Mataanihii kala maarmay
Kolki ay qabsaddeen Magaaladda Kismaayo Iyo deegaano ka mid ah Goboladda Jubbooyinka Ciidamadda Kiinyaanka iyo Jabhadda Raaskambooni oo is-weheshan aynna ka saareen Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Al-Shabaab oo muddo Shan sanno ah Maamulaayey G.Jubbooyinka iyo Deegaano kale oo Dalka Soomaaliya ka mid ah
Jabhadda Raaskambooni haddii ay Kismaayo Qabsatay waxay madaxda Jabhaddaas oo uu u horeeyo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe ) qaban-qaabiyeen shir ay ugu yeereen waxaa lagu dhisayaa Maamul Goboleedka Jubb-land (MGJL) ,Dhismaha Maamul Jubba-land loogu magac daro oo Jubbooyinka ka dhisma waxaa garab Is-taagay Maamul Goboleedka Puntland (MGPL) ,Muddo gaaban ka gadaal waxay ergooyin aan la aqoon cida Masuuliyaddaysatay ay doorteen Axmed Madoobe unna doorteen Madaxwaynaha MGJL .
Waxaa iyaguna isla Maalmahaas doorashooyin kale ku qabsadday Kismaayo Rag kale oo Madaxwaynenimadda Jubba-land doonaayey sidoo kale ayaa iyagana lagu doortay Kismaayo sida Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) , Isku dhac, dhimasho, dhaawac iyo ka hayaamooy sababay ayay iskala hortageen Labadda Madaxwayne Axmed Madoobe iyo Barre Hiraale Ugu dambayntii Barre Hiiraale waa laga saaray Kismaayo iyadda oo aan u sababayn karo ka saaridiisa Kiinyaanka La dhinac ah Jabhadda Raaskambooni .
Waxaa Maamulka Jubba-land kiisa Axmed Madoobe Madaxwaynaha ka yahay si aan hagrasho lahayn u garab Istaagay Maamulka Kale ee Puntland , Madaxda MGPL waxay meel kasta ka sheegeen in ay dhinac taagan yihiin Jubba-land , Waxay ulla Baxeen Madaxda Puntland Maamulka Jubba-land-ta dhowaan bilatay in ay tahay MATAANTI Puntland .
Waxaa dal iyo dibbad-ba is qabsadday isku dhinac ahaanshaha taageerayaasha Puntland & Jubba-land , Waxaa isbooqday Madaxda Maamuladdaas Cabdiraxmaan Faroole iyo Axmed Madoobe .
Villa-Somalia ayaa iyaddu ka soo horjeesatay Maamulka Jubba-land ee Axmed Madoobe Hoggaamiyo , Arrintaasu waxay sababtay isu sii dhowaanshaha Puntland oo iyadda lagu yaqaan Mucaaridida Villa-Somalia ee joogtaysan iyo Jubba-landta dhowaan kaca ah , Madaxda Villa-Somalia ayaa dagaal siyaasaddeed ku qaaday Jubba-land ,shirar kala duwan iyo kulamo kala dhigan , dadaallo Villa-Somalia doonitaankeedda ku wajahan iyo iska caabin Jubba-land ( Raaskambooni ) ay jilibka u dhigtay waxaa dhamaadki oo waqtigaan ah l a gaaray heshiis ay ku sheegeen is-afgarad .
Sida uu doono haku dambeeyo’e Heshiis ayay wadda gaareen Jubba-land oo Jubba lagu badalay magaceedda iyo Villa-Somalia .
Meeday Mataantaaddi
Halkaan weeyeen Ujeedka Arrinta aan ku falanqaynnayno Qormaddeenaan Aqriyayaal , Puntland iyo Villa-Somalia waxaan ka dhaxayn Xiriir wadda shaqaynayd , tannu waxay timi ka dib marki Puntland wadda socodka u jartay Villa-Somalia aynna ku eeddaysay in Madaxda Villa-Somalia Dastuurka Soomaaliya u dhigan Farafareeyeen.
Eeggaas Jubba iyo Villa-Somalia haatan waxay leeyihiin xiriir wadda shaqaynayd sida Heshiisku sheegaayeyna waxaa lagu wareejinayaa dakadda iyo Gagida Diyuuraddaha Kismaayo Dawladda Villa-Somalia , Haddaba Puntland oo kaligeed ah xilligaan Mataanteedina Villa-Somalia la jaal noqotay waxaa la soo gudboonaatay Wehel siyaasaddeed la’aan , Jubba-landti ay Puntland awr ku kacsiga ugu yeertay waa mataantayaddi waa taas dhanka kale isugu rogtay .
Meeday Mataantaaddi waa Iswayddiin hortaal Madaxda Puntland? , Siyaasadda Soomaaliya ayaase caynkaas ah oo waa tu ku dhisan Hab qabyaaladdeed ,Waxaase tu la yaab leh horaantiba ahayd siday u mataanoobayaan Labadda Cirif ee dalka Soomaaliya deegaano ku kala yaal , Way caddayd in ay qabyaaladdaysi ahayd , Qabyaaladda oo aan meel ku joogsani waxay u sahlaysaa Hor-boodayaasha Siyaasadda Soomaaliya in ay shacabka dhiban ku kala qaybsaddaan Qabyaaladda .
Iswayddiimo kale waxaa ah Puntland haatan xagay jaaha saaraysaa oo ay Xulufo Siyaasaddeed ka yeelan , Galmudug Iskuma Wanaagsana goortaan , Jubba-land Villa- Somalia ayay la jaal noqotay , Somaliland waa Gooni isu taag Goob , Inno kale oo Siyaasad qabyaaladdaysan oo ay la xulifaysato cuddoonina kama jiraan dalka Soomaaliya.
Dhanka Villa- Somalia ayaa iyaddu wadda Dadaalo siyaasaddeed oo ay ku soo afjarayaan Puntlandnimadda xoogaysatay , waxaase la aqoon dhabaha ay Villa-Somalia Siyaasaddeedu u mari doonto wiiqinta MGPL ee qabatimay ka hor imaadka Isku dayadda Villa-Somalia haddii aan qof Puntland ka soo jeedda uusan hayn Xilalka ugu sareeye Villa-Somalia .
Mataanti yarayd ee Puntland waa Jubba’e way ka maarantay la mataanoowgi Puntland jamatay ee ay kula dul dhacday , Villa-Somalia in ay ka dhow dahay danta Jubba ayay Madaxda Jubba qaateen , sidaas ayuu haatan ku burburay Mataanoowgaasu , waxaana dhici karta in dhowaan ay soo shaac baxaan isku dhacyo Hor-boodayaasha Jubba , iska hor-imaadkaas oo Puntland soo maleegto , kolkaasna ay iska soo hor-jeestaan Cabdiraxmaan Faroole iyo Axmed Maboode , waa kuwi Mataanaha Siyaasaddeed ahaaye , waloow Cabdiraxmaan Faroole ay gaba-gabo ka tahay Xil-haynta Puntland , aynnaana wax sii durugsan ka sii oran karin haddii Faroole aannu soo noqon kan kale ee MGPL hoggaamiyaa siyaasadda uu la imaan-doono, sayse u badan tahay Dhabaha Madaxdi ka horaysay ayuu qaadayaa SOOMAALIYA WAA FEDERAAL & ANNAGAA DIB USOO CELINB DOOR SARRE KU LEH , oo ah labadduba kuwo qabyaaladdu hagto ee aan ahayn mid hirgali karta iyo tu xaqiiqsan .
Saamaynta Heshiiska
Heshiinta Jubba iyo Villa-Somalia waxa uu saamayn ku yeelanayaa MGPL ,Tusaale dakadda iyo Gagagidda Diyuuraddaha Kimsaayo oo lagu wareejiyo Villa-Somalia waxay dhabaha u xaaraysaa in Villa-Somalia taraarka (Mustaqbalka) ku gorgortanto in Garoomadda Diyuuraddaha iyo Dakadda Boosaaso ee Puntland ku yaal lagu soo wareejiyo Maamuliddooda Villa-Somalia.
Dhanka kale waxa uu heshiisku dhabar jab ku yahay doonitaanka Federaalaysiga (Gobol dawladdayn) ee ay sida macangagaysan ku goobayso hir-galkiisa Puntland ,sababta uu u xagal-daacinaayo doonitaankaas heshiiska Jubba & Villa-Somalia ayaa ah Villa-Somalia doonayso isku fidinta iyo maamulida guud ahaan Goboladda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ,ka gadaal kolka ay intaas qabatona aysan jirayn Federaalaysiga Puntland ee ay ka dambayso qabyaaladdu ee ku dhigan in Magaallo loo kala qaybiyo xaafaddaheeda laba Maamul Dawladdeed , sida Magaaladda Gaalkacayo .
Puntland ayaa iyaddu arrinkaas ogsoon oo dhankeeda isku fantiiraddaynaysa (ku daddalaysa) sidi ay ugu hortagi lahayd doonitaanka Villa-Somalia.
Dhamayn
Ugu dambayntii si urursan u dhihiddu waxay noqon Puntland waa mataan-waydday kolka Jubba & Villa-Somalia heshiin gaareen , heshiiska labaddaas dhinac waxa uu dhaawac ku yahay doonitaanka Puntland , Goortaana Puntland cadilan Siyaasaddeed ayay ku sugan tahay .
Falanqayntu ma ahan in dhinac lagu taageeraayo halka dhan kalena lagu dhibaataynaayo , kali ah waa iftiimin iyo usoo gudbin Aqriyaha sida qoruhu u arko arrinta ,waxaan sheegaynaa sida doonitaanadda hor-boodayaasha Siyaasaddeed ee Soomaaliya kala yahay iddeen , Dan ka baxsan Falanqaynta iyo saamaynta dhacdadu ma jirto dhankayga , qudh ah waxaan inno ka dhahaynaa ,isrogroga siyaasadda Qabyaaladdaysan ee Soomaaliya oo Bulshadda si dhaba loo tusiyo in aysan ka dhur-sugin.
W/Q: Idiris Dooxajoog
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online