Waxaa maalmahan nagu batay BEESHA CAALAMKA oo Nicholas Key wakiil u yahay isagoo mar kasta magacooda u adegsnaya dano gaar u ah asaga oo weliba codkooda ku hadlaya..marki la isweydiiyay yaa soo dirsaday yuuse wakiil ka yahay? Waa maxay danaha uu ka leeyahay in dowladda hadda jirta ay dunto si uusan dalku u yeelan dowlad shyaqeysa. Wuxuu safaro joogta ah ku kala bixiyaa meelaha ay ka jiraan maamul goboleedyada isagoo kala xaajoonaya sidey u wadaagi karaan howlaha uu isagu horjoogaha ka yahay oo ah in Madaxweyne Xasan Sheikh laga takhaluso si kastaba ama 2016 ama ka hor inta aan la gaarin. Waana qorshe hadda la wado, sida laga soo xigtay Universal TV, oo weliba lagu sheegay inay noqon doonto mooshin (impeachment) xilka looga xayuubinayo oo meelo badan laga abaabulaayo. Erayga “impeachment” micnihiisa ayaa ka khaldan Universal waayoo kalmadaasi waxay imaan kartaa marka Madaxweynaha lagu eedeeyo “khiyaano qaran”.ama fadeexad wax u dhimeysa xushmada dalka iyo dowladda. Madaxweyne Xasan Sheikh waa ka warqabyaa mu’aamarooyinka socda laakin, ma muuqato, wax ka hortag ah ama tallaabooyin uu ku badbaadi karo aysan u diyaarsaneyn…waxaana taa caddeyn u ah ammusnaantiisa iyo dulqadka la yaabka ah ee ka muuqda hab-dhaqankiisa.
Nasiib darrada Madaxweyne Xasan Sheikh heysata, oo aad u tiro badan, waa inuusan lahayn dad miisaan leh oo la taliya duwan kuwa geesaha ka fadhiya, kana aragti dheer, maadaama waxtarkooda uusan marna muuqan. Ha ahaato xagga siyaasadda ama xag stratejiyada oo u baahan aqoon gaar ah si loo qaado tallaabooyin ah ka hortagga”preventive actions” iyo afcaal xirfadeysan oo looga iibin karo Xasan Sheikh dunida xorta ah.
Nicholas Key waxaa iskaga qasan howsha loo soo diray iyo tan hadda uu ku mashquulay oo uusan wax shaqo ku lahay…maxaa ka galay BEESHA CAALAMKA waxa ay aqbaleyso iyo wixi kale? Waxaa lagu tilmaami karaa inuu ku sifoobay xikmadda carabiga ah ee dheheysa
يحسب البعض نفسه جبارا لجلوسه فوق ظهر الجمل
Micnaheedu waa ruux saaran rati korkiisa oo ismooday inuu yahay nin aad u awood badan.
Nicholas Key wuxuu waayay wax iska celiya ama u shega shaqada loo igmaday iyo waxa looga baahan yahay inuu qabto. Waxaa loo baahan yahay qof ka wakiil ah Madaxweynaha ama isaga laftiisa oo u sheega Mr.Key in dalkaan aysan ka talin Qaranmada Midoobay (UN) iyo Beesha Caalamka..dalkaan annagaa iska leh maamulkiisa iyo cidda madax ka naqaneysa annaga ayey gaar noo tahay… cid aan fasax uga rabno ma jirto..maxaa isaga ka dhigay mucaarad ka liita kuwa ka soo horjeeda dowladda jirta? Yaa u fasaxay inuu maalinba gobol joogo si uu u faafiyo cadaawada Somalida dhexdeeda!!!
Madaxweyne Xasan Sheikh noqo sidii Axmad Sekou Toure’, Madaxweynihi ugu horreeyay Afrika ee diiday isticmaarka iyo gumeysiga Faransiiska sannadkii 1957markii aftida loo qaaday dalalka uu gumeysan jiray..Guinea Conakry waa ay diiday isticmaar waxayna xorriyadoodi qaateen 2.10.1958. Faransiisku muxuu sameeyay markaas? Wax alla wixii dalka yiilaay oo qalab ahaa waa laga qaatay xataa nalalki jidadkaa surnaa waa la siibay si nolosha loogu dhibo dowladda cusub. Waa ninki yiri Faqrinnimo xurriyad wadata ayaan ka jecelahay hanti laygu addoonsado!!!
Madaxweyne Xasan Sheikhow ninka maanta magaalo kasta ee dalka Somaliya ka wada ololaha qaawan ee rsakhiista ah, oo adiga si gaar ah kaaga soo horjeeda waa inaad siisaa jawaabta uu mudan yahay, waayoo haddii aad ka aamusto waxaad u muuqan doontaa doqon sidi la rabo laga yeeli karo adigoo gurigaagi jooga, wax raddi-ficli ah”reaction” aan laga sugeyn oo aad ka cabsaneyso in xoogaaga luf-lufka ah ee lagu siiyo lagaa goosto. Deeqaha la siiyo Somaliya miyaa Nicholas Key na loo soo mariyaa? Ogaaw maalinta aad geesinnimo muujiso ood jawaab siiso Key iyo wixi la mid ah, ayaad ummaddan dullowday hogaamiye u noqon kartaa, adduunkana kuu aqoonsan doonaa ZACIIM u soo baxay badbaadinta Somaliya!!! ومن يتوكل على الله فهو حسبه
Oo micnaheeda la wada yaqaanno: qofki Ilaahey tala saarta isagaa ku filan.ILAAHEY TALA SAARO..UMMADDANA AAMIN
Lama arag aduunyada safiir Madaxweynihi soo magacaabay ka soo horjeeda, waana arrinta ka dhawaajisay Prof. Max/ed Cumar Dalxa oo si aan gambasho lahayn u weydiistay madaxda dowladda in lasoo magacaabo safiiro dalka mathali kara, isagoo ka gaabsaday inuu bixiyo tafaasiil ka badan inta uu sheegay oo ah murti qoto dheer oo inta shucuur wadaninnimo ku jirto oo kaliya ay garan karaan.
Kuwa dalka wakiilka uga ah dibadaha ma yaqaaniin Madaxweyne waxa uu yahay oo wadamada heysta nidaamkeena oo kale waxa lagu magacaabaa “Il president simboleggia per la nazione” madaxweynuhu wuxu sidaa sumadda dalka, ama jeclaaw ama ha jeclaan.
Ummadda Somaliya waa kuwa lagu sheegay xikmadda carabiga ah oo dheheysa:
اذا أرادالله بقوم سوء ا أعطا هم الجدل ومنعهم العمل
Xikmadaanu waa tilmaanta dhabta ah ee Somalidu ku sugan tahay.
Dhambaal gaaban oo ku socda Nicholas Key :
Somalia is not a British colony, and, if you continue this destructive behaviour like new warlord, which is far from your assignment and job description, you will be considered PERSONA NON GARATA…and, we hope, will put THE END your overseas assignment.
Axmad Calasow
bashaar10@outlook.com
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid