Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Markaad u fiirsato arrimahan ayaad la yaab ku arkeysaa siyaasada Somalia

$
0
0

Siyaasiyiinta Soomaalida oo aan lahayn aragtidii lagu hogaamin lahaa dal, Sidoo kale u qaatay Shacabkii Soomaaliyeed Masaakiin loo sheegi karo wixii la rabo‏

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa noqday masaa’ib loo soo diray Umadda Soomaaliyeed,Waxa ayna noqdeen kuwa aan aqoon iyo waayo aragnimo midna u kordhaynin waana sababta igu kaliftay inaan Maqaalkaan qoro una sheego in ay Soomaali iska qaban doonto haddii aysan Xal deg deg ah la imaanin.

Qofka Siyaasiga ah caadiyan waxa uu Siyaasadda u galaa inuu wax saxo gaar ahaan haddii ay wax ka khaldan yihiin hanaanka dowladnimo sida Siyaasadda,Cadaaladda iyo la dagaalanka Musuq maasuqa, Laakiin meel meeshaan ah waxaa Siyaasadda loo galaa in wax lagu xado waxna lagu dumiyo.

Labaatan Sano ka dib, Waxa ay Siyaasiyiinta Soomaalida ah wili u muuqdaan kuwa aan waxba ka baran wixii la soo maray Dalkan hadday ahaan lahayd khilaafaadka Siyaasiga ah iyo loolanka ka dhaxeeya Beelaha,Waxa ayna mar walba ku celceliyaan the same Scenario taasoo keentay in ay Waqti badan ka lumiyaan Umadda Soomaaliyeed ee dhiban.

Waxaa soo maray Siyaaasiyiinta Soomaalida fursado badan oo lagu nabadeyn karay dalka Soomaaliya, gaar ahaan intii aysan soo bxin kooxahan Islaamiyiinta ah sida Maxkamadihii Islaamiga iyo waliba Xarakada Al-shabab,Waxa ayna Siyaasiyiinta gacanta ku hayeen dhamaan goboloda Dalka hadday ahaan lahayd Waqooyi ama Koonfurt,Laakiin nasiib daro kama aysan faa’iideysan fursadahaasi waxa ayna dalka u horseedeen burbur iyo baaba’.

Tusaale ahaan Siyaasiyiinta Waqooyiga waxa ay ku dhawaaqeen gooni isutaag aan laga fiirsan, Iyaga oo aan waliba weydiisan in laga soo garbaxo,Sidoo kalena laga qanciyo dhibaatadii ay u gaysatay Dowladda Dhexe.Kuwa Gobolada Waqooyi Bari waxa ay Iyagana dhiseen Maamul Goboleed ku salaysan hab Federaalism ah Iyadoo aan afti laga qaadan Shacab weynaha Soomaaliyeed.

Kuwii Koonfurta waxa ay awoodi waayeen in ay nabad ku soo dabaalaan Koonfurta, Sidoo kalena ay raadiyaan qeybihii kale ee Waqooyiga si dib loogu soo celiyo dowladdnimadii iyo Sharaftii Umadda Soomaaliyeed laakiin iskadaa in ay Soomaali isu keenaane waxa ay qabiil qabiil isugu laayeen Beelihii Soomaaliyeed ilaa ay burburiyeen dalkii haba ugu sii darnaatee Caasimaddii Dalka.

Markii ay ku guuldareysteen in ay dalka nabadeeyaan waa Siyaasiyiinte, Sidoo kalena ay dhisaan dowlad xoog leh oo dhibka ka saarta Shacabka Soomaaliyeed, Ayaa waxa ay u soo jeesteen in ay dalkii kala googooyaan sidoo kalena ay hoosgeeyaan cadowgii soo jireenka ahaa waxaana tusaale ah sida Maanta loogu qulqulayo Xarunta cadowga.

Labaatan Sano ka dib, Wali waxa ay Siyaasiyiinta Soomaalida ah ku socdaan wadadii ay Shalay ku burburiyeen dalka, Mana muuqato in ay wax waayo aragnimo ah ka kororsadeen wixii dhacay Labaatankii Sano ee la soo dhaafay,Waxaa kaaga daran kii yimaadaba waa ka daran yahay kii ka horeeyey tusaale, bal fiiriya waxa Maanta ka socda Magaalada Baydhabo ee lagu dhisayo Maamulada iska soo horjeedo.Anigu ilama ahan in ay dadkaas fiyow yihiin ama caligoodu joogo.

