Ka qaybgaleyaalka shirkii Nairobi 14-07-2013 waa dad badankood somaliyi wada taqaan.
Waxaan habboon in an halkan magacyada calansideyaalkooxda ugu taxo anigo oo sii raacinaynaa xasuusin kooban ee aqoonta loo leeyahay xubnaha ugu muuqaalka dheer.
Kooxdan (sida una barayo Cali KH. Galayr) ka wada hadlaysa badbaadada midnimada somaliyeed laakiin run ahaantii loo soo dumay burburinta dowladda Somalia waxaa mid ah raggan:
Cali khalif Galayr, Ali M. Geedi, Mohamed Cabdirashid, Jeneral Darwish, Axmed Madoobe, Gaandi, Yusuf-Garaad Omar, Aw libaax iyo Dr. Abdirahman Badiyow.
Waa kuma dadkani
- Somali waxay wada ogtahay in Galayr, Geedi iyo Ina Cabdirashid ay 3duba ku eedaysan yihiin xatooyo xoolo dadweyne( boob in loogu yeero yaa habboon). Arrimahaasi waa kuwo ah bannaanyaal ah raadadkooduna dariiqyada daadsanyihiin. Awood darri dowladeed iyo dhaqanka baahayeey waayahan ee wax—isu-raacasho- la’aanta ayaa sabab u ah in nimankani ay xabis dibadda ka joogaan oo waliba ku dhiirradaan ababul muáamarado qaran dumis .
- Jeneraal darwiish oo horay u ahaa taliyaha Nsstii waqtigii Cabdullahi Yusuf waxaa inta taqaan ku adeeynaysaa silicdilyo qabiilaysan iyo ka ganacsi madaxfurasho maxaabiis.
- Axmed madoobe iyo Gandi waa foodsaaryo shirkado shidaal iyo Kenya maamulaan. Nimankani waa mas’uuliinta xasuuqa iyo fidnada culus ee ka aloosan Jubbada Hoose. Waa nimanka ka dhigay magaalada kismaayo: NO GO ZONE for somali government. Waa nimanka shaabada la doonayo in danaha Kenya looga xalaaleeyo gobollada Jubbooyinka. waa niman afka ka leh Somalia yaan ka tirsanahay lakiin de facto an aqoonsanayn jiritaan dowlo somaliyeed. Markhaati Waxaa ah dhacdooyinka maalin kasta taagan, waa taarikh samaysmaysa, ma aha runtu wax muran iyo been ka sheeg meelo badan lagu dabooli karo. Inkir waxaa kismaayo ka jira, sida Galayr, ma aha dadnimo xumo oo kaliya ee waa dugaagnimo iyo dhirrigalin is-xasuuq dad somaliyeed.
- Yuusuf-garad waxaa la saadalinaya, marka UN-ka laga soo ansixiyo Noble Prize-ka qabiilka, in an asaga cidina kula tartami doonin maqaamka. Inkasto qiimaynta loo badan yahay saa tahay, haddana maqaal qorahu wuxuu qabaa in u markaan Yusuf xil- u- galgalad yahay suu xataa dhaqan-qabiilkan baas ee u xabbisan yahay u sii quudiyo. Saaxiibada Yusuf waxay sheegayaan in u hadda wax kasta ka jeclaan lahaa Yusuf in u aqoontiisa ka xoreeyo jirradaan qabaliyadda lakiin u guus ka taagan isku da’ygaa.
- Ex-president candidate Badiow iyo Aw Libaax lama hayo wax cadaymo danbi ah oo hore ay uga galeen ummadda waloo hadda ay caddahay in ninka labaad(AW Libaax ) u daaha dabadiisa kala adeegayo Axmed Mode. Labadan nin (Badiow iyo AW Libaax ) waxay u egtahay in abaarta dheeraatay iyo qaran la’aantu ay dhulleeyeen oy soo riteen waqto dhaw.
Dulmarka Taariikhda calansideyaalku wuxuu muujinayaa in shirku ahaa shir shufto oo nimba qasdi gooniya ka laaha. Taa waxaa u daliil ah
Kooxdan aragti isu keeni kartaa haba yaraatee ma jirto:
aragti dineed, mid waniyadeed iyo qabiil toona. Qaarkeed waa wahibiyiin, qaarkood takfiriyiin, qaar kale waa Suufiyiin; isku qabiil ma aha, mana midkood kaliyihi qabiil ka sare kac. wadaniyad iskaba daa ayada oo markaan cadaw-u-adeeg dood la galiyo ka tagno waxaa kooxda dhex fadhiya kuwii milyans lacagta ah ka dhacay dadka somaliyeed ee kun-kunka ugu le’anaya maalin kasta. Kuwaasna Cali Khalif, Geedi iyo Ina cabdirashid ma cududaar yaanuu raadin, waaba annu u raadine?. Ma qarannimo yaanu kala xaajoon? Ma u danqasho dadweyne yaanu ka yaboohsan?
Nimankan waxa kaliya ee ay wadaagaan ee isu keenay waa danaysa xaraan ah.
Fursadii danaysigoodu waxay noqotay u jilidii Kenya riwaayadii shirka ay taageeraysey waxa ka socda kismaayo oo ah taaggeero u muujin fallaagada Kenya ka abuuratay kismaayo ee ay Axmed Madobe u dhigatay horjoogaha iyo ka been sheega xasuuqa ciidankeedu ka geystey magaaladaa .
Waa kooxda loo abaabulay in la soo bandhigo in DFS Somalia ay meel kasta siyaasadda dalka ku fashilantay, siiba jubbooyinka .
waxaa kooxda la faray in ay beeniso in ciidamada Kenya qayb ka noqdeen dagaallo beeleedyo rayid lagu xasuuqo oo Axmed Madoobe iyo Kenya ku jirrabeen dadka kismaayo.
Muxuu ahaa hadafka kooxdani, muxuuse ahaa hadafka adeejiyeyaalkeedu?
Kooxda qaarkeed waxay rabtey oo kaliya in ay wax uun lacag ah hesho, una muuqato xoog gilgili kara dowladda dhisan, saana ay ayadoo laba- canlaynasa Kenya khidmo uga hesho, dowladda somalia-na ka hesho lacag iyo darajooyin soo- caro- celista. Kooxdani xiiso gaar ah uma qabto hawsha Kenya eek a socota kismaayo lakiin waxay u baahnayd fagaare ay dowladda somali isku-tusiso oo wax ku hesho.
Kenya iyo kooxda hawsheeda fulinaysey waxay donayeen, dhinac in cadaadis saaraan dowladda Somalia say uga tanasushu difaaca dalka Somalia, dhinaca kalena in ay aduunka ka dhaadhiciyaan in an dadka somaliyeed oggolayn dowlada jirta taaso(aragtidooda) ka takhallus dowladda Somalia mustaqbalka loogu sii gogogl xaarayo.
Anigu waxaan qabaa in shirkii 14-07-2013 ee markii hore la yiri kooxo yaa isbahaysi ku samaysana, ka dibna la yiri waa laga weeciyey sidii hore an waxba la weecin. Waxaan qabaa in shirkaa asal ahaanba Kenya soo abaabushay una u dhacay sidii ay ugu talo gashay oo ahayd ra’yul caalamka in ay u sheegto in dowladda somaliyeed la diidan yahay iyo in la beeniyo xasuuqa ciidamada kenyaan ka geysteen Kismaayo. Qorsha Isbayhaysi- mucaarad samaysi, hadduu jireyba, wuxuu ku koobnaa miskaxda faashiliinta isku sheegayey siyaasiyiin somaliyeed ee meesha iskugu tegay qaarkood.
Yaan la khaldami; Kenya shirkaa dantii ay ka lahayd oo ahayd ka been sheeg dowladda Somalia iyo taaggeero ciidamaheeda way gaartey. Intaa oo kaliya yey shirka u abaabushay waxaana si buuxda ugu yiri Cali Khalif Galayr iyo kuwo kale.
Intaa oo kali ah oo ujeedadeedu tahayd iska caabin cabashada Somalia iyo ka sii wadasho hawlaheeda jubbooyinka yaa Kenya qorshaysatay shirkaa. Somali qancinteed iyo la hadalkeed ma meesha maba ku jirin. shirku waxaa loo abaabulay oo u la hadlayey dunida dibadda. Kuma jihaysnayn somali.
Aniga waxay ila tahay in dadka somaliyeed aqoonsado in ay jiraan damaaciyiin iyo u- adeegeyaal ajnabi oo u shaqeeya ama diyaar u ah in ay iska iibiyaan cid kasta oo khidmadooda u baahata. Waxaa dowladda somali lagu furay aagag colaadeed oo ka culus kuwii horay uga hayste; beeloo yaa si an hayn loo qaateen ugu hanjabaya dowladda, bareer iyo beel sheegasho ugu hagoogaganaya dambileyaal, haddana sheeganaya in qarandoon wax ka yihiin;
Waa khalad in qarandoon la sheegto, tiir kasta oo qaran ku istaagana bulldozer loo qaato;
Talo kasta oo dowlo ka soo baxday xoog lagu istaago; .
La doono sharci in u dadka qaar qabto qaarna xumaato kasta xasanad ka haysto.
Aniga waxay ila tahay in wadajir looga hortago isku da’yada dacalfaruurka iyo wiiqidda dowladda ee shisheeye- u- adeegeyaalka iyo danaysteyaalku wadaan ee loo ekaysiinayo wax sixid iyo tub ku toosi. Sixitaan an isutur lahayn waa xaq, dumini waa dambi.
Waxaa qof kasta ee miyir qabaa arkayaa in dad badan ee mas’uuliyado qaran ee kale duwan huwan ay dadka ku jihaynayaa dariiqyo an qaranimada waxba u hambaynayn.
Waloo siyaabo badan oo been ah dad badani wax isu tusayo, waxa kaliya ee na wada deegaa , qof kasta sharaf ku leeyahay waa qaranimo. ayada ma hayno hadde, an wada raadino.
uurto gal ma aha in qof kastaa cad fuqsado guriga qaran, guriguna iska dhisnaado.
Waan ay jirta jirta xarriiqin ( red line) cidii gudubtaa kula talo gasho in ay bareer u jabisey deedkii qaranimo iyo wada noolaanshihii bulshada.
W/Q: Cabas C. Cabdullahi
Email: cabascabdi@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahn tan Caasimada Online