Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all 1186 articles
Browse latest View live

Konton (50) Kun oo Doolar oo Halis Wadata !! (Warbxin Xiiso leh)

$
0
0

“Rasaasta aan Maqleyney Alla Waa Wariye Hebel ee Deriskeennaa ahaa waxa la diley , markiiba Laba Nin oo ka dhawaa  halkii lagu diley Wariyaha ayaa meel Luuq ah ku eryadey Raggii Diley Wariyaha waxayna  labadii nin markii ay soo galeen Luuqa ayey yara Hakadeen ka dib markii  ay dareemeen  Muqdi yar maadaama uu markaa  Dayaxana uu sii dhacayey, Salaadii Cishana laga soo baxay , inta is fiiryeen ayaa mid yiri “War raga waa noo dhow yihiin aan soo qabano” halkii ayey Oradkii ka bilaabeen, waxay Lugaha Furaan ama ay Ordaan ,waxaa luuqa ka Boodey Wiil Dhalinyaro ah oo markaa marayey , markii uu  Indhaha ka qaadey laba nin  oo dheg la qabta lahayn si aad ah u  Xawaareynaya, Wiilkii Dhalinyarada ahaa ayaa waxaa uu  isagana  Bilaabey  in uu ka  Cararo waxay ka Cararayaan ragaan ,isagoo u qaatey in Nimanka ay Balaayo ka Cararayaan ,waxa la is eryadaba oo la is eryadaba , wiilkii Dhalinyarada ahaa ayaa labadii nin gacanta ku soo dhigeen ,iyagoo is leh maantaa qabteen ninkii Wariyaha Diley ,waxaana markiiba ka daba yimid Xaafadii oo  dhan waxa Wiilkii lagu bilaabey Feer ,Haraati, Ul iyo qof waliba waxa u ay gacantisa ku jirto ayuu la dhacay  ,waa la soo jiidey oo waxaa la keeney  meel Banaan ah  dadka oo dhan waxay u duceynayaan labada nin ee soo qabatey wiilka Wariyaha Diley “ “Gacanta Ilaah idiin kama Gooyo” Labada nin waxay ku dharaanayeen in Wiilkaan uu yahay ninkii Diley Wariyaha Bistooladiina uu Tuurey.

Xaafaddii oo dhan baa Jug soo tiri waxay dadka ku qaylinayaan “  War yaan gacanta loo gelin Dowlada ee Barta ha lagu Khaariyo oo isku mar ha lala Duugo Wariyaha “ Haweeney ayaa iyana tiri “War waan aqaanaa Wiilkaan  oo aragiisaa iigu yaal hore ayuu u diley Wariye Hebel “ Alla waa Runteed “ “Alla waa Runteed” Waa  ninkii Wariyayaasha Dhameeyey, nin odey ah oo Goobta ku sugnaa  ayaa soo boodey ka dibna inta u soo dhawaadey wiilkii la soo qabtey uu yiri “Wax badan baad fakatey ee maanta waa lagu hayaa sharciga ayaa lagu horgeynayaa “ Qof kale oo ka dhawaa halkii lagu hayey Wiilka ayaa yir isagoo ku qaylinayaa Cod Dheer  “War ma ogtihiin in  Dowladu balan qaadey in ninkii Wariye Dila ee Ruuxii so qabta la siinayo Abaal Gud dhan Konton Kun oo Doolar” Markii Warkaasi uu soo yeerey ayey labadii nine ee soo qabtey Wiