Saxafigu waa run sheegaha mar waliba ka hadla xaqiiqada dhabta ah ee jirta, inkastoo ay jiraan dad diidan in runta la sheego oo jecel in wax la maldaho haddana runta waa lagama maarmaan, run sheegidduna waa arrin ay diinteena muqadaska ahi ina fareyso.
Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, in ay nabad noqoto waanu wada jecelnahay, waana rajo aanu wada sugeyno, laakiin marka xaqiiqda dhabta ah laga hadlo Muqdisho nabad lagu kalsoonaan karo kama jirto haatan.
Waxaa wax muuqda ah in Muqdisho ay sidii hore soo dhaamayso waana mid aan la dafiri karin in ay sii yaraanayaan rasaastii Muqdisho caanka ku ahayd ee mar waliba la maqli jiray, macnaha way yaraatayna waxay ka dhigan tahay weli kama dhammaan oo marmar qaraxyo iyo rasaas goos goos ah ayaa laga maqlaa, waxaase dhawaaqii faraha badnaa ee rasaasta haatan beddelay oo la maqlaa dhawaqa burus iyo musmaar isku dhacaya, waana dadkii guryahoodu ku burbureen colaadihii Muqdisho oo dib guryahooda u dayactiranaya, taasna macnaheedu ma aha Muqdisho ayaa nabad noqotay amaba ah. Kaliya waxaa la oran karaa Muqdisho waddadii nabadda ayay higsanaysaa oo ay ku taagan tahay.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya Muqdisho si buuxda ugama wada taliso awooddeedana kuma aysan baahinin, waa ay jirtaa in awooddii kooxda Al-shabaab ee Muqdisho la maquuniyay balse weli Al-shabaab Muqdisho way joogtaa hubkii waaweynaa ayay dhigeen mooyaane Muqdisho kama aysan bixin.
Waxaa tusaale cad inoogu filan Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Muqdisho waxa uu xarunta madaxtooyada u jiraa dhowr kiilo-mitir, haddana xildhibaan ama shaqaale dowladeed tagi karaa ciidan la’aan ma jiro oo way ka baqanayaan, iskaba daa madaxda kale ee dowladdee, taasna macnaheedu waa Muqdisho nabad buuxda kama jirto.
Ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-shabaab xilliyada habeenkii waxa ay isku dhex burbursadaan xaafadaha Suuqa Xoolaha, Towfiiq, Gubta iyo xaafado kale oo Muqdisho ka mid ah, waxaana askarta dowladda la isugu soo ururiyaa waddooyinka laamiga, ma dhaafi karaan agagaarka xeryahooda, fasiraadda taasina waa Muqdisho weli nabad kama jirto.
Meelaha la xusi karo ee Muqdisho nabad ka ah, dadkuna habeenkii ku fiidsadaan waa inta ka soo bilaabata xeebta liido ilaa agagaarka Isgoyska Zope ee xaafadda Buula-xuubey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, intaasna waa halbowlaha ay ciidamada dowladdu ku xooggan yihiin, waxaana isku xira waddada muhimka ah ee Maka Al-mukarama ee loo maro xarunta madaxtooyada ee dowladda laga maamulo, inta kale ee Muqdishana nabad lagu taami karo kama jirto oo casirkii guryaha ayaa lagu xaroodaa, masaajidyaduna way maran yihiin kalsooni nabadeed oo lagu aadi karaa Muqdisho kama jirto.
Nabaddu ma aha in sarkaal dowladeed ay la socdaan ciidamo hub culus wata iyo askarta AMISOM ay socod gaadiid ku marmarid ah ku tagaan xaafadaha Muqdisho, iyagoo weliba aan ku sii nagaan karin waayo waxay halis u yihiin Bam lagu tuuro ama rasaas arbushaad loogu samaynayo lagu weeraro, ciidamaduna ay markaasi ridaan rasaas xooggan oo waxyeeleysa dad shacab ah oo aan waxba galabsan ee muhimaddu waa in shaqsiga dowladda u shaqeeya ha ahaado shaqaale caadi ah, xildhibaan amaba mas’uul kalee uu dhex mushaaxi karo xaafadaha Muqdisho oo dhan isagoon cidna ka baqanaynin.
Sidoo kale nabaddu ma aha dhismo dabaq ah oo laga taago waddada Makka Al-mukarama ama guryo cusub oo la dhistaa amaba xeebta Liido oo lagu tamashleeyo ee waa in Muqdishoo dhan si kalsooni leh loogu wada dakeeyo min shacab ilaa mas’uul dowladeed.
Sida lawada ogsoon yahay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar wasiirrada xukuumadda ka mid ah Gaadiidka qafilan ee ciidamada Midowga Afrika ayaa lagu sugaa amnigooda oo xitaa ma aamini karaan askarta dowladda, taasina macnaheedu waxa weeye Muqdisho weli nabad ma aha.
· Inta xildhibaan ama shaqaale dowladeed amaba oday dhaqameed dowladda ku lug leh uusan xaafadaha Muqdisho si xor ah u wada marmari karin uguna dhex mushaaxi karin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.
· Inta madaxda dowladdu ay ilaalinayaan ciidamada Midowga Afrika oo Gaadiidka qufulan ku dhex jiraan, xildhibaanka, saxafiga, odayaasha dhaqanka ee Baarlamaanka soo dhisay iyo shaqsiyaadka kale ee muhimka ahna ay dareen ku joog Muqdisho ku yihiin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.
· Inta askari ka tirsan dowladda ay shacabku ka baqanayaan ogow Muqdisho nabad buuxda kama jirto.
· Inta saxafi Muqdisho lagu dhex dilayo, shaqsigii dilayna aan la soo qabanayn ogow Muqdisho nabadi kama jirto.
· Inta ay kufsi samaynayaan askarta dowladdu, wariyihii warkaasi baahiyana la xirayo ogow weli Muqdisho nabad buuxda kama jirto.
· Inahaas iyo ina kaloo badanba inta ay Muqdisho ka jiraan ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.
Si kastaaba dowladdu waa inay xoogga saartaa amniga Muqdisho oo ay nabad buuxda ka dhigtaa caasimadda, isla markaana ay wax ka qabataa dhammaan arrimaha ka jira ee nabadda Muqdisho caqabadda ku ah, waayo Muqdisho waa muraayaddii laga daawanayay Soomaaliya oo dhan, waxayna u baahan tahay nabad buuxda oo dhammeystiran, dowladda haatan talada dalka heysa ayaana looga baahan yahay inay wax ka qabato amniga Muqdisho oo ay nabadeyso, shacabkana waxaa laga doonayaa inay dowladda ku garab siiyaan nabad ku soo dabaalidda Muqdisho oo gacmo wadajir ayay wax ku gooyaane ay dowladda ula shaqeeyaan si hagar la’aan ah.
W/Qoray: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)
caaqildalmar@gmail.com
caaqildalmar@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan