Markii Xasan Sheekh uu go’aansaday inuu meesha ka saaro ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxaa la hadlay dad badan ugana digay ficilkiisa ay gadaal ka riixeyso siyaasadda xun ee kooxda uu ka tirsan yahay ee Damu-Jadiid.
Arrinta ugu weyn ee Xasan Sheekh loogu cadaadinayey inaanu xilka ka qaadin ra’iisul wasaare Saacid, jidkii oo doonaba ha u maro’e, waxa ay ahayd xaqiiqda ah in Saacid uu wax walba u huray sidii uu khilaaf uga dhex ilaalin lahaa dowladda, isaga oo mararka qaar ka tanaasuli jiray awoodo uu dastuurka siinayo, si xal un loo gaaro.
“Ma heli doontin nin Saacid la mid ah, eek a joog” ereyadaas waxa ay ka mid ahaayeen kuwa ugu badan ee dhagaha Xasan Sheekh ku dhibcayey, balse nasiib darro, waa uu ka dhego adeegay.
Markii ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh lasoo magacaabay, waxa ugu horreeyey ee shaqo uu ka billaabay kadib markii uu magacaabay golaha wasiirada, waxa ay ahaayeen inuu colaado iyo naceyb qabyaaladeed dib usoo nooleeyo, isaga oo si gaar ah u bartilmaameedsanayey beelaha Hawiye.
Waxa uu tagay Kismaayo, isaga qabyaalad darted ugu hiiliyey kooxda Axmed Madoobe, iskana indha tiray xuquuqda dadka qabaa’ilada badan kasoo jeeda ee dega gobollada Jubbooyinka. Xitaa Barre Hiiraale oo asaga dad ugu dhow ayuu ku yiri “Axmed Madoobe isku dhiib”, sababta oo ah Cabdi Weli waxa uu is-baheysi ka raadinayey maamulka Puntland, waxaana Barre Hiiraale lala xiriirinayey beelaha Hawiye.
Xasan Sheekh kama hadal
Waxba waxbaa ka daran’e, Cabdi Weli waxa uu socdaal ku tagay magaalada Marka, ee gobolka Sh/Hoose, isaga oo hub iyo lacag isugu daray maleeshiyada Biyo-Maal ee xiriirka la lahaa Al-Shabaab, una sheegay inay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah beelaha Hawiye ee deegaanadooda iyo guryahooda lagu dhibiyey, balse qorshahaas waa uu fashilmay, kadib markii laga guuleystay kooxdii uu Cabdi Weli u hiiliyey.
Xasan Sheekh kama hadal
Waxaa taas xigay in Cabdi Weli, oo fulinaya siyaasad ah “Hawiye yaysan saameyn ku yeelan federaalka”, uu gobolka Shabeelaha Hoose uu ku biiriyey gobollada Bay iyo Bakool, ayada oo xaqiiqdu tahay in dega gobolkaas ay beelaha Hawiye yihiin. Xitaa maamulka lixda gobol oo diiday arrintaas, waxaa lagu been abuurtay magaciisa, si qorshahan loo meel mariyo.
Xasan Sheekh kama hadal
Dhammaan arrimahaas waxa ay ahaayeen kuwa qabyaalad iyo naceyb fog ku dhisan, balse Xasan Sheekh ma lahayn kartida uu dadkii uu magacooda ku helay xilka ugu doodo, ugana joojiyo xadgudubyada lagula kacayo. Intaas waxa uu Xasan Sheekh dhaafsanayey xilkiisa, maadaama ay jirtay in kooxda Nicholas Kay ee Soomaaliya maamusha iyo kuwa gobolka ay la safteen Cabdi Weli, maadaama uu ku xirmay dhinacyo aan qarannimada Soomaaliya iyo sharafteeda wax dan ah ka lahayn sida Axmed Madoobe oo gobollada Jubbooyinka siiyey Kenya iyo Puntland, oo Ethiopia iyo Kenya si aad ah ugu dhow una fulisa qorshaha ah in midnimada laga ilaaliyo Soomaaliya.
Haddii Xasan Sheekh uu dadkiisa u doodi waayey, waxa ay sheekadu tagtay in awoodihiisa dastuuriga ah ee madaxweyninimo lagu soo fara-geliyo, oo ah magacaabista iyo xilal ka qaadista taliyayaasha ciidamada.
Qodobka 90-aad ee dastuurka oo ka hadlaya awoodaha madaxweynaha, waxaa faraciisa 3-aad iyo 4-aad ku xusan sidan:-
3 – Madaxweynaha Wuxuu magacaabaya Taliyeyaasha Ciidamada Heer Federaal, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, shaqadana wuu ka qaadi karaa.
4 – Xil ka qaadista Saraakiisha Dowladda Federaalka waxay ku imaanaysaa sidii markii hore lagu magacaabay.
Hase yeeshee markii ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu xilalka ka qaaday General Saacid iyo Generaal Bashiir Goobe, oo kala ahaa taliyayaashii booliiska iyo nabad-sugiida, kuna beddelay Generaal Maxamed Xasan, oo ay isku beel yihiin, iyo Cabdullaahi Sambaloolshe, waxa ay ahayd tallaabo “Baraarug” u ah Xasan Sheekh, waayo Cabdi Weli waxa uu faraha la galay awood uusan lahayn oo dastuuri ah. Waxa ay ahayd tallaabo uu ku tijaabinayey Xasan Sheekh, balse Xasan ma uusan fahmin. Maadaama Cabdullaahi Sambaloolshe uu abti ugu aadan yahay Xasan Sheekh, uuna xilka la rabay. Wuxuu go’aansaday inuu ka aamuso. Nasiib-darro, Xasan Sheekh oo aan iskuul culuumta siyaasadda soo dhigan, xil ka horreeyey madaxweynenimo-na aan soo arag, ma uusan fahmin sawirka weyn ee ficillada Cabdi Weli ay bixinayaan.
Xasan Sheekh kama hadal
Mundul ninkii dhisaa ka weyn, ayaa ah maahmaah Muqdisho aad looga adeegsado, Haddii Cabdi Weli uu magacaabay Sambaloolshe, maxaa u diidaya inuu xilka ka qaado, waa maya?. Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, waxuu haddana mar kale galay xeendaabka Xasan Sheekh, kana ceyriyey shaqada Sambaloolshe. Xasan Sheekh maalmo ayuu is-diidsiiyey, balse waa la sabarsiiyey, waana markii labaad oo awoodiisa loo soo dhaco. Ficilladaas oo idil waxa ay gogol xaar u ahaayeen waxa gadaal kasoo socdo, ee Cabdi Weli uu soo waday, laakiin Xasan ma fahamesaneyn, haddii uu dareensanaana, ma lahayn awood iyo karti uu isaga qabto.
Xasan Sheekh kama hadal
14-kii October 2014, ayaa Cabdi Weli oo saddex maalmood joogay Puntland, waxa uu heshiis la galay Cabdi Weli Gaas iyo maamulkiisa, oo markii horeba ay xulufo ahaayeen. Aniga heshiis uguma yeerin, ee waxaan u fahmay in Puntland loo ogolaaday wixii ay rabtay, sababta oo ah qodobada heshiiska oo gebigoodba ayada u xaglinayey. Marka laba dhinac ay is hayaan, oo qodobo miiska lasoo saaro, waxaa caadiyan dhinacba uu ka tanaasulaa dhowr qoodb, si xal loo helo, hase yeeshee marka hal dhinaca wixii uu miiska soo saartay loo wada yeelo, taas heshiis lama yiraahdo. Cabdi Weli waxa uu Puntland u saxiixay heshiis lagu dulminayo dowladda, qarannimada Somalia, dastuurka iyo beelo gaar ah.
Xasan Sheekh kama hadal
Haddii dhammaan dulmiyadii Cabdi Weli uu ka aamusay ama ku raacay, waxaa Xasan Sheekh loogu yimid gurigiisa kadib markii shalay xilka laga qaaday wasiirkii uu ku dhaartay ee Faarax C/Qaadir, oo dadka qaar ay rumeysan yihiin inuu madaxweynaha isaga gadaal ka maamulo.
Xasan Sheekh waxaa ku baryey waaga, waxaana ku caddaatay talo. Wuxuu deg deg usoo saaray war-saxaafadeed uu ku diiday go’aanka Cabdi Weli, balse xaqiiqda ayaa ah in ra’iisul wasaaraha uu awood u lee yahay maamulka golahiisa wasiirada, sidaa darteedna Xasan Sheekh ay tahay inuu si kale ula dagaalamo Cabdi Weli.
Xasan Sheekh waxaa hadda haysta shalaay. Xitaa ma haysto taageerada dadkii uu ka dhashay, ee uu horey ugu tacaddiyey. Wuxuu dib u raacayaaa karti xummadii iyo qaladaadkii uu sameeyeeyey ee keenay in Cabdi Weli uu heerkan gaarsiiyo fowdad uu ku hayo dowladda iyo Soomaaliya intaba. Cabdi Weli sheekadiisa waa ay caddahay. Wuxuu go’aansaday inuu si cad ula dagaalamo beelo gaar a. Inuu qaranka ka doorto u adeegista Kenya iyo Ethiopia iyo in dalka aanu fowdo iyo jah-wareer ka bixin
Waa cayaar sayaasadeed cusub oo xiiso leh, aanu aragno meesha ay ku dhammaato.
W/Q: Axmed Cali Sheekh
Tifaftiraha Caasimada Online
caasimada@live.com