Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all 1175 articles
Browse latest View live

Yuusuf Garaad oo faallo cajiib ah ka qoray xaalka murugsan ee Kismaayo

$
0
0

Ma ahan in dhiig dambe ku daato Kismaayo!

Inqaasta Yusuf-Garaad

Qoraalada Yusuf kala soco http://yusuf-garaad.blogspot.com/

Shalay ayaa la shaaciyay in shirkii ka socday Kismaayo uu xilka Madaxwynaha Jubbaland u doortay Axmed Maxamed Islaan. Cid la tartantay ma jirin. Murashixintii xilkaas u taagnaa qaarkood muran ayay geliyeen sida ay doorashadu u dhacday.

In yar ka dib waxaa soo baxay war ah in Barre Hiraale, oo hadda ka hor Wasiir Difaac ahaan jiray, uu isaguna sheegay in loo doortay isla jagadaas.

Dowladda Soomaaliya oo hore ugu tilmaantay shirka Kismaayo in uu sharci darro ku yahay Dastuurka ayaa iyaduna isla shalay Kismaayo u dirtay wafdi ka kooban xildhibaanno iyo Wasiir ku xigeen. Xukuumaddu tallaabadan ayay qaadday inkatsa oo ay baarlamaanka taallo dacwad la doonayo in iyada lagu kala diro.

Sidii in Kismaayo aan intaasi dhib ugu filneyn, ayaa waxaa iyaguna Muqdisho ka hadlay odayaal ku hadlay magac qabiil. Hadda ka hor odayaashu wey hajnabeen, laakiin markan Kenya ayay ku eedeeyeen khatarta ka imaan karta Kismaayo. Puntland iyaduna waxay ka soo saartay dhowr hadal oo ku wajahan xaaladda oo mid ka mid ahi u hambalyeeyay doorashada Axmed Maxamed Islaan.

Waxaas oo dhan waxay dhacayaan iyada oo dowlad iyo shacab Soomaaliyeed midkoodna Kismaayo daafici Karin. Ciidammada dalka deriska ah ee Kenya ayaa berriga Kismaayo Soomaalida is khilaafsan dusha uga ilaaliya. Baddana Soomaalidu kamaba warqabto.

Muqdisho saaka waxaa ka degaya wafdi ka socda IGAD oo xaqiiqo raadis ah. Wuxuu daba joogaa go’aankii Hoggaamiyayaasha dalalka IGAD ay ku gaareen Ethiopia.

Kismaayo waxaa hore loogu daadiyay dhiig badan oo Soomaaliyeed. Waxaan is weydiiyay – Maxaa laga bartay? Dadka naftooda ma waxaa ka qiimo badan dhulka iyo qabka qabiilka iyo qofka?

Maanta oo kale xikmaddu kuma jirto hanjabaad iyo qir iyo qir. Kuma jirto is magacaabid. Kuma jirto in reernimo in la isu bahaysto ee reeraha kale hawada loo mariyo hanjabaad. Kuma jirto in la is moodsiiyo in dad la duudsin karo.

Waxaa ila habboon dadka colaadda hurinaya xagga idaacadaha, websiteyada iyo gaar ahaan Facebook in ay ka dhowrsadaan colaad dad maanta nool laga yaabo in ay ku dhintaan.

Sidoo kale inta aan Kismaayo joogin waxaa habboon in aanay arrinta uga sii darin. Waxaa habboon in, haddii ay karaan, ay gacan ku siiyaan in marka hore dadka gudaha Kismaayo ku sugan ay is qanciyaan.

Waxgaradka faraha badan ee Kismaayo ku sugan oo uu ugu weyn yahay Ra’iisal Wasaarihii hore, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa la gudboon in ay ka shaqeeyaan marka hore in aan Kismaayo gudaheeda lagu daadin dhiig dambe oo Soomaaliyeed. Kismaayo laba shir kama socon ee hal shir ayaa ka socday.

Dowladda Soomaaliya oo iyadu mas’uul ka ah Somalia Somaaliya oo dhan waa in ay xal deg deg ah u heshaa si aan ammaanku gacanta uga bixin. Taas kuma filna wafdi xildhibaanno ah. Berrina jawaab noqon meyso in la is eedeeyo. Dowladda ayada oo la kaashaneysa cid kasta oo gacan ka geysan karta waa in ay xaqiijisaa in aan la is dilin. Mas’uuliyaddaasi iyada ayay saran tahay.

Ma aha in indhaha laga qarsado in IGAD oo ay ugu horreyso Kenya, oo ciidankeedu gacanta ku hayo Kismaayo, madaxda halkaa joogtana ay qaarkood xulufo la yihiin, aan looga maarmeyn in ay gacan ka geysato sidii xal looga gaari lahaa xiisadda aloosan. Hawl aan ku huri doonin horaa loo qabtaa.

Geesi waxaan maanta u aqaan qofkii xiisadda qaboojiya. Qofkii tanaasula. Qofkii xal keena.

Geesi waa Qofkii dadkeenna kala badbaadiya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid


MUQDISHO XAGEE U SOCATAA ??

$
0
0

Waxaa xaqiiq ah in caasimada Somalia ee Muqdisho xiligaani aay u baahan tahay in laga hadlo halka aay u socoto iyo meesha aay ka timid 22 sanno ka dib,Muqdisho oo ah gobol ka mid ah gobolada Somaliyeed balse ilaah ka dhigay caasimadii umada Somalia ayaa noqotay mida ugu badeeyda xaga xasuuqa dadka Somali iyo burburaka xaga dhismaha markaad u fiiriso gobolada dalka intooda kale.waxaan jeclahay in aan qormadaan ku soo qaato xagee u socotaa Muqdisho 22 Sanno kadib ??

Waxaa aay ila tahay in aanan loo baahneeyn in laga sheekeeyo waxa Muqdisho ka dhacay xaga barakaca iyo burburkii ku yimid waxii ka danbeeyay 1991 balse waxaan jeclahay in aan ku soo koobo kuwii hormuudka ka ahaa burburkaa iyo barakacaa Muqdisho ku dhacay in maanta aay leeyihiin dowlad goboleed qabiil ku dhisan,inkastoo dalka xiligaan dastuurka qabyo qoraalka lagu heshiiyay uu sheegayo in laga guuray ka maamulida dalka hal meel ( centralize ) loona guuray habka federaalka oo aanan weli si cad u qeexneen habka federaalka ee loo gudbaayo ayaa weli waxaa mugi ku jira mustaqbalka siyaasada G.Banaadir.

Waxaa dhab ah in Muqdisho aay u baahan tahay siyaasad salkeeda adag tahay sida manta muuqataana Muqdisho waxaa eey u baahan yahay hogaan xalaal ah oo umada ku hogaamiya cadaalad is-kaashi wada jir iyo in eey u dhaq-dhaqaaqaan maslaxada cida ay hogaaminaayaan una wadaan dhinaca khayrka iyo wanaaga kana hor istaagta Sharta iyo xumaha. (good leader) sabbabta oo ah hogaankii hore ee Muqdisho soo maray shacabka uma horseedin nabad iyo wadanoolaansho dhab ah ,sabbabta oo ah midna ma uusan odorisin siyaasad saldhigeeda yahay nabad & wadanoolaansho xaq ah balse colaada socotay ayeey qeeyb ka ahaayeen dhamaan sabbata oo ah dhaxal ama raad wanaagsan uguma eeyan tagain shacabkii eey ka dhasheen ee G.Banaadir balse gumaad iyo foolxumo.

Gudoomiyaha & Duqa Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” waxaa la magaacay July 2010 walow uu ahaa nin qurba joog ah hadana weli waxaa shacabka G.Banaadir aay sugayaan hogaan aay soo doortaan ayaga oo xor ah ,waxaad moodaa in mudane Tarzan aayan maskaxdiisa ku jirin in shacabka G.Banaadir uu gaarsiiyo in aanan loo doorin gudoomiye danbe balse aay xaq tahay in ay soo doortaan shacabka degen gobolka Banaadir.

Tarzan waxaa laga sugaayaa ?????
• Tirakoobka shacabka degmooyinka G.Banaadir
• Sameeynta ID ( identification ) aqoonsi .
• Shcabka ama dhalinyarada G.Banaadir waa in aay ka mid noqdaan soo celinta nabada dhamaan degmooyinka G.Banaadir,maaha in ciidamada ka yimid gobolo kale aay ilaaliyaan degmo aayan u dhalan sabbabta oo aqoon uma laha degaanka uu shaqada ka hayo.
• Abaabulka degmooyinka in aay la yimaadaan shaqsiyaad matali kara oo ka mid noqda golaha deegaanka G.Banaadir,golahaas oo leh awooda sharcidejinta.

Haddii aanan la helin xaqa G.Banaadir shacabka degani aay ku leeyihiin dowlada dhexe ilama aha in nabada iyo wada-noolaansho dhab ah aay ka sii jiri doonto Muqdisho,waxaa hada socda oo uu shacabka G.Banaadir u dulqaatay in daqliga Madaarka & Dekeda ka soo galaa Gobolka Banaadir ay maamusho dowlada dhexe laguna marsuufo xildhibaano iyo wasiiro aanan u dhalan G.Banaadir ,waxaan leeyahay waxaa aad raadineeysaan 22 sanno ee aheeyd in dowlada walbaa Muqdisho lagu soo ururiyo xaqa Muqdisho la duudsiyo balse lagu marsuufo kuwa aanan raali ka aheeyn nabada & wadanoolaansha Somali waa xaqdaro,waxaa la joogaa xiligii shacabka G.Banaadir aqoon yahan,indheergarad,iyo ururda bulshada ee G.Banaadir aay cadeeyaan in la soo gaaray xiligii doorashada iyo ku dhaqanka siyaasada golaha G.Banaadir la fulin lahaa,dalka sidii uu ahaa maaha balse waa federaalka nin la soo magacaabay ha ugu danbeeyo Tarzan ninka xiliga waa in shacabka G.Banaadir uu soo doortaa uuna noqdaa nin aragti dheer leh og waxa la soo maray iyomeesha loo socdo,maaha in dowlada dhexe oo kaliya la dhageeystaa balse golaha G.Banaadir waa in la maqlaa codkooda, akhristow haddii kale G,Banaadir waxaa xeerer u sameeyn doona xildhibaano aanan u dhalan Muqdisho kuwaas oo leh hadaf ka duwan midka golaha G.Banaadir.

Siyaasadii xumeeyd ee umada lagu gumaaday waxaa aay na dhaxalsiisay sidaan

Sidan 1

Siyaasadii xumeeyd ee umada lagu gumaaday waxaa aay na dhaxalsiisay sidaan

Sidan 2

W/Q: Dr.Ali.A.HIrabe

Hirabe_a@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

WARBIXIN: Soogalootiga oo Muqdisho u rogay Jaamacadda Napoli

$
0
0

Kooxo hubaysan oo ku labbisan dharka ciidammada dowladda ayaa maalintii 15.5.2013, weeraar ku qaaday xarunta shirkadda xawaaladda Dahabshiil ee ku taalo suuqa Bakaaraha ee Muqdisho si ay halkaasi dhac uga gaystaan. Kooxahan hubaysan oo soo weeraray Shirkaddaasi oo sida muuqato doonaayay inay boob iyo dhac u gaystaan, waxay iska caabin xooggan kala kulmeen ilaaladii nabadgelyada ee shirkadda (Security guard).

Labada dhinac ee iska horyimid, waxaa dhaxmartay israsaaseen in muddo ah socotay. Waxaana halkaasi ku geeriyooday nin horroradii soo duulay ka mid ahaa, waxaana ku dhaawacmay 3 ruux oo ka tirsan dadkii suuqa u yimid inay ka dukaamaystaan. Israsaasaynta kaddib, waxaa goobta falka ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka oo kalkaasi ka sameeyay hawlo ammaanka lagu sugaayo.

Dadweynaha deggan magaalada Muqdisho lama yaabano dhiirida iyo hornimada kooxaha hubaysan oo dharaar cad (daylight) isku dayaayo inay boobaan shirkad leh ilaalo hubaysan, kuna dhax taalo suuqii magaalada ugu weynaa oo ciidammada dowladda saldhig boolis ku dhax leeyahiin, laga yaabo in dharcad ay dhax joogto. Waayo, dadku wuxuu muddo 23 sanno ah arkaayay boob iyo dhac maaro loo waayay oo aad moodid inay wax caadi ah noqdeen.

Waxaa laga fara batay dadkii reer Muqdisho oo reer magaalka ahaa, lahaana dhaqan suubban, ayadoo Xamar ay ku soo qulquleen soogalootiga gobolada ka yimid, una roogeen bohol tuugo (thives den). Waana tan uu tilmaamay Signor Bagani oo ahaa gaal Talyaani ah ee uu dhacay nin Degmada Boondheere khamri ku gadi jiray, kana soo jeeday Gobolka Mudug.

Signor Bagani oo aan aakhirkii siddeetanaadkii kula kulmay xaruntii qareennada Soomaaliyeed oo aan ka shaqayn jiray, nooguna yimid dacwad la xiriirta dhaca loo gaystay, wuxuu la yaabay inuu xarunta ku arko 4 Talyaani ah ee uu soo khiyaaneeyay khamrigadaha, 5 shisheeye ah ka soo caqli badiyay, isuguna keenay magaalada Muqdisho ee uu ku tilmaamay Jaamacaddii Naboli (Napoli), asagoo leh:” Mogadiscio e la universita di Napoli”.

Napoli waa magaalo xeebeedda ku taalo koofurta dalka Talyaaniga, kuna badan yihiin shaqo la,aanta iyo saboolnimada, dadkeedana reer waqooyiga ku tilmaamaan tuugo, hagarqabayaal iyo gacan ku dhiiglayaal.

Khamrigadahii 5ta Talyaaniga ah soo dhacay ma ahaynin reer Muqdisho, kuwa horrada haatan dilka iyo dhaca ka wadana ma aha, magaalada ay magac tireenna ma aha tii aan naqiinay oo aan ku soo barbaarnay. Waayo, Waxaan soo gaaray dukaannada dharka suuqa Boondheere oo marka salaadda duhur la galaayo albaabada loo soo celiyo, birta bannaanka laga geliyo oo aan la qufulin si qofkii yimaado uusan uga tagin, una sugo. Waalidiintayda oo aan wax ka weyddiiyayna waxay ii sheegeen in markii hore albaabada oo furan laga tagi jiray, rukunkuna ay gudaha ku sii sugi jireen inta gadahu uu salaadda ku maqan yahay.

Bartamahii sannadkii 1991gii, waxaa guriga noogu yimid AUN Sheekh Cumargaab, kana soo jeeda Buur Hakabo, oo noo sheegay: ïnuu Xamar Weyne shaxaad u doontay, kana soo helay 2 suus oo diir ah. Hase yeeshee markuu dib ula soo noqday, soona gaaray taalada daljirka dahsoon laga dhigtay diirtii, lagana furtay macawistii, asagoo Saylaani ee degmada Shibis motante ku tagay, halkaasoo nin Baliile lagu naanaysi jiray uu mawacis ku soo tuuray, wuxuuna intaa noo raaciyay “Waxaan soo gaaray dadka Muqdisho oo lacag dhulka taalo aan la qadanaynin, ayagoo leh “Lacagta wixi looga tagay qabtaa” Sheekh Cumargaab wuxuu hadalkiisii ku soo gunaanaday “Balaayo hadday balad noo soo gashay”.

Dadka qaska ka wado Xamar kama imaan hal gobol bal qaarkood waxay ka soo tallaabeen xuduudaha ayadoo uusan jirin nidaam xakameeynaayo.

Waxaa intaa ka sii daran in soo galootiga ay dhaawac u gaysteen dhaqan wanaaggii lagu yiqiin reer Muqdisho, ayagoo duufsaday kuwoodii caqliga liitay oo ku daday mooryaanta maalin taajirdoonka ah.

Magaalo ay ku soo qulqulaan soogalooti fara badan oo aan shaqo iyo hooy toona loo haynin waa wax la filan karo inay ciddii wax haysato dhacaan, wayna adkaan doontaa sidii wax looga qaban lahaa.

W/Q: Axmed Moxamed Axmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

MADAXWEYNE: MAANDEEQ MAALIN LAGUMA MAALO! (Faallo xasaas iah)

$
0
0

MAANDEEQ Soomaalidu waxay ula baxdaa Dumarka, Xoolaha  iyo wax walba oo ay aad ujecel yihiin, agtoodana qaali ah, oo uu ugu horreeyo Geelu. Eragu wuxuu iska saaran yahay labada eray ee: “MAAN” iyo “DEEQ” oo ka dhigan wax qofka maankiisa deeqay, maadaama maanku yahay xubinta ugu muhimsan ee Aadanaha hagta.

Waxyaabihii MAANDEEQ kaloo loo aqoonsaday waxaa ka mid ahaa XORRIYADDA. Haddaan Tusaale u soo qaaddano waagii Gobonnimo doonka ee lagu raadinayey dowladnimo, maamul iyo nidaam Soomaali hoggaanka u hayso ayaa Maandeeq loogu yeeri jiray XORRIYADDA ee wuxuu yiri. Waa halkuu Abwaan Abwaan Cabdullaahi Suldaan TimacaddeAUN” ka yiri: 

Gumaysigu HASHUU naga dhacay, Een gurayey raadkeeda

Gaashaandhiggeedii HASHUU, Galowgu eedaamay

Gacmaa lagu muquunshaye xornimo, Noogumay garane

Garre iyo Guntane maalintay, Gees isugu boodey

Allaa noo gargaaree xornimo, Noogumay garane 

Haddaba, weydiintaydu waa: maxaa DAWLADDA loogu mgacaabay MAANDEEQ? Illeen Soomaalidu DAWLAD ma jeclaane? Kama muhimsane, horta yaaba ku taliyey in magacan DAWLAD loo baxsho? Laga yaabee, inaad i tiara; waxaa looga jeeday in dawladdu wax wanaagsan tahay, haddana, waa hubaal inaan wanaaggeed la arag, iska daa in la xaqijiyo inay wanaasgan tehee.

Maanta MAANDEEQ waxaa madaxeeda ku magacaaban mudane Xasan Sheekh, taa awgeed, ayey ila dhaafi waysay inaan eraydan ku wajho isaga, kolleey iga waaya aragsan, haddana, af nooli hadal dhaafi waa.

KALI TALIYE Maxamed Siyaad Barre ayaa BARQO CAD la diray isagoo madax u ahaa ciidankii ugu awoodda badnaa Geeska Afrika. Inta ku hortaal eeg, wixii Dawlado ku meel gaar la soo dhisay, Dawladdii Carta, C/Qaasim iyo Prof Galayr buuqii laga dhalshay, waa lagu caana maalay, oo waxaa kursigii loo dhiibay Xasan Abshir Faarax, oo ka mid ah Dhakawyada Colaadda Soomaaliyeed ee xilliyadii burburka, sidoo kale Maxamed Cabdi Yuusuf oo isna ku xigsaday, ka dib markii xilka laga qaaday Xasan Abshir.

Shirkii Kenya wuxuu dhalay Jabhadka ugu cimriga dheer Geeska Afrika, waan filaa inaad Xamar joogtay wixii dhacay kaaga sheekayn maayo. Waxaa xigay dalwaddii Shariif, mabda’ la’aan ka sokow, waxaa la degay musuq sayaasadeed iyo maalba. Ina Sharmarke heshiis dhagareedkii Gaalkacyo ka sokow markuu xilka ka dagayey laba Malyan oo Dollar ayuu hore u sii qaatay, malaha waa midda uu hadda Jubbooyinka ku qasayo.

Formaajo markii la magacaabay, in kasto oo uusan qudhiisa aragti la ammaano horey u qabin, maadaama uu buug uu qoray beelo Soomaaliyeed iyo madaxdii dalka soo martay ku aflagaaddeeyey, haddana, in xilka laga qaado, waxaa ku tookhay Mudane Faroole, isna waxaa xigsaday Gaas, kii horaba ka dar! Maxaa yeelay dadkaba wuxuu ka yaqannay Reer Bari, waa ninkii is hortagay aqoonsiga Maamulka Khaatumo State, waxaanse la yaabaa, marka aa arko Prof Galayr oo sidii Qawsaar Geeljire ah u dhaqmaya. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiara:  “Hal diidaysaa geeday ku xoqoto ma waydo!”.

Maanta marxalad cusub ayaa la galay, dawlad walba caqabad ayey yeelatay oo ama ridday ama raadkeeda tirtirtay. Taada waxay eersan doontaa laba arrimood, oo mid ay la wadaagto kuwii hore midna u gaar ah, oo kala ah:

  • FEDERALKA [BEELEYSIGA]
  • DASTUUR DADBAN [DABRAN]

Kan hore waa kan Jubbooyinka ka socda, oo ay ku yeelatay dhawr madaxweyne wax ka yar 48 saacadood. Way iska caddayd inay sidaa wax ku dhammanayeen, waxaa sabab u ah faraglinta shisheeye ee ay ugu horreeyaan Kenya iyo Norway Itoobiyana ha moogaan.

Madaxweyne Wiilkii AANAS yare eed London ku aragtay wuxuu ku yiri:  “MADAXWEYNE LAGU WADA AMMAANI MAAYEE, YAAN LAGU WADA CAAYIN!”.

Qaylada maanta baxaysa ee ku aaddan Dastuurka, Federalka iyo Maamul Goboleedyada, waxay badeshay eragii ahaa: “LOOMA DHAMMA!” oo mar walba ay ku hoos jiraan arrimaha kala ah:

  • DANO SHISHEEYE
  • DANO QOFEED
  • DANO BEELEED

Isu gayn waxay isugu imaanayaan FASHILIN ka dhalay FASHAL ama FADHIIDNIMO jira! Waxaan uga jeedaa, markii hore way kuu ekayd inaad Axmed Madoobe Wasiir ka dhigto, adaaba albaabkii isku soo xiray, ee toban Wasiir ayaadba dhaafi waysay, adoo waliba ka tagay Wasaarado muhim ah sida Caafimaadka iyo Waxbarashashada. Marka aad ka gudubto caqabaddiisa aad bannaanka dhigto, ayey ahayd mase dhicin, dib u fiiri, dawladdii C/laahi Yuusuf, ama tii Shariif, waxaa sal u ahaa QABQABLE iyo WADAAD, muddo ka dibna waa la wada xaaqay.

Hadda tallaabada ugu muhim waa; in ama uu IS CASILO ama aad adigu XILKA KA QAADDO Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka c/kariim Xuseen Guuleed. Maxaa yeelay isaga ayey ahayd inaw kala furufuro hawlahann, iyana ma dhicin, wali waa taagan tehee, isaga ka billow tallaabada ugu horraysa.

Kaa kaliya ma ahan, waxaa aad lagaaga yaabay marka  aad wali baalka ugu haysato Mudane Tarzan. Xilka uu hayo in la kala qaado oo laba qof loo dhiibo waa muhim xaaladda lagu jiro awgeed. Midda lala sii yaabay baa ah waxa aad la sugtay Shariif Shuukhunaa Maye  oo gurigiisa laga helay hub Sharci darro ah, hadduu qabqable ahaa waaba la garan karay, balse, wuxuu ahaa Taliyihii Booliska Soomaaliyeed. Waxay ka dhigantahay Halkay Soomaalidu ka dhihi jirtey: “Ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo!”.

Mooshin ku sheegga Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyey kuwa geeyey waa gayru masuuliine, waxaa MUQADDAS ah in magacyadooda iyo beelaha ay ka soo jeedaan la sheego, maxaa yeelay Beel ayey matalaane shacab iyo umad ma matalaan! Haddii ay noqoto inay beel gaar ah u bataan, waa in beesha odayaashooda loo gudbiyaa cabasho ka dhan, hadday iyagu tabanayaanna waa inay soo gudbiyaan, ee ma ahan inay mooshin ku dhuuntaan. Waxaa la yiri: “Doqoni xin mooyee xisaab ma taqaan!”. Xildhibaannada Mooshinka wadaana waa qaabkaas. Haddaad hungurooto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo. Inta hungurigu wado waxay kala yihiin:

  • XIL SUGAYAAL; Damaaci ah inay xilal ka helaan hadii xukuumaddani dhacdo, tan dambee la soo dhisayo.
  • XASARADLEEY; U taagan dharaar iyo habeen in colaaddo aysan damin, dhiiggooda ayaa ku shaqeeya, haddii kale WADNAHA ayaa istaagaya!
  • LAALUUSHLEEY; Doonayo inay soo nooleeyaan hannaankii MOOSHINKA MAALKA!
  • MURANLEEY; iska jecel in is qabqabsi iyo is afgarad la’aani jirto mar walba.

Waxaa LIX BILOOD la sugay si uu u soo ifbaxo KHILAAF adiga iyo Saacid, ama Saacid IYO Jawaari, am adiga iyo Jawarim markii la arkay in aysan soo socon khilaaf oo aad tihiin [KOOX QURA] ONE-TEAM, ayey dani bidday inay BANNAANKA is keenaan, iyagoo ku soo  daba gabbanaya cabanashooyin beelo kale qabaan, iskuna soo dhex qariyeen.

Laakiin umadda Soomaaliyeed markaan tooshka ayay ku wada haysaa, waana la fahansan yahay arrinta Jubbaland waxa qasaya oo dabada ka riixaya. U fiirso: CUMAR CABDIRASHIID, FAROOLE, CABDI  WELI GAAS CADDE MUUSE iyo qaar kaloo badan oo Malaa’ig iska dhigaya! Ayna ugu horrayso SAHAL iyo TV-yada saacadaha ka soo gala Magaalooyinka Minnneapolis, iyo San Paolo, ee Gobolka Minnesota, balse ku hadla had iyo jeer afkaarta reer qura.

Mudane Madaxweyne hana u joojin dadka danaystayaasha ah ee ay ku fogaatay qabyaaladda iyo qabiilku, ee gabbaadna ka dhigta FEDERAALKA.

Ma tihid Malag danbi la’aan ah, balse cabashada maanta yeeraysa ma aha mid SHARCI ah. Waxaa ka marag kacay Xildhibaan Xoosh, oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka, oo yiri:  “Waxa Ka Socda Magaalada Kismaayo Ma Waafaqsana Dastuurka!”.

Maahmaah ayaa leh: “Nin Xaaskaada u jeeda Gabadhaada kuma qanco!” oo la mid ah Faroole iyo inta la fekerka ah inay xil helaan ma ahan si kale kuma qancaan!  xitaa ma gartaan inay afartaan sano sugtaan, inta ay wayn lahaayeen waxay ka xigaan in Soomaali IS LAYSO! La kala Aamin BAXO! La kala GUURO!

MOOSHINADDA socdaa waa KU MEEL GAARKII dib loogu LAABTO!  Waxayse halmaameen in KU MEEL GAARKII looga baxay: Sabarka SHARIIF ee JILJILEECU la socday + DALLAALNIMADII SHARIIF SAKIIN + ISKA FIIRSIGII SOOMAALIDA KALE + DAALKII DUNIDA IYO CAALAMKA oo ay ka ahayd bal hal mar na mootiya, oo KU MEEL GAARKA dhammeeya. Hubaal Soomaaliya inaysan wayn doonin waddani dhab ah oo gadaal ka saxa qaladaadkan iyo damaca foosha xun ee jira!

Mudane Madaxweyne, haddii aadan la imaan KARTI, DULQAAD badan, DABACSANAAN Wallee inaadan geeddiga MAANDEEQ meel dheer gaarsiinayn! Taa macnaheedu ma ahan, inaad Rikaatto walba u nuglaato, ee waa in ninkii cabasho xaq ah wata aad dhagaysatid waxna ka qabatid.

Maanka ku hay, Maamul waxaa dhaama ama halleeya waa inta hoos ka shaqaysa, intiinna sare wax aadnaan ogayn ama ka warqabin ayaa hoostiinna laga laaqayaa, u badi inay xumaan iyo xasarad abuur kaliya tahay. Marka waa inaad lahaataan dareenno dheeraad ah oo aad ku ogaataan inta qaska wadda.

Ka muhimsane, Mudane Madaxweyne dawladdaada dalwad ka awood badan burburkii ka dib lama dhihin. Haddaba, waa inaad awooddaa ku adeegataa, adoon cidna ku gardarroonayn kuna xadgudbayn. Waana inaad ka billowdaa in Axmed Madoobe iyo Kooxdiisa ood ku summaddaan QASWADAYAAL, illeen haddaan taladiinu  meelmarin meesha maxaad ku haysaan?!

Taa adigu eed kuma lihid,  oo hortaa baa la jideeyey, marka waa uun SUNNO jirtay oo aad dabbaqday. Waxaa iila yaab badan kuwa maanta ka mudaharaadaya deegaanka Bari jacayl ay u qabaan Jubbooyinka ma ahane, dantooda ayey ka dhex arkeen, markuu Faroole lahaa Soomaali Galbeed Soomaali ma ahan, ee uu Itoobiya u gacan galinayey qofna kama hadal, waaba ku taageersanaayeen, dadka gacan galinta mudnaa lahaa Axmed Madoobe ayaa ka mid ah, balse, maanta waa lagu Awr kacsanayaa, Allaw doqoni damiinsanaa!

Suuragal ma ahan mana la qaadan karo in maalin walba WAFDI DAWLADDA ka socda iyo MASUULIIYIN laga celsho Garoonka Magaalada Kismaayo. Iska daa Mudane xil hayee Muwaadin Soomaaliyeed ee aan Dambiile ahayn in laga celshaa qalad ah, idinkuna waad ku fiirsateen. Kaaga darane, ninka waxaa samaynayaa wuxuu ka soo boqooleey Soomaali Galbeed.

Axmed Madoobe wuxuu ka mid ahaa WADAADADII WAALLIDA WADAY! Waxaan sidaa u leeyahay wuxuu ku jiray firxadkii Maxkamadaha, ka dib ayaa isagoo dhaawac ah Xabashidu qabteen, inta la soo daweeyey ayaa dib loogu soo celiyey Jubbooyinka.

Maanta waxay taagan yihiin Maamulkaa wuxuu xarun u noqon karaa Mucaaradka Itoobiya, sidaa awgeed waa in laga hortagaa. Tani waxay keenaysaa in laga faa’iidaysto ka biya diidka Itoobiya, illeen waxa halkaa ka soo socdaa waa hubaal inaysan dan Soomaali ku jirine.

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

Qadiyada gooni-isu-taaga Somaliland & caqabadaha dhabta ah ee horyaalla

$
0
0

Soomaaliya Soomaali Baa Leh

Midkii Kala Saar Lahoow

Midkii Kala Sooc wadoow

Midkii Si Xun U Fekeroow

Sareeda Hadeey Ku Waarto

Hadii Silac Iyo Dhib Gaaro

Samaanteed Iyo Xumaanteed

Soomaliya Soomaali Baa leh

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Aqristaha sharafta badanoow, bal aan ku horeeyo’e, Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya waxaa daga dad walaalo Soomaaliyeed ah, Dhaqan, Diin, Luqad, Dad iyo Dalba aan wadaagno.Waa meelaha ugu nabada roonaa burburkii dalka kadib. In bandan oo Soomali ahna eey u hayaameen, kuna badbaadeen. Waa meelo ugu yaraan madaxdu xukunka isuku wareejineeysey iyadoo aan xabada la isa surin. Waxaa ka jira Maamul mudo soo jirey oo wanaagiisa iyo dhaliishiisaba leh, balse shaqeeya oo umad badani dugsato. Hadaan sookoobo, waxaa ka jira Gobolladaa Waqooyi ee Soomaaliya, in badan oo wanaag ah, oo eey tahay in aan ugu hambalyeeyno walaalahaa, Allaahna uga barino in uu ubarakeeyo, ileyn waa walaalo Soomaaliyeede oo wanaag dhamaan aan la jecelnahaye.

Balse mushkilada ugu weyn ee Gobolladaa ka jirta ayaa ah “Kala Goynta Dalkeena Hooyo”, ama waxa loogu yeero, “Gooni-Isu-Taag”, Cadaalad darro iyo “Sad-Bursi” baahsan oo gobolladaa ka jira. Hadaan toos u galo qormada, aqristoow waxaan ku jirnaa 2013, xaqiiqdiina Gobollada Waqooyi ee Soomaliya isbadal aad u xoog badan ayaa ka dhacay, maadaama iyadoo isbadalkaa xaqiiqiga ah ee aan la inkiri karin uu ka jiro Waqooyi ayaa “18-May” waxaa si gaar ah muhiimad dabaaldageed usiiyey “Qeyb gaar ah” oo ka mid ah walaalaha Reer Waqooyi la isku yiraahdo, ee waqooyiga wada daga gobolladaas, sidaa daraadeed waxaan is iri bal qormadan ka samee, ee Akhirtoow kusoo dhowoow dhuuxa qormadii adigoo mahadsan.

Waxaan rabaa in aan qaab Mandiq/Logic ama caqliyeysan oo cidkastoo caadifad ka fogi eey caqli nadiif ah ku garankarto, ee bal aan su’aalo iga dhex guuxayaahi idinla wadaago aqristayaashoow. Aan ku bilaabo’e, Dhulka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi waxaa wada daga Beelo dhowr ah (Isaaq/Beesha Dhexe, Dhulbahante, Samaroon/Gadabiirsi, Warsangali, Ciise, Gabooyo, iyo Faqashinni) oo Gumeystihii Ingiriisku uu midba si gaar ah/gooni-gooni ah heshiis ula galay, marka laga reebo Beesha Dhulbahante oo iyadu aan heshiis la galin Gumeeystaha. Ma aaney jirin wax isku duuban oo ka maamul ahaan uu Ingiriisku heshiis ula galey. Magaca hada Gobollaa Waqooyi loogu yeerana waa mid uu Ingiriisku iskii ula baxey, micnahuna uu ahaa oo kaliya: “Dhulkii Soomaaliyeed ee Gumeystaha Ingiriisku Gumeysanjirey”, sidaa daraadeed, Hadii Beelihii dhamaan marka laga reebo Hal beel, “Beesha Dhexe”, oo iyadu danteeda u gaarka ah darteed Ictiraaf u raadsaneeyso, macquul ma noqoneeysaa iyadoo Beelihii kale ee gobolka la wada daganaa wada diidanyihiin in Aqoonsigaa la helo? Oo waliba waxa diidanna eey yihiin Odayaashii dhaqanka oo dhan, Aqoonyahankii, Siyaasiyiintii ugu caansaneyd iyo dhamaan Indheer-Garadkii Beelaha kale oo mideysan, kaba sii darane gobollada qaarna hadadan la taaganyahay eey xabbadu ka socoto, oo Nabadiiba gobolku ku caanka ahaa aaneyba maanta meesha oolin. Hadiise xaqiiqdu sidaa tahay, soow Xaalka dhabta ah ee “Ictiraaf” noqon maayo mid dhalanteed aan muran ka taagneeyn ah, iyo laablakac iska caadifadeed? Ileyn caalamku wuu garankaraa in “Hal Beeli” aaney dowlad noqon karine, iyadoo Aduunweynuhu uu waliba ka cabsi qabo in Beel kastaahi ee Soomaaliyeed iyana “Gooni-Isu-Taag” ku dhawaaqdo, oo kumanaan dowlado Soomaaliya ka wada dhexjira xaalku isu wada badalo, oo  Albaabkii eey ku bilaabanlaheyd mushkiladaana  fure u noqoto, taasoo cawaaqib xumadeena aaneey Soomaaliya oo kaliya ku ekaan doonine, u gudbidoonta Qoowmiyadaha faraha badan ee kala duwan ee dhamaan simideeysan ugu wada nool wadamada Deriska  la ah Soomaaliya, iyo waliba guud ahaan kuwa geeska Afrika?

Caalamku wuxuu jawaab maqcuul ah u la’yahay sababta iyo logic-ga “Gooni-Isu-Taagan!” iyo “Ictiraf Raadintan!” Ma waa la ina laayeybaa? Ma cadaalad darro ayaan Soomaalida Koofureed katirsaneynaa baa? Ma kala Diin, Dhaqan, Luqad, Isir iyo Midab beynu nahay baa? Aan ku horeeye’e caalamku wuu ka dharagsanyahay in aan isku wada Diin, xitaa Mad-had, Dhaqan, Luqad, Isir iyo Midaba wada nahay, taasoo ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee “Gooni-Isu-Taaga”. Hadiise xaalku Maamulbaa ina laayey tahayna, caalamku wuxuu taaganyahay Maamulkii dhibkaa geeystey wuu tagey, waliba waxaa la dagaaley Soomali oo dhan, isla Soomaalida Koofureed ayaa ridey, ee Waqooyi Madaxtooyada Muqdisho ma aaney ugu tagin, iyagaa Koonfureed ayuu laayey, oo cidkastoo maamulkaa mucaarada ayuu la dagaalamayey, waliba dadkii dad ugu dhawaa ayuu laayey, sida Beelihii Jabhadii ugu horeeysey ku aasaasey ee SSDF, iyo kuwii ku xigey sida: USC, SDM iwm. Caalamku wuxuu la yaabanyahay, hadii shalay “Beesha Dhexe” ee walaalaha waqooyi eey laheyd Maamulkii Millatarigii ayaa beel ahaan inoola dagaaley oo ina xasuuqey-Ileeyn waqooyi iyo koofur cidi uma aaney dagaaline-,  soow xaqiiqdu ma aha in waxaa ka dhacay gobolladaa waqooyi eey ahaayeen laba Xasuuq: 1-Mid waxaa geeystey Dowladii Milletery-ga, oo eey shacab badan iyo Jabhadii hubeysneyd ee SNM ee “Beesha Dhexe” qeybo ka mid ah eey ku dhinteen, kadib markii dagaalku magaalooyinka noqdey, oo Jabhadu magaalooyinka soo dhex gashey, oo xaalku noqdey in shacabka lagu dhex dagaalo, taasoo sababtey in eey dhacaan qaladaad iyo gafaf badan oo xaqiiqdii dowladaa Millatery-ga ee markaa jirtey eey gashey, gaar ahaan isticmaalkii diyaaradaha IWM. Qofkastoo Muslim ahna Maras dilkood ma ogolaankaro, kaba sii daran walaalo Soomaaliyeed’e. Balse waxaan dadka badanaa aan loo sheegin, in badanna ka qarsoon, da’yartuba ha u badnaatee, in uu jirey xasuuq kale oo isla Gobolladaa Waqooyi ka dhacay, midkan dambe waxaa geeystey Maleeshiyadii Jabhadii SNM, oo xasuuqdey Qaxootigii Galinka 5-aad ee “Ogaadeeniya” kasoo qaxey, oo dowladii Millitery-ga eey dajiyey Gobollada wooyi, maadaama eey aad ugu dhaweyd masaafo ahaan, iyadoo Jabhada SNM eey Gobollda waqooyi ku shaacisey in Dadkan aaney qoxooti aheyne dad dhulkan in eey idinkala wareegaan loo keeney yihiin. Nasiib darada kaloo jirtey ayaa waxeey iyana aheyn in Dowladii Millitery-ga hubeysey qeybo xaqootigaa ka mid ahaa oo dagaalkana galisey. Khubarada qaar waxeey leeyihiin nasiib darro! Qaxootigii dhowrka Boqol oo qoys ahaa wax ka fakadeyba weey yaryihiin, oo qoysas dhan ayaa sidooda u go’ay, oo dhagta dhiiga si wadareed ah loogu darey iyagoo isugu jire Maras/Maato iyo Rag nuuckastaba leh, oo lafaha hey’ada caalamiga loosoo bandhigo inbadan oo ka mid ah waa qaxootigaas ayey leeyihiin, oo waxaa looga faa’ideeystaa, laba arin: A- Kuwii laayey ayaa joogaa oo garanaya meelihii eey ku xasuuqeen Maatidaa, B-lafahaa gaalada la tusayo, isma sheegayaan Reeraha eey u dhasheen, marka waa lagu badsankarayaa, si dareenkooda loo gilgilo, looguna sii xoojiyo qadiyada “Gooni-Isu-Taaga”.

Nasiib darada ugu weynse waa in Maanta iyadoo “Beesha Dhexe” wadata hubkii eey ka heshey Dowladii Millatery-gii Siyaad Barre, hubkii Ethiopia eey siiyey, iyo iyadoo isticmaaleeysa awood dhan ee maamul, hadii eey ku leeyneeyso Shacab isugu jira Caruur, Ciroole iyo guud ahaan Marastaa Biri-Mageeydada ah,  kuwaasoo kasoo wadajeeda isla Beelaha Waqooyiga wax ka dagan, sababtuna tahay oo  kaliya in eey diideen wax la dhoho “Gooni-Isu-Taag”, iyo in eey Maamul ka ahaadaan Raaciyeyaal oo kaliye, sidaa daraadeedna ku dhawaaqey in eey rabaan Midnimada walaalahooda Soomaaliyeed, iyagoo sida lawada ogyahayna halgan dheer oo taariikhi ah usoo marey u dagaalankii Soomaalinimo ee lagula dagaalamayey Gumeysigii Ingiriiska, rag badana hore ugu waayey, sidaa daraadeedna diidan in eey Taariikhdaa dheer ee Gobanimo-Doon eey maanta ka talaabsadaan, oo “Hal Bacaad lagu lisey” kasoo qaadaan. Xaqiiduse soow noqonmeeyso aqristow, in marka aad “Inaga” abuurto, aad sidoo kale qaab automatic ah u abuurtey, “Iyaga”.  Xaqa aad u leedahay in aad cid baan ka go’ay u tiraahdana, soow cidkastaahina xaq uguma laha in eey adigana kaasii go’do?

Hubka Maamulku u isticmaalo Gobollda dagaalladu ka socdaan

Hubka Maamulku u isticmaalo Gobollda dagaalladu ka socdaan

Wuxuu caalamku sidoo kale leeyahay, hadii shalay cadaalad daro eey “Beesha Dhexe” ee walaalaha Reer Waqooyi ka tirsaneeysey Soomaalida inteeda kale, bal kawaran hadii isla iyadii eey kula dhaqmeysey waqtigii xoriyada Ingiriiska gobollada waqooyi ka qaadan rabeen, ee marka laga reebo sadex waziir maahane Jagooyinkii kaloo dhan “Beesha Dhexe” isku wada qaadatey. Nasiibdarona! Illaa iyo maantana kula dhaqmeeysa Beelaha kalee ladagan Gobollada Waqooyi, cadaalad daradii oo aaney waxba iska bedelin. Video-ga Linkiga hoose waxaad ku arkeeygaa wareysigii Cali Saciid Xasan uu la yeelanayo Saraakiil kasoo wadajeeda Gobollada waqooyi Gaar ahaan Beelaha Samaroon/Gadabuursi, kala ah: Sareeye Guuto Yuusuf Talacle, Gaashaanle Sare Eng. Maxamed Mayrane Warsame, G/Sare Maxmad Nuur Faahiye, G/Sare Maxamed oo ahaa Gudoomiyihii Jabhaddii SDA, iyo Eng. Cumar C/llahi Handi, wareeysigaa uu kula yeeshay Farjano 11-kii Bishii Febraayo 1991. Gaashaanle Sare Eng. Maxamed Mayrane Warsame Wuxuuna yiri: “1959-kii Ingiriisku markuu Gobollada Waqooyi ka baxayey, wuxuu sameeyey wax la magacbaxey, “Shadow Ministers” oo 9-Bilood jirayey, Xisbigii Markaa jirey ee SNL ahaa oo “Beesha Dhexe” eey ugu badnaayeen, ayaa maadaama dadka Waqooyi wada xamaasadeeysnaayeen oo xoriyad loo dagaalayey bal loo dhiibey oo qeybiya la yiri, Nasiib darro! Ummadii kale oo dhan ayey ka sadbursadeen. Gobolka Owdal, oo markaa la dhihi jirey District Borama, waxaa laga siiyey Hal waziir, laascaanood waxaa laga siyey ma garanayo Hal mise Laba waziir, intii kaloo dhanna waxaa qaatey “Beesha Dhexe”. Nasiirdarro! Siyaasi weyn oo kasoo jeedey isla Beeshaa, Waqooyigana caan ka ahaa, lana wada garanayo ayaa yiri, “Ma jilibkeeyga oo aan waziir helin ayaa reer Awdal waziir helikaraan, sidii ayaa kiina looga qaadey Reer Awdal”, Markaa ayey beelihii kaloo dhan ugu wada dhibicdey in cadaalad daro iyo Sad-Bursi xaalku aanu ka baxeeynin, waliba markaa SNL oo beeshaa u badneyd, Ingiriiskuna uu aad u taageerayey, waxeey doonayaan “Federation”, ama in “Dowlad Gaar” ah la noqdo, oo iskubiirid marna ma aaneey rabin. Markaa Beelihii kale oo ka dharagsanaa in waxa kaliya ee xaqooda eey ku helikaraan eey tahay in la raadiyo Jamhuuriyad Soomaliweyn, si qeybtooda eey u helaan, oo waqooyiga aan loogu Dominate-gareyn, ayaa waxa eey Beelihii kale bilaabeen in eey sameeystaan Xirbigii Siyaasiga ahaa ee la dhihi jirey, “USP-United Somali Party” ula jeedadiisuna aheyd in aan waqooyi gooni isu taagin, ama Federalism aanan lagu maquunin beelaha kale, balse walaalaha Koonfur iyo Waqooyi la isku daro. Doorashadii markii la galey, “Absolute Majority” weey heliweeysey “Beesha Dhexe” oo markaa wadatey urukii SNL, waxaana lagu qasbanaadey in Soomaaliweyn lagu darsoomo oo la raaco, maadaama aan inagu sidaa u ololeeyneeyney, Cigaalna rajo uu ka qabey in uu Ra’isulwazaare helayo haduu Madaxweyne waayo. Taas aad ayeey uga xumaadeen ururkii SNL, waxaana markaa la isku heeystey nin diidan in la yaso, oo hala ilatashado si cadaalad ahna aan waxkasta u qeeybsanno taagnaa iyo nin diidanaa. Hadadan oo 1991-kii aan joognana waxaa la ina leeyahay laba Xaaji Qamsiin ayaa ku filan oo lasoo saarayaa dhamaantood”

Akhiristoow, soow maantana isla tii uun waxa taagan ma aha, ileyn waxa keeney in eey Beelaha kale waqooyi wax kadaga in eey sameeystaan, maamul Goboleedyada kala ah: Awdal State of Somalia, Khaatuma State of Somalia, iyo Maakhir State of Somalia, kadib markii sidii horeba caadadu aheyn, “Beesha Dhexe” is laheysiiyey Jagooyinkii ugu sareeyey maamulka oo dhan, sida: Madaxweynihii, Hogaamiyeyaashii dhamaan Sadexda Urur ee ugu waaweyn ee Mucaaradka, (ileyn sadexdaa urur ee waaweyn hogaankooda ayaa uun fursad Madaxweynenimo heli kara’e) iyo xitaa dhamaan ururada kee jiraba, Bal u fiirso Deegaanada maamulka Gobollda Waqooyi  waxaa  28/11/2012 laga qabtay doorashooyinka golayaasha deegaanka.  Waxaana ku tartamaya doorashada labo xisbi iyo Shan urur siyaasadeed oo marka la isu geeyo noqonaya 7-urur siyaasadeed. Haddaba waxaa muhim ah in la fahmo toddobada urur ee doorashadaa ka dhacday ka qeybgalay iyo hogaamiyaashooda Beelaha eey kasoo jeedaan oo iska leh, taageerana: 1- KULMIYE: Hogaanka xisbigan iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Sacad Muuse/ Habar Awal. 2- UCID: Hogaanka UCID iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada:  Cidagale/Garxajis. 3- WADANI:  Waxay hogaankiisa iyo taageerayaashiisuba ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada:  Habar Yoonis/Garxajis. 4- XAQSOOR: Hogaanka ururka Xaqsoor waxaa uu ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada:  Carab. 5- UMMADDA:  Hogaankiisa iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada:  Habar Yoonis/Garxajis. 6- DALSAN: Dadka hogaamiya iyo taageerayaashiisuba waxay isugu biyo shubanayaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada:  Sacad Muuse/ Habar Awal. 7- RAYS: Dadka dhisay iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada:  Habar-Jeclo. Waxaa intaa kuusii dheer, Waziirkii Arimaha Dibada iyo inta badan Waziirada, Hogaamiyaasha Ciidamada- Si beelaha kale isugu baqaan, “Intimidation”, looguna isticmaalo markii dani bido, sida gobollada qaar hadda ka socota- Maxkamadii Sare, Madaxdii Golayaasha Maamulka, Wakiilada iyo Guurtidaba ….IWM. Waa dhamaan awoodii dhabta aheyd ee Maamulka, iyadoo nasiib darro! Waxa kaliya ee Beelaha kalee Waqooyi waxkadaga loo ogolyahayba eey yihiin “Ku Xigeeno” in eey Maamulka ka ahaadaan. Dadbaa ku dooda in Mudane Riyaale Kaahin Madaxweyne mar ka noqdey Maamulka, isaga oo aanan u dhalan “Beesha Dhexe”, balse xaqiiqda dhabta ah ee dadkaasi iska indhatirayaan ayaa waxeey tahay in Riyaale ahaa “Ku xigeen”, fursada uu ku heleyna aheyd oo kaliya Geeridii ku timid (Allaha u naxariistee) Marxuum: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Makula tahay in Beelo dhan oo Cuqaal iyo Indheer-Garadba leh, in eey maamul waxa kaliya eey ka noqonkaraan eey tahay raaciyeyaal magac lagu badsado, iyagoo dad iyo deegaanba Ilaaheey siiyey, walibana muhiim u ah hadii “Ictiraaf” la raadinayo iyo hadii kalee la hor istaagayaba? Soow marka xaalku noqonmaayo, “Dulmi Diide, Dulmi Doona ah beeynu aragney”? Mase kula tahay in sidaa cadaaladu tahay, keeneysana wada jirka Beelaha maamulka wada dhistey, iyo in sidaa “Ictiraaf” lagu helayo, sidii la rabo “18-May” haloogu dabaal daga’e?

Hadiise Maanta eey Beelihii kale ee wax ka wada daganaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, ee awal waxa kaliya oo eey ku heshiiyeen aheyd in Maamul lawada dhisto si nabad loo kala helo iyo in eey ka badbaadaan “Beesha Dhexe” oo hubkii oo dhan gacanta u galey, maamulkana hormuud u aheyd, beelaha qaar ee Waqooyina wax ka tirsaneysey, balse waligood aanan ku heshiin wax la dhoho “Gooni-Isu-Taag”, eey maantana si cad u wada taaganyihiin waxaan ka mid nahay inta u taagan midnimada Ummada Soomaaliyeed, oo eey gobolladooda uga kala dhawaaqeen, dowlad goboleedyada kala ah: Maakhir State of Somalia, Awdal State of Somalia, iyo Khaatumo State of Somalia, kuwaasoo dhamaantood wada ayidsan Midnimada Ummada Soomaaliyeed. Makula tahay arintii “Gooni-Isu-Taaga” In eey si xaqiiqo ah u dhimatey, oo eey meeshaa uga baxdey gabi ahaanteedba? Ileyn “Hal Beel” oo kaliya cidi ictiraaf siinmeeyso’e, iyadoo gobolladii Ingiriisku wada gumeeysan jireyna aaney u dhameeyne, waliba hadii Beelaha kale siyaabo siyaasadeed lagu qancinkari lahaa, qaar ayaa meeshii wada hadal nabadeed lagu qancin lahaa, xabbada la surey, oo Maatadoodii dhagta Dhiiga loodaray, waana xaqiiq jirta marka wiil aad Aabihii goowracdo, in aad iska sii fogeeysay, kana sii daran hadii wiilkaasi ku dhaganyahay, halgan hore oo dadkiisu magac iyo maamuus mujtamaca Soomaaliyeed uga dhexleeyihiin.

Hogaamiyayaashii Somalilaand iyo kuwii gumeystaha Britain

Hogaamiyayaashii Somalilaand iyo kuwii gumeystaha Britain

Ugu Dambeyn, hadii Dowladii Soomaaliya “Kumeel-Gaarkii” ka baxdey, oo Maanta Ummada Soomaaliyeed dowlad Rasmi ah eey heshey, taasoo January 17, 2013-kii uu Mareykankuna si rasmi ah u aqoonsadey, IMF-ta, hey’adihii kalee caalamiga ahaa,  iyo dowladihii kalana ku wada xigsaden,  iyadoo Madaxweynaheedana uu meelkasta ka leeyhay: “Waxaan ku dhaartey MIDNIMADA DALKA”-Waloow aan aad uga xumaado marka aan maqlo isagoo dhahaya cadaadis Diplomaasiyadeed isticmaali meyno, iyadoo kooxda dalka hala jaridiisa ku howlanina waxkastaahi isticmaalayaan-, Nabadiina eey si tartiib-tartiib ah usoo noqoneeyso, caalamkiina uu Safaaradihiisii caasimadii dalka maalinba mid kasii furanayo,  kuwaasoo uu ugu horeeyo Ingiriiskii Ictiraafkaba laga raadinayey in uu hormuud u noqdo, iyadoo dhamaan caalamku wada muujiyey in Dalka Soomaaliya uu hal hogaan leeyahay, inta kalena Dowlad Goboleedyo yihiin, caalamkuna sidaa u tixgaliyey, soow taasi Arimihii Ictiraafka ugu dambeyn rajo beel ma aaneey kusoo gabagabeeynin?

William Heague iyo Madaxweyne Xasan, xilli safaaradda Britain laga furayey Xamar

William Heague iyo Madaxweyne Xasan, xilli safaaradda Britain laga furayey Xamar

GABAGABO, GUNAANAD IYO AFEEF

Marka aan leeyahay “Beesha Dhexe”, waxaan ka sariiganayaa in aan si toos ah afka magaca ugu dhufto, waxaana ula jeedadeeydu tahay “Qeyb ka mid ahe” qaarbaa midnimada taageersan. Hadiise aan dhaliil soo jeedino micnaheedu ma aha, in aan necebnahay walaalo Soomaaliyeed, oo ah qeyb ka mid ah dalkeena hooyo ee Soomaaliya. Ma aha in aan cadow kunahay. Mana aha in aan xumaan la dooneeyno. Waxa aan dooneeyno oo kaliya, waa in wixii khalad ah la soxo, si wax inoogu wada wanaagsanaadaan, dalkana aan marna lakala jarin. Waxaase intaa fahmikaraya inta dareensan in qofku xor u yahay ra’yigiisa, xaq buuxana u leeyahay in uu cabiro aragtidiisa, eeyna tahay in la isku xushmeeyo kala aragti duwanaashaha. Ugu dambeyn fadlan wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaaji e-mailka hoose adigoo mahadsan.

Wabillaahi Towfiiq.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

REFERENCE

http://www.raxanreeb.com/2012/11/somaliland-doorasho-qabiil-mise-doorasho-deegaan-falanqeyn-xisbiyada-siyaasada-iyo-qabiilada-iska-leh/

http://www.youtube.com/watch?v=wz9EFHFtZgk

 http://www.youtube.com/watch?v=NFStvUkkCDQ

http://www.nspu.org/NSPU_Riyale’s_visit_to_Washington_DC_01_08.pdf

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=wO3HtSbaPGM

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=aAWp0m36Asw

http://www.nspu.org/WHY%20IS%20SOMALILAND%20NOT%20RECOGNIZED.pdf

http://www.youtube.com/watch?v=TAl3bSDiU_8

6-da Madaxweyne ee Jubbaland ayaa taageeray doodihii DF Somalia

$
0
0

Kismaayo (Caasimada Online) - Doodda Jubbaland, waxa ay mar walba ahayd; Dowladda Somalia oo leh “Aan hogaanka qabano, si dadka deegaanka oo idil ay uga qeyb galaan maamuka” iyo Kooxda Axmed Madoobe oo leh “Faraha nagal baxa aan annaga maamul dhisno’e”.

Ma jirin cid si cad ugu guuleysaneysa dooddaas waqti fog, hase yeeshee wax ay wax walba is-beddeleen 15-kii May, markii Axmed Madoobe uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee 6 madaxweyne oo Jubbaland ay iminka leedahay.

Ugu yaraan dooddii ayaa u muuqata mid gebo gebo ah, oo Dowladda Somalia ay ku guuleysaneyso

Haddaba Sidee?

Dowladda federaalka, ayaa dooddeeda ugu weyn oo ay ku diiday Jubbaland waxa ay ahayd in maamulkaasi uu noqdo mid beelo gaar ah ku kooban, beelo kalena lagu qadiyo, taasi oo dagaal beeled horseedi karta.

Markii Axmed Madoobe ay beshiisa dooratay, beesha Barre Hiiraale-na ay daba dhigtay, oo ay beelaha Cooramale, Gaaljecel, Digil iyo Mirifle iyo kuwa kale ay madaxweynayaal magacowdeen, waxaa caddaatay in Jubbaland aan la isku racasaneyn.

Waxaa mugdi uu hareeyay sheegadii kooxda Axmed Madoobe ee ahayd in dadka deegaanka oo idil ay maamulkiisa u dhan yihiin.

Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa hareeyay xiisado iyo dhiilo coladaadeed, ayada oo magaalada ay joogaan ciidamo badan oo dhinacyo badan kala tabacsan, waxaana dowladda ay sheegtay in wixii ay ka digeysay ay kasoo bidhaamayaan Kismaayo.

Iminka Axmed Madoobe way adag tahay inuu yiraahdo in maamulkiisa la wada raacsan yahay, waxaase lixda madaxweyne ee Jubbaland ay taageereen sheegashooyinkii dowladda ee ahaa inay ilaalineyso in maamulka deegaanka la isku dilo.

Doodaha dowladda Somalia, waxaa kabay guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee dhowaan tagay Kismaayo, kaasi oo riixay in dowladda Somalia ay lagama maar maan tahay inay hogaanka u qabato dhismaha maamulka, si dadka deegaanka oo idil loo qanciyo.

Guddoomiyaha guddigaas oo lagu magcaabo Bashiir Ibraahim, ayaa u sheegay dowladda Kenya in dowladda Somalia ay raadineyso oo kaliya in meel la isugu keeno dhinacayad isku haya Jubaland, islamarkaana loo sameeyo maamul ay beelaha oo idil ka wada raali yihiin, loona baahan yahay in Kenya ay taageerto.

“Dowadda Kenya iyo ciidankeedaba ha taageeraan madaxweyne Xasan Sheikh iyo Dowladda federaalka, si loo mideeyo dadka gobollada koonfureed, intii Kenya ay hal dhinac la shaqeyn laheyd” ayuu yiri Bashiir.

Si kastaba guddigaas ayaa warbixintooda u gdubin doona madaxda IGAD, taasi o la filayo inay hogaamiso go’aan guuleysiin doona doodaha dowladda federaalka Somalia.

Caasimada Online

Qeybta faallooyinka

Use Facebook to Comment on this Post

FAALLO: Buugii Jubbaland baalki ugu dambeeyay shalay ayaa la rogay

$
0
0

Bismillaah

Arrimaha jubooyinka waxey soo marayeen maraaxil kala duwan oo ku dhisan taxadar iyo kafiirsi labada dhinac ah, dowlada dhexe ee Soomaaliya waxey u dhaqmeysay qaab daganaansho ku jirto, sidoo kale maamulka kumeel gaarka ah ee Kismaayo wuxuu ku shaqeynayay si taxadar iyo feejignaan ku jirto, xaaladuna waxey laheed rajo wanaagsan in lees fahmo ilaa mar qura hawadii isbadashay, waaguna uu baryay Jubaland oo leh madaxweyne lagu doortay gacan taag eyna cidi la tartameynin, tallaabadaasi dadka taageersan Jubaland waxey u fahmeen guul soo hoyatay, halka dadka siyaasada indha-indheeya ey u arkayeen qar-iskatuur laga baxsan waayay, balse eysan ogeyn sababta dhabta ah ee keentay.

Maalmihii xigay waxaa soo ifbaxay arimo badan oo lagu fasiray sababta keentay qar-iskatuurka Kenya iyo xulufadeeda, dowlada Itoobiya oo markii hore aheyd safka Kenya ayaa mar qura isrogtay 180 degree, waxey af cad ku sheegtay in arimaha Jubooyinka looga dambeeyo dowlada Soomaaliya, intaa kuma ekeysanin ee hadal kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha itoobiya ayaa canaan kulul iyo digniin loogu jeediyay madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo caadifad intey qaaday si aanan laga fiirsanin taageero dusha uga riday Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, sidoo kale Norway oo lagu xamanayay in ey Kenya gadaal ka riixeyso damac shidaal oo ku jira awgeed ayaa af buuxa ku tiri “ ku taageeri meyno Kenya boobka dhulka Soomaaliya”.

Shirkii wasiirada arimaha dibada IGAD  ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ayaa waxaa kasoo baxay war-murtiyeed cadeeyay sababta keentay qar-iskatuurka Kenya iyo xulufadeeda Kismaayo, war murtiyeedka ayaa si cad loogu sheegay in “sharci darro” ey yihiin madaxweynayaasha tirada badan ee Kismaayo isku caleema saaray, waxeyna ku taliyeen in arimahaa looga dambeeyo dowlada Soomaaliya.

Su’aasha meesha kasoo baxday ayaa waxey tahay; Meeqa IGAD ayaa jirta? Axmed Madoobe wuxuu leeyahay IGAD ayaan taageera ka heestaa, halka IGAD ey leedahay kuma aqaano, arimaha sida ey u socdaan marki aad eegtid waxaa kuu soo baxaya  in Kenya ey isku dayeysay marki hore in ey ku qaraabato magaca IGAD oo ey jeebka gashato, balse marki leesla shir tagay laga tira batay, IGADne ey go’aan cad qaadatay, sidaane Kenya iyo xulufadeeda ey banaanka kusoo dhaceen.

Waxaa muuqata in maamulka Kismaayo isku caleema saaray uusan laheyn mustaqbal Ifaya, kubadune waxey taallaa garoonka dowlada dhexe ee Soomaaliya, hadii ey ku guuleysatay kaambiyadi koobaad ee siyaasada ku wajahan Jubooyinka, waxaa laga dhursugayaa sida ey u wajahdo kaambiyada labaad oo ah in si cadaaladi ku jirto ey u maareeyso arimaha goboladaa cakiran, ilaahey ha waafajiyo wixi qeyr ugu jiro umadan Soomaaliyeed si guud ahaaneed, iyo walaalaha daga goboladaas si gaar ahaaneed.

Wabillaahi Towfiiq

W/Q: Dr. Axmed Xalaal

Caadle2@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda Tifaftir ee Caasimada Online

Use Facebook to Comment on this Post

Farshaxanka Amiin Caamiir farbaa ku godan!. (Qormo xasaasi ah)

$
0
0

Xilliyada ay xaaladaha xasaasi yihiin ayaa Amiin Amir web-kiisa looga bartay run ka sheegid uu si maadleh ugu soo gudbin jiray bulshada daawata web-kiisa oo aad u fara badan.

Sheekooyin fara badan oo maad leh oo run leh ayaa ku duugan waqtigan Jubbaland, balse Amiin aad buu uga gaabsaday. Laguma aqoon Amiin inuu siyaasadaha socda uu ka gaabsado balse sida ay tahay amaba runta u dhow ayuu daboolka ugu qaadi jiray.

Wuxuu aad u weeraray Madaxweyne Sheikh Shariif oo uu gaarsiiyey in xitaa waxyaabo aan u qalmin ruux madaxweyne ah in laga sheego oo xitaa aan run ahayn uu ku soo bandhigi jiray. Xittaa Dadkii ugu dhawaa madaxweyne Shariif iyo laftigiisa ayaaba ka heli jiray oo uu ka qoslin jiray.

Amiin Arts webkiisa, aad bay dadka u jecel yihiin habka uu wax u soo gudbiyo, balse sheekooyinkan tirada badan leh-maadda leh- ruux kastana ka sameen karo ruwaayad ayuu ka ganbaday Amin Arts.

Dhinaca kale jacaylka ay bulshada u qabto farshaxankiisa ayey la bar bardhigeen siyaasi weyn, sababtoo ah waxaad arkaysaa isagoo lagu soo dhaweynayo goobo waaweyn oo looga hadlayo munaasabado waa weyn oo ay ka soo qayb gelayaan siyaasiyiin waaweyn. Taas waxay ku tusineysaa heerka jacaylka loo qabo, yuusanba meesha hadalba ka sheegin, hase ahaatee murti lehe muuqaalkiisa ayey dadka jeclaayeen iney arkaan.

Amin Arts aad baa loo qiimeeyey oo looga mid dhigay sida marti sharaf qaddarin leh. Iyagoo fanaaniniin badan ay goobta joogaan ayaa haddana isaga laga fadali jiray oo la soo dhaweystaa.

Sanooyinkana amaba aan dhehee sidii ay u bilowdeen Federaalka/Jubbaland waxaad mooddaa in ummad gaar ah ay dhegta wax ugu sheegtay, sababtoo ah, bal fiiriya sida ay arrimaha u camiran yihiin oo waliba malaayiin kaftan iyo maad leh looga sameen karo waliba isaga uu ugu sameen karo, balse ma dhicin oo wuu ka gaabsaday. Wuxuuse doorbiday inuu Dowladda ku sheego iney 20 sano ka dib ay dab huris bilaabeyso, meesha ay IGAD maanta leedahay waa in arrimaha Kismaayo looga danbeeyaa Xukuumadda Soomaaliya.

23_MAY_2013

Marar waxaan is iraa armaa ninka waa bani’aadame ay suuri qaadday, taasoo aan mar mar ku garsiinayo illeen waa bani aadame. Balse taas laguma aqoon sanooyinkii hore. Fanaanka sidiisaba wuxuu diiradda saaraa halka ay runtu ku abbaarantahay haba u badnaadaan gabayaaga oo badanaaba runta ka sheega waaqaca jira si geesinimo lehna u abbaara.

Laguma aqoon jirin ruuxa fanka ku sifoobaa in dhinac lagu tiriyo taasoo aysan caada u ahayn fanaanka. Bal dib u raaca farshaxanka Amiin Aamir qiyaasna ka sameeya percentage-ka uu koox kaliya ku bartimaameedsaday -weeraray iyo qoomamka kale.

Amminow farshaxankaaga maadda leh si caddalad ah ugu qaybi dadka xitaa allaha ka dhigee reer shingaani.

W/Q: A-Abdulle ( RunSheeg )
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan, siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post


Haddii aad qurbaha Ilmo ku heysato & haddii kaleba fadlan aqri qormadan

$
0
0

Dhibaatada iyo xalka, ubadka qurbaha.

Ilmaha Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaa haysta dhib aad u weyn, oo aan inta badan loo ogeyn ama aan si mudan loo tixgalin, waana tan keenta, in ilmihii qaloocdo, dhaqan ahaan iyo nolol ahaanba, aakhirkana ku dambeeyo, xabsi iyo nolol ka dhac, waxa loo yaqaan.

Dhalinyaradani waxay ku dhex nool yihiin, labo dhaqan oo is diiddan inta badan, intaa waxaa u dheer, waa ilmo la nool waalid daallan jir ahaan iyo maskax ahaan ka dhashay duruufo adag oo ay ka mid yihiin qax iyo qaxootinimo, sidoo kale dal tabyo iyo dad tabyo.

Ilmaha marka uu guriga joogo, waxay maqlayaa inta badan, waxaan waa xaaraam diinta ma ogolo, waxaan waa anshax darro dhaqankeenna ma ogola, marka uu iskuulka joogana, wuxuu la kulmayaa, wixii guriga xaaraanta iyo anshax darrada ka ahaa oo macalimiintii, ardadii iyo bulsha weyntii kalaba dhex dabalanayaan loona arko wax caadi ah. Halkaa ilmihii wuxuu kala kulmayaa jiha wareer saameyn weyn ku leh noloshiisa dambe.

Intaa waxaa usii dheer, waalidiinta oo aan intooda badan xoogga saarin waxbarashada carruurta iyo habkii ay kor ugu qaadi lahaayeen tacliintooda sare oo ah dariiqa kaliye oo ilmaha badbaada u ah.

Waxaan waalidiinta kula talin lahaa gaar ahaan kuwa qurbaha carruurta ku haya, in ay ilmaha ogaadaan in ay la nool yihiin bulsho naga badan, sidoo kalena naga aqoon iyo dhaqaale roon, marka waa in aan heegan galnaa, oo aan waxbarashada ilmaha xoogga saarno, waqti fiicanna siino, maalin walbana hubinnaa inay ka shaqeeyeen casharkii iskuulka looga soo diray, kana caawino wixii ku adkaada, haddii aynaan ka caawin karina geeynaa xarumaha cashar caawinta, sidoo kale haddii ay suura gal tahay inaan ilmaha geeysano iskuulada gaarka ah, gaar ahaan kuwa islaamiga loo yaqaan, waayo ilmuhu waxay ka helayaan dhaqan aad ugu dhaw midka gurigiisa iyo waxbarasho tayo leh, waan aragnay iskuulada guud tayo badan ma lahan.

Ugu dambeyntii, Jaaliyaadka Soomaalida ee ku nool Reer galbeedka, waxaan kula dardaarmi lahaa, in ay dhistaan ama furtaan iskuullo khaas ah, sida ay masaajidyada u dhisanayaan oo kale, haddii aysan awoodinna ay gaystaan carruurta kuwa ay leeyihiin walaalahooda muslimiinta ah ee la nool, dhaqanka intiisa badan diin ayuu xiriir la leeyahay, qofkaad isku diin tihiina waxaa tihiin isku dhaqan, marka waa in ilmaha xagga tacliinta laga waardiyeeyo, waa hubaal in ilmaha aqoontiisu dhisan tahay, ka badbaadayo daroogo iyo dambi sameynba inta badan.

Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

Shisheeyuhu waa hubka Soomaalidu hadda isu isticmaasho (LAYAABKA Jubbooyinka iyo Sheekada IGAD)

$
0
0

Shirkii IGAD oo dhowaan lagu soo gabogebeeyay Addis Abeba aad ayuu uga farxiyay taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh waayo way og yihiin in maanta Soomaalida, gaadh ahaan Soomaalida koonfurta, taladoodu ku jirto gacan shisheeye. Wax lala yaabo ma ahayn in siyaasiyiinta maamulka Somaliland ku tilmaameen madaxweyne Xasan Sheekh nin ” Saawixili uu ilaaliyo.”

Khudbaddii madaxweynaha ka jeediyay Addis Abeba intii uu socday shirka IGAD wuxuu ku xusay in beesha caalamiga qaarkeed u la dhaqanto qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya sida kuwo ka madax-bannaan dowladda Soomaaliya. Hadalkaasi wuxuu ahaa duris dadban oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku muujinayay sida uu uga xun yahay hadalkii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ku taageeray Somaliland: ” Waannu ka difaacaynaa Somaliland halis kasta.”

Sillan-sugan

Go’aanka IGAD wuxuu dowladda federaalka Soomaaliyeed siiyay kaalin horseed (a lead role) si maamul ku meel gaadh ah loogu sameeyo Jubbooyinka inkastoo maamulka dhowaan laga yagleelay Jubbooyinka uu ka soo horjeestay soo-jeedintaas. Dowladda Soomaaliyeed waxay qaadday dagaallo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Kiinya iyo Itoobiya si dowladdu ugu madax-bannaanaato samaynta maamul goboleedyada. Yaabkuse waa waddada dowladdu u martay gaadhista ujeeddadaas waa IGAD oo Kiinya iyo Itoobiya ay xubno ka yihiin. Siyaasadda dowladda Soomaaliyeed waxa hareeyay hiraal sillan-sugan ah (paradoxical vision): Keenya iyo Itoobiya yaysan farogelin siyaasadda Soomaaliya hase ahaatee ha u codeeyeen siyaasadda aan Soomaaliya ku maamuli rabo madaxweyne ahaan

Marnaba dowladdu kama fiirsanin waxa ka iman kara siyaasaddeeda lagu tilmaami karo beerka-jecli, xeydha jantay. Waxay oggollaatay oo u ololaysay in arrimaha siyaasadda Soomaalida gacanta loo geliyo Hailemariam, Kenyata, Ismaaciil Cumar Geele, Yuweri Museveni iyo madax kale oo IGAD ka mid ah. Dowladda Soomaaliya way illowsan tahay in halista Kiinya ka cabsanayso ay tahay mid reer Galbeedkuna qabaan waayo Kismaayo waxay gacanta ugu jirtay urur Alqaacida la midoobay. Soomaaliya ma laha ciidan u babac-dhigi kara Al Shabaab taageerada AMISOM la’aanteed.

Yaa is lahaa labaatan sanadood ka dib Soomaalidu waxay isu soo mari doontaa shisheeyaha? Qabqable naga raalli ahow. Maynan u baahnayn shisheeye markii aannu karkaarka ku weydaarinaynay oo ku diraynay meel ay adag tahay inaad si fudud uga noqoto.

W/Q: Mursal Geeldoon
Geeldooniya@Gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan, siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post

Maxaa kala socotaa Khilaafyada aan la sheegin ee Jubbaland la fadhido?

$
0
0

Waxaan rabaa inaan aqristayaasha sharafta leh inaan halkaan ugu soo gudbiyo maqaal kooban oo aan diirada ku saarayo arrin beryahaan saxaafada gudaha iyo dibadaba ay si aada uga hadleysay taasoo ah arinta aan kor ku xusay ee jubbaland.

Aqristoow inta aanan gudaha u galin qoraalkeyga waxaan rabaa inaan ogaano Jubbaland waa dhul noocee ah? Gobollada Jubooyinka waa dhul qadiimi ah waxaa caasimad u aheyd Kismaayo waxaana dowladii kacaanka u kala qaaday laba gobol oo kala ah Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Gobolku waa gobol dhaca koofurta Somalia waxa uuna xuduud la leeyahay dalka Keyna. waa gobol leh dhaqaalo aad u badan oo aan dhihi karno waa gobolka keliya ee ku yaal Somalia ee isku heysta sedexda nooc ee dhaqaalaha Somalia ku dhisan yahay ee kala ah Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumeysiga.

Magaalada Kismaayo waxa ay aheyd caasimada seddexaad ee Somalia waxaana ka horeeya Muqdisho iyo Hargeysa. Haddaba aqristoow xageebuu salka ku hayaa muranka Kismaayo?

Waxaan rabaa inaan gudaha ugalo arrinta waana sidan:- Khilaafka Kismaayo waa mid salka ku hayo siyaasad taasoo u dhexeysa qollooyin ka baxsan dadka deegaanka, laakiin heybwadaag la ah dhinaca dhalashada waana mida keeneysa in arrintu yeelato culeys aad u ballaaran taasoo keeni karta inaan leysku fahmin, sababta oo ah qolo kasta waxa ay dooneysaa iney ku guuleysato damacaeeda dhinaca maamulida gobolka, taasoo ay rabaan iney ka faa,iideystaan kheyraadka faraha badan ee gobolku lee yahay.

Dhinaca kale waxaa jira arrin aan indhaha laga qarsan karin taasoo ah iney faragelin hoose ku hayaan qaar kamid ah wadama gobolka kuwaas oo midba dantiisa gaarka ah fiirsanaayo. Haddii aan ku hormaro dowladda Kenya waxa ay daneyneysaa maadaama ay xuduud la leedahay gobolka iney hesho maamul ay taageersan tahay oo ay fahmi karto ayada oo marmarsiiyo ka dhiganeysa dhanka ammaanka.

Dhinaca Itoobiya ayaguna waxa ay ku dadaalayaan iney helaan maamul ay u arkaan in aysan wax dhib ah uga imaaneyn ayaga oo ka cabsi qaba qolyaha hadda horboodaya Jubbaland oo ah qolyo xiriir dhow uu ka dhexeeyay qolooyin dowlada Itoobiya ay qatar u arkaan sida ONLF iyo AL-SHABAAB, waana mida keentay in Itoobiya ku qanciso wadamada kale ee gobolka inaan la taageerin Axmed Madoobe iyo kooxdiisa ayada oo cabsidaas sal ay u tahay.

Aqriste waxaa jira arrin kale oo ayaduna qeyb ka ah khilaafka gobolka taas oo ah gobolka Gedo waxaana sababay iney qeyb ka noqdaan waxaan u arkaa laba arimood oo kala ah:-

1- Maadaama Gedo lagu daray gobollada maamulka loo dhisayo iney muujiyaan damacooda siyaasadeed ee arintaas ku wajahan.

2-Ninka Lagu magacaabo Col. Bare Hiiraale oo ahaa ninkii xukumayay gobolka intii aysan qabsan maxkamadihii 2006 isuna arka inuu isaga ka mudan yahay Axmed Madoobe maadaama uu yahay nin taabacsan dowlada islamarkaasna uu u arko Axmed Madoobe iyo kooxdiisa iney yihiin qolyihii markii hore meesha ka saaray ayaga oo huwan shaar maxkamadeed, rabana inuu markiisa uga faa,iideysto taageerada ay dowlada u heyso iyo khilaafka ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo dowladda.

Isku soo wada duub arrintu waxa ay ku biya shuban doontaa meelihii ay caanka ku ahayd mudadii dagaalada sokeeye ee ah xarig jiid colaadeed taasoo aan dan u ahayn umada Soomaaliyed ee dhibku ku raagay rabtana iney ka baxdo colaadii ay ku jireen mudada dheer.

Dhan ka kale qaxootigii dibada jiray ayaa ku haminaya iney dalkoodii dib ugu noqdaan mana haboono in hada la barakiciyo mid kale oo cusub.

W/D: Cabdi Rizaaq Ibraahim

 

Use Facebook to Comment on this Post

Jawaab: Qaddiyadda Gooni-isutaagga Somaliland iyo caqabadaha horyaala

$
0
0

Waxba yaanu xeerkay i marin xoolona i siine

Xaashee nin libin kaa xistiyey xumihi waa yaabe! 

Mareegta www.caasimada.com ayaan 22kii bishan ka daalacday maqaal cinwaankiisu ahaa “Qaddiyadda Goonni-isutaagga Somaliland iyo caqabadaha dhabta ah ee horyaala” qoraalkiisana uu lahaa Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor” oo siduu sheegtay ah Bare wax ka dhiga Jaamacadda Al Madaninah International University oo Malaysia ku taal.  Cinwaanka oo xiiso lahaa, qoraaga oo aqoonyahan sheegtay iyo Jaamacadda oo wadata magacii Madiina Al Munawara darteed ayaan maqaalka u furay akhrintiisana guda galay . Maqaalka oo ku magacawnaa “qaybta 1aad” (qaybtii 2aad oon muddo sugayey maan helin) ayaa ahaa mid aan niyad jab iyo hungo kala kulmay. Wuxuu ahaa maqaal hoos uga dhacay filashooyinkaa aan kor ku xusay ayna ka buuxeen hadallo runta aan asal ku lahayn. 

Hadalkaan daliil loo helayn waa duf iyo beene” 

Sida culimada diinta taqaan ay arrinkasta oo ay ka hadlayaan ay daliil cuskiyaan ayaa qofka Academic-ga ahna uu odhaahdiisa ku miisaama caddaymo waafiya oo marjac loo noqdo leh. Sheekha isagoon daliil cuskan iska iftooda waxay Soomaalidu u taqaan “Kitaab-gaab”. Walaalkayga maqaalka qoray waxan u kala garan waayey in faraskiisu la gaabiyey, sidaa wadaadka aynu soo sheegnay, oo uu muquurtay waxyaabo aanu aqoon u lahayn baadhitaanna aanu ku samayn, iyo inuu yahay nin u badheedhay inuu reer Soomaaliyeed (Reer Sh Isxaaq) matag isla dul taago wixii xumaan ahaa ee uurkiisa jiifayna debedda keeno. 

Ummadda Soomaaliyeed ee midnimada jecel ee gooni-isu-taagga Somaliland saluugsani waxay qabaan feker la yaqaan oo qodobbo asal ah salka ku haya, wadiiqo loo maro dooddeedana leh. Fekerkani uma baahna in been munkar ah lagaga midha dhaliyo, ceelka runta ninkii doonaya inuu ka waraabtona been ma sii gaadiidsado ee daw xalaal ah buu ugu arooraa. 

Inkastoo dad badani aanay fahansanayn waxa dhaliyey goonni-isu-taagga Somaliland oo ay ku meeraystaan arrimihii 1988kii Isaaq loo geystey, haddana labada feker ee midnimo-doonka iyo Somaliland-doonku waa wax taariikh la raaco leh dood run ku salaysan oo labada dhinacba ka timaaddana guul lagaga dhalin karo. Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Afxumo colaadna wax kaagama taro, nabadna waa kaa geysaa“. Aflagaaddo, eedayn iyo been abuur waxay sii laalayaan jawigii dood walaalnimo oo caafimaad qabta. Si aan maqaalku iila taraarin haddaan  ka hal celiyo  hadalladii qayaxnaa iyo beentii walaalkeen ka umuliyey waxan ku soo koobi lahaa qodobbadan uu walaalkay ka hadlay oo dhammaan Somaliland ku kooban dhammaantoodna uu isagu taabtay. 

1.Dhulka (Somaliland): Map-ka uu adeegsaday ninkaasi oo uu toddobaadyo ka hor si ujeeddaysan u sameeyey Amin Caamir waa mid aad loogu qoslo xaqiiqna aan ku fadhiyin. Map-ka Ammiin Caamir wuxuu gobolkii hore loo odhan jirey Woqooyi Galbeed oo ay ku jirto Hargeysa, Berbera ,  Gabiiley iyo boqolaalka tuulo ee ay xukumaan uu raaciyey waxa uu ku yeedhay “Awdal state”. Dhanka barigana sidoo kale ayuu Caynaba, Ceelafweyn, Garadag, Ceerigaabo iyo boqollaalka tuulo ee ay xukumaan oo Isaaq dego uu u kala qaybiyey Harti Woqooyi (Fadlan eeg jiitinta cas ee khariiddada kaga suntan bari iyo Galbeed). Qoraaga maqaalka  markiisa hore-ba waxa jar ka tuuray cabbirka uu isticmaalay oo ah Map-ka Ammiin Al-Cammuudi wuxuuna Isaaq oo 75% dega dhulka Somaliland uu u soo celiyey 25%. Arrin khalad u dhacday maaha ee waa mid ujeeddaysan oo shacabka lagu marin habaabinayo. 

2. Dadka (Somaliland); Ninka maqaalka qoray wuxuu sheegay in ay Somaliland degaan qabiilooyin badan oo uu ku sheegay Isaaq, Dhulbahante, Samaroon, Warsangeli, Ciise, Gabooye, iyo Fiqishinni. Miyaanay shaki lahayn sida uu Isaaq oo “Majority” ahna mid uga dhigay, Harti oo Somaliland “mirority” ka ahna wuu ugu kala saaray Dhulbahante iyo Warsangeli si uu qabiilada ugu badsado. Magaalada Muqdisho waa la og yahay cidda degta uguna tirada badan. Arrintan xeeladaysan ee ninkaa odaga ahi sheegay waxay la mid tahay adigoo yidhaahda Xamar waxa dega Bandhabow, camuudi, reer  faqay, eylo, Muq-shabeel, Shaanshi, raxanweyn, Shanta-caleen, Begedi, Geledi, Cumar maxamuud, Ciise maxamuud, gaalgale, yaxar, iyo Hawiye. Intaas oo qabiil iyo ka badanba Muqdisho waa laga helayaa laakiin xeelad baa ku jirta caruurtu xitaa fahmi karto waayo Muqdisho waa caasimad laakiin inay magaalo Hawiye tahay cidna la weydiin mayo Haddaad kun qabiil taxdona xaqiiqda ah in Xamar xero Muddullood tahay mid minguuraysa maahan.  Arrintan ujeedada laga lee yahay waa in qabiilooyinka sidii caanihii la badhxo, ka dibna Isaaq  inta gaar loo saaro lagu eedeeyo inay keligood gooni-isutaag wadaan. Waa iska dood naf-la-caari ah oo nin qiil kale waayey adeegsado sababtoo ah Isaaq 80% ku dhawaad buu ka yahay Somaliland si kastoo aad qabiilooyinka Somaliland dega u badsatana xaqiiqdaas baa ku hor taal. Midda kale Hartiga-Daarood oo 9% ah mooyee qabiilooyinka Dirta ee galbeedka Somaliland intooda badani way wataan Somaliland madaxna way ka soo noqdeen. 

3. Soohdinta (Somaliland); Qofka aan sida ninka maqaalka qoray is yeelyeelayni wuu ogyahay farqiga u dhexeeya soohdin qabiil iyo mid caalami. Soohdimaha maanta lagu xisaabtamaa kuma fadhiyaan isir, haddii taasi run ahaan lahaydna waddamada aduunka jiraa muuqaal kan maanta aad uga duwan bay yeelan lahaayeen. Qabiilka Isaaq hadduu keligii dawlad rabo bariga Ethiopia ayuu deegaan ballaadhan ku lee yahay waxse taa diiday soohdimaha la aqoonsan yahay ama la aqoonsanaa ee isticmaarku dejiyey. Somaliland iyo Somalia waxa isu keenay waxay ahayd inay soohdin Caalami ah beddelaan iyagoo shan Soomaaliyeed raadinaya taasna halkay ku danbeysey waa la og yahay. Labadii gobol ee midoobay ee Somali Republic la baxay baa ku guuldarraysay ee maanta, tusaale ahaan, haddii Khaatumo waxa la yidhaahdo oo laba tuulo haystaa rabaan inay taas beddelaan waa iska hawo beenaad. Markii hore Isir bay kaashadeen oo dhaheen puntland baannu nahay oo isku reer nahay, ka dib Soomali baanu rabnaa bay yidhaahdeen, maantana isir bay dib ugu noqdeen oo Jubbaland bay u ololaynayaan. Somaliland waxay ku doodaysaa soohdin caalami ah oo adduunka ka diiwaan gashanayd 33 Dawladoodna aqoonsadeen 26kii June 1960kii intii aanay la midoobin walaalahooda Koonfureed. Diidmo iyo yeelisba Somaliland dooddeedu waa taas mana aha mid isir ku dhisan. 

4. Halgankii hubaysnaa (Somaliland): Ninka maqaalka qoray isagoo tilmaamaya beelaha Harti (Daarood) siiba Dhulbahante wuxuu yidhi “halgan dheer oo taariikhi ah ayay usoo mareen u dagaalankii Soomaalinimo ee lagula dagaalamayey Gumeysigii Ingiriiska, rag badana hore ugu waayey, sidaa daraadeedna diidan in eey Taariikhdaa dheer ee Gobanimo-Doon eey maanta ka talaabsadaan, oo Hal Bacaad lagu lisey kasoo qaadaan.” 

Ninka odayga waxaad mooddaa in aanu taariikhda baadhin amase aanu fahmin kelmedda “Halgan”. “Halgan” ma aha hadal af laga yidhi iyo dacaayad la fidiyo ee waa  kifaax hanti iyo nafba loo huray taariikhdana marag iyo markhaati ku leh. Si kastoo loo qayliyo ama loogu celceliyona, beentii la sameeyey xilligii Kacaankii Maxamed Siyaad ma noqonayso taariikh. 

Halgankii loo soo maray Somaliland ama gobollada woqooyi nimankii gobannimada “Maandeeq” ula baxay ee mu’alifka, mulaxamiistaha, heesaahaga, jilayaasha iyo masrax keenidda gobannimo ay gaarka ku ahayd waa Reer Sh Isxaaq. 1886kii oo Ingiriis Somaliland haystay 2 sano wax ka yar ayuu Suldaankii Habar Yoonis ee Suldaan Nuur Axmed Ammaan oo ciidan beeshiisa ah oo dhawr kun ah wataa Ingiriis ku weerareen Berbera. Suldaan Nuur oo warmo iyo seef ku dagaallamayey uma ay suura gelin inuu Berbera qabsado  laakiin rucbi weyn buu gaaladii ku abuuray (eeg: under the flag and Somali Coastal stories by Langton P Walsh, p243-264). Halgankii Suldaan Nuur oo ahaa kacdoonkii ugu horreeyey ee Ingiriis looga horjeesto wuxuu hakad galay markii Ingiriisku qabtay shixnad hub ah oo Seylac uga soo degtay oo uu damacsanaa inuu ku dagaal galo iyo isagoo xaaskiisii iyo wiil uu dhalay gaaladu ka qafaalatay Karin oo 90km Berbera Bari ka xiga. Suldaan Nuur oo ciil qaba ayaa Maxamed Cabdulle Xasan soo baxay 1899kii wuxuuna noqday gacantiisa midig isagoo weliba wixii Saldanadu hantilahayd Daraawiish xoolihii ugu horreeyey ay yeeshaan uga dhigay. Halgankii Daraawiishta Waxa wadaadkii waalnaa labada dhinac ka taagnaa Suldaan Nuur iyo Xaaji Suudi Shabeelle oo ahaa ninkii fekerka Daraawiisheed lahaa ahaana ku xigeenta Ina Cabdulle Xasan. Labadan nin oo Burco ka soo jeeday ayaa u fududeeyey inay daraawiishi Burco qabsato sannadkii 1899kii ayadoon wax dagaal ahi ka dhicin. 

Daraawiishi qoys ma ahayn balse akhristoow bilawgii halganka illaa dhammaadkiisii qabiilooyin Isaaq ah baa udub dhexaad u ahaa. Waxse xusid mudan, Isaaq waa qabiil ballaadhan oo in badan oo ka mid ihi way ka soo hor jeesteen Wadaadka markay qabyaalad, dhac iyo dil kala kulmeen. Kacaankii Siyaad Barre ayay Dhulbahane uga faaideysteen inay Daraawiish sheegtaan oo qandaraas ku qaatan arrintuse taas way ka duwan tahay. Tusaale, beesha Dhulbahante nin madax ah oo halgankii wax taray kuma aanay lahayn halka jilibka Aadan Madoobe ee Habar Jeclo keligiis ku lahaa Ku xigeenta wadaadka oo ahaa Xaaji Suudi, Wasiirka arrimaha debedda Cabdalla Shixiri (1899 -1907), iyo Abbaanduulaha ciidamada Daraawiisheed Ibraahim Buqul. Xaaji Suudi iyo Ibraahim Buqul waxa lagu dilay dagaalkii ugu danbeeyey ee diyaaradaha iyagoo ahaa labada nin ee keliya ee Daraawiish ka dagaallamay markii xitaa wadaadkii iyo kooxdiisii carareenna iyagoo dagaallamaya ayaa agagaarka Taleex lagu dilay labadaba. Sannadihii 1916kii -1920kii wuxuu Maxamed Cabdulle Xasan la yiilay oo daraawiish looga arrimin jirey Midhishi, Sanaag oo ah beesha Habar Yoonis bari badhtankeeda halkaas ayaana diyyaaradihii Ingiriisku ku weerareen Daraawiish. 1916kii markii Warsangeli iyo Majeerteen Daraawiish xoolihii ka dheceen wuxuu Maxamed Cabdille Xasan u cid dirsaday Habar Yooni sidaasaana HY iyo Daraawiish wada socotaa cagta u mariyeen Harti-Daaroodkii riddoobey. 

Dhulbahante oo sheegta inay Daraawiish ahaayen horta waa marka hore ee Garaadkii Dhulbahante ayuu Ina Cabdille Xasan dilay 1899kii iyadoon Ingiriisba la isla gaadhin. Sheekada ay maanta meel walba mariyeen ee ah “Daraawiish baanu nahay” ayay sannadkii 1905tii, dagaalkii Jidbaale ka dib, ula tageen Wadaadka laftiisa. Jidbaale oo Daraawiish si xun loogu jebiyey waxa ciidankii Daraawiish basaasay isla markaana xasuuqay u badnaayeen Dhulbahante. Iyagoon Daraawiish ahayn dhaawacii ay gaadhsiiyeenna weli cusub yahay bay indha adaygooda wadaadka ula tageen Daraawiish baanu nahay iyadoo ninka hadalkaas leh reerkiisa oo Aaibihiis (Diihaal Halanje) u horreeyaana Ingiriis la joogeen. Gabaygii Ina Cabdille Xasan uu markaas yidhi baa markhaati ku ah inaanay Daraawiishnimo shaqo ku lahayn intii Garaadkooda la dilay ka dib. 

“Doqonyohow nin kaa fiican waa laga danbeeyaaye

Deelqaafka xumi waa waxaad dir u lahaydeene

Hadalkaan daliil loo helayn waa duf iyo beene

Kufraad derejadaysaane waa dururuqdiinniiye

Duullaanka goortaan wacdaad iga digeyseene

Markaan idin dareensadana waad iga didayseene

Sidii deera yaacdaad kurtiin sii durduriseene

Wiilyohow  dadkii aad ahayd nagu dafaarowye

Dekeddii Cadmeed bay tageen duulki reer Gorode”

                Max’d Cabdille Xasan, 1905.

 Reer Gorodka uu sheegayaa waa jilibka Maxamed Cabdille Xasan dhalay ee Cali Geri oo ahaa kuwii Dhulbahante ugu danbeeyey ee Daraawiish ka baxa. Dhulbahante halgan aan Daraawiish ahayn ma sheegtaan kaasina waa been.  

5. Hagankii Siyaasiga (Somailand): Ninka maqaalka qoray  wuxuu noo sheegay in ururkii SNL ee xorriyada Somaliland dhaliyey aanu isku darka labada gobol rabin ee ay ku qasbeen ururkii USP ee ay ku midaysnaayeen Harti iyo Dir ka ddib markay waayeen waxa uu ugu yeedhay “absolute majority”.  Halgammadii dalka lagu xoreeyey waxa hoggaanka u hayay qolada qoraagu beesha dhexe ugu yeedhay. Sheekh Bashiir iyo Faarax Oomaar oo halgankoodii laga wada dheregsan yahay waxay u dhasheen beesha HJ.  Sheekh Bashiir isagu dagaal hubaysan buu galay oo lagu dilay. Halgankaa waxa ka danbeeyey oo dagaalkii labaad bilaabmay ururkii xornimadoonka ahaa ee SNL oo hal reer ahaa. Nimankii halgankaa hoggaaminayey, kuwii maal iyo nafba taageerayey, kuwii gabayada guubaabada ah tirinayey intuba hal reer bay ahayd. Suugaantii shucuurta waddaninimo xanbaarsanayd ee Maxamed Xaashi, C. Suldaan Timacadde, X. Aadan AfQallooc, Cabdi Iidaan, Barkhad cas, Qaasim, Yuusuf X Aadan Qabille, Cabdi Hawd intuba isku reer bay ahaayeen. Ururkii NUF ee Michael mariano Cali uu hoggaanka u hayey ee New York iyo London galaabaxayey isna isla reerkaasuu ahaa. Ururka USP oo ay ku kulansanaayeen Harti-Daarood iyo Dir (Ciise & Gadabuursi) hadafkiisu wuxuu ahaa isbahaysi qabyaaladeed oo doonayey inay “beesha dhexe” iska midaystaan. Halka SNL & NUF gaalo inay xorriyadooda ka soo dhacsadaan ay u muuqatay, USP iyana labadan urur waxay soo dhacsadaan sidee qaybteenna u helnaa baa hadafkooda u weyn ahaa. 

Ninka maqaalku la anbaday waxaan u sheegayaa Baarlamaanka Somaliland wuxuu ahaa 33 xubnood. 3-da Xisbi ee jirey laba ka midi Isaaq bay ahaayeen, SNL keligeed waxay haystay 20 Kursi oo u dhiganta 61%. Haddaanan qaldanayn 61% waa “absolute majority” hadalkii ninkaa odayga ahi sheegay ee aan senedka lahaynina runtaas baa qashinka ku dartay. Ururka USP qaarkood oo uu ku jiro Garaad Cali-gii Dhulbahane way ka soo hor jeedeen in Koonfur lala midoobo waana tii SNL  oo uu Marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal hoggaaminayaa ku tidhi hadalka caanka noqday ee “La’ (maya) yaa Garaad”. SNL  ayaa ka danbaysay isku darkii labada gobol, ninkii arrinkaas dafiraana waa maraan dafiray taariikhdii ummadda Soomaaliyeed u wada dhexda ahayd oo qoloba kaalin ku lahayd. Ruuxii doonaya inuu arrimaha Soomaaliyeed xal u raadiyana waxa la gudboon inuu u laabto taariikhaha asalka ah oo uu caadifad iyo xaqiirnimo ay qabyaaladi hagaysaa aanay indha tirin. 

6. Caddaalad & Sadbursi: Ninka maqaalka qoray wuxu ku dheeraaday inay caddaalad darro iyo sed bursi baahsan ay beesha Isaaq ku hayso beelaha la dega. Marka hore dadkan aad leedahay waxbay qaateen waa dadka ugu tirada badan Somaliland oo 6-da magaalo ee ugu waaweyn mid mooyee (Borama) iyagaa dega. Waa run in  guddoomiyayaasha saddexda urur ee soo baxay Isaaq ka soo wada jeedaan laakiin waxa kaa maqan in guddoomiye Xisbi iyo musharrax Xisbi ay kala laba yihiin. Musharixiinta khasab maahan inay la beel noqdaan ninka xisbiga madaxda ka ah waayo iyadoo 3da xisbiba Isaaq guddoomiye ka yahay ayaa Riyaale ka soo dhex baxay. 2002kii dhimashadii Cigaal baa Riyaale fursad siisay balse waxaad illaabaysaa inuu 2003kii xisbi iska sharraxay, tartan galay, oo weliba 83 cod kaga guulaystay reerkan aad leedahay waxbay dhacayaan. Riyaale 8 sano ayuu ku amarku taaglaynayey Somaliland mana ahayn nin mansab looga dhintay haystay ee doorashuu ku helay waddankana siduu rabuu ka yeelayey. Madaxweynihii sidaa ahaa iyo dadkooda ayaa la jujuubayaa oo la dhacayaa waa been aadan markhaati u soo joojin. Sadbursigaad sheegtayna raad waxaanu u lahayn urur kastoo tartamay deegaan buu cod ka helay sidaa darteed xisbigii guulaystay la yaab ma leh hadduu deegaannadii doortay dhankooda u jandheedhsado iyadoon dadkii kalena la qadinayn. 

7. Difaaca Qaranka (Ciidanka Somaliland): Waxaad sheegtay in beesha Isaaq hub gacanta u galay taasoo caddaynaysa inaadan aqoon u lahayn waxaad qorayso cid taariikhda kuu saxdana aadan raadsan. Horta Isaaq hubkii uu 1991 haystay ee uu isku dilay wuu iska ururiyey maraaxiil bandanna way soo martay. Ma jiro beel Isaaq ah oo hub haysataa taasaana Ilaahay mahadi ha ka gaadhee guul iyo nabad lagu gaadhay. Mashruucii hubka dhigista ee sida taariikhiga ah uga hirgalay Somaliland ee duwalka caalamku naga caawiyeen haddiiba aad dhaliil iyo eedayn u beddeshay sow marka kaa dhigi mayso nin hadaf iyo ujeeddo maroorta oo tolaysan guusha ummaddaasi leedahay ugu duufsanaya. Ciidanka Soomaliland qabiil walbaa ku jira hubkuna waa mid qaran oo loogu tala galay in lagu ilaaliyo jiritaankayaga ummadnimo taasna caalamka dawladnimada jecel baan kala mid nahay. 

Eedaynta Isaaq markii uu dhameeyey ayuu ninkan maqaalka qoray ku andacooday in SNM xasuuqday qaxoontigii kililka 5aad. Qaxoontiga Oromada iyo Daaroodka ah ee Hargeysa afarta gees laga dejiyey markii dagaalku dhacayna hubka loo qaybiyey waxay galeen dunuub aanan jeclayn inaan ka hadlo oo magaaladii dadkeedii la xasuuqay bayba degeen iyagoo hubaysan oo dabbaaldegaya. Hadalkaaga beenta ah waxan ku burinayaa in dadkan aad sheegayso magaalada Hargeisa lagu qabsaday 1991kii waxna aan la yeelin sidaasna ay dalkoodii ugu laabteen. Xasuuq haddaannu damacsanayn ma jirin xilli uu nooga fududaa Jan/Feb 1991kii markaanu ciilka qabnay ee askartii taliskii Siyaad Barre la jebiyey.Adigu waxaad is leedahay sheeko aad xaqiiq jirta ku buriso samee Ilaahbaase kaala xisaabtami haddaad tahay ruux innnaba iimaanka far loo darayna dadkii diyaaradaha iyo Taangiga la mariyey ee magaaladoodii lagu dumiyey waa qaxooti ma tidhaahdeen. Sheekadaada dhinaca ka raran ee shaydaanku beenta kuugu iidaamay, waxaad na leedahay Isaaq baa hadda oo ay tahay 2013 laynaya caruur iyo cirroole. Waxa hadalkaagaasi ii sawirayaa inaad tahay qolyahan laga tirada badan yahay ee Somaliland dega iyo inaad tahay nin ay maanka ka rarteen oo isagoon is ogeyn afkii dhagarqabayaasha qaranimada Soomaaliyeed ku saxarooday ku hadlaya. Inkastood ciidan, hub iyo hantiba yeelato, oboobeey wax laga xoroobo caqligaa ugu wanaagsane. 

8. Midnimo & Kala go’:  Ninka maqaalka qoray wuxuu yidhi “ Caalamku wuxuu jawaab maqcuul ah u la’yahay sababta iyo logic-ga “Gooni-Isu-Taagan!” iyo “Ictiraf Raadintan!” Ma waa la ina laayeybaa? Ma cadaalad darro ayaan Soomaalida Koofureed katirsaneynaa baa? Ma kala Diin, Dhaqan, Luqad, Isir iyo Midab beynu nahay baa? “. Ninkan iyo inta la midka ahi haddaanay fahmin sababaha dhaliyey in shacbigga Somaliland gooni isu taagaan oo aanay is yeelyeel ka ahayn waa u liidnimo waayo arrin aadan fahansanayn xal uma raadin kartid. Anigu ma arkin “Caalam” ku wareersan sababaha goonni-isu-taagga Somaliland waxaanaan aaminsanahay haddiiba danta Europe iyo America ay Somaliland gasho inay aqoonsanayaan sidii ay meelo kaleba uga dhacday. 

Safar dheer ood u hanweyneyd haddaad gasho oo aad quus la soo gurya-noqoto sababta ku soo celisay maaha dhibka kaa gaadhay jiidaashii aad martay ee waa himiladii jabtay. 1960kii hammi baan lahaa ahaa in labada gobol la isku daro inta maqanna la raadiyo. Iska daa kuwo maqan oo la doono ‘e, anigii niyadsamida kuula imid baad I laqdeen.Waxan kuula midoobay waxay ahayd in Soomaali la isu doono, la mideeyo oo calanka la wada hoos keeno ee ma ahayn inaad sidii nibiriga aniga I laqdo.  Caasimad, Madaxweyne, Raiisal Wasaare iyo mansab kastoo wanaagsan markii la kal boobay baa la yidhi nimankani soo Qaldamay (Qaldaamiinta) bal wasiirka waxbarashada iyo meelahaa ha la siiyo. Hankii jabay waxa ka danbeeyey inqilaabkii 1961kii saraakiisha reer Woqooyi dhigeen oo hadafkiisu ahaa in Somaliland dib looga saaro “union”kii. Dilka iyo xasuuqa aad dafirtay inkastooy “Cause-ka” gooni-isutaagga shacbiyad u samaysay, haddana ma ahayn sababta keliftay la soo noqodka karaamadayadii iyo sharaftayadii ee waa wadiiqooyinkii dhaxanta iyo dhibka badnaa ee afkii nibiriga Ilaah nagaga soo saaray. Qof aqoon leh, garawshiinyo leh oo indheer-garad ah baa fahmi kara. Dil shacabkayaga ku dhacay hadduu na wado way noo fududayd inaannu xasuuq aan hore loo arkin geysanno hayeeshee taas maanu yeelin ee wixii danta gobolladaasi ka dhaxaysay oo waxgarad, waayeel, suldaan, garaad, iyo aqoon yahanba dib u heshiisiin weli Ilaahay noo negeeyey oon been ahayn baa loogu baaqay sidaasna iyadoo loo dhan yahay ayaa 1991kii dhidibbada loogu taagay Somaliland. Waxan tan u lee yahay inaan kuu caddeeyo in xasuuqu aanay la soo noqodka karaamadayadu aanay dhalin ee ka xeel dheer tahay. Mansab doon nagama ahaa oo caqliga caafimaadka qabaa wuxuu ii qirayaa in Soomaaliland oo mansab kasta oo Caasimaddu ku jirto loo soo bandhigay waxay intaas u gees mareen aanu ahayn wax sahlan. 

Hankaa ummaddu qabtay dhaawac culus baa gaadhay dareenkeeduna wuxuu bilaabmay isla markii la isku darsaday. Quusta dadka reer woqooyi laguma soo celin karo dacaayad iyo daandaansi. Ma soo celin karaan kooxaha magaca “state-ka” la baxay ee Soomaalinimada u haysta feker “part time” ah oo markii dan laga lee yahay lagu guuro. Waxay wataan magac qabiil oo ay “State” ku dhex qariyeen qarannimo Soomaaliyeedna way ka hadlayaan!!!  Waxa la yidhi  habar baa awrkii ay raraysay cullaabtii ka badisay oo uu u kici waayey. Markii awrkii hinqan waayey bay tidhi “Sheekh Cabdilqaadiroow” ka dibna illeen waa wax lagu sababayaaye awrkii baa istaagay. Gabar ay dhashay oo la yaabtay karaamada sheekha ayaa tidhi “Hooyo Sheekha maxaynu isu nahay”. Islaantii runtii bay sheegtay oo tidhi “Hooyo awrkaygaan ku kacsadaa”. Haatan nimankii  shalay Maxamed Siyaad Barre garabka ku siiyey inuu furfuro karaamadii ummadeed. Nimankii taariikhdii Soomalinimo u beddelay mid reerkoodu lahaa ee ku hadaaqi jirey “War yaa Daarood Ismaaciil aheey durugtay ceebtiiye”. Nimankii shalay carwadii hore intay isku urursadeen xasuuqa ba’an ku dhigay dadkii deegaankas ka ag dhawaa si Siyaad Barre u badbaado. Nimankii shalayto Somaliland qaybta ka ahaa ee Garaaddadooda iyo siyaasigooda Cali Khaliif ka midka yahay ay Somaliland calankooda lulayeen. Nimankii lahaa midnimo iyo Soomaalinnimaan u dagaallamaynaa laakiin markii dantii reerkoodu Kismaayo ka hillaacday hadalkoodii isu beddelay “Jubbaland waan jeclahay”. Nimankii markay fursadda ay wax ku hagaajiyaan haystay iska hilmaamay Soomaalinnimo ee dantii reerkooda u burburiyey qaran dhan. Nimankaas tirada yar ee aan dalka ka haysta tuulada Taleex haddii Soomaaliyi ku siranto oo ay is tusaan inay gaadhsiinayso midnimo soo noqota waxan lee yahay “go ahead”, waxe aan qabaa in ummaddu intaa ka maskax iyo maan durugsan tahay. 

Shacabka Somaliland ku dhaqani iyagaa isku daray labada gobol maantana iyagaa leh goonni baan u baxaynaa. Shacabka Koonfurta ku nooli u malayn maayo inay filayaan in reer Woqooyi sidii shalay dhacday oo kale sameeyaan oo iyagoo jibbaysan Xamar imanayaan. Markan waxa laga rabaa shacabka Koonfureed inay la yimaaddaan tii shalay reer woqooyi Xamar keentay iyo mid ka sii xeel dheer. Ninka hawsha baaxaddaas leh ay u taallaa ma aha inuu ku meeraysto dacaayado iyo been la dhoobdhoobay sida ninka maqaalkan aan jawaabtiisa ku dheeraaday qoray. 

W/Q: Khadar Ismail 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post

Faroole Farmaajo Ridaye Bal Saacid Rid ? (Xaqiiq iyo Gorfeyn)

$
0
0

Mooshinkii xildhibaanada baarlamaanka federaalka  eey soo maleegeen waxaa uu ka yimid Faroole iyo inta la shaqeeysa,mooshinka waxaa sabbab u ahaa kadib markii aay dowlada  uu r/waasaha ka yahay mudane Dr.Saacid aay diiday waxii ka soo baxay shirk u sheegii Jubbaland iyo heshiiskii dowlada aay la gashay maamulka Somaliland ee Turkiga oo aay ka xumaadeen xildhibaano guracan oo aad ugu xiran Faroole sia Calibabaa iwm

Waxqabadkii r/wasaare Saacid waxaan ku soo koobayaa :

1) Dardar gelinta howlgalka iyo waxqabadka wasaaradaha dalka iyo xafiisyada dowliga ah,waxaa muuqda hada in wasaarad walbaa aay u howlgashay waxqabadka dalka,dadka iyo diinta.

2) Diyaarinta Dastuur Federaal ah iyo hirgelinta nidaamka federaalka ah oo weli aay socoto habdhiska  iyada oo laga bilaabayo in maamulo ku meel-gaar ah laga  sameeyo ugu horeeyn inta al-shabab laga saarayo gobolada aay gacanta ku hayaan.

3) Sameynta iyo hirgelinta nidaam dowli ah oo isku xiran dalka oo idil, heer qaran ilaa heer tuulo,sida madaxweeyne Xassan Sheekh uu sheegay in 72 degmo oo koonfur ku yaal laga hirgeliyo 5 mashruuc sida Ceel,cusbirtaal,garsoor,maamul iyo iskool wax laga barto.

4) Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka iyo hirgelinta barnaamijka canshuuraha iyo sare u qaadista dakhliga dowladda,sida hada cad xawaare dheer ayeey ku socotaa arimaha maaliyada dowlada,taasna waxaa amaanteeda leh wasiirka maaliyada iyo shaqaalaha oo howl aad hufan ka wada dalka iyo caalamka.

5) Isku xirka bushada iyo dowladda, soo nooleynta kalsoonida shacabku uu u qabo dowladda iyo sare u qaadista wacyiga bulshada,waxaad arkeeysaan in dowlada uu r/waasaha ka yahay mudane Saacid aay kasbatay taageerada shacabka Somali oo dhan,waad arkeeysaan banaanbaxyada lagu diidan yahay mootionka xildhibaanada guracani aay soo jeediyeen.

6) Tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee dhisan si ay u noqdaan ciidan isku kalsoon isla markaana leh awood iyo karti, sida ugu dhaqsiiyaha badanna ula wareega sugidda ammaanka dalka oo idil,gobolada dalka waxaa ka socda abaabul ciidan qaran wax qarsoon maaha.

7) Hub ka dhigista shacabka iyo dhaqan celinta iyo shaqa u abuurista dhallinyarada iyo maleeshiyooyinka Soomaaliyeed,waxaan aad ugu amaanayaa in isbaaradii Muqdisho taalay maalin kaliya laga qaado iyada oo aanan qof ku dhiman.

8 ) Sii ambaqaadista iyo hirgelinta barnaamijyadii socday ee dib u heshiisiinta oo ah heer gobol, degmo iyo tuulo iyo la dagaalnka kuwa isku sheega dowlad goboleed aanan dowlada dhexe iyo shacabka degani ogolaanshaheeda ku imaan.

W/D: Dr. Ali Hiraabe

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post

Howgalka Ciidamada: Waa mid Tiin-Tiin loogu abuurayo Dowladda

$
0
0
  • Howgalka Ciidamada Dowlada ayaa dadka qaarkood waxay Aaminsan yihiin in uu yahay mid Nacayb loogu Abuurayo Dowlada Federaalkaa…

Waqti Saq Dhexe ayaa Maqley Rasaas goos goos ah , inta soo toosey ayaan hoosta waxaan iska iri “Tolow Caawa sidee wax u jiraan Xaafadaan waxay ahayd Xaafad Nabdoon oo inta aan degenaa aysan wax ka dhicin.

Aniga oo Cabsi igu jirta ayaa mar ay Salaadii Subax soo dhawaatey ayaa Albaabka hore si aad ah loo soo garaacey , waxaa Furey mid ka mid ah Qoyska ,waxaana Markiiba Nin Askari ah uu yiri “ Wax Rag ah ma joogaan” Qofkii Qoyska ka mid ahaa baa ku yiri “Hal Nin baa nala jooga ”waxaana loo sii Daba dhigey ha soo baxo”.

Qofkii isaga oo Deg Degaya oo Xoogaa naxsan ayuu ii soo galey waxaa uu yiri “Askari baa ku doonaya “Markiiba waan u soo baxay waxaana iri “Walaal Maxaa Darnaa waqtigaa “waxaa uu yiri “ waa Howgal ee soo bax waxaan ku iri Salaada Subax baan Tukanayaa “markii aan intaa ku iri ayuu yiri “ Soo Tuko ee soo bax “si Hal Haleel ah ayaan u Weyseystey oo Labadii Ragcadood ee Salaada Subax Tukadey , ka dibna inta Surwaalka isku Boobey ayaan horey u raacey isaga nin ka tirsan Ciidamada Booliiska Amisom .

Meel Barxad ah oo ku taala Xaafadda Affisyooni ee Degmada Xamar Jabjab ayaa waxaa la isugu keeney Boqolaal Dhalinyaro iyo Odayaal ,waxayna indhaheyga qabanayeen Rag ka tirsan Ciidamada Dowladda oo inta la soo baxeen Aqoonsigoodii lagu yiri ‘Saaxiibayaal Aqoonsigaan ma Shaqeynayo anagaa ayaan Aqoonsigiina idiin wadna “ waa yaabey waxaan bilaabey in aan Aqoonsigeyga Tusiyo ee Wareyanimo Sarkaalka meesha ugu sareeyey , markii uu akhriyey ayuu yiri “Saaxiib Raggi Ciidamada ka tirsanaa aqoonsigoodii baan diidney ee Wariyanimadaada la laabo , Markiiba waxaa Gaari laga soo dejiyey 10 Qofood oo Indaha u xiran yihiin waxaana dhagaheyga ku soo dhacayeen waxaa yimid Ciidamadii Rooxaanta ee Dadka Iskaanka Marinayey.

Wiil ii dhawaa Ayaan iri “waa Maxay Iskaanka la ismarinayo iyo Ciidamada Rooxaanta? Inta ii soo dhawaadey ayuu yiri” Walaal Dhalinyaradaas Afka Duuban ayaa la yiraahdan Ciidamada Rooxaanta waa kuwa Iskaanka marinaya Dadka halkaan Dhoobaan “ waxaan sii weydiiyey ? Iskaanka muxuu yahay ee dadka la marinayo? Waxaa uu I yiri “Ragaas ayaa dadka kala saaraya” markiiba waxaa Saf la geliyey dadkii faraha badnaa ee halkaas la iskugu keeney “ Ragii Afka Duubnaa ayaa dadka isha la raacay kii ay reebtaan markiiba waxaa la saarayaa Gaari weyn oo Xamuul ah kii ay fasaxaan markiiba Gurigiisa ayuu dhaqsi u aadayaa , wax la kala Shaandheeyo waxaa la watey ilaa 60 Dhalinyaro aad u Da’yar kuwaa oo loo dhaqaajiyey Dhinaca CID oo maalmahaan Dadka lagu Gurayey.

Inta aan la i soo fasaxin ayaa waxaan Xoogaa la Sheekeystey nin Dhalinyaro ah oo aad u walwalsanaa , waxaana iri “Saaxiib maxaa la walwasan tahay “ waxaa uu I yiri” waxaan ahay Kawaanle Hilib ku Gada mid ka mid ah Xaafadaha Muqdisho marka Walaal waxaan ka Walawalsanahay Hilib meel Cidla ah iga yaala in uu igu Baaro”markii uu intaa I yiri “ ayaa aad uga Naxay waxaana ku iri “Saaxiib Nasiibkaadaa qabtaa “ waxay indhayga qabanayeen ninkii oo la sii saarayo Gaarigii Xamuulka ahaa isagoo ku qalinaya “war Kawaanlaan ahay ee ha la ii sii daayo”. Yaaba warkiisa Dheg jalaq u siiyey wuxuuna ka mid Naqdey ninkaas Xoogstada ah in loo qaado Xarunta CID.

Dhibaatooyinka ay keeneen Howgalka Ciidamada aad bay u fara badan yihiin waxaa Xabsiyada ku jira Ardey isku Diyaarineysey Imtixaanaadkii Sannad Dugiyeedka iyo kuwa Jaamacadaha, waxay kaloo saameeyeen Xoogsatada Muruqmaalka ee Subaxii kalaha.

Waxaan si aad ah ula yaabey qaabka Howgalka ay u wadaan Ciidamada , inta badan ma jiraan Guryo la baarayo , Dadka Dhalinyarada ah ee ku jira Guryaha ayaa la wadanayaa, kuwa jidadka iska socda ayaa la isaga dhegayaa, kuwa kalena Gawaarida BL-ka ayaa lagala Degeyaa , ma Xuma in Howgal la sameeyo hase yeeshee dadka intiisa badan ayaa Dhaliilaya Howgalkaas waxayan leeyihiin “Rag Saraakiil ama Siyaasiyiin ah oo ku Fashilmey in ay Nabad ku soo dabaalaan Magaalada Muqdisho ayaa waxay doonayaa in ay indhaha Masuuliyiinta Dowlada iska jeediyeen si loo yiraahdo “ War Howgal bay ku jiraan waayo waxay ka cararayaan in ay Xilkooda ku waayaan marka la yiraahda maxaa wax uga qaban weydeen Madaafiicda lagu soo garaayo Madaxtooyada marka waa Howgalka lagu ilaalsanayo Xil.

Kuwa kale ayaa qaba in Howgalka Socda uu yahay mid la doonayao in lagu fashiliyo Dowlada ama Tiin-Tiin loogu Abuuro Dowlada waayo Howgalka Ciidamada waa mid lagu dhibaateynayo Bulshada oo Maalmahii la soo dhaafey ay wajahayeen Marxalado kala duwan sida Xirnaansha Wadooyinka, Xanibaada Gaadiidka , Guryaha Dowlada oo laga saarayo Bulshada si loogu Fushado Danno gaar ahaaneed taasoo la dhihi karo Dowlada kama War qabto , iyadoo Madaxweyne Xasan uu horey u sheegey in Marka Dawlada u baahato Guryaha Dowlada Shacabka laga saarayo balse inta aysan jirin Baahidaas ay Shacabku Degenaanayaan , marka qaar ka mid ah Shacabka ayaa Dowladda ku la talinaya in ay wax ka badesho Howgalka Ciidamada si kale ay ku raadiso Nabadgelyada Magaalada Muqdisho .

Isku soo Duuboo Howgalka Ciidamada Dowlada ayaa dadka qaarkood waxay Aaminsan yihiin in uu yahay mid Nacayb loogu Abuurayo Dowlada Federaalkaa waayo Wariye soo hor marey Xaraunta CID oo ah Xarun dadka Howgalka lagu soo qabto la geeyo ayaa qaar ka mid Ehelada Dhalinyaradooda ku xirana yihiin halkaas waxay ku Sheekeysanayeen in Tani ay keeni karto in Dhalinyarada ay ku Biiraan Shabaab, hadii uu soo socdo Howgalka la dhihi karo waa mid aysan jecelysan Dadka Muqdisho,waayo Dastuurka ayaa waxaa ku Qoran Qododbo si aad u ilaalinaya Mawaadinka Xaquuqdiisa waxaana ka mid “in Qofka uusan Xirnaan Karin muddo 48 Saacdood Maxkamad la’aan iyo “ in aan lagu Xadgudbin Qof aan Dambi gelin oo aan Xoriyadiisa laga qaadin”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post

JUBBADA HOOSE – Galti iyo Giir-Giir

$
0
0

Gacmo iyo siyaasad mideysan ayaa guul lagu gaaraa. Reer banaadiriga ayaa marka midnimada tilmaamayaan tusaale waxay u soo qaataan in far kaliya ayan fool dhaqin, runta na waxay tahay in Siyaasad mideysan kaliya guul iyo nabad lagu soo xasilin karo, midnimada na ay ka qeyr iyo wax tar badan tahay kala qeyb sanaanta oo ugu dambeyntii soo dedejin doonto Dagaal Sokeeye.

Galti iyo giir-giir waxay ku Abtirsadaan dad xoolo Dhaqato iyo Beeraley ah noloshooda na ku xallin jiray hadba markaas waxa taagan, taladana looga dambeyn jiray Odayaal Daacad ah kuna xeel dheer Dhaqan wadaag soo jireyn ah ayadoo dhibaatada lagu daaweyn jiray is maqal iyo xeer la wada oggol yahay.

Muddo markii galti iyo giir-giir ay sidaas ku wada deggenaayeen ayaa Kismaayo waxay u gudubtay fowdo, dagaal, iyo qax joogsi lahayn oo ay ka dambeeyaan dad dano Qabiil fulinaayo kuna doodaayo in ayaga keligood ay magaalada leeyihiin.

Dagaalkii Sokeeye wixii ka dambeeyay  dhowr jeer ayaa la isku dayay in mar un kisimaayo loo dhiso maamul wadaag, balse danaha maagaalada waxay u bur-buri jireen oraahdii muddooyin kaan caanka noqotay ( looma dhammo) oo soo de-dejisay in kismaayo soo galaan ciidan ajaanib iyo quwado caallami ah ayagoo kaashanaayo dad daneysta yaal ah oo ay u caddahay madax tinimo.

Markii muddo lagu daalay xarig jiid, jug jug meeshaada joog aya reer kisimaayo meeshi cir ka maleysanayeen ayaa ceeryaamo uga timid iyo wax eyan marna fileyn is qab-qabsikii waxa uu dhaliyay fool xumo iyo Kismaayo oo yeelatay ilaa haatan shan madax weyne oo is diidan, waxaana la filayaa in kuwa  kale ay u bir tumanayo in loo magacaabo madaxweyne, sida muuqato haddii fowdada taagan la xakameyn waayo ugu dambeyntii in loo gudbi doono dagaal xanuun badan.

Magaalada Kismaayo iyo dadka deggen waxaa ku habsatay nasiib darro muddo kor u dhaafsan rubac qarni, mar kasto oo jawi nabadeed soo dhawaadaba waxaa ka kor yimaado kuwa seef la bood ah oo dagaal u hamuun qabo, ay na ka go’an tahay si ujeddadooda ku gaaraan in ay ku kor dagaallamaan dad masaakiin ah ay na ka muuqato diif ku raagtay iyo dar xumo colaadeed, awood damba iyo dulqaad na u lahayn in rag kibray ay mar kale ku kor dur-duriyaan.

Galti iyo giir-giir waxay danta ugu jirtaa in is qab-qabsiga meel la iska dhigo lona jeesto meesha maslaxada ku jirto oo ah wada noolaasho iyo magaalo la wada leeyahay ayadoo ay caddahay in xurguf iyo awood sheegasho meel lagu gaari karin, walaalti nimo wixii lagu waayo waa xaaraan in lagu raadiyo awood ayadoo la isku haleynaayo quwado dibadeed, galti iyo giir-giir ayaa ugu dambeyntii isku haraayo, ciidan dibadda ka yimid abid kulama joogaayo, rag badan ayaa hore ugu soo hungoobay ee aqliga hala kaashado,dhinaca maslaxadda ha loo xagliyo, wax jirin yaa loo gurbaan tumin, awood aadan adiga laheyn na yaa la isku haleynin, dhar dad kale leeyahay dhaxan kaama xigsado, danta ha laga fiiriyo meesha ay ku jirto, yaa lagu sifowin isuma taliso loo talin karin, in talada maanta ku seegto berri lo qoomameynin.

Is magacaabida been abuurka ku dhisan oo ilaa haatan shanta mareyso iyo xishood darrada kismaayo ka taagan haddii dib la isu qabanin waxay ku dhammaan doonta in arrinta ay isu rogto dagaal dhex maro galti iyo giir-giir, sida haatanba muuqato magaalada waxaa ka jiro saan saan colaadeed oo waxa ay noqon doonto la saadaalin karin ee inta goori goor tahay ha loo fariisto wadaxaajood dibna halo  garwaaqsado in talada magaalada loo qeybsado si caddaalad ku dheehan tahay.

W/Q: Avv. Xussein Diiriye Afrax – Edmonton London

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post


SOOMAALIDA MAANTA: “Ninba Dahab lumay si u doon doon!”

$
0
0

Umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa had iyo gooraale markay is beerlaxawsanayaan waxay sheegaan  dhawr arrimood oo kala ah; “Dad isku af ah, Isku diin ah, Isku dhaqan ah, Isku mid ah arrimahan hadda waqtiga la joogo markaad u dhabba gasho wax badan ayaa iska bedelay. “Maan tegay iyo Laf jabtey midna sidisii ma noqdo” waxaa hubaal ah inaysan Soomaali maanta intaa wadaagin ka dib burburkii dalka ku dhacay, inuu saamayn baaxadweyn leh ku yeeshay, dhinacyada bulshada, Dhaqan iyo dhaqaale  Af iyo Oolinba.

Dadka Soomaaliyeed waxay ahaayeen intii aanu iman Gumeystuhu dad xoola dhaqato iyo beeralay ah, sida taariikhyahanada Adduunka iyo Soomaaliduba sheegeen,waxaa jirtay inay Soomaalidu lahayd dagaalkii Axmed gurey ka hor Ilbaxnimo u gaar iyo xidhiidh ganacsi oo ay la wadaageen bulshada Adduunka ku dhaqan, haddaba, markii ay yimaadeen  dadyawga Carbeed dhulkeenna ayaa waxaa saamayn ku yeeshay Af Soomaaliga oo markaa badhax tirnaa Afka Carabiga, ka dibna markii ay dalka soo galeen Sayncaddaalayaashii Gumaysiga kala duwanaa ayaa sidoo kale qolo weliba waxay raad weyn ku reebtay deegaankii ay qabsatay ee gumaysanaysay, iyadoo Afku markii horeba ciirciirayo oo baxaadegayo markii la qoreyna aan la sugin oo saldhig adag loo samayn ayaa haddana waxaa dhacay aafooyinkii dagaalladii Jabhadaha iyo Rajiimkii Meleteriga ahaa iyo kuwii sokeeye.

Waxaa billowdey isbedelkii waxyaabihii Soomaalidu ku naaloon jirtey ee ay ka midka ahaayeen Afka, Dhaqanka , Hiddaha, Diinta, Muuqa IQB. Fili mayo inay jirtay cunto noo gaar ah oo aynu leenahay ama aynu adduunka kaga duwan nahay, waxaan aad ugu caan nahay “Cad iyo Caano” balse labadan umadaha adduunka oo dhan ayaa inala wadaaga.

1- Isku AF  maaha Soomaalidu Maanta: ugu yaraan nus Milyan Soomaali ah ayaan aqoon Afka Soomaaliga oo ku kala hadla, Carabi, Ingiriisi, Jarmal, Talyaani, Swedhish, Finish, Dhaj, Fransiis IQB. Waxaad arkaysaa Qoys Soomaaliyeed oo dhawr walaalo ah carruurtoodu haddii guri laysugu keeno aysan is fahmayn ee hooyooyinkood ama aabbayaashood u kala afcelshaan,  sidaa awgeed, isku Af maaha maanta Aqoon yahanka Soomaaliyeed Maya  Hal aqoonka Soomaaliyeed haddii uusan af qalaad wax ku falanqeynayn oo ku sheegayn wuxuu u arkaa inuu Af Soomaali wax ku gudbiyo arrin liidnimo ah iyo aqoonyari, waxaana  halku dhig u ah, “Af Soomaali maxaa kuu wehliya?” Barashada afafka kale maaha wax xun, balse, ujeedkeedu maaha inaad kaaga dayacdo.

2- Isku DIIN maaha Soomaalidu Maanta: oo haddii la dhihi jiray 100% umadda Soomaaliyeed waa Islaam maanta waxbaa ka bedelan, sababtoo ah, waxaan marag ka nahay inay jiraan dad gaaraya Kumannaan oo diimo kale qaatey, iyo kuwa aad u badan oo aan aqoonba u lahayn Diinta ka Islaam ah, waxaana  sababay duruufaha iyo dhibaatooyinka dalka ka dhacay.

3- Isku DHAQAN maaha Soomaalidu Maanta: haddii hore Soomaalidu ahayd dad ku dhaata, Marti soor, garsoor, gobonimo , haddii ay lahaayeen Biri mageydo iyo waxyaabo ay ka caaggan yihiin oo ay ka dhawrsato, haddey ceebsan jirtay, Calooshiisa u shaqayste, caadeqaate, iyo gumaysi raac, haddii ay Soomaalidu ahayd dad xalaal miirato ah oo xoogsada ama xoola dhaqato ah, haddii ay Soomaalidu ahayd, dad ballan leh oo wixii ay meel dhigtaan xeer iyo xukun aan ku xadgudbin, haddey Soomaalidu ahayd  dad xornimadeeda u dagaallama oo aan cadowga isu soo raacin, waxaas oo dhaqani maanta ma jiraan, ee waxaa lagu bedelay  waxyaabo ku lid ah oo ka soo horjeeda.

Dhinaca dhaqanka aad baa loogu kala tagay, Hu’ga iyo marashadii waxaa lala kala saftay  Carab iyo Reer galbeed, sababtuna waxay tahay waxay ilbaxnimo u qaateen dhaqan dad kale, koodiina waa ceebsadeen oo waa duugeen.

4- Isku MIDAB ah  maanta sidaan hore ugu soo sheegnay inay jiraan Rubuc Milyan Soomaali ah oo aan Af Soomaali aqoon, waxaa jira  intaa iyo ka badan oo aan lahayn midabka iyo muuqaalka Soomaalida, oo Jinsiyado kale dhaleen ama gabdho Soomaaliyeed ha dhalaan ama wiilal Soomaaliyeed ha dhalaane, oo aan dhaqan, midab, af iyo diin midna nala wadaagin, magaca Soomaaliyeedse sheegta ama lagu sheego!

Haddaan ujeedka qormadayda u soo dego, waxaa weeye horta yaa Soomaali ah? Maxaase lagu Soomaaliyoobi kara? Haddii intii Soomaalidu sheegan jirtey ay badhxantay, saw halkaa kama muuqato inaan ku sifoownay murtidii Abwaan Hadraawi ee maansadii “Sirta Nolosha”:

Qof saluugay maankiisa

Ama suufay muuqiisa

Ka sal kacay xaqiiqdiisa

Qabku saami ladha maaha

Nin sitaba badhbaa saaran

Nin ka sii sitaa jooga

Ragannimadda sooceeda

Adigoo sagaal buuxshay

Hal ku seegaybaa yaalla!

Soomaalidu maanta dad ahaan iyo deegaan ahaan midna isuma oggola, waxaana taas sababteeda leh, dadkeedii taladeeda iyo tanaadkeeda laga doonayey ayaa iyagu u taagan kala taggeeda iyo tuhun gelinteeda. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda: Nin Hooyadii ka guurey Habaryartii uma negaado”haddaba ninka Soomaaliga ee walaalkii ka ordaya garab iyo gaashaana ka dhiganaya nin cadawgiisa ah, saw maaha nin xero taraarey oo talo xumo la talax tegtay?.

Waxaad mooddaa in Soomaalida maanta xaalkeedu yahay “Ninba Dahab lumay si u doon doon” waxaa is bedelay wax walba, nin walbana waxaa qoorta u sudhan qumanihiisa, gartiisa iyo gardarradiisaba wuxuu u haystaa garbo iyo gargaarayaal. Halkudhiga raggii hore wuxuu ahaa: Ragannimadu waxay ku jirtaa meel aan dantaada gaar ahaaneed ku jirin. Halka ay Soomaalida maantana halku dhiggeedu yahay Ragannimadu waxay ku jirtaa meeshii dantaada gaar ahaaneed aad ka helayso” waxaa is bedelay gebi ahaan sawricii dhaqanka Soomaaliyeed, waxaa awal laga sarriigan jiray maanta waa lagu faana, wixii awal dadku ceebta u yaqaannayna maanata waa ammaan iyo horumar.

Waxaad maqlaysaa Hoggaamiye hebel waxaa wata qolo hebla ama waddan hebel ayuu ku tiirsan yahay, ama anaga koox hebla haddaan nahay waxaa nala socda waddan hebel oo na taageersan, waxaa na aqoonsan  Urur hebel iyo sheekooyin caqliga saliimka ahi diidayo, oo ka fog danaha umadeed iyo jiritaankeenna intaba. Wuxuu yidhi Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc:

Ingiriis iyo Talyaanaad sidii Nebi addeecdaane,

Idinna sida Aboorkiyo Tukaha yaysu aragtaane,

Wax Addoomo laydinka dhigay uumiyaa kale’e,

Hadba kii ajnabiyoo yimaad daba ordaysaane,

Ma aqbalo sharcigu xaalkanoo waa anfiyayaaye,

Miyaydaan aqoon diinta waad ku andacootaane?! 

Xaaji Af-Qallooc ( AUN) 1946

Haddii kala fogaan dhacay  kala dhimasho yey iman! Dadka Soomaaliyeed maanta intooda badan waxaa hor boodaya dad aan dantooda wadin, dadweynuhuna waxaad mooddaa inay hurdo ku jiraan, iyaga oo la kala safan, haddii aanay bulshada Soomaaliyeed iyadu ka midoobin dhinacyada ay isku hayaana isu tanaasulin, waxay hadhoow gaadhaysaa inay taladu gacantooda ka baxdo inta yaree ku hadhay, ayna noqdaan madiidin loo taliyo oo hadba sidii la doono laga yeelo. Waxaan ku soo afjarayaa qormada Tuducyo ka mid aha Gabay aan tiriyey oo la yidhaahdo “Midnimo” waana sidan:

Mabda’baa wax lagu maamulaa, Maanintii saxane

Midigtuba awood muuqatiyo, Muruq ma keenteene

Haddaan bidix miciinkeeda noqon, Milif ma qaaddeene

Waa laba is mudanoo midnimo, Abid ka maarmeyne.

 

Ushaa laga mitaalayo kelida, Maleh awood weyne

Haddeyse midho bataan maalintaa, Liici mahayaane

Midabyada Dibidii lagu makalay, Maalin lagu leefey

Markii uu Libaaxii makriyey, Kalana meelaystay

Maskax li’i masuug kala galeey, Noqatay mawdkoode

Hadday maya yidhaahdaan marnaba, Lama muquunsheene.

 

Marinkoodii duulkii marana, Ma laha taariikhe

Maqsadkoodu wuu lumi haddaan, Mawlahood bixine

Soomaaliyeey maqal midnimo, Ma hurto weeyaane

Maabkeenu ceebuu noqdiyo, xarun ma yeedhaane

Dunidaa misaal laga dhigtaa, Muunad oo kale

Murankii dhacaba waxaan maqlaa, Magaca Soomaale

Maan laawayaaliyo xumaa, Nalagu Muujaaye

Milgahaan lahayniyo dadnimo, Muustey sharaftiiye

Magacii xornimo suulyayoo, Waa la moogyahaye

Inta nala makalay baa haddana, Nalagu maadtaaye

Masiirkeeni diidniyo midnimo, Qaranku muuqdaaye

Hadba doqon maqaarsaaraba, Maayad soo kicine

Minankaan lahayniyo dhulkii, Mawle nagu beerey

Marsadiyo dekadihii dalkaa, Muran ka joogaaye

 

“Gabaygii Midnimo November 2012”

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online

Use Facebook to Comment on this Post

Muranka MASAR iyo ETHIOPIA ee Nile iyo saameynta siyaasadda Somalia.

$
0
0

Marka hore waxaan Salaamayaa Dhamaan aqristayaasha sharafta leh ee ku xiran boggan Caasimada Online. Intaas kadib waxaan jecleystay maanta inaan idiin soo gudbiyo Maqaal aad u mudan in laga hadlo kaas oo midka aan cinwaanka uga dhigay qoraalkeyga waana muranka u dhexeeya Dowlada Masar iyo Itoobiya kaasoo ah qaabka loo qeybsanayo biyaha webiga Nile ka.

Runtii Muranka waa mid u dhexeeya Laba dal taasoo dal kasta uu ku ilaashanaayo danihiisa dhaqan dhaqaale waana mid uu xaq u leeyahay.

Runtii Aqristoow ku dheeraan maayo danta iyo muranka laba dal laakiin halka aan u socdo ee aan doonayo inaan diirada saaro waxa ay tahay soomaaliya saameyn maku yeelan kartaa arinta? Jawaabtu waa haa sababta oo ah Masar iyo Itoobiyo malaha xuduud ay ku dagaalamaan waana mida keeni karta in dagaalkooda loo soo wareejiyo dhinaca Soomaaliya .

Masaaridu waxa ay xiriir fog la la laheyd Soomaaliya waxa ayna markasta ku hamin jirtay haddii Itoobiya ay iskhilaafaan iney u adeegsato Soomaaliya. Waaxad Moodaa Arintaas dhaqdhaqaaqeeda inuu bilowday waxa ayna Dowlada Masar bilowday iney Dowlada Soomaaliya u balan qaado Kaalmo Milatari.

Waxaa kale oo ay Soomaaliya u dirtay usbuucan Saraakiil Milatari oo sii amba qaada arimaha socda. Masar waxa ay dooneysaa iney ka faa,iideysneysa baahida Soomaaliya u qabto Kaalmo Milatari, Maadaama ay dagaal kula jirto Kooxo Xagjiriin ah.

Sidaad ogtihiin Saaxiibayaal Soomaaliya waxaa laga qaaday muddo 1 Sano ah Cunaqabateytii Hubka si loo dhiso Ciidamada Soomaaliya. Dhanka kale dhismaha biyaxireenka webiga Nile ee ay Itoobiya wado wuu ka horeeyay waqtigaan xaadirka ah ee Soomaaliaya laga qaaday Cunaqabateynta Hubka.

Haddaba su,aasha waxa ay tahay Masar maxay muranka u bilowday markii Cunaqabateyta Soomaaliya laga Qaaday Arintu waa mid iska cad waxa ayna dooneysaa iney dib u soo celiso khilaafkii iyo colaadii dhex tiilay Soomaaliya iyo Itoobiya taasoo ah mid aysan Soomaaliya dan ugu jirin, maadaama Itoobiya aan nahay laba dal oo xuduud leh wax badana ay naga dhexeeyaan.

Dhanka kale Itoobiya waxa ay ka mid tahay Dowladaha Soomaaliya garab ku siiyay iney dhiigooda u huraan si wax looga qabto Argagixisada ku soo duushay dalkeeda. Ugu dambeyn waxaan dhihi lahaa Madaxda Soomaalida ee Waqtigan Hogaamineysa Dowlada ineysan ku sirmin danta ay Masar dooneyso iney kaga faa,iideysato Arintaas Muranka Webiga Nile ka ah.

W/Q: Abdirizak Ibrahim, Netherlands

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online

Use Facebook to Comment on this Post

Xaqiiq & Cadeyn: Taariikhda Jubaland iyo marin habaabinta SAHAL

$
0
0

Qaybta koowaad 

Jubbaland Xuduuddeeda dhanka Kenya waxay ahayd meesha loo yaqaanno Lorian Swamps (Waraha Jorian) oo ah meesha ay Soomaalidu u taqaanno Habaasweyne, waxayna Wajeer dhanka Gaarisa ka sii xigtaa masaafo dhan 137km, Jubbaland dhanka Itoobiya waxay ku ekeyd Doolow, dhanka Soomaaliya wuxuu xudduudku ahaa webiga Jubba, Magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Gedo sida Baardheere, Jubbada Dhexe sida Jilib iyo Jubbada hoose sida Jamaame kama tirsaneyn Jubbaland oo waxay Hoos imaan jireen xukunkii Talyaaniga, kala bar in ka badan dhulka jubbaland la dhihi jiray hadda waxaa haysata dowladda Kenya, Ingiriiska Jubbaland waxa xarun u ahayd magaalada kismaayo, wuxuu saldhig kale oo fiican ku lahaa Wajeer, laakiin waxaa jiray 2 bar koontrool oo kale oo Ingiriisku lahaa, mid waxay ku taalley ceelasha Afmadow (oo hadda ah Degmada Afmadow), koontroolka kalena wuxuu  ku yaallay meesha loo yaqaannay Serenley oo Baardheere 6.5km  woqooyi ka xigtay. “In June 1910 the British established a defensive post at Serenli,  four miles north of Bardera”

Qariiradda Jubblanad

Qariiradda Jubblanad

Jubbaland Saciid Barqash iyo Ingiriiska 

Dhulka Jubbaland oo ah wixii webiga Jubba Galbeed ka xiga waxa maamuli jiray Saciid Barqash oo ahaa suldaankii Zanzibaar, sanadkii 1887 ayuu suladaanku dhulkaas ka kireeyey shirkadii Ingiriiska ee Bariga Africa, 8 sano ka dibna dowladda Ingiriiska ayaa la wareegtay dhulkaas oo ku dartay maxmiyaddii Uganda sida ku cad qoraalka hoose “On the equator in East Africa the land to the west of the Juba River was known as Jubaland and belonged to the Sultan of Zanzibar. In 1887 the Sultan leased the lands to the British East Africa Company and eight years later (1895) the Government took the lands over as part of the Uganda Protectorate” Wareejintaan Suldaanka kooxda SAHAL kama hadasho!

Jubbaland Ingiriiska iyo Talyaaniga 

Bishii July 1925 ayey dowladda Ingiriiska Jubbaland qayb ka mid ah ku wareejisay (kuma jirin Wajeer ilaa Lorian Swamps) Talyaaniga si ay ugu abaal mariso tallaabooyin uu Musalliini (diktatoorkii talyaniga) qaaday ee ay u riyaaqeen Ingiriiska iyo Fransiiska. Wareejintaan Ingiriiska ayey SAHAL buunbuunisaa illeen Kenya ayaa dhulkan asal ahaan laga soo gooyey ayaa meesha ku qarsoone! Eeg daqiiqadda 10aad ee video-gaan:

Laakiin 1941 (dagaalkii 2aad ee adduunka) ayuu Ingiriiska mar labaad Jubbaland ka qabsaday Talyaniga oo uu gudaha u sii galay dhulkii uu awal Talyaanigu gumaysan jiray waana dhacdada ay Soomaalidu u taqaanno (Talyaani Cararki), haddana markii Benitto Musallini lagu dilay kacdoon Ingiriiska iyo Mareykanka taageersanaa oo ka dhacay Talyaaniga, ayaa mar labaad uu Ingirissku dhulkii uu qabsaday oo dhan oo ay ku jiraan Jubbooyinka (qaybta Waamo iyo Gedo) dib ugu warejiyey Talyaniga, marka runti meesha “Jubbaland” tii Ingiriisku ogaa ma taallee waa WAAMO iyo GEDO, oo Jubbaland-ta lafteeda ayaa marin habaabin ah sababtoo ah qaybna waa ka maqan tahay(Xadka ilaa Habasweyne qiyaastii 400km) qayb aan ku jirinna (Jammame, Jilib iyo Baardheere) waa lagu xambaarayaa. Ma garatay sheekada?

Jubbooyinka ma dhul Daarood kaligii leeyahay baa mise waa dhul Soomaali oo dhan leedahay?

Sida uu qabo uruka SAHAL ee qabyaaladda u ololeeya (iyo inta ku fikirka ah) waxay ku doodayaan in Kismaayo iyo dhammaan Jubbooyinku ay yihiin dhul uu Daarood leeyahay dadka kalena ay yihiin dad laga tiro badan yahay (minority)! Haddii aad waydiiso sababta, waxay leeyihiin gaaladii Ingiriiska ahayd ee wax ka qortay Jubbooyinka ayaa sheegtay laba arrimood:

  • IN DAAROOD MEESHA DAGGANAA OO AY GAALADA KU SOO ARAGTAY
  • IN DAAROOD UU GALLA (Oromo) JUBBOOYINKA DAGAAL UGA ERYADAY

Akhyaarey xasuusnaada labadaas qodob ee ay SAHAL ku dooddo mid mid ayaan usoo qaadan doonaaye, waxa kale oo aad xasuusnaataan in waxa la daliishanayo uu yahay hadal uu qoray GAAL ee uusan ahayn QUR’AAN iyo XADDIIS. Taariikhda inta badan ay soo daliishadaan SAHAL waxa ugu badan 2 arrimood mid waxa ay tahay maqaal la magac baxay “Jubbaland and its inhabitants” (Jubbaland iyo dadka daggan) oo uu qoray nin Ingiriis ahaa oo la oran jiray F. Elliott bishii June 1913, dhacdada labaadna waxay tahay dhacdada loo yaqaanno kacdoonii Ogaadeen, waxaa kale oo jira buug uu qoray I.N. Dracocopoli 1914 oo isna sida Elliot u hadla si cadna u sheegay in sawirrada buuggiisa qaarkood uu siiyey F. Elliott nimanka hagayeyna ay kala ahaayeen Harti iyo Ogaadeen jilibka Maqaabul“

two knifes

 

laakiin, si kastaba ha ahaatee, SAHAL Elliott-ka ay buunbuuniso ayaan hadalladiisa falaqayndoonaa balse inta aanan arrimahan faahfaahinin waxaan rabaa inaan marka hore wax yar akhristayaasha u iftiimiyo sida ay Soomaalidu uga fogaatay xaqa oo sad bursi uu u indho tiray marka dadka ajaanibta ah ay la kulmaan ama wareystaan.

Sheeko waxa la iiga sheekeeyey naag caddaan ah oo hay’ad cunto gargaar qaybisa ka socotay ayaa tagtay meel ceel ah oo uu hal bush ku yaallay, iyadoo tirakoob wadday ayey oday meesha joogay weydiisay tirada dadka ku nool tuulada, markaasuu u sheegay 2 milyan oo qof!, naagtu markaas ayaa Nairobi laga soo beddelay oo wey ku cusbayd deegaanka, inkasta oo ay shakisay haddana hadalkii odayga ayey qoratay, waxay tagtay tuulo kale oo 13 mudul ka dhisan yihiin, isla su’aashi ayey weydiisay, nin tuulada joogay ayaa wuxuu u sheegay in tirada qoysaska daggan tuulada ay yihiin 15 qoys oo kaliya, naagti ayaa haddana qoratay hadalkii ninka, habeenkii markii ay xaruntii hay’adda u hoyatay ayey warbixintii u gudbisay nin caddaan ah oo ka sarreeyey oo arrimaha Soomaliya khabiir ku ahaa muddana ka soo shaqeeyey, wuxuu amray in ay berri baabuur raashin ah u rarto tuuladii 13 mudul, tii 2da milyanna ay faraha ka qaado maadaama uu og yahay in iska dhaaf tuuladaase tirada dadka gobolka uu joogo dhamaantood aysan dhameen kala bar dadka ay tuulada sheegatay!

Waxaan hadalkaas uga gol leeyahay dadka Soomaalida aad iyo aad ayey dadka kale u marin habaabiyaan gaar ahaan dadka caddaanka ah (amaba ajnabiga ah) haddii ay maslaxad ugu jirto, arrintaana aad ayuu u ogyahay qofkii hay’ad ka soo shaqeeyey, waxaan akhristayaasha sharafta leh usoo gudbinayaa dhacdo arrimahaan la xiriirta, haddii aan rumaysano dhacdadan wax kasta uu gaal caddaan ah qoray waa inaan rumaysaneynaa. Buug caan ah oo lagu daabaco dalka Ingiriiska ayna wax ka qoreen 49 nin oo intooda badan profesoorro ah oo lagu magacaabo “Africa South of the Sahara” ayaa wuxuu qoray Somaaliya inay tahay Muslim Sunni ah IMAAM-keeduna uu yahay GENERAL MAXAMED ABSHIR (HAAMAAN)!, akhyaarey qof Soomaali ah oo rumaysanaya ma jiraa inaan horta abid IMAAM yeelanay?, Generaal Maxamed Abshir-se weligiis IMAAM ma noo noqday?

Arrintu ma aha in- mudane Maxamed Abshir oo hoggaamiye Soomaaliyeed ah- aan shaqsiyaddiisa ka hadlayo laakin xaqiiqdii ma dhabbaa arrintaas oo ma dhacday mise waa been abuur taariikheed oo dharaar cad ah? Haddii mudane Maxamed Abshir uu saakay CV-giisa (taariikh nololeedkiisa) ku darsado oo uu yiraahdo anaa Soomaali imam u ahaan jiray oo waa taa gaaladii ingiriiska ahayd ayaa wax ka qortay arrinkaas, bal ka warrama?  Ka eeg qoraalka hoos ku qoran bogga 1046 ee buugga Africa South of the Sahara 2001, 30th edition- Europa Publication 2000. 

Islam Somalia

Waxaa kale oo xusid mudan book ay qortay professorad Swedish ah oo ay ku sheegtay “xasuuqii Daarood” iyadoon xataa meesha lagu “xasuuqay” aan weligeed tagin, ha dhow waxa la rabaa in buuggaas iyo wax la mid ah la daliishado! Waxyaabahaas iyo wax la mid ah ayaa ka buuxa oo aan idinka tusi doonaa qoraalka Elliott oo ay qolyahan SAHAL sidii qur’aanki iyo xaddiiski u soo daliilsanayaan si ay dad kale xaqooda u dhacaan, qaybtan soo socota ayaan ku falaqayn doonaa hadallada Elliott.

La soco qeybta xigta berri Insha Allah

W/QAbdi Osman 

adam2025@gmail.com

Wargelin: Qormadan waxa ay u gaar tahay Caasimada Online. Waxaa ku baxay waqti badan iyo baaritaan biloooyin qaatay. Haddii aad jeceshahay inaad qaadato oo aad ku dabaacdo webkaaga fadlan xus xuquuqda qoraalka. Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post

Xaqiiq & Cadeyn: Taariikhda Jubaland iyo marin habaabinta SAHAL (Q2aad)

$
0
0

Qeybtii 2-aad

Haddii ay ku dhaaftay qeybtii koowaad Halkan dhag sii

Falanqaynta qoraalka Elliott Jubbaland

Qoraalka Elliott ee SAHAL ay buunbuuniso waxaa ka muuqato inuusan baaritaan badan ku sameynin dhulka iyo dadka daggan balse uu si weyn ugu tiirsanaa oo kaliya wixii u sheegayey turjubaankiisa oo sida muuqato ahaa mid kale oo un SAHAL waagaas joogay ahaa, hadallada Elliott qaarkood ayaan soo bandhigi doonaa oo qayb ka mid ah aad si aad ah ula yaabi doontaan, faallo yar ayaanna raacin doonaa inshaa Allaah. Aan bal fiirino Elliott hadalladiisa:

Of the Ogaden in Jubaland the Mohamed Zubeir are the most influential and numerous. They occupy the Afmadu district as far south as the Deshek Wama, and own immense quantities of cattle

The Aulihan tribe frequents the district to the west and south of Serenleh. They are rich in camels as well as cattle, and the Juba River is their main water-supply. 

Halkan qabaa’il Ogaadeen ah ayuu ku sheegayaa Rama-adi (aagga Badhaadhe) ilaa Lorian Swamps (Habaasweyne), Afmadow iyo Serenley (Baardheere ayey 6.5km woqooyi ka xigtay)

Faallo: Wax lala yaabo ma aha in Elliot qabaa’ilkaas Ogaaden 1913 uu ku sheego aagga Badhaadhe ilaa Habaasweyne, Afmadow iyo Serenley oo ah woqooyiga Baardheere, sababtoo ah ilaa iyo haddaba qabaa’ilkaas qaarkood waa laga helayaa meelahaas.

Qeybtan wuxuu ku sheegay in Harti 3000 tiradoodu gaareyso oo uu Majeerteen ugu badnaa, xoogaa Warsangeli ah iyo Dhulbahante ahna ay ku jireen ay Lo’ iyo ganacsiba ku haysteen xeebta ilaa Dhasheeg Waamo ilaa xitaa dhanka Bari!

Faallo: Hadalkaas wuxuu u eg yahay mid Elliott loo meeriyey sidii sheekadii naagtii caddaanka ahayd ee aan kor ku soo sheegay iyo Maxamed Abshir ayaa Soomaali Imaam u ah!, sababtoo ah dadka ilaa Hadda Hartiga lagu sheego waa Cowrmale iyo laf Gaaljecel ah oo la yiraahdo Axmed Aadan, waxaa arrintaas kuu caddeynaya labadan arrimood: Haddadaas ayey SAHAL iyo wixii ku fikir ah anagoo ay indhaheenna shanta yihiin noo sheegayaan inay qabaa’ilkaasi Harti yihiin (taasoo asalkii ku timid in Ingiriisku uu ku soo rogay dadka reer baadiyaha qofkii xoolo Kismaayo keensada in la helo qof ka damiin ah haddii kale uusan xoolo iska iibin karin si uu Ingiriisku u yareeyo kala dhaca xoolaha, ninka damiinka ah Rubbiyad -lacagta Hindiya oo markaas Kismayo ka socotay- ayey reer baadiyuhu siin jireen, marka oday Harti ahaa oo magaalada dagganaa ayaa sidaas ku shaqaysan jiray, qof walbow baar arrintaas), tan labaad haddii uu harti 3000 le’eg dhulka dagganaa waagaas aaway tuulooyinkoodi, illeyn gobollada ay caadiga u daggan yihiinba (sida Bari, Nugaal iyo Sool) waa kuwaas ku leh tuulooyinkee, Jubbooyinka ma masaafur ayey ku ahaayeen? Xaggeyse u qaxeen, maxaase kaligood helay? Ma ku dhacay warkaas?

Hawiyaha Jubbooyinka muxuu ka sheegay Elliott

Bal u fiirso hadalka soo socda ee Elliott “Dir iyo Hawiye waxay ku badan yihiin dhulka uu Talyaanigu ka taliyo wayna ku YAR YIHIIN (goormuu tiro koobay) Jubbaland!, inkastoo (Hawiye iyo Dir) lagu sheego inay Soomali yihiin, haddana waa dadkii asalka u lahaan jiray xeebta Banaadir, SOMALIDANA KU QABIIL MA AHA (yacni Dir iyo Hawiye) weyna YAR TAHAY in ay ISGUURSADAAN (iyaga iyo Soomaalida)!” “Dhamaan Somalida Bariga Africa joogta waa LABO REER OO KALIYA, oo ah DAAROOD IYO ISAAQ, Kan hore (waa Daaroodke’e) un bay dad ka joogaan Jubbaland!”

Faallo: Bal been abuurkaas taariikheed eeg, goormuu Elliott soo tira koobay Hawiyaha iyo Dir-ta Jubbooyinka? Halkan waa meesha ay SAHAL ka soo daliishadaan in Hawiyaha iyo Dir-ta Jubbooyinka ay yihiin (minority) ama dad laga tiro badan yahay. Hadda haddii SAHAL nin caddaan ah uu Kismaayo ku dhex wareysto sow Hawiye waa minority meesha lama taagna iyagoon Kismaayo hal tuulo ku lahayn? Waligaa ma aragtay been inta la qoray haddana la daliishanayo, Hawiye iyo Dir haddii aysan Soomaali ahayn oo aysan Soomalida isguursanin, yaa Soomaali ah oo ay Soomaalida is guursadaan? Warka soo socda ee Eliott ayaa ka sii darane bal si fiican u dhuux.  “waxaa lagama maarmaan ah inaan ku celiyo in Darood kaliya laga helo Jubbaland, halka Isaaqu uu ku kooban yahay bariga Jubba, Hawiye, Dir iyo qabaa’il kalena iyagu SOOMAALIBA MA AHA, Soomaaliduna way TAKOORTAA iyagoo ISIR HOOSE (dad aan nasab ahayn) ah darteed”.

Faallo: Warkaas ma war gaal Ingiriis ah oo wax baaray ayuu kuula muuqdaa mise war turjubaan SAHAL oo markaas joogay? ISAAQ AYAA BARIGA JUBBALAND DAGGANAA sow lamid ma aha HARTI AYAA GALBEEDKA IYO BARIGA JUBBALAND DAGGANEYD illeen hal bog ayuu Elliott ku wada qoray hadalladaase! Waxay soo daliishadaan SAHAL waa waxaas oo kale, Hawiye iyo Dir waa dad gun ah iyadu ka hadal ma laha oo dadka oo dhan ayaa arka beentaas dharaarta cad ah (xasuuso Maxamed Abshir ayaa Somali Imam u ah). Elliott xaaladdiisa labo un bay mid tahay haddaan rumaysanno in Daarood kaliya joogay Jubbaland, waa in aan rumaysanaa in Somalidu ay tahay oo kaliya Daarood iyo Isaaq, Hawiye iyo Dir-na aysanba Soomali ahayn oo ay yihiin nasab dhiman aan laga  guursan illeen waxas oo dhan waa warkii Elliott uu wada qoraye.Nuxurka hadalladii Elliott waxan ku soo kobaynaa qodobadaan:

  1. In Daarood uu dhulka Jubbaland u badnaa!
  2. In Isaaq uu Jubba dagganaa!
  3. In Hawiye iyo Dir ay ku yaraayeen Jubbaland!
  4. In Darood iyo Isaaq oo kaliya ay yihiin Somalida Bariga Afrika!
  5. In Hawiye iyo Dir aysan Somaliba ahayn!
  6. In Hawiye iyo Dir ay yihiin nasab dhiman oo aysan Somalidu (Daarood iyo Isaaq) ka guursan!

Intaas ayaa ku qoran maqaalka Elliott oo 8 bog ahaa, akhyaarey haddaan iri warkani wuxuu u eg yahay war turjubaan SAHAL, ma been baan ku sheegay? Waxan weydiinayaa SAHAL kuween ka qaadanaa lixdaas qodob ee Elliott ee aan kor ku xusay, kuweense ka tagnaa? Ma ka qaadannaa Daarood ayaa Jubbaland u badnaa oo kaliya (waa sida aad rabtaane), Isaaqa Jubbaland dagganaase wax ma u oggoshihiin? Ogow Jubbaland-ta laga hadlayo 60% waxay hadda ka tirsan tahay NFD.

Haddii aan intaas ku dhaafo mataggii Elliott uu u meeriyey turjubaankiisii SAHAL, aan markaan u gudbo dhacdooyinka  kale ee ay daliishadaan SAHAL waana Kacdoonkii Ogaadeenka dhacdada la magac baxday, waxay ahayd 1916 ayaa niman Cowliyahan Ogaadeen oo 300 nin ah ayaa Serenley (Baardheere) dusheeda waxay 800 neef oo geel ah ka dhaceen Mareexaan (tolow BILILIQO waagaasna ma jirtay!)      8 ninna way ka dileen, sarkaal Ingiriis ah oo Taneeti Elliott la dhaho (ma aha Elliott-ka wax qoray) oo Serenley haystay ayaa C/raxman Mursal oo nabadoon u ahaa Cowliyahan u yeeray, kuna amray inuu xoolihii soo celiyo diyo 800 neef oo geel ahna uu ka bixiyo raggii uu laayey haddii kale tallaabo laga qaadidoono, taas oo C/raxman Mursal intuu ka xanaaqay uu habeen soo weeraray xeradii Ingiriiska oo ay 40 nin oo ciidan Ugaandheys iyo Hindi ah ay joogeen ayuu ku dilay gaalkii Ingiriiska ahaa ee Elliott iyo dhowr iyo labaatan askartii ka mid iyadoo qoryahooda habeenkii bakhaar ku xereyn jiray oo aan hubaysneyn, ka bacdina ciidan ayuu Ingiriisku ku soo kiciyey oo odayaal laga xirxiray waa arrintaas JIHAADKA ay SAHAL sheegto inay Ingiriiska kula Jihaadeen Jubbooyinka (waa dad xoolo Soomaali leedahay Gedo ku BILILIQAYSTAY oo dad Soomaali ah laayey oo laga soo celinayey, jihaadow xaal qaado!). “It was on the 2nd February 1916, and the day before the Serenli Aulihan, some three hundred strong, raided the Marehan and seized eight hundred of their camels, killing eight Marehan warriors.” Dhacdo kale oo iyaduna ka horreysey tan oo waxaa jirtay meel Chulime la dhaho oo Afmadow 57 mile (91km) u jirta ka dhacday oo iyadana gaal kale oo Ingiriis ah oo la dhihi jiray Arthur Jenner toorrey lagu dilay 16 November 1900, isagoo meesha kormeer ku joogay, ugu danbeyn Ingiriiska xoog ayuu isticmaalay isagoo adeegsaday gaal kale la dhihi jiray Wallace Blake. Haddii aan intaasi ku dhaafno “Jihaadkii” SAHAL ee Jubbooyinka bal aan wax yar ka sheego in SAHAL aysan run ka ahayn waxa ay sheegayso sababtoo ah iyagu waxay isku siiyeen Jubbooyinka hadal uu nin dhulmareen ah qoray laakiin ma u oggol yihiin qabaa’ilka kale  dhulkii ay dhulmareennada ku soo arkeen? Eeg qaybtan soo socota.

Ibn Saciid oo ahaa Joqoraafi yahan Marookaan ah wuxuu qoray Qarnigii 13aad in magaalada Marka ay ahayd saldhigga Hawiyaha, 50 tuulo ka badanna uu ku lahaa, ka eeg hadalkaas buuggiisa joqoraafiga ah. Su’aashu waxay tahay muxuu u arki waayey Biyamaal-ka daggan aagga Marka, taasi macnaheedu ma inuusan Biyomaal meesha dagganeen baa? وفي شرقية من بلاد بربرا المشهورة على البحر مركه حيث الطول تسع وستون درجة وثلاثون دقيقة والعرض درجة وعشر دقائق; وأهلها مسلمون وهي قاعدة الهاوية التي تنيف على خمسين قرية ابن سعيد المغربي ولد في عام 1214وتوفي في عام 1286ميلادي .Qarnigii 12aad Mohamed Al-Idrisi (dhul mareen kale) ayaa isna magaalada Marka ku sheegay “Region of Hawiye” gobolkii Hawiye, maxaa isna ka indho tiray Biyomaal-ka, hadday Hawiye wararka nimankaas buunbuuniyaan ka warrama SAHALow oo ay dhahaan Marko annaga ayaa Biyo-maal ka leh? Haddii hadal nin dhul mareen ah dhul lagu milkinayo-waa sida aad ku dooddaane-maxaad u buunbuunisaan iskudhicii ayaan dhawayd Marko ka dhacay (oo dadka walaalaha ah dhexmaray) oo aad Hawiyaha ugu eedeyseen dhulballaarsi, idinkuse maxaad dhulballaarsi isugu sifeyn weydeen mase qirsan tihiin in HAWIYE magaalada MARKO leeyahay illeen dhul mareen ayaa ku soo arkaye? Xaqiiqadu waxay tahay in ragga u warramay 2daas dhulmareen ay ahaayeen niman Hawiye ah, Haddii Vasco Da Gama uu nin reer Boorama ah xeebta Xamar ku arki lahaa oo u sheegi lahaa in reerkoodu daggan yahay xamar, Vasco da Gama wuxuu qori lahaa in beesha Samaroon ay u badan yihiin Xamar, sidaas dhul ma lagu milkiyaa? Akhyaarey ma fahamteen DADBAA MEESHA DAGGANAA OO AY GAALO KU SOO ARAGTAY inaan dhul lagu milkinayn waa haddiiba horta SAHAL jubbooyinka lagu soo arkay oo uusan warku ahayn war turjubaan iyo Maxamed Abshir ayaa Soomaali Imaam u ah? Qodobkii koowaad ee SAHAL halkaas ayuu ku burburay, bal haddana aan u gudbo qodobka labaad.

Dhulka Jubbaland yaa u soo horreeyey oo dagay bilowgii

Kooxda SAHAL waxay ku doodaan in taariikh ilaa 300 sano ah ay dhulka jubbooyinka u leeyihiin laakiin gaalada ay inta badan daliishadaan iyo dadka kale ee taariikhda wax ka qora ma ku raacsan yihiin? Jawaabtu waa maya aan ku bilowno saaxiibkood (ninka ay aad u daliishadaan) Elliott, Elliott wuxuu leeyahay in qiyaastii 1842 ay Somalidu weerer ku qaadaadeen Galla ka bacdina la jebiyey Somalidii ilaa 1845-na uu dagaalku socday ka dibna ay Somaalidu shardi ku xirtay in ay la heshiiso Galla Haddii uu u oggolaado inay dhulka wax ka dagto taasina ay ahayd shirqool, aakhirkiina Galla lagala wareegay dhulka(Tolow 300 sano xaggey SAHAL ka keenytay?) waa kan hadalkii Eliott oo English ah: “About 1842 the Somali crossed the Juba, attacked the Gala, and were defeated with great loss. These attacks were continued until 1845, when the Somali offered peace on condition that they should be allowed to inhabit Jubaland side by side with the Gala. The Gala foolishly consented to this. In 1848 the Somali treacherously broke the agreement, and drove the Gala southward and westward

Nin aan qiyaasayo inuu Ogaadeen yahay oo buug qalin jabin (Thesis) taariikh ah u gudbinayey mid ka mid ah jaamacadaha caanka ah ee adduunka ayaa buuggiisa uga hadlay arrinta Galla iyo dadkii ceyriyey oo uu isagu Ogaadeen iyo dad kale ku sheegay laakiin wuxuusan inkirin oo uu si cad u sheegay in Ogaadeenku ay dhulka wabiga Jubba ku yimaadeen iyagoo SHEEGAD u ah dadkii markaas dagganaa oo uu ku tilmaamay Digil iyo Mirifle oo markaas dhulka awood ku lahaa, waana kan hadalkiisii:

The Ogadens who were among the first Somali clans to have displaced the Galla from Jubaland came in two major waves.4 The first wave commenced in the early l800s and was characterised by slow penetration in which the search for grazing has been cited as the main reason behind the migration. At this stage the Ogaden were a small group that became sheegats (clientship) of the dominant Rahanwein clan who were settled in the upper reaches of the Juba river.”Qoraalkan waxaan ka soo qaatay Thesis lagu magacaabo “Colonial policies and the failure of Somali secessionism in the Northern frontier district of Kenya colony” oo uu qoray ABDIRASHID ABDULLAHI

Waxaa lagama maarmaan ah in aan fahanno dhulka Jubbaland wabiga Jubba ayaa xad u ahayd, dhulku magaca Jubbaland ayuu wada wataa laakiin ogow dhulka Galla laga eryey waxa ku jira Wajeer ilaa Habasweyne (Lorian Swamps) ee wabiga Jubba dhinacyadiisa (Luuq iyo Doolow) waa meesha uu qoraagu leeyahay Ogaadeen Rahaweyn ayuu ku sheegan jiray, aaway 300 sano ee SAHAL haddii bilowgii qarnigii tagay uu Ogaaden Raxaweyn sheegan jiray? Mar haddii aad ogaatay in 300 sano ee ay SAHAL sheegto ay tahay indhacaddeys iyo dhul boob bal si fiican u dhuux qaybta soo socota ee ka hadlaysa in xataa Galla dhulka ay Soomaali kale ugu sii horreysay, tolow SAHAL maxay ku doodi doonaan haddiiba Galla-ha ay lahaayeen annagaa dhulka ka eryannay lagaba sii horeeyey! Dadka taariikhda Jubbooyinka wax ka qoray way ku kala qaybsan yihiin arrinta soo kala horreynta, qaar waxay sheegaan in dhulka ay dagganaayeen dad loo yaqaannay Galla oo ay qaarkood ku sheegaan Oromo (Boran, Randiile,Sakuye, iwm), laakiin Elliott (SAHAL ninka ay daliishadaan) isagu wuxuu ku sheegayaa in Galla loo yaqaannay magaca Warday sida ka muuqata hadalka soo socda, taas oo caddeyn u ah (dhabar jabna ku ah SAHAL) in waxa Galla lagu hayaba ay ahayd Warday-da Dir-ta ah ee  haddaba daggan dhulka Jubbooyinka.

Qaar kalana sida ninka lagu magacaabo Turton waxay leeyahay in dhulka Liibaan (Somalida Ethiopia ee xiga Kenya) ilaa woqooyiga Kenya (Jubbaland ku jirto) wax cag dhiga oo Soomaali ah waxii ugu horeeyey ay ahaayeen qabaa’ilka ay taariikh yahannadu u bixiyeen (Pre-Hawiye Clans), oo geel dhaqato ahaa kuwaas oo xataa Galla uga sii horreeyey dhulkaas, Pre-Hawiye oo ah qabaa’il Hawiye ah iyo qaar Digil iyo Mirifle ah kuwaas oo kala ah Garre, Saraansoor (Gaaljecel iyo Dagoodiye), Xawaadle, Cowr-male, Ajuuraan, Giilaale, Hoon, Hubeer iyo kuwo kale waa kan Turton (eeg Turton buuggiisa: Bantu, Galla and Somali Migration in the Horn of Africa ) oo la soo xiganayo:

Eeg hadalkan kale ee Turton ee sheegaya in Garre uu Galla uga horreeyey dhulka wabiga Jubba iyo wabiga Tana u dhexeeya(Jubbaland), uuna ka riixay dhulkaas dad afka Bantu (sida sawaaxiliga) ku hadla:

It is suggested that Garre or proto-Garre Somali gained control of the area between the Juba and the Tana rivers before the Galla arrived in this area, and that in the process the Garre were responsible for pushing Bantu-speaking peoples back to the river Tana- SAHALow Turton ma wuxuu ahaa Digil iyo Mirifle ay Hawiye iyo Dir dabada ka riixayeen? Waxaa la yaab ahayd markii ayaan dhexdaas ah ay odayaal beesha Xawaadle ah dhaheen waa in arrimaha Jubbooyinka si caddaalad ah loo maamulaa, nin Isaaq ahna uu ka mid noqday xisbi la dhaho Wamo Party, kooxda SAHAL ayaa hal mar af labdii dhawaaqday, ma Xawadle iyo Isaaq ayaa manta Jubbooyinka sheeganaya waa adduun gaddoon ayey ku hadaaqday kooxda ay qabyaaladdu madax martay, laakiin waxaan leenahay adduunka ama ha gaddoomo ama ha taagnaado waxa marqaati leh in ay jiraan jilibyo Xawaadle ah oo aan Hiiran daginba sida Alla-Gumar oo kale oo waligood dagganaa Jubbooyinka gaar ahaan aagga Saakow, Isaaqna waa Dir wixii Leelkase iyo Warsangeli keenay ayaa keenay, waa sheekada Axmed Godane iyo Axmed Madoobe laga yaabo inay isku shuufeen ee ah aniga iyo adiguba reer aan qaraabo nahay oo Jubbooyinka daggan (Biyamaal iyo Absame) ayaan u soo fitno tagnay ee ogow Jubbooyinka igama lihid ayey sheekada Axmed Godane u eg tahay……………..La soco qaybta saddexaad berri Insha Allah.

W/QAbdi Osman 

adam2025@gmail.com

Wargelin: Qormadan waxa ay u gaar tahay Caasimada Online. Waxaa ku baxay waqti badan iyo baaritaan biloooyin qaatay. Haddii aad jeceshahay inaad qaadato oo aad ku dabaacdo webkaaga fadlan xus xuquuqda qoraalka. Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post

JUBBALAND: Al-Shabaab ka qaad ee Al-Shabaab u dhiib!!!!

$
0
0

Markaan kasoo tagno hamiga iyo hunguri wayninka ay Kenya ku damacsanayd inay dhulka Soomaalida bad iyo berriba qaybo hor leh ka hesho ayaa waxaa ismaandhaafkaan Jubbaland lagu kala bartay dad badan oo magac iyo aqoon isku sheegi jiray ama siyaasiyiin la mooday oo manta la ogaaday inaysan siyaasad iyo caqli kalaba daaye aysan xitaa jihooyinka kala aqoon.

Waxaa horta intay mashaqadaan cusubi soo korortay , magac iyo sharafba qaatay oo taariikhdana baal dahab ah ka galay waa Madax weyne Xasan sheikh iyo PM Saacid iyo xukuumaddiisa. Aad bana u bogaadinayaa.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta , iyo Ku xigeenkiisa oo ballag beena inta loo lulay misna bil saddex ah lagu dheelmiyay oo ragaan waligood kitaabo siyaasadeed loo furin inay u nasab sheegtaan mooyee ( taasoo waliba kaa hadal badni iyo beenaan jirin noqotay ) , iyo ayagoo ku kedsoomay in hoggaanka soomaliya uu weli yahay sida kuwii hore ee saxiix jeclayaasha ahaa, yeeris sugaayasaha ahaa, maxaa igu jira iyo maxaa manfac ii ah kaliya ku salaynayd aragtidooda.

Madaxda Kenya waxay ilaaween in waxa ka hor muuqdaa yihiin rag damiir leh , hoggaan yaqaano ah, yeersi diidayaal ah, waxa ay rabaan oo danta dadkooda ah waxii diidan ay ayaguna diidaan, hadaf fog iyo qaabfulineedkooda u diyaarsanyahay isagooo waliba qodobaysan . Waxaa kaluu Uhuru Kenyaatta ilaaway in isaga ku xigeenkiisaba dacwad ku furantahay oo ICC Heeg daba taagantahay.

Shikii Addis ababa Go’aamadii lagu soo gaaray waa iska cadaayeen oo shacabka in been lagu wadaa markasto soconmayso, in si ciyaalsuuqnima ahna document caalamiya oo ay madax dhan soo saxiixdayna loo fasirto wax dhici karo inaysan ahayn ayagba way ogaayeen balse sidii Warbaahinta taagerta Nimaamka been abuurka ah ee Jubbaland , wax ugu sheego uunbay u qaateen kuwaasoo dawladnimo iyo saxaafadba ka aradan oo xitaa akhlaaqdii dadnimo gabay.

Safarka uu madaxweyne Xasan ku joogo Nairobi waxaa ninkiii dhug leh ama nidaam dawladeed wax uun ka yaqaano usoo baxday in daacad iyo dulmi aysan wada socon karin been joogta ah shacb loo sheego oo madax laysaga ahaadana Soomaaliland ayaa ku habsaantay sidaas darteedna Puntland iyo Jubbaland inay hadda wadadaas qaadaan waa markhati cadaan ah inaysan aqoon durugsan oo siyaasadeed lahayn

Beesha caalamka gaar ahaan EUda , UNka, USA , intaba shirkii u dambeeyay UHURU Kenyatta ( madaxweynaha Kenya ) waa loo caddeeyay haduusan Soomaaliya wanaageeda wax ka qabanin oo dawladda Xasan Shiikh Madaxweynaha ka yahay ka joojinin qaska iyo isbaarooyinka inuu iska xaadiri doono ( International Criminal Court) oo aysan intoodaanba aysan ka daafici doonin.

Ahmed Madoobe , marna Ahmed Islaan – xitaa haddii la iska dhaafo inuusan maamul meel uu kaxeeyo ama u jiheeyo uusan aqoon cid moog ma jirto . waa laga yaaba halka qibrad uu leeyahay in uu Maxkamdo islaami ah tuulo kasto ka furo oo qaraabadiisa qaaliyo iyo ciidan uga dhigo. Warba isuma haayaan kuwa difaacaayo . Waxaa isna loo cadeeyay Inaysan kuwii kabaxay ee shabaabka ahaa iyo isagaba aysan waxaba kal ahayn oo ay awoodda isku qabsadeen saana kukala jabeen.

Faroole oo iminkaba Puntland qaskuu ka sameeyay dagi la’ isna waxaa lagu qoray liiska dadka ku ah caqabadda deganaashaha Soomaaliya (threat on Soomaali stability- Kaligiis maaha waa lagula jiraa oo Prof. Gandi oo wax lagu qoslo ah waxuu intaa ogayd u halgamaayay xitaa nin uusan la tartamin meel cidla uga haray misna qabiil dartii ku saacidaayo, Cumer Cabdirashiid, wasiirkii hore ee gaashaan dhigga Kenya, wiilasha magaca Nabsuggida keenya ku adeeganaayo ee General Yusf iyo Gandi u diyaariyeen iyo waliba Farax Macallin ) intaasba maraan dheerayn aan dhawrno talaabooyinka laga qaadi doono.

Waxaan ugu damabyntiii ku soo xirayaaa Kenya iyo Madaxdeedaba waa tan garatay danteeda inay dawlad Soomaaliyeed ay la shaqayso sidaasna nabad iyo dariswanaag laguwada noolaado la isuna kaashado, laakiin faroole oo hogaamiya kooxeedka baarlamaanka ku jira in la maxkamdeyo ku baaqaayay ilaawayna waxa uu buunbuuninaayo inuu yahay Axmed Madoobe ( oo waliba dambiyo dagaal galay , aragagixiso abaaheed ah, ONLF hoggaankeeda sare ka mida ah) maantana ku sheego inuu yahay hogaan dadkii deegaanka soo dhisteen oo cadaalada oo ay Barre hiiraalana ku sheegaan hogaamiyo kooxeed ma wax is qaban karaa? Wada daya ma dawbaaa ma wax loo dulqaataa??????

W/D M A Xaqsoore
Email: xaqsoore@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma ahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online

Use Facebook to Comment on this Post

Viewing all 1175 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>