Dhibaatada soomaaliya iyo jiho wareerka ka taagan, waxaa inta badan huriya, dad carruurtoodii iyo maatadoodii, geystay waddamo amni iyo ammaan ah, ayna ku haystaan nolol adduun oo raaxo leh.
Bal u fiirso, waligaa ma maqashay dagaal ooge Qurac ama Qansax, ayaa qoyskiisa madfac ama xabbad doolaal ah haleeshay, sidoo kale xubnaha siyaasiyiinta waddanka soo maray dhammaan waa dad dibad joog ah intooda badan, khilaaf walbana iyaga ayaa huriya ama qeyb ayay ka yihiin, intaa waxaa dheer, kuwooda ugu cod dheer, kama taliyaaan saamaxaad, dulqaad iyo wadajir, waa rag, sidii Gorayadii lugna qurbaha u taal, lugna hoteelada dalka ugu amni iyo nolol fiican.
Dadkaa iyaga ah ee hurinaya dirirta ama had iyo jeer geedka dheer saara nabadda, sidaan kor ku soo xusayba, waa dad maatadoodii ka fogeystay daryaanka madfaca iyo rasaasta, qax warkii daaye, waxayna waddanka u joogaan in ay dhiigga shacabka qaxaya oo xabbaddu leefayso, ka biilaan carruurtooda dhigata iskuulada iyo Jaamacadaha adduunka ugu qaalisan.
Waxaan rabaa in aan idin la wadaago, qoraalkeygana ku xoojiyo: (Waxaan afar sano ka hor tagay, waddan ka mid ah waddamada carabta, waxaan meel maqaaxi ah kula kulmay, koox dhalinyara soomaaliyeed ah, oo daawanaya kubad/banooni. Waxaa dhalinyaradii ka mid ahaa, wiil ladnaan dheeri ah ay ka muuqatay, qof ka mid ah dadkii ila socday oo waddanka deganaa, ayaa igu yiri, kadib markii uu arkay eegisteyda dheeriga ah, wiilkaan ma taqaan ninka dhalay?, waxaan ku iri; maya, wuxuu igu yiri; waxaa dhalay Qurac. Wiilka aabbihii Qurac, waa nin hogaamiye beeleedyada caanka ah ka mid ah, oo dagaal galinta dhalinyarada ku wacan, wuxuuna inta badan ku baaqaa in dagaalka la galo!!!.
Waxaa u fiirsasho gaar ah mudan, raggan manaxayaasha ah, dadka ay dagaal galiyaan waa dad noocee ah, sidoo kale haddii, la qaxo ma yihiin dad bulshaddii ay qaxiyeen la wadaaga rafaadka qaxa uu leeyahay iyo wixii la mid ah?
Ugu dambeyntii, akhristoow waxaad maalin walba maqli dugaag dadoow cusub, oo gurbaan colaadeed garaacaya, si ay kibistiisa maraq ugu dhacdo, haddii aad intooda badan u fiirsatana waa dad qurbaha ka wada yimid, kuna soo fashilmay noloshii qurbaha, ayna hubaal tahay, in ay mushkiladda ka taagan waddanka in ay siyaadiyaan ma ogiye aysan wanaag ku kordhineyn, intaa waxaa dheer haddii ay maslaxadooda gaarka ah ka waayaan waa ay ciideynayaan.
W/Q Ahmed-haadi Muhumad
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan