Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Soomaaliya sidey ku joogteyn kartaa horumarka socda?

$
0
0

Waxaa si habsami leh u socda doorashooyinka Dadban ee 2016ka oo ay harsanyihiin doorashooyinka ka socda Muqdisho ee xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland. Dhanka kale waxaa socda dadaalo ay Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran ay xal ugu raadinayaan arrimaha harsan sida meelmarinta go’aanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka, Qoondada Sool iyo Sanaag ee Aqalka Sare, dhemystirka doorashada iyo mudeynta doorashooyinka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Jamhuuriyada.

Waxaa hubaal ah in doorashooyinka dadban ee dalka laga hirgeliyey ay ku timid dadaal, horumar, adkeysi, wadashaqeyn guud iyo Madaxda dalka oo ka dhabeeyey in doorashooyinkan ay ka sharciyad xooganaadaan doorashadii 2012kii dalka ka dhacday. Doorashadan waxaa la suurtogeliyey in ka badan 14 kun oo ergo ah ay soo doortaan xildhibaanada Aqalka Hoose, halka Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada ay soo doorteen xubnaha Aqalka Sare.

Waxaa dhanka kale hubaal ah horumarka ay Dowladda Federaalka ku tallaabsatay 4tii sano ee la soo dhaafay ay keentay in doorashooyinka sanadkan la gaarsiiyey gobollada dalka oo ah markii ugu horreysey taariikhda Soomaaliya muddo 47 sano ah ka dib. Waxaana la isla oggolyahay in ay jirto ifafaalo muuqata oo dalka lagu gaarsiin karo doorasho hal cod iyo hal shaqsi ah sanadka 2020, waa haddii iyo haddii oo keliya oo la joogteeyo horumarka dalka ka socda ee dhan walba ah.

Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada waxey muujiyeen biseyl ku dhisan in arrimaha si Soomaalinimo ah loo wajaho oo ay sameysteen Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran oo ay casuuntaan xubnaha Beesha Caalamka marka ay u baahdaan. 4tii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu guuelystay in waxii khilaaf siyaasadeed ee la soo maray lagu xaliyey dalka gudihiisa oo si Soomaalinimo ah loo maareeyey iyadoo la marayey hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Haddaba su’aasha bulshadu is weydiinayaan ayaa ah Doorashadu maxey dhali doontaa? Musharaxiin fara badan ayaa doonaya inay dalka hoggaamiyaan, halka 329 xubnaha labada Aqal la filayo inay doortaan shaqsigii ugu habboonaa ee dalka hoggamin lahaa si horumarka socda loo sii joogteeyo. Sidaas daraadeed, xubnaha labada Aqal waxaa markan ka go’an inaan la tijaabinin shaqsi cusub oo aan siyaasada ku soo gudajirin oo aan heerarka wasiir iwm soo marin. Sababta ay xildhibaanadu u daneynayaan arrintan ayaa ah inay aaminsanyihiin in loo baahanyahay horusocod ku dhisan khibrad, waayoaragnimo, biseyl siyaasadeed iyo shaqsi fahmi kara culeysyada siyaasadeed ee dalka gudihiisa iyo dibediisa si horumarka jira loo sii joogteeyo oo aan dib loo dhicin.

Waxaana hubaal ah in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu heysto fursad qaali ah bacdamaa uu yahay hoggaamiyaha keliya ee 4tii sano ee la soo dhaafay og culeysyada siyaasadeed ee dalka soo wajahay iyo sidii quruxda badneyd ee uu u maareeyey Madasha Hoggaanka Qaranka oo uu marwalba u daneeyo in wax walba lagu dhameystiro wadar-ogol (consensus) iyadoo ay dhammaan culeysyadii soo wajahay ku xaliyey nidaam Soomaalinimo ah oo aad la isaga ilaaliyey faragelin dhanka shisheeyaha ah. Sidaas daraadeed, waxaa la aaminsanyahay in haddii la siiyo fursad kale uu dedejin karo in horumarka jira uu sii xoogeysto, waqti ka lumin, isla markaasna keeni kara in dalka la gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah sanadka 2020.

W/Q: Yuusuf Axmed Mataan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles