Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

AXMED MADOOBE oo raacay waddadii Gen. Morgan & Col Axmed Cumar Jees

$
0
0

Axmed Madoobe oo lagu doortay shirkii Kismaayo ka dhacay inuu madaxweyne u noqdo maamulka Jubaland oo ay ku midoobeen gobollada Jubooyinka iyo Gedo kadibna  dagaalo iyo muran gobolladaasi hareeyey loo qabtay shirkii Adis Ababa kaasi oo loogu aqoonsaday inuu yahay (Hogaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba) ayaa iminka la soo baxay dhaqamo shaki iyo muran geliyey hoggaankiisa.

Waxaana muuqata inuu qaaday wado ay uga horeeyeen Gen, Moorgan iyo Col, Ahmed Cumar Jees kuwaasi oo xilli ay ka talin jireen Kismaayo sameeyey gabood-fallo ka dhan ah qabiilada kale ee deggan magaalada Kismaayo. Waxaana ay isku soo gadaameen taliyayaal iyo maleeshiyaad iyaga ku heyb ah, kuwaasi oo ka shaqeeya falalka kala fogeynaya shacabka wada dhistay maamulka ay dowlada aqoonsan tahay ee Jubba.

Taliyaha nabadsugida Kismaayo, taliyaha ciidanka Jubooyinka, Taliyaha Booliska iyo dhamaan laamaha ammaanka Kismaayo waxaa gacanta uu Axmed Madoobe u geliyey rag kasoo jeeda reerkiisa  (Kablalax) waxaana  ay taasi muujineysaa inuu maamulkaasi ka maran yahay (Nidaamka wax qeybsiga dadka deegaanka).

Ma dadka kale ayey ammaanka ka jecelyihiin? Ma  iyagaa ka muwaadinsan oo ammaanka uga fiican? Aniga  sheekadaasi ima sullin/ima gelin.  Waxaanse u qaatay inay tahay (Gurbaan gacantaada ha kuugu jiro ama gacalkaaga ha kuu haayo) haddii ay taasi timaadana, maxaa na loo yiri maamulka Jubba ummaduu u dhexeeysaa!!!.

Waxaase kasii daran arrintaasi  dilalka joogtada ah iyo xasuuqa loo gaar yeelay reer kaliya ee ka dhacaya magaalada Kismaayo. Waxaa geysanaya ciidanka hubka loo dhiibay ee qoyska ah. Haddana markii maamulka Jubba la weydiiyo cida ka danbeysa dilkaasi waxa kaliya oo ay  ku jawaabaan waa ” Ma naqaan waxa dilay dadkaasi? Hadde yaa dilay dadkaasi haddii aysan ciidan kale magaalada joogin?. Waxay qaarkiin dhihi doonaan, waxaa dilay Al-Shabaab?. Al-Shabaab nin maskiin ah oo aan siyaasad ku jirin maxay ka dilayaan? Intii aysan maamulka Ahmed Madoobe imaan kismaayo dadkaasi waa joogeen mana aysan dili jirin Al-Shabaab, Maxaa maanta ku dheeri ah?.

Maanta ayaan mar aan soo maray maqaaxi ku taala QACLE ee Kismaayo waxaan dhagaheyga soo jiitay dood ay is dhaafsanayeen dadka deegaanka Kismaayo, gaar ahaan kuwa loo gaar yeelay dhibaatada Dilka iyo booboo ah ee ka dhaca magaalada Kismaayo. Waxaana si gaar ah uga helay  hadal u muuqday inuu gar yahay oo aan la aqoon  sida ay uga jawaabi doonaan maamulkan dhinaca ka raran ee Jubba.

Waxaa uu yiri odeyga “Adeerayaalow, waxaan aniga garan waayey dooda ah Al-Shabaab ayaa disha dadka beesheena looga dilay Kismaayo!!. Kaalay maxaa diiday inay Al-Shabaab dilaan beelaha kale ee Kismaayo nala degan? Waliba kuwan ay dagaalka kuwada jiraan ee magaalada hubka ku heysta? Mise meesha Al-Shabaab kuma jirtee waxaa ina guraya waa Ahmed Madoobe iyo xertiisa oo inoo sheeganeysa maamul (Magac u yaal ah)?” Markii ay intaasi afkiisa kasoo baxday ayaa waxaa goobta is  qabsaday sacab iyo u riyaaqid hadalkaasi dowga ah.

Aniga oo sii jecleysanayey in aan hadalka odeyga halkaasi looga harin ayaan waxaan soo dhinac fariistay odeyga oo aan weydiiyey magaciisa. Waxaana si dhib yar uu iigu sheegay inuu yahay Maxamed Cilmi Nuur, kadibna waxaan iri : Odayaashiina ma awoodi weyseen inaad Ahmed iyo Fartaaga ku daaban wax u sheegtaan? Qosol yar inta uu hadalkiisa ka hormariyey ayuu  iiga sheekeeyey dhacdo horey uga dhacday Kismaayo oo waliba dadku wada garanayaan.

Xilliga dhacdadaasi ayuu ku sheegay inay aheyd  markii ay Kismaayo madaxda ka ahaayeen Gen, Moorgan iyo Col, Ahmed Cumar Jees. Waxaa uu sheegay in sidan oo kale dad aan labadooda ku heyb aheyn si joogta ah loogu dili jiray Kismaayo kadibna ay isku dayeen inay raggaasi kula taliyaan wax ka qabashada dhaqan xumadaasi iyo gumaadkaasi dadka gaar ka ah, haddii kale ay dhaxli doonaan dagaal adeg oo kasoo wajaha dadka kale.

” Adeer, Ahmed Madoobe nin talo qaadanaya ma ahan. Maxaa yeelay waxaa uu leeyahay dabeecadihii Gen, Moorgan iyo Col, Ahmed Cumar Jees kuwaasi oo maleeshiyada ay leeyihiin dadka ku xasuuqi jiray,marka loo tagana waxay diidi jireen inay kaala hadlaan waxa ay faleen ciidankooda. Taasi waxay calaamad u tahay (Maleeshiyo iyo hoggaankood oo isla og waxa ay sameynayaan). ” ayuu yiri Odey Maxamed Cilmi oo intaasi kusii daray:

“Hadal haddii uu wax ka badelayo waxaa ugu filan inta aan usii marino Gen, Fartaag oo isaga hayin u ah laakiin aan waxba laga qaban warkiisa. Wax waliba ee uu sameynayo waxaa uu rabaa inay la wadaagaan Macalin Maxamed, Gen, Darwiish iyo Prof, Gaandi wixii intaasi kasoo hara cidi ma dhageysato. Kuwaasina waxaa ay ka fakaraan sidii reerka (Kablalax u noolaan lahaayeen, inta kalana loo gumaadi lahaa), waase haddii ay sii soconeysee” ayuu yiri odey Maxamed Cilmi.

Heshiiskii Adis Ababa oo awalba dhinaca ka rarnaa oo aan rabitaanka shacabka deegaanka ku imaan ayuu xitaa Ahmed Madoobe hirgelin waayey. Waxa uu ka qaatay qodobada uu jecel yahay, waliba midka oranaya (Maamulka Axmed Madoobe way aqoonsan tahay DFS) wixii intaasi kasoo hara oo lahaa in ciidanka banaanka jooga la soo celiyo, shir dib u hishiisiin oo Kismaayo lagu qabto, dekeda iyo garoonka oo lagu wareejiyo dowlada Soomaaliya. Qodobadaasi oo dhan waxa uu ka qabaa Axmed Madoobe xasaasiyad.

Dowlada Soomaaliya ayaa iminka u muuqata mid ku fashilantay la xisaabtanka maamulka Kismaayo iyo dhowrista wixii horey loogu hishiiyey. Sidoo kale dowlada Ethiopia ayaa waxay iminka quus soo siiyey Axmed Madoobe oo loo sheegay haddii uusan wax iska badelin inuu halis kala kulmi doono ciidanka banaanka Kismaayo joogo iyo Col, Barre Aden Shire (Hiiraale).

Ummad hoggaaminteeda waxaa lagu kasbadaa in la iska beri yeelo nin jecleysiga, abaabulida dilal qabiileysan iyo fogeynta ummada inteeda waxtarka leh.

Soomaalida was dad murti badan oo waliba maahmaahyo ka sameeyey marxaladkasta iyo muuqaalkasta oo qofi yeesho ama maamul yeesho. Waxaan maanta intii aan qoraalkan qorayey igu soo dhacday maahmaahda dhaheysa ( Tuke waa leeyahay nasiib uu caano ku arko, mase leh calaf uu ku cabo caanahaasi) Mid kale ayaa leh ( Nin aan tallinjirin haddii uu taliyo, waxaa taga nin aan tegi jirin). Tu kale waxay leedahay ( Reerkii halaag lala doono midkooda ugu doqonsan ayaa madax looga dhigaa). Waxaasi oo dhan waxaa maanta ku sifeysan Ahmed Madoobe.

Taariikhda la soo maray waxay dadka garansiisaa inay wixii qaldanaa dib u saxaan si ay horumar u gaaraan, laakiin taasi Ahmed Madoobe iyo xertiisa dhinaca kale ayey u akhriyeen oo waxay dib u raaceen raadkii ay ku caano yareeyeen Gen, Moorgan iyo Cumar Jees. Waana hubanti ay ku cimri-gaabin doonaan oo ay dib uga shalaayi doonaan.

“Nin meelu u cadahay, meeli ka madow” ayaa horey loo yiri. Ahmed Madoobe tallin kama heyso ee dhameystirka falkii guracnaa ee uu ka sameeyey Dhoobleey 2006 ayuu daba socdaa kaasi oo ah inuu magaaladaasi ku dhameystiray DHAAWAC rag kasoo jeeda beelaha kale ( Dunida kama dhicin gaal iyo Islaam qof sidaasi sameeyey) Malaha taasi Gen, Fartaag, Col, Yaasiin Raadeer iyo kuwa kale ee wasiiro beeneedka la siiyey waa ka indho’la’yihiin.

Ra’iisul wasaaraha Dalka Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed iyo madaxda kale ee Dowlada  ayaa looga fadhiyaa soo faro gelinta howshan guracan ee Kismaayo ka socota. Waxaa kaloo la sugayaa waa in la xogwareyso Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xersi oo Muqdisho ku sugan, waxa uu halkaasi uga soo tagay  iyo xummaanta loola bareeray dadkiisa oo uu horey uga aamusnaa. Malaha odeyga markii uu Kismaayo joogay cabsi ayaa heystay ee hadda waa hadli karaa!!.

Waxaan qoraalkeyga kusoo xirayaa Kismaayo waxay riman tahay ama sidaa fool adeg oo ka culus waxa ay filanayaan Maamulka Ahmed Madoobe. Waxaana iman doonta maalin uu shalaay taagan yahay Ahmed Madoobaha qaaday raadkii Gen, Moorgan iyo Cumar Jees.

W/Q: Axmed Maxamed Maxamuud
Kismaayo, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid

 

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>