Waxaan soo xasuustay waagii hore iyo kooxahii Zeria A-da ahaa ee kubadda cagtana ciyaari jiray ee ka dhisnaa Muqdishoo.Marka ay kooxahaas soo gaaraan ciyaaraha finalka ah, waxaa lagu xareen jiray xero oo loogu diyaari jiray wax kasta ay u baahdaan lagana ilaali jiray in ay banaanka u soo baxaan oo ay soo haasaawe tagaan. Waa la tababari jiray, la isfahamsiin jiray habka ay isu fahmi lahaayeen goorta ay cayaar lee yihiin.
Hadda arrinta ka jirta magaalada Kismaayo waxay i soo xasuusisay qaabkii isportiga ee xilliyadaa. Waxaa hal mar soo buux dhaafiyey magaalada Kismaayo hal koox oo aad mooddo in ay ku soo shireen goobo kale, si wanaagsana ay isu soo fahmeen. Waxaa la soo gaaray final-kii ciyaarta kama dambeesta ah ee dhawaan dhacaysa.
Waxaa dhinac kale ka soo jeeda kooxo aanba haba yaraatee aan isku mashquulineyn in ay ka qayb galaan ciyaaraha kama dambeesta ah, balse ay la yaaban yihiin sida ay ugu hortagi lahaayeen kooxdan soo diyaar-garowday walibana si fiican u soo tababar qaatay.
Waxay kale oo ay la yaaban yihiin sida ay u qalabeesan yihiin una rabaan in ay guusha hantaan. Wallee waa yaab!. Horaan u maqli jiray tix gabay ah oo ah ( Ceel ninkii qoday ciida hoos galay caasha saaraa ). Taas oo micnaheedu yahay: Niman geeljirayaal ah ayaa beri ceel qotay si ay geelooda iyo iyagaba uga cabbaan, marka ay dhameeyeen qodistii, ceelkana oo biyo keenay ayaa rag geeleey kale ah ku soo duuleen dabadeedna dileen nimankii ceelka qotay. Ragii soo duulay ayaa geeloodii la yimid ceelkii dabadeedna geeloodii ugu heesay, raggii ceelka qoday oo ku soo tiir iyo tacab beelay anagaa dilnaye geelow caasha saara oo cabba.
Haddaba qabaa’iladii lagu yiqiin Kismaayo maanta meesha kama muuqdaan balse waxaa Kismaayo soo buuxdhaafiyey wafuud siyaasiyiin ah oo ku soo heshiiyey dhowr qodob oo ay isleeyihiin way idiin mareysaa, balse la arki doonee. Anigoo ah qoraaga maqaalkan waxaan soo jeedin lahaa halaga faa’ideysto wixii la soo maray, oo yaan dib loogu laaban waxyaabihii foosha xumaa oo dhaliyey dhibkii dhacay.
Qore:- Abdi Abdulle ( Runsheeg )
New England – USA
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda Tifaftirka Caasimada Online