Inta badan ma jecli in aan si toosa uga faaloodo arimaha beelaha, laakiin waxaan laga boodi Karin xaqiiqda ah in wax kasta oo Somalia ka socda dhib iyo dheefba ay beel ku socdaan. Waxaa intaas dheer in siyaasiyiinta somalidu ay si toosa isugu qaseen siyaasadii iyo beelihii oo aadan ka hadli Karin siyaasada ilaa aad beelaha ka hadasho. Arintaas ayaa khasbaysa in beelaha laga hadlo. Waxaan rabaa in aan qoraalka maanta ku xujeeyo siyaasiyiinta magaca beelaha ku adeegta.
ayaamahan waxaa dhagahayga ku batay labo kalmadood DAAROOD IYO IRIR, arinta waan dabagalaye yaa dan mooday?
Beelo badan oo Soomaaliyeed ayaa siyaasada ku margaday sanadihiii lasoo dhaafay laakiin waxaa ugu khasaara badnaa beesha Hawiye oo noqotay cudud aan dabool lahayn, aan lahayn meel loogu hagaago marka laga reebo danayste wiilashooda awood ku doonta . mar waxaa hubka ku rartay hogaamiye kooxeedyo waxa ay rabaan iyo hadafkoodaba la garan waayay, iyagii oon wali tagina waxaa usoo durkay oo markaan banbaanooyin kurartay wadaado markay soo baxayeen u balan qadaay dariiqo toosan, dawladnimo iyo cadaalad laakinse ugaba siidaray oo caruurtii ka wada dhigay Dilaa, ismiidaamiye iyo dugaag dadkoodii duulaan iyo qarax habayn walba ku mira. Waxaan ogaaday markii aan si fiicam u fakery in beesha Hawiye ay tahay beesha ay ugu fududahay in lakiciyo, in la dagaal galiyo iyo in sidii dad aan fakarayn loogu dan gaaro. Waxaa ugu wacan beesha oo an lahayn wax hogaan mufakariin ah iyo odayaashii oo iyaguba la shah caba dagaal oogayaasha iyo kuwa ku danaysta caruurtooda.
Arintaan waxaa iisii iftiimiyay markii aan baaritaan badan ku sameeyay burburkii Soomaaliya iyo sida ay wax ku bilowdeen. yaab ayaan ka qaaday markii niman Isaaqa ay iigu faaneen kalmad aan la aan ku waabariistay “Hawiye caqlibaan ku dilay daaroodna cudud” ayay iigu faaneen markii aan waydiiyay waxay ii sharxeen in markii dagaalkii sideetamaadkii uu ku xumaaday SNM ay ka shireen sidii siyaad barre mar loo jabin lahaa, xalkii usoobaxay wuxuu noqday in furaha loomarayo arintaas ay tahay in beesha Hawiye dagaalka lasoo galiyo oo aan sikale siyaad barre lagu ridi Karin. sidii Hawiye ugu hiilinlahaa ayaa waxay la gashay in ay Irir sheegtaan ayagoo caadi ahaan sheegan jiray in ay kasoo jeedaan wadaad caraba oo xeebaha waqooyi qarniyo sii horeeyay kasoo dagay oo lagu magacaabo sheekh isxaaq. Waxay SNM iyo taageerayaashoodii abaabuleen dad ay u diraan siyaasiin Hawiye oo siyaad bare ku kacsanaa sida caydiid si ay uga dhaadhiciyaan in waxii aan daarood ahayn sida Hawiye, digil iyo mirifle iyo Isaaq ay Irir isku yihiin,arintaas oo dhab ahaan aynan iyaguba u aaminsanayn laakiiin ay kaliya ka wateen khayaamo iyo dagaal galin. Barnaamijkii wuu u shaqeeyay, Hawiye dagaal gal, dawladii kacaankana way dhacday. Meeshii laga rabay in siyaasiyiinta beesha Isaaq ay walaalohooda Irir dhib iyo dheefba wax la qaybsadaan oo dawlad soo wada dhisaan, waxay beesha Isaaq hargaysa uga dhawaaqday dawlad madaxbanaan. Intaas kuma dayne waxay noogu sii dareen cay, wala waynta lamidoobi mayno, iyo waliba in ay noogu fanaan waan idin sirnay iyo caqligaygaan ku saxiiday. nin mar isiray mar kale ma siri doonaa?
Nimankii soo qoystay markii loo xiiri wayay oo labaatan sano ay aqoonsigii baas ka quusteen, somalia’na ay dawlad ka soo dhalaashay ayay qoondeeyeen in ay markale qiiq ismariyaan. Waxaa soo baxay tabo cusub oo marlabaad lagu lugoynayo beesha Hawiye , beesha caalamka iyo cidii kale oo ay dhoohnaan uga barteen.
Siyaasiyiinta Beesha Isaaq Maxay ku tashteen?
- In sheekadii Irir mardambe beesha Hawiye ilaa Jabuuti lagu dayo, si dawlada Somalia loo burburiyo markay beeluhu kala shakiyaan.
- In cidkasta oo saamayn ku leh irimaha Somalia lagu lamaaniyo qof Somaliland u adeega.
Waxaa ka mida dadkaas lamaanaysha lagu qoray wakiilka qaramada midoobay ee Somalia, Mahiga, oo ay la saaxiibatay gabar Somaliland u ololaysa, Ninka lagu magacaabo, matt oo u shaqayn jiray hayda warbixinada ee crisis group, madaxweynaha jabuuti, siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda itoobiya iyo dalalka geeska Africa iyo qaar u shaqeeya hay’adaha qaramada midoobay oo dhamaantood larabo in Somaliland laga dhaadhiciyo. Waxaa xusid mudan oo la ii sheegay in Faroolaha puntland iyo ismaciil cumar geele labudaba ay qabaan xaasas reer Somaliland ah oo halkaas Somaliland uga ololeeya. matt bryden dhawaan ayaa shaqadii laga cayriyay kadib markii la ogaaday in warbixino been abuura oo uu dawlada Somalia ka qoray uu ugu hiilinayay maamulka Somaliland (biased reports)
- in siyaasiyiin wadaniyiinta ah ee kasoo jeeda beesha Isaaq Xamar laga ilaaliyo laguna badalo kuwo isumuujiya Somali fayow laakiin ah gantaalo lasoo gamay oo ay xamar usoo direen si ay dawlada sirteeda ula socdaan kadibna ay ku sumeeyaan.
- In cidii beesha Isaaq uga qayb gasha dawlada ay noqoto cid aan Somalia aaminsanayn laakiin si dadban ugu ololaysa qadiyada Somaliland xataa hadii safiir loo magacaabo.
Siyaasadan waxaa lagasoo dajiyay hargaysa waxayna hada sifiican uga socotaa muqdisho
Wax kasta oo aan sheegayna cadayn ayaan u hayaa marka ha igu dayin taas.
Xiligii Al-shabaab uu hogaamin jiray cayrow, waxa ay ku tilmaami jireen wax kasta oo xun laakiin markii Godane loo dhiibay ayay soo direen ciidamo badan iyo hub ay ku taageerayaan iyagoo waliba uga dan leh in koonfurta Somalia aysan dagin inta ay madax banaani ka helayaan. Waxaad ogtihiin in Godane uusan wax dhiba u ogolayn Somaliland meesha uu Hawiye gumaadayo habayn iyo maalin, shirkadaha Hawiye wuxuu ku hayaa baad hanjabaad iyo qaar uu xiray meesha shirkadaha beeshiisana uu toos ula shaqeeyo lacatana uu ku kaydsado.
Nimankii wax ka dhigay sida Xasan Daahir muxuu ku sameeyay?
Waxaa la wada galiyay xabsi guri si maalintii la rabo in ladagaal galiyo wiilasha Hawiye sidii Cajaladii codadkooda loo galiyo raadiyaha, waana niman xoog lagu haysto oo aan qowlkoodu wax kasoo qaad lahayn.
Dawlada Somalia oo aan ka baqayo in godkeeda biyo ugu galeen
Arintaan in badan ayaan ka aamusnaa laakiin anigu siyaasiyiinta Somaliland ee dawlada Somalia dhawaan kusoo biiray shaki wayn ayaan ka qabaa. Waxaan hubaa in qaar badan ay wadaniyiin yihiin laakin dawlada Somalia waa in ay iska jirtaa siyaasada cusub ee loo maleegay.(ninkii been u haystow waad arki doontaa)
Waasaarada muhiimka ah ee loo magacaabay gabadha shalay u tartamaysay madaxtinimada Somaliland, waraysigeediii ugu horeeyayna ku cadayn wayday in jamuuriyada Somalia ay mid tahay iyo in kale; waxaan leeyahay ama waxbaa ulaaban ama waa lugooyadii aan kasoo digay. Waan sugaynaa laakiin aniga ilbaa iigu godan. Mar waxaan is dhahaa madaxda Somalia waxay ogyihiin wax aadan ogayn oo way kala yaqaanaan dadka; hadana waxaan cabsi ka qaadaa sida aysan uga taxdaraynin qadiyada dadka ay wax ku aaminayaan oo u muuqata mid aan la hubin.
Siyaasiga markuu dan leeyahay Irir ii ah, markuu kaligiis yahay carab ah, markuu igu gaarayna cay iigu daray ma iska caadibaa mise anaa caqliga la?
DAAROOD
Sida ay siyaasiyiinta beesha Isaaq Irir’nimada ugu burur’sadaan beelaha Hawiye ayay siyaasiyiinta beesha Majeerteen ugu awr kacsadaar Daarood, Kablalax Harti iyo wax lamida. Waxaad ogtihiin wixii hogaamiye kooxeedyada mejeerteen, kusameeyeen siyaad bare, waxaad ogtihiin waxay ka sameeyeen jubaland iyo kismayo, waxaad ogtihiin siday dhulbahante, warsangali iyo leelkase meel cidla utaageen, wax kastana uga qadiyeen, waad ogtihiin in beesha ogaadeen ay sida xoolaha suuqyada sirdoonka uga iibsadaan waliba si ku been abuurasha ah. Laakiin markii ay siyaasadu ku xumaato waa niman daarooda, waa kuwiiyoo dulmanoo gargaar dagdaga ayay ubaahanyihiin. Maalinkii ay awood qaybsi iyo in wax la isutaro noqotana waa kaligood cun, koob shaaha laga cabi maayo.
Soomaaliyay ama Somalinimo ama nin walba siduu doona hayeelo, laakiin Irir been abuura iyo daarood buunbuunisa waan soo aragnay, waana waxa sidan inoo galay.
Ama daarood ku adeegso, Irir ku andacooda ama digilow mirifle sii dugso, waxba tari maysoo ama wadani ayaad noqon ama tuug iyo khaa’inul wadan. Ha iswareerin dadku maanta waa inta Somalia aaminsan oo dhan ah iyo wixii soo haray oo dhan ah, labadaasna wax dana oo maanta ka dhaxaysa ma jirto. Hasha labada geel jecel iyo siyaasiga labada galinba dhargow wakhtigii dhamaayoo waad dhaqaaqi doontaan.
Waxan hubaa dad badan oo aan si fiicam u fahmin waxa aan ka hadlayo in ay iisoo jawaabi doonaan laakiin Waxaan kusoo gaabinayaa macnaha ugu muhiimsan qoraalkaygan oo ah:
Nin aqoonsi waayay Irir cuskay: nin danaystay daarood cuskay.
W/Q: Cabdi Cabdullahi
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan
Haddii aad biya dhaca qoraalkan dood ka qabto, inoo soo dir qoraaladaada. Mahadsanid