Wasiirka Arimha Dibadda ee Maamulka Soomaaliland, Ayaa dhowr casho ka hor waxa uu sheegay in ay doonayaa in uu Shisheeye dhaxdhexaadiyo Iyaga iyo Dowladda Federaalka, Ka dib markii uu burburay wadahadalkii u dhaxeeyey labada dhinac. Warka ka soo yeeray Wasiirka, ayaa imaanayo xilii uu qabsoomi waayey kulan loo balansanaa. kaas oo uu carqaladeeyey waftigii ka socday dhanka Soomaaliland.
Hadalka ka soo baxay Wasiirka, Ayaa nuxurkiisu ahaa in Dowladaha dariska sida Itoobiya iyo Kenya oo kale ay soo farageliyaan wadahadalan istaagay, Si ay u dhexdhexaadiyaan labada dhinac. Taas oo runtii ahayd wax lagu qoslo, islamarkaana muujineysa heerka ay gaarsiisan tahay cadaawadda uu Maamulkani u hayo Umadda Soomaaliyeed. Maadaama ay diideen in ay Soomaalidu wadahadasho. Sow taasi kama dhigno in ay jareen dhamaan xiriiradii ka dhaxeeyey dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah halka ay dhinaca kalena u baaqayaan Shisheeye ? Jawaabta oo kooban waa haa.
Inkastoo uu si fiican uga jawaabay Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka hadalkii ka soo yeeray Maamulka Soomaaliland, hadana waxaa dhinaca kale si aan fiicneyn u hadlay Wasiirka Arimaha Dibadda Cabdisalaan Hadliye. Kaas oo soo dhaweeyey dalabkii ka yimid Maamulka Soomaaliland ee ahaa in Shisheeye dhexdhexaadiyo labada dhinac. Hadalka Wasiir Cabdisalaan, Ayaa runtii u muuqda mid gef ku ah Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeedba maxaa yeelay, Waxa uu albaabada u furay in Ajanabi soo dhexgalo arimaha gudaha ee dalka.
Maadaama uu warkani yahay war dhiilo xanbaarsan. kaas oo runtii u baahan in laga hortago inta uusan saameyn xun ku yeelan dadka jaangooya siyaasadda Dowladda Federaalka. kuwaas oo runtii u badan siyaasiyiin aan sidaasi u khibrad badneyn, Islamarkaana haysta dhalashada Jinsiyado dalal kale sida Yurub iyo Maraykan oo kale. Hadaba maxaa la gudboon Dowladda Federaalka baaqaasi ka dib ?
Inta aanan ka jawaabin waxa la gudboon Dowladda Federaalka. Aan bal marka hore ka hadlo Ujeedooyinka ay Soomaaliland ka lahayd wadahadaladan. Maamulka Soomaaliland, ayaa wadahadaladani ka lahaa hal ujeeddo oo kaliya, Waana in ay aqoonsi madaxbanaani ah ka helaan dhanka Dowladda Federaalk sida ay Iyaguba marar badan sheegeen, halka dhinaca Dowladda Federaalkana ay baadigoob ugu jirtay sidii ay qancin lahayd Siyaasiyiinta horboodda Maamulkani, Si ay uga qeyb noqdaan dhismaha Soomaaliyda cusub ee maanta jirta.
Kulama dhowr ka dib, Markii ay xaqiiqsadeen Siyaasiyiinta maamusha Soomaaliland in aysan aqoonsi madaxbanaani ah marna ka helaynin dhanka Dowladda Federaalka. Waxa ay doorbideen in ay fashiliyaan wadahadalada ka dibna ay la soo baxaan farsamooyin iyo khidado laga soo min guuriyey dalal horay loo kala jaray sida Sudan oo kale. Dowladda Sudan, ayaa ku dhacday khiyaano ay u maleegeen dalal iyo Ururo Caalami ah. Waxaana dalalkaasi ka mid ahaa wadamo ay Sudaan u arkaysay in ay dhexdhexaad yihiin sida Masar, Itoobiya iyo waliba Kenya oo kale. Kuwaas oo markii danbe dhaxalsiiyey in dalkeedii loo kala jaro labo qeybood.
Maamulka Soomaaliland, ayaad moodda hadda in uu cayaarayo farsamooyin iyo qorshayaal loo soo dhiibay. Kuwaas oo ka caawin kara in uu ka go’a Soomaaliya inteeda kale waaba haddi laga yeele. Tusaale ahaan, marka ay leeyihiin lama fadhiisaneyno Dowladda Federaalka ilaa ay goobjoog tahay Beesha Caalamka iyo waliba dalalka dariska ah. Sow taasi kama dhigno in ay tijaabinayaan qorshayaalkii loo soo dhiibay ee guracnaa ? Midda kale, maxay si gaar ugu dalbanayaan dalalka dariska ah sida Itoobiya oo kale ?
Hadaba haddii uu xaalku halkaasi gaaray, Maxaa la gudboon Dowladda Federaalka si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka ? Anigu waxa ay ila tahay runtii in Dowladda laga rabo in ay la timaaddo qorshe labo waji leh. Kaas oo kala ah:-
1-In la diyaariyo wafti ballaaran oo uu hogaamiyo Madaxweynaha, Islamarkaana ay la socdaan Siyaasiyiin, Culimo, Aqoonyahano iyo waliba Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Soomaaliyeed. Waftigaasi oo safar ku taga Magaalada Hargeysa, Si uu ula kulmo dhamaan dadka Waxgaradka ee ka soo jeeda deegaanadaasi iyo waliba Maamulkooda. ka dibna uu ka xaalmariyo wixii dhacay, gaar ahaan wixii ay geysatay Dowladdii Maxamed Siyaad. Xaalmarin ka dib, in loo soo bandhigo Waxgaradka iyo Masuuliyiinta Maamulka in ay sheegtaan wax alaale iyo wixii ay rabaan marka laga reebo gooni-isutaag iyo kala go’. Haddii ay ku qancaan arinkaasi waa ahlan wasahlan waana sida aan rajaynayo.
2- Haddii ay diidaan arinkaasi, in markaasi loo gudbo qorshaha labaad. Kaas oo Ia isticmaalayo waddo kasta oo lagu ilaalin karo midnimada iyo wadajirka dalka, Iyadoo la adeegsanayo dhamaan Shacab-weynaha Soomaaliyeed iyo waliba dalalka daneeya wanaagga dadka Soomaalida sida dalalka Muslimka oo kale.
Gabagabadii iyo gunaanudkii, Waxa aan u soo jeedinayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya talooyinkan soo socda oo aan runtii is leeyahay waa kuwa muhiim ah, Si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajiraka dalka, Islamarkaana looga hortago mu’aamaraadka ay maleegayaan dalalka Itoobiya iyo Kenya:-
1- In la sii wado wadahadalada si loo gaaro xal waara.
2- Inaan marna la ogolaanin in shisheeye soo dhexgalo wadaxaajoodkan xittaa haddii uu istaago.
3-In gudaha loo soo raro wixii kulamo danbe oo la qabanayo.
4- In dowladaha dariska laga ilaaliyo in ay faraha la soo galaan wadahadaladan
5- In la ciqaabo Saraakiisha iyo Madaxda Dowladda ee iska hadla, Islamarkaana isticmaasha erayada Soomaaliya iyo Soomaaliland. Kuwaas oo runtii jahawareer badan ku riday Shacabka Soomaaliyeed.
W/Q: Cabdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid