MAANDEEQ Soomaalidu waxay ula baxdaa Dumarka, Xoolaha iyo wax walba oo ay aad ujecel yihiin, agtoodana qaali ah, oo uu ugu horreeyo Geelu. Eragu wuxuu iska saaran yahay labada eray ee: “MAAN” iyo “DEEQ” oo ka dhigan wax qofka maankiisa deeqay, maadaama maanku yahay xubinta ugu muhimsan ee Aadanaha hagta.
Waxyaabihii MAANDEEQ kaloo loo aqoonsaday waxaa ka mid ahaa XORRIYADDA. Haddaan Tusaale u soo qaaddano waagii Gobonnimo doonka ee lagu raadinayey dowladnimo, maamul iyo nidaam Soomaali hoggaanka u hayso ayaa Maandeeq loogu yeeri jiray XORRIYADDA ee wuxuu yiri. Waa halkuu Abwaan Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde “AUN” ka yiri:
Gumaysigu HASHUU naga dhacay, Een gurayey raadkeeda
Gaashaandhiggeedii HASHUU, Galowgu eedaamay
Gacmaa lagu muquunshaye xornimo, Noogumay garane
Garre iyo Guntane maalintay, Gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo, Noogumay garane
Haddaba, weydiintaydu waa: maxaa DAWLADDA loogu mgacaabay MAANDEEQ? Illeen Soomaalidu DAWLAD ma jeclaane? Kama muhimsane, horta yaaba ku taliyey in magacan DAWLAD loo baxsho? Laga yaabee, inaad i tiara; waxaa looga jeeday in dawladdu wax wanaagsan tahay, haddana, waa hubaal inaan wanaaggeed la arag, iska daa in la xaqijiyo inay wanaasgan tehee.
Maanta MAANDEEQ waxaa madaxeeda ku magacaaban mudane Xasan Sheekh, taa awgeed, ayey ila dhaafi waysay inaan eraydan ku wajho isaga, kolleey iga waaya aragsan, haddana, af nooli hadal dhaafi waa.
KALI TALIYE Maxamed Siyaad Barre ayaa BARQO CAD la diray isagoo madax u ahaa ciidankii ugu awoodda badnaa Geeska Afrika. Inta ku hortaal eeg, wixii Dawlado ku meel gaar la soo dhisay, Dawladdii Carta, C/Qaasim iyo Prof Galayr buuqii laga dhalshay, waa lagu caana maalay, oo waxaa kursigii loo dhiibay Xasan Abshir Faarax, oo ka mid ah Dhakawyada Colaadda Soomaaliyeed ee xilliyadii burburka, sidoo kale Maxamed Cabdi Yuusuf oo isna ku xigsaday, ka dib markii xilka laga qaaday Xasan Abshir.
Shirkii Kenya wuxuu dhalay Jabhadka ugu cimriga dheer Geeska Afrika, waan filaa inaad Xamar joogtay wixii dhacay kaaga sheekayn maayo. Waxaa xigay dalwaddii Shariif, mabda’ la’aan ka sokow, waxaa la degay musuq sayaasadeed iyo maalba. Ina Sharmarke heshiis dhagareedkii Gaalkacyo ka sokow markuu xilka ka dagayey laba Malyan oo Dollar ayuu hore u sii qaatay, malaha waa midda uu hadda Jubbooyinka ku qasayo.
Formaajo markii la magacaabay, in kasto oo uusan qudhiisa aragti la ammaano horey u qabin, maadaama uu buug uu qoray beelo Soomaaliyeed iyo madaxdii dalka soo martay ku aflagaaddeeyey, haddana, in xilka laga qaado, waxaa ku tookhay Mudane Faroole, isna waxaa xigsaday Gaas, kii horaba ka dar! Maxaa yeelay dadkaba wuxuu ka yaqannay Reer Bari, waa ninkii is hortagay aqoonsiga Maamulka Khaatumo State, waxaanse la yaabaa, marka aa arko Prof Galayr oo sidii Qawsaar Geeljire ah u dhaqmaya. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiara: “Hal diidaysaa geeday ku xoqoto ma waydo!”.
Maanta marxalad cusub ayaa la galay, dawlad walba caqabad ayey yeelatay oo ama ridday ama raadkeeda tirtirtay. Taada waxay eersan doontaa laba arrimood, oo mid ay la wadaagto kuwii hore midna u gaar ah, oo kala ah:
- FEDERALKA [BEELEYSIGA]
- DASTUUR DADBAN [DABRAN]
Kan hore waa kan Jubbooyinka ka socda, oo ay ku yeelatay dhawr madaxweyne wax ka yar 48 saacadood. Way iska caddayd inay sidaa wax ku dhammanayeen, waxaa sabab u ah faraglinta shisheeye ee ay ugu horreeyaan Kenya iyo Norway Itoobiyana ha moogaan.
Madaxweyne Wiilkii AANAS yare eed London ku aragtay wuxuu ku yiri: “MADAXWEYNE LAGU WADA AMMAANI MAAYEE, YAAN LAGU WADA CAAYIN!”.
Qaylada maanta baxaysa ee ku aaddan Dastuurka, Federalka iyo Maamul Goboleedyada, waxay badeshay eragii ahaa: “LOOMA DHAMMA!” oo mar walba ay ku hoos jiraan arrimaha kala ah:
- DANO SHISHEEYE
- DANO QOFEED
- DANO BEELEED
Isu gayn waxay isugu imaanayaan FASHILIN ka dhalay FASHAL ama FADHIIDNIMO jira! Waxaan uga jeedaa, markii hore way kuu ekayd inaad Axmed Madoobe Wasiir ka dhigto, adaaba albaabkii isku soo xiray, ee toban Wasiir ayaadba dhaafi waysay, adoo waliba ka tagay Wasaarado muhim ah sida Caafimaadka iyo Waxbarashashada. Marka aad ka gudubto caqabaddiisa aad bannaanka dhigto, ayey ahayd mase dhicin, dib u fiiri, dawladdii C/laahi Yuusuf, ama tii Shariif, waxaa sal u ahaa QABQABLE iyo WADAAD, muddo ka dibna waa la wada xaaqay.
Hadda tallaabada ugu muhim waa; in ama uu IS CASILO ama aad adigu XILKA KA QAADDO Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka c/kariim Xuseen Guuleed. Maxaa yeelay isaga ayey ahayd inaw kala furufuro hawlahann, iyana ma dhicin, wali waa taagan tehee, isaga ka billow tallaabada ugu horraysa.
Kaa kaliya ma ahan, waxaa aad lagaaga yaabay marka aad wali baalka ugu haysato Mudane Tarzan. Xilka uu hayo in la kala qaado oo laba qof loo dhiibo waa muhim xaaladda lagu jiro awgeed. Midda lala sii yaabay baa ah waxa aad la sugtay Shariif Shuukhunaa Maye oo gurigiisa laga helay hub Sharci darro ah, hadduu qabqable ahaa waaba la garan karay, balse, wuxuu ahaa Taliyihii Booliska Soomaaliyeed. Waxay ka dhigantahay Halkay Soomaalidu ka dhihi jirtey: “Ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo!”.
Mooshin ku sheegga Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyey kuwa geeyey waa gayru masuuliine, waxaa MUQADDAS ah in magacyadooda iyo beelaha ay ka soo jeedaan la sheego, maxaa yeelay Beel ayey matalaane shacab iyo umad ma matalaan! Haddii ay noqoto inay beel gaar ah u bataan, waa in beesha odayaashooda loo gudbiyaa cabasho ka dhan, hadday iyagu tabanayaanna waa inay soo gudbiyaan, ee ma ahan inay mooshin ku dhuuntaan. Waxaa la yiri: “Doqoni xin mooyee xisaab ma taqaan!”. Xildhibaannada Mooshinka wadaana waa qaabkaas. Haddaad hungurooto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo. Inta hungurigu wado waxay kala yihiin:
- XIL SUGAYAAL; Damaaci ah inay xilal ka helaan hadii xukuumaddani dhacdo, tan dambee la soo dhisayo.
- XASARADLEEY; U taagan dharaar iyo habeen in colaaddo aysan damin, dhiiggooda ayaa ku shaqeeya, haddii kale WADNAHA ayaa istaagaya!
- LAALUUSHLEEY; Doonayo inay soo nooleeyaan hannaankii MOOSHINKA MAALKA!
- MURANLEEY; iska jecel in is qabqabsi iyo is afgarad la’aani jirto mar walba.
Waxaa LIX BILOOD la sugay si uu u soo ifbaxo KHILAAF adiga iyo Saacid, ama Saacid IYO Jawaari, am adiga iyo Jawarim markii la arkay in aysan soo socon khilaaf oo aad tihiin [KOOX QURA] ONE-TEAM, ayey dani bidday inay BANNAANKA is keenaan, iyagoo ku soo daba gabbanaya cabanashooyin beelo kale qabaan, iskuna soo dhex qariyeen.
Laakiin umadda Soomaaliyeed markaan tooshka ayay ku wada haysaa, waana la fahansan yahay arrinta Jubbaland waxa qasaya oo dabada ka riixaya. U fiirso: CUMAR CABDIRASHIID, FAROOLE, CABDI WELI GAAS CADDE MUUSE iyo qaar kaloo badan oo Malaa’ig iska dhigaya! Ayna ugu horrayso SAHAL iyo TV-yada saacadaha ka soo gala Magaalooyinka Minnneapolis, iyo San Paolo, ee Gobolka Minnesota, balse ku hadla had iyo jeer afkaarta reer qura.
Mudane Madaxweyne hana u joojin dadka danaystayaasha ah ee ay ku fogaatay qabyaaladda iyo qabiilku, ee gabbaadna ka dhigta FEDERAALKA.
Ma tihid Malag danbi la’aan ah, balse cabashada maanta yeeraysa ma aha mid SHARCI ah. Waxaa ka marag kacay Xildhibaan Xoosh, oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka, oo yiri: “Waxa Ka Socda Magaalada Kismaayo Ma Waafaqsana Dastuurka!”.
Maahmaah ayaa leh: “Nin Xaaskaada u jeeda Gabadhaada kuma qanco!” oo la mid ah Faroole iyo inta la fekerka ah inay xil helaan ma ahan si kale kuma qancaan! xitaa ma gartaan inay afartaan sano sugtaan, inta ay wayn lahaayeen waxay ka xigaan in Soomaali IS LAYSO! La kala Aamin BAXO! La kala GUURO!
MOOSHINADDA socdaa waa KU MEEL GAARKII dib loogu LAABTO! Waxayse halmaameen in KU MEEL GAARKII looga baxay: Sabarka SHARIIF ee JILJILEECU la socday + DALLAALNIMADII SHARIIF SAKIIN + ISKA FIIRSIGII SOOMAALIDA KALE + DAALKII DUNIDA IYO CAALAMKA oo ay ka ahayd bal hal mar na mootiya, oo KU MEEL GAARKA dhammeeya. Hubaal Soomaaliya inaysan wayn doonin waddani dhab ah oo gadaal ka saxa qaladaadkan iyo damaca foosha xun ee jira!
Mudane Madaxweyne, haddii aadan la imaan KARTI, DULQAAD badan, DABACSANAAN Wallee inaadan geeddiga MAANDEEQ meel dheer gaarsiinayn! Taa macnaheedu ma ahan, inaad Rikaatto walba u nuglaato, ee waa in ninkii cabasho xaq ah wata aad dhagaysatid waxna ka qabatid.
Maanka ku hay, Maamul waxaa dhaama ama halleeya waa inta hoos ka shaqaysa, intiinna sare wax aadnaan ogayn ama ka warqabin ayaa hoostiinna laga laaqayaa, u badi inay xumaan iyo xasarad abuur kaliya tahay. Marka waa inaad lahaataan dareenno dheeraad ah oo aad ku ogaataan inta qaska wadda.
Ka muhimsane, Mudane Madaxweyne dawladdaada dalwad ka awood badan burburkii ka dib lama dhihin. Haddaba, waa inaad awooddaa ku adeegataa, adoon cidna ku gardarroonayn kuna xadgudbayn. Waana inaad ka billowdaa in Axmed Madoobe iyo Kooxdiisa ood ku summaddaan QASWADAYAAL, illeen haddaan taladiinu meelmarin meesha maxaad ku haysaan?!
Taa adigu eed kuma lihid, oo hortaa baa la jideeyey, marka waa uun SUNNO jirtay oo aad dabbaqday. Waxaa iila yaab badan kuwa maanta ka mudaharaadaya deegaanka Bari jacayl ay u qabaan Jubbooyinka ma ahane, dantooda ayey ka dhex arkeen, markuu Faroole lahaa Soomaali Galbeed Soomaali ma ahan, ee uu Itoobiya u gacan galinayey qofna kama hadal, waaba ku taageersanaayeen, dadka gacan galinta mudnaa lahaa Axmed Madoobe ayaa ka mid ah, balse, maanta waa lagu Awr kacsanayaa, Allaw doqoni damiinsanaa!
Suuragal ma ahan mana la qaadan karo in maalin walba WAFDI DAWLADDA ka socda iyo MASUULIIYIN laga celsho Garoonka Magaalada Kismaayo. Iska daa Mudane xil hayee Muwaadin Soomaaliyeed ee aan Dambiile ahayn in laga celshaa qalad ah, idinkuna waad ku fiirsateen. Kaaga darane, ninka waxaa samaynayaa wuxuu ka soo boqooleey Soomaali Galbeed.
Axmed Madoobe wuxuu ka mid ahaa WADAADADII WAALLIDA WADAY! Waxaan sidaa u leeyahay wuxuu ku jiray firxadkii Maxkamadaha, ka dib ayaa isagoo dhaawac ah Xabashidu qabteen, inta la soo daweeyey ayaa dib loogu soo celiyey Jubbooyinka.
Maanta waxay taagan yihiin Maamulkaa wuxuu xarun u noqon karaa Mucaaradka Itoobiya, sidaa awgeed waa in laga hortagaa. Tani waxay keenaysaa in laga faa’iidaysto ka biya diidka Itoobiya, illeen waxa halkaa ka soo socdaa waa hubaal inaysan dan Soomaali ku jirine.
W/Q: Bashiir M. Xersi
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid