Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Saameynta & dhaawaca DF Somalia ka soo gaari doonta tallaabadii Ethiopia

$
0
0

Ciidamada Itoobiya ee sida sharcidarada ah ku joogay Wadanka Soomaaliya ayaa Arbacadii 22,2014 si rasmi ugu biiray howlgalka AMISOM Iyadoo la iska indho tiray xasaasiyadda ay ka qabaan Shacabka Soomaaliyeed.

Itoobiya ayaa Arbacadii xaqiijisay guul taariikhi ah ka dib markii loo ogolaaday in ay ka mid noqoto howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya,Waxa ayna sharciyad u heleysaa markii ugu horeysey joogitaankeeda Soomaaliya Iyadoo waliba lagu pay-gareynayo inta ay ka xaqiijinayso danaha ay ka leedahay dalkii la oran jiray Soomaaliya ee mar Iyada qatar geliyey.

ku biiritaanka ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa ah go’aan aan laga fiirsan,Waxa uuna dhaawac weyn u geysanayaa ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga maadaama ay Itoobiyaanku colaad gaamurtay kala dhaxayso dadka Soomaaliyeed,sidoo kalena ay dhibaato badan ka geysteen guud ahaan Wadanka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Howlgalka AMISOM ayaa galayo waji ka duwan kii hore maadaama ay ku soo biireen ciidamada Itoobiya oo aan laga jeclayn gudaha Wadanka Soomaaliya,Waxaana suurtagal ah in ay dadka Soomaaliyeed ka horyimaadaan dhamaan joogitaanka ciidamada Shisheeyaha mar haddii ay qeyb ka yihiin dalal ay Soomaaliya isku haystaan dhul.

Tan iyo markii ay dowladda federaalku ka baxday ku meelgaarkii sidoo kalena la doortay Madaxda hadda jirta, ayaa waxaa soo badanayey taageerada ay dowladdu u hayaan Shacabka Soomaaliyeed haday ahaan lahayd Culimada,Aqoonyanada,Siyaasiyiinta iyo waliba dadka caadiga ah laakiin talaabadan ayaan noqon doonto mid aysan ku farxin dad badan oo aan Anigu ka mid ahay.

Ku biiritaanka ciidamada Itoobiya ee AMISOM waxa uu dhaawac weyn u geysanayaa taageeradii loo hayey guud ahaan dowladda federaalka gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo la is lahaa waa Shaqsi ka duwan Madaxdii hore, sidoo kalena fahamsan dhibaatada ay leedahay faragelinta dowladaha dariska gaar ahaan Itoobiya oo ay gacmaheeda ku maqan yihiin kumanaan kun oo Soomaaliyeed.

Waxa uu Madaxweynuhu goob joog u ahaa dhibaatadii ka dhacday Jubooyinka oo ay sabab u ahaayeen ciidamada Kenya ka dib markii ay u dhaqmeen sidii ciidamo ka madax banaan ciidamada AMISOM, iyagoo faragelin toos ah ku sameeyey arimaha gudaha ee Wadanka sidoo kala isku diray Beelihii Soomaaliyeed ee deganaa halkaa.

Dhibaatada ka dhalan karta ku biiritaanka ciidamada Itoobiya ee AMISOM ma sahlana, waxa ayna sharaf xumo iyo dhaawacba ku tahay Culimada Soomaaliyeed ee taageersan dowladda gaar ahaan kuwii Fatwada ka soo saaray Magaalada Muqdisho,Kuwaas oo Fatwadooda ku sheegay in dowladda federaalku tahay dowlad Islaami ah sidaa daraadeedna aan la gaalaysiin Karin lalana dagaalami Karin.

Waxa ay arintani guud ahaan keeneysaa in ay dowladda federaalku ku weyso taageero badan oo ay ku dhex haysatay mujtamaca Soomaaliyeed gudihiisa gaar ahaaan dadka Wadaniyiinta oo aan marna la laqsiin Karin Itoobiya ayaa maslaxad Soomaaliyeed ka shaqeyneyso,Waxaana qof walba oo Soomaali ah wali dhagihiisa ka sii guuxayo dhibaatadii ay Itoobiya ka geystay Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale waxa ay arintani fursad dahabi ah u tahay kooxda Al-shabab oo dagaal adag kula jirta dowladda federaalka, waxa ayna dhacdadani u isticmaalayan dacaayado ay ku qortaan ciidamo badan,Iyaga oo ka faa’iideysanayo nacaybka ay dadka Soomaaliyeed u qabaan ciidamada Itoobiya.Waxaana laga yaabaa in ay dhalinyaro badan ku biiraan Shabaabka si ay ula dagaalamaan ciidamada Shisheeyaha.

Sidoo kale waxaa arintani ka faa’iideysanayo Culimada taageerta Al-shabab oo khilaaf ba’ani kala dhaxeeyo Culimada Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda fikirka Al-shabab iyo sida ay wax u wadaan,Waxa ayna Culimadaasi u isticmaalayaan ku biiritaanka ciidamada Itoobiya ee AMISOM sida tool ay ku weeraraan Culimada kale mar haddi ay taageersan yihiin dowlad kaashaneyso ciidamo Ethopian ah.

Maadaama ay ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Kenyaatugaba ka mid noqdeen AMISOM wey adag tahay in ay dalka ka baxaan ilaa laga gaaro Sanadka 2016 oo lagu wado in la qabto doorasho waaba haday suurtagasho,waxaana filayaa in ay isku dayi doonaan Labadan Wadan in ay mar kale Madaxweyne ka dhigaan Shaqsi ay Iyaga wataan Iyagoo ka faa’iideysanayo ka mid ahaan shahooda AMISOM.

Gaba gabadii waxa aan leeyahay way ku qaldameen Xasan Sheekh iyo kooxdiisa in ay aqbalaan inay ciidamada itoobiya ka mid noqdaan howlgalka AMISOM,maxaa yeelay waxa ay dowladda ka dhigaysaa dowlad ay ilaaliyaan ciidamo Itoobiyaan taasna uma fiicna dadka iyo dalka Soomaaliyeed,Waxa ayna ugu danbeyn dhaawacaysaa rajadii ay ka qabnay dowlad Soomaaliyeed soo celisa sharaftii iyo karaamadii aan lahayn.

W/Q: Cabdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriirna ahna lama lahan tan Caasimada Online

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>