Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

H/Gidir: Dowlad taageerta HIIRAALE, Maxay ku xiratay Xasan Dahir Aweys?

$
0
0

Taariikhda  markii ay aheyd 29-06-2013  ayaa wadaadka Xasan Dahir Aweys marna ah Korneel ciidanka dalka Soomaaliya ah waxaa uu soo galay gacanta dowlada Soomaaliya kadib markii ay sidaasi  fududeeyeen odayaasha habargidir ee cadaado tagay.

Inkastoo aan filayo inaad ciwaanka qormada  qaarkiin aad ka boodsan tihiin  ama aad is leedihiin maxaa loo simayaa Barre Hiiraale iyo Xasan Dahir Aweys. Haddaba adiga oo aan iga degdegin  si fiican usii akhriso qormadeyda oo hadda kuu bilaabaneyso.

Col, Barre Hiiraale iyo Col, Xasan Dahir Aweys waxay ka siman yihiin dagaalada xasuuqa ba’an u geystay shacabka Soomaaliyeed, waxaana nin waliba ku caan baxay inuu sameystay magac uu dadka ku gumaado.

Col, Barre Hiiraale sida ay dowlad Soomaaliyeed u burburtay maalin kama nasan dagaal sokeeye . Sidaasi oo kale ayaa Col Xasan Dahir Aweysna dagaal diimeed uusan uga nasan.

Barre 1991 waxaa uu  ka qeybgalay dagaalkii qabiilada gaar ahaan kii u dhexeeyey beelaha Hawiye iyo Daarood. Waxaana uu xilli hogaaminayey ciidankii Mareexaan ee  rabay inay Maxamed Siyaad Barre dib ugu soo celiyaan magaalada Muqdisho oo awood ciidan looga saaray.

Intii uu dagaalkaasi Barre Hiiraale ku jiray waxaa uu galaaftay nolosha  rayid aan waxba galabsan iyo maleeshiyaad la qalday oo magac qabiil dagaalka lagu geliyey. Waxaana uu abaal gaag-mareebto ah  ku keenay gobollada qaar sida Bay iyo Bakool oo la ogaa waxa  ka dhacay sanadihii 1992- 1993.

Co, Xasan Dahir Aweys isagana waxaa uu xilligaasi bilaabay dagaal diimeed xoogan oo uu ka curiyey gobollada Bari  iyo Gedo. Waxaana uu sameystay koox la dhihi jiray Al-tixaad. Isaga oo dagaal adeg oo diimeed la galay maamulkii Bari kuna qabtay xitaa rag uu ugu caansanaa Col, Abdilaahi Yusuf Ahmed.

Sidoo kale dagaal kale oo taariikh xun reebay ayuu isagana ka dhaliyey Gedo, isagoo isku dar labada dagaal  ku halaaga shacab Soomaaliyeed iyo dhallinyaro la qalbi rogay, laguna dilayo magaca Alle  oo aan xaqiiqada ku fadhiyin. Balse ahaa siduu Xasan Dahir xil ku heli lahaa.

Col, Barre Hiiraale ayaa mar kale waxaa uu bilaabay inuu isbaheysi la sameysto qaarka mid ah qabiiladii uu hawiye ahaan ula dagaalami jiray . Waxaana uu baaqa uu diray ka aqbalay jufo ka mid ah Habargidir oo la yiraahdo Ceyr. Waxaana uu kula hishiiyey inay markan isbaheysi lagu qabsado Kismaayo la dhistaan.

Wadahadal dheer kadib waxaa mar kale sanadkii 1999 Col, Barre Hiiraale bilaabay dagaal sokeeye oo laga curiyey magaalada Kismaayo kaasi oo markii danbe ku faafay magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Jubooyinka.

Madax badan oo qoyan ayaa subaxdaasi u  qalalay sidii Col, Barre Hiiraale hankiisa u gaari lahaa, ilaa markii danbe uu kasoo jeestay maamulida Kismaayo  7 sano oo dadka qaarkiis ku sheegaan inay aheyd taariikh madow. Wallow dadka qaar ay baraaro u aheyd (Waa intii la qabsate) .

Waxaa la gubay ceelal  badan. Waxaa la kufsaday dumar badan oo aan waxba galabsan. Waxaan la dhacay hanti badan oo ay lahaayeen dad loo arkayey inay qabiilka Kismaayo heysta aheyn.  Waxaana sidoo kale madaxa laga wada toogtay ganacsato iyo siyaasiyiin loo arki karay inay shacabka deegaankaasi kicin karaan.

Col, Xasan Dahir Aweys isagana waxaa uu dib u abuurtay wadaado diimeedyo jirida hoose laga soo dhisayo. Dalka waxa uu soo geliyey rag badan oo ajanabi  jihaad doon ah. Waxaana la sheegaa inuu dhallinyaro badan u diyaariyey inay khaarijiyaan madaxdii ciidanka dalka oo aan xilligaasi shaqeyn balse  indho u noqon kara dalka haddii dowlad timaado.

Waxaana sidoo kale aan nabadgelin ganacsato iyo dhamaan culumada aan ku mad-habka aheyn  Xasan Dahir Aweys.

2006 ayuu  dhisay koox diimeedkii  cusleyd ee la dhiso taasi oo ah Maxkamadaha Islaamiga ah. Waxaana kooxdan ay aheyd mid   ku dhisan awooda qabiilada Hawiye, Raxanweyn iyo Ogaadeen  uu watay ninka hadda Jubooyinka inuu Madaxweyne u yahay sheegta ee Ahmed Madoobe.

Dagaalka ay Muqdisho kooxdan ka bilowday dabkiisa waxa uu gaaray Bandiiradleey oo mudug ah iyo Gedo oo dhinaca kale ee xuduuda Soomaaliya ah.

Labada korneel ee kala ah Barre Hiiraale iyo Xasan Dahir Aweys qeybta hore ee dagaalada maxaakiimta inta aan Kismaayo oo Barre joogay lagu biyo keenin waa ku wada jireen oo ciidamadooda ayaa iska barbar dagaalamayey. Waxaase ay kala boodeen markii Barre Hiiraale loo sheegay inuu kismaayo ku wareejiyo Ahmed Madoobe iyo Xasan Turki oo caashaqay maamulka magaaladaasi.

Laakiin Barre Arrin taasi waa diiday oo dagaal ayuu la galay Maxkamadaha. Balse la iskuma daahin ee dagaalkii barqo cad ayaa Barre iyo ciidankii uu watay oo ka yaraa 100 askari la eryaday. Waxaana uu kasoo jeestay gobolka Gedo gaar ahaan Baardheere oo ah xarunta uu kasoo jeedo ninka loo caleemo saaray madaxweyne ku xigeen ka aan la isku raacin ee jubaland Gen, Abdilaahi Fartaag.

Col, Barre lix bil kadib ayuu isaga oo wata magac dowladeed Kismaayo ka qabsaday maxkamadaha iyo qabiilka Ogadeen. Waxaana mudo sanad ah kadib isagana kasii qabsaday kooxda Al-Shabaab oo watay xooga qabiilka Ogadeen. Tani oo Barre  ka dhigtay dagaalkii ugu danbeeyey oo Jubooyinka uu ku galo.

Xilligan Xasan Dahir Aweys waxaa uu joogaa Casmara waxaana uu dagaal diimeed iyo mid qabiileed oo looga soo horjeeday Abdilaahi Yusuf ka waday halkaasi . Waxaana uu yimid dalka 2009  oo ah xilli  xukunka dalka uu la wareegay wiilka uu kusoo gardaariyey koox diimeedka balse ku caasiyey ee Shiikh Shariif Shiikh Ahmed.

Xasan Dahir 2009 ayaa   bilowday dagaal xagjirnimo oo ilaa maalintii uu isa soo dhiibayey ku jiray. Waxaana dagaalkaasi uu salfaday Soomaali da’ waliba leh.

Col, Xasan Dahir waxa uu sheegaa inuu dagaalkiisu yahay diin wixii uu lagu dilana yihiin murtadiin. Col, Barre Hiirale isagana waxa uu dagaalkiisa ku sheegi jiray inuu Qabiil difaac yahay wixii ku dhintana  ay yihiin looma ooyaan ama qabiil uusan dan la laheyn.

HADABA AAN USOO NOQDO DULUCDA QORAALKA:

Maanta labadaasi nin midna gacanta Dowlada ayuu ku jiraa oo ragii keenay xitaa la garaacay mid jaban iyo mid jiis ah ayaa laga dhigay . Waxaana Xasan Dahir la ogeyn meel uu ku xiran yahay.

Madaxweyne Xasan Shiikh  iyo Saacid Farax ayaan ka maqlayey inay lahaayeen sharciga wixii uu ka qabo ayaa la marsiinaya Xasan Dahir. Mana dhaceyso inuu guri ka dego Muqdisho isagoo aan laga dhameysan xogta uu hayo iyo  maxkamada wixii ay ka oran doonto.

Halka Col, Barre Hiiraale oo hotel Weheliye sanad uga deganaa Muqdisho oo cid la xisaabtantay aysan jirin maanta dowlada hub iyo dhaqaale inta ay siisay la leeyahay waxaa dagaal qabiil ka ridaa Jubooyinka.

Haddaba dadka Xasan laayey iyo kuwa Barre laayey maxay ku kala duwan yihiin ?

Soomaali miyeysan wada aheyn?

Ma wajiyada ay ku kala  dileen ee qabiilka iyo diinta ayaa kala duwan ?

Mase wixii qabiil lagu dilay waa waxba kama soo qaadaan, balse kuwa diinta lagu dilay waa in la soo magdhawaa?

Xasan Dahir  ku qabiil ma ahan Saacid iyo Xasan Shiikh oo maanta ninkaasi xirtay, balse Barre Hiiraale waa nin ku cid ah Saacid Farax miyaa sheekada Mase Xasan Shiikh ayaa cadaawadii habargidir iyo abgaal ku jirtaa wali.?

Xasan Dahir oo dagaalkii kasoo baxay miyaa  xarig mudan mise Barre Hiiraale oo dad kale barakicinaya ayaa xarig mudan ?

Ma filayo inay dhiiga soomaaliyeed kala qiimo badan yahay. Waxaana rajeynayaa in shacabka ay il gaar ah ku fiirsan doonaan waxa dowlada Barre Hiiraale  hubeysay ay   ka yeesho Xasan Dahir oo  la danbi ah.

Aniga labadooda midna qabiil ku taageeri maayo, balse waxaan diidayaa in maanta dowladii Soomaaliyeed ay awoodii loo dhiibtay  u adeegsato wado qaldan. Waxaan dhageystay Barre Hiiraale oo leh ciidankii dowlada iyo kuwii qabiilkeyga anigaa hadda isku heysta oo kismaayo kusoo qabsanaya.

Haddana Xasan Shiikh oo hadlay ayaan ka maqli waayey inuu arrintaasi iska bari yeelo , halka uu  Xasan Dahir iyo odayaashii keenay ku digtay.

Waxaan qormadeyda kusoo xirayaa Cadaalad Barre la soo taagi waayey ma filayo in Xasan Dahir la soo taagayo. Dowlad Hubeysay Barre Hiiraale inaysan Xasan Dahir wax danbe ah kusoo oogi karin ee waa inay xoriyadiisa siisaa odeygaasi ragii la qaldamay ay banaanka wada barayaan.

Indhaha caalamka iyo mida Soomaalida waa wada eegayaan Xasan Shiikh Maxamuud iyo Saacid Farax Garaad sida ay ugu garsooraan Xasan Dahir Aweys oo u xiran iyo Col, Barre Hiiraale oo  u haya shaqo ay u dirsadeen.

Guddoomiyaha aqoonyahanka Habargidir
Nuur Ali Mataan
nuurali72@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ama kooxda ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online. Waad ku mahadsan tahay nala fahamkaaga.

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>