Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Daawo Sawirkan: Maxaa hooyooyinkan Soomaaliyeed sidan loogu galay

$
0
0

Hooyoyin Soomaaliyeed oo sida Awrtii miyiga u heeryeysan.

Qamaanow maxaa hooyadeen hilayga loo saaray. Maxaa loo hogaan baray duqdii inagu howshootay] heeryada maxaa looguu  Raray waaba habarteene.

Soomaalida dhib mug weyn baa ka soo gartay burburka iyo colladaha soo keeyey, dad badanbaa noloshoodii ku waayey dagaal aan wax macno ah lahayn.

Qofkii ka badbaaday masiibadii dhacday wuxuusan ka badbadin samaynta colladuhuu keenan oo ay ka mid tahay barokac,qax, faqri, cudurro iyo guud ahaan caqabado badan oo dadka ka hortaagan in ay helaan nolol qaymo leh.

Hadaba saas oo ay tahay dhibtaas waa loo sii kala nugul yahay oo waxaa culayska ugu weyn ku dhacaa hooyooyinka Soomaaliyeed oo markii horeba u nuglaa dhibaatada ah.

Hooyooyin Soomaaliyeed oo sida awrtii u raran

Hooyooyin Soomaaliyeed oo sida awrtii u raran

Sawirkan waxaan ka qaatay Hooyoyin Soomaaliyeed oo Durufta noloshu ku qasabtay in ay ka shaqeeyaan shaqo naftooda iyo karamadoodaba u daran.

Bal qiyaas qashinka hooyooyinkan sidan waxaa ku jira irbadaha iyo haraaga shaybaaarada lagu baaro( samples of human wastes from medical laboratories). Waxaa ku jira xanuun kasta oo maskaxdaada ku soo dhaca. Hooyooyinkan waxay ka mid yihiin barakacayaasha Bosaso oo ka soo ufooday colladaha aan dhamaadka lahayn ee ka socda konfurta Soomaaliya.

Hooyooyinkan Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay sharaf ku noolaadan. Illahay wuxuu ku abuuray dhulka Soomaaliya oo qani ku ah xoolaha, beeraha iyo badda ugu dheer Africa ee kalluunku ceeggaago bal macdano iyo khayraadka kale igu kaadi.

Hadaba su’aashu waxaa weeye yaa masuuli ka ah in ay dadkan waayaan noloshii sharafta lahayd ee Alle bin aadamka ugu talo galay?
Aniga waxay ila tahay Waxaa masuuliyadaan iska leh qofkasta oo Soomaaliya oo ka qayb qaadan waayey in dhibta laga baxo.Waxaa masuul ka ah siyaasinta tanaasulka ceebta u qaba.Waxaa masuul ka ah wadaada dad qalataada ah ee dhiigu u hillaacayo.

Waxaa masuul ka ah odayaasha qabyaallada diinta inooga dhigay oo wada noolanshaha ceebta u qaba. Waxaa masuul ka ah dhalinyarada waxbaratay ee diiday in ay raacan dariiqii SYL ee dalka lagu xoreeyey hada ka hore,kana doortay in ay indho la’aan ku taageeran damiir laawe la hayb ah oo aan aragti qaran lahayn. Waxaa masuul ka ah qurbo joogta dagaalka wax ka hurinaysa meeshii ay nabada xoojin lahayeen. Waxaa masuul ka Idacadaha iyo websitesyada af beeleedka ku hadla oo colaada baasiinka ku sii shuba.

Qoraalkan yar waa iga qaylo dhaan aan u jeedinayo qofkasta oo Soomaaliya oo dareensan sharaf darada dadkeenua ku nool yahay iyo waxa fursad inooga dhumay isjiidjiidka aan dhamaadka lahayn.

“Illahay ma badalo qoom ilaa ay isbadalan waxay ku sugan yihiin”

W/Q Mohamed Ahmed Ali(Geele)

Geele39@gmail.com

002527790528

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>