Maxaa dowlad lagu qiimeeyaa, yaase awood iyo aqoon ku filan u leh inuu qiimeeyo howlaha laga rabo inuu guto Madaxweynaha?
Madaxweynuhu wuxuu leeyahay macaayiir (criteria )inta garan kartaa ay aad u kooban tahay, una maleyn maayo inuu jiro xildhibaan qeexi kara shaqada looga baahan yahay inuu guto Madaxweynaha dalka. Xildhibaanada maanta saluugaaya shaqada Madaxweynaha ma yihiin dad garashadoodu gaarsiisan tahay howsha iyaga loo xilsaaray oo ay ku qaataan mushahar aysan weligood ku riyoon…Qiimeynta howlaha la qabto waxaa lagu qiyaasaa wax la yiraahdo ”periodical appraisal” oo koobeysa shaqada laga sugaayo Madaxweynaha ma tahay mid qof waliba ay qiimeyn karto. Shaqaalaha adduunka horey u maray waxay qabaan qimeyn la yiraahdo “yearly appreisal” oo dabayaaqada sannad kasta lagu abaal mariyo qof waliba heerka uu ka galay gudashada howshiisa.
Waxaa eedeynta ka mida in xildhibaano ay ku dhinteen qaraxyo oo ammankooda aan la sugin..ma jecli inaan tafaasiil ka bixiyo qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya Muqdisho..laakin haaddii si koban loo dulmaro, siiba qaraxyada ay ku dhintaan xildhibaannada waa kuwo qorsheysan oo laga yaabo inay dabada ka wadaan qaar ka mida xildhibaannada laftooda ama dad iyaga u adeega, sababtoo ah ninkii ku dhintay irridka Madaxtooyada wuxuu saarnaa baabuur lasoo miineeyay oo loogu tala galay inuu ku qarxo gudaha Madaxtooyada.
Xildhibaannadi kale oo midna dhintay midna dhaawacmay waxay ka wada yimaadeen gobolka Baay, dhallinyaradi lagu eedeyey oo seddax ahaa iyaguna waa reer Baay, maxaa arrimahaa kulmiyay haddeysan jirin koox la mantaana ah Al-Shabaab oo aanu u bixinnay AL-ASHRAAR oo fuliya howlaha amni darrada qaarkood, waayoo Shabaab waa iska fogeysay falalka qaarkood.
Sidee looga hortagi karaa ama loo yarey karaa sharta ay maleegayaan QASWADAYASHA oo ah niman u adeega danaha dalalka deriska ah, kana shaqeynaya in Soomaaliya aysan marna dowlad ka dhalan.
Waxaa jirta aayat Qur’aanka Kariimka ah uu Ilaahey kula hadlay Abuunaa Aadam ” SHEYTAANKU WAA CADAWGIINA EE CADAW KA DHIGTA” nimankaanu waa cadaw ummaddana u diidan inay nabad helaan, waa inay dowladdu waa sidaas ula dhaqantaa, lagana xayuubiyo xasaanada, xabsigana la dhigo, si looga hortago sharta ay maleegayaan oo ay ula jeedaan inay amniga iyo degganaanta Xamar khal-khal geliyaan.
Waa dad raba inay dumiyaan dowladda dhisan oo ah tii ugu fiicneyd ee soo marta dalka burburki kaddib, dalkuna burburo oo lagu kala cararo .
Guddoomiye Muungaab waxaan ka codsaneynaa inuu, isagoo kaashanaya Taliyaha Nabadsugidda gobolka Banaadir, xildhibaanadaan iyo inta la shaqeysa ay daba galaan, ilaaliyaan dhaqdhaqooda iyo shirarka ay abaabulayaan, la dhegeysto taleefanada ay sitaan. Arrinkaanu waa mid loo baahan yahay xilliga la maraayo oo ah marxalad xasaasi ah, si sharciga waafaqsanna, looga hortago khatarta soo socota oo uu cadawga ummadda maleegayo.
Madaxweyne Xasan Sheikh waxaan rabaa inaan xasuusiyo sheekadi dhex martay saxaabigi weynaa ee caanka ahaa SACIID BIN JUREER (Ilaahey raalli ha ka naqdee) markuu la klulomay safaaxi XAJAAJ BIN YUSUF (oo muddo dheer raadinayay) uu yir i”waa ku dilaa” markaasuu saxaabigi ugu jawaabay ”haddii aad i dili karto adigaan ku caabudi lahaa” markaasuu ku yiri ”waxa i dili kara waa Ilaahey subxaanahu wa tacaala.”
Booska aad joogto waxaa ku siiyay Ilaahey isaga bes ayaana kaa qaadi kara..kuwa dhuuni-qaatayaal ah meesha kaama qaadi karaan, waayoo waxay joogaan heer ay xataa magacaaga kuu quuri waayeen oo magacyo kale laguugu yeero…dadka noocaasa miyaa adiga wax ku siin lahaa…waa maya..Maqaalki horena waa kuugu sheegay ee Ilaahey tala saaro adigana isku kalsoonaaw.
W/Q: Axmad Calasow
ahmedalasso@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid