Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

WAA LOO DHAN YAHAY (W/Q C/Kariim)

$
0
0

Muddadii ugu dambeysay hal-ku-dhegyada dhegaheennu ay ka daaleen waxaa ka mid ahaa “Looma dhama” taasoo inta  badan ku saleysan dano shaqsiyadeed, dano kooxeed, dano siyaasadeed, dano qabyaaladeed iyo dano shisheeye.

Waxaa inta badan ku halqabsada qof ama koox ka dhex weysay danteeda arrin lagu heshiiyey hadii ay noqon lahayd dowlad la dhisay, gole la yagleeyey ama mashaariic kaleba.

La yaab ma leh inaad aragto in hal qabiil uu kala raacsan yahay saddex meelood sida laba maamul goboleed iyo dowlad, midna uu kala raacsan yahay maamul goboleed iyo dowlad.

Waxaad arkeysaa sida maalmahan soo if baxaysa inay kooxo isu tagaan kuna hadaaqaan dowladda aqoonsigii waan kala laabannay iyagoo weliba xubno ku leh Golayaasha dowladda.

Arrimahaasi oo dhan waxay daliil u yihiin inuusan wax mab’da ah aysan ku saleysnayn oraahda “looma dhamo” balse ay ku saleysan tahay dano shaqsi  gaar ah ama koox gaar ah.

Sidaasi darteed mar haddii aad maqasho oraahdaasi ha u qaadan mid inta badan daacad ku saleysan balse ka feker caksigeeda, waayoo haddii koox isku tagto oo aysan xumaan ku heshiinin sida dumin nidaam dhisan balse wanaag ku heshiiyaan, taasi waa sulux oo uu Allah ku tilaamay inuu suluxu khayr yahay.

Haddaba, gogol dhiggaasi waxaan uga golleeyahay inaan wax yar tooshka ku ifiyo dhibaatooyinka maanta dalkeenna ka taagan oo ay ugu horreeyaan dilalka qorshaysan iyo qaraxyada inta badan galaafta dad maati ah oo aan dembi galabsan, dhaca hantida qaranka, kala dhaltaalidda midnimada somaliya, duminta qaranka iyo kala qoqobka shacbiga Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Haddaba, dhibaatada Soomaaliya ka taagan waxaan oran karnaa inay tahay mid loo wada dhan yahay oo mas’uuliyaddeeda ay yar tahay cid ka baxsan karta ha ahaadeen dagaal oogayaasha, shisheeye kalkaalayaasha, dawladihii  KMG ee isaga dambeeyey xukunka dalka,maamul goboleedyada, ururrada diimeed , kuwa shaarka diinta ku dagaallamaya, odayaasha dhaqanka iyo qabaa’ilka guud ahaan. Sababtu maxay tahay?

Dadka ayaa waxay u qaybsameen kooxo uu Sh Maxamuud Shible u qaybiyey Dabin Muslim iyo Dar Muslim

Sheekhu wuxuu qormadiisa ku qeexay:

“Dabin Muslim: Waa qof ka shaqeeya shirqoolka & lugooyada muslimka asaga oo adeegsanaya xeelado kala duwan oo hadba waji cusub leh, sida badanna aan dadku si fudud ku garan karin.

Dar Muslim: Waa qof waxa uu samaynayo daacad ka ah, qaladkii ka dhacana aan dhibaato Muslim ula jeedin sida badan, waana laba nooc dadkaasi:

1. Dhug qabe: Waa qof fiira leh, waxa dhacayana dhugan kara hadba heer ay noqotaba, qofka noocaas ah ma badna in waqti dheer la siro, ama lagu fuliyo mardabo wayn oo uusan garanayn, Muslimka sidaas ahna waa midka aan god laba jeer laga wada qaniinin.

2. Damane: Waa qof daacad ah laakiin damiin ka ah dagitaanka, mana qaado dareen dhow ilaa uu gaadho meel fog, waxaa dhici karta in la adeegsado dadkana lagu dago hadii uu sidaas u damanyahay.”

Kooxahaas sheekhu sheegay weligood wey jireen laga soo bilaabo xilliyadii gumeysiga balse waxay aad u soo if baxeen dhiciddii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib.

Kooxahani wuxuu hawlgalkoodu si aad ah u bilowday  SHIRKII ELDORET EE 2002 oo aan oran kara wuxuu la mid ahaa kii BARLIN ee 1884 ee lagu qaybiyey dalka Soomaaliya.

Wareysi uu bixiyey Xaaji Muuse Suudi 12 sano ka hor  ayuu shirkaasi ku tilmaamay shir lala roorayo oo aan shir Soomalaiyed u ekeyn uusana ahayn mid ka tarjumaya danaha Soomaalida, midnimadeeda balse koox gaar ah oo dano gaar ah leh  dooneysay inay xoog ku melmariso looguna talagalay in dalka lagu burburiyo dadkana qoryo la isugu dhiibo oo colaad cusub la abuuro.

Wuxuu kaloo Xaaji Muuse wareysigiisa ku caddeeyey in qoraalkii laga soo saaray ELdoret lagu cadeeyey in dadka Soomaaliyeed aysan isku af ,isku dhaqan aha, isku diin iyo dad ahayn.

iyadoo haddaba cadawga Soomaaliyeed adeegsanaya Dabin Muslim iyo Dar Muslim oo marka hoos loo sii dhigo ah Dabin Soomaali iyo Dar Soomaali ayay shirkii Eldoret ahaa kii Soomaalida loogu qaybiyey maamul-goboleedyo qabaa’il ku dhisan oo la doonayo inay noqdaan Federaal laga maamula Ethiopia iyo Kenya.

Waxaa iminka soo muuqda lugahana lala galay ifafaalaha Shirqoolladii lagu maleegay Shirkaas waxaana ka dhashay maamul goboleedyada isdaba yaacaya iyo madaxweynayaashooda,dagaallada ka dhex oogin qabaa’ilka Soomaaliyeed ee isla dega iyo isu hub urursiga kuwa aan weli dagaallamin.

Waxaa ka dhashay dilalka qorsheysan ee kooxba kooxda horjeedda xasuuqda, waxaana arrinkaas u dhan oo aad arkeysaa  siyaasi siyaasi dilaya, suxufi suxufi dilaya, ganacsade ganacsade kale dilaya, aqoon yahan aqoon yahan kale dilaya, suufi suufi kale dilaya, shabaab shabaab dilaya, dhaqtar dhaqtar kale dilaya iwm.

Waxaa xaqiiqo ah in Allah hortiisa uga jawaabi doona nafaha muslimiinta ay galaafteen, lugooyada ay muslimiinta Soomaaliyeed la damacsan yihiinna sida gumeysiga ay dalka ku soo hoggaamiyeenna ALLAH ayaa ka abaal marin doona, aayaddan ayaana hortaal:

wa man yaqtul

 Dilalka qorsheysan ee ka dhaca dalka guud ahaan iyo kala qaybinta dalka  “Waa loo dhan yahay”

Dilku maaha in qofku qofka kale toos u dilo, balse qof kasta ee ka qayb qaaata dilka qof kale si kastaba ha uga qayb qaatee waa uu dilay.

Haddaba, shirqoolada la maleegayo ee loo dhan yahay, waxaa xaqiiqo ah in mar uun qofkii maleegay ay inta uu dunida joogo ciqaabteeda la kulmayo sida uu Allah aayaddan noogu sheegay:

istikbaar

Haddaba, qofku inta uu nool yahay wuxuu haystaa fursad uu uga laabto Allaha abuuray, dembi dhaafna ku weydiisto, sidaasi darteed inta nool ee ku lugta leh hagardaamada loo maleegay dalkeenna inay inta goori goor tahay ka dhex baxaan, Allahna dembi dhaaf weydiistaan, dalkooda iyo dadkoodana daacad u noqdaan,waayoo bururinta dalka Somalia iyo dadkooda Muslimiinta ah waxay la mid tahay burburinta diinta Islaamka.

Ugu dambeyntii aan u dhammaanno khayrka isugula kaalmeyno wanaagga, balse yaanan isugu kaalmeyn dembiga iyo cadaawada.

وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان واتقوا الله

إن الله شديد العقاب

W. Q. Cabdikarim Xaaji Yusuf

dulqarnayn114@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>