Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1175

Dagaalka hoose ee lagu hayo Hawiye

$
0
0

Qaraxyada Al-Shabab Waa Xasuuqa Beesha Hawiye!

Waxaa  bulshada ka wada nixiyay qaraxii foosha xumaa ee argagixisada ay ka geeysatay magaalada Buuloburde, laakiin dhanka kale waxaad moodaa in arintaas ay far waaweyn ku qortay in qaraxyada al shabab ay beegsadaan deegaan gaar ah iyo qabiil gaar ah, waxaan taa u leeyahay al shabab waxaa laga qabsaday shan degmo oo qaarkood ay yihiin degmooyin waaweyn oo ay saldhigyo muhiim ah ku lahaayeen intaba wax qarax ah kama dhicin, maxaa Buuloburde oo degmo yar ah xasuuqa loogula kacay?

Qofka dib u milicsada qaraxyada alshabab wuxuu aad u fahmayaa ujeedada dhabta ah ee laga leeyahay oo ah xasuuq lagula kacayo beesha hawiye.

Horay waxaa jiray tuhun ka nuucan ah, sababtoo ah qaraxyada iyo dagaalka Al-Sshabab waxey ku koobnayeen Muqdisho & Baladweyne & Dhuuso Mareeb oo hadaad dib ugu fiirsato.

- Qarixii Baladweyne ee xiligii sheekh shariif ay ku geeriyoodeen odayashii dhaqanka iyo siyaasiyiintii muhiimka ahaa.
- Qarixii Hotel shamoow ee foosha xumaa.
-Qarixii Ardeyda ee Hargaha iyo saamaha.
-Qaraxayadii maqaayada Village.
-Qarixii Shirkii Dhuuso mareeb.
-Qaraxyadii B/weyne ee ugu dambeeyay.
-Qarixii Hotel jazeera ee Muqdisho.
-Weerarkii Villa Somalia.
-Weerarkii Maqaayada Yaqshiid.
-Qarixii ugu dambeeyay ee Buuloburde

Weli ma argteen Qaraxyo kuwan oo kale ah oo ka dhacay Gobolada Dalka kama Hadlaayo Bambo Gacameed ama miino meel cid la ah ku qaraxday.

Intaa waxaa sii dheer dilalka qorsheysan ee lagu dilo indheer garatada Hawiye sida Weriyaasha ka howlgala Muqdisho iyo B/weyne bal adba is weydii weriye Gobolada kale lagu dilay ma maqashay weli !!

Waxaa sidoo kale ay dilaan Nimankaas Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye iyo Ganacsatada iyo Aqoonyahanada iyo weliba Culimada Diinta.

Taas waa mid cad oo ay Bulshadu Horay u hadal heysay maantana noo sii cadaatay adba waxaad is weydiisaa weli qarax gilgilay ma maqashay Kismaayo ama Marko ama Baydhabo ama Xudur ilaahey ha qabto dhibtee.

Maahan inaan Xumaha la Jeclahay Gobalada kale laakiin waa tusaale aan isku barbar dhigayo ileen intaba shabaab waa laga qabsaday maxeey Ku dhaafeen kuwaas oo magaalooyin waaweyn ah degmooyin keenane ay u xasuuqayaan.

Gunaandkii waxaan leeyahay Waxa loo Dan leeyahay waa adinkee Is ilaaliya oo Midnimo Muujiyay Hana la isku Gurmado Ku shaarka diinta nagu xasuuqayana shanta farood aan isaga dhcino Shacab iyo Askar – Culimo iyo Aqoonyahan Intaba Hana la ogaado Dagaalkan waaa mid aan loo kala Hareynin.

W/Q: Rashiid M Rashka

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1175

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>