Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Maxaa laga dhaxlay faragelintii Kenya ee dalka

$
0
0

Dowladda Kenya, ayaa dhowr sano ka hor waxa ay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya, Iyadoo markaasi ku andocooneysay in daba socoto dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabab oo ay ku eedeysay in ay falal amnidaro ka geysteen gudaha Dalkaasi. Eedeyta ka timid Kenya, ayaa dadka qaar ay waxa ay u arkaayeen in ay tahay been iyo borobogaan ay ku dooneyso in ay ku soo farageliso arimaha gudaha ee dalka ujeeda kastaaba ha ka lahaatee.

Sida ay marar badanba sheegtay, Waxaa saldhig u ahaa faragelinteeda Soomaaliya sidii ay u sugi lahayd amaanka deegaanada ku teedsan xuduud beenaadda ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan gobolka xeebta, oo ah halka uu ka soo galo dhaqaalaha ugu badan ee ay ka hesho dalxiiska. Waxaa sidoo ujeedooyinkeeda ka mid ahaa in laga saaro Al-shabab dhamaan deegaanada iyo magaalooyinka dhaca xuduudda labada dal, Islamarakaana laga sameeyo deegaanadaasi waxa afka qalaad lagu yiraahdo Buffer Zone, Sida uu qirayba Aadan Barre Ducaale oo ka mid raga ugu sarsareeya Xisbiga hogaamiya Dalkaasi.

Waxaa sidoo kale ujeedooyinkeeda ka mid ahaa sida ay Iyaduba sheegtay, in kala danbeyn iyo amni lagu soo celiyo dhamaan deegaanada laga saaro Xarakada Al-shabab, gaar ahaan Magaalooyinka waaweyn sida Kismaayo oo kale. Hadaba aan is weydiinee maxaa laga faa’iidey faragelintaasi qar-iskatuurka ah, Mase xaqiijisay ujeedooyinkii laga lahaa haday ahaan lahayd xagga Kenyaantiga iyo waliba haday ahaan lahayd xagga Soomaalida ?

Inta aanan ka jawaabin su’aashaasi, Aan bal marka hore wax-yar dulmaro qaabkii ay Kenya u soo gashay Soomaaliya iyo waliba cidda ay isticmaashay. Dowladda Kenya, ayaa iskeed u soo gashay Soomaaliya, iyadoo aysan jirin cid u fasaxday arinkaasi xitta marka lagu daro Dowladdii waagaasi dalka ka jirtay ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sh. Shariif Sh. Axmed. Taas oo runtii ahayd xadgudub weyn oo ay Kenya ka gashay Dadka Soomaaliyeed iyo waliba Dowladdooda, inkasta oo ay jireen Siyaasiyiin ka tirsan Dowladdaasi oo u sacabtumayey xadgudubkaasi sharcidarada ah.

Maadaama ay Kenya faragelineyso dal madax banaan, Islamarkaana leh dowlad la aqoonsan yahay. Sow ma’ahayn ugu yaraan in ay ogolaansho ka hesho dowladdaasi, inta aysan ciidamadeedu soo galin gudaha dalka sida ay dhigayaanba xeerarka iyo qawaaniinta Caalamiga ah, laakiin nasiibdaro taasi ma dhicin sabab kastaaba ha keentee. Mar uu arinkaasi ka dhiidhiyey Madaxweynihii Dowladdaasi Shariif Sh. Axmed, oo runtii si geesinimo leh uga hormiyid gardaradii ay Kenya ku soo gashay dalka, Waxaa isagiina lugaha qabtay Ra’isulwsaarihiisii Cabdiwali Gaas. Kaas oo si indho la’aan ah u soo dhaweeyey ciidamadii sida sharcidarada ah ku soo galay dalka ee uu waliba ka horyimid Madaxweynihiisii !

Buuq iyo muran badan ka dib, Ugu danbeyn waxaa ciidamada Kenya lagu daray Mashruuca dhaqaalo-doonka ee ay Afrikaanku ka wadaan Soomaaliya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano AMISOM. Si markaasi loo xalaaleeyo joogista ay ciidamadeedu joogaan gudaha dalka. Midda kale, sow ma’ahayn in ay Kenya ka fiirsato waxa ka dhalan kara faragelinta ay ku samaynayso dal ay dadkiisu inta badan ay hubaysan yihiin, Islamarkaana gocanayo dhibaatooyin badan oo ay Kenyadan horay u geysatay sida xasuuqii Wagaala iyo Gaarisa-Gubaay oo kale. Kuwaas oo lagula kacay Soomaalida ku nool dhulka loo yaqaano NFD ee ay Kenya gumeysato.

Sida ay Aqoonyahano badan oo Soomaaliyeedba sheegeen. Kenyaatiga, Waxa ay Soomaaliya u soo galeen ujeedooyin ka weyn inta la shaagay. Tusaale ahaan, dadka qaar waxa ay ku doodaan in Kenyaatigu uu damac kaga jiro boobka qeybo ka mid ah dhulbadeedka Soomaaliya, gaar ahaan aagga Jubooyinka. halkaas oo la rumeysan yahay in uu ka buuxo kheyraad badan oo uu ugu horeeyo Shidaal.

Si ay Kenya u xaqiijiso ujeedooyinkii ay u soo gashay Soomaaliya waxa ay rabaanba ha noqdaanee. Waxa ay ugu danbeyn isticmaashay Siyaasiyiin Soomaali ah, Kuwaas oo u qiilsameeyey soo gelitaanka ciidamadeeda ee gudaha dalka, Iyagoo markaasi ku doodayo in ay Kenya xaq u leedahay in ay farageliso Soomaaliya xitta haddii ay sharcidaro tahay. Waxaana Siyaasiyiintaasi ka mid ah Faarax Macalin, Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xaaji, Prof. Gaandi, Axmed Madoobe, C/Wali Gaasi, C/raxmaan Faroole, Sh. Shakuul iyo waliba kuwa kale oo fara badan.

Siyaasiyiintan Soomaalida ayaad moodda in ay iska indhotireen qataraha ka dhalan kara faragelin caynkan oo kale ah maadaama horay loo arkay wixii ka dhashay faragelintii ay Itoobiya ku samaysay Soomaaliya 2007. Taas oo ay ka dhalatay Xarakada Al-shabab ee maanta laga cabaadayo. Waayo Al-shabab ma jirin ka hor duulaankaasi. Waxay rabtaaba ha noqotee ugu danbeyn, ciidamada Kenya waxa ay gudaha u sii galeen dalka, Iyagoo garabsanayo Maleeshiyooyin Soomaali oo ay ka mid tahay kooxda Raaskanbooni ee hadda maamusha Magaalada Kismaayo. Kuwaas oo markii danbe islaayey ka dib markii ay ku heshiin waayeen maamulka deegaanadaasi.

Dagaalo qaraar ka dib, Waxaa u suuragashay ciidamada Kenya, in ay Shababka ka qabsadaan magaalooyin dhowr oo ay ka mid tahay Magaalada Kismaayo, oo runtii muhiim u ahayd Xarakada Al-shabaab. Taas oo markii danbe keentay in ay Shababkuna gudaha u galaan dalkaasi, si ay u kharbudaan amaankiisa. Kaas oo ilaa maanta aan gacobuuran ku taagneyn, gaar ahaan deegaanada dhaca xuduudda labada dal. Hadaba aan ku soo noqone nuxurka qormadeenee Maxaa laga faa’iidey faragelintaasi, Mase xaqiijisay ujeedooyinkii laga lahaa haddii noqon lahayd xagga Kenyaatiga iyo waliba haddii ay noqon lahayd xagga Soomaalida ?

Jawaabta oo kooban waa maya, maxaa yeelay ma jirto hal ujeeddo oo ay faragelintaasi xaqiijisay marka laga reebo in ay madaxweyne ka dhigtay Axmed Madoobe mooyaane. Tusaale ahaan, maxay faragelintaasi ka badashay amaanka dalka Kenya ? Ma uga dartay mise waa uga raysan ? Jawaabtu way uga dartay weeyaan waa markan wax ku eegayno caqli saliim ah. kaas oo wax ku qiyaasayo faa’iido iyo qasaaro. Midda kale, maxay kaloo u soo kordhisay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada dhaca xuduud beenaadda, sida dadka ku dhaqan Mardheera iyo B/xaawo oo kale ? Jawaabtu waa waxba.

Bal in ay wax soo kordhiso iska daaye, Waxa ay abuurtay mishkilado hor leh oo aan runtii horay u jirin, sida darbiga hadda laga dhisayo meelo ka mid ah xuduudda oo kale. Kaas oo runtii caqabad ku ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaasi, gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah. Waxa ay sidoo kale faragelintaasi sababtay in ay dhintaan dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Waxa ay sidoo kale faragelintaas cabaqad ku noqotay dadaaladii ay Dowladda Federaalka ka waday gobolada Jubooyinka, ee lagu doonayey in lagu dhiso maamulo loo wada dhan yahay, ka dib markii ay arintaasi carqaladeeyeen ciidamada Kenya. Taasna waxaa runtii daliil u ah wixii ka dhacay magaalada Kismaayo. Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo aan waraystay Waxa ay ii sheegeen in ay dalka qatar ku tahay faragelinta Dowladaha Dariska gaar ahaan marka ay timaaddo midnimada iyo wadajirka dalka.

Mar hadaanu soo ogaanay in aysan faa’iido ku jirin faragelita ay Kenya ku samaysay Soomaaliya hadaba maxaa xal ah ? Anigu, Waxa ay ila tahay in loo baahan yahay in caqliga laga shaqeeyo, Islamarkaana dalka laga saaro ciidamada Kenya, Si meesha looga saaro marmarsiiyada Al-shabab ee shisheeye diidka ah. Tusaale ahaan, Maxaa laga faa’iidayaa joogista ciidamo aan xitta awoodin sugista amaanka dalkooda. Maxaa caqliga la isaga qaadayaa ? Maxaase loo dhuminaya danaha ay dadka Soomaaliyeed ku leeyihin dalkaasi sida ganacsiga oo kale.

Ugu danbeyn, Waxaan u soo jeedinaya Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay Ilaahay ka baqaan, Islamarkaana ka waantoobaan adeegsiga ciidamada Dowladaha Dariska ah. kuwaas oo runtii ka qatar badan waxkasta oo jira. Mar kale, Waxaan leeyahay war ha laga waantoobo adeegsiga ciidamo Shisheeye oo aan. Alaahum Hal Balaqtu Alaahuma Hal Balaqtu Alaahuma Hal Balaqtu ?

W/Q: Cabdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles