Shalay markii aan qornay warka ku saabsan in hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab loo magacaabay Axmed Cumar Abu Cubeyda, waxaan sheegnay in magacaas cusub yahay, balse laga yaabo inuu yahay qof magaciisa la yaqaan, hase yeeshee ay Shabaabka magacaas u yaqaanaan.
Waxaan sidoo kale sheegnay in warar horudhac ah oo aan helnay ay sheegayeen in Axmed Cumar Abu Cubeyda uu yahay nin lagu magacaabo Axmed Diiriye ama Axmed Dheere, oo aan saadaalinay inuu noqon doono hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab.
Baaritaan ay Caasimada Online sammeysay sida ay idiin ballan-qaaday, ayaa haaddaba soo saaray in labadii dhacdaba ay noqdeen sidaan u werinay.
Warkii aan shalay subax qornay ee ahaa in Axmed Diiriye iyo Mahad Karataay ay ku loolamayaan xilka cusub ee hoggaanka Al-Shabaab, ayaa noqday sax. Halkan ka arag warkeenii shalay iyo sida ay Caasimada Online u noqotay warbaahintii ugu horreysay ee shaacisay hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab.
Xogta cusub ee aan soo uruurinay ayaa sheegysa in Axmed Diriye, Axmed Dheere, Axmed Cumar iyo Abu Cubeyd ay ka mid yihiin magacyada been abuurka ah ee tirada badan ee horjoogaha cusub ee Al-Shabaab.
Amiirka cusub ee argagixisada Somalia (Al-Shabaab) wuxuu magaciisa runta ah yahay Mahad Cumar Cabdi Kariim, wuxuuna isticmaalaa magacyo badan sida Abu Cubeyda oo ah wiilkiisa curadka ah, Axmed Dheere oo Xarakadda Al-Shabaab looga dhex yaqiin iyo magaca Axmed Diiriye.
Mahad Cumar Cabdi Kariim oo hadda la baxay magaca Axmed Cumar waxay ilmo habreed yihiin Amiirkii geeriyooday ee Axmed Cabdi Aw Mohamud Godane, sida ay Caasimada Online soo ogaatay.
Axmed Godane hooyadiis waxaa la yiraahdaa Cibaado Warsame, halka Mahad Cumar hooyadiisna tahay Fadumo Warsame. Godane iyo Mahad waxaa dhalay laba gabdhood oo da’ ahaan isku xiga, waxaana weyn Mahad hooyadiis.
Cibaado Warsame iyo Fadumo Warsame waxay qabiil ahaan u dhasheen beesha Isaaq, gaar ahaan Garxajis, Habaryoonis, Raaska Reer Sugulle.
Amiirka cusub ee argagixisada Al-Shabaab garab ka mida ay ku caleemasaarteen Baraawe, wuxuu qabiil ahaan u dhashay beesha Bajamaal oo sida la rumeeysan yahay la dhalatay beesha Biyamaal ee Dir.
Mahad Cumar Cabdi Kariim “Abu Cubeyda” wuxuu ku dhashay degaanka Qalaafe ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia. Da’diisa si dhab ah looma yaqaan, laakiin arday uu Dugsi Quraan ugu dhigi jiray Magaaladda Kismaayo waxay ku qiyaaseen 46 sano jir.
Axmed Cumar ama Mahad Cumar wuxuu ku magacaawnaa Waaliga Gobollada Bay iyo Bakool ee Maamulka Al-Shabaab.
Caasimada Online waxay heshay Codka Amiirka cusub ee Al-Shabaab xilli uu khudbad ka jeediyay Isbitaal laga furay Magaaladda Diinsoor ee gobolka Bay 19 October 2013.
Halkan ka dhageyso.
Sawir laga qaaday xilligaas Mahad Cumar Cabdikariim ayaa muujinaya isagoo dhex fadhiya dad badan.
Mahad Cumar oo hada la baxay Axmed Cumar wuxuu bilihii la soo dhaafay ku magacaawnaa Amiir ku xigeenka Al-Shabaab, isagoo sidoo kalena soo noqday La taliyaha gaarkaa ee Axmed Godane.
Caasimada Online waxay ku faraxsan tahay inaan noqonay Warbaahintii ugu horeeysay ee bulshada u sheegtay magaca runtaa ee Amiirka cusub ee Al-Shabaab Sidoo kalena waxaan diiwaanka ku qoreeynaa inaan bulshada la wadaagnay codkiisa iyo magaciisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com