Moqokori (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu shalay qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale iska xaadiriyay furinta hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha, oo furinta u tegay si uu hoggaamiyo dagaalka, ayaa shalay tegay degmada Aadan Yabaal, halka xalayna uu ku hoyday degmada Moqokori.
Xasan Sheekh ayaa halkaasi kulan kula qaatay hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka, si ay u kala warqaataan.
Madaxweynaha ayaa qorsheynaya in maalmaha soo socda uu deegaannada Hirshabeelle ka hoggaamiyo howlgallada xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab soo galeen toddobaadyadii lasoo dhaafay.
Haddaba, sidee looga fal-celiyay tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh?
- Aweys Xuseen Aadan: “Guuleyso Mudane Madaxweyne, Allaha kula garab galo shaqada qaranka ee aad ummadda u heyso.”
- Sakariye Muuse Cilmi: “Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu ku hoyanayaa magaalo aan AUSSOM ama ciidan shisheeye joogin, haddana caawa iyo habeenada kale ee soo aadanba madaxdu waxay u hurdayaan sidii iyaga oo jooga Paris iyo New York.”
- Akram Yare: “Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, raalli baan kaa nahay. Guuleyso!”
- Cabdicasiis Nuur Garabey: “Xasan, xisaabta waa u fadhisaa markan, haddii uusan dib isaga qaldi doonin.”
- Xorriya Maxamuud Cosoble: “Ilaahoow garabkiisa gal xurmadle Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.”
- Maxamed Xasan Cismaan: “Ilaahayow dadkayga Soomaaliyeed dhibaatada ka dulqaad, waa daaleen.”