Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

XOG iyo GORFEYN: Godane oo aaday halkii laga filayay meel aan ahayn

$
0
0

Hoggaamiyaha al-Shabaab oo fariintiisi ugu dambeeysay ee maqalka ahayd ka war-wareegay in uu uga hadlo dhalleecaynta loo soo jeediyay

Markii uu soo baxay hadalka ah in hoggaamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi Godane uu farriin maqal ah usoo diray taageerayaashiisa 4-tii Maajo, dadaka qaar ayaa filayay in uu kaga hadli doono qaddiyadaha khilaafka ah ee hareeyay hoggaanka kooxda.

Balse Godane, oo sidoo kale loo yaqaano Mukhtar Abu Subayr, ayaa ka war-wareegay in uu ka hadlo eedeynta iyo mucaaradada sii kordhaysa ee uu kaga imanaysa xubno ka tirsan hoggaanka sare ee al-Shabaab, isaga oo sidoo kale ka fogaaday in uu sharraxaad ka bixiyo guul-darrooyinka militari iyo dib-u-dhacyada siyaasadeed ee ay kooxdu la kulantay labadii sano iyo barkii lasoo dhaafay.

Taa beddelkeeda, Godane ayaa jeediyay farriin uu goor iyo ayaan ku cel-celiyo — isagoo ku boorriyay dagaalyahannada daacadda u ah in ay sii wadaan dagaalka kadhanka ah xukuumadda Soomaaliya, kuna dhaleeceeyay dowrka ay reer Galbeedku ku leeyihiin Soomaaliya, xukuumaddana ku tilmaamay in ay xulafo la tahay gaalo — isaga oo aan xittaa iskuma dayin in uu mideeyo, uuna dajiyo cabsida kadhex jirta ciidamada lugta ee kooxda.

“Waxaan u hambalyaynayaa shuhaddada qaadday weerarkii ismiidaaminta ee Muqdishoee noloshooda u huray in shareecada Alle la hirgaliyo oo la tirtiro diinta gaalada,” ayuu Godane ku yiri farriin maqal ah. “Kordhiya howlgallada shahiidnimada, badiya weerarrada, ku beegsada saldhigyadooda, qaraxyana ku curyaamiya.”

“Shirka London waa shirqool kadhan ah shacabka Soomaaliyeed, waana in aan ka taxaddarnaa [in aynaan ku dhicin],” ayuu ku daray.

“Ka hoggaamiye ahaan, Godane marnaba ma qiran doono khilaaf jira, maxaa yeelay wuxuu doonayaa inuu wadajir mala-awaal ah muujiyo,” ayuu yiri Cabdi Caynte, oo ah agaasimaha xarunta saldhiggeedu yahay Muqdisho eeMachadka Daraasaadka ee Heritage (HIPS).

“Godane waa siyaasi,” ayuu u sheegay Sabahi, isagoo alleefaya sida hoggaamiyaha al-Shabaab uu u qarin doono xaqiiqda si uu u xijisto awoodda.

Godane oo dhan walba laga soo weeraray

Mid kamid ah qaddiyadaha xasaasiga ah ee uu Godane uga fogaaday in uu uga hadlo farriintiisii maqalka ahayd ayaa ahayd kala qeybsanaanta adag ee muuqata ee kala dhexeeysa hoggaamiyayaasha kale ee al-Shabaab kuwaa oo todobaadyadii la soo dhaafay dul dhigay eedeymo tira badan oo isaga looga soo horjeedo.

Abriil 6-deedii, ayuu mid kamid ah aasaasayaasha al-Shabaab Ibrahim al-Afghani u diray warqad furan hoggaamiyaha al-Qaacidda Ayman al-Zawahiritaasoo bannaanka ku u soo saartay eedeyn adag oo kadhan ah Godane, waxa uuna al-Qaacidda ka dalbaday in ay soo fara-galiso arrinta ayna al-Shabaab ka badbaadiso “godka mugdiga ah”.

Al-Afghani, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad, oo sidoo kalena loo yaqaanaa Abu Bakr al-Zaylici, ayaa warqadda ku faahfaahinaya sida Godane uu noqday kaligii taliye, isagoo abuuraya xaalad fikrado maran ah, isagoo qof walba oo isaga wax waydiiyana ku tilmaamaya khaa’in.

“[Godane] waxa uu leeyahay xabsiyo qarsoodi ah, oo qofkii gala aan waligii dib loo helin kuwa ay u suuragasho in ay kasoo baxanna waa kuwo ay nolol cusubi u bilaabatay,” ayuu yiri al-Afghan. “Ma ahan kaliya in la beegsanayo kuwa diida dulmiga iyo dullaysiga, balse wax fursad ah lama siiyo waxana laga xarrimaa xuquuqda ugu yar ee nolosha, iyagoo looga tagaa keeynta iyo libaaxyada si ay geerida aayar-aayar ugu arkaan.”

Labo todobaad kadib, hoggaamiye sare oo al-Shabaab ah oo dagaalyahanada ajaanibta la jaal ah, al-Zubayr al-Muhajir, ayaa internerka ku daabacay warqad furan oo uu isagu qoray, isagoo ku celiyay farriintii al-Afghan, faah faahinna ka bixiyay sida Godane uu isaga ihmaaliyay dagaalyahanada shisheeye ee dalka jooga iyo isaga oo ula dhaqmay si ixtiraam la’aan ah.

“Adiga [Godane] waxaad xirtaa qaar kamid ah dagaalyannada shisheeye iyadoon wax dacwad ah lagusoo oogin, umana sheegtid qoysaskooda ama walaalahooda halka ay ku dambeeyeen ama xaaladdooda. Waxad xarimtaa in ay cidina soo booqato waxanad u diiddaa in ay si furan loo maxkamadeeyo,” ayuu qoray al-Muhajir.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay mas’uuliyiinta ammaanka al-Shabaab in ay kufsadaan xaasaska dagaalyahannada shisheeye ee aada furimaha dagaalka.

“Qaar kamid ah ajaanibta waxaa lagu jir-dilay xabsiyadaada qarsoodiga ah ilaa ay ka dhintaan, maxkamadna sooma aadan saarin xubnahaaga ammaanka ee jariimooyinkaa gaystay,” ayuu qoray al-Muhajir.

Isagoo xaaladda kusii xumeeyay Godane, ayuu Omar Hammami, oo ah jihaadiistaha u dhashay Mareykanka ee loo yaqaano Abu Mansour al-Amriki, waxa uu ku eedeeyay in taageerayaasha Godane isku dayeen in ay khaarajiyaan fiidnimadii 25-kii Abriil.

Iyagoo taa ka jawaabayay, ayay al-Afghani, al-Muhajir, iyo hoggaamiyaha sare ee al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo hoggaamiyaha Xisbul Islam Sheekh Xasan Daahir Aweys waxay 30-kii Abriil si wadajir ah u faafiyeen fatwo ay ku xaarantimeeynayaan dilka al-Amriki.

Fatwada ayaa al-Amriki iyo taageerayaashisa ku sheegtay “walaalo” ayan bannaaneeyn in dhiiggooda la daadiyo “xitaa haddii uu Godane amro”.

Fatwadu way sii socotay iyada oo ka digtay “addeecidda indha la’aanta ah” ee Godane laga qaadanayo, waxaana lagu sheegay isku dayga dilka al-Amriki iyo taageerayaashiisa “qar iska tuurnimo ka dhalatay jahli fogaaday, ama natiijo laga dhaxlay is-daba-marin lagu sameeyay mafaahiim sharci ah iyada oo laga leeyahay dano siyaasadeed iyo in lagu gaaro dano shakhsiyadeed kuwaa oo aan wax shaqo ah ku lahayn sharciga Alle”.

Haddii wararka aan la xiqiijin ee tilmaamaya in dagaalyahanno daacad u ah Godane ay dileen al-Amriki 7-dii Maajo ay run yihiin, hoggaamiyaha sare ee al-Shabaab waxa uu si muuqata uga talaabsaday fatwadaan iyo kuwa soo saaray.

Aamusnaanta Godane waxa ay sii fogeeynaysaa xasaradda gudaha ka jirta

Istiraatijiyadda Godane ee ah in aan laga hadlin dhibaatada hadda jirta ayaa waxaa ka dhalan kara khasaare dheeri ah oo soo wajaha taageerada maleeshiyada, sida uu qabo Cabdiraxmaan Ciise Caddoow, oo ahaan jiray af-hayeenka Midowga Maxaakimta Islaamiga, haddana ah agaasimaha Raadiyoo Muqdisho.

“”Kaligiitaliyayaasha waxaa lagu yaqaannaa in marka dhibaato gudaha ka haysato oo laga soo horjeesto ay dadka ku mashquuliyaan, waxyaabo aan meesha oollin si ay u qariyaan dhibka haysta,” ayuu Caddoow u sheegay Sabahi.

“[Godane] waxa uu sii wadaa in uu marin-habaabiyo [taageerayaashiisa] isagoon ka jawaabaynin xaqiiqda dhulka ka jirta,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in hadalkiisa aanay ku filnayn in uu qanciyo dadka isaga sugayay.

Farriinta maqalka ah ee muddada la sugayay ee Godane ka timid malahan aaraa cusub, iyo dhiiragin ku socota askarta al-Shabaab, ayuu yiri xildhibaan Cabduqaadir Cali Cumar, oo mar soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii Federaalka ee Kumeel-gaarka ahayd, guddooniye kuxigeenna kasoo noqday Midowgii Maxaakimta Islaamiga. “[Godane] markii horaba isaga ayaa dhibka ugu badan waday, tanina waa nooc kale oo awood maroorsi ah”.

Sidaa oo ay tahay, al-Shabaab ayaa wali khatar ammaan ah taasoo wiiqi karta horumarka ay xukuumaddu samaysay labadii sano ee lasoo dhaafay.

“Al-Shabaab [urur ahaan] waa murgacdeen ee majabin,” ayuu yiri Caynte, oo ah agaasimaha HIPS. “Wali waa cudud jirta oo awoodda inay wax xanuujiso, mustaqbalkeedu waa inay noqotaa koox qaadda dagaal aan fool-ka-fool aheyn oo ujeedadiisuna tahay in wax la carqaladeeyo.”

“Mudada fog, [al-Shabaab] waxaa ka guulaysan kara ciidan qaran oo Soomaaliyeed oo tayo iyo awood isku darsaday, lehna talo iyo hoggaan hufan”

Isha: Sabahi Online


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>