Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Laba mooshin oo dano qabiil wata oo la horgeeyey baarlamanka Soomaaliya

$
0
0

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, ayaa shalay Baarlamaanka hor keenay labo qaraar oo laga dhadhansan karayey inay gadaal ka riixayeen danaha qabiilka uu kasoo jeedo gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.

Labadaas qaraar oo uu Mahad Cabdalla Cawad ka aqriyey Baarlamaanka ayaa kala ahaa:-

1- In Baarlamaanka uu shaqada ka joojiyey shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga oo dawlada Soomaaliya dhowaan ku wareejisay Maamulka iyo maareynta Dekeda Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Cabdalla Awad ayaa la sheegayaa inuu qaraarkaan u keenay isaga oo difaacaya Company laga leeyahay dalka Iran, balse uu garwadeen ka yahay Xildhibaan Ibbi oo horey loogu wareejiyey dajinta iyo Maamulida Konteenarada kasoo dega Muqdisho, company-gaas oo la sheegay inuu meesha ka baxayo mar haddii gebi ahaanba Maamulka hawlaha dekeda lagu wareejiyey company laga leeyahay dalka Turkey-ga. Company-ga hore ee uu garwadeenka ka yahay Xildhibaan Ibbi baarlamaanka kama uusan hadlin.

2- Qaraarka Labaad ee baarlamaanka ee Mahad Cabdalla Cawad uu watay ayaa ahaa mid loogu yeerayey Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga inay hor yimaadaan baarlamaanka, si wax looga weydiiyo odeyaal dhaqameed ku beel ah Mahad oo dhowaan lagu dilay Magaalada Buurhakaba. Wasaarada amniga iyo Gaashaandhiga ayaa qaraarku farayey in si degdeg ah gudi qaran loogu saaro xasuuqa odoy dhaqameedyadaa loo geystay baarlamaankana ay warbixin ugu keenaan muddo aan ka badneyn 15 maalmood.

Inkastoo xasuuqa oday dhaqameedyadaa uu ahaa mid aad uxun haddana dilalka ka dhacaya gobolada Soomaaliyeed iyo amni darada haysata dhamaan Soomaalida waa in si iskumid ah loo qiimeeyaa.

Baarlamaanka Soomaaliya oo haatan u yeeraya Wasiirada Gaashaandhiga iyo Amniga ayaa ah baarlamaankii ay ka shaqeyn waayeen wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhiga, kadib markii maleeshiyo beeleedyo KM50 iyo Marka isbaarooyin dhigtay, Maliishiyaadkaas oo Dagaal ku salaysan qabiil la galay beelo kale oo deegaanka ah.

Heshiis dawladu dhex dhigtay maliishiyaadkii labada Beel ee ku dagaalamay Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa kamid ahaa inaan isbaaro danbe la dhigan Karin, lana xareeyo dhamaan maleeshiyo beeleedyada deegaanka.

Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, Xuseen Carab Ciise, Ibbi, iyo Xildhibaano kale ayaa ku difaacay in beel kamid ah beelihii ku dagaalamay Degmada Marka in Maliishiyaadkooda loo dhaafo KM50 iyo Marka, Maliishiyaadkaa oo xiriir dhow la leh kooxda Al-Shabaab.

Xildhiban Mahad , Hussein Arab, Xildhibaan Abshirow iyo xildhibaano kale ayaa canbaareyno is daba jooga ku sameynayay wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga iyo wasaarada Gaashaandhiga, kadib markii Maleeshiyo Beeleed ku sugan KM 50 weerareen Ciidamada qaranka oo uu hogaaminayay Gen. Qaafoow.

Ciidamada qaranka ayaa maliishiyaadkii KM 50 isbaaradu u taalay ka ceyriyey deegaanka KM 50, balse xildhibaanada uu horkacayey Mahad Cawad oo aad u canbaareeyay ciidanka qaranka iyaga oo difaacaya Maleeshiyo qabiil ayaa ku guuleystay in ciidamadii qaranka dib looga soo saaro deegaanka KM 50.

Wasaarada Amniga iyo Gaashaandhiga miyaa la weydiin karaa amniga dalka mar haddii xildhibaanadii Dalka qaar kamid ah oo uu kamid yahay Xildhibaan Mahad Cawad ay qaranimada kala weyn tahay qabiil.

Ciidamada Milateriga Soomaaliyeed oo haatan la socda AMISOM, qabsadayna Qoryooleey kuna sii jeeda Magaalooyinka Buulo iyo Baraawe ayaa lagu amray inaysan Marin KM 50, maadaama Maleeshiyo beeleedyo difaac ka heysta qaar kamid ah xildhibaanada Soomaaliyeed ay halkaasi fadhi u tahay, Ciidamada Milateriga Soomaaliyeed haatan waxaa ay Maraan Deegaanka Awdheegle iyaga oo Jidka dheer uga dhaca Tuulada Buufoow.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqday mid kamid ah caqabadaha hortaagan in la helo qaran Soomaaliyeed oo shaqeynaya iyada oo inta badan Baarlamaanka la keeno ama lamariyo mooshino dano qabiil laga leeyahay oo saameeynaaya kaliya Magaalada Muqdisho.

W/Q: Cabdiraxmaan Axmed Afrax
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>