Waxaa mudooyinkan socday gucle iyo gubuxtan naf la caariya oo ay dabada ka riixayaan labada Oday ee siyaasadda ku hungoobey iyo qabashada hoggaanka Baarlamaanka waa Prof:Cali Khaliif Galaydh iyo Shariif Shiikh Xasan Aadan oo iyagu aan marnaba ka daalay, hodadaamada iyo hagrashada guusha Soomaaliyeed.
Waxaa shirar is daba jooga ka socdaan waddamada deriska ah, Uganda, Kenya, Jabuuti,Itoobiya, waxaa khadka Telefoonka iyo si fool ka foola kulamo uga socdeen magaalooyinka caasimadaha u ah waddamadan, haddaba waxaa is weydiin leh maxaa soo kordhay maxaase isbedelay.
Waxaa mudadii ay jirtey dowladda Cusub ee uu horjoogaha ka yahay, Xasan Shiikh Maxamuud socday guluf lagu wiiqayo guulaha ama horumarka ay gaadhay, Tusaale markii uu madaxweynuhu tegay carriga Maraykanka ayaa waxaa la wareystay Cali Khaliif Galaydh, ka dib, wuxuu yidhi isaga oo aan hubsan qaabka wax u dhacayaan, Madaxweynuhu waa soo degdegay ee cidi uma yeedhan diyaarna looma aha, sidoo kale lama Kulmi doono,Madaxweynaha Maraykanka, hadalkiisii waxaa beeniyey waxay umadda Soomaaliyeed indhahooda ku arkeen.
Cali Khaliif ma nasan ee wuxuu billaabay Mooshin ka dhan ah Shirkii wada hadalka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland, nasiib daro wuxuu buuxin waayey Kooramkii mooshinka.
Cali wuxuu mar kale isku dayey inuu taageero barnaamij ay dowladdu go’aan cad ka qaatey isaga oo xildhibaan ah, oo aan wax sharci iyo qiil midna u hayn marka laga reebo Qabyaalada aan qarsoodiga ahayn ee uu ku taageerayey maamul la magac baxay Jubbaland.
Wuxuu Cali qayb libaax ka qaatey Afgambigii dhicisoobey, iyo Mooshin khasaarey oo lagu doonayey in lagu rido Xukuumada Ra’iisalwasaare Saacid, Balse, waatii ay xildhibaanadii la sirey ay fashiliyeen dibna uga laabteen.Cali warkiisu waa cadkanoow ku cunay ama ku ciideeyey sidoo kale waxaa jira in Shariif Xasan Aadan oo isagu loo aaneeyo inuu dowladii hore ee ku meelgaarka ahaydna uu fashiliyey, heshiisyo badan oo umadda Soomaaliyeed isugu soo dhawaan lahaydna fashiliyey, sidoo kale lunsaday,hanti badan, markuu ahaa wasiirka Maaliyada iyo xiligii uu ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu mudooyinkii danbe gucle ugu jirey, inuu isu keeno barnaamij uu ugu yeerey mideynta gobollada lixda ah, Shabeelada Hoose, Bay, Bakool, Jubadda hoose, Jubbada dhexe, arrintan ayuu ku guuldaraystay, kadib markii ay dadka deegaanku ka biyo diideen iyagoo kalsooni daro badan ka muujiyey, Shariif Xasan ayaa ku hawlan sidii uu u wiiqi lahaa dowladda hadda jirta maadaama uusan ku haysan wax isaga dantiisa gaarka ah, maadaama uusan wax lug ah ma raad ah ku lahayn madaxda iyo golayaasha kala duwan ee dowladda.
Waxaa sidoo kale isaguna gubuxtan siyaasadeed oo baaxadle ku jira Ra’iisalwasaarihii hore ee dowladii ku meelgaarka Cumar Cabdirashiid(Cumar Shukulaato) Cumar isagu dantiisa gaarka ah, iyo danta Kenya ayuu wadaa wuxuuna hore ugu fashilmay mashruucii Iibinta badda sanadii 2009kii wuxuu kale oo ku fashilmay hirgelinta mashruucii Jubbaland, haddaba isaga iyo xulufadiisa cusub waxay ku tawfiiqeen inay majara habaabiyaan guusha dowladda oo ay abuuraan fadqalalooyin iyo iska hor imaadyo bulsho taasoo sababi karta inay dib uga soo muuqdaan miidaanka Siyaasadda oo aysan hadda ku lahayn wax maqaam iyo muuqaal ah.
Labadan nin ayaa waxay ciyaareen door siyaasadeed oo cusub ka dib markii qorshayaashoodii hore fashilmeen, kaas oo ah inay samaystaan xulufo cusub oo iyaga ka firfircoon iyaga oo isugu daray talo iyo tigaad labadaba.
Cali Maxamed Geedi oo ahaa Ra’iisalwasaarihii dowladii Imbagaati ee ku meelgaarka ahayd ee uu madaxda ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu Cali Maxamed Geedi ahaa, ninkii sababay inay geeriyoodaan in ka badan 10,000 oo qof oo Soomaali oo ay ciidamada itoobiyaanku iyo ciidamadii Cabdullaahi Puntland xasuuqeen.
Cali Maxamed Geedi ayaa lagu xasuustaa lunsiga hanti fara badan oo uu ku soo qaadey magaca Soomaaliyeed, ninka maalintii uu madaxda ahaa sidaa wax u maamulay miyaa maanta Soomaaliya oo dowlad, nidaam, kala dambayn, horumar ka jiro, wax ka fiican keenaya? Waxaan u dhaafayaa su’aashaa jawaabteeda aqristaha.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Baadiyoow ayaa ah, Shaqsi isla weyn, haddana Khudbadihiisu inta badan yihiin kuwa aan loo meel dayin oo hadalo deelqaaf iyo duulduul aan miisaan lahayn u badan, ayaa waxaa lagu xasuustaa, inuu ahaa shaqsi ka mida Ururka Alislaax, sidoo kale waxaa Illo muhiima sheegayaan in ilaa mudo fog ka dib,is maandhaafkii siyaasadeed ee sababay magaca Damul Jadiid ee dhallinyaradii iyo Aqoonyahanadii ka biyo diiday ku tagrifalka awooda Ururka Alislaax inuu aad uga soo horjeeday,Madaxweynaha hadda talada haya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xulufadiisa.
Labadan nin oo ka soo jeedaa Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa naf biday kooxaha Mucaaradka ah ee aan kor ku soo sheegnay, Labadan nin ayaa ah kuwo aan wadin dan Soomaaliyeed iyo mid deegaanka ay ka soo jeedaan balse ujeedka laga leeyahay uu yahay kaliya(Lafo Maroodi iyagaa laysku jabiyaa) Maadaama beelaha Mucaaradka ahi, Bannaanbax, Dacwad iyo qaylodhaan iyo dagaal intaba isku dayeen, haddana adduunku waa iska indho iyo dhego maray, markaasaay waxay billaabeen inay shaqsiyaadkan iyo kuwo kale oo la mid ah oo aan ilaa hadda Soo shaacbixin inay doonayaan inay buundada iyo Biriijka siyaasadeed kaga gudbaan.
Haddaba Geedi iyo Baadiyoow, maxay ku soo kordhin karaan arrimha murugsan ee Soomaaliya?Maxay ka bedeli karaan? Maku baranay wax gradnimo iyo waxgalnimo midna?
Soomaalida ayaa ku maahmaahda (Ninkaad kabbo ka tolanayso kabihiisa ayaa la eegaa?) Geedi waa dambiile Cabdiraxmaan baadiyoowna waa danayste, labadoodu midkoodna ma hayo talo iyo tusaale lagu samatabixin karo, dalka iyo dadka aan ka ahayn, inay horseedi karaan inay cadow dalka ku soo hoggaamiyaan iyo inay huriyaan dagaalo sokeeye.
Maxaa la gudboon, Shacabka Soomaaliyeed? Gaar ahaan shacabka reer Muqdisho? Maxaa la gudboon, dadweynaha faraha badan ee ku faraxsan, taageersan, lana dhacsan qaabka hadda dowladdu wax u wado?dhammaan Su’aalahan haddaan soo kobo jawaabtoodu waxay noqonaysaa sidan:
Inay af iyo addinba kala hortagaan, Shirqoolada qatarta badan ee ay maleegayaan siyaasiyiin ku guuldaraystay inay hoggaamiyaan dalka iyo dadka, Siyaasiyiin Calooshooda u shaqaystaayaal ah, Siyaasiyiin musuqmaasuq iyo dabadhilifnimo ku caan ah, inay maanta isku magacaabaan gollaha samatabixinta dalka, miyaanay ahayn macnaheedu, gollahaas= Golaha Afgambiga iyo Colaad hurinta Soomaaliyeed.
Maxay shalay u samatabixin waayeen markay Ra’iisalwasaarayaaasha ka ahaayeen? Maxay u samatabixin waayeen markay hoggaamiyayaasha ka ahaayeen, Markay gudoomiyayaasha ka ahaayeen? Miyeysan soo marin fursad ay wax ku maamuli karaan oo qaladka ay maanta saxayaan maxay hore ugu sixi waayeen??
Waxaan ku soo afmeerayaan qormadan, Soomaaliyeey nimaan kuu furay yaanu kuu rarin, danta guud nimaan jirin oo danayste ah ayaanu maalinba magac cusub kuula soo bixin oo kugu qatalin waa halkii Abwaan Faarax Nuur ka yiri.
Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo
Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo
Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane
Maanaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono.