[XASAASI!]: FALALKA AMNI DARRO EE KA DHACA MUQDISHO YAA KA DAMBEEYA?
“Waxa socda ninkaan garan, waxa soo socdana ma garto”
GOGOL-DHIG
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariiisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Aan toos u galo’e malaha wareegii leeynta “Suxufiyiinta” ayaa soo dhamaaday oo waxaa hadda si xowli ah ku billoowdey wareegii qoor-goynta “Xildhibaannada”. Kuwii horee loogu laayey Hotel Shaamoow, Hotel Muna, Baladweyne, garoonka Aadan Cade iyo magaalada Muqdisho dhexdeeda meelo badanoo ka mid ah, waxaa lagu siidaray in Isniintii taariikhdu ay ku beegneyd: 21/04/2014 qarax ka dhacay hoteelka lagu magacaabo Maleeyka oo ku yaalla dhabarka dambee saldhiga Afar-Irdoodka degmada Xamarweyne ee magalada Muqdisho lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo gaari uu watay loogu xiray walxaha qarxa sidaana lagu khaarijiyey. Xildhibaankaa-Allaha u naxariistee- Waxaa lagu magacaabi jirey, mudane: Isaaq Maxa’ed Cali. Waxaa sidoo kale lagu dhaawacay xildhibaan kaloo isaga la socday oo lagu magacaabo mudane: Maxa’uud Cali-Allaha caafiyee.
Waxaa sidoo kale maaliintii xigtey ee Talaadada aheyd taariikhduna ku beeygneyd: 22/04/2014 markale la diley xildhibaan kaloo ka tirsanaa baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaankan-Allaha u naxariistee- waxaa lagu magacaabi jirey: Mudane: C/Casiis Mursal.
Waxaa intaa xigey in Baarlamaanka Soomaaliya eed dusha ay uga tuureen hey’ada Nabad-sugida Soomaaliya ee NISA (National Intelligence & Security Agency) iyagoo yiri, “lama socdaan mana ururiyaan macluumaad ku filan dhaqdhaqaaqa iyo qorshayaasha Al-Shabaab, Taasoo halis weyn galineeysa nafta Xildhibaannada iyo dhamaan diplomaasiyiinta dalka jooga”. Waxeey Baarlamaanka sadex maalin (April 27-29, 2014) su’aalo weydiinayeen Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya: C/Kariin Xuseen Guuleed waxaa wax laga weeydiiyay xaalada Amni ee cakiran ee uu dalku marayo. “Mudane Wasiirka diyaar ma u tahay inaad is casisho oo dalka iyo dadka aad badbaadiso oo adiga dartaa u burburaya.” sidaasi waxaa weydiiyay Wasiirka, xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar. Waxaa sidoo kale 28 Mudane oo Baarlamaanka ka mid ah, ay su’aalo weeydiiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka: C\laahi Goodax Barre.
Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ayaa isna warcad ku yiri ” Heey’ada Ammaanka howshoodii loo egmadey kama aaneey soo dhalaalin”. Ergaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay: Necholas Kay ayaa isna yiri, “Hadii Amniga caasimada uu sidan uga sii daro, shaqaalaheena waan kala baxeeynaa!”
Waa su’aale sidee wax u jiraan? Arbushaadan iyo Dilalkan qorsheeysan yaa ka wada dambeeya? Mase laga yaabaa in Al-Shabaabkan oo kaliya ee afka la iskala sooboodayo aaney howshan ugu yaraan kaligood wadane qolooyin kale la wadaagaann, ulajeedooyinkooduba hakala duwanaadeene?
Maadaama aaney jirin cid si dhab ah u baarta, cadeeymo dhab ah oo lagu qanci karana ummada usoo bandhigta-Malaha aqoonteedna ma jirto, qalabkiina warkiisaba daa-Waxaa iska fudud in Al-Shabaab ayaa ka dambeeysey hadal oo dhan la isaga soo afjaro. Tani waxeey fududeeysey in cidkastaahiba waxeey rabto fuliso, iyadoo ka dharagsan in falalkeeda guracan oo dhan Al-Shabaab loosaarin doono, ama lamaba yaqaan lagu soo koobi doono, sida badanaaba warbaahinta ugu isticmaasho ereyada caado ama “Standard” iskaba noqdey isticmaamaalkooda kuwaasoo ah: “Marxuumka waxaa dishey Dableey aan heeybtooda lagaraneyn, kuwaasoo dilka kabacdi goobta isaga baxsadey!”. Bal malee inta goor ee aad ereyadaa meel ka aqrisey, Idaacad ka maqashey, ama TV-ba ka daawatey! Howshuba biloowgeeda iyo dhamaadkeeduba waa intaa. Waxa badanaa la yaqaannaa waa “Marxuumka”. Ummadeenase ulajeedooyin kala duwan bay u dhintaan, qolooyin kala duwanna weey ka dambeeyaane ogaada.
KALA DILASHADA BOOSASKA SHAQO IYO MASHAARIICDA WAAWEYN
Dadka qaar waxeey ogyihiin in shaqooyinka qaar sida hey’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha xoogan laga sameeyo/“lagu dhaco” xiligan duruufaha cariiiriga ah ummadu eey ku jirto, in eey qaarkood caan kuyihiin kala dilashada boosaska/Jagooyinka sarsare, dano dhaqaale iyo mid shaqsiyeed darteed. Waxaa jira sidoo kale xarumo dowladu leedahay oo dhacdooyinka nuucan ah sida dadka qaar aaminsanyihiin eey ka dhaceen, oo tuhun xoogani oo arimahan ah uujiro. Nasiibdarro! Xiligan xaalku waa uun madaxa sooduubo, biskooladna wax ku dil habeen madoow. Howshuba waxeey ku idlaaneeysaa Al-Shabaab baa ka dambeeysey dilkaa, ileyn cidi baarimeeyso, cadeeymo qoraal, maqal iyo muuqaal ahna soo bandhigimeeyso, cidi isu casilimeeyso, cidina loo casilimaayo. Howshuba waa , “Nin dhintey kabihiisaa ka roon ee karogoo laba saar!”
CIIDAMADA SHISHEEYE OO FALALKA AMNI DARO SII HURIYA SI EEY WALIGOOD UJOOGAAN DHAQAALAHA EEY KA SAMEEYAAN DARTEED
Mid ka mid ah warbaahinta kasoo baxda dalka Kenya oo lagu magacaabo “The Star” ayaa wareeysi uu la yeeshey Askari u dhashey dalka Burundi kana mid ah ciidamada AMISOM ayaa waxuu yiri, “I don’t want to defeat Al-Shabaab. I would rather scatter them to prolong my mission” taasoo micnaheedu yahay “Ma rabo in aan Al-Shabaab ka guuleeysto, iska daaye meelkasta oo Soomaaliya ka mid ah ayaan ku baahin lahaa, si aan usiidheereysto sii joogitaankeeyga Soomaaliya”. Askarigaa wuxuu wareysigaa kusheegey in uu u joogey Soomaaliya dantiisa gaarka ah, ka guuleeysashada Al-Shabaabna aaneey dani ugu jirin. Wuxuu sheegey in uu Soomaaliya bishii ku qaato mushaar dhan: $1200/ oo eey usii dheertahay $500/Bishii oo gunno ah, tasoo uu ku sheegey in eey tahay mushaar aanu helin askariga isla Burundi u dhashey balse dalkiisa jooga, kaasoo qaata $50/Bishii iyo waliba askariga Soomaaliga ah oo isagana bishii qaata $160/ oo kaliya.
Waxaa sidoo kale jirta warbixin kusoo baxdey Joornaalka caanka ah ee lagu magacaabo “NewVision”, kana soo baxa dalka Yugaandha ayaa wuxuu qoray warbixin ciwaankeedu aheyd “Ugandan soldiers serving with the AMISOM trained Al-Shabaab fighters”. Taasoo micnaheedu yahay: “Ciidamada Yugandha ee ku howlgala magaca huwanta AMISOM ayaa waxeey tababareen dagaalyahanno Al-Shabaab ah”. Sidee wax u jiraan! Soow Yugaandheesku ma aha kuwan ku dhimanaya oo ku dhaawacmaya dagaallada Al-Shabaabka eey la lagalaan! Soow kuwan cadowga isu ah ma aha! Sidee u tababari karaan! Yaase isu keeney oo is aaminsiiyey, Illaa eey gaaraan heer eey isku tababaraan isla xarumahoodii rasmiga ahaa ee ciidamada AMISOM? Ciidamadii nabad soocelinta iyo Al-Shabaab dal ka xureeynta u joogey, sideey ku dhici kartaa in eey isla Al-Shabaabkii iyagu tababaraan? Bal sababta is weeydii adigaba.Waxaa jira wax la yiraahdo “Conflict of interest”. Ama isku dhaca danaha iska soo horjeeda.
CALOOSHOOD-U-SHAQEEYSTAYAASHA DALKA JOOGA
Waxaa sidoo kale dalka wada jooga ciidamo shisheeye oo Calooshood-U-Shaqeeystayaal ah “Mercenaries” oo aan dowlad gaar ahi ka socon sida: “Black Water, Halliday Finch, Bancroft Global Development, SKA iyo Saracen International”. Koox kasta waxeey u joogtaa danteeda gaarka ah.Wixii eey doonaan ayeyna dalka ka fuliyeen, qaraxyo iyo dilal qorsheeysanba ha ugu darnaadeene iyagoo u adeegaya wadamada dariska. Dhamaan waxeey dhaqaale xoogan ku qaataan joogitaankooda Soomaalida, howlo iyaga ugaar ah, iyo kuwo doowlado kale eey u fuliyaanba weey ka qabtaan dalka. Waxaa danta ugu wada jirtaa in dalkani sida uu yahay sii ahaado, ama kaba sii daro amni ahaan si eey waligood usii joogaan, Contracts-ka iyo mashaariicdooduna ugu sii socoto.Waxaa jira waxyaabo halis ah oo luqada Millatery ee afka qalaad lagu yiraahdo “False Flag Operations”, and “Sabotage Operations”.
Waxaa sidoo kale jirta oo is xasuusinna mudan in wadamada dhibku uu ka dhacay sida Afghanistan iyo Ciraaq durbadiiba loo dhisey loona qalabeeyey ciidankoodii, Soomaaliyase waxaa lagu dul naaxiyaa ciidamo shisheeye, in ciidamada Qalabka Sida loo dhiso iskadaaye mushaarka ayaa lagu ciriiryaa. Bal sababta is weeydii adigaba! Ciidamadan shisheeye ee dalka buuxdhaafiyey misana aan laheyn waqti xadidan oo howsha loogu talagalay inta fuliyaan dalka isaga baxaan, ayaan September 2013 waxaan ka qorey Qormo ciwaankeedu ahaa: GOORMUU CIIDANKII QARANKU DHISMAYAA KUWAN SHISHEEYANA DALKA KA BAXAYAAN?. Xaalkuse wuxuu marayaa siduu horey u yiri: Abwaan: Cabdullahi Suldaan “Timacadde” “Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane. Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane. Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni, Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye “.
QARAXII HOTEEL JAZEERA
Bal indhaha fur. Habaankii qaraxa uu ka dhacayey Hoteel Jazeera ayaa waxaa intaanu qaraxa ka dhicin hoteelka nin caddaan ah uu la soo hadlay “Wiil Soomaali ah” una shaqeeya “Hay’adaha dalka jooga” mid ka mid ah. kadibna wuxuu weydiiyey, “Hebeloow halkeed joogtaa?”. Yarkiibaa ku yiri, “Waxaan joogaa hotel Jazeera!” Wuxuu weeydiiyey, “Qarax miyaa ka dhacay?”. Yarkii wuxuu yiri, “Maya!”. Wuxuu Gaalkii raaciyey “SURE/Ma Hubtaa!”. Wiilkii baa yiri, “Haa”. Wiilkii taleefoonkii ayuu dhigay oo Shaah ayuu dalbaday, intuusan koobkii shaaha kabanin ayaa mar qura qarax iyo rasaas is qabsadeen. Nasiibwanaag wiilkaa wuu ka badbaadey.
ASKARTII (2000) EE LA RUQSEEYEY IYO DUQEEYNTII MAGAALADA XAMAR
Tanna ku darso. Labadii cisho ee kala wareegga dowladda ayaa ciidankii iyo amaankii laga mashquulay. Dhowr habeen ayaa Hoobiyeyaal magaalada Muqdisho lagu duqeeyey, sababtuna waxeey aheyn in ciidamo gaarayey illaa 2000 oo askari lawada ruqseeyey, iyagana duqeeyntaa ayey magaalada ku sameeyeen, hanti baa ku burburtey, dadbaa ku dhaawacmey, kuwana ku naf waayeen, waa la ogaadey waana la daba socdey, nasiindarro! Cidi looma xerin, ugu dambeyn Al-Shabaab ayaa dusha looga wada tuurey, waana laga gudbey. Bal adba!
WEERARKII VILLA-SOOMAALIYA EE KHAARIJINTA MADAXDA DALKA UGU SAREEYSA
Waa taan tii ugu darneyd. Maalin Jimco ah taariikhduna ku beegneyd February 21, 2014 ayaa Villa-Somalia la weeraray. Maxamuud C/llaahi Indha Case, oo ahaa Agaasiimihii Xafiiska RW C/wali iyo ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Qaranka: Gen. Mohamed Nur Shirbow ayaa kamid ahaa Dadkii Maalintaa lagu laayey. Masaajid ku yaalla Madaxtooyada dhexdeeda ayaa dadkii dowlada iyo Diblomaasiyiinta inta Muslim-ka ahayd salaadda jimca loo dareeray. Masaajidka wuxuu ku dhowyahay dhanka bari ee degmada Boondheere, jidkii la dhihi Jiray Nasiib-Buundo, ama jidka ku daga Iskuulkii 15-Meey ee dhanka Bari ka mara Villa Soomaaliya. Waa meesha uu Madaxweynaha ka baxo ama ka soo galo Madaxtooyada. Beryahii ugu dambeeyey weerarkaa kahor waxaa ka socday dhismo lagu hagaajinayey iridaas dhanka bari ku taalla. Maalintaas jimcaha ahayd qoladii weerarkaa wax ka fulineeysey waxay kala daadiyeen Security-gii qaybta Madaxtooyada ee ku aadan dhankaas. Qorshohooduna dabcan muddo ayuu socday oo kusoo wajahnaayeen Madaxtooyada. laakiin maalintaas jimcaha aheyd ayey ahayd fulintiisa. Qorshahana waxay ahayd in la khaarajiyo Madaxda dowladda oo uu Madaxweyne: Xassan Sheekh Maxamuud ku jiro. Kala daadsanaanta cidna maysan dareemin. Masaajidkii markii laysugu yimid ayaa Albaabkii Villa-Soomaaliya waxaa dhanka bari ka soo galay laba gaari oo mid walxaha qarxa ka buuxeen, midna ciidan ka buuxeen. Kadibna mid albaabka hore ayuu ku qarxay oo wey ku banaysanayeen. Midka kalena gudaha ayuu usoo galay madaxtooyada. Ciidankii Al-Shabaab ee saarnaa gaariga 2-aad ayaa ka soo daatay oo markiiba tilmaan ayey haysteene ku yaaceen Masaajidka. Waxaana midkii ugu horeeyey uu galay albaabka masaajidka, wuxuuna ku tuulay Bambo F1 ah. Waxaana ka yaacay ciidankii Afrikaanta ahaa ee joogtay Madaxtooyada. Ciidan badan oo aan hubeeysnayn laakiin dharka Military-ga Soomaaliya sitay waa la laayey/la gumaaday. laakiin waxaasoo dhan waxaa kasii darneyd in fariin Mobile SMS loo soo diray “Mid ka mid ah Diplomaasiyiinta dalka…..” ee xamar jooga. Waxaa lagu yiri, “Mudo daqiiqdo ah degdeg masaajika uga bax!”. Nasiib daro! Wuu ku dhintay oo wuu ka gaari waayey inuu ka baxo. Markuu dhintay ayaa Mobile-kiisa laga helay farriintaas. Qorshe shirqool aad u heersareeya oo abaabulnaa ayuu ahaa. Waxaa jirey nin Bastoolad heystay maalintaa, wuxuu ahaa Agaasime. Wuxuu ahaa nin waligiis aan iska dhigin Bastoolada. Ninkaas ayaa markay soo haweeystaanba xabad ku ridayey illaa ay ka soo gaaraan ciidamo gurmad ah oo Soomaali ah. Hadii khaarijinta Madaxweynaha ay dhici laheyd bal malee foowdada iyo niyadjabka dalku uu siigali lahaa? Yaa ogaa in weerarkaasi dhacayo? Waqtiga uu dhacayo? Yoolku masaajidka in uu yahay? Yaa fududeeyey? Cidda fariinta Diplomaasigaa usoo dirtey yey aheyd? Malla baareyse? Cid loo xirey mala arkey? Cid isu casishey ama loo casileyna? Cid warbixin buuxda oo cadeeymo leh ummada usoo bandhigteyse ma jirtaa? Hadii weerarkii ka dhacay madaxtooyadii dhameyd baaritaankiisa sidaa xaalkiisu noqdey, bal malee Xildhibaan la diley ama qarax shacab caadi iska ah eey ku baaba’een?
GUNAANAD
Dadka intooda badan ma fahmikaraan waxa socda iyo in waxbadan isku miliqsanyihiin. Xaqiiqda dad badani aaney ogeyn ayaa ah in si toos ah ay ula socdeen guud ahaan Gaalada dalka joogtaahi miishan kasta oo dalka ka dhaca. Waxaysan ayagu ka dambayna dalkan kama dhacaan. Xamar ninkastoo Soomaali ah wuxuu ka malaynayo waa ka weyn tahay. Dalka Soomaali gacanta kuma hayso, Al-Shabaab cidda hageeysaahi waa Reer-Galbeed. Qaraxyada dalka ka dhaca iyo assassinations-ka/khaarijinta waxaa ka dambeeya waa iyaga. Howl waalan ayaa ka socota dalkeena. Waxkasta oo khatar ah oo qofka Soomaaliga ahi uuba ku fekeri karo mid kasii weeyn baa ka jirta. Wax la malayn karo maaha dalka meesha uu ku dhacay iyo sida inta wax ogi u qarineyso cabsi darteed, dadka badankiina aanu ulaba socon-Allahuma Ballaqtu.
C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”
Maamule ku xigeenka Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha ahna Bare isla kulliyadaa ah
Al-Madinah International University, Malaysia
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid