Duulaankii lagu qabsaday magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa uu mar kale banaanka u soosaaray qorsha-xumida haysata Shisheeyaha ku sugan dalkeena Soomaaliya iyo waliba Soomaalida la socota ee magacyo badanta ah. Marka aad dhinacyo badan ka fiiriso duulaankani waxaa runtii kuu soo baxaysa inaanu wax badan ka duwaneyn duulaamadii hore ee ay shisheeyuhu ku lugoynayeen dadka Soomaalida ah, kuwaas oo ay dhibaato badani ka soo gaartay kumanaan qoys oo ku noolaa magaalooyinkii laga saaray Xarakada Al-shabab sida Buulaburde, Xudur, Garbaharey, Qansax-dheere iyo waliba Ceelbur.
Inta aan ku gudajiro qormadeena, Waxaan iskudayi doonaa inaan ka faaloodo qorshe-xumida aan ka waramayo ee haysata Shisheeyaha Anigoo soo bandhigi doona tusaalayaal dhowr oo muujinayo qorshe-xumidaasi, iyo waliba meesha ay ka jirto. Waxaa dhowr cisho ka hor duulaan ballaaran soo qaaday ciidamo ka kala socda dalalka Itoobiya iyo Kenya oo ay la socdeen maleeshiyooyin Soomaali ah oo aan sidaasi u tiro badneyn. Ciidamadan Shisheeyaha ayaa ku wajahnaa magaalada Baardheere, si ay halkaasi ugala wareegaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabab oo in mudda ah maamulayey deegaankaasi.
Ciidamadan, ayaa ka soo kala dhaqaaqay deegaanada Faafaxdhuun iyo Qansax-dheere oo ku kala yaallo gobolada Baay iyo Gedo, Iyagoo wato ciidamo aad u tiro badan iyo waliba diyaarado dagaal oo aan ka tirsaneyn howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Taas oo runtii xadgudub ku ah Shuruucda dalkeena iyo Qawaaniinta Caalamiga ah maxaa yeelay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ma lahan wax diyaarado dagaal noocey rabaanba ha noqdaanee.
isbahaysatadan, ayaa sheegay in ay Al-shabab ka saari doonaan deegaano badan oo ay gacanta ku hayaan oo ku jirto magaalada Baardheere, Islamarkaana ay deegaanadaasi ku soo dabaali doonaan nabad iyo kala danbeyn. Waxa ay sidoo kale Isbahaysatadu balanqaadeen in aysan mar kale dhici doonin in deegaan danbe la go’doomiyo sidii kal horeba dhacday. Hadaba duulaankani banaanka ma u soo saray qorshe-xumidii ay caanka ku ahaayeen ciidamadan Afrikaanka iyo kuwa ka hoos shaqeeya ee Soomaalida ah mise markani way ka duwan yihiin mararkii hore ?
Jawaabu waxaa weeye markani kama duwana mararkii hore hadaysanba ka xumeyn. Tusaale ahaan, Waxa ay ciidamadani u soo dagaal galeen sidii ay awalba u dagaal geli jireen oo ahayd in ay Warbaaahinta ka sheegaan in ay ku wajahan yihiin magaalo heblo iyo deegaan hebel, Taas oo ay la yaabeen dadka ka faalooda arimaha amniga iyo ciidamada. Waxa uu sidoo kale duulaankani muujiyey tabardarida iyo cabsida ku habsatay ciidamada Itoobiya oo awalkii hore lagu yaqiinay dhiiranaan, qar-iskaxoorimo, istustus iyo waliba in ay gaaraan guulo deg deg qasaara kastaaba ha soo gaare.
Waxa uu sidoo kale weerarkani mar kale banaanka u soo saaray Plan-xumida ay caanka ku yihiin ciidamadan Africanka ah, Kaas oo keenay in la go’doomiyo magaalooyin badan oo Al-shabab laga saaray dhowr sano ka hor, sida Buulaburde, Ceelbuur, Garbaharay, Xudur, Waajid, Tiyeeglow, Qansax-dheere iyo waliba kuwa kale oo badan, Kuwaas oo ay ku dhiban yihiin kumanaan qoys oo masaakiin ah oo ay ku adag tahay iibsiga quutul-daruuriga maadaama ay xiran yihiin wadooyinka soo gala magaalooyinkaasi.
Ciidamadan Shisheeyaha ayaa soo qabsaday wadooyin muhiim ah oo soo gala magaaalada Baardheere, Kuwaas oo magaalada ku xiriiriya magaalooyinka Garbaharey iyo Qansax-dheere, balse waxaa dhacday sida ay wararku sheegayaan in ciidamadu aysan fariisamo ka sameysan inta u dhaxeysa magaalooyinka Baardheere iyo Qansax-dheere iyo waliba Baydhabo iyo Diinsoor, Taas oo haddii ay dhab noqoto Al-shabab u sahli doonto in ay magaalada ka go’doomiyaan dhinacyada Gedo iyo Baay, Ka dibna ay Baardheere ku biirto magaalooyinka go’doonsan.Tan kale, waxa ay ahayd haddii ciidamadan ay wax un isku hayaan in ay go’doonka ka qaadaan magaalooyinka rafaadsan halka ay doonanayaan magaalooyin nabdoon.
Dhinaca kale, sir la’aanta haysata ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa la socda ee Soomaalida ah ayaa keentay in dagaalyahanada Al-shabab ay qalabkooda kala baxaan magaalada, Islamarkaana ay si nabad galyo ah gurtaan ciidamadooda. Taas oo Al-shabab markasta siisa in ay dib isu soo habeeyaan, Islamarkaana ay soo qaadaan weeraro xoogan oo ka yaabiya Shisheeyaha iyo kuwa taageeera. Tusaale ahaan, maxaa lagu fasiri karaa marka loo digayo Al-shabab, Iyadoo loo sheegayo magaalada lagu wajahan yahay iyo waqtiga lagu beegan yahay intuba ?
Anigu runtii ma garan wax aan ku fasiro arinkaasi, iyo waliba ujeedada laga leeyahay, kaaga darane waxaa marwalba Warbaahinta laga sheegayaa in Al-shabab laga ciribtiri doono Soomaaliya oo dhan. Haddii la doonayo in Al-shabab la ciribtiro maxaa marwalba loogu digaa. Marka aad labada dhinac ee ishaye isu fiiriso waxaa kuu soo baxaysa in ay kala yihiin sidatan ; Hadal badan iyo howl yar oo dhinaca Isbahaysatada ah, Iyo hadal yar iyo howl badan oo dhinaca Al-shabab ah.
Dhinac kale, waxaa uu duulaankani markale banaanka u soosaaray sida ay isu khilaafsan yihiin Soomaalidan la socota ciidamadan Shisheeyaha ah, gaar ahaan siyaasiyiinta ka soo jeedda goboladan Jubooyinka. Tusaale ahaan waxa Warbaahinta ka hadlay dhinacyo iska soo horjeeda oo dhinac kastaaba uu Isagu sheeganayo in uu magaalada qabsaday, Taas oo runtii ku tusineysa in Kooxahani ka fog yihiin dowladnimo iyo dhaqankeeda. Tusaale ahaan, sow wax lagu qoslo ma’ahan in ay magaalo isla qabsadaan ciidamo kala sheeganayo dowlad iyo Jabhad hadana hal wadan ka dhisan ? Dowladnimadu ma sidaas baa ?
Marka aad qiimeyso hadalada iska soo horjeeda ee ay Warbaahinta siinayeen dhinacyadan kala Jubbaland, Ahlusunna iyo Maamulka gobolka (Gedo), Waxaa runtii kuu soo baxaysa in ay Baardheere martagelin doonto dagaalo dhexmara Kooxahan, Kuwaas oo ay kala hogaamin doonaa Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe. Mar haddii ay jirto kala duwanaan xagga siyaasadda ah waa iska caadi inuu gacan ka hadal yimaado, Waana wax horay looga bartay siyaasiyiin Soomaalida ah. Midda kale, sow ma’ahan in la isweydiiyo sababta aysan Shisheeyuhu u mideyneynin dhinacyadan iska soo horjeeda mise danbaysan ka lahayn dhiigga ka daadan doono ? Yaaab (yes)
Marka aan hadalka soo uruuriyo, duulaankani waxa uu banaanka u soosaaray qorsha-xumidii ay caanka ku ahaayeen Shisheeyaha ku sugan dalkeena iyo waliba kuwa la safan ee Soomaalida ah. Waxaad sidoo kale mooddaa in aysan wax badan ka baran hababka ay u howlgasho Xarakada Al-shabab iyo khidadaha ay isticmaasho, Mana u malaynayo in Shisheeyuhu haystaan istiraatijiyad dagaal oo dhamaystiran, taas oo looga adkaan karo Xarakada Al-shabab, Waana sababtaasi sababta ay Al-shabab marwalba uga badbaaddo qatar walba oo soo foodsaarto Iyadoo ka faa’iideysaneysa arimahaasi aan soo xusay.
Marka aad u fiirsato sida ay wax u socdaan, Waxaa runtii kuu soo baxaysa in dagaaladani ay dheeraan doonaan maadaam aysan jirin istiraatijid cad oo lagu wajaho dagaalyahanadan u carbisan dagaaladan kudhufo oo ka dhaqaaq, Islamarkaana aqoonta fiican u leh dhulka lagu dagaalamayo. Dadka aqoonta u leh arimaha Soomaalida ayaa sheega in ay adkaan dooto in Al-shabab laga adkaado inta ay dalka joogaan ciidamo shisheeye, gaar ahaan kuwa Itoobiya. Waxa ay sidoo kale ku doodaan in joogista Itoobiya ay abuuri doonto in dad hor leh ay ku biiraan Al-shabab sida dhacday kal horeba, iyagoona u sababaynayo naceybka ay dadka Soomaliyeed u qabaan ciidamada Itoobiya.
Tan kale sow ma’ahan in la isweydiiyo wixii laga bartay dagaaladii hore iyo wixii ay ku soo dhamaadeen, iyo waliba waxa ay Soomaalidu u baahan tahay waqti-xaadirkan ma xal siyaasadeedbaa mise xal caskari ? Anigu, runtii waxa ay ila tahay in ay Soomaalidu u baahan tahay xal siyaasadeed, maxaa yeelay ma jiro qaab ay ku kala adkaan karto magacay rabtaaba ha wadatee. Tusaale ahaan, marka aad dib u fiiriso dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ma arkaysid koox ka adkaatay koox kale, ama qabiil ka adkaaday qabiil kale, waana sababtaasi sababta aan u doonayo xal siyaasadeed.
Marka aad daawato Taleefishanada Caalamka, gaar ahaan kuwa laga leeyahay meelaha ay xasaradaha ka jiraan, Waxaad arkaysaa siyaasiyiin, aqoonyahano, culimo iyo odoyaal ku baaqayo wadahadal iyo musaalaxo halka Soomaalida aad arkaysid in aragtidaas aysan xoog badneyn faragelinta Shisheeyaha darteed. Tusaale ahaan fiiri wadamada Afqanistaan iyo Bakistaan, Maxay Soomaaliya kaga duwan tahay ? Maxayse Al-shabab uga duwan tahay Daaliibaankan lagu cadaadinayo in lal fadhiisto ?
Ugu danbeyn, Waxaan ku soo gabagabeynayaa hadalkayga in Soomaalidu u baahan tahay xal siyaasadeed oo ka yimaada dadka Soomaaliyeed, Iyadoo loo turayo dadka masaakiinta ee maalin walba lagu kor dagaalamayo. Waxaana rajaynayaa in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay garwaaqsadaan in ciidan Shisheeye aanu dhul xureyn karin, taasna horay loo soo arkay hadaan indhaha la istireynin.
insha alaahu qormadeena danbe waxa cinwaan u noqon doona [ Soomaaliya ma waxa ay u baahan yahay xal siyaasadeed mise xal caskari ] Waxaan qormada ku soo bandhigi haddii uu Rabbi idmo tusaalayaal muhiim ah iyo waliba talooyin wax-ku-ool oo abuuri kara in la helo dad u istaaga joojinta dhiigan daadanayo.
W/D: Cabdulaahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid