Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Musharaxiinta buuxin kara xujada 20-ka xildhibaan iyo $30,000 iyo kuwa aan buuxin karin

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Madasha Qaran ayaa dhowaan isku raacay laba shardi oo aad u adag, kuwaasi oo laga doonayo musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya inay buuxiyaan si ay tartanka uga qeyb galaan. Waxaa labaad shardi ay kala yihiin:-

1 – In musharaxa uu bixiyo lacag 30,000 oo dollar oo diwaan gelin ah.

2- Inuu haysto taageerada labaatan xildhibaan oo saxiixa inay codkooda siinayaan, ayada oo halkii xildhibaan loo ogol yahay kaliya inuu hal musharax u saxiixo taageero.

Arrintan ayaa looga gol leeyahay in lagu kala yareeyo musharaxiinta lagana soo reebo kaliya musharaxiinta tartanka uu dhabta ka yahay, meeshana laga saaro kuwa magac doonka un ah.

Haddaba Caasimada Online ayaa maalmihii u dambeysay ururineysay xog ku saabsan heerka taageerada musharaxiinta, si an u ogaano musharaxiinta buuxin kara shardigan iyo kuwa meesha ka bixi doona. Waxaan maalinkasta Insha Allah idiin soo gudbin doonaa Laba musharax oo mid aan u aragno inuu sharidgan buuxin karo iyo mid aan isleenahay way ku adag tahay.

Xasan Sheekh Maxamuud

Xasan Sheekh Maxamuud: Waa madaxweynaha iminka ee Soomaliya. Shaki kuma jiro in 30 kun oo dollar aysan dhib ku ahayn madaxweynaha talada haya, waxaana haddii ay noqoto liiska musharaxiinta buuxin kara labada shardi uu ka galayaa kaalinta koowaad.

In kasta oo madaxweynaha uu dhaliil iyo ammaanba leeyahay, ayada oo ay ku xiran tahay hadba qofka aad weydiso, haddana cidna shaki ugama jiro in musharaxnimadiisa ay tahay mid dhab ah, islamarkaana uu haysto kheyraad buuxa oo ololihiisa uu ku socodsiiyo.

Marka ay noqoto tirada labaatanka xildhibaan ee laga doonayo, Xasan Sheekh waxaa la rumeysan yahay inuu haysto taageerada in ka badan labaatan xildhibaan, haddiiba aysan ahayn labaatameeyo.

Xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya waxaa la rumeysan yahay inay ku jiraan xildhibaano badan oo raacsan madaxweynaha, kuwaasi oo soo bixitaankooda uu gacan ku lahaa si toos ama aan toos ahaynba. Inkasta oo ay haddana taasi jirto, ma cadda tirada rasmiga ah ee xildhibaanada taageersan madaxweynaha.

Waxaa xusid mudan inaan xusuusano in taageerada aysan la macno ahayn cod huban oo xasan u dhici doona marka xildhibaanka uu codkiisa dhiibto. Xildhibaano badan ayaa codadkooda siiya qof ka mid ah musharaxiinta dhowka ah ee ay taageerada u ballan qaadaan.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole: Waa madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya. Faroole dad badan ma fileyn inuu is sharxo balse iminka wa musharax, inkasta oo weli uusan soo cago dhigin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, taasi oo shaki gelineysa dhab ahaanshaha musharaxnimadiisa.

Faroole waxba kuma ahan inuu bixiyo 30,000 oo dollar, oo intii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa ayuu lacag badan qabsaday, balse su’aashu waxay tahay Faroole ma bixinayaa lacagtaas, haddii uu rumeysan yahay inuusan guuleysan karin?

Marka ay noqoto labaatanka xildhibaano ee laga doonayo, Caasimada Online waxa ay og tahay in Faroole uusan heli karins saxiixa labaatan xildhibaan. Kaaga sii daran’e ma muuqato wax olole ah oo Faroole ama taageerayaashiisa ay ka wadaan magaalada Muqdisho, si ay u kasbadaan codadka musharaxiinta

Qiyaasta Caasimada Online waxay sheegeysa in Faroole ilaa hadda uu haysto wax ka yar taageerada 5 xildhibaan, kuwaas oo xittaa aysan hubneyn inay codkooda siin doonaan ugu dambeyn, waaba hadidi loo ogolaado inuu tartanka galo. Sidaa darteed Caasimada Online waxay musharaxnimada Faroole u argata mid aan dhab ahayn, ugu dambeynna soo dhammaan doonta inta aan doorashada la gaarin.

La soco qeybta labaad berri Insha Allah iyo laba musharax oo kale

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>