Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

11 arrin oo ay DFS uga hortagi karto in mar kale lasoo weeraro Villa Somalia

$
0
0

Tallooyin ku wajahan dawlada Soomaaliya.

Weerarkii ay argagaxisada Al-shabaab ku qaaday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxay caddeyn u tahay aqoonyarida, musuqmaasuqa, habacsannaanta iyo iyo xil gudasho la’aanta ay ku kaceen mas’uuliyiinta ku magacaaban hay’adaha ammaanka qaabilsan, taasoo ay caddeyn nooga fillan tahay weerarkaasi argagaxisada iyo inaan feejignaan iyo diyaargaroow laga samayn hanjabaadaha is dabajoogga ahaa ee ay kooxda Al-shabaab jeedisay ha hor weerarkii madaxtooyada.

Ka sokow dawlada dhacdada arrintaasi , waxay weji gabar iyo ceeb ay ku tahay wasiirada ariimaha gudaha, ammaanka qaranka iyo taliyayaasha booliiska iyo nabad sugida, waayo inta uusan weerarku dhicin ka hor ayay ahayd in ciidanka booliiska iyo nabadsugidu ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxda alshabaab, maadaama ay horay u hayeen hanjabadahooda, nasiib daro ma aysan dhicin taasi.

Arrinta labaad ee meesha ka muuqata ayaa waxay tahay in ciidanka illaalida madaxtooyada ay is dhigteen, isla markaana aysan u tababarnayn sida deg dega ah ee ay u hawlgeli karaan, ugana jawaabi karaan hadba sida ay xaaladu isku beddeli karto, taasina waxay argagaxisada u sahashay inay gudaha u galaan aqalka madaxtooyada, oo ay bartilmaameedsadaan masjidka uu madaxweynuhu ku cibaadeysto. waxayna wararku sheegayaan inuu madaxweynuhu usoo socday masjidka. haddaba su’aashu waxay tahay, sideebay argagaxisadu ku heshay warkaasi? Tan kale miyayasan meesha ka muuqan in qaar ka mid ah shaqaalaha iyo ciidanka madaxtooyada ay si dadban ula shaqeeeyeen, una fuddudeeyeen weerarkaasi Al-shabaabka fullisay? Jawaabaha dadka ku shaqada leh ayaan u daayay.

Si haddaba, looga gaashaanto weerarada noocaan oo kale ah, loona xaqiijiyo ammaanka hay’adaha dawlada, goobaha adeegyada bulshada, safaaradaha, xafiisyada hay’adaha Q/midoobay iyo ammaanka dadweynahaba, waxaan usoo jeeddinayaa madaxweynaha iyo dawladaba inay qaaddaan talloobooyinkaan soo socda:-

  1. In waddanka la geliyo xukun xaalad deg deg ah (martial law), inta dalka laga xoreynaayo argagaxisada Al-shabaab.
  2. In in xil ka qaadis iyo xabsi la isugu daro taliyayaasha ciidanka illaalada madaxtooyada, isla markaana ammaanka madaxtooyada, safaaradaha, iyo hay’adaha Q/midoobay lagu wareejiyo ciidamadda uu tababarkoodu sarreeyo ee gaashaan (Alpha Group).
  3. In la beddelo la taliyayaasha dhinaca siyaasada iyo ammaanka qaranka ee madaxweynaha.
  4. In baaris iyo dib u habeyn lagu sameeyo dhammaan shaqaalaha ka hawlgala madaxtooyadda.
  5. In xil ka qaadis lagu sameeyo wasiirada ariimaha gudaha iyo ammaanka qaranka, isla markaana shaqada taliyenimo laga ceyriyo taliyayaasha ciidamada booliiska iyo nabadsugida.
  6. In maamulka nabadsugida iyo mushaaraadkoodaba si ay toos ah ugu xirnaadaan xafiiska madaxweynaha, si aysan u dhicin musuqmaasuq iyo wax isdabo marin, isla markaana la xoojiyo tababarkooda.
  7. In Al-shabaab haatan lagu haayo xabsiyada loo wareejiyo goobo qarsoodi ah, isla markaana si kmg ah loogu xilsaaro illaaladooda  ciidan aan Soomaali ahayn.
  8. In taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo nabadsugidu ay noqdaan saraakiil kasoo jeedda gobolada kale ee dalka, halkaas waxaa ku yaraanaysa cillaaqaad ay kooxda Alshaab la yeelato saraakiisha ciidamadaas.
  9. In duullaan saf mar ah lagu qaado saldhigyada ay kasoo duullaan argagaxisada Alshabaab.
  10.  In shabaabka la qabto iyo kuwa isi soo dhiibbaba lagu fulliyo xukun dil ah.
  11. Iyo In deeqaha dawlada la siiyo lagu bixiyo mushaaraadka ciidamadda.

 Salaamulaahi. 

W/Q: Abdinasir Mahamud Omar (Seero)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid

 

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>