Cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawada lama gaarayoo waa hadal abwaan hore waana howshan haatan dalkeenna ka hana qaadday.
Dowladdu faraha haka qaaddo gobol hebel! Madaxweynuhu kama hadli karo arinta gobol X! Ra’iisul Wasaaraha maxaa ka galay arinta gobol Y! Dowladda Federaalka waxaanu ku casuunnay inay shirka kasoo qaybgasho! (Xagee dunida ka dhacday dowlad dalkeedii marti ka ah?) Dowladda waxaa wata reer hebel!
Waxaas iyo kuwa kale oo ka xaraari waxay ka mid yihiin ifafaalayaasha ay abuureen iyo kuwa kale ee jidka kusoo jira ee salka la gelaya hannaan lagu sheegay FEDERAAL oo ah hannaan wanaagsan hadii aan la wareerin, balse markii dhan kasta laga eego dhaqankeenna aan ka tarjumaynin ama aan u taagnayn xalka umadda Soomaaliyeed, oo sida muuqata iyadoo markii hore kala firirsanayd hanaankan aan la fahamsanayn kusii kala fogaan doonta.
Halkee sartu ka qurunsanayd maxaase qaranka jebiyay shalay?
Anagoo xaaladda u qiimaynayna si qoto dheer oo qaangaarnimo ku dheehan tahay bay ahayd inaan su’aashan is waydiinno rubuc-qarni ku dhowaad kadib, si aan markaa u gudoonsanno wixii ay danteennu kujirto.
Haddii aan ku fududaado inaan ka jawaabana Soomaaliya waxay ku burburtay siyaasad qabyaaladaysan (Political tribalism) iyo cadaalad darro, taasoo dhacday markii iyadoo magac qabiil la huwan yahay awooddii dalka lagu tacadiyay, nasiibdarro si taas xal loogu helana lafteedu ma marin dowgii saxda ahaa oo jabhado qamaam ah oo qabyaaladaysan isla markaana ajeendayaal qaran dumis ah xambaarsan oo ay wadaniyadda iyo waaya aragnimada siyaasadeedba ku yar tahay ayaa dalkii qabsaday, deetana kala qoqobay, qarankii dumiyay, dagaallo qabiil horseeday, xaajadii meel bay ka khaldan tahay la lahaana iyada dhanba khaarajay, sheekana qub iyo qac waa tii ku khasaartay.
Marka aan halkaa taagannahay xalku halkee ku jiraa, dalkase ma hanaan baa fashilay mise habdhaqankeenna gurracan ee QABYAALLADDA la yiraahdo?
Soomaaliya wax badbaadinayaa ma jiraan hannaan kasta oo aad keento, waayo xitaa diinta Islaamka ee bilan ugama xishoonno QABYAALLADDA, marka ay halkaa taagan tahay waxaad ogaan kartaa in dhibka na haystaa uusan ahayn mid hannaan siyaasi ah oo la qaataa uusan xal deg deg ah (Quick fix) usoo sidin, balse waxa muhimka ihi uu yahay inagoo helna hogaan adag oo horboodaya hannaan ka caaggan qabyaalad iyo wax kasta oo qabyaalad ku dhisan, cadaaladda dabaqa iyo cidohoo Caadilkood ka baqa ceebohoodana saxa.
Federaalku ma xal baa?
Haddii laga daayo qabyaaladda laga yaabe!! Oo tusaale ahaan gobollada la isu raaciyo sida ay dhaqan ahaan isu fahmi karaan ee laga daayo hanaanka qabyaaladaysan iyo xinka aan meelna inoo wadaynin (Waloow ay Soomaalidu isku dhaqanba tahay guud ahaan), misna tusaale ahaan qofka Laascaanood degan waxay is dhaqan fahmayaan Burco, qofka Berbera degan waxay is fahmayaa Ceerigaabo, Qofka Gedo deggan waxaa u dhow Baay iyo Bakool, qofka Ceel Dheer degan Galguduud bay is fahmayaan).
Waxaa la hubaa inuu dhaqanku ka xoog badan yahay dhalashada
Midda muhimka ah ee la hubo ayaa waxay tahay inay dadku dhaqanka isku fahmi ogyihiin in kabadan inta ay qabiilka isku fahmaan, tusaale ahaan waxaa jira qoysas aan qaraabo nahay oo deggan magaalada DIINSOOR ee koofur-galbeed Soomaaliya balse marka ay noo yimaadaan anagoo isla soconna hadii ay arkaan dad kale oo reer Diinsoor ah xitaa inaan la soconnay iyo in kale shaki baa kaa gelaya.
Marka haddii hannaanka loo dhiso qaab dhaqan iyo yaa is fahmaya ama isku dan ah lagaa yaabee inaan maalmo ku shaah cabno hadii kale xal nooma aha inuu xasarad hor leh keeno mooyee!
Sababtuna waxay tahay qaabka aan doonayno inaan federaal u noqonno oo nasiinaya qish ku aadan waxa kasoo socda waana inuu dalku u kala googo’o tuulo tuulo iyo qabiil qabiil oo la isugu duulo ama la isu caburiyo.
Tusaale ahaan magaalooyin aan u bixiyay magaalooyinka dulman oo aan ka xusi karo Boosaaso, Muqdisho, Kismaayo IWM waa in dadka degaanka laga daayo afkaaraha dusha sare looga keenayo si looga dhabeeyo sheekada la leeyahay wax baa loo ogolaanayaa dadka degaanka oo dabcan qabiil kasta ka kooban.
Waayo waxaad durbaba arkaysaa in aan la fahamsanayn ama la iska indha tirayo awoodaha ay kala leeyihiin dowladda dhexe iyo gobollada, waayo maamul goboleed micnihiisu maaha dal yar oo xor ah ee kaliya awooddii heerka degaan ayaa lagu siiyay. (Tusaale ahaan halkee u socdaa maamul goboleed leh wasaaradda xiriirka caalamiga ah iyo tan dibedda leh?).
In haatanba la bilaabay hannaan aan ka tarjumaynin sidii ay ahayd inay maamulladu u dhismaan iyadoo ay isu boola xoofteeynayaan dad aysanba khuseeynin wax ka dhihidda meelaha cidlada ah ee la isku haysto mucaarad iyo muxaafidba. (Reer hebel baa arki la’ waxa aan dhisanayno! Iyo reer hebel waxba meeshaas kama dhisi karaan) iyadoo durbaanno colaadeed oo aan loo baahnayn la garaacayo tiiyoo aysanba jirin wax la taaban karo oo la isku qabtaa.
Hadaba sidee u ekaan doontaa marka Soomaaliya laga dhiso federaal qabyaaladeed?
Hadda Soomaaliya waxaa ku taalla degmo Gaalkacyo la yiraahdo oo ay laba maamul ka kala taliyaan, laba calan, laba ciidan, laba hannaan, hadde waa hal degmo, Alloow naga hay! Balse dhaqankaas ayaa dalka oo dhan ku faafi doona, waayo waxaa naloo sheegay inuu xalku sidaa kujiro.
Tuuladii ay 3 beel isla degan tahay 3 calan-qabiil baa laga taagi doonaa ama inta la isku dilaa laga qixi doonaa.
Midii hal beeli u badan tahay kuwa kale ayay albaabada ka xiran doontaa sida haatanba meelaha qaar ka muuqata.
Waxaana ka dhalan doona qodobadan soo socda oo ifafaalayashooda aad qaar haatanba dareemo karto:
Dadka dib u socodka ah iyo kursi-doonka waxaa u sahlanaan doonta:
1- Inay helaan fursad ay dadka uga gadaan sunta-hargaha ee ay wareejinayaan dalkana kusii qaybiyaan si ay danohooda rakhiiska ah u gaaraan.
2- Waxay kaga sii dari doonaan qabyaaladda iyo qoqobka dhexdeenna iyagoo umadda isu tusaya CADOW RUUXI ah.
3- Inay khayraadka dalka qiime yar ku iibiyaan iyagoo ku jaan gooynaya baahidooda shakhsiga ah.
4- Inay awaamiir ka dhan ah horusocodka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed kasoo qaataan cadowga Soomaaliyeed si ay saldano ihaanaysan u helaan.
Dalalka daneheenna farafareeya waxaa u sahlanaan doonta:
5- Inay helaan meel (Platform) iyo fursad ay nagusii kala qaybiyaan oo ay isku kaaya jebshaan.
6- Fursad ay ku hor istaagaan inay soo laabato SOOMAALIYA xooggan oo midaysan.
7- Inay sii rakaateeyaan inay Soomaaliya xal kama dambays ah ka gaarto xasaradaha ragaadiyay.
8- Inay aduunka kasii iibiyaan aragtida ah inay Soomaalidu tahay dulli aan dux lahayn oo aan danteeda aqoonin taasoo halisteeda leh.
9- Inay dalka la maamulaan dowladda iyagoo kusoo gambanaya maamulladan madiidinka ee aan micnaha qaran lahayn sida haatanba muuqata.
Dowladda Soomaaliya waxaa ku adkaan doonta:
10- Inay dalka maamulkiisa u madax banaanaato
11- Inay mideeyso umadda oo ay weli dad usii meceeynayaan qabyaaladdii ay ku maratay
12- Inay dibedda lasoo istaagto aragtida iyo danaha qaran ee dalka maadaama gobolladii dalku ay usii ekaanayaan dalal yar yar oo dal kale ku dhexyaalla, kuwaasoo u taagan ilaalinta danaha deriska in ka badan ilaalinta danaha dalkeenna….Alloow Alle.
Shacabka Soomaaliyeed waxaa ku adkaan doonta:
13- Inay u midoobaan sidii ay ahayd iyo inay fuliyaan danohooda qaran ama gaaraan hamiga ay huwanyihiin.
14- Inay isu dhex socdaan sidii ay doonaan, meeshii ay doonaanna ay dookhooda ku degaan maadaama aan dalal kala noqonayno (Horayna astaamo noocaas ihi wayba u jireen).
15- Inay ka xoroobaan saamaynta cadaawaha soo jireenka ah oo markan u helaya fursad dahabi ah oo uu kuii kala furfuro.
Beesha caalamka waxaa ku adkaan doonta:
16- Inay hesho cid ay rasmiyan ugala hadasho Soomaaliya
17- Inay fahamto Soomaalida guud ahaanba taasoo keenaysa in nalaka quusto deetana sidii la doono oo aan dan noo ahayn nalookugu taliyo (Alloow naga hay).
18- Inay diidaan aragtida dalalka horay dhulkeenna ku qaatay oo haatan helaya fursad ay ugu sharaxaan inay Soomaalidu tahay xoolo mudan in la raaco.
Waxaas aan sheegay oo dhami hadii ay kula yihiin khiyaali (Fiction) markale fikir adigoo meel iska dhigaya aragtida ay inta yari ku raadinayso KURSI-BAHDILAN iyagoo aan eegaynin danta guud ee qaran ee ay aasayaan si ay taas u gaaraanna dadka ku harawsanaya ‘’Reeb hebel baan difaac ugu jiraa’’!!
Aan hadaba qormadan kusoo xiro tix gabay ah oo aad u waaqici ah kaasoo ka hadlaya Soomaalida maanta laakiin waxaa cajiib ah inuu gabaygan tiriyay (AUN) Guhaad Cabdi Gahayr horraantii 80-meeyadii oo ay Soomaalidu qaranimadeedii ka dooratay jabhado daba dhilif ahaa oo Itoobiya kasoo tahliilsan jirey, isagoo dabcan saluugsanaa dadka Soomaaliyeed oo uu caqliyadooda ka gartay inaysan ahayn duul nidaam dowladnimo iyo dan guudba u bisil MUCAARAD IYO MUXAAFIDBA isagoo yiri:-
ULUULIDA ALAALIXIDA TUBAN, ARIGAN SOOMAALI.
EE AAN AQOON KALA HAGTIYO, ILI USOO JEEDIN.
ISU TAGA ABAABULA SHIRWEEYN, AAYA KAMA REEBA. (imisa shir ayan maraynaa)
ARXAN DARAN AGOONTEEDA CUNA, HOOSTA KA ABEESO.(Isuma garoowdo aan loo garaabin)
IIDAHA ISLAAM LAGU MATAAL, JAMACA AAMIINTA (Umaddu waa af ka islaam masaajiddo badan)
ARAGAAGU GOORTUU KA TAGO, CUNA ARWAAXAAGA. (Inta salaada laga baxayaa ku dheer)
MID IIBSADEY ALAAB IYO DILLAAL, INA ADEERLEEYA. (Kii qalayeey qaraabaysataa)
ILOOW BADAN SIDII NAAG UMULA, FOOSHA KU ILMEEYA.(Jugtu intaysan kugu dhicin iska eeg)
UGAAR DHAGA LA´ UUB LOO QOD DHEER, DABINNO LOO AASA.(Fashilan iyadu isku fooggan)
WAX MA ARAGTO ISU QABA ILA DHEER, AQALKA LOOSOO GAL. (Ama reer hebel baa wata ama reer hebel baa loola danleeyahay intay leedahay baa laga muraadsadaa)
ALWAAXDIYO DADKAA XAABADA AH, E ISLA AMIIRA. (Waraabaha ka carar walaalkaase iskajir)
IFKA MARATO AAKHIRANA NAAR, LAGU ABAALSIIDA.
ANUUN BAA U EEDAAMAYEE, MALAHA IIMAANE.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan