Muddada sannadka ahee uu Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay xayiraaddii hubka ka fududeeyay Soomaalya ayaa u ogalaanaya xukuumadda in ay soo iibsato hub fudud si ay ula dagaallanto al-Shabaab, laakiinse falanqeeyayaasha qaar ayaa ka digaya in hubka oo loo oggalaado waddanka ay dhici karto in hubku uu gacmo khalad ah ku dhaco.
15-ka xubnood ee ka tirsan Golaha Ammaanka ayaa si buuxda ugu codeeyay 6-dii Maarso in muddo sannad ah la fududeeyo cunaqabatayntii hubka ee labaataneeyada sano jirtay, taas oo calaamad u ah kalsoonida uu caalamku ku qabo xukuumadda fadaraalka ee Soomaaliya.
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa talaabadan ammaanay, isaga oodalbanayay in cuna qabatayntan la qaado laga soo bilaabo Janaayo.
“Waxaan soo dhawaynaynaa Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu ku qaaday cuna qabataynta hubka iyada oo ah maslaxadda dawladdeenna. Go’aankan wuxuu si cad uga jawaabayaa horumarka xaaladda siyaadadda Soomaaliya,” ayuu Maxamud ku sheegay war-martuyeed uu soo saaray.
Qaraarka tirsigiisu yahay 2093 ayaa u oggalaanaya Soomaaliya in ay soo iibsan karto hub aan cabbirkiisu ka waynayn 12.7 milimitir. Qaraarka ayaa sidoo kale kordhiyay sharciyadda ciidanka 17,000 ku ah ee Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ilaa iyo 28-ka Febraayo 2014-ka.
Sida uu go’aankan dhigayo, ayaa xukuumadda Soomaaliya waxa laga doonayaa in ay shan maalin oo wargalin ah siiso gudiga u xilsaaran la socodka xayiraada Qaramada Midoobay wixii shixnadaha hubka fudud ah ee soo galaya Soomaaliya. Soomaaliya ayaa sidoo kale laga doonayaa in ay lixdii biloodba mar ay ka warbixiso qorshayaasheeda la xidhiidha dammaanad-qaadka in ay meel ammaan ah hubkaas ku haynayso.
Ilaalin
“Tallaabadan lagu fududaynayo xayiraaddii hubka ee Soomaaliya waa guul wayn oo u soo hoyatay shacabka iyo xukuumadda Soomaaliya waxyna ka dhigan tahay tallaabo wanaagsan oo muujinsaysa kalsoonida ay caalamku ku qabaan xukuumadda cusub,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji maxamuud Fiqi.
Fiqi wuxuu carrabka ku adkeeyay in fududaynta cunaqabatayntu ay xukuumadda Soomaaliya ka caawinayso in ay gaadho hadafkeedii u waynaa ee ahaa in ay jabiso al-Shabaab. “Hadda oo cunaqabatayntii la fududeeyay, ayaa xukuumadda Soomaaliya ay soo iibsan kartaa hub fudud iyada oo hadafkeedu yahay xoojinta ciidamadeeda ammaanka una saamaxaya in ay si karti leh ay shaqadooda ammaan u gudan karaan,” ayuu yiri.
“Waxaan rabaa in aan saaxiibadeen u xaqiijiyo in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay fulinta waxyaabhihii ku qornaa go’aanka Golaha Ammaanka si aan mugdi ku jirinna u fulinayso, waxaan doonayaa in aan u sheego shacabka Soomaalida in fursadan ay xukuumaddodu heshay in aysan khatar ku noqonayn nolasha rayidka, hubkana aan si khaldan loo isticmaali doonin,” ayuu yiri Fiqi.
“Soomaaliya si la mida waddamada kale ee caalamka waxa ay u baahan tahay in ay hubeeyso ciidankeeda qaran una istimcaasho ciidankaas difaaca madax-bannaanideeda iyo difaaca dhulkeeda,” ayuu yidhi.