Bal fiiriya waxa ka jira Goboloda Dhexe, Halki degmoba waxaa ka dhisan Hal Maamul Goboleed tusaale ahaan Koonfurta Gaalkacyo iyo dhowr Tuulo waxa lagu leeyahay waa Maamul Goboleed la yiraahdo Galmudug. Anigu waxaan ku talin lahaa in dadkaasi loo geeyo Dastuurka, Sidoo kalena loo aqriyo haddii uu far Soomaaligu dhibahayo waxa uu Dastuurka ka yiri Maamul Goboleedyada.

Dhinacaasi iyo Puntland, Mar waxa ay leeyhihiin waxa aan ka mid nahay Soomaaliya hadana marka aad u fiirsato habdhaqankooda iyo hadalada ay ka yiraahdaan warbaahinta waxaad arkaysaa in ay u dhaqmayaan sidii dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale waxaaba tusaale kuugu filay kulankii uu Gaas kula qaatay Markabka dushiisa Safiiradii ka socday Midowga Yurub.

Kuwa kale Maalin waxa ay la joogaan Somaliland Maalinta kalena waxa ay ka tirsan yihiin Puntland, Aaway Mabaadi’dii iyo xishoodkii lagu yaqiinay Umadda Soomaaliyeed?. Kuwa Hargeysa maamula Iyagana kama shar yara kuwa kale waayo waxa ay ku howlan yihiin sidii ay dalkan u kala goyn lahaayeen Iyagoo hoos ordayo Maalin kasta kuwii Shalay kala qeybiyey dhulka ay Soomaalidu degto si loo waayo dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh.

Marka aan hadalka isku soo uruuriyo, Habdhaqanka Siyaasiyiinta Soomaalida ma’ahan mid dal dhisayo isla markaana isku soo dhaweynayo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay bal waxa uu sabab u noqonayaa habdhaqankooda in la waayo dal Soomaaliyeed iyo dad Soomaaliyeed oo xor ah hadaysan Maanta wax ka badalin habdhaqankooda foosha xun waana middii uu ka digay Faarax Macalin dhowr Maalmood ka hor. Yaase Maqlaye talose qaadanaya.!!

Dhinaca kale karti xumida Siyaasiyiinta Soomaalida iyo daba orodkooda Xabashida oo dhib badan lagu qabay ayaa hadana waxa ay ku darsadeen in aysan ka xishoon Beenta,Iyagoo u qaatay Shacabka Soomaaliyeed dad Masaakiin ah oo loo sheegi karo wixii la rabo, Tusaale ahaan hadaad u fiirsato inta badan Siyaasiyiinta Soomaalida waxa kaaga muuqanayo waa Calaamadihii lagu yaqiinay dadka Munaafiqiinta ah sida Runta oo aan la sheegin,Balanta oo laga baxo iyo Amanada oo la dayaco.

Gaba gabadii waxa aan oron karaa ma lahan Siyaasiyiinta Soomaalida wax aragti ah oo lagu hogaamin karo dal ama lagu badbaadin karo Umad,Waxaana tusaale u ah Maamulada iska soo horjeedo ee la isku dul dhisayo iyo waliba sida aysan u dooneynin in ay xaliyaan Khilaafaakooda,Waxa ayn doorbideen halkii ay Dalkooda ku wada hadli lahaayeen in dibadaha wareegaan mar ay Turki u tagaan iyo mar ay Ingiriis na heshiisiis yiraahdaan. Wallee kuwan ceeb uma dhintaa.!!

Gunaaanudkii waxa aan leeyahay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, Dalkan waxaa ku loo lamayo hogaankiisa waa Adinka iyo Kooxda Islaamiga ee Al-shabab iyo taageerayasheeda, Shacabka Soomaaliyeedna waa marqaati, Waxa ayna raaci doonaan hadba qofka u roon Dalka, Dalka iyo Diinta ama war wareegta sidii caadada idiin ahayd ama xal keena Idinka ayey idin taalaa.

W/Q: Cabdullahi Ibrahim Cumar
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles