Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Khawaarijta: Sida ugu sahlan ee looga guulaysan karo

$
0
0

Tan iyo intii buburka dowladnimadii Soomaaliya dhacay waxaa dalka ku soo xoogaysanayay xagjir wejiyo badan ah kuwaas oo ragaadiyay dalka, kana hor taagan in Soomaaliya nabad hesho dibna u hanato dowladnimadeedii.   In kastoo kooxaha caqabad ku ah Soomaaliya ay fara badan yihiin, hadana, labada xagjir ee ugu halista badani waa xaqjirka qabiil iyo xagjirka diineed.

Maadaama ummadda Soomaaliyeed ay tahay beelo isu tegay, xagjirka qabiilku maaha mid ku cusub, balse, wuxuu ahaa mid mid la nool kuna dhex milmay dhaqanka Soomaaliyeed ee reer-Guuraga ku salaysan.   Laakiin, waxa ku cusub oo ay la kufaa dhacaysaa maanta waa xagjirka diimeed.

Sidaa awgeed, maadaama aanan hal qormo kusoo wada koobi karin labada xagjir, waxaan qormadan kaga hadli doonaa oo qudha xagjirka Diimeed iyo sida looga guulaysan karo.

Sooyaalka Xagjirka Diimeed:

Xagjirka diimeed inuu dhasho waxaa sabab u ahaa burburkii ku yimid Qaranimadii iyo Midnimadii Soomaaliyeed, kaas oo ay asbaabteeda lahaayeen Jabhadihii Xagjirka Qabiil xambaarsanaa, kuwaas oo inay dowladii jirtay ridaan maahee aan wax qorshe badiil ah wadan.

Xagjirka diimeed ee Soomaaliya maaha mid dhawaan bilaabmay, balse, waxaa dad baan oo taariikhda Soomaaliya iyo mida dhaqdhaqaaqyada diimeed wax ka qoraa aaminsan yihiin in xagjirkii ugu xooga badnaa uguna horeeyay ahaa Halgankii Daraawiishta uu hogaanka u hayay Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.   Dad badan ayaa laga yaabaa inay dood ka keenaan arintaasi, halgankii Sayidkana u arkaan mid Jihaad iyo wadaniyadeed oo looga soo horjeeday guumaysigii naga diinta iyo dubka duwanaa ee dalka kusoo duulay.  Waa run in halgankaasi sifooyinkaas xambaarsanaa, laakiin, waxaa hareer socday tacadiyo iyo calaamado badan oo lagu garto xagjirka diimeed kaas oo lagula kacay shacab badan oo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, sida:

  • Takfiirinta ama dadka oo la gaalaysiinayo
  • Dhiiga qofka and koox (Qabiil) Muslim ah oo la banaysto
  • Dhac iyo baad loo gaysto bulshada, laguna xalaalaysto xoolahooda.
  • Cirib tir, xasuuq iyo qax loo kacay beelo aad u faro badan oo Soomaaliyeed.
  • Iwm….

Xagjirkii labaad ee aragti, awood iyo saamaynba ku dhawaa kii Sayidku wuxuu ahaa Xarakada Al-Shabaab.

Dhalashadii Al-Shabaab:

Al-Shabaab waxaa dhaliyay duruufo la mid ah kuwii dhaliyay halgankii Daraawiishta sida:

  • In Shacabka Soomaaliyeed noqdeen dad burburay oo beelo isku laynaya, khilaafkoodaasna uu sababay in midnimadii iyo dowladnimadii burburto,
  • In dalka ay soo galeen ciidamo shisheeye, iyo kuwo Itoobiyaan ahba, kuwaas oo dad badan ay u arkayeen guumaysi soo jireen ah oo ku soo duulay dalka, dowlado dano gaar ah ka leh Soomaaliyana ay daaha xagiisa danbe ka maamulayaan, iyo,
  • In nidaamyo reer galbeed oo Shareecada Islaamka ka hor imanaya, midnimadii dalkana u kala qaybshay beelo midba deegaan gaar ah maamulo laga dhisay.
  • Iwm…..

Labadii dhacdo ee sababtay ama soo dedejisay dhalashada Al-Shabaab

  1. Feb, 2006, Dowlada Maraykanka oo isticmaalaysa safaaraday ku leedahay Kenya oo hadafkeedu ahaa sidii Xamar looga nadiifin lahaa Maxkamadahii Islaamiga ahaa, loona soo qaban lahaa rag ay Maraykanku ku raad-joogeen, kuwaas oo lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen qaraxyadii August 7, 1998 lala beegsaday Safaaradaha Maraykanka ee Tanzania iyo Kenya, ayaa waxay mashruuc soo siisay dagaal-oogayaashii Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen: (Max’ed Qanyare Afrax, Maxamed Dheere, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamuud Max’ed (Cumar Finish), Bootaan Ciise Caalim, Bashiir Raage Shiiraar, C/rashiid Shire Il-Qeyte, Cabdi Shukri Cali Xirsi, Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), iyo Ciise Cismaan Cali).  Ragaasi waxay samaysteen isbahaysi ay ku midaysan yihiin oo ay ugu yeereen “soo celinta nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada”.   Sidaas ayaana waxaa muqdishu uga dhashay dagaal kharaar oo dhex maray Isbahaysigan cusub iyo Midowgii Maxkamadaha Muqdisho.

June, 2026 ayaa magaalada Muqdishu laga baacsaday Isbahaysigii ay ku midaysnaayeen Dagaal-Oogayaashii Muqdishu, waxaana magaaladii si buuxda ula wareegay midowgii Maxkamadaha.   Dadka ku noolaa Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya oo ay ragaadisay colaado qabiil oo aan dhamaadka lahayn, baad, dil, dhac iyo boob ay ku hayeen dagaal-oogayaashii deegaamadiisi xooga ku haystay, ayaa soo dhaweeyay Midowga Maxkamahada iyo dhalinyaradii shaadhka diimeed huwan ee ka xoreeyay dagaal ogaayaashaas.

  1. December, 2006 kolkii dowladii ay hogaanka u hayeen Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi oo xaruntoodu ahayd Baydhabo, ay weerar culus kala kulmeen Maxkamadihii Muqdisho, ayay dowladii ku-meelgaarka ahayd taageero ciidan waydiisatay Dowlada Itoobiya.

Sidaa awgeed, waxaan oran karnaa, Al-Shabaab oo markaa aan magac ahaan u jirin laakiin fikar ahaan u jirtay, kuna koobnayd afraad kooban, kuna dhex dhuumanayay Maxkamadihii Muqdishu ayaa dagaalkaas ka dhex arkay fursad, waxayna ku guulaysteen inay si xeeladaysan majaraha u qabtaan hogaanki ciidanka maxkamadaha, dhalinyaro badan oo xamaasad Islaam jacayl iyo guumaysi la dirir ku jirtayna ku qanciyeen inay dhaqdhaaqooda cusub ee xagjirka diimeed ku salaysan ku soo biiraan.

Nasiib daro, soo dhawayntaas iyo farxadaasi mid lagu nagaado muu noqon, maxaa yeelay, markay awood is yare bideen ayay Al-Shabaabku is tustay inay xoog kula wareegi karto koonfurta Soomaaliya, sidaas ayaana dagaalo cusub oo dhex maray Al-Shabaab iyo Maxkamadihii Islaamiga ahaa.   Al-Shabaabku si ay awoodooda u soo bandhigaan dadkana u cabsi geliyaan waxay markiiba kooxdani la soo baxday talaabooyin iyo tacadiyo arxan daro, taas oo keentay in dadkii ka hor yimaadaan.   Waxaa taa dheer inay ganacsatada ku soo rogeen lacag baad ah oo aysan qaadi karin, xasuuq arxan daro kula kaceen shacabka, qaraxyo aan qofna loogu aaba yeelayna ka fuliyeen goobaha waxbarasho, shirarka iyo meelaha kale ee ay dadku isugu yimaadaan.  Waxay la yimaadeen kooxdani dhaqan ku cusub ummadda Soomaaliyeed kaas oo ah fulinta dilal qorshaysan oo lagu ugaarsanayo culimada, aqoon-yahanka, saraakiisha iyo indheergaradka.

Imaanshihii Daacish (ISIS):

Soomaaliya oo culayskii Al-Shabaab la ciir-ciiraysa ayaa waxaa saaxadii kusoo biiray Daacish (ISIS).  Walow labada kooxood ay arimo badan isaga aragti yihiin, hadana waxaa jira meelo ayay ku kala duwan yihiin, sida hogaanka iyo kooxaha ay ku kala ab tirsadaan.   Al-Shabaab waxay xiriir la leedahay Al-Qaacida, halka Daacishna ay ka amar qaadato Daacishta Iraq iyo Siiriya.   Imaanshihii Daacish wuxuu markiiba abuuray isku dhac labada kooxood ku dhex maray Muqdhiso,  kaas oo salka ku hayay tartar loogu jiray cida gacanta ku dhigaysa baada ganacsatada Muqdisho laga qaado.  Maxaa yeelay, laba kooxood midna ma sii jiri karto hadii aysan awood dhaqaale helin.    Al-Shabaab oo dareentay halista kooxda ayaa go’aan ku gaartay inay kooxdaan xididada u siibtay inta aysan awood iyo saamayn weyn ku yeelan koonfurta dalka, gaar ahaan Muqdisho.   Waxaana dagaalkii labada kooxood dhex maray ku guulaystay Al-Shabaab oo si arxan daro ah u xasuuqay Daacishtii Muqdisho joogtay,  sidaas ayaana Daacish isaga huleeshay Muqdisho una digo rogatay deegaamada Calmiskaas ee Puntland.

Al-Shabaab oo isu diyaarinaysa inay la wareegto hogaanka dalka:

Isbedelada Caalamka ka dhacay, gaar ahaan kii ka dhacay Afghanistan oo reer Galbeedkii iyo dowladii taagta yaray ee ay taageeraysay isaga huleeleen dalkaasi,  hogaankii dalkaasina ay si sahlan ula wareegeen Taalibaan,  iyo isbedelka dhawaan ka dhacay Syria ee keligii taliyihii Bashaar Al-Asad ay hogaanka ugala wareegeen kooxihii kasoo horjeeday, ayaad moodaa inay saamayn weyn ku yeelatay siyaasada iyo hab dhaqankii Al-Shabaab, rajo iyo nolol cusubna soo gelisay kooxdan.

Dhinaca kale Daacishta Puntland ku sugan ayaa iyaduna qorshe kaas ka weyn kana halis badan bilowday, iyadoo ku guulaystay inay dhaqaale badan oo baad ah ka qaado ganacsatada reer Puntland, maadaama ay goob istaraatiijic ahna joogto, hub iyo saanad faro badana ka heshay dalalka gacan cadmeed.   Daacish waxay Al-Shabaab kaga duwan tahay, maadaama hogaamiyaha kooxdaasina lagu tuhunsan yahay inuu noqday hogaanka caalamiga ee Daacish,  haduusan ahayna ku jiro hogaanka sare, ayaan gurmad faro badan ka helay dadalka carabta, kuwaas oo ah dagaal-yahano guur cadaa ah oo xeelado ku cusub saaxada dagaalka Soomaaliya la yimid.

Dowlada Puntland iyo hogaankeeda Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo dareemay halista kooxdana uu abaabulay dagaal baaxad weyn kaas oo lagu qaaday Daacish.  Dagaalkaasi wuxuu mideeyay shacabka reer Puntland gudo iyo dibadba.  Qurbajoogta ayaa maayiin lacag ah ugu yaboohay ciidanka, dadka gudaha joogana ay xoolo, raashin, saad iyo sahay kaleba la dhinac taagan yihiin ciidankooda.  Midnimadaan bulsho iyo dhiiranaanta hogaamiyeed, iyo naftii hurisnimada ciidanka ayaana suurta gelisay in mudo ku kooban laba bilood 80% deegaamadii Daacishtu ku dhuumanaysan laga qabsaday, tiro aad u faro badan oo ajaanib u badana laga dilay, hadana lagu raad joogi firxadkoodii.

Nasiib daro, dowlada Federaalka ee uu hogaanka u hayo Madaxweyne Xassan Sheekh oo la mid ah hadaysan kasii liiday tii Ashraf Ghani gii Afghanistan,  awoodiisuna aysan dhaafsiisanayn Muqdisho,  ayaad moodaa inuu ku fashilmay dagaalkii uu iclaamiyay oo ka dhanka ahaa Al-Shabaab.  Madaxweyne Xassan waxaad moodaa inuusan weli fahamsanayn khatarta dalku ku jiro, garowsana inuu ku fashilmay hogaankii dalka mid siyaasadeed iyo mid ciidanba, lama huraana ay tahay inuu siyaasadihiisa fashilmay wax ka bedelo inta uu weli fursada haysto oo uusan noqon madaxweynihii ugu danbeeyay ee ay gacantiisa ku burburto Soomaaliya.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “fulay usha agtiisaa lagu dhuftaa”, tusaale iyo baraarug waxaa ugu filan Madaxweyne Xassan in Al-Shabaab maalin cad Balcad iyo Afgooye oo 30-Km Xamar u jirta midna ay qabsadeen midna soo weerareen, in jidka ceelasha biyaha ay saacado xirteen, in madaxtooyada horteeda gawaaridiisii lagu qarxiyay, maalintii ku xigtayna Xerada Xalane hoobiyayaal lagu soo weeraray.

Dadka arimaha xagjirka diimeed indha-indheeyaa waxay aaminsan yihiin, in Al-Shabaab ay isku diyaarinayaan siday hogaanka dalka ula wareegi lahaayeen, sidaa awgeedna, si ay dib ugu hantaan taageerada shacabka ay go’aan ku gaareen inay yareeyaan ficilada arxan daro oo ay horay u isticmaali jireen, hadana aad moodid inay ciidamo badan kusoo daabuleen duleedyada Muqdisho.

Maxay tahay aragtiyaha iyo ahdaafka ay ka duulayaan kooxahaani?

Labada aragti ee ugu waaweyn waxyaalaha ay asbaab ka dhigtaan kooxahaani waxay tahay:

  • In ciidamo shisheeye oo aan Muslim ahayn dalka ku soo duuleen,
  • iyo in dalka la rabo in la gaalaysiiyo laguna xukumo dastuur iyo nidaamyo aan shareecada Islaamka ahayn.
  1. Aragtida La Xiriirta Ciidanka Shisheeye;
  • Xaqiiqda dhabta ah: Diinta Islaamka ma mamnuucayso iskaashi iyo heshiis ay Muslimiintu la sameeyaan dad aan Muslim ahayn.
  • Maslaxada Ummadda: Haddii dowladdu aysan haysan ciidan ku filan si ay u sugaan ammaanka, waa mas’uuliyad saaran in ay hesho taageero, si nabadda iyo xasilloonida loo sugo.
  • Xigasho Islaami ah: Nabiga (NNKH) ayaa la saftay qabiilooyin aan Muslim ahayn si uu uga hortago cadow soo weeraray Muslimiinta, ama heshiis la galay dad aan muslimiin ahayn si loo xaqiijiyo nabada dadka Muslimiinta ah iyo kuwa la nool ee aan Muslimaka ahaynba. (Tusaale dastuurkii Madiina, Heshiiskii Xudaybiyah, heshiiskii Najran)
  • Khatarta Damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya: ayaad moodaa inay quud iyo xaabo u notay dooda Al-Shabaabka iyo kooxaha kale ee xagjirka diimeed ka qabaan in dalka lagu soo duulay kana difaacayaan cadow soo jireen ah, taas oo ah dareen dad badan Soomaaliyeed manta galay, kadib damacaan markuu soo banbaxay.
  1. Aragtida La Xiriirta Shareecada Islaamka iyo Dastuurka Dalka
    • Diinta Islaamka iyo Maamul-Wanaagga: Islaamka waa diin leh mabaadi’ cadaalad ah, laakiin wuxuu ogol yahay in dowladuhu xeerar u dajiyaan dadka ay maamulayaan si waafaqsan duruufaha bulshada aanan ka hor imanayn diinta.
    • Dastuurka Soomaaliya iyo midka Dowlad-Goboleedyada: Dastuuradan waxaa ku xusan in waxkasta oo ka hor imanaga shareecada Islaamka aan dalka lagu dhaqi karin, markastana marjaca loo noqonayaa yahay Shareecada.
    • Xigasho Islaami ah: Caddaaladda iyo horumarka bulshada ayaa ah ujeeddada ugu weyn ee shareecada, sidaas darteed, dowlad leh cadaalad, nabad iyo horumar waa mid waafaqsan Islaamka. Nabi Maxamed (NNKH) markii uu Madiina yimid wixii ugu horeeyay oo uu sameeyayna waxay ahayd inuu qoray Dastuurkii lagu maamuli lahaa Magaaladaas iyo Ummadda Muslimka ahayd iyo kuwii aan Muslimka ahayn ee la noolaaba.

Sidee Looga adkaan karaa kooxahan?

Marka aad doonaysid inaad la timaado istaraatiijiyo aad uga hortagaysid koox, waxaa lama huraan ah inaad fahamto dhowr arimood, sida:  Maxay aaminsan yihiin, farsamooyinkay adeegsadaan, cida xubnaha ka ah.

Waxaan filayaa inaan wax ka soo niri cida ay yihiin iyo waxa ay adeegsadaan, sidaa awgeed, waxaa isweydiin mudan yaa xubno ka ah kooxahan?

Kooxaha xagjirka diimeed waa huwan kala ujeedaa, laakiin isku hadaf ah.   Waxaa ka mid ah:

  • Khawaarij caqiido ahaan u aaminsan waxan ay samaynayaan,
  • Dhalinyaro dareen wadaniyadeed ku jiro oo aaminsan in dalka lagu soo duulay, sida keliya ee dadka Soomaaliyeed lagu midayn karo, dalkana cadowga looga xorayn karaa ay tahay in kooxahan shaadka diimeed huwan in la taageero,
  • Afraad ciil-qaba cadaalad daro ka tirsanaya qabiilooyinka laandheeraha sheegta ama hogaanka siyaasadeed iyo bulsho haya, sidaa awgeedna, aargudasho ay la beegsanayaan kuwaas u galay xagjirka ama u arka inay kooxahaani cadaalad keeni karaan,
  • Iyo dhalinyaro aan intaa midna ahayn, oo iyaga oo duruufaha dhaqaale iyo raja-xumada haysa looga faa’iidaysanayo loo isticmaalo madax-jebiska iyo dilalka qorshaysan.

Hadaba, maadaama kooxahani ku xididaysteen dalka, isticmaalayaana istaraatijiyooyin halis ah,  waxaa muhiim ah in la adeegsado istiraatiijiyad dhamaystiran oo dhanka amniga, dhaqaalaha, bulshada, iyo sirdoonka isugu jirta.   Sidoo kale, wax laga qabto hogaan xumada, musuq-maasuqa iyo amni darada quudiya sii noolaanshaha Xagjirka Diimeed.

Istaraatiijiyooyinka soo dedejin kara in laga guulaysto xagjirka waxaa ka mid ah:

  1. Xoojinta Amniga iyo Ciidanka:
  • Howlgallo sirdoon iyo ciidan ah: In la helo xog sax ah oo lagu burburin karo unugyada argagixisada.
  • Xaqiijinta amniga xuduudaha: Si looga hortago hub iyo dagaalyahanno cusub oo kusoo biira xagjirka waa in la xuduudaha bad, bari iyo hawaba la xaqiijiyaa.
  • Sugista amniga Muwaadiniinta:  Hadii ciidanku awood u yeesho inuu sugi karo amniga magaalooyinka iyo kan bulshadaba, waxay taasi dhalin doontaa inay shacabku ku dhiirdaan inaysan bixin baada argagaxisadu ka qaado, gabaadna siin.
  1. Dagaal fikar ah:
  • Jawaab cilmiyeed iyo dhaqan: In la sameeyo barnaamijyo wacyigelin ah oo ka hortagaya fikirka xagjirka ah, iyadoo culimada iyo waxgaradka bulshada looga faa’iideysanayo (goobaha waxbarasho, masaajida, xabsiyada la isticmaalo).
  • Warbaahin iyo baraha bulshada: Argagixisadu waxay adeegsadaan internetka si ay u helaan taageerayaal ama u faafiyaan aragtidoona guracan, sidaas darteed,  waxaa lagama maarmaan ah in baraha bulshada iyo warbaahinta laga fuliyo ololeyaal lid ku ah fikirka xagjirka ah, lagana xiro goobaha ay aragtidooda ku faafinayaan.
  • Barnaamijyo toosin iyo dib-u-dhaqan celin: kuwa isa soo dhiiba and horay uga tirsanaa kooxaha argagixisada ee raba inay ka baxaan waa in loo sameeyo dhaqan celin iyo fursado nololeed. (waa in la sameeyaa xarumo dhaqan celis oo takhasus gaar ah u leh sida dhaqan celin loogu sameeyo xagjirka), sidoo kale, ururrada arimaha xagjirka ku takhasusay, xabsiyada iyo wasaarada cadaalada ayaa door weyn arintaan ka qaadan kara).
  1. Dhaqaale iyo Horumar:
  • Xakamaynta maalgelinta argagixisada: In la jaro ilo kasta oo dhaqaale ah oo ay argagixisadu ka baadaan ganacsatada ama ka helaan ganacsiyada sharci-darrada ah, lacagaha madax furashada, iyo taageerooyinka dibadda.
  • Abuurista fursado shaqo: Dhalinyarada shaqo la’aanta ah waa bartilmaameedka ugu weyn ee argagixisadu beegsato, sidaas darted, horumarinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin ayaa yareyn kara koritaanka argagixisada.
  • Canshuurta iyo adeega Bulsho: Canshuurta shacabka laga qaado hadii lagu bixiyo adeegyo bulsho oo la taaban karo, way adkaan doontaa in shacabka iyo dowlada la iska horkeeno.
  1. Dowlad-Wanaag:
  • Maamul wanaag iyo dowlad wanaag: Dadka waxay u janjeeraan in ay taageeraan argagixisada marka ay dowladdu fashilanto, sidaas darteed, wax ka qabashada musuqmaasuqa iyo bixinta adeegyada bulshada waxay muhiim u tahay la dagaalanka argagixisada.
  • Mushahaarooyin wanaagsan iyo isla xisaabtan: Haddii ciidamada iyo howl-wadeenada kale ee xukuumadu aysan helin mushahar wanaagsan ama aysan jirin la xisaabtan sax ah, musuqmaasuqu wuu sii badanayaa.
  • Horumarka la sameeyey waa in la muujiyo: Argagixisadu waxay adeegsadaan dacaayado been abuur ah, marka waxaa muhiim ah in la muujiyo horumarka la gaaray si dadka aan dadka iyo dowlada la iska hor keenin.
  • Adeegayada Bulsho: waa in dowladu xaqiijisaa in sare loo qaado adeegayada bulsho, dowladuna shacabka la wadaagtaa horumarka ay ku talaabsatay iyo qorshayaasha horumarineed ee ay damacsantahay.
  • Hoggaanka wax laga beddelo xilliga doorashooyinka: Waddan kasta oo doorasho xor ah ka dhacdo ama nidaam dowladeed leh, waxaa suurtagal ah in hoggaan wanaagsan la doorto halkii la raaci lahaa argagixiso burburineysa dalkooda.
  • Dadku codkooda adeegsadaan, oo xal sharci ah raadiyaan: Argagixisadu waxay rabaan burbur, laakiin dadku waxay xaq u leeyihiin in ay si nabad ah u codsadaan cadaalad, isbedel, fursadna u helaan inay dooran karaan hogaanka ay rabaan.
  • La dhiso hay’ado la xisaabtami kara dowladda: Xalka saxda ahi waa in la helo nidaam dowladeed oo la xisaabtami kara madaxda sare ee dowlada si musuqmaasuqa loo yareeyo.
  • Dad u qalma hogaanku inay is sharaxaan: Si loo xaqiijiyo in hogaan suuban oo sax ah la helo, waa in dadka dareenka wadaniyadeed leh, dalka iyo dadkana u danqanayaa ku dhiiradaan inay is sharaxaan si ay u qabtaan hogaanka dalka ama uga mid noqdaan howl-wadeenada sare ee dowlada.
  1. Iskaashi Caalami ah
  • Is-dhaafsiga sirdoonka: Wadamada gobolka iyo kuwa caalamiga ah waa in ay wada shaqeeyaan si ay u helaan xog sax ah oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa argagixisada.
  • Xoojinta sharciga caalamiga ah: In la ogaado meelaha ay argagixisadu ku dhuumanayaan, ka helaan taageerada dhaqaale, loosoo mariyo xubnaha argagaxisada caalamiga ah, si sharciyo adag looga sameeyo si aanay u helin gabaad iyo gurmad.

Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>