Qeybtii saddexaad ee al-Shabaab mareegtooda Gaidi Mtaani ayaa isku dayeeysa in ay soo bandhigto in kooxdu ay mideeysantahay ayna barwaaqeysantahay, balse waxa ay muujisay tabardarrada dhexdooda kasoo baxeeysa, sida ay sheegayaan falanqeeyeyaal dhanka ammaanka ah oo reer Kenya ah.
Iyadoo lagu daabacay 3-dii Maarso Ingiriisi iyo Sawaaxili, waxaa 42-da bog lagu sharaxayaa sida aysan dimoqraadiyadda iyo Islaamku isku qaadan karin, ku turjumeysa shilalka sida arrimo Ilaah uu wato, waxa ayna gudbineysaa koorsooyin deg deg ah oo mowduucyadooda ay ka mid yihiin ammaanka telefoonada gacanta iyo sameeynta bamka quraaradaha iyo baasiinka laga sameeyo.
Daboolka sare waxa uu muujinayaa sawirkaSheekh Aboud Rogo Mohammed, wadaadkii burjiga lahaa ahaa iyo taageerihii al-shabaab oo la dilay isagoo gaari ku wada Mombasa Agoosto 27-keedii, iyadoo cinwaan looga dhigay “Dhiiri Galiye Isbeddel”.
Al-Shabaab ayaa isku dayaysa inay u gacan haatiso taageerayaashii Rogo ee Kenya in ay ku soo biiraan taageerayaashooda iyagoo dib u daabacay warbixintii ay kooxdu shaacisay maalintii dilkiisa iyaga oo sheeko Sawaaxil kaliya lagu qoray daabacay.
Warbixintu waxay ku boorrisay Muslimiinta reer Kenya ” in ay midoobaan” iyo “inay qaadaaan tallaabooyin kasta oo lagama maarmaan ah si ay uga difaacaan diintooda, sharaftooda, hantidooda iyo naftooda cadowga Islaamka”.
Warbixintu waxa ay ku dhaleeceeysay xukuumadda Kenya inay kula heshiisay reer galbeedka dilka Sheekha ayna sharciyeeysay dilka Muslimiinta gobolka Xeebta, kuwaas oo caro gaamurtay ugu haya xukuumadda dhexe arrimo ku saabsan horumarinta iyo u qoondeeynta lacagaha.
Sameeysashada xulafo si ay ugu muuqdaan muhiim
Gaidi Mtaani ayaa sidoo kale ku fogaatay aqbalka in xiriir uu ka dhexeeyo al-Shabaab iyo kooxda goosad doonka ah ee Golaha Jamhuuriga Mombasa (MRC).
“Ku biiritaanka MRC, ayay al-Shabaab ku rajeyneysaa in ay hesho jaal dambiyada si ay ugu kabto khasaaraha ay kala kulantay goosashooyinka iyo guuldarrooyinka,” ayuu yiri Madaxa Bilayska Xeebta Aggrey Adoli. “Waase suurtagal in ay raadinayaan in ay martigaliyaan MRC.”
Adoli ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay baacsan doonaan falalka dambiilanimada ah ee ka dhacaya gobolka, wuxuuna ka soo horjeestay warka jariiradda ee ah in Muslimiinta la cadaadinayo oo uu ku tilmaamay wax aan qiil loo hayn.
“Kooxdu waxa ay isticmaaleeysaa dacaayad kasta si ay u carqaladeeyso midnimadda iyo wada noolaanshaha dadka heysta diimaha kala duwan ee dalka ku nool, waxaanan heegan u nahay xaqiiqdaas,” ayuu yiri.
Wilberforce Onchiri, oo ah la taliye xagga ammaanka ah iyo taliye hore oo ciidamada ah fadhigiisuna yahay Nairobi, ayaa sheegay in xagjiriintu ay isku dayayaan in ay hantiyaan dadka saboolka ah kuwaas oo aqrinta majaladda looga dhaadhicin karo in ay bilaabaan rabshado maxaa yeelay waxa ay dareemayaan in la gacan bidixeeyay.
“Kooxdu waxay beegsanaysaa shakhsiyaadka ay macquul tahay in ay wax uun ka caraysan yihiin … Al-Shabaab, micno uguma fadhido haddii dilka loo adeegsado magaca jihaadka ama caro jirtay. Dil wadareed walba iyaga waa uu u wanaagsanyahay,” ayuu yiri.
Dadka sidan oo kale ah waxa ay sameyn karaan bambooyinka lagu tilmaamey majaladda maxaa yeelay waxaa lagu sameyn karaa si aan qaali ahayn iyadoo la isticmaalayo aalado si fudud loo heli karo,” ayuu yiri Onchiri.
Casharrada ayaa muujinaya in al-Shabaab aysan ku sii raaxaysaneeynin meelo ammaan ah, oo aysan u bixin karin tababaro sidii ay ugu fududeyd markii hore.
“Koorsada deg-degga ah ee bambooyinka ayaa caddeynaya inaysan heli karin meel ay ku tababaraan [kuwa ay askareeyaan], ayna diyaar u yihiin inay qof walba isticmaalaan si ay u abuuraan degganaansho la’aan,” ayuu yiri Onchiri. “Ujeedadu waa in ay si walba u abuuraan rabshad, ayna sheegtaan mas’uuliyadda si ay u muujiyaan saameyntooda iyo inay wax qaban karaan. Waxa ay doonayaan in ay sii jiraan.”
Maqaalka ka hadlaya ammaanka taleefanada gacanta ayaa sidoo kale caddeynaya in kooxda ay cadaadis ka dareemayso ciidamada ammaanka, ayuu yiri.
Quusta al-Shabaab ee sii kordhaysa
Majallada cusub ee jaraa’idka ayaa sii wadaysa dadaalada al-Shabaab ee xiriirka dadweynaha, oo loola jeedo in looga hortago warar sheegaya dagaalka ka dhexeeya iyo caqabadaha xagga dhaqaalahaoo musiibo ku noqotay kooxda, wiiqdayna hoggaankooda.
26-kii Diseembar, Muslim Youth Centre (MYC), oo sheegta in ay yihiin kuwa al-Shabaab askarta uga qora Bariga Afrika, ayaa sii daayay war saxaafadeed cinwaan looga dhigay “Dhiiri galinta iyo Ilhaaminta Jihaadka: MYC 2012-ka”, iyagoo ku faanayey guulaha ay sheeganayaan inay gaareen mujaahidiinta Kenya.
Febraayo 18-keedii, qoraa aan haybtiisa la garan oo sheegtay in uu xiriir la leeyahay al-Shabaab ayaa sii daayay dikuminti cinwaan looga dhigay “Runta oo laga jeesto kuma qarsoomayso: Daabool ka qaadka qisada dheer ee Abuu Mansuur”. Dokumintiga ayaa looga gol lahaa in sumcadda looga dilo jihaadiistaha Mareykanka u dhashay ee Omar Hammani, oo sidoo kale loo yaqaano Abu Mansuur al-Amriiki, oo hore u ahaa afhayeenka al-Shabaab, muddooyinkanna si toos ah uga hor yimid kooxda.
Febraayo 25-keedii, garabka warbaahinta al-Shabaab ee Mu’asasada al-Kataib ayaa sii daysay muuqaal askareyn ah oo loogu magac daray “Waayaha Mujaahidiinta”, kaas oo isku dayay in uu hoosta ka xariiqo fariinta kooxda ee ah in xiriirka jihaadiyiinta maxalliga ah iyo kuwa ajaaniibta ah uu wanaagsanyahay.
Daabacaaddii ugu dambaysay ee Gaidi Mtaani ayaa sidoo kale soo hadal qaadaysa arrinta dimuqraaddiyadda, maalin ka hor doorashooyinkii guud ee Kenya ee 4-tii Maarso, iyagoo ku andacoonaya in doorashooyinka iyo hannaanka baarlamaaniga ah aysan waafaqsaneyn Islaamka.
Guddoomiyaha Daladda Muslimiinta Qaranka, qeybteeda Wajeer Sheekh Maxamed Xasan, ayaa sheegay in al-Shabaab ay qaloocinayaan qeexidda dimuqraaddiyadda si ay u fushadaan ujeedadooda argaggixisanimo, ayna uga faa’idaystaan kuwa aan wax badan aqoon.
Xasan ayaa sheegay in al-Shabaab ay dimuqraaddiyadda u qeexayaan awood buuxda oo biniaadamku uu sharciga ku samaynayo. “Marka taa loo eego, waxay ka dhigaysaa ilaah garab socda Allah, iyo jaalanimo xagga sharci u dajinta khalqiga,” ayay majaladdu leedahay. “Dimuqraaddiyadda, oo wadata baarlamaankeeda iyo doorashadeeda, waxba ma ahan balse waa khiyaano maan doorinaysa awoodda Islaamka.”
Balse Xasan ayaa dafiray sawirka ay al-Shabaab ka bixinayso dimuqraaddiyadda. “Siyaasadda iyo diinta aad bay u kala duwanyihiin,” ayuu yiri. “Qofna laguma caabudo siyaasadda si loo xaqiijiyo is bar bardhigga Allah. Dadku waxay ka qeyb qaataan doorashada hoggaamiyayaasha si markaas ay u helaan dad horumar ku hoggaamiya.”
Hoggaan la’aanta al-Shabaab
Daabacaaddii koowaad ee Gaidi Mtaani, ama “Argaggixisada Waddooyinka Joogta”, waxaa la daabacay bishii Abriil 2012-kii, waxaana lagu dacaayadeeynayay Howlgalka Ciidamada Difaaca Kenya ee Linda Nchi (Difaac Dalka) iyagoo magaca u baddalay Howlgalka Difaac Islaamka. Daabacaaddii labaad ee lasii daayay Luuliyo, waxaa xoogga lagu saaray Kismaayo, oo markaas aheyd meeshii ugu dambaysay ee ay ku xoogganaayeen kooda xagjirka ah, taas oo ay lumiyeen bishii Sebteembar.
Sideed bilood ka dib, saameeynta al-Shabaab ee sii yaraanaysa ayaan u reebin waddo aan ahayn inay kordhiyaan dacaayadda, ayuu yiri Reuben Ngugi, oo ah la taliye xagga ammaanka ah oo fadhigiisu yahay Nairobi.
“Daabacaaddan saddexaad waxa ay u muuqataa mid looga jawaabayo dhacdooyin halkii la soo gudbin lahaa hoggaannimada ay u baahan yihiin kooxda niyadda jabsan,” ayuu sheegay.
Majalladda ayaa muujinaysa in awoodda militari ee al-Shabaab ay wiiqantay, ayna si ba’an u raadinayaan askar cusub, ayuu yiri. Waxaa intaa dheer, sii socoshada hadallada riddinta ah ayaa muujinaya khilaafka iyaga ka dhexeeya.
“Aaway hoggaamiye isku sheegyadii al-Shabaab sida [Axmed] Godane, oo xilligan looga baahnaa in ay bixiyaan [hoggaan]? Maxay shakhsiyaadka sar sare doorkooda u jilayaan ciidamada cagta si ay u soo gudbiyaan baaqyo ficil? Taas waxay kaliya muujinaysaa in kooxda ay la’dahay hoggaan cad,” ayuu Ngugi yiri.