Kismaayo (Caasimada Online) - Doodda Jubbaland, waxa ay mar walba ahayd; Dowladda Somalia oo leh “Aan hogaanka qabano, si dadka deegaanka oo idil ay uga qeyb galaan maamuka” iyo Kooxda Axmed Madoobe oo leh “Faraha nagal baxa aan annaga maamul dhisno’e”.
Ma jirin cid si cad ugu guuleysaneysa dooddaas waqti fog, hase yeeshee wax ay wax walba is-beddeleen 15-kii May, markii Axmed Madoobe uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee 6 madaxweyne oo Jubbaland ay iminka leedahay.
Ugu yaraan dooddii ayaa u muuqata mid gebo gebo ah, oo Dowladda Somalia ay ku guuleysaneyso
Haddaba Sidee?
Dowladda federaalka, ayaa dooddeeda ugu weyn oo ay ku diiday Jubbaland waxa ay ahayd in maamulkaasi uu noqdo mid beelo gaar ah ku kooban, beelo kalena lagu qadiyo, taasi oo dagaal beeled horseedi karta.
Markii Axmed Madoobe ay beshiisa dooratay, beesha Barre Hiiraale-na ay daba dhigtay, oo ay beelaha Cooramale, Gaaljecel, Digil iyo Mirifle iyo kuwa kale ay madaxweynayaal magacowdeen, waxaa caddaatay in Jubbaland aan la isku racasaneyn.
Waxaa mugdi uu hareeyay sheegadii kooxda Axmed Madoobe ee ahayd in dadka deegaanka oo idil ay maamulkiisa u dhan yihiin.
Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa hareeyay xiisado iyo dhiilo coladaadeed, ayada oo magaalada ay joogaan ciidamo badan oo dhinacyo badan kala tabacsan, waxaana dowladda ay sheegtay in wixii ay ka digeysay ay kasoo bidhaamayaan Kismaayo.
Iminka Axmed Madoobe way adag tahay inuu yiraahdo in maamulkiisa la wada raacsan yahay, waxaase lixda madaxweyne ee Jubbaland ay taageereen sheegashooyinkii dowladda ee ahaa inay ilaalineyso in maamulka deegaanka la isku dilo.
Doodaha dowladda Somalia, waxaa kabay guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee dhowaan tagay Kismaayo, kaasi oo riixay in dowladda Somalia ay lagama maar maan tahay inay hogaanka u qabato dhismaha maamulka, si dadka deegaanka oo idil loo qanciyo.
Guddoomiyaha guddigaas oo lagu magcaabo Bashiir Ibraahim, ayaa u sheegay dowladda Kenya in dowladda Somalia ay raadineyso oo kaliya in meel la isugu keeno dhinacayad isku haya Jubaland, islamarkaana loo sameeyo maamul ay beelaha oo idil ka wada raali yihiin, loona baahan yahay in Kenya ay taageerto.
“Dowadda Kenya iyo ciidankeedaba ha taageeraan madaxweyne Xasan Sheikh iyo Dowladda federaalka, si loo mideeyo dadka gobollada koonfureed, intii Kenya ay hal dhinac la shaqeyn laheyd” ayuu yiri Bashiir.
Si kastaba guddigaas ayaa warbixintooda u gdubin doona madaxda IGAD, taasi o la filayo inay hogaamiso go’aan guuleysiin doona doodaha dowladda federaalka Somalia.
Caasimada Online
Qeybta faallooyinka