Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Waa kuma Cabdi Faarax Shirdoon Saacid: Musharaxa hadal-haynta badan abuuray?

$
0
0

Cabdi Faarax Shirdoon oo Ra’iisal Wasaare ka soo noqday Soomaaliya ayaa Talaadadii lasoo dhaafay gaaray magaalada Muqdisho. Waxaa ku wehelinayey safarkiisa siyaasiyiin dalka xilal kala duwan hore uga soo qabtay.

Khamiistii tagtay ayuu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee May 2026. Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay Xisbi siyaasadeed oo uu hoggaamiye iyo musharax u yahay, hareerihiisana waxaa ka muuqday jilbo culus siyaasadeed iyo xubno ka muuqda Bulshada Rayidka ah.

Socdaalka uu Saacid ku tagay Muqdisho ayaa keenay in si wayn wax la isaga waydiiyo qofka uu yahay musharaxan gilgilay magaalada Caasimadda. Hadallo uu ka jeediyay Xafladdii Musharaxnimada oo ay kamid yihiin dhaliishiisa arrimaha amniga ee Caasimadda ayaana hadal hayn baahsan abuuray.

Haddaba, warbixintan ayaa waxaan ku eegaynaa dhawr mowduuc oo khuseeya safarka Saacid, sababta keentay in uu si wayn saaxadda ugu faafo, iyo sooyaalkiisa nololeed, waxbarasho iyo siyaasadeed.

Maxaa keenay hadal-haynta safarka Saacid?

Soomaaliya afartii sannaba mar waxaa ka dhaca loollanka hoggaanka dalka, waxaana ku tartama siyaasiyiinta safka koowaad ee xilalka sare soo qabta ama haya.

Sannadkan waxaa kusoo biiraya, oo markii kowaad xilka Madaxweyne u istaagay, Cabdi Faarax Shirdoon. Bilihii la soo dhaafay waxaa si xawli ah u faafay damaca ninkan ee ku doonayo inuu tartamo.

Dareenka ay dadku siinayaan doonista Saacid ayaa ka soo bilaabantay markii la arkay shaqada siyaasadeed ee xoogan ee ug socotay Magaalada Nairobi halkaas oo ah xarun si wayn looga ololeeyo siyaasadda Soomaalida ee Geeska Afrika.

Shaqada uu ka dhex-qabsaday siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhallinyarada marka laga soo tago, arrinta kale oo ay dadku u hadal hayaan ayaa ah waqtigu uu xilka soo doontay uu yahay mid ku habboon.

Saacid Shirdoon, ayaa labadii doorasho u dambeeyay aan tartamin, isaga oo markasta loo arkayay mid ay suuragal ka tahay inuu xilkaa usoo istaagi karo, maadaama uu ku jiray waxa loo yaqaan ‘Darajada Koowaad‘ ee labeenta siyaasiyiinta dalka, inuusan awooddiisa ku lumin doorasho uusan ogayn fursadihiisa ah ayaa u baajisay tamarta uu hadda kor ugu socdo, ayay dad badani qabaan.

Aamusnaantiisa iyo inuu yahay nin ka dhowrsaday ku milanka siyaasadda maalinlaha ah ee dalka iyo inuusan gocosha ka muujin xadgudubkii uu kala kulmay Golihii Shacabka markii xilka laga tuurayay, ayaa qayb ka ah shacbiyadda halka mar sida dabka u fidaysa ee Shirdoon.

Tagistiisa Caasamida oo noqotay iba-furka hayaanka doonistiisa iyo inuu si cad bannaanka u soo istaago, ayaa dhanka kale laga dheehan karaa awooddiisa siyaasadeed, marka lagu qiimeeyo shaqsiyaadka la socday, kuwa soo dhaweeyey iyo taageerayaashiisa.

Inta badan ragga dhabarka saartay Saacid ayaa ahaa kuwa ku koox ah labadii Madaxweyne ee ugu dambeeyay ee dalka, ka soo tegistooda raggii ay hore u dhisayeen iyo taageerada ay siinayaan waqtigan Shirdoon ayay ku sababeyeen in sanadihii hore uusan Shirdoon tartanka ku jirin, haddase uu isagu yahay kan astaahila kursigan in lagu boqro.

Waa kuma Cabdi Faarax Shirdoon?

Cabdi Faarax Shirdoon oo loo garan ogyahay Saacid wuxuu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, bishii October 1958. Wuxuu waxbarashadiisa Hoose, Dhexe iyo Sare kusoo qaatay isla magaaladii uu ku dhashay ee Dhuusamareeb. Wuxuu Shahaadada koowaad ee Jaamacadda ka qaatay Kulliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacadda Ummadda dufcaddii ka qalinjabisay 1983.

Intii u dhaxaysay 1983 ilaa 1985, wuxuu ku biiray shaqaalihii dowladda, meelihii uu kasoo shaqeeyayna waxaa kamid ahaa Wasaaradda maaliyadda, Wasaaradda Beeraha iyo Radio Muqdisho oo uu muddo kooban ka shaqeeyay. Wuxuu sidoo kale Shahaadada labaad ee Master-ka kaga diyaariyay Jaamacadda Oxford, isagoo ku takhasusay Xiriirka Caalamiga ah.

Sooyaalkiisa siyaasadeed

Waa Ra’iisal Wasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliya yeelato kumeel-gaarka keddib, waana kii 16aad ee Jamhuuriyadda laga soo bilaabo 1960kii.

Waxaa uu leeyahay taariikh ka duwan dhammaan raggii Xafiiska Wasiirka Koowaad uga horreeyay taniyo Dowladdii Carta ee 2000. Saacid wuxuu soo dhisay xukuummadii ugu tirada yarayd ee dalka soo marta. Wuxuu magacaabay Ra’iisul Ku Xigeen iyo Wasiir Arrimo Dibadeed oo dumar ah tii ugu horreeysay, sidoo kalena wuxuu markii ugu horreeysay Golaha Wasiirada ku dhisay 5 beelood oo siman.

Inta badan hay’adaha Dowladda Federaalka ah waxaa la unkay oo shuruucdooda, shaqaalahooda iyo miisaaniyadoodaba la meel mariyay waqtigii uu xafiiska joogay.Kiiskii Difaaca Badda waxaa la bilaabay wadaxaajoodkiisa xilligiisii koobnaa, waxaana ay Xukuumaddiisu dib wada hadallo ula furtay Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Baanka Adduunka.

Muddadii koobnayd ee xafiiska uu joogay, waxqabadka dowladnimo ee uu hirgaliyey Saacid Shirdoon, inkasta oo uusan helin ammaantii uu mudnaa, haddana waxay siyaasiyiin badan oo xilligan ku saf ah ay isku raacsan yihiin inuu ahaa aasaaska dowladnimada.

Saaxadda siyaasada Soomaalida inaad ka maqnaato muddo dheer, weliba adiga oo aan wax shaqo ah qaban inaad hal mar masaafo dheer goyso, saaxiibbo badan isku keento, aad noqoto nin loo arki karo inuu kooxa kala duwan isku hayn karo, marka la joogo siyaasada waa wax aan aad suurtagal u ahayn.

In xiligan Saacid ayaa dad badani ku urursan waxaa loo araa mid ku timid shaqsiyadiisa oo lagu sheego inuu yahay waayo-arag dulqaad badan iyo inuu yahay nin aan siyaasadda cadow ku samaysan, deegaan gaar ah colaad u qaadin, damaciisuna aanu la dhaafin inuu iksu dhajiyo xilka markii si sharci darro ah looga tuuray.

Shirdoon waxay dadka yaqaanno ku sifeeyaan nin afgaaban, edeb badan, muddo dheerna ka fogaaday buuqa iyo dhex orodka siyaasadda dalka, waxaase muuqata inuu ololihiisa ku bilaabay dardar culus.

Hase yeeshee, musharraxnimadiisa waxaa la tilmaamayaa inay ku gudban tahay hal caqabad oo ah inuu yahay qof aan ka bixi karin xarig-jiidka siyaasadeed ee dalka ka jira. Balse, guushiisa waxay ku xiran tahay sida dabacsanaanta iyo asluubta lagu sheegay uu ugu baddali lahaa fursad uu uga dhaadhiciyo Soomaalida in hoggaaminta iyo akhyaarnimadu aysan kala maarmin, sababtaasna uu ku muteysanayo in xilkan lagu aamino.

Ugu dambayntii, Caasimadda Online waxay ogaatay in ku dhawaaqista musharaxnimadiisa ay bannaanka usoo saareyso kooxo haatan bustaha hoostiisa ku jira oo aan lahayn garoon siyaasadeed oo ay u ciyaar tagaan, Xisbigiisuna waxaa ka muuqata inuusan rakaab badan oo looga cararo lahayn.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>