Cawaaqib kama’ ah
Bishan horaanteedii, ayaa Hay’ada Xuquuda Caalimaha ah ee Amnesty ka digtay inka qaadida cuna qabataynta hubaka ee Soomaaliya ay hubka gacanta u galin karto al-Shabaab, haddii aysan jirin ilaalin waafi ahna, ay dhici karto in kala wareejinta hubku ay kaga sii dari karto xaaladda bini’aadannimo.
Falanqeeyayaasha xagga siyaasadda iyo ammaanka ayaa sidoo kale ka digay in haddiii aan la helin ilaalin noocaas ah, cuna qabataynta oo la fududeeyo ay khatar galin karto amaanka gobalka.
“Haddii aan tallaabooyin daruuri oo lagu xaqiijinayo isticmaalka hubka aan la qaadin, hubka la soo iibsadana aan lala wadaagin maamullada dawlad-gobaleedyada, in markaa ka qaaditaanka xanibaada hubka laga yabo in ay sii cakirto xaaladda,” Maxamed Xasan Cabdi oo ah falanqeeye siyaasadeed oo jooga Gaalkacyo.
Waxa dhici karta in maamul-gobaleedyada sida Puntland iyo Soomaaliland ay maciinsadaan suuqa madaw si ay u helaan hub la mida kan ay xukuumadda fedaraalka ah soo iibsatay iyada oo la tix-raacayo qaraarka Qaramada Midoobay, ayuu sheegay. Taana laga dhaxlo “in ay dhaliso tartan xagga hubka ah oo ka dhaca Soomaaliya kaasoo markiisa dhalin kara colaado cusub oo ka dhex biloowda Muqdisho iyo goballada aan kor ku soo sheegnay,” ayuu yidhi.
“Shakiga ay maamullada Puntland iyo Soomaaliland muujiyeen waa mid dow ah, sababta oo ah waxay qabaan cabsi ah in xukuumadda fedaraalka ah ay hubkaas u adeegsanayso in ay waddanka ku mideeyaan awood, waxaa kale oo jirta cabsi ah in hubkaas uu ku dhaco gacmo khalad ah–gaar ahaan kooxaha xag jirka ah ee calaaqada la leh al-Qaeda iyo maleeshiyada qabaa’ilka,” ayuu yidhi.
Faafidda hubka oo walwal keenaya
Cabdishakuur Axmed oo ah kornayl ciidan oo howl-gab ah ayaa sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn hub kale. Laakiinse ay u baahan tahay, ayuu yidhi, in xukuumaddu ay xoogga saarto in ay hubka ka dhigto maleeshiyada qabaa’ilka iyo kooxaha kale ee hubaysan.
“Waddan sida Soomaaliya oo kale ah oo uu curyaamiyay dagaal sokeeye, khilaaf qabiil iyo hubka oo meel walba yaalla, looma baahna in hub kale la keeno,” ayuu yiri Axmed. “Taas lidkeeda, faafitaanka uu hubku ku faafayo gacmaha shacabka ayaa runtii ah mid walwal leh.”
Wuxuu sheegay in ciidanka dawladdu uusan wali ahayn mid matalaya Soomaaliya oo dhan, waxaana ku jira xubno wali niyada kala jira qabaail oo aan wali si toos ah loola falgalinin ciidanka qaranka.
“Waxaa jira maleeshiyo qabiil oo xukuma qaybo waddanka ka tirsan, sida Ciidanka Ras Kamboni ee Kismaayo iyo Ahlu Sunna wal Jamaa ee Galgaduud. Sidaas oo kale ayaa la dhihi karaa goballada Hiiraan iyo Baay oo ciidamo maleeshiyo ah oo qabiilo gooni ah ay u xoog badan yihiin xukumaan,” ayuu yiri Axmed.
“In kasta oo ay xukuumadda Soomaaliya ku dadaalayso in ay dhisto ciidan qaran, hadana xaqiiqadu waa in ciidanka qaranku uusan wali matalin qaybaha kala gadisan iyo goballada Soomaaliya oo aanan si sax ah loo odhan karin waa ciidan qaran,” ayuu yidhi.