Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Faallo: Dhismaha Xisbi waddani ah oo badbaadiya dalka iyo dadka Somalia

$
0
0

Sida aan balanqaadayba Qormadii hore ee cinwaakeedu ahaa Dhacdadii foosha-meyd ee Islii ka dib Maxaa xal ah dadka Soomaaliyeed?, Taasoo aan kaga hadlay dhibaatadii ka dhacday Xaafadda islii ee Magaalada Nairobi.Waxaan ku soo bandhigay Qormadaasi waxa Xalka u ah dadka Soomaaliyeed dhacdadaasi ka dib, Si looga baxo dhibaatada haysata Umadda Soomaaliyeed.
 
Waxa  aan ku soo bandhigay Qormadaasi, Hal Xal oo aan u arkay inuu yahay midka kaliya ee na horyaallo Maanta, Waxa uuna Xalkaasi ahaa in la dhiso Xisbi Wadani ah oo u istaaga badbaadinta dalkan qarka u saaran in uu u kala gogo’o gobolo yar yar oo ay kor ka maamulaan dalalka Dariska ah sida Xabashida.Hadaba sidee loo dhisayaa Xisbi Wadani ah sida SYL oo kale ?

Ka dib talooyin badan oo iiga yimid dadka Soomaaliyeed ee aqriyey Maqaalkii hore, Waxaan soo gudbinayaa Maanta taladii lagu dhisi lahaa Xisbi Wadani ah oo ay hogaamiyaan dad Wadaniyiinta ah, Kuwaas oo ay dhibeyso dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed, Gaar ahaan Dumarkii iyo Caruurtii Maandeeq,Kuwaas oo Maanta ku rafaadsan gudaha iyo dibaddaba?.
 
Bal intaa aanan u galin, Sida loo dhisayo Xisbigaasi bal aan marka hore sharxo sababta nagu kalifeyso inaan dhisno Xisbi maadaama ay dalka ka jiraan Maamulo ay ka mid tahay Dowladda Federaalka.Sida aan ku xusay Qormadii hore dhacdadii Islii waxa ay banaanka u soo saartay xaqiiqda dhabta ee ay ku sugan yihiin Maamulada ka jira dalka  iyo tabar xumida haysata Maamuladaasi ka dib markii ay ka dhiidhan waayeen dhibaataddii loo geystay Maatadaii Soomaaliyeed.
 
Tusaale ahaan Dowladda Federaalka oo dhisan dhowr iyo Toban Sano, Ma lahan Maanta Haykal iyo Haybad Dowladnimo,Ma lahan sidoo kale ciidan Qaran oo leh astaantii lagu yaqiinay ciidan, kama hadlayno Maleeshiyo Beeleedyo huwan magac ciidan Qaran,Ma lahan Dowladda dhowr iyo toban jirka ah Siyaasad cad oo lagu hogaamiyo dal,Kama hadlayo hadalada Beenta ah ee la siiyo Warbaahinta, Waxaana daliil cad u ah waxa aan sheegayo waxa Maanta ka dhacayo Gobolada dalka sida Jubooyinka,Shabeelooyinka,Baay iyo Bakool iyo Gobolada Dhexe.
 
Markan soo koobo hadalka,Walaalayaal meeshani Dowladi kama jirto islamarkaana lama rabo in ay noqoto dowlad shaqeyso,Hadaan si kale u iraahdo waxa Villa Soomaaliya ka jiraa waa lugooyo iyo Shirqool ay soo maleegeen dowlado cadow ku ah dadka Soomaaliyeed,Tusaale ahaan Afqanistaan oo aad ogtihiin saboolnimadeeda waxaa loo dhisay Sedex Boqol oo kun(250.000) oo ciidan,Ka warama Ciraaq ?
 
Maamul Goboleeyada hadda  jiraa, Waxa ay noqdeen Buffer Zone-ay leeyihiin Dowladaha Dariska ah, kuwaas oo ka shaqeynayo inaanan marna la helin dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh. Waxaana ka mid ah Maamuladaasi Somaliland,Puntland,Galmudug,Suufiyada,Koonfur Galbeed iyo waliba Jubbaland.Maamuladan ayaa ka siman hadal macaanka marka ay la hadlayaaan Warbaahinta laakin marka aad u fiirsato habdhaqkooda, Waxaa kuu soo baxayso in aysan dooneynin in la helo dowlad xoogan.
 
Al-shabab oo ka soo farcantay Saxwadii Islaamiga ahayd ee ka hanaaqaaday dalkan, Taasoo soo saartay jiilal aad loogu faano, kuwaas oo runtii qeyb weyn ka qaatay waxa ay Soomaali Maanta ku faaneyso sida ganacsiga iyo Waxbarashada laakiin nasiibdaro,Waxaa afduubay Saxwadii qiimahaasi lahayd kooxo Takfiiriyiin ah oo sharaf tiray diintii ilaahay ee xaniifka ahayd, Ismarkaana laayey waxgaradkii Soomaaliyeed gaar ahaan Culimadii iyo Aqoonyahanadii indhaha u ahaa Umadda Soomaaliyeed,kaaga daranee ma ogola in la wadahadlo si loo soo afjaro dhibaatadan dabdheeraatay.
 
Hadaba haddii ay fashilmeen dhinacaydii ka jiray Dalka sida Dowladda Federaalka,Sidoo kalena aysan haynin dhinacyadaasi wax qorsho ah oo lagu badbaadiyo dalka sida Dib-u-heshisiin dhab ah ,Sow gar ma’ahan inaan waddo kale qaadno oo aan la nimaadno xal kale si looga baxo dhibaatada ?. Jawaabtu waa haa.
 
Runtii waa loo baahan yahay in la dhiso Xisbi Wadani ah sida SYL oo kale, kaas oo ka howl gala gudaha iyo dibaddaba,Sidoo kalena  ka shaqeeya Nabadda,Dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha Xorumaha Dowladda sida Safaaradaha oo kale.Walaalayaal dal waxaa dhiso dadkiisa gaar ahaan dadka Wadaniyiinta ah sidaa daraadeed waa in aan la mid noqonaa Raggii SYL oo kale .Hadaba sidii loo dhisiyaa Xisbi Wadani ah sida SYL oo kale ?

Inkasta oo ay adag tahay in la helo dad badan oo Wadaniyiin ah,Ilamarkaana ay jirto faragelin badan oo ka imaaneysa Dowladaha Dariska ah,Oo ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh.Hadaba waxaan soo jeedinayaa talooyin ku aadan dhismaha Xisbigan Wadaniga ah.
 
1-In laga bilaabo Magaalooyinka  waaweyn ee dalka sida Muqdisho,Hargeysa Baydhaba,Kismaayo iyo Garowe shirar looga hadlayo dhibaatada haysta dadka Soomaaliyeed iyo sida looga bixi karo,Iyadoo la ilaalinayo Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.
 
2-In ay bilaabaan Soomaalida Qurbaha Shirar looga hadlayo dhismaha Xisbi Wadani ah.Waxaana kula talinayaa Soomaalida ku nool Magaalooyinka Mineapolis,Columbus,Seatle,London,Toronto,Oslo,Qaahira,Dubia iyo Magaalooyinka kale in ay qaataan culeyska ugu weyn ee dhismaha Xisbigan Wadaniga ah.
 
3-In laga bilaabo Masaajidda Muxaadarooyin ka hadlayo dhibaatada haysata Umadda Soomaaliyeed iyo sida looga bixi karo dhibaatadaas,Iyadoo waliba diiradda lagu saarayo Muxaadarooyinkaasi sidii lagu heli lahaa Xisbi Wadani oo badbaadiya dalka.
 
4-In laga bilaabo goobaha Waxbarashada sida Jaamacadaha doodo ku saabsan waxa keenay dhibaatadan iyo xalka ugu fiican ee horyaallo Umadda Soomaaliyeed,Iyadoo maanka lagu haynayo sidii lagu heli lahaa Hogaamiyaal Wadaniyiin ah xaqiijiya aragtida Soomaaliweyn.
 
5-In ay bilowdo Warbaahinta Soomaalida sida TV-yada,Idaacaha iyo Website-yada Barnaamijo iyo doodo ku saabsan Mishkiladda Soomaaliya Iyadoo la martiqaadayo dad Waxgarad ah oo iftiimiya dhibaatadan.Sidoo kalena waxaa looga baahan yahay Warbaahinta Barnaamijo Wadani ah oo dadka lagu jeclaysiinayo dalkooda, Sidoo kalena lagula dagaalamo Qabyaaladda iyo Dabadhilifnimada.
 
7-In la helo dad Waxgarad ah oo u istaaga sidii loo badbaadin lahaa dalkan islamarkaana u istaaga sidii loo dhisi lahaa  Xisbiga aan ka soo sheekeeynay ee Wadaniga.
 
8-In la qabto Shirweyne guud oo lagu dhisayo Xisbiga, Islamarkaana lagu qabto Shirkaasi dalka Jabuuti ee aan Walaalaha nahay inta aanu dhamaan Sanadkan 2014,Waa haddi la doonayo in laga baxi dhibaatada iyo ceebta na haysata
 
Haddi la isku raaco in la dhiso Xisbigan Wadaniga ah si loo badbaadiyo dalkan qarka u saran in uu u kala gogo’o gobolo yar yar oo ay kor ka maamulaan dalalka dariska ah Sida Xabashida iyo Kiikuuyada.Hadaba qaabkee loo dhisayaa Xisbiga magaceese qaadanayaa ?
 
Qaabka loo dhisayo Xisbiga waxa ay ku xiran tahay Soomaaliweyn, Laakiin Anigu waxaan qabaa in Xisbiga loo sameeyo Labo Gole oo mid kastaa leeyahay awood u gaar ah.Waxaana kala tashan doona qaab dhismeedka Xisbiga Aqoonyahanada Soomaaliyeed sida Cabdi Saciid Samatar,Afyare Cabdi Cilmi,Ibraahim Buursaliid iyo Aqoonyahanada ee Wadaniyiinta ah.
 
Amma Magaca Xisbiga uu qaadanayo waxa ay ku xiran tahay Umadda Soomaaliyeed,Laakiin Anigu waxaan soo jeedinaya Labo Magac oo kala ah: - 1-Xisbiga Qaranka ee Soomaaliweyn.  2- Xisbiga Badbaada Qaranka. 
 
Gaba gabadii, Waxaan ku talin lagaa inaan dhamaanteen u istaagno sidii aan u nabadeyn lahayn dalkan islamarkaana aan dib u uGu dhisi lahayn  wixii aan halaynay,  Ogaadana Soomaaliyey wey yar tahay dal lagu dhisay Mucaawino iyo tuugsi Shisheeye.Ma dooneyno Qaxootinimo iyo qurbo ku noolaasho,Ma dooneyno dagaalo sokeeyo iyo qax waxaan dooneynaa Soomaaliya oo mid ah islamarkaana nabad ah. Wixii talo ama dhaliil ah waan soo dhaweynayaa .  
 
W/Q: Al-Mufakir Cabdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles