Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Faallo: Maxay mar walba u fashilmaan Soomaalida kaalmeysata xabashida ?‏

$
0
0

Waxaa waayadan caada u noqotay Soomaalida Kaalmeysata Xabashida fashil iyo guuldarooyin aan ka dhamaad lahayn,ha noqdeena Soomaalidaasi kuwa sheegta dowlad, urur ama qabiil. Qormadan, ayaa runtii noqon doonto mid xasaasi ah maxaa yeelay, Waxa ay ka jawaabi doontaa su’aal ay in badan isweydiiyaan dadka Soomaalida iyo waliba dadka daneeya arimahooda. Su’aashaasi oo ah maxay mar walba u fashilmaan Soomaalida kaalmeysta Xabashida ?

Su’aashani, ayaa waxa ay madax xanuun ku riday dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Soomaali iyo Ajaanibba, Waxa ayna dhinacyadaasi rabaan in ay jawaabo u helaan sababta keeneysa in ay mar walba laga adkaado kuwa Amxaarada Kaalmeysata xitta haddii ay helayaan taageero nooc walba ah. Tusaale ahaan, Waxa ay dhinacyadaasi fahmi la’yihiin sababta ay u shaqeyn weysay Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf, taas oo ay gardaadin ku keeneen Magaalada Muqdisho ku dhawaad 50.000 oo Itoobiyaan ah.

Su’aashani, ayaa waxa ay sidoo kale ku lamaanan tahay su’aale kale oo la isweydiiyo, taas oo ah maxaa looga adkaan la’yahay kooxaha Islaamiyiinta Soomaalida, gaar ahaan marka la isticmaalayo ciidamada Itoobiya oo lagu tiriyo in ay yihiin ciidan dhisan, islamarkaana si fiican u yaqaana dagaalka Jabhadeynta ah laakiin aad hadda mooddo in laga qash dhacay. Waxaana isku dayi doonaa inta aan ku gudajiro qormada inaan keeno tusaalayaal dhowr ah oo muujinayo in ay guuli ka fog tahay mid kasta oo Amxaaro kalmeysta magaca uu doonaaba ha watee.

Hadabo si aan uga jawaabno su’aasha qormadeena ee nuxurkeedu yahay maxay mar walba la fashilmaan Soomaalida Kaalaameysata Xabashada ? Aan bal marka hore ka waranno sida ay Soomaalidu u aragto Xabashada iyo kuwa taageeraba, Maxaa yeelay aratidaasi, ayaa waxa ay sawir sax naga siineysa sabab ay guuldarooyinkan iyo fashilka u xanbaartaan Amxaaro Kalkaalada.

Dadka Soomaaliyeed, ayaa u arka Xabashada cadowgooda koowaad, Kaas oo sabab u ahaa dhibaatooyin badan oo soo gaaray Qoyskan Muslimka ah (Soomaali). Waxa ayna aaminsan yihiin in ay Iyadu masuul ka ahayd burburkii ku dhacay Qarankoodii xoogga badnaa, inkastoo ay shaqadaasi ku gacansiiyeen kuwa Soomaali ah. Waxa ay sidoo kale rumaysan yihiin in ay Amxaaradu tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhismaha qaran Soomaaliyeed oo leh ciidan xooggan.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo taageersan Dowladda Federaalka, kuwaas oo aan la sheekeystay, ayaa waxa ay ii sheegeen marar badan in Xabashidu tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhismaha ciidan qaran. Tusaale ahaan, mid ka mid ah dadkaasi, ayaa waxa uu ii sheegay in ay adag tahay in la dhiso ciidan Soomaaliyeed oo xooggan inta ay jirto saameynta ay Itoobiya ku leedahay dalalka horboodda siyaasadda Caalamka.

Hadaba aragtidaasi ay dadka Soomaalidu ka qabaan Xabashida, ayaa waxa ay abuurtay jawi naceyb ah oo loo qaado qof kasta oo Soomaali ah, kaas oo jaal la noqda Iyada. Taasna, waxa ay ugu danbeyn keentay in goob kasta looga adkaado kuwaasi (Amxaaro-Kalkaalada) maadaama loo arkayo dabadhilifyo qatar ku ah jiritaanka Umaddooda. Aan soo qaadano tusaalayaal dhowr ah oo aan is leeyahay, waxa ay noo ifinayaan xaqiiqda aan ka waramayo maanta.

1- Hogaamiye Kooxeedyadii: Dagaaladii dhexmarayey Hogaamiye Kooxeedyadii dalka, Waxa inta badan gadaal ka riixayey Maamulka Xabashadida, Kaas oo doonayey in uu dalka u gacan geliyo kooxo Soomaali ah oo Isaga taageersan. Waxaana ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadaasi Jen. Morgan, Kaas oo ay colaad ba’ani kala dhaxeysay Col. Barre Hiiraale oo ku aadan cidda maamuleysa Gobolada Jubooyinka.

Jen. Morgan, ayaa duulaamo dhowr ah ku qaaday gobolada Jubooyinka si uu u qabsado gaar ahaan Magaalada Kismaayo, Isagoo markaasi taageero dhinac walba ah ka helayey Taliskii Xabashida ee uu hormuudka u ahaa Malaz Zanawi. Waxa ayna duulaamadaasi dhamaantood ku soo dhamaadeen guuldaro iyo fashil ka dib markii ay ciiddu ka hiilisay Jen. Morgan iyo xulafadiisa, inkastoo ay saad iyo saanadba ka fiicnaayeen kooxda Barre Hiiraale. Ma is weydiin karta sababta looga adkaaday Jeneraalka iyo Xulafadiisa ?

Waa aan Nayroobi ku sugnaa 2006, ayaa waxa aan wareystay rag ka qeyb galay mid ka mid dagaaladaasi, Waxa aana weydiiyey raggaasi sababta mar walba looga adkaanayey. Waxa ayna si gooni gooni ah iigu sheegeen jawaab isku mid ah, taas oo ahayd “Adeer ciiddaa nala dagaalantay” Mar kale, waxa aan weydiiyey su’aal kale, taas oo ahayd side buu ahaa muraalkiina ? Mid ka mid ah, Waxa uu iigu jawaabay hadalkan “Nin ay Amxaaro kaalmeysneyso xagee muraal ka keenayaa”. Mar kale Barre Hiiraale, waxa uu dagaal kaga adkaaday kooxo ka kala socday SNF/SRRC, RRA iyo Kooxda Morgan. Dagaalkaasina, Waxa uu ka dhacay Magaalada Baardheere.

2- Maxkamadihii iyo Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho: Dagaalkii dhexmaray Maxkamadihii islaamiga ahaa iyo Hogaamiye Kooxeedyadii, Waxa uu runtii ahaa tusaale kale oo cajiib ah, kaas oo banaanka u soo saaray in taageerada Shacabku tahay midda go’aamineysa natiijada loolanka. Waxa uu sidoo kale dagaalkaasi cadeeyey in taageerada Shisheeyaha aanu waxba qaadi Karin marka uu Shacabku istaago.

Maxkamadaha Islaamiga, ayaa muddo gaaban gudahood kaga adkaaday Hogaamiye Kooxeedyadii xoogga badnaa sida Muuse Suudi,Qanyare,Cabdi qaybdiid,Maxamed Dheere iyo waliba Bashiir Raage, Kuwaas oo taageero dhinacyo badan ah ka helayey dowlado ay Itoobiya ka mid ahayd. Guushii ay gaareen Maxkamadaha ayaa loo aaneeyaa taageeradii ay u fidiyeen Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aad mooddo in ay oraneysay Shisheeye iyo Shaatigiisuba Shantaan kaga shaqeyneynaa.

3- Dowladdii C/laahi Yuusuf iyo Muqaawamadii: Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf Eebe ha u naxariistee, Ayaa Magaalada Muqdisho la keenay dhamaadkii 2007, Iyadoo lagu wado Uuraalo Itoobiyaan ah ka dib markii ay in mudda ah ku go’doonsaneyd Magaalada Baydhabo. Waxaana dheelmintaasi qar iska tuurka ka qeybqaatay Kumaanan Kun oo Itoobiyaan, Kuwaas oo dagaalkooda ka soo bilaabay Gobolada Dhexe (Bandiirley) ilaa ay ka soo gaareen Xaduud beeneedka Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya sida Raaskaanbooni oo kale.

Sanad ka dib, Dowladdii C/laahi Yuusuf ee lagu galbiyey 50.000-ka Kun ee askari, Waxa ay dib ugu uruurtay Villa Soomaaliya, halka ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee keenay Magaalada Muqdishana ay dalka isaga carareen, Iyagoo waliba lugaynayo. Hadaba waxaa maxay sababta keentay in ay Dowladdaasi ku uruurto Xeyndaabka Villa Soomaaliya ? Adiga is weydii.

Tusaalayaashaasi aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo badanba, Waxa ay noo cadeynayaan in ay guuli ka fog tahay qof kasta oo Soomaali ah magac kastaaba ha watee sida dowlad, urur iyo xisbi, Kaas oo miciinbida Amxaaro iyo taageeradeeda in wixiisu ku soo dhamaanayaan guuldaro iyo fashil. Hadaba aan is weydiine xagguu ka imaanayaa fashilka ? Su’aashani, Waxa ay leedahay labo Jawaabood oo kala duwan.

1- Fashilku, Waxa uu ka imaanayaa Shacabka Soomaalida oo iska bari yeelayo, islamarkaana iska diidayo cid walba oo kaalmeysata Xabasho magacay doonaanba ha wataanee. Taasna, Waxa ay ugu danbeyn keeneysaa in ay kooxdaasu dhaqaaqi weyso.

2- Xabashida oo ay caado u tahay in ay lugoyso, islamarkaana ay horumarka kala dagaalanto cid kasta oo ay ku shaqeysato. Tusaale ahaan, lama arag nin ay Amxaaro barbaarisay oo hadana guuleystay. Maxay ku sameysay C/laahi Yuusuf, Cumar Xaaji Masala,Maxamed Dheere,Maxamuud Sayid Aadan iyo kuwa kale oo badan. Aaway Raggii xilalka ka soo qabtay Soomaali Galbeed ? Dhamaantood waxa ay ku baxeen gacanteeda.

Labadan qodob, ee aan soo sheegnay marka ay isku raacaan qofka Soomaaliga ee jaalka la ah Xabashada, Waxa uu sugaba waa fashil iyo guuldaro aan dhamaad lahayn. Ninka inta Muqdisha ka orday ee Maqaley istaagay, Walibana gishtay Koofida injirta badan. Muxuu ka filayaa Shacabka Soomaaliyeed oo aan ahayn habaar iyo canaan ? Mase is weydiiyey dhibaatada ay arintaasi u keeni karto mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo waliba taageerayaashiisa.

Waxaa Isaga (Xasan Sheekh) ka daran Atoorayaasha Maamul Beeleedyada, Kuwaas oo kala garan la’ Federaalka ay ka tirsan yihiin ma kan Soomaaliya mise kan Itoobiya. Midda kale, haddii Itoobiya la tago ma in la dhaanteeyaa ? Waa maxay dhaantadan joogtada ah !

Anigu, runtii waxa aan ka mid ahaa dadka taageera Xasan Sheekh iyo Dowladdiisa laakiin marka aan arkay meesha loo socdo, Waxa aan go’aansaday inaan iska aamuso waayo aamuska ayaa ii wanaagsan. Tusaale ahaan, Sidee damiirkeyga uu u aqbali karaa in uu gacal iyo gaashaan ka dhigto ninkii Shalay burburiyey Qarankeygii maantana mar kale hortaagan ?

Gaba gabadii, Waxa aan leeyahay fashil iyo guuldaro waa u diyaar kooxda Tuunjo Amxaaro ee ay hormuudka u yihiin Atoorayaasha Maamul Beeleedyada iyo waliba Dowladdooda fadhiidka ah inta ay Gabre iyo wax la mid garabsanayaan. Gunaanudkii, Waxa aan leeyahay Soomaali ha noolaato hana israacdo.

W/Q: Abdullahi Ibrahim
Abdul2006@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>