wareereyso wadanka ay u dhasheen,waxaan daawaday mid ka mid ah Tv-yada Soomalida oo ay marti ku ahaayeen labo nin oo lagu sheegay iney aqoonyahano yihin waxana laga wareysaneyey arimaha u dhaxeeyo Wadankooda iyo Kenya, markaan dhegeystay hadalooda waxaan kala garan waayey iney Kenyaan ahaayeen iyo iney Soomali ahaayeen sababtoo ah maba moodid iney Soomali yihin,waxaadna la yaabeysaa sida ay carabka ugu adkeyn karin waxa danta wadankooda ugu jirt hadana waxa lagu leeyahay waxbaan naqaanaa.!!!

Waxaa iigu darnayd waayadan dad dowladdoodii oo joogta ku dhahayo Kenya ayaa nooroon oo maamul noo sameyneyso,waxa ka sii yaab badan ciidan la leeyahay waa ciidankii qalabka sida hadana gabdhihii umulaha ahaa iyo kuwii aan qaangaarin faraxumeynayo maalin kasta cajiib and cajiib,walaalayaal hadii ceebi loo dhimanayo inaga ayaaa u dhiman lahayn.waxaan qoslaa markaan maqlo dad la leeyahay wadankiini ayaa la idinku celinayaa oo hadana diidayo iyagoo waliba ku doodayo hanoola dhaafo qaxootinimadeena ,sow tii laga faani jiray qaxootinimadu mahan yaab badanaa!!

Gaba gabdii waxaan leeyahay Soomaliyeey ceeb iyo foolxumo nooma harin dal iyo dibadba, hadaan dooneyno inaan sharaftii iyo karaamadii aan lahaan jirnay soo ceshano waxaa noo furan hal waddo oo kaliya, waana inaan taageernaa dowladdan hadda jirta maxaa yeelay waa wadada ugu dhow oo aan uga bixi karno fuulxumadaan.waxaana gunaanudkii leeyahay aan ilaahay u towbad keeno isna cafinno, dowladdaasi tabarta daranna aan taageero hiil iyo hooba la garab istaagno.

W/Q: Maxamed Ibrahim

akhunaa114@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Sida aan dib ugu dhisi karno dalkeena!

$
0
0

Shaki kuma jiro in aysan sahlaneyn dib u dhiska dal 20 sano ku jiray bur bur dagaalo sokeeye iyo mid shisheeyaba, hase ahaatee waxaa marag madoonto ah in aysan jirin cid kale oo laga sugayo dib u dhiskiisa,

lama huraan waa cowski jiilaal, dhul ninkiisaa iska leh, ee maxaa noo diiday dal aan horey gacmaheena ugu duminay inaan maantana isku raacno inaan gacmaheena ku dhisano.?!

Ma rabo inaan dib ugu noqdo wixi horey u dhacay, iyo waxa keenay bur-burka waxaana qof walba oo Soomaali ah ka codsan lahaa in aan iska ilowno wixii horey u dhacay, inaan ku midowno dib u dhiska dalkeena.

Si aan dib ugu dhisno dalkeenana waa inaan xoogga saarnaa dhismaha hay`adihii aasaasiga ahaa ee adeegga bulshada ka hor inta aynaan caawimaad weydiisanin umad kale, ee aan marka hore aragno waxaan qabsan karno, waan ognahay lacagaha aan habeen walba Tv-yada ka aruurino inaan cusbitaalo iyo dugsiyo uga dhisi karno meel walba oo Somalia ka mid ah.

Ka hor qodobadan aan hoos ku sheegi doono, waa in dowladdu ay muhiimadda ugu horeyso siiso sugidda amniga.

Haddaba waxaa muhiim ah marka ugu horeysaba inaan aamino ha`adaha dowliga ah ee dastuuriga oo aan markii horeba wakiilanay.

Culuma owdiinka, wax garadka, odayaasha dhaqanka , haweenka , bulshada rayidka , iyo warbaahinta , in ay ka qeybqaataan wacyi gelinta shacabka iyo dhismaha dalka, si maskaxdooda looga tir-tiro kuwa maankooda la xaday ee looga faa`iideystay xiliyadii madoobaa ee nasoo maray, isla markaana loo furo indhaha lana tuso jawi nabadeed oo lagu dhiso mustaqbalkiisa iyo mustaqbalka caruurtiisa.

Caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, waxbarashada , iyo dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha.

In la sameeyo ilo dhaqaale oo ay dowladdu leedahay, sababtoo ah dowladdu ma awoodi karto horumarinta daryeelka bulshada haddii aaney helin ilo dhaqaalo kasoo galaan, sidaa daraadeed waa in loo dhisaa warshado.

Maal qabeenada, ganacsatada iyo qof walba oo Soomaaliyeed waa in lacagahooda ay dhigtaan bank-iga dhexe, marka aan sidaa leeyahay bank-ga dhexe ma qaban karo shaqadii la abuuray haddaan sidaa la yeelin mana ilaalin karo deganaanshaha qiimaha  iyo wareegga shilinka , dunidan casriga ah-na bank-ga dhexe lagama maamulo wasaaradda maaliyadda, mana hoos tagi karno sharci sameeyayaasha dowladda iyo maamulka dowladda intaba, waana madax banana yahay. Waxaana hubanti ah in Madaxweye Xasan Sheekh uu wacad ku maray ka hortagga musuq-maasuqa, sidaa darted waa in la helaa is aaminaad kal iyo laab ah, dhanka dowladdana laga helaa caddaalad iyo in ay ka dhabeysaa in sharcigu ka sareeyo qofka isla markaana ciqaabta uu muto la marsiiyo qofkii ku xad gudbaa hantida dadka iyo dowladdaba.

Is jaceylka iyo is walaal-shiga waxaa ka dhasha naxariis iyo wax wada cunid waxayna horseedi kartaa horumar iyo barwaaqo, waxaana jiilkeena dambe tusi karnaa waddo wanaagsan oo ay nooga daydaan.

Ugu dambeyntii waxaa Allah SWT ka baryayaa in sanadka 2013

ka noogu billowdo horumar iyo nabad , dhamaanteena uu nagu toosiyo dhabihii dib u dhiska dalkeena , difaaca diinteena ,daryeelka dadkeena .

FG: haddii aad qormadeydan ka aragto qalad, ma ahan waxaan xumaan uga dan leeyahay, waxana dulucda qoraalkeyga yahay wanaag iyo dib u dhis iyo isku duubnaan, mana aha mid aan ku doonayey in aan dad kala geeyo.

Wabillaahi Towfiiq

Abdulrahman Ahmed “Shiinka”  London- United Kingdom

shiinkaa@gmail.com

Qeylo dhaanta reer Muqdisho iyo Qaabdarran u dhaqanka qurbo joogta

$
0
0

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay la wareegtay gacan ku heynta guud ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa soo badanayey dadka dibadaha ka imanaya ee soo gaaraya caasimadda kuwaas oo safarkoodu wejiyo badan lahaa haba ugu badnaadeene kuwo dowladda jagooyin ka doonayey, kuwo daneynayey inay dalkii maalgashtaan, qaar qoysaskooda halkaa ku nool soo booqanayey iyo qaar kale oo ay ka ahayd dalxiis inay mar uun indhahooda ku soo arkaan caasimadii dalka oo ay in mudo ah moogaayeen.

Imaatinka kooxahan kala duwani waxa uu keenay saameyn wanaag iyo xumaan intaba leh oo dadka Muqdisho ku nool ay in badan ku sheekeystaan, Si walba oo ay u yar yihiin inta xumaanta wada mar walba waa ay ka dhex muuqanayaan inta kale ee wanaaga wada waayo Soomaalidu hore ayey ugu maahmaahday bada hal malaay ayaa qurmiya.

Waxyaabaha ugu hadalheynta badan ee dadka reer Muqdisho markaad la xiriirtid ay kaaga sheekeynayaan waxa ay tahay in dhalinyaro dumar iyo rag u badan oo ka yimid qurbaha ay dhooban yihiin xeebaha xamar iyo hoteelada kuwaa oo in badan oo ka mid ah ay beri hore xishoodkii iyo dhaqankii suubanaa ka tageen, taana ay u dheer tahay been fara badan iyo faan. Hablaha Muqdisho oo inta badan lagu yaqaanay asturnaan xaga dhar xirashada ah ayaa waxaa ka yaabiyey gabdhaha qurbaha ka yimid oo iyaga oo madax qaawan xirana dhar jir ahaan muujinaya cawradooda ay dhex dabaalanayaan ragii, Waxaana taasi ay gaartay in xitaa muumuladii degmooyinka gobalka Banaadir iyo ciidamadda nabadgelyadu ay arintaasi ka hadleen.

Dhowaan ayaa gudoomiyaha degmadda Cabdulcasiis ee gobalka Banaadir ayaa ka dhawaajiyey in ay ku howlan yihiin ciidamo ilaaliya anshaxa dadka u soo dabaal tegaya xeebta Liido ee gobalka Banaadir, waxaana taasi ay ku tusineysaa heerka ay gaartay qeylo dhaanta ka soo yeeraysa shacabka Muqdisho ku dhaqan.

Mid ka mid ah suxufiyiinta Muqdisho ku sugan ayaa iiga sheekeeyey in xitaa qaar ka mid ah hoteelada waaweyn ee Muqdisho markii uu yimaado ee uu doonayo inuu dego ruux qurbaha ka yimid ugu horeynba la weydiinayo inta habeen ee uu halkaa jiifayo kadibna marka uu sheego lacagtii gebi ahaan laga hormarsanayo, Waxaana saxafigaasi uu taa ku macneeyey in milkiilayaasha hoteeladu ay ka aamin baxsan yihiin dadka qurbaha ka soo qulqulaya oo ay markii hore u hormareen intoodii laalaabka badneyd, waxaana taa ay ka yaabisay in badan oo ahaa dad wanaagsan oo qurbaha ka yimid oo dareemay in halkaa ay hore ugu rafteen kuwii ka horeeyey.

Magacyo badan oo kala duwan ayaa looga yeeraa kooxahaasi marka Muqdisho dhexdeeda la joogo waxaana tusaale u soo qaadan karnaa magaca dayuusbare oo ka yimid (diaspora) oo qurbo joog ama dad dalkoodii dibadda kaga maqnaa ah, laakiin markii hab dhaqankoodii loo bogi waayey eraygii sidaa loo badalay.

Maandooriyayaasha kala duwan ayaa Muqdisho ku soo badanaya, waxaana marar badan la maqlaa ciidamada boliiska oo qabtay qamri, laakiin aqristoow ma qiyaasi kartaa cadadka uu la eg yahay qamriga aaney boliisku nasiib u yeelan inay qabtaan ee la isku gudbiyo, Waxaa soo baxaya oo weliba soo badanaya kooxaha maandooriyayaasha Muqdisho ku iibsada iyadoo la sheego in dadka iibsada iyo kuwa iibinaya ay taleefano ku kala dalbadaan kuna balamaan meel ay isla og yihiin.

Inkastoo ay jiraan talaabooyin ay dowladdu qorsheyneyso inay ka qaado kooxahaas anshax darada iyo maandooriyaha ku lugta ah ee soo badanaya ayaa hadana shacabka Muqdisho waxa ay dowladda marar badan warbaahinta u mariyaan dalabkooda ah in talaabooyinkaas la dedejiyo inta aaney caruurtoodii yaryareyd badweyntaasi dhex maquuran.

Ugu dambeyn waxaa la gudboon qof waliba oo Muqdisho ku nool ama dibadaha ka soo booqday sida ay nabaduba muhiim u tahay in looga wada shaqeeyo akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan.

Jabriil Cabdulle Macalin (Jabra) jabraa77@hotmail.com Stockholm Sweden

Hal Bilyan oo sadaqo ah iyo Hal Bilyan oo gumac rasaas ah + Sheikh Umal ha la iga gaarsiiyo (Faallo xasaasi ah)

$
0
0

HORUDHAC : 

Islaamka wuxuu Allaah u soo dajiyey in uu Ruuxa Bani’aadamka ah uu horomar iyo baraaro gaarsiiyo,

Ee uma soo dajin in lagu hoogo islaamka oo lagu dhibaatoodo .

Allaah wuxuu Quraankiisa ku leeyahay asagoo Nabigiisa NNKH  la hadlaaya  : (مَا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْقُرْآنَ لِتَشْقَى ) 20:1  Nabi muhamadoow Quraanka kuuguma aan soo dejinin in aad ku dhibaatooto ama aad ku dhurdarsato.

Diinta Islaamku waxay u timid sida ay Culumadu sheegaan in ay dhawrto shan waxyaalood oo lagama maarmaan ah oo la yiraahdo ( al duruuriyaatul khamsa ) oo kala ah : Diinta,Nafta, Caqliga,Maalka iyo Taranka bani,aadamka .

Ruuxa Bani,aadamka ah Allaah wuxuu u soo dajiyey Diin midda ugu fiican oo islaamka ah (1) wax kale oo  Diin ah Allaah kama aqbalaayo Ban’aadanka in ay Allaah u hogaamsamaan mooyee, Allaah wuxuu leeyahay : (ومن يبتغ غير الاسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الاخرة من الخاسرين ) 3:85 Ruuxii Islaamka wax ka soo haray Diin ka dhigta Allaah ka Aqbalimaayo maalinta Aakhirona wuxuu ka mid noqonayaa kuwa khasaaray.

Sidoo kale Diintaan waxay u timid in Nafta bani,aadamka in ay xifdiso, Allaah Ruuxii naf ku dila xaq darro wuxuu la mid yahay mid Dadka oo dhan dilay, Ruuxii badbaadshana wuxuu la mid yahay mid dadkoo dhanba badbaadshay. (انه من قتل نفسا بغير نفس او فساد في الارض فكانما قتل الناس جميعا ومن احياها فكانما احيا الناس جميعا ) 5:32.

Allaah wuxuu kaloo dhawray kuna dardaarmay in Caqliga Bani,aadamka la dhawro lagana ilaaliyo wax kasta oo iin u yeelaaya ama sakhraaminaaya sidaas buu Allaah Khamriga iyo maandooriyaasha oo dhanba u xaaraantimeeyey.

Allaah wuxuu ku leeyahay Quraankiisa : (يأيها الذين امنوا انما الخمر والميسر والانصاب والازلام رجس من عمل الشيطان فاجتنبوه لعلكم تفلحون   ) 5:90 .

Kuwa allaah iyo Nabigiisaba NNKH Rumeeyayoow Khamriga iyo khamaarka iyo Asnaamta dhagaxda ah ee Xoolaha lagu dul qalo iyo qorayaha ama leebabka lagu faashado ,kuligood waa shay aad iyo aad u xun oo shaydaanku idiin keenay ee ka taga ,waxaad mudan tihiin in aad liibaantaan haddaad ka tagtaan.

Halkaan waxaan uga jeedaa in Caqliga bani’aadamka uu Allaah Dhawray ,Diinteenuna  ka hortimid wax kasta oo waxyeeleynaaya Caqligaas.

Maalka iyo tarankuna Akhristoow kuma seegana oo waa waxa ummaduhu ku kala hormareen, Nabigu wuxuu yiri NNKH ( maal baa nimco yeeshay ku jira Gacan addoon Fiican ) !!! Sidoo kale Allaah uu reebay wax kasta oo Dhabar jaraaya Taranka Bani’aadamka Siduu Allaah Quraankiisa ku yiri : (وَإِذَا الْمَوْؤُودَةُ سُئِلَتْ ) (بِأَيِّ ذَنبٍ قُتِلَتْ ) Maalinta Qiyaamo markuu Allaah weydiiyo Naftii Nolosha lagu Duugay , maxaa gashay oo laguu duugay (2).

Akhristoow Islaamku sharaftaas iyo wanaagaas buu Adduunka u soo horseeday, ilbaxnimo lagu tilmaami karo tii Nabiyulaahi Suleymaan NNKH iyo Tii Boqorkii Dul qarneyn iyo Awoodii Cabdul saalax ee Khadar Iyo Ilbaxnimadii ka danbeysay ee Muslimiintu ku soo biiriyeen Adduunkaan Dhanka Caafimaadka, Kimistariga, Astaronomy-ga, Naqshadeynta Artichet-ka ama Dhismayaasha sida Qubiga ( Dooms) iyo Maanaaradaha ,Xisaabta ,physics-ka, Juqraafiga iyo History-ga  oo ah Qorax aan la hilmaani Karin oo ka soo baxday Dhanka bariga sida ay Qortay  Haweenay qoraa  ah oo Jarmal ah oo ugu magac dartay ( Qorraxdii ka soo baxday Bariga ) !!!!.

Culumadii Islaamkaee Sayniska  sida Bayruuni, Khawaarizim, Ibnu haytham,Ibnu Rushdi, Al-ghazali, AL-mandhuufi,Ibnu Sin’a, Al-Razi  iyo kuwo fara badan oo aan halkaan ku soo koobi Karin .

Sidoo kale Boqoraddii iyo Imaamadii sida Khulufaddii Hanuunsaneyd ee Nabiga, Khaalid Bin walid,Mohamed ibnu maslamah,abuu musa bin Nuseyr, C/raxmaan Al-daakhil Galeyrkii Qureesheed oo Dhulka Andalus Boqortooyadda Islaamka ka amaamuday,Suldaan Mohamud AL-zinki, Salaaxul Diin Al-ayuubi Ninkii Qudus Xoreeyey, Sultan Mohamed Al-faatix ee furtay Qustandhiiniyah ( Istanbul ) waa Amiirkii Nabigu sii saadaaliyey ee yiri ( Qustandhiiniya waa la furan doonaa waxaa nimco yeeshay Ciidanka Furanaaya ,waxaa nimco yeeshay Amiirkooda ) Hadalkaas wuxuu nabigu yiri 800 sano ka hor wuuna dhaboobay.

Islaamkii sidaas ahaa miyaa maanta Goroyo cawl u hartay  ( AL-Qaacidda ) oo Muslimiinta Bireynaaya, oo dab qabadsiiyey Xurumaadkii Muslimiinta  !!! Ma Afqaanistaan baa , Pakistaan,Ciraaq, Soomaaliya,Yamen, Maali, Niageria ,ALjeeriya, !!!!

(وَمَا قَوْمُ لُوطٍ مِّنكُم بِبَعِيدٍ ) Reer Luudh wixii gaaray idinkama foga !!! waar sow nin caqli leh idinkuma jiro (أَلَيْسَ مِنكُمْ رَجُلٌ رَّشِيدٌ ) !!!!!.

HAL BILYAN OO SADAQO AH IYO HAL BILYAN OO GUMAC RASAAS AH :

Akhristoow waxaa maalin dhaweyd dhacday in Ninka iska leh Raadyaha CNN ee Ted Turner uu Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ( uno) in uu Jeebkiisa ugu Deeqay Hal Bilyan oo Dollar, waa nin kali ah , waa hal shakhsi, Dawlad ma ahan, waa ruux kaliyah oo Bani’aadam ah, wuxuu u baxshay in uu Adduunka Dadka bani’aadamka ah ee tabaaleysan wax loogu qabto.

Markaas buu u sii mariyey Qaramada Midoobay asagoo marsiin kara Wadankiisa Mareykanka, waxay ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay in uu Bani’aadamka Wax taro adduunka Saaran, Diin kastay haystaan Christain,Yahuud,Muslim , Budhist Iwm.

Ted Tuner waa hal shakhsi oo Allaah Maal siiyey, bal Akhristoow wali ma maqashay Sacuudi Carabiya oo wax 100 kun ka badan bixineysa !!! Boqor Cabdallah Hal bilyan lacagta uu gaar u leeyahay ayaa ka badan se ma laga yaabo in Sacuudi oo dawlad Qani ah ay intaas bixin karto !!!!.

Ted Tuner Sida aan annigu hubo (3) wax Ajar uu ka helaayo ma jiro arrinkaas Aakhiro ahaan oo waa Hal Bacaad lagu lisay sida uu Allaah sheegay :

(مثل الذين كفروا بربهم اعمالهم كرماد اشتدت به الريح في يوم عاصف لا يقدرون مما كسبوا علي شئ ذلك هو الضلال البعيد ) Allaah wuxuu Quraankiisa ku yiri : ( kuwa kufriyey ee camal fiican sameynaaya wuxuu camalkoodu noqonayaa Maalinta Qiyaamo Sida Bus oo kale oo Dabeyl xoogan ku timid Maalin Duufaan jirto oo kala tuurtay, waxay kasbadeen waxba ka helimaayaan, taasi waa dhumis aad iyo aad u fog )  14:18.

Laakiin Boqoradda Muslimiinta iyo Madaxweynayaashooda oo qaarkood hantidooda lagu tilmaamay 4 bilyan,6 bilyan,10 bilyan,12 bilyan iwm.

Haddii ay wax ka hormarsan lahaayeen Maalinta Qiyaamo ayey u fakan lahaayeen.

Se waxaa hubanti ah Ted Tuner in uu Dad bani’aadam ah caawiyey oo u beer naxay sidii waligeedba ay u dhici jirtay sida Abuu Judcaan oo ahaa Nin waaggii Jaahiliga ee nabiga ka hor noolaa, oo Caan ku ahaa Quudinta Masaakiinta ilaa la sheegay Digsiyadda uu Wax ku Karin jiray waxay le’ekaayeen Nin joogiis !!! Markaas ayey Umunaa Caa’isha Nabiga weydiisay Yaa Rasuululaah Maalinta Qiyaamo Ibnu Judcaan Wixii uu Hormarsaday wax ma u taraayaan ? markaas buu ku yiri maya maxaa dhacay maalin kaliyah Waligiis ma oran : (غْفِرَ لِي خَطِيئَتِي يَوْمَ الدِّينِ ) Ilaahoow Danbigeyga ii Dhaaf  Maalinta Qiyaamo ee la is abaalmarinaayo.

Akhristoow Ted Tuner kaligiis sidaas wax uma sadaqeysto waxaa kaloo ka mid ah Maal qabeenada Reer Galbeedka sida  Bill Gates iyo kuwa kale oo fara badan oo malaayiin Doollar Sanad kasta ku Deeqa Abaaraha Adduunka ama Waxyeelooyinka ay keento Duufaantu, Dhul gariirka ,Tsunaamisa Dabka ,Daadka iwm.

Haddaba aan u soo daadago waxay Kuwa Diinta Sheeganaaya ee Al-qaacidda iyo Taalabaan iyo  Al-shabaab iyo Boca Xaraam maxay Ummadahooda u qeybsheen Hal bilyan oo Gumuc rasaaseed ah !!!!

Maalin kasta Dagahaaga ayaa diidaaya Muslimiinta Adduunka Rasaas Darteed iyo Banbooyin ku Dhimanaaya ,maxay Hooyo ka oohisiiyeen, maxay Abbo Goblamiyeen, maxay dad aan waxba galabsan Qudha ka jareen !!!! Maxay …. maxay maxay….   ?????? !!!!!!.

SHIIKH UMAL HA LA IGA GAARSIIYO :

Shiikhayga sh Mohamed Cabdi Umal  ayaa Muxaadaradiisii uu Al-shabaab KHawaarijta ku tilmaamay yiri : ( Taalibaan waxay leeyiihiin 70 culumo oo shuuro ah oo Dagaalka hogaamisa, sidaas bay ku guuleysteen !!! Jihaad aan Culumo Hogaamineynin sida kan shabaab meel ma gaaro ) !!!!!

Shiikh Umuloow sow maadan maqlin gabadha yar ee 14 jirka ah ee malaa ee lagu lagu toogtay Swat valley , maxaayeelay waxay u ololeysaa in Haweenku wax bartaan ama gabdhaha Dugsi la geeyo !!!!.

Fiqhigee keenaaya 14 jir waliba gabar ah in la dilo, waa caalimkee ku dhiiran kara in 14 jir Doodeeda loo adkaysan waayey oo lagu xaliyo Xabbad  ama gumac Rasaaseed !!! waa islaamaah aaway Islaamkaygii aaway Islaamkeygii !!!!

Gabar 14 jir ah Caalimka u dul qadan waayey Hadalkeeda tolow ma shabaab baa ??? Tolow ma cali dheeraa , tolow ma Xasan Turkibaa ??? tolow ma Godanaa !!!

Akhristoow kuligood waa isku sinji Al-qaacidda, Taalabaan, Al-shabaab, Boca xaraam , Sacdiyiin , iwm.

Akhristoow gabadhii ma dhiman oo isbitaal baa debedda loo geeyey Wadanka ingiriiska, waxay Taalibaan ku Hanjabeen haddii ay Swat valley ku soo noqoto waa tooganeynaa  !!!! Allaah  Yaa Rabi Xikmad yaraa ,caqli xumaa  !!!!.

Waxaan Maqaalkayga ku soo Afmeerayaa Xadiiskii Nabiga NNKH uu yiri :

[ ( Faaris  Islaamku wuu  jabin doonaa, se Romanka ilaa qiyaamo   Boqortooyadoodu   wey jiraysaa ) ama sidaas oo kale ayuu nabigu yiri !!!! Markaas buu yiri Raawigii Xadiiska oo ahaa Camar bin Caas  Haddii Roomanku Boqortooyadoodu ilaa Qiyaamaha jireyso waxayy ku kasban doonaan Caddaalad ay dadkooda u sameeyaan, Haweenka Ragoodu dhintay iyo Carruurta Agoonta ah  ayey caawin doonaan, Dadka waayeelka ah iyo masaakiinta ayey u Gargaari doonaan iwm ] .

Marka Akhristoow Nin Hal bilyan sadaqeystay oo Ban’iaadam Caawinay iyo Midka Qoriga iyo banbada la rooraayo kala mudan Wanaag !!!!

CAQLIGII WANAGSANI ITAAL IN UU KA ROON YAHAY BAL EEGO U FIIRSADA !!! 

FII AMAANI LAAH !!!! 

SHIIKH SAAHID MOHAMED YUSUF

VA, USA

sahidyusuf@yahoo.com

AL-MUTAKHASIS FIL XARAKAAT AL-ISLAAMIYAH. 

1) Diimaha Nabiyada oo dhanba waa Islaam.

2) Carabtii hore ayaa gabdhaha nolal ku duugi jiray.

3) Ted tuner asagu markuu wax bixinaayo sadaqo ayuu ka wadaa sida pop koodu u sheegeen.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.


FAALLO: Isku ekaanshaha halgankii Vietnam iyo kan Khaatumo

$
0
0

Maqaalkan ayaan uga gon leeyahay inaan isku barbardhigo halgankii jamhuuriyada Vietnam iyo kan dadka Khaatumo oo marlabaad dib usoo cusboonaaday.

Dadka Khaatumo ayaa taariikh dheer u leh halgan ay kala horyimaadeen gumaystayaashii ciida iyo dadka soomalia kuwaas oo falal lid ku ah jiritaanka umada soomaliyeed si aan hayb laheen kula kacay. Hadaba sida caadada ah mar kasta oo ay yimaadan fikrado ku dhisan dulmi iyo gumasysi lagula kaco bulsho meel dagan waxaa jirra shacuub ka dhiidhisa fikradahaasi una kacda inay heeryada iska tuuraan cadawgana kala horyimaada halgano dhiig badani ku daato.

Dalka Vietnam waa dal ku yaala bariga fog ee qaarada asia, dalkaasi waxaa lagu qiyaasa dadkiisa tira ahaan 90.3 milion  , dalkaasi wuxuu taariikh u leeyahay dagaalo boqortooyooyin ku halgamayay hanashada dhulkaasi iyo waliba kuwo ka dhexeeyay shacabka Vietnam iyo gumaysatayaal isku badbadalay si ay u muquuniyaan fikirka xorta ah ee shacabka Vietnam. Dadka daga Vietnam waa dad wadaaga luuqad, midab iyo dhaqan kaliya ,waa dal leh khayraad isugu jira beero, bad iyo kaymo. Kasakow hardamadii boqortooyooyinkii china iyo japan, dadka Vietnam waxay waajaheen cadaw ku hubaysnaa hub casri ah, stratigiyad dhisan oo si toos ah wax u yeelaysa jiritaanka dal ahaan ee vienam, stratigyadaas ayaa ku salaysneed in dadka badan ee Vietnam loo qaybiyo laba dal si meesha looga saaro midnima iyo jiritaanka jamhuuriyada Vietnam.

Dalka France oo ahaa gumaystihii kowaad ee dalkaasi ayaa horaantii gumaysigooda kusoo galay dalka inay la yeelanayaan xiriir ganacsi iyo mid dhaqaale sida ay ula yeesheen qaar kamida dalalka asia lakiin markii danbe siyaasadii fransiiska ee ku waajahnayd dalkaasi ayay daaha ka qaadeen iyaga laftirkooda kadib markay isku dayeen inay ka faaidaystaan shacabka firfircoon ee Vietnam iyagoona u isticmaalayay nidaama slave trade ama ka ganacsiga dadka, iyo waliba kala-goyn ku salaysneed arrimo dhaqaale iyagoo dhulkii ugu khayraadka badnaa la maagay inay si gaar ah u gooyaan. Hasa yeeshee shacabka Vietnam waxay gaashaanka u daruureen inay aqbalaan fikradaahaasi meel-waaga ah sida ay shacabka soomaliyeed uga horyimadeen gumaysigii ingiriiska iyo talyaaniga.  Halkani waa isku ekaanshaha halganka barakaysan ee shacuubta Khaatumo iyo kii shacabwaynaha Vietnam, waxayna si isku mid ah uga horyimaadeen fikrad ku salaysan kala-goyn si loo yareeyo awooda dalalka soomalia iyo Vietnam waa sida ay isugu xigaane.

Kadib fashilkii France waxaa u daba maray dalka maraykanka si uu ugu muquuniyo inay qaataan fikrada kala-goynta waxaana la ogaa waxa uu ka dheefay maraykanu kadib markii uu hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee shacuubta Vietnam ee Hu Chi Minh uu sidii Sayid Maxamad Cabdulihii daraawiishta uu gumaysataha kala horyimi kumaanaan kun oo u halgamayaal ah una diyaar ah inay naftooda u huraan intii lakala goyn lahaa soomalia iyo Vietnam.

Halgankii hu chi minh iyo kii sayidku waxay ka duulayeen hal agande kaas oo ahaa ka hortagida kala-goynta umada ka midaysan dhaqanka, afka, diinta iyo midabka kaas oo keeni karra daciifnimo ku timaada shacuubtaasi. Ladabaas halgame waxay ka mira dhaliyeen halgankoodii waxayna ka tageen dalalkoodii oo xor ah waxaana xusid midan in labada ay kaga tageen laba taalooyin oo ay muujinayay naftii hurnimadii ay u muujiyeen shacabkooda tabarta yaraa iyaguna ay ula kulmeen dhibaatooyin iyo jabhadayn.

Hadaba waxay Soomaalia iyo Vietnam noqdeen dalal mid ah ayna ku fashilmeen gumaysatayaashu hamigoodii kala-goynta. Lakiin nasiib darro shacabka soomaliyeed waxaa markale dib ugusoo laabatay fikradii ay ka dhiidhiyeen halgamayaashii soomaliyeed taas oo ay waajib tahay in la hello hogaan si heer sare ah uga hortaga waxaanuna la soconaa inay jiraan dhaqdhaqaayo soomaliyaysan oo ka jira deegaanada fikrahadaasi dib ugu soo noqdeen taas oo ay hormuud marlabaad u yihiin shacuubta Khaatumo.

Isku ekaanshaha labadan halgan ee dalalka Vietnam iyo Khaatumada soomalia waxay muujinaysaa inaysan marnaba suuragal ahayn in la muquuniyo shacuubta dalalkaasi soomalia iyo Vietnam. Waxaa laga yaabaa in la is waydiiyo muxuu qoraagu u barbardhigay dal dadkiisu yahay 90 milion shacab kamida dadka soomaliyeed, waxaase muran madoonta ah in halgankii Vietnam ay wadeen waqooyiga Vietnam dad daga ayna u horseedeen inay uga faaideeyaan dhiigooda shacabwaynihii dulmanaa ee Vietnam, taasi waxay jawaab u noqonaysaa arrinkan. Shacabka Khaatumo waxay ku maamusaysan yihiin inay u halgameen jiritaanka umada soomaliyeed ayna dhiigooda uga faaideeyaan umada soomaliyeed. Waa ay jiraan halgano kalle oo ay Somalidu u gashay xornimadooda lakiin taariikhda laguma sheegin mid u dhigma halgankii barakaysnaa ee daraawiishta.

Ugu danbayn, soo noqoshada halgankan waa mid kasoo ifbaxay deegaandii uu awalba ka bilawday lakiin taariikhda ayaana xussi doonta. Waxaa intaas dheer in kuwii awalba doonayay inay kala-gooyaan Soomaali ay haatana horboodayaan kala-goynta siyaasadaysan ee umada midka ah ee soomaliyeed. Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ka bilawday midawga boqortooyada kuwaas oo loogu magac daray wadahadalada soomalia iyo Somaliland taas oo cid kasta oo aan soomali ahayn u arkayso inay tahay laba dal oo wada hadlaya. Arrinkaasi wuxuu khatar ku yahay jiritaanka jamhuuriyada soomalia waxayna ku timid fudaydka siyaasiyiinta koonfurta kuwaas oo haatan ku jira xaal aan qallinku qaban. Lakiin waxaa markasta in la xusso mudan inaysan shirar meelo lagu qabto aanay wax saamayn ah ku yeelanayn gudaha waqooyiga soomalia waxaana uga fillan inay taariikhda wax ka bartaan. Marnaba suura gali mayso inay soomalida waqooyi ka go’odo kuwa koonfureed hadiiba ay koonfurtu u riyaaqdo. Waxaana jira fikrado badan oo midba mid furri doono, hadii Soomaalida koonfureed aqbasho kala goynta soomalia meesha haku darsato inaanay jirin koonfur ee ay jiri doonto dawlado badan oo koonfureed ayna sidoo kalle jirayaan dawlado badan oo waqooyi taasina ay noqon doonto miraha kala-qoqobnaanta lakiin marnaba aysan dadka qaarkii ku haminin in wax loogu yeero Somalia iyo Somaliland dawlada noqon doonaan kaligood. Taariikhduna waa mid ay arrinkaasi xussi doonto.

W/q. Dr. Adbijaliil Mahamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

 

Xog iyo Gorfeyn: Ahlu-Sunna: Rajo gurtay iyo Xukun gurracan!

$
0
0

Inta aadan cinwaanka ka caroon, inta aadan Wadaadada dambe igu xugmin[AL ITIXAAD+ALSHABAAB] inta aadan igu dhibsan eray qallafsan, inta aadan kahan adoo is leh; maxaa Wadaadada is difaacaya ku tusay?! Inta aadan u damqan dareen aan jirin, bal adoon xoortaysnayn ila dhiraandhiri inta dhacday, iyo inta dhimman ee dhawaan soo socota.

Sida loo kala irdhoobay, waxaa baahay BEELAYSI baaxad weyn. Mar ahaa ISKAASHI, mar ahaa DUULLAAN, mar kale ahaa DIIMAYSI, marna ahaa MAAMUL. Inta laqdabada iyo luggooyoda loo heellanaa marka laga reebo, waxaa wax laga dhaxlay waa midka iskaashiga iyo maamul wadaagga lagu saleeyey, oo noqday furaha nolosha, deegaanno dhawr ahna lagu helay naruuro yar oo nabad iyo nagaadi ah, yeysanba buurnayn, oo wax la’aan ayey dhaantaaye.

Qallibkii Siyaasadeed ee dalka ka dhacay, haddii qawlaysato qabiillo ku daaban qoolka xireen, ee dad iyo duunyaba baaba’sheen, AQOONYAHAN iyo INDHEERGARAD lagu diimay, cabsi iyo inaysanba jirin midba. Waxaa la islahaa Wadaadada iyo Diinta wax dhaama ma lahan. Waa maroo iyagaa dadka Alle uga dhaw aqoon iyo garasho awgeed ama ugu dhaw cabsi iyo cibaad darteed. Waa marka kalee, waxaa dadku halkudhig ka dhigteen haddaan la qabsan XARIGGA ALLE inaan dawlad iyo maamul dhismayn!

Hadda ka hor baa nin MA DUKADE ahaa, wuxuu damcay inuu SALAADDA dib u billaabo, dabcan HANUUN iyo TAQWO doon buu ahaa. Nasiib wanaag wuxuu ku soo aaday SALAADDII CASIR, oo ah mid ka mid ah labada SALAADOOD ee dardaaranka gaarka ah laga baxshay, midda kalana waa SALAADDA SUBAX. Hadduu MASJIDKII galay muxuu la kulamy oo qabsaday?.

Waxaa qabsaday HOOG iyo BA’ go’aanka uu ku qaatay ay saamayn weyn ku yeelatay noloshiisa intii ka harsanayd. Markuu MASJIDKII galay, ee qaybtii WAYSO qaadka aadayey, ayuu Kabihii isaga siibay ILLINKA MASJIDKA, halkii ayuu ku Wayso dhammayastay, dabadeedna Salaaddii iska dukaday, isagoon wax dareen ah qabin, aan ka ahayn inuu maanta ALLE ugu dhaw yahay intuu noolaa.

Hadduu Salaaddii soo dhammaystay, Duco iyo Adkaar intuu ka gaarana soo marsaday, ayuu u soo dhaqaaqay dhankii kadinka, isagoo doonaya inuu u buxo dibadda Masjidka. Hadduu bannaankii isaga soo taagay, saa Kabihiisiiba ma yaalliin, maxaad ii dhiibatay? Ninkii waagaa ku baryey, dhankan eeg, waxyaalla ma lahan, dhankaa kale eeg, ha ku sheegin, dhankaa kale eeg, adaaba sheegaya! Hadduu cabbaar jeesjeestay ayuu ka huleelay isagoo CAGACAD.

Qarracankuu ka qaaday yaaba WADNA QABAD ku noqotay, illeen kama bixi karin inuu Kaba gatee. Miskiin ayuu iska ahaa aan xoolo sidaa ah haysan. Danuba tiri, inuu Kabo raadsadee, Casirkii xigay ayuu maqlay SALAADDA oo la AADAAMAYO, waaba is celin waayey, oo wuxuu la soo booday: “MAQL, MAQLA, MAQLA, TUUGADII AYAA ISU WACANAYSEE!

Dhacdadu run iyo mala’awaal midey tahayba, waxay muujinaysaa sida loogu kadsoomay sheekadii WADAADU wadeen. Sidoo kale, waxaan u soo qaatay sida loogu hungoobay XARIGGII ALLE ee la lahaa wuxuu unug u yahay dalwad Soomaali oo dhisanta. Oo kaalay inta dunida dawlado ka dhisan imisa ayaan XARIG ALLE haysan? Maxaa keenay inay wax u dhisan yihiin, anaguna aan eber u taagan nahay? Maa runta la abbaaro oo maaweelada dhan nalaga dhigo? Haddii kale, maalin walba NIMAN aan jirin ayaan sugi doonnaa.

Haddii XARIGGII ALLE xirmi waayey, ee meeshii laga sugayey in lagu diirsado dhib kalaba abuurmay, waxaana dhibkaa abuurmay ka mid ah AHLUSUNNADA GOBOLLADA DHEXE iyo dabcan midda GOBOLKA GEDO. Maalintii ay qoriga qaateen ee ay iclaansheen inay ALSHABAAB iyo QUWADDA SHARTA ku JIHAADAYAAN, lama hayo wax yool ah oo la gaaray, ha noqoto dal xoraysan ama deegaan nabada, oo dabcan maamul iyo kala dambayni ka jirto.

Ayaan darrada baase ahayd, in JIHAADKII noqday JIDGOOYO cusub, illeen  talo Tigree iyo tab Xabashi ayaa tubteeda la qaadee. Marka laga hadalayo in AHLUSNNA iska caabinayso falalka gurracan ee ALSHABAAB saw iyaguba ma ahan DHAL AMXAARO? Micnaha saw ma ahan dhisme Amxaaro samaysay ee ay walibana fangarayso ciidan aahan iyo cudud ahaanba? Mise iyaga AWLIYO iyo MALAA’IG ayaa ka garab dagaallanta, oo Xabashi uma baahna? Isma dhihine!

Midda aan qofna dood ka qabin waxay tahay, in qofkii ku dhiba, ee dhabbaqo iyo shidaad kaa dayn waayo, aysanna jirin qof kaa celiya ama aadan helayn ay xaq tahay in aad u doonatid wax kaa hor istaaga, SHAYDAANBA ha noqdee. Malaha waana midda AHLUSUNNO xoogga saartay, hadday taa ku guulaysatay, maxaa xigay? Waana qodobka aan qoramada ku falanqayn doono.

Dhawr kol baan isku dayey inaan muujiyo cabaqadda halkaa ka socota iyo sida xaalku u cakiran yahay, marka laga hadlayo maamulka iyo hoggaanka. Bal aqriste, dib u jeedaali qormooyinka kala ah:

Ahlusunna: Awood aan Aragti lahayn!” “Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna” “Xerta Ahlusunno: Xigaalada Xabashida ee Xilligan.” Iyo “Ahlusunnooy: Lagga aragtaye Laaca ma ogtahay?” oo dhammaan ku qodbanaa talo iyo tusaalayn.

Saddax sano ka dib, DEEGAANKA GOBOLLADA DHEXE yaa taladiisa gacanta ku haya? Haddii qorshe daba dheeraado, wuxuu keenaa daldaloollo badan, sidaa awgeed, kan AHLUSUNNA isagaaba markii hore iska daldaloolaye, maxaa yeelay haddaad AL uga gabbanayso AL kale inaadan meel dheer gaarayn way muuqataa. Waxaan uga jeedaa, caqli ahaan WADAAD waa WADAAD, ee waxay ahayd in WADAADADA SUBAGLAYDA ah aan loo dayn maamulka deegaanka. Ma ahan inaysan wax ku lahayn ama loo diidayo, ee waa iyaguba inaysan ka aragti gaddisnayn kuwa ay iska caabinayeen dhanka maamulka iyo awood qaybsigee.

Waxaan uga jeedaa, maamulku waa inuusan salka ku hayn wadaad iyo warkii. Illeen wadaadku inuu Aadane yahay ka sokow, waxaaba nooga filan inta aan indhaheenna ku aragnee, oo dib dambe aannaan ugu dagmayn, waa haddii la doonayo nolol iyo naruuro, haddiise ay tahay inta ka sacabba jafatid seerada ha loo daayo waa gaar, waana midda aan ka baqayo inay iminka hirgali rabto, haddii aysan hirgalinba.

Sida loo kala guuray oo kala geeddi loo noqday ayaa loo kala degay. Degid deegaan iyo mid dareenba. Haddana meelaha aan wali degin ee ay ugu horreeyaan deegaannada ay ka arrimyaan AHLUSUNNA ee leh GOBOLLADA DHEXE iyo GOBOLKA GEDO, waa inaan is weydiinnaa waxa keenay arrintan? Waa inaan u helnaa jawaab. Illeen intaa waqtigu waa socdaaye. Maalin walba oo na dhaaftaa dib u soo noqon mayso, haddaan lagu gudan waxqabadkeedee.

Dib u milicso maalintii ay hana qaadeen ilaa iminka, lama haayo tallaabo horumareed oo ay qaadeen ee dhan walba leh; xag ammaan, xag maamul, xag dib u hesheesiin, xag dib u dhis, xag dib u dejin IQB. Laga yaabee aqriste, inaad is leedahay haddi waxaad nimankan weydiinaysaa waa hawshii looga fadhiyey dawladda dhexe? Waxaanse kuugu warcelinayaa inaan waxqabad walba looga fadhin dawladda dhexe, maxaa yeelay qofkii xil qaaday ee deegaan matala waa inuu ka soo dhalaalaa, haddii kale, magac uun muxuu qaban?.

Saddax sano oo hurmar la’aan ah, saddax sano oo nabad la’aan ah, saddax sano oo colaad ah, saddax sano oo khilaaf ah, saddax sano oo magacaaw iyo casilaad ah, saddax sano oo shirar ah, saddax sano oo ay Aadis iyo Muqdisha u dhexeeyeen, haddana, aysan dadka deegaanaka u soo hayn wax natiijo ah oo la taaban kara, aan ka ahay inay ka mid noqdeen LIXDII SAXAL ee isku meeray ka arriminta aayaha Soomaaliya, ee uu maanta ka dambeeyo Mudane Faroole oo isna sii liiqliiqanaya.

Saddax sano oo qasaaro iyo macna la’aan ah ayaa na dhaaftay, haddana, bal aan su’aal dhigee, TALA XUMADA AHLUSUNNA MA TOL LA’AAN AYAA U WEHLISA? Dabcan, doodda ugu weyn ee ay soo jeedin doonaan, waa inaysan xoogba u helin si ay u dhisaan maamul, oo ay ku mashquul sanaayeen safka hore iyo sirta dirirta, balse, sida Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmarke mar hore yiri: “Gacanna qorigaan ku ridaynaa, gacanta kalana Vote-kaan ku bixinaynaa!” ka dib markay ku soo aadday doorashado dagaalkii 1964 dhacay.

Haddii tusaalooyin dhaxalgala jiraan, aanse cidna dhugaynayn, maxaan ku naallaa? Aan ka ahayn inaan nahay wada maqanaayaal aan joogin. Bal aan kala qaadee, AHLUSUNNADA GOBOLLADDA DHEXE waxaa Axmed C/salaam damcay qorshe ah inuu isu keeno siyaasiin iyo odoyaal ka soo jeeda deegaankaa, haddana, nasiib darro, isku daygaa isagoo curdun ah buu dhicisoobay, ka dib markii qarax lala eegtay Maqaayad ku taalla Magaalada Dhuusamareeb, oo ay ku geeriyoodeen Xildhibaan Yusuf Mire Seeraar iyo C/wali Aw Muxumed, kuna dhawaacmay Axmed C/salaan oo ahaa Aabbaha aragtidan watay. Aqriste, siduu u dhawaacmay adigu ma aragtay wax sheegayaa fikreddaa, hadday jiraanse, intee ayey la egyihiin? Waxaaba la dhihi lahaa: WAA GABLAN AAN GABBAAD LAHAYN! Aanba dabciyo si aan la ii dhihin waa Habaarramayaaye, aragtidaa waxay ku dhawdahay inay noqoto mid aan la hirgalin doonin, illeen wax warkeeda sheegayaba lama maqale.

Dhanka kale, GOBOLKA GEDO, waxaa sidoo kale ka jiray isku dayo dhawr ah, oo lagu damacsanaa in Gobolka maamul loogu sameeyo, balse, wali waxaaba lagu mashquulsan yahay iska caabinta Alshabaab. Haddana, waaba laga sii daray, ka dib markii Kenya laga keenay qorshe ay hormood ka yihiin Gaandi iyo Axmed Modoobe, oo dabada ka riixayaan Faarax Macallin iyo Yuusuf Xaaji. Waaba yaabe, rag Gaarisa wax u qaban la’ maxay Gobollo kale u gargaaraan? Haddii aysan ka ahayn; “SIDAAN U GUMOOBAY, HA LA IILA GUMOOBO!” “Tiisa daryeelaa, tu kale ku dara!” ayeyse murtidu ahayd. Qorshahaa oo la doonayo in maamul Kenyaati ah loogu dhiso Gobolka Gedo, taa oo ka dhigan fashilkii hore mid ka sii daran. Maxaa yeelay, haddii markii hore maamul la samayn waayey, ma waxaa lagu daboolayaa in Kenya dabada la gashto?.

Dabcan, aragtidan Kenyaanka dadka deegaanka aad ayey uga soo horjeedaan, haddana, waxaa hubaal ah haddaan qatarta sida ay tahay looga hortagin inay berri keeni karto dhib kii hore ka weyn, oo mar walba Gobolka u dhexeeyo isjiijiidka Kenya iyo Ethiopia. Illeyn Gobolka wuxuu ku yaal xadka labadaa dawladeed, oo labaduba ciidan ka joogo Waddanka.

Inta aan kugu gudajiray diyaarinta qormada, ayaan duljoogsaday laba war oo aad u kala fog. Midi wuxuu ahaa in heshiis iskaashi dhex maray labada Maamul ee GALMUDUG iyo XIMAN iyo XEEB. Kan kalana wuxuu ahaa Maamulka XIMAN iyo XEEB oo ka horjeestay shir ka dhacay Magaalada GAALKACYO oo u dhexeeyey AHLUSUNNO iyo GALMUDUG. Labada dhacdo waqti badan uma dhexeyn, haddaa, maxaa midna loo oggolaaday, midna shaki uga yimid?.

Warcelinta sida ay aniga ila tahay, waa sidan: horta AHLUSUNNO maamul ma ahan, ee waa JABHAD ku kacsanayd ALSHABAAB, halka labada kale u yihiin maamullo ay dhisteen dadka deegaanka, aanna hoos tagin aragti diimeed iyo magac wadaad midna.

Sidaa awgeed, marka la wada hadlayo ama wax la wadaagayo, waa in la helaa isu dhigmaasho iyo wadiiqo, waxaan uga jeedaa, Maamulka Ximan iyo Xeeb ilama ahan inay diiddan yihiin Odayaasha ama Siyaasisiinta degmooyinka Dhuusa mareeb, Guriceel ama  Matabaan inay la xaajoodaan ama wada hadal la galaan, ee waxay ka biya diiddan yihiin waxay tahay Wadaad AL wata.

Ha is dhihin inay iyaguba ka maran yihiin, balse, markan gar wadeen uma aha, taa darteed, waa in la helaa rag badali kara magaca AL, haddii kale, dadaal walba wuxuu ku dhammaan natiijo la’aan, waaba haddaan la sii kala fogaan ama dirir kale dhicine, Allow naga haay adaa qaadiree.

Waxaa xusid mudan hadal uu yiri Madaxa Maamulka Galmudug Mudane Cabdi Qaybidiid, oo nuxurkiisu ahaa, inuu soo dhawaynayo qof walba oo ka qaybqaadanaya sidii loo ballaarin lahaa Maamulkaa. Taa oo keenaysa in xoogga la saaro is dhexgalka wax wadaagga iyo wax qaybsiga dadka deegaanka Gobollada Dhexe. Run ahaan aragtidaa waxay u baahan tahay in laga mira dhaliyo, oo dadaal iyo waqti badan la galiyo.

Tan kale ee muhimka ah ayaa ah in AHLUSUNNA aysan beel ahayn, meeshana waxaa dega waa beelo, dadka beelahaa u dhashayna qasab ma ahan inay feker diimeedka AHLUSUNNA wada aaminsan yihiin, sidaa awgeed, waa inaan lagu degdegin heshiisyada lala galayo Urur Diimeedka Ahlusunna, maxaa yeelay inta aragti Diimeed jirta ayey qayb ka yihiin.

Dhanka kale, marka la leeyahay Guddi Aqoon yahanno ayaa la magacaabayaa, waa iga su’aale, Aqoon yahan aan meel uu ku daaban yahay la garanayn sidee loo soo xulaa? Ha la soo xulee maxaa lagu soo xulaa? Ma waxaa qaybsanaya Galmudug iyo Ahlusunna? Saw deegaanka ma degaan in badan TOBAN BEELOOD? Meeye beelihii kale, mise labadaa beel kaliya ayaa go’aan ka gaaraysa inta kale ee ka maqnayd shirka? Iyadoo waliba qaarkood caddeeyeen inay ka soo horjeedaan shirkaa.

Qof walba oo GARAAD leh tallaabada in la qaado ay tahay ma ahan wax kale aan ka ahayn in:

  1. DHISME GOLE GUURTI XEER DHAQAN AH.
  2. GOLAHAN OO NOQONAYA MID U GOGOLXAARA ISFAHANKA BULSHADA GOBALLADA DHEXE una sameya dhabbaha ugu dhaw, ee lagu gaari karo DHISME MAAMAUL loo DHAN yahay.
  3. DHISME GOLE DHEXE, oo u hawlgala dhisidda GUDDIYO FARSAMO ee leh AQOON YAHAANNO, CULUMO AWDIIN, GANACSATO IWM.

Ugu dambayn, inta goori goor tahay, waqtigu anaguu nagu socdaaye, oo dhallaankeena ayuu ku socdaaye, hadda sida xaal yahay wax ha laga bedelo, illeen wax ay cid wax soo waddaa ma muuqatee. Waxaan la yaabaa marka ay aragti iyo hadal ka dhiibteen maamul u samaynta Jubbooyinka, waxaa la yiri: “TIISA DARYEELAA TU KALE KU DAREE” maxay ugu yaalliin deegaanno kale? Illeen iyagaanba meelna haysane.

Dhanka kale, waa in la isku dayo in wax laga badalo sidii hore, waa in la isu geeyo cududda iyo caqliga, lana hirgaliyo maamul, illeen maamul marka la gaabsho wuxuusan dhaafayn saddax qodob oo kala ah:

1-     Hoggaan kala haga maarayn maalmeedka iyo mutaqbalka dambe.

2-     Hoggaanka ciidan ee  suga nabadgalyada, ilaalinaya ammaanka iyo xasilloonida.

3-     Guddoonka Garsoorka oo labadii qof ee is qoonta wax kala dhaha.

Dhawrkan qodob nimanka awoodi  waayey inay hirgaliyaan wax loo sugaa aniga iima muuqdaan. Hubaal inay ku leeyihiin ama lagu leeyahay intuba waaba jiraan, haddana, sida ay u jiraan cid u garanaysaa ma jirto, illeen wixii dhan SHEEKH HEBEL baa wada hayee, oo hadda adigu kaalaay SHEEKHYO kala garo, war dhibkan jira bal eega.

Aan ku laabtee, Gobollada dhexe waxaa ka dhisan, GALMUDUG, XIMAN IYO XEEB IQB, inta kale, waxaanan u xusin sida kuwan oo kale meel rasmi ah uma maamulaan, marka laga reebo Hiiraan oo xaalkiisu gaar ah yahay oo xiriirna la leh dowladda dhexe, haddana uusan joogin maamul deegaanku doortey.

Haddaba, haddii aan AHLUSUNNA dhinac loo dhaafin, deegaankaa waligii arki maayo maamul. Adba AL ku doorso AL kale! Waxaan ka wadaa haddii Alshabaab meesha laga saaray, ASHA kale ee Alsunnana waa inay raacdaa. Illeyn nidaam hadday keenayaan intaan deegaanku uma afduubnaadeene.

Haddaan laga hortagin maqaarsaarka ay soo waddo Xabashidu, ee ay la damacsan tahay Gobollada Dhexe, waxaa hubaal in ay noqon doonto deegaan aan xasilloonayn maamulna ka dheer yahay. Bal adba eeg Gobolka Hiiraan waxaa jooga ciidanka Xabashida iyo Jabuuti, ilaa haddana maamul looma samayn. Ma kula tahay inay ujeed la’aan tahay? Ma kula tahay in dadka deegaanku aysan rabin inay maamul samaystaan?.

Qorshaha gacan ku rimiska ah ee Xabasidu rabto waa maamul ay ku magacaaban yihiin AHLUSUNNA, taa oo ay ka dhalinayso in ay sii kala dhantaalmaan deegaanna aanba hadda is haysan, ayna sii xoogaysato beelaysiga hadda ka muuqda saaxada siyaasadeed.

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

XOG iyo GORFEYN: Federaalnimada Koox baa ku Daneysata!!

$
0
0

 Waxaa Xaqiiqo ah inaysan “Federaalnimo” si buuxda u suurtogeli karin inta Gobollo badan ayna weli u dhisnayn Maamul Goboleed loo yaqaan.

Si Federaalnimo u hirgasho, waa in Gobolladii oo dhan hoosta ka dhismaan oo ay yeeshaan Dawlad gobolleedyo leh xaduudyadooda, maamul-hoosaad Goboleedyo, xeer-hoosaad Gobolled, isla markaana ay si buuxda oo leh astaan Dawlad-gobolleed ay si buuxda uga qayb-qaataan dhismaha hadoodilka Federaalnimada.

Federaalnimada hadda taagan waa arrin qabyo ah, sida Dastuurkuba uu u yahay qabyo oo loo baahanyahay in Qaladaad badan oo ku jira dib loo saxo, waxaana Federaalnimo buuxda la gaari doonaa marka Gobollaada aan weli dhismin ay soo hanaqaadaan.

Gobollada hadda Federaalnimada uu u hanaqaaday waxaa kamid ah: Somaliland, Puntland iyo Galmudug, keligoodna ma masali karaan Federaalnimo buuxda.

Cidda Federaalnimada u durbaan tumaysa gacan ha siiyaan dhismada Gobollada aan weli dhisnayn si ay u yeeshaan Dawlad Goboleed diyaar u ah kamid noqoshada habka Federaalnimada.

Ilaa Gobollada ay salka kasoo dhismaan, 3-da u taagan Dawlad-goboleedyo ma tibaaxi karaan Federaalnimo qabyo ah, cid ku xisaab-qaadan kartanah ma jirto.

Sidoo kale, qaadashada Federaalnimadu ma ahan arrin muqaddas ah oo lagu tusbiixsado ama laysku sanduuleeyo. Gobol walba wuxuu xaq u leeyahay inuu maamul ahaan u dhisan yahay kahor inta uusan kusoo biirin Federaalnimada.

Haddii laga baxay ku-meelgarnimadii, waa laga arrinsan karaa in dhismada dawladnimada lagu habeeyo Federaalnimo ama la qaato Dawlad dhexe oo sal-ballaaran, Golo Baarlamaan baana ka xaajoon kara Arimahaas.

Markii loo baahdo, waa loo codayn karaa in la qaato Federaalnimada ama daaqadda laga tuuro, waxaana haa iyo maya iska leh gobollada aan weli dhisnayn.

Waxaa dhisan Baarlamaan ka doodi kara Nidaamka Gobollada ku habboon inay qaataan: Inay u codeeyaan Dawladnimo dhexe ama Federaalnimo. Cidu kuma qasbana inay qaadato Federaalnimada, haddayna ku haysan danteeda guud. Waa arrin u baahan in la waafajiyo rabitaanka Bulshada ee Federaalnimadu ma ahan in koox yaru u durbaan tunto si ay ugu daneystaan.

Caqliga fiyow wuxuu is-warsadaa: Ma Federaalnimada ayaan Shiishka saarnaa mise waxaan xoogga saarnaa xallinta arrimaaha u dhexeeya geeri iyo nolol.

Wax walba Waqti ku habboon bay leeyihiin waana in la hormariyo Arrimaha Dhiig-joojinta ah, sida: Xoraynta gobollada argagixisado haysato, dibu-dejinta iyo taakulaynta Qaxootiga, soo Furashada Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsiyada Dalalka Shisheeye, soo noolaynta kaabeyaalka Bulshada, daryeelka Nugulka Bulshada, horumarinta Waxbarashada, daryeelka Caafimaadka, iyo la Dagaaalanka Musuq-Masuqa.

Sidoo kale, Bulsho-weynta Soomaaliyeed waxay xaq u leedahay inay Fikradooda cabbiraan, iyadoo la tixgelinayo Codka iyo rabitaanka Gobollada aan weli dhsinayn.

Sidaan horey usoo sheegnay Cadaaladu waa Furaha Nabada, hadii Nabad la helo Hormar baa la gaaray, hadii Hormar la gaaranah Midnimo Soomaaliyeed oo aan liiq-liiqan ayaa udbaha loo taagay.

Wa billaahi tawfiiq…


Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - Ayuub.a.aden@keydmedia.net

FAALLO: Puntland “Boqortooyadii Bisadaha” miyaa!!!?

$
0
0

Siyaasi weyn oo rer Puntland ah ayaa hore u sheegay inay degaankaas ka jirto wax uu ugu yeeray Boqortooyada Bisadaha “Cats Kingdom”. Taasoo buu yiri markuu curriga weyni keligi laf haysto curiyada yar yari inay agtiisa yaaw-da guraan maahee intaa umasoo dhaafaan, bisadaha kalena iyaga bal warkoodba daa.

Waxa taa ka dhigan, Puntland maalinba ninkii ka madaxa ayaa curri ka ah, dastuurka iyo shuruucda dalkuna waa isaga. Cid kastoo mucaaradana codkeedu sidii yaaw-dii bisadaha, madaxweyne waan ku aragnaa ma dhaafsana. Bal eega sida hawlyarida ah ee madaxweyne Faroole usii wato feenashada laftiisa mucaarad ku sheegiina yaaw-diisii usii tabardhigtay.

Ujeedkaygu maaha inaan Faroole u hambalyeeyo ama mucaaradka Punland guubaabiyo. Balse markii wax kaleba meel layska dhigo, waxan ka aamusi kari waayey sida ay u shiiqeen iyo halka ay ku dambeyeen dadaaladii uu Jen. Cadde Muuse ugu kala dab qaadayey dhinacyadii u muuqday inay isku hayeen siyaasada Puntland.

Abaare bartamihii bishii December 2012 ayay ahayd markii uu ka soo degay Bosaso Jen. Cade, oo ah madaxweynihii keli ahaa ee soo mara Puntland oo isagu ka xishooday inuu kororsado mudada xilkiisa, bulshaduna ku qadariso ilaa hada. Imaatinkiisu wuxuu yididiilo geliyay muwaadin kasta oo soomaaliyeed oo ay damqaysay khatarta kasoo fool leh isqabqabsiga kasoo yeerayey Puntland oo ka mida meelaha tirada yar ee Somalia xasilooni ka jirto. Durba wuxuu Bosaso kula kulmay madaxweyne Faroole, dabeedna mucaarad ku sheegii iyo waxgarad kaloo badan ayuu shirar kula qaatay Qardho, Garowe iyo Galkacyo. Ugu dambayntiina wuxuu isagoo afka gacanta saaray dib ugu guryo noqday magaalo xeebeeda Bosaso oo uu kasoo socod bilaabay. Halkii laga sugayay warbixin wixi uu kala kulmay dhinacyada u muuqday inay is hayaana wuxuu siyaasiga weyn ee ruug cadaaga ahi taa ka door biday inuu ka gaabsado ka hadalka siyaasada Punland.

Waxay dad badani aamuska Jen. Cade ku macneeyeen inuu ugu dambayntii u hogaansamay xeerkii “Boqortooyada Bisadaha”. Qaar kalena waxay u arkeen inuu ku qancay inaan waqtiga haray oo yar darti waxba laga qaban karin xaaladaha taagnaa. Dar kalena waxay weli ka dhursugayaan mucjiso uu madaxweynihii hore sidii ushii nebi Muuse mar qura xaqa iyo baadilka ku kala saari doono.

Si kastaba ha ahaatee, qolyihii iyagu mucaarad baan nahay ku doodi jiray qudhoodii waxay 8dii January ka dib u qaybsameen nin dhoofay nin dhuuntiyo nin dhabarka u goday xeerkii Boqorooyada Bisadaha. Nabadoonkii ugu mawqifka adkaa Mudug, Yasin Cabdisamad oo mucaaradnimo darted xabsiga loo dhigay, warsaxaafadeed  uu qabtay 8dii January wuxu ku yiri: “Faroole iyo wiilashiisa aynu boqortooyo u caleema saarno illayn isma haysan karno weligeene”.

Hadaba dabagal lagu sameeyay waxa aamusiyay ergaygii nabadaynta Puntland, isla markaana makarafoonkii mucaarado la moodka dabka ka bakhtiiyey ayaa hada lagu ogaaday in inta badan bulshada Puntland oo uu u horreeyo Jan. Cade iyo mucaaradka qaarkiba, ay hala rooro run moodeen.

Taariikhda markaan dib u yar milicsano Faroole waa tuu ragii huwanaa shaatiga mucaaradada la heshiiyay horraantii ansaxinta dastuurka cusub ee Puntland. Waa tuu horjoogihii mucaaradka Mudug, wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Maxamed Cali Yusuf Gaagaab uu goobjooge ka noqday shirweynihii lagu ansixiyay dastuurka 5ta sano u jideeyay Faroole. Halka uu horjoogihii mucaaradka Bari wasiirkii hore ee amniga Puntland Jen. C/llahi Sicid Samatar uu door biday inuu dibeda u dhoofo heshiiskii ka dib, isagoo ka cududaartay goobjoognimada shirweynaha.

Dhowr bilood ka dib ayay labada nin iyagoo ku andacoonaya inay weli mucaarad yihiin, waxna iska bedelin mawqifkoodii ay ku diidanaayeen xil kororsiga Faroole kasoo laabteen safarkoodii dibeda. Nasiib darro waxay labaduba ku kala fariisteen kuraastoodii hore ee horjooganimada mucaaradka Mudug iyo Bari, iyadoon cidina kaga hor iman khiyaamadii ay sameeyeen. Xataa siyaasiyiintii kale oo ay mucaaradnimada isla sheeganayeen isma weydiin muxuu noqon karaa qandaraaska kale ee nimankani Faroole lasoo galeen haduu kii hore dhamaaday?  Taas bedelkeed gacan yarayaashoodii xalay dhalay iyo xeerkii “Boqortooyada Bisadaha” ayay dhanna u dhaafi waayeen. Isla markiina waxay dhankooda kala tumeen durbaankii mucaaradada oo ushii lagu tumi lahaa mar hore Faroole nimankani gudoonsiiyeen. Sidaa darted ayaa durbaanka mucaarado ku sheega diryankiisu bulshada badankeed u daari waayay.

Jen. Cade Muuse-na safarkiisii xaqiiqa raadiska wuxuu kusoo ogaaday inaan mucaarado dhab ah oo ka horjeeda qorshaha Faroole aysan jirin. Haday jiri lahaydna in Faroole mar hore madaxa kaga taagay rag magaceeda ku qaraabanaya isagana u maalinaya si aanay meesha usoo gelin mucaarado dhab ahi. Sidaa darted ayaa jananku ka maskab jabay sida saaxiibadiisii hore ee siyaasada Puntland simsaaro isugu bedeleen, isla markaana arkay haba qalloocnaado kororsiga Faroolee inaanu qatartii la moodayay inay kasoo fool leedahay isku dhaca labada dhinac meesha ku jirin, dabeedna isagoo xushmaynaya xeerka “Boqortooyada Bisadaha” ayuu bustihiisa hoos galay.

Hase yeeshee Faroole siduu ugu guulaystay inuu bulshada rer Puntland ugu hodo mucaarado aan dhab ahayn ee isagu gacantiisa ku sameeyay, ayuu la damacsan yahay inuu mustaqbalkana ku dago xisbiyada magac u yaalka ah ee uu isagu meel kasta kaga dhawaaqay, rag Gaagaab iyo Samatar oo kale ahna madax uga dhigay.

Waxay taasi soo bixi doontaa markay qabsoonto doorashada golayaasha degaanada oo uu Faroole u asteeyay bisha May ee fooda inagu soo haysa. Taasoo ay ku tartami doonaan sida la shaaciyey 6 xisbi oo kulligood xisbigiisa Horseed ka farcamay ayna ansixiyeen gudigiisa doorashada ee gacan ku rimiska ah. Waxayna siyaasadiisu mira dhal u noqon doontaa markay sannad ka dib 3da xisbi oo uu 6daas ka doorto jilida riwaayada xisbiyada badan kusoo bandhigaan doorashada 8da January 2014 sida isaga u qorshaysan. Xilligaasoo rer Puntland sidii caadada u ahayd iyagoo xeerinaya dhaqankii “Boqortooyada Bisadaha” ay dimoqraadiyada Faroole sida la filayo mahadin doonaan.

Hadaba su’aashu waxay tahay madax qarsiga cade iyo waxgaradka kale ee Puntland immisa in le’eg ayay xeerinta dhaqanka “Boqortooyada Bisadaha” ku daba joogi doonaan macangagnimada Faroole, gudiga uu magacawday, xisbiyo macna belay iyo mucaarad marin habaabay  inay masiirkooda go’aamiyaan?.  Jawaabta su’aashaas waxan u daayey bulshada rer Puntland!!! 

W/Q: Ahmed Warsame

awrsame@live.com

London, UK

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Aqoon yahan Aragti ka arradan!

$
0
0

Waxaa la yiri: “Dadku waa labo: WANAAGSANE iyo WANAAJIYE” malaha murtidu qaybteeda hore waxay ku daaban tahay maahmaahdii kale ee ahayd: “WEYNAADAA WANAAGSANAADA!” mid kale waxay leedahay: “TIISA DARYEELA TU KALE KU DARA!” mid kale baa tibaaxda: “NINKAAD KABA KA TOLANAYSO, KABIHIISAA LA FIIRSHAA!

Qodobka Murtida hore ku jira ee ah: “WANAAJIYE” waxay si cad u tilmaamaysaa oo qayaxan: ABWAAN, INDHEERGARAD, GARAAD, AQOON YAHAN, IWM marka laga reebo midda u dambaysa, intooda kale xooggoodu waa hibo Eebbe iyo u dhalasho calool hooyo lagala soo baxo, waase jirtaa waayo aragnimo waqtiga laga qaato, ee ka dhalata dhacdooyinka iyo nolol maalmeedka.

INDHEERGARAD helitaankiisa oo adag, erayaba ku lumin maayo. Halka ABWAAN iyo GARAAD la garan karo, lana heli karo, yaanse GARAAD loo qaadan kii DHAQAN Beeleeladka la xiriiray. Eraga ABWAAN fara xumaynta loo gaystay, aanba dhehee LA KUFSADAY! hadday sax tahay oo aan dhaliili ku jirin. Maxaa yeelay xushmadduu xambaarsanaa, xigmadduu waday iyo xilkuu mudnaa intaba waa laga xayuubiyey, oo loo xiray ama lagu xardhay xislaawayaal aan xaraf sixi karin.

Sida cinwaanka qormaduba yahay, waxaan ku eegayaa AQOON YAHAN, oo run ahaan marna in badan loo HANQALTAAGAY, marna in badan lagu HUNGOOBAY oo lagu HANJABAY. Maxaa yeelay sida eraga ka muuqataba, qoladaasi waa intii AQOONTA ehel u ahayd, ee bulshada inteeda kale uga soocneyd, kumaba sii jirto inta wali JAHLI la ildaran ee u afduuban, ee aan wali loo fidin dawada dawaadda dhigaalka.

AQOON YAHAN  mise HAL AQOON?!

AFARREEY nin tiriyaa

ABWAAN kuma mutaystoo

HAL ABUURNA lama dhaho

CODKAR iyo AFTAHAN iyo

CURIYUU la Ehel yahay!

AQOON yahan la sheegiyo

INDHEERgarad ma joogoo

Indhawaale maan arag

Astaamaha la qeexee

Aas-aaska laga dhigay

HAL AQOON ha lagu daro!

Horta AQOONI waa maxay? AQOON YAHANSE waa kuma? Weydiimaha warcelinnadooda waxaan u daynayaa dadweynehee, aanse mid xuso aan is leeyahay waa muhim, marka laga reebo dhalanrogga dhacay iyo dhaqanguurka jira, ee BUURYAQABYADII oo dhami ABWAAN la wada bexeen, iska daa inay ABWAANno yihiine, aanba nolosha wax ka ogayn, aan ka ahayn inay nool yihiin, ama neefsanayaan oo kaliya ah, cadna ay calalin karaan!

Sida caadada ah qof walba ee AFARREEY isa saari kara ama ERAYO CURIN kara lama yiraa: ABWAAN, wuxuuse noqon karaa: HAL ABUUR, CURIYE, TIRIYE, IWM. Sidaa awgeed, waxaan soo jeedin lahaa, in eraga AQOON YAHANna heerka ABWAAN oo kale la geeyo, oo aan qof walba loogu yeerin ama aan loogu hal qaban. Balse, meeshii AQOON YAHAN laga dhihi lahaa, la yiraahdo: HAL AQOON. Maxaa yeelay waxaa nagu batay kuwa AQOON YAHANno lagu sheego, ama sheegta AQOON iska daaye, ILMUHU wax ay ka sarriigtaan ku hadaaqa ama ku kaca, oo haddaa, AQOONTII BAAS maxay u kordhisay? AQOONEEY XAAL QAADO!

Garta iyo Garaadka

Ayaamihii horee tagay

Aabbayaashii degalkiyo

Arladeena hagi jiray

Aqoosheed u duubnaa

Garaan lagu afcelinoo

Marna Xaqa ka iilnayn

Ayaa lagu ammaanay! 

Dabadeed Gu’ Aarana

Aqoon yahan ku sheeg iyo

HAL AQOON ayaa yimid

Isku sheeg AGAASIME

Iyo inuu USTAAD yahay

Odayaashii quursaday

Urduf iyo Acraab iyo

Eber iyo asqaan jirin

U arkaaya Aadmiga.

Xilliyadii hore, waxaa lagu kala dambayn jiray, wax dhihiddana loo kala ahaa: (1) DA’DA: oo qof walba qofka uu ka weyn yahay wuu ka mudnaa wax dhihidda, cisayn awgeed! Wa haddii aysan duudsiinu ku jirine. (2) ODAY DHAQAMEED: ee midi dhiig iyo dhalyo tahay, inta kalana Garaad iyo gu’ tirsi tahay [GUURTI] oo dabcan magacyo badan oo kala jaad ah. (3) WADAADDO: Waxaan marna ka maqnayn waa talada CULIMADA, oo had iyo jeer wax ku ool ahayd, maantase iyagaaba laga cararayaa, ee maxaa talo loo gaystaa ama laga dhagaystaa? Waa meeshii laga dhihi jiray: “Meeshii Cir laga sugaayey ayaa Cayryaamo ka timid!” kaba darane, waaba ninkii Kabaha Masjidka looga xaday, meeshuu ka yiri markuu Aadaanka Salaadda Maqlay: “Maqla, Tuugadii ayaa isu wacanaysee!Allaw adaa faxan”.

Haddii sida AQOON YAHANKU jecel yahay laga soo gudbay xilli JAAHILIGII, ee dadka aan aqoonta lahayn wax hagi jireen [aanse lagu qasaari jirin!] maanta qofka xil lala doonayo ama laga doonayo ama doonaya waxaa muhim u ah inuu wato magacaa JAAN ee AQOON YAHAN, haddana, wax uu soo kordhiyey wali lama arag, maqalna haba sheegin, aan ka ahayn AQOONTII oo dadkii sii nacayaan, illeen; “INTAAN AQOON YAHAN HEBEL OO KALE NOQON LAHAA, LA’AAN BAA DHAANTA!” ayaa dadkii hal ku dheg u noqotaye.

Hal Aqoon aragti ka arradan!

Kan AQOONTA sheegtee
ARAGTIYO kas maan gala
Ka ARRADAN tusaalaha
Umaddaan muxuu tari
HAL AQOONNA ugu yahay?!

Horta midda muhimka ah ee aan wali la fahmin, in la fami doonana aysan muuqan, waa:  magacyadan lagu sheego AQOON YAHAN iyo INDHEERGAARD, ma mudan yihiin inay Soomaaliya hoggaanshaan? Waxaan hubaa in qof walba “HAA” la soo boodayo, haddana, bal aan waaqica tusaalooyin ka soo qaato.

Wax badan waxaa la dhaleeceeyey, la nacladay, la habaaray, la haaraamay, la dhaleeceeyey MOORYAAN! Tilmaam kasta oo xunna lagu suntay, mudnaan iyo magacna looga dhigay, haddana, waxaan la jalleecin dhanka kale, oo haddii AQOON YAHAN ku sheeggu ka soo dhalaali lahaa waajibaadkiisa QAWMIGA ah miyaa JIRRIGU sidaan noogu xididaysan lahaa?!

Aqriste, fiiri, marka la wada xaajoonayo ama la wada hadlayo, waligaa ma aragtay MOORYAAN ISBAARO u taal oo ka qaybgala? ISBAARO heblaayo waa uun la qaaday yaad maqlaysaa, illeen MOORYAANKU wixii la soo gooyo ayuu qayb ka yahaye, haddana, mar walba magaca xun isaga ayuu ku dhacaa, Allaw asagaa iska ba’ay! Inta ba’sanise ma yaree, aan wada bi’inno ama aan iska dhaafno.

Sida aanba sare ku xusay, waxaa aad loo haaraamaa MOORYAANKA, oo ah aragti qumman, balse, marna lama soo hadal qaado kuwa AQOON YAHANKA lagu sheego ama isku sheega, ee MOORYAANTA ka liita! Maxaa yeelay MOORYAANKA waxaa isugu darsoomay cadawyada kala ah; JAHLI, QABYAALAD, FAWDO, IKK! Oo haddaa maanta wiil labaatan jir ah, maxaad dawlad iyo nidaam ka weydiin kartaa? Arag iska daaye, maqalkeediiba reer baa looga dhigaye.

Balse, HAL AQOONka BAAS ee wax ku soo bartay CANSHUURTII umadda ama deeqdii dunida, maanta wuxuu u taagan yahay cod BEELEED iyo cad BOOBEED! Waxaan dhihi lahaa inta FATA SHAARIGA, SUUDADKA iyo QAMIISYADA wadata kuwaa ayaa dhibka wadeee, aan TOOSKA ku ifinno.

HAL AQOONKA Soomaaliyeed iyadoo lagu xirayo dalkii uu wax ku soo bartay ama jihada Waddankii uu wax ka soo dhigtay ayaa loo kala qaybshaa: HAL AQOON GALBEED iyo HAL AQOON CARBEED! Oo dunidu inta kale ma jirto miyaa? Afrika inta wax ku soo baratay yaaba iska yar, hadday jiraanna kuwa wax soo barayba labadaa dhaqan kama marnayn midkood, Aasiyana waa caynkaa oo kale. Micnaha dunida meel aad tagtaba labadaa aragti baad ugu tagaysaa, dabcan, meel walba si bay u haystaa, illeen waxaa hagaya siday isugu milmaan hiddaha maxalliga ehe.

Labada HAL AQOON ee dhanka CARBEED iyo GALBEEDKA ka soo xeraystay waxay isaga mid yihiin:

  1. AF QALAADAYNTA: afka ay kala furaanba waa eray qalaad, hadday laba eray oo Soomaali oo ay ku hadaaqaan, oo aan xigmad gudbinayn nuxurna lahayn, kan saddaxaad waa eray qalaad, kan hadlayaba waxaad mooddaa AJNABI la SOOMAALIYEEYEY! Kuwa lala hadlayana SOOMAALI maba mooddid!
  2. DHAQAN DHIMAALKA: wuxuu mid walbaa ogaal iyo la’aanba si toos ah masuul uga yahay inay DHAQANKII DHAAMEEN. Maxaa yeelay midna wuxuu la yimid DHAQAN CARBEED oo marar badan qaab DIIMEED laga dhigay, sida: QAMIISKA, CIMAADADDA, CIGAALKA, KOOFIDA, SHULUGGA gabadhuhu gashtaan ee; XIJAABKA lagu sheego DHARKA MIDABKA CAD IWM, oo ka dhigan DHALANROG! Kan kalana, waxaa astaan u ah: TIE ama NECKTIE qofba siduu u yaqaan, aniguse aan dhaho: [QOOR XIR] iyo ISKU JOOG, oo haddaadan sidaa u la dhar gashan aadba tahay JEEGADHEERE ama DHOORRE!
  3. KIBIR IYO ISLA WEYNI: marka ay dadka dhex joogaan, ee aad eegto sida ay u dhaqmaan ama ula dhaqmaan, waxaad mooddaa inay CAALAM kale ka yimaadeen, kaba saxane, waxaad moodda Ajnabi is dhawraya oo malaha is leh; dhaqan iyo hidde aadan aqoon ha dhex dabaalan, ee is aruuri inta karaankaaga ah! Haddaba, maxaa sababay kibirka? Ma haddii la sharfay, ee magac aysan u qalmin loogu yeeray ayey ku badaleen inayba dadkii quursadaan? Aqriste, adiguba wax ka dheh!
  4. MAGAC DHAANNIMO: isla weyni marka aad maqasho waxaa Kugu soo dhacaya qof isku filan, haddana, kuwani sidaa ma ahan, oo iyagaa dadka ugu baahi badan, baahida ugama jeedo GASIIN iyo GOOSAAR, ee waxaan uga jeedaa qofka HAL DOORKA ah wuxuu wax ku yahay dadkiisa, haddii kale wuxuu noqonayaa: HAL DIIN!
  5. ARAGTI GAABNI: haba isla weynaadeene, oo magac ha dhaamaane oo ha af qalaadeeyaane, xaa kaa ba’a haddii wax lagu xisho u dheer yihiin? Maadaama magaca AQOON YAHAN ay wataan, waxay ahayd, inay dadka iyo dalka ugu deeqaan ARAGTIYO wax ku OOL ah, oo la xiriira AAYAHA dhaw iyo kan fogba, mase dhicin, oo waxay noqdeen niman ARAGTI KA ARRADAN!
  6. SHISHEEYE KALKAALID: labada HAL AQOON mid walba oo ka mid ah wuxuu dabada kula jiraa xashkuu wax ku soo bartay, ma xumo inuu xiriir la yeesho, ee waliba uga faa’iideeyo dalka iyo dadka, balse, waxayba caadaysteen oo caadaysteen inay FARANJIGA iyo CIGAALLAYDA u noqdaan XAABOQAAD, halka laga rabay inay dadka u noqdaan XAL HALEEL iyo XARAF DHIGE!

-Bal markanna aan eego waxa ay ku kala duwan yihiin, oo aan sidaa u sii buurnayn, illeen waxaa hagaya waa aragti gaabnida ka dhaxaysa ama ayba ka arradan yihiine:

  1. CARABAYNTA: Kan dhanka Carabta ka yimid wuxuu kugu harqinayaa DIIN LA MOOD oo uu kaaga dhigayaa la’aanteed inaan waxba hagaagayn! Kuma sii jiraan kuwooda ka soo qalinjabiyay JAAMACADAHA DIINIGA ah, erayo dheeh deemeed leh kase dheer Diin ayuu kugu dhaga xanuunijaya! Faham ama ha fahmin, waaba hadduu isaguba fahamsan yahee.
  2. GALBEEDAYNTA: Kan Galbeedka ka yimidna, wuxuu isu arkaa AQOON YAHAN tagay, oo kaan sidiisa oo kale wax ku soo baran GALBEEDKA uusan waxba aqoon, kaba darane, inta isaga ka soo harta ee aan sidiisoo kale ugu halqabsan karin eray LAATIIN ah ama ANGLO SAXON ahwuxuu u arkaa BADOW GEELJIRE ah, oo ILBAXNIMADA ka dheer! Illeen isagaa darkii ILBAXNIMADA ka soo dhurtaye, aanse hore u qaadan WADAAN ama DALOW xiran, oo markaa la yimid EBERE! aqriste, adba SHABAQ BIYO KU DHUR! Waa meeshii laga dhihi jiray: “Hal Bacad lagu lisay” ama “Bacaad ayuu qoor Sagaaro ku hayaa!

Ugu dambayn, Dhawaan isu soo bixii la isugu yimid Xamar, ee doorashada lagu sheegay, waxaa isugu yimid boqollaal wadata magacan BAAS ee aan u baxshay HAL AQOON. In badan oo ka mid ah, waxaa ku jirtay hanqaltaag ah inay MADAX noqdaan, qaarkood waxay filayeen inay wax uun heli doonaan, qaar kale, waxay ka ahayd tijaabo iyo tajrubo samee, waxayse ku idlaatay, in ay dhammaan ka wada hayaameen Muqdisho, aqriste, adba dib ma u aragtay?.

F.G: Mardhaw fisha qormo ku saabsan isla mawduuca oo aan dhan kale ka fiirin doono. Dhanka kale, Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ka mid yihiin maanso dhawaan aan soo bandhigi doono.

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Khaatumo: Waxey ugu badineeysaa Joojinta Siyaasadii “Dual Track”

$
0
0
Maalintii taariikhdu aheyd January 18, 2013 ayaa galabnimadii waxaa hoolka shirarka ee wasaarada arimaha dibada ee maraykanka waxaa kasoo dhexmuuqdey Madaxweynha jamhuuriyada federaalka somaliya Xassan Sh Mohamud iyo xoghayaha arimaha dibeda mareeykana Hillary Clinton kadibna waxey wada qabteen shir jaraa’id oo eey uga hadleen arimo farabadan oo yadidiilo uleh dadka iyo wadanka somaaliya waxeyna aheyd maalin xusid mudan marki ee Hillary Clinton si geesimo leh ugu cadeeysey aduunka oo dhan in wadanka maraykanka lagabilaabo maalintaas uu aqoosadey dowlad rasmi ee somaaliya kadib sedex iyo labaatan sano.
Markaas kadib ayaa waxaa biloowdey su’aalihii ee weydiinayeyn wariyaasha goobta joogey balse su’aasha noqotey (Question of the day) ayaa waxaa weydiidey wariyaha VOA ee falastiin ahmed xigasho: aqoonsiga dowlada somalia maxaa iska badalaaya siyaasadiinii aheyd Dual Track Policy ee kuwajahneyd Maamulada Wadanka kajirey? markaas kadib ayee Ms hillay Clinton si degan ugu jabaabtey maraykanka hada wixii kabiloowdey waanu Jooniyey siyaasadeynii hore ee Dual Track wixii hada kadambeeyana waxaanu xariir dhinac walba layeelandoonaa dowlada dhexe hadaba maamul goboleedkeeybee ugu badineysaa joojinta Dual track?
Khaatumo State of somalia Maxaa faa’iido ah oo ugu jira? marwalba guul ayeey utahey khaatumo state joojinta arintaas iyo waliba xoojinta dowlda dhexe ee somaaliya waxaana meesha kabaxeysa sheegashadii iyo indho adeegii eey sheegan jireen laba maamul goboleed ee hareeraha kaxiga. waayo gobolada SSC waxey aaminsanyihiin ama xaqiiqo ah in Dual Track Policy ukeentey degaankaas dib udhac balaaran sababtoo ah maamulada labada dhinac kaxiga waa Punt(Somaliland iyoPuntland) waxey sheegan jireyn ineey iyagu mas’uulkayihiin wixii mashaariic oo loogu talogaley degaanka SSC eeynatahey in lamariyo labadaas maamul wixii kaga soo’aadey Dual Track. balse wali madhicin in dadka reer SSC eey arkaan wax manco leh oo looga qabtey dhinacooda wixii mashaariic ahaa ee looga sooqaatey magacooga ama uga soo aadey dowlada maraykanka bal iskabadaa waxey qabtaane waxaaba dhacdey in maamulka somaliland in wixii gobolada SSC xaq ulahaayeen ee loogu dhiibey ee mashaariic ah loowareejiyey dhicana Hargeysa iyo Burco ama looguna isticmaaley si khaldan hadeey noqon laheyd in hub lagu soo iibsado lagu barakiciyo dadkii udhashey goboladaas si eesan cagahooda ugu istaagin horumarna ugaarin.
Hadaba maadaama lajoojiyey Siyaasadii Dual Track aheyd oo hada wixii kadanbeeyso eeysan dhaceynin in wixii gobal lahaa uusan kuxad gudbi kari gobalkale.balse eeytahey in maamul goboled walba uu isagu xaq uleeyahey wixii mashaariic ah isaga loogu dhiibo deggaankiisa waana sababta Khaatumo state eey muhiimad gaar ah ugu leedahey arintaas. dowlada dhexe eey tahey ineey xoojiso midnimada iyo isku xirka gobolada dalka. aritaasna waxey u noqoneysaa fursad muhiim ah marlabaad in dadka Maamulka Khaatumo State ee meesha kabaxdo ama yaraato culeys badan oo kaga imaajin jirey qarashka laga helo siyaasadsa dual track in loogu isticmaalo awood Milatary force laguna barakiciyo  ama lagu bahdilo dadka reer khaatumo waayo waxaa dhicijirey in afraad ama shaqsiyaad udhashey reer khaatumo inlasiiyo xogaa yar oo sandareero ah kadib isagii lagu jiheeyo dadkiisa si uu ugula dagaalamo horumarka iyo midnimada somaliweyn eey tiigsanayaan.
Gaba gabadii waxaan soo jeedin lahaa maadaama manta waaqicii uu isbadaley somaaliyana heshey fursad dahabi ah in dadka somaaliyeed eey layimaadaan isbadal muuqda gaar ahaan reer khaatumo mas’uuliyad gaar ah iska saaraan midnimada somaaliyeed iyo in dowlada dhexe xoogsato. arinta kale ee muhiimada kowaad leh ayaa waxey tahey in Madaxweynha Somaaliya Xassan SH Mohamud uu joojiyaa biriq biriqda iyo siyaasad xumada uu kukacey markii ugu horeeysey waxey aheyd arinta Somaliland……. yaa Somaliland ah? imise Maamul ayaa hada kajira? yaa mudan inlagala hadlo? meeqo reer ayaa dega somaliland? iyo arinta kale ee Jubooyinka. labadaas arimood waxey mudan yihiin kafiirsasho iyo talo badan inuu kayeesho. waayo dadka reer khaatumo wali waxaa dhagahooda kaqeeylinaayo hadakii laqwiga ama gefka ahaa ee Madaxweyna xassan SH Mohamud yidhi Somaliand waan ugu hambalyeenayaa goorashadii degaanka ee dhacdey isagoo dadka reer khaatumo maalintaas uu dagaal qaraar kadhacey degmada xudun oo dhimasha iyo dhaawacna utaaley. marka Madaxweynaha waxaa looga baahanyahey inuusan luminin fursadahaan siyaasadeyd ee dowlada maraykaka noo biloowdey! waxaana kugu leeyahey Madaxweyne isdaji maskaxdaadana fur. hada kohorna waxaa layiri: one man’s meat is another man’s poision.
Asadnaa Suudi
 
 
An Indipendent Anylist, Columnist
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Xasan-Biotic: Xeel dheere siyaasi ah oo aan xanaf laheyn.

$
0
0

Hoggaamiye kasta waxa uu xaq u leeyahay in lagu amaano wax kasta oo wanaagsan oo u sameeyo, isla markaana lagu dhaliilo wixii xun ee uu sameeyo.

Shaki kuma jiro in aan muddo badan u haraadqabnay hoggaamiye fiican, daacad ah waddani ah, Alla ka cabsi badan. Isla markaana danta guud siiya mudnaan oo tiisa ka hormariyo. Inksatoo muddo aad u fog ay ugu danbeysay in dadka Soomaaliyeed loo madaxbaneeyo rabitaankooda si ay u doortaan hoggaamiyaha ay iyagu rabaan, Bun haddii la waayo baddalkiis ayey aheyd maah-maah caan baxday, waxaan helnay wax u eg marka baarlamaan ku yimid hab qabiileed oo isla markaana ka turjumayo deegaano iyo qabiilo kaasoo laga mithaali karo in qof walba uu wakiil ka yahay xildhibaanka baarlamanka ugu jiro beeshiisha, doorashadaas oo maalin cad lagu kala baxay iyadoo aan wax sir iyo caad ahba laheyn ayaa waxaa nasiib u helay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleystay in uu hoggaanka dalka majaraha u qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan horey loogu arkin saaxadda siyaasadda Soomaaliya, haddana guushiisa waxa ay keentay inta badan Soomalidii indhaha ku heysay doorashadii 20th September dhaceysay ay ka wada sinaayeen in loo baahan yahay isbaddal cusub.

Shan maalmood ka dib doorashadii 20th September, ayaan Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud aan u qoray dhambaal furan oo aan ugu hambalyeynayo uguna duceynayo in Allah SWT uu u fududeeyo xilkan culus ee lagu aaminay, waxaanan dhambaalkii furnaa aan madaxweynaha ugu sheegay daraasad aan ku sameeyey doorkii siyaasadeed 40-kii sano ee lasoo dhaafay aan caalamka kula dhaqmeynay, kuwaasoo ay ugu horeeyaan wixii la oran jiray dagaalkii qaboobaa iyo saameynta uu nagu yeeshay inta uu socday, iyo waxyeeladii aan ka dhaxalnay markii uu dhamaaday dagaalkaas qabow.

Anigoo si aad ah ugu faraxsnahay talaabooyinkii siyaasadeed ee uu Madaxweynuhu u qaaday dhanka xiriirka caalamiga ah laga bilaabo kan gobolka iyo tan hadda u danbeysay ee uu ku qanciyey in Mareykanka in uu aqoonsado dowladda Soomaaliyeed, taasoo dhiiri gelineysa guusha siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, taasoo u eg in Xasan Sheekh yahay dawo aan u baahneen 22 sano isla markaana aan kaga bogsoonay xanuunkii aan muddadaas dheer la ildarneen, waana arinta aan maanta qalinka u qaatay ee aan ugu magac daray in Xasan-biotic , mar haddaan ka bogsoonay miir doorsanaanta muddada labaatanka sano ka badan ku jirnay, qof walbana waa dareemi karaa doorka Mareykanku ku leeyahay dunida maanta aan ku noolnahay, US haku aqoonsato, waa adduunkoo dhan haku aqoonsado, waana Alla mahaddii in America ay manta caddeeyso in ay aqoonsan tahay jiritaanka iyo madaxbanaanida umadda Soomaaliyeed, isla markaana ay ula macaamileysa dal  ayaga oo kale ah.

Haddaba Xasan-biotic waa xeel dheere siyaasi ah isla markaana aan xanaf laheyn mar hadduu xariggii siyaasadeed kasoo xeray halkii uu labaatan sano ka hor ka go`ay, waxaana Allah uga rajeynayaa in inta dhiman guul iyo caafimaad ugu dhameeyo.

W/Q: Abdulrahman Ahmed Shiinka

London UK:: Shiinkaa@gmail.com

Afeef; Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan


Luuqad Dalkeedii ku dayacan: DF ma inay dayactirtaa mise waa inay dagaal bahdil ah ku qaaddo Af-Soomaaliga?

$
0
0

Marka laga hadlayo jiritaanka dhaqan ay bulsho yeelan karto waxaa ugu horreeysa ee muhimka ihi waa luuqadda oo ah baaq-sidaha iyo dhaqan-sidaha umad kasti leedahay, hadii aad tusaale dheeri ah jeclaan lahayd eeg dalalka maanta ku hadla luuqadaha ay ka dhexaleen gumeysiga oo maanta baaba’ dhaqan iyo mid taariikheedba taagan.

Maqaalkan waxaan jeclaan lahaa inaan ku iftiimiyo waxyaabo loo laalaabtay oo aniga iyo intii ila mid ihi ay u arkaan talo xumo meel kaga dhacaysa AFKA HOOYO ee Soomaaliga ah oo aad mooddo inay halis ku hayaan luuqado badan oo ay Soomaalidu qurbaha kala soo noqotay, iyadoo haatan boorarka xitaa Af Ingiriisi lagu qoro.

Taasise waxay ahayd mid ka imanaysay shacabka oo had iyo jeer hoga tusaalayn iyo baraarujin uga fadhiya dowladooda, balse nasiibdarro markii ay dowladii soo noqotay ayay sheekadii u ekaatay ‘Ka daroo dibi dhal’ marka mowduucan la eego.

Dowladda Soomaaliya oo haatan u muuqata mid si rasmi ah u caga dhiganaysa ayay ka muuqataa inaysan ilaa haatan sameeynin dhaqaaq ku aadan badbaadinta, boor ka jafidda iyo dib u barbaarinta afka hooyo balse mararka qaar waxaadba mooddaa inayba bad kusiii rideeyso, waxaa laga yaabaa inaad is waydiiso sababta aan sidaa u leeyahay.

Anigaa kuu hayee, marka hore waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah in waraaqaha kasoo baxa dowladda (oo ay xitaa kujiraan kuwa loogu tala galay warbaahinta Soomaaliyeed) in badan oo ka mid ah oo Af-Soomaali ku qoran qaybta hoose looga xiro Ingiriisi sida General Secretery, Media director of the president, PM, MN, IWM, magacyada laftooda qaab Ingiriisi ah ayaa loo qorayaa mana la fahmi karo baahida keenaysa.

luuqad (2)

Waxaad is waydiin kartaa sababta keenaysa qofku jagadiisa iyo magiciisa Ingiriisi ahaan u qoro dulucdii kale ka badneeydna uu Af Soomaali ku qoro, waxaan u qaatay micnaha qorshe ayaan jirin ku salaysan waxa la ogol yahay iyo waxa aan la ogoleeyn ama waxaan la dareensanayn mas’uuliyadda adag ee dowladda ka saaran ilaalinta dhaqanka iyo afka hooyo.

Waxaa intaa dheer ahna kuwa ugu daran ee aan la yaabay, waxaa dib loo dayactiray oo la howlgeliyay qaar ka mid wasaaradihii iyo wakaaladihii dowladda waana runtii howl wanaagsan oo muujinaysa dowladnimo rasmi ah oo soo carfeeysa.

Balse in magicii wasaaradda ama hay’adda lagu qoro Ingiriisi iyadoo hoos loo dhigayo qiyamkii luuqadda hooyo oo kaalinta 2-aad, 3-aad la gelinayo, meelaha qaarna aanba lagu xusin sida taargada gawaarida ee cusub waa su’aal hortaalla dowladda Soomaaliya oo xal deg deg ah u baahan.

luuqad (1)

Dalku wuxuu ku jiray 21 sanadood oo burbur dhah waxyaabaha in si deg deg ah lasoo nooleeyo u baahanna waxaa ka mid ah afka hooyo oo aad mooddo inaysan dadka qaarkood u kala cadeeyn muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Waxyaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ah dad ku leh eraygaas Soomaaliga ihi wuu nagu adag yahay ee fududee waa sax in wax la fududeeyo lkn waa khalad inuu qofka Soomaaligu ku dadaalo luuqado kale (xitaa Shiineeys iyo Finish waan baranay) hadana uu baylihiyo ama bahdilo tii uu u dhashay isagoo aan u quurin inuu inyarba Allaha ka dhigee uu isku dayo inuu barto dowladduna maaha inay iyana jidkaa jarribka badan qaaddo oo ay khalad istaraatiji ah ku sameeyso luuqadda qaniga ah ee Soomaaliyeed.

mxaajiWaxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Tifaftiraha; Gool FM.net

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Saxariirta Soomaalida Eastleigh iyo doorka siyaasad xumada seddex-da maanlaawe ee Soomaalida

$
0
0

Gabar dhalinyaro ah oo jaamacad ka dhigata magaalo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaan maalin ka wada hadleeynay dhibaatada ku habsatay shacabka Soomaaliyeed ee ay mas’uulka 1-aad ka tahay siyaasad xumida hogaankeenna aan inta badan lahayn aragti fog oo ka madax bannaan ra’yul caamka khaldan eek u saleeysan cideeysiga kala cararku daba joogo markaasay tiri: ‘’Maxamadoow maxaad ugu daalaysaa sababtu waxay tahay dadkii iyo maamulkoodii ayaan waxba aragtiya is dheerayn, marka waa la is ag fadhiyaa oo la is fiirsanayaa’’.

Runtii hadalkaas ay gabadhu sheegtay markiiba waan u guuxday haatanna waaniga gocday, waxaanan ku lifaaqayaa xaallada dhowaanahanba ka taagnayd xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo doorka xun ee ay leedahay siyaasadaha wareersan ee dadkii ay ahayd inay u damqadaan dadkaasi dacdarraysan, anigoo mid mid usoo qaadanaya jilayaasha kala ah Dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya iyo xitaa Al Shabaab.

 1- Doorka maanlaawe ee Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya.!

Tan iyo bilowgii faragelinta ujeeda badanta ah ee loogu magac daray Linda Nchi ama ilaalinta dalka ee ay Kenya fasax la’aanta ku gashay Soomaaliya 16-kii Oktoobar 2011-kii iyadoo ku marmarsoonaysa islaan laga afduubay gudaha Kenya, balse dad badani fahamsan yihiin in sheekadaasi ahayd mid la jilay oo lagu owrkacsaday ee ay Kenya ku socotay qorshe degsanaa marka la eego waqtiyaynta duullaankan oo ay kusoo beegtay jeer ay sii tabar dhigayeen Al Shabaab.

Hadaba gelitaankaasi wuxuu saameeyn xun ku yeeshay amaanka Kenya mana aha oo qura falcelin ka timid Al Shabaab ee waxaa sidoo kale jira kooxo fursad sugayaal ahaa oo sida ay dad badani dareensan yihiin qaraxyo iyo dilal ku ekeeyay dhulka ay Soomaalidu ka degto Kenya iyo meelaha ay ka joogto Nairobi (Waayo waxaad is waydiin kartaa sababta qaraxyada iyo rabshadaha ku koobay meelaha ay Soomaalidu joogto ee Kenya!?).

Anigu malihi waa Al Shabaab iyo maaha toona balse marka aad eegto qaabka loo fuliyo qaraxyada ka dhaca Islii iyo meelo kale waxaad moodaa inaysan lahayn raadkii iyo astaamihii Al Shabaab, waxaa kaloo daliil ah in dhowr mar la qabtay dad Kenyan ah oo wax qarxinaya ama miinooyin dhigaya (Way jiraan Kenyan Al Shabaab ah balse sida aan warka ku hayo qaarkood shuqul kuma lahayn dadka la qabtay).

Yaa hadaba ka dambeeya qaraxyada iyo qaxarka Islii iyo meelo kale ka dhaca ee Soomaalida loo qabsanayo?

Waa su’aasha ugu adag anna ma doonayo in aan jawaab toos ah ka bixiyo waayo way adag tahay, balse tan xaafadda Islii hadii aan isku koobo dhinac waxaa taagan qoowmiyadda Kikuuyaha oo weligeed ka talinaysay xaafadaasi ilaa iyo intii aysan sanadihii dambe Soomaalidu la wareegin xukunkeeda iyagoo aan dabcan ku farxin inay Soomaalidu uga cod badisay Kamakunji.

Dabcan meesha kama saarayo markaa inay jiri karaan mu’aamarado ay maleegayaan dadka qoowmiyadaas ah oo sameeynaya boos-qaadasho siyaasadeed si ay xukunkii Islii dib ugu soo laabtaan wax kastaba haku qaadatee waxaanan tusaale usoo qaadan karnaa qarixii masjidka Al Hidaaya lagula eegtay gudoomiyaha Kamakunji.

Waxaa kaloo ka dambeeyn kara qolooyin wadaniyiin ah oo muxaafid ah oo diiddan Soomaalida kusii badanaysa Islii ee ganacsigeeda gacanta ku haysa, waqtigan ayaana ah waqti kula haboonaan kara inay tillaabo qaadaan, maadaama ay sahlan tahay in Soomaalida dusha laga saaro qarax kasta oo Kenya ka dhaca.

Waxaa sidoo kale maleegi kara saraakiisha ciidamada dalkaasi Kenya ee musuqu dilooday si loo bannaysto in Soomaalida la ruxo iyagoo deeto woxooga shilimaad ah looga qaado maadaama ay meesha taallo hanta malaayiin dollar ku fadhida.

Sidoo kale meesha kama saarayo ficillo ka iman kara Al Shabaab laftooda, waloow hadii waaqiciyadda loo koco aan la fahmi karin danta Al Shabaab ugu jiri karta dhibaateeynta qaxootiga Soomaaliyeed.

Hadaba siyaasiyiinta Soomaalida Kenya eedda ay halkan ku leeyihiin waxay tahay in markii hore ay u sacaba tumeen duullaanka Kenya ee Soomaaliya oo ah midka dhibaatooyinka loo aaneeynayo run iyo beenba, isla markaana aysan dani ugu jirin gobolka woqooyi Bari Kenya, walaa Jubooyinka, walaa Soomaaliya guud ahaan (Ogoow Soomaalida Kenya waxaa anfacaya Soomaaliya oo awood leh oo midaysan ee waxba u tari mayso Kenya oo Soomaaliya qaybisa).

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa la waydiiyay: ‘’Yaa ka dambeeyay dilka dadkii ay ciidamada milateriga Kenya ay ku laayeen magaalada Gaarisa?’’ markaasuu yiri: ‘’Waa su’aal axmaqnimo ah in taasi la I waydiiyo,’’. Hadaba yaa la waydiinayaa hadii aan wasiirka gaashaandhigga la waydiinayn?

Haatan oo saameeynta (Domino effect) ay yeelatay faragelinta Kenya ee Soomaaliya oo aan marnaba laga jecleeyn dhanka Soomaalida saafiga ah ee wadaniga ah iyo kalsooni xumida ay dhex dhigtay Soomaalida iyo Kenya ay heer xun mareeyso isla markaana ay ka faa’iidaysanayaan kooxo 3-aad, isla markaana ay Kenya marba kasoo baxayaan warar aan mararka qaar la fahmi karin sidii kii ugu dambeeyay ee la yiri kumanaan kun ayaa garoonka Thika sidii arigii lagu shubayaa ayay siyaasiyiinta Kenya af labadii qaylinayaan iyagoo leh: ‘’Lama aqbali karo in Soomaalida kan la yeelo, in kaas la yeelo’’ balse waa waqti aysan waxba qaban karin oo ay xeero iyo fandhaal kala dheceen (Xitaa arintan waxaa lagusoo beegay jeer lakala diray baarlamanka Kenya si aan looga hadal).

Siyaasiyiinta uu ka mid yahay Faarax Macalin oo runtii ah nin Soomaalinimadu ku wayn tahay oo codkar ah, aadna ay ugu kalsoonayd Soomaalidu kahor intii uusan faraha la gelin arimaha Soomaaliya oo aan mararka qaar is iri wuu ku yara talax tegey ayaa waxay ahayd inay Kenya talo wanaagsan ka siiyaan inay Kenya ka fogaato arimaha xasaasiyadda leh ee lagu muransan yahay (Hot potato) ee Soomaalida oo ay ku kula qaybinayso umadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Haatan dhibkii wuxuu haystaa dad masaakiin ah oo markii horaba naftooda iyo maalkooda kalasoo cararay rabshadaha Soomaaliya oo haatan lakala dooransiinayo inay u adkaystaan farataysiga booliiska Kenya, baangadaha tuugada fursad raadiska ah, dibindaabyooyinka ay dad kale maleegayaan, siyaasad xumada siyaasiyiinta Kenya iyo inay xera qaxooti degaan ama ay laabtaan dalka Soomaaliya oo aan weli u haynin fursadaha ay u baahan yihiin sida kuwa waxbarasho, ganacsi, amaan IWM waloow ay rajadu wanaagsan tahay misna weli Faanoole fari kama qodna.

mxaajiLasoco Qayb kale…….Insha ALLE….. 

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Tifaftiraha: www.GoolFM.net

Gothenburg, Sweden

Daawo Video: Wax ka Baro Dadka Dunida ugu Nasiibka Badan.

$
0
0

Aduunka wax badan baa ka dhaca waxkastana waxeey ku dhacaa qadarta all waxaan maanta soo arkay muuqaal aan in badan daawaday oo aan jacelahay in aan nala wadaagaan muuqaalkaan ka hadlaya Dadka Dunida ugu nasiibka badan ee ka badbaaday shilal qatar ah.

Hadaba Aqristoow ogoow alle dile ayaa dhinta qofkii  tiisa soo gasha ayaa dhinta  mar walba alle ku kalsoonoow oo ku xirnoow asagaa ku badbaadinaya.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWAT:

 

Muqdisho inta ay sidani tahay nabad ma ahee, DF nabad haka dhigto!

$
0
0

Saxafigu waa run sheegaha mar waliba ka hadla xaqiiqada dhabta ah ee jirta, inkastoo ay jiraan dad diidan in runta la sheego oo jecel in wax la maldaho haddana runta waa lagama maarmaan, run sheegidduna waa arrin ay diinteena muqadaska ahi ina fareyso.

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, in ay nabad noqoto waanu wada jecelnahay, waana rajo aanu wada sugeyno, laakiin marka xaqiiqda dhabta ah laga hadlo Muqdisho nabad lagu kalsoonaan karo kama jirto haatan.

Waxaa wax muuqda ah in Muqdisho ay sidii hore soo dhaamayso waana mid aan la dafiri karin in ay sii yaraanayaan rasaastii Muqdisho caanka ku ahayd ee mar waliba la maqli jiray, macnaha way yaraatayna waxay ka dhigan tahay weli kama dhammaan oo marmar qaraxyo iyo rasaas goos goos ah ayaa laga maqlaa, waxaase dhawaaqii faraha badnaa ee rasaasta haatan beddelay oo la maqlaa dhawaqa burus iyo musmaar isku dhacaya, waana dadkii guryahoodu ku burbureen colaadihii Muqdisho oo dib guryahooda u dayactiranaya, taasna macnaheedu ma aha Muqdisho ayaa nabad noqotay amaba ah. Kaliya waxaa la oran karaa Muqdisho waddadii nabadda ayay higsanaysaa oo ay ku taagan tahay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya Muqdisho si buuxda ugama wada taliso awooddeedana kuma aysan baahinin, waa ay jirtaa in awooddii kooxda Al-shabaab ee Muqdisho la maquuniyay balse weli Al-shabaab Muqdisho way joogtaa hubkii waaweynaa ayay dhigeen mooyaane Muqdisho kama aysan bixin.

Waxaa tusaale cad inoogu filan Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Muqdisho waxa uu xarunta madaxtooyada u jiraa dhowr kiilo-mitir, haddana xildhibaan ama shaqaale dowladeed tagi karaa ciidan la’aan ma jiro oo way ka baqanayaan, iskaba daa madaxda kale ee dowladdee, taasna macnaheedu waa Muqdisho nabad buuxda kama jirto.

Ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-shabaab xilliyada habeenkii waxa ay isku dhex burbursadaan xaafadaha Suuqa Xoolaha, Towfiiq, Gubta iyo xaafado kale oo Muqdisho ka mid ah, waxaana askarta dowladda la isugu soo ururiyaa waddooyinka laamiga, ma dhaafi karaan agagaarka xeryahooda, fasiraadda taasina waa Muqdisho weli nabad kama jirto.

Meelaha la xusi karo ee Muqdisho nabad ka ah, dadkuna habeenkii ku fiidsadaan waa inta ka soo bilaabata xeebta liido ilaa agagaarka Isgoyska Zope ee xaafadda Buula-xuubey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, intaasna waa halbowlaha ay ciidamada dowladdu ku xooggan yihiin, waxaana isku xira waddada muhimka ah ee Maka Al-mukarama ee loo maro xarunta madaxtooyada ee dowladda laga maamulo, inta kale ee Muqdishana nabad lagu taami karo kama jirto oo casirkii guryaha ayaa lagu xaroodaa, masaajidyaduna way maran yihiin kalsooni nabadeed oo lagu aadi karaa Muqdisho kama jirto.

Nabaddu ma aha in sarkaal dowladeed ay la socdaan ciidamo hub culus wata iyo askarta AMISOM ay socod gaadiid ku marmarid ah ku tagaan xaafadaha Muqdisho, iyagoo weliba aan ku sii nagaan karin waayo waxay halis u yihiin Bam lagu tuuro ama rasaas arbushaad loogu samaynayo lagu weeraro, ciidamaduna ay markaasi ridaan rasaas xooggan oo waxyeeleysa dad shacab ah oo aan waxba galabsan ee muhimaddu waa in shaqsiga dowladda u shaqeeya ha ahaado shaqaale caadi ah, xildhibaan amaba mas’uul kalee uu dhex mushaaxi karo xaafadaha Muqdisho oo dhan isagoon cidna ka baqanaynin.

Sidoo kale nabaddu ma aha dhismo dabaq ah oo laga taago waddada Makka Al-mukarama ama guryo cusub oo la dhistaa amaba xeebta Liido oo lagu tamashleeyo ee waa in Muqdishoo dhan si kalsooni leh loogu wada dakeeyo min shacab ilaa mas’uul dowladeed.

Sida lawada ogsoon yahay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar wasiirrada xukuumadda ka mid ah Gaadiidka qafilan ee ciidamada Midowga Afrika ayaa lagu sugaa amnigooda oo xitaa ma aamini karaan askarta dowladda, taasina macnaheedu waxa weeye Muqdisho weli nabad ma aha.

· Inta xildhibaan ama shaqaale dowladeed amaba oday dhaqameed dowladda ku lug leh uusan xaafadaha Muqdisho si xor ah u wada marmari karin uguna dhex mushaaxi karin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.

· Inta madaxda dowladdu ay ilaalinayaan ciidamada Midowga Afrika oo Gaadiidka qufulan ku dhex jiraan, xildhibaanka, saxafiga, odayaasha dhaqanka ee Baarlamaanka soo dhisay iyo shaqsiyaadka kale ee muhimka ahna ay dareen ku joog Muqdisho ku yihiin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.

· Inta askari ka tirsan dowladda ay shacabku ka baqanayaan ogow Muqdisho nabad buuxda kama jirto.

· Inta saxafi Muqdisho lagu dhex dilayo, shaqsigii dilayna aan la soo qabanayn ogow Muqdisho nabadi kama jirto.

· Inta ay kufsi samaynayaan askarta dowladdu, wariyihii warkaasi baahiyana la xirayo ogow weli Muqdisho nabad buuxda kama jirto.

· Inahaas iyo ina kaloo badanba inta ay Muqdisho ka jiraan ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.

Si kastaaba dowladdu waa inay xoogga saartaa amniga Muqdisho oo ay nabad buuxda ka dhigtaa caasimadda, isla markaana ay wax ka qabataa dhammaan arrimaha ka jira ee nabadda Muqdisho caqabadda ku ah, waayo Muqdisho waa muraayaddii laga daawanayay Soomaaliya oo dhan, waxayna u baahan tahay nabad buuxda oo dhammeystiran, dowladda haatan talada dalka heysa ayaana looga baahan yahay inay wax ka qabato amniga Muqdisho oo ay nabadeyso, shacabkana waxaa laga doonayaa inay dowladda ku garab siiyaan nabad ku soo dabaalidda Muqdisho oo gacmo wadajir ayay wax ku gooyaane ay dowladda ula shaqeeyaan si hagar la’aan ah.

Caaqil DalmarW/Qoray: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@gmail.com

caaqildalmar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Xukuumadda Faroole waa midda ka mas’uul ah fashilka iyo guuldarrada siyaasadeed ee dowladda Puntland.

$
0
0

Maaha markii ugu horaysay ee Dowladda Puntland ee Soomaaliya  soo hadal qaado arimaha ku aadan Muqdisha Caasimad ahaan iyo lahaansha ahaan.

Waa dood dhadhan beeshay oo  waqtigeeda munaasabka ahi aan la gaarin oo jujeedada laga leeyahay ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deeganada Puntland lagu mashquuliyo isla markaana laga weeciyo fashilka iyo guul darrada siyaasadeed, hor’umar la’aanta nolosha reer Puntland iyo mus-maasuqa xariga goostay ee  xukuumadda  hadda ka taliso ee  waqtigeeda dhamaaday ka mas’uul tahay.

Governatooraha Puntland Faroole iyo xukuumadiisa oo shacabka  Soomaaliyeed ee Puntland ku dhaqan ku haaya dhibaato,  handadaad iyo cagajugleen xad dhaaf ah, xukuumad ku dhisan nidaam diktatooriyeed ay u horseedayaan qoyska Faroole (xusuus xukuumadii Siyaad Barre) oo aan ogoleen xurriyada uu muwaadinka reer Puntland uu xaq u leeyahay, xukuumad rabto in sandulleyn u kororsato waqtiga uu sharciga ay ku heshiiyeen dhigayo, xukuumad xabsiga u taxaabaya cid kastoo ka hortimaado uma aan aragno kana yeelimayno in ay soo faragashato oo ay ka hadasho arimaha qusaysa Muqdisho Caasimad ahaan iyo lahaansha ahaan.

Muqdisho waa dhul Soomaaliyeed, waxaana degan ummad soomaaliyeed, Muqdisho waxay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliyeed waxaana iska leh ummad Soomaaliyeed, Muqdisho waa caasimadda Qaranka Soomaaliyeed shalay bay aheed, maanta ayee tahay berrri iyo mustaqbalka dambe ee foog ayee ahaan doontaa,Muqdisho waa hooyada magaalooyinka soomaaliyeed waxaana nasiibkaasina u qadaray Ilaahay subxaana wa tacaalaa.

Hadalada ka soo yeeraya xukuumadda Puntland waa wax lagu qoslo oo aan murti lahayn xigmadna wadanin, Muqdisho weligeed bay ahayd Magaalo ay Soomaalida cidna marti ugu ahayn saa waa magaalo Soomaaliyeed waa Caasimadda Qaranka, waa magaalo ay kuwada nool yihiin dhamaan beelaha Soomaaliyeed, waa magaalo soomaali kasto hanti ku leedahay, marka mudane Max’uud Caydiid Dirir yuusan iku mash’quulinin Magaalada Muqdisho ee ha u howlgalo hor’umarinta  Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland iyo in ay soomaalidaasi helaan nidaam dimoqratiyeed.

Mudanaha wuxuu sheegay in Muqdisho ay ka dhaceen gabood falo aan la iloobin karin, mudanaha

wuxusan soo hadal qaadin xasuuqii loo gaystay shacabka Soomaaliyeed ee reer BanadirLand 21ka sano ee dagaalka sokeeye ka socday Soomaaliya, mudanaha wuxuu iloobay  boobkii iyo dhacii hantidii ma guurtadada ahayd iyo tii kalaba loo gaystay ay lahaayeen reer BanadirLand xiligii xukuumada Cabdirisaaq Xaaji Xuseyn  iyo Maxamad Siyaad Barre

mudanaha wuxuu iloobay gobood faladii joogtada ahayd loo gaysan jiray reer BanadirLand xiliyadaas.

dr xuseenMuqdisho sida aan wada ognahay waa deegaan ka mida  deegaanada soomaaliyeed  waa gobolka banaadir ka mid ah BanadirLand waxayna ku taalaa  galbeedka  badweynta hindiya.

Muqdisho waxaa iska leh  umada  degan maanta horena u deganaa  ayna tahay degaanka awoow  iyo awoowgiis  waxaa leh qowmiyad ka mida umada soomaaliyeed oo ilaahay ka dhigay deegaankooda kuna beeray dadkuna u yaqaan  ninkii ogi waa ogyahay nacasna loo sheegi maayo.

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya oo albaabadeeda u furan Soomaaliyoo idil tana waxaa mahad u leh soomaalida degan maanta horayna u deganaa.

Dott. Abuukar Nuur Xuseyn

Xisbiga Dimoqratiga Banadir

soomaal@ymail.com                                                                        

 

 

Viewing all 1186 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>