Diinta islaamku waa nolol raaxo leh, aadmigana waxeey u horseedaa nabad, barwaaqo, kalsooni, caddaalad iyo horumar, waa hadii lagu dhaqmo oo si sax ahna loo qaato.
Hadaan nahay umadda Soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol muslimka ah waxaa nagu badan dhaqan beeleedka mar walba kala dila umadda walaalaha ah ee Soomaaliyeed, waxaan wax badan maqalay ama aqrinay beel shirtay iyo wixii kasoo baxay kulankooda.
Waxaan mar walba ka dheehanaa yaq yaqsi iyo isla han weeynaan kali noolaasho, marna xaqa ma raadiyaan waa sad bursiinyo iyo anagaa ugu mudan taasoo ah horseedka burburka Soomaaliya oo aan ka kori la,nahay, waxaan dareensanahay in aan baahi weeyn u qabno fadwooyinka xalaasha ah ee culimda Soomaaliyeed oo ah kuwo mar walba xaqa jecel, waxaan tusaale waafi ah usoo qaadan karnaa culumadii fadwada ka sameeysay magaalada boosaaso isla markaana ka soo saaray bayaanka.
Marka aad aqriso bayaankooda waxaa ku galaaya kalsooni iyo kalgacal, waxaad dareemaysaa wanaaga culimada iyo iftiinkooda, waxeey ka fogaadeen dulmi idilkii waxeeyna cagta saareen dariiqii xaqa ahaa, waxeey muujiyeen in ay umadda u simantahay oo ay yihiin culimadooda, waxeey u hadleen idil ahaan Soomaalida iyo Soomaaliyaba, waa dareen farxad leh oo isu soo jiidi karaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, waxaan ilaah uga baryaayaa in uu ajar iyo xasanaad badan ka siiyo, waxaana ilaah dartii u weeydiisanaayaa in aaneey dadaalkooda intaa ku ekeeyn oo ay meeshaas kasii anba qaadaan, ayagoon mar walba ogaanaaya in umadda Soomaaliyeed ay aad ugu baahantahay culimada la,aantoodna aaneey ka bixi karin dhibaatada sameeysay.
Waxaan kaloon xusuusinaayaa dhibka ugu balaaran in ay qabaan qurba jooga Soomaaliyeed iyo waliba in aan la hubin ciyaalka ku dhashay qurbaha hadeey awoowe iyo ayeeyo meeshaan ku noqdaan diinta ay qaadan doonaan, taasi waa mid xil weeyn idinka saran yahay haddaad tihiin dhamaan culimada Soomaaliyeed meesha aad joogtaanba, waxaan idinka codsanaayaa in aad badisaan fadwooyinka lagula dagaalamaayo qabyaalada iyo kala fogaanshaha umadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Arimahaas waxaan weeydiisanaayaa dhamaan culimada Soomaaliyeed, shir beelleed xaqa ma sheego, fadwada culimadu, se waa iftiin.
W/Q: Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur
nasri2014@hotmail.com