Bismillaah, walxamdulillaah, Allaahumma salli calaa Muxammad wa aalih wasaxbeh.
Intaa kadib, maanta waxaan jeclahay inaan ummadda Somaliyeed ee wareertay, usoo gudbiyo, xalka khilaafka madaxda dowladda, oo meel aanan ahayn meeshii uu ku jiray laga wada raadinaya. Xalku wuxuu yaal meel dhaw oo aanan ka fogeyn madaxtooyada Qaranka. Xalka khilaafka madaxda dowladda ma jiro dowladaha shisheeye, ma jira QM, ma jira USA, ma jira IGAD, EU iyo AU. Xalka khilaafka madaxda dowladda, xataa waxaa looga maarmi karaa.
Xitaa xallinta khilaafkani, waxaa looga maarmi karaa, maqnaashaha ay maqantahay maxkamaddii dastuuriga ahayd ee marjaca noqon lahayd hadduu khilaafku sii cuslaado. Balse immiku arrintu sidaasi waa ay ka fududdahay.
QM ayaa hadashay, waxay tiri “Halla xalliya khilaafka’’
IGAD ’’Halla xalliya khilaafka, waa aanu ka xunnahay’’
EU ’’Halla xalliya khilaafka, wuxuu dhibayaa hiigsiga 2016’’
Dhammaan intaasoo baaq ah xalku wuu ka sokeeyaa. Dadka qaar baa ku leh, dastuurta weeye cilladda keentay khilaafka, qaar waxay ku leeyahiin Raysal wasaaruhu waa inuu meesha ka baxa, waayo dastuurkuu ku tuntay, qaar waxay ku leeyahiin madaxweynaha ayaa awoodda dowladda leh, sidaa darteed wuu diidi karaa amar kasta iwm.
Intaasoo dhan xalku kuma jira. Xalku wuxuu ku jiraa BUUGGA MUQADDASKA AH. Nacam, waxaan ula jeedaa buugga la yiraahda waxaa loo qoray in uu xalliya mashaakilka Somalia, ee dowladda u ah mid muqaddas ah. Waa kan lagu dhaartay dhowriddiisa iyo ilaalintiisa. Waa Dastuurka federalka ee Somalia.
Awooda ayuu cid waliba oo madaxda sare kamid ah siinayaa buuggaasi. Waxaana kamid ah awoodahaasi, qodobka 100-aad ee Dastuurkaas, oo oranaya
Qodobka 100aad: Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha
Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa:
(a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah
(b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada
Waxaa kaloo jira qodobka 90-aad oo ka hadlaya awoodaha Madaxweynaha, oo oranaya faqradiisa (e)
(e) Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
Labadan qodob isma khilaafsana, waayo midka madaxweynaha awoodda u siinaya inuu wasiirada iyo wasiir ku xigeennada iyo wasiir dowlayaasha casili karo, waxaa ku xiran shardi, kaasoo ah in marka hore uu usoo jeediyo Raysal wasaaraha. Haddii Raysal wasaaruhu uusan taasi soo jeedinin macnaha waxaa weeye, ma ansaxaysa in madaxweynuhu uu xil ka qaadi karo xataa wasiiru dowlo. (Waa Dastuurka la qortay waxa kan).
Laakiin qodobka tilmaamaya awoodda Raysal wasaaraha ee wasiirada inuu casili karo soona magacaabi karo, wax shuruud ah oo tilmaamaysa in xataa la tashi uu la sameeyo madaxweynaha kuma taal Dastuurkan.
Sidaa darteed, hadalka suuqa ku jira ee oranaya Dastuurka ayaa isku diraya, meesha mataal.
Tusaale
Haddii aan iraahdo, gurigan waxaa albaabkiisa furi karo Cali iyo Cabdi oo kale oo aan labadooda .labo fure u kala dhiibo, oo aan iraahdo mar kale
- ’’Cabdi wuxuu furi karaa oo keliya, marka uu Cali usoo jeediyo inuu furo.’’
- ’’ Cali wuxuu awood u leeyahay inuu markuu doono furi karo.’’
Labadani qodob iskama hor imanayaan, laakiin mid bay fulintiisu ku xiran tahay ogalaashaha ama soo jeedinta midkale. Halka kan kalena uu isagu xor u yahay furidda gurigaas.
Cali wuxuu furay gurigii, laakiin Cabdi baa diiday. Sidee buu ku diidi karaa. Marjicii ay usoo noqonayeen haddii aan anigu ahay oo aan aniga horey ugu dhiibay labada fure, waxaa habboon inaan u hiilliya hadalkeygii hore, oo aan usheego Cabdi inuu ku khaldan yahay, diidmadaas.
Tusaalaha ANIGA (waa xildhibaannada)
Tusaalaha CALI (waa awoodda Raysalwasaare)
Tusaalaha CABDI (waa awoodda madaxweyne)
Tusaalaha FURAHA (waa kalsoonida Barlamaanka)
Tusaalaha U HIILINTA HADALKEYGII HORE (waa Dastuurka oo aan u hiilliya)
Waa sidaas oo kale labada qodob ee Dastuurka ee awoodaha siinaya Raysal wasaaraha iyo Madaxweynaha.
Qodobka kale ee u baahan in la iftiimiya ayaa wuxuu yahay, in labada masuulba ay ku xadgudbi karaan Dastuurka, waayo labaduba waa bini Aadam. Madaxweynaha wuxuu ku xadgudbi karaa awoodda Raysal wasaaraha, sida inuu casila qaar kamid ah wasiirada dowladda. Laakiin haddii markaasi uu falkaas ku waafaqo Raysal wasaaraha, howshaasi uu madaxweynaha ansaxiyey waxay noqoneysaa mid hirgasha, waayo Raysalwasaarihii is difaaci lahaa baaba ogol, awooddaasna marka uu Raysal wasaruhu oggolyahay fulinta arrinkaas, madaxweynaha waa uu leeyahay.
Sidaas oo kale, Raysal wasaaruhu wuxuu faraha la geli karaa mararka qaarkood howl aanan tiisa ahayd, sida magacaabidda taliyaasha, taasoo uu madaxweynaha leeyahay. Laakiin hadduu madaxweynaha aqbala arrinkaasi, ama uusoo dhaweeyo, waxay noqoneysaa mid xalaal ah, waayo isagii ka hadli lahaa ama is difaaci lahaa baaba ogol. Waxayna noqoneysaa markaasi howl ka baxsan dastuurka, laakiin ay madaxda dalka isku waafaqeen, waana wax wanaagsan inay isku waafaqaan howlaha noocaas ah, waana sababta Dastuurka loo sameeyay in la iswaafajiya madaxda dalka.
XALKU MUXUU YAHAY?
Xalku wuxuu yahay, in Xildhibaannadu marka ay madaxdu isqabtaan ay fiiriyaan, qodobbada la isku haya. Haddii Raysal wasaaruhu iskushaandheyn uu sameeyay, Dastuurku miyuu u ogal yahay? Hadday jawaabtu haa noqoto, maxay tahay caqabadda hortaagan? Hadday caqabaddii madaxweynaha noqotay, muxuu yahay qodobka madaxweynaha uu ku horistaagaya? Haddii la yiraahda Raysalwasaaruhu waa aad ku khaldan tahay isku shaandeyntaasi, waxay markaasi noqoneysaa dastuurka oo dhan inuu waxba ahayn oo uu khaldan yahay, waayo wuxuu isticmaalay awooddiisii dastuuriga ahayd ee uu dastuurku siiyey. Madaxweynaha haddii uusan haysan qodob uu ku hor istaagi karo iskushaandheyntu, waxaa xildhibaannada u bannaan inay Dastuurkooda ay ilaashadaan oo ay u hiilliyaan isaga.
Marka ay leeyahiin, waxaan la xisaabtameynaa wasiir hebel iyo shirkad hebel, waxaa uga habboon cidda diidda qodobbada dastuurkood inay u yeeraan oo ay la xisaabtamaan. Haddii uu madaxweynaha ka horyimaada isku shaandheyntaasi, waxaa xusid mudan in xildhibaannadu ay ogaadaan qodobka 100-aad ee Dastuurka in uusan ku shaqayn karin dastuurka dhexdiisa, ayna xusuusin mudan tahay in qodobkaasi uu geeriyooday. Haddii qodob dhan oo awood siinayay Raysalwasaaraha dalka laga saaro Dastuurka ama laga soo qaado meyd, maxaa markaasi diidaya berrina in laga saaro qodobbada mooshinka, ama la xisaabtanka xukuumad, ama awoodda Barlamanka ee ansaxinta miisaaniyadaha, xukuumadaha, heshiisyada iwm?
Xildhibaannadu, ha u hiilliyaan buuggooda muqaddaska ah, ee ay u dhaarteen dhowriddiisa. Xalku waa middaas.
Wabillaahi Towfiiq.
Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid