Ka dib markii aan muddo badan insha ku hayey xaaladaha ay ku sugan tahay Dowladda Federaalka iyo waliba caqabadaha ka haysta dhinacyada Amniga Siyaasadda iyo la wareegidda talada Dalka,Waxaa ii soo baxday in ay Dowladdu leedahay Labo cadow oo kala daran.Labadaaasi cadow ayaa kala ah cadow muuqda iyo mid qarsoon.
Labadan cadow ee aan soo sheegnay ayaa kala ah mid muuqda iyo mid qarsoon,Waxaana isku dayi doonaa inaan mid kasta sharxo Anigoo xooga saari doono cadowga qarsoon maadaama uu yahay Mowduuca aan kaga hadlayno Maqaalkan si loo fahmo dhibaatada haysta Dowladda federaalka.Hadaba maxay kala yihiin Labadan Cadow ?
Cadowga Muuqda
Cadowga muuqda ee ay leedahay Dowladda Federaalku waa Xarakada Al-shabab oo wareedu cad yahay,Waxa ayna Dowladdu isku hayaan cidda maamulaysa Dalkan inkasta oo lagu kala duwan yahay sida loo maamulayo iyo waxa lagu maamulayo.Xarakada Al-shabab ayaanan qarsan cadaawadda ay u hayso Dowladda Federaalka iyo Maamulada kale ee dalka ka jira,Waxa ayna markasta ku celcelisaa in ay xukunka ka tuuri doonto Dowladda.
Maadaama uu cad yahay dagaalka ay Xarakada Al-shabab kaga soo horjeeddo Dowladda Federaalka iyo Saaxiibadeeda uma baahnin inaan wax badan faahfaahino colaadda ka dhaxeysa Labadaas dhinac waayo Qof kasta waa uu og yahay dagaalka ka dhaxeeyo Dowladda iyo Al-shabab.
Cadowyada qaroon
Cadowyada qarsoon ee ay leedahay Dowladda federaalku waxa uu ay u qeybsamaan ilaa Sedex Qeybood, Oo aan mid kasta dib ka faahfaahin doono Anagoo keeneyna tusaalooyin cad cad oo muujinayo cadaawadda ay u qabaan dhinacyadaasi Dowladda, Waxa ayna kala yihiin sidatan.
-Maamul Goboleedyada (Buffer Zones)
-Dowladaha Dariska
-Ururada loo yaqaano NGO-yada
1-Maamul Goboleedyada
Maamul Goboleedyada ka jira dalka waa codowga qarsoon ee hortaagan in ay shaqeyso Dowladda Federaalka,Waxa ayn had iyo jeer ka shaqeeyaan sidii loo fashilin lahaa dadaalada ay waddo Dowladda Iyaga oo u adeegsanayo Dowlado cadow ku ah Dadka Soomaaliyeed.Maamuladan ayaa mararka qaar sheego in ay jecel yihiin in ay xoogeysato Dowladda laakiin marka aad u fiirsato hab dhaqankooda waxaa kuu soo baxaysa in ay yihiin caqabad weyn ku yihiin Dowlaadda.
Tusaale ahaan Maamulka Somaliland waxa ay sheegaan in jecel yihiin in ay dego Koonfurta Soomaaliya,Sidoo kalena ay dhibaatada ka baxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadaasi laakiin hadana ma jeclo Maamulkaasi in ay xoogeysato Dowladda Federaalka, Iyagoo u arko haddii ay xoogeysato Dowladda in ay qatar ku tahay gooni isutaagooda,Waxaana tusaale u ah qayladii ka baxday Maamulkaasi markii Dowladda laga qaaday cunaqabateyntii hubka.
Puntland ayaa ah cadowga ugu mu’aamarada badan ee ay leedahay Dowladda, Waxa ayna had iyo jeer ka shaqeysaa sidii ay u fashilin lahayd Dowladda Iyadoo kaashaneysa Cadowgii soo jireenka ahaa,Waxaana tusaale u ah dhibaatadii uu Faroole ku hayey Dowladda intii uu Madaxweynaha ka ahaa puntland.Kooxda puntland maamusha(Siyaasiyiinta) ayaa aaminsan Fikradda oroneysa Cadyahow ku cunay ama ku ciideeyey.
Suufiyada ayaa ah cadowga qarsoon ee ay leedahay Dowladda Federaalka,Waxa ayna ka hortaagan yihiin Dowladda in ay la wareegto Maamulka Gobolada Dhexe Iyagoo doonayo in ay Maamulka deegaanadaasi hoos geeyaan Xabashida,Waxaana tusaale u ah sidii ay ula dhaqmeen Waftigii ay Dowladda u dirtay Gobolada Dhexe.
Nimankan Suufiyada ayaa isku darsaday bidco faafin iyo in ay dadka Soomaaliyeed u gacan geliyaan Xabashida gaar ahaan Dadka ka soo jeeda deegaanada loo yaqaaano Soomaali Galbeed, Laakiin waxa aan rabaa inaan u sheego Maanta Kooxdan baadida ah in ay jirto Maalin lagula xisaabtami doono Dadkii ay u gacan geliyeen Xabashida.Ilaahay idin fadeexeeyey Alla maxay Diin ka been sheegeen.
Kooxda Raaskaanbooni,Galmudug,Ximan iyo Xeeb iyo Koonfur Galbeed waa cadowyada qarsoon ee Dowladda lagu saladay, Maxaa yeelay waxa ay ku howlan yihiin sidii loo fashilin lahaa Dowladda Federaalka, Iyagoo Kaashanayo Dowlado cadow ku ah Dadka Soomaaliyeed waxaana nagu filan waxyaabihii ka dhacay Magaalada Kismaayo.Kooxda Raaskanbooni ayaa marar badan bahdishay Wafuud ka socotay Dowldda oo booqatay Kismaayo.
Dhamaan Kooxahani Soomaalida ayaa ka siman in ay ku hadlaan hadalo fiican marka ay la hadlayaan Warbaahinta laakiin marka aad u fiirsato hab dhaqankooda iyo waxa ay ka wadaan Gobolada ay Maamulaan Waxa kuu soo baxayso in caqabad ku yihiin Dowladda.Maamuladan ayaa si toos ah uga amarqaata cadowga Umadda Soomaaliyeed,Waxaana kuu daliil ah sida loogu qulqulayo Adis. Buffer Zone iga dheh
2-Dowladaha Dariska
Dowladaha Dariska marka laga reebo Dowladda jabuuti waa cadowga qarsoon ee hortaagan in ay shaqeyso Dowladda Federaalka lana wareegta talada Dalka Iyagoo marba isticmaalayo farsamooyin kala duwan.Mar ay isticmaalaam saameyntooda ay ku leeyihiin Midowga Africa iyo Urur Gabaleedka IGAD iyo mar ay isticmaalaan Siyaasiyiin Diin laawayaal ah oo uu ka dhintay damiirkii Soomaalinimo.
Dowladahan ayaa in mudda ahba ku howlanaa inaanan marna la helin Dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh,Waxaana taasi cadeeyey Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Ara Moi mar uu ka hadlaayey Jaamacad ku taallo Dalka Maraykanka.Dowladaha Dariska ayey ka go’an tahay in Soomaaliya loo qeyb qeybiyo Gobolo yar yar oo ay ka taliyaan Siyaasiyiin Iyaga ku xiran sida hadaba ka jirta Dalka.
3-Ururada loo yaqaano NGOS
Ururada loo NGOS-ka waa cadowga qarsoon ee hortaagan in la helo Dowlad Soomaaliyeed maxaa yeelay waxa ay lunsadaan Malaayiin Dollar oo ay ku soo qaataan magaca Dalka Soomaaliya,Waxaana daliil u ah waxqabad xumida ka muuqata howlaha ay qabtaan haday ahaan lahayd dhinacyada Gargaarka,Waxbarashada iyo Caafimaadka.
Ururadan ayaa isugu jira Soomaali iyo Ajanabiba,Waxa ayna had iyo jeer canbaareyn la daba taagan yihiin Dowladda, Iyagoo mar walba soo saara Warbixino ka fog xaqiiqda si ay jahawareeriyaan Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya si ay u sii maamulaan lacagaha farada badan ee loogu deeqay Dalka Soomaaliya.
Dhamaan cadowyadan qarsoon ee aan ka soo hadalnay waa kuwa ay la kici la’dahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya laakiin marka ay hadlayaan waxa ay sheegaan in ay garab taagan yihiin Dowladda iyo Hogaankeeda laakiin marka aad u fiirsato habdhaqankooda waad la yaabaysaa tusaale ahaan kuwa isku sheega Beesha Caalamka ma ogola in ay Dowladda soo iibsato hub waaweyn si ay u dhisto ciidankeeda.
Kuwa Soomaalida sida Somailand, Puntland, Suufiyada, Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Raaskanbooni iyo Koonfur Galbeed dhamaantood waxa ay ka siman yihiin hadal macaanka laakiin ficiladooda waxa aad ka arkaysaa in aysan dooneyn in ay xoogeysato Dowladda Iyaga oo u baqayo danahooda gaarka ah Sidoo kalena fulinayo Ajandayaasha codowga.
Gaba gabadii waxaan kula talin lahaa Dowladda Federaalka talooyinkaan hoos ku qoran
1-In ay Dowladdu dagaal dublamaasiyeed ku qaaddo Maamul Goboleedyada kana soo xirto albaabo badan marka laga reebo arimaha Humanitarianka si loo joojiyo is garbayaaca.
2-In aysan Dowladdu ogolaanin Wax la yiraahdo Jabhado in ay ka howl galaan Dalkan Shabab ka dib Magacay rabaanba ha sheegtaane.
3-In ay Dowladdu iska diiddo faragelinta ka imaaneysa Urur Goboleedka IGAD oo aad mooddo in uu ka talaabay Xadkii u yaalay,sidoo kalena qatar ku ah Madaxbanaanida Dalka.
4-In Baarlamaanku soo saaro Sharciyo ka mamnuucaya Shirkadaha iyo Hay’adaha in ay howlo ka qabtaan Gobolada Dalka gaar ahaan baarista Shidaalka iyo Macdanta Iyaga oo aan soo marin Dowladda Federaalka.
5-In ay Dowladdu dhisto ciidamo gaar oo ka nadiif ah Qaadka,Sigaarka iyo heesaha kuwaas oo hub ka dhigis ku sameeya Maleeshiyooyinka Suufiyada iyo kuwa Raaskaanbooni ee dowlad diidka ah.
6- In ay Dowladdu maamulkeeda gaarsiiso deegaanada ay maamulaan Maamulka Khaatumo,Sidoo kalena ay ka furato Xeryo ciidan si ciidamadaasi loo isticmaalo marka loo baahdo.
W/Q: Cabdullahi Ibrahim Cumar
Abdull2006@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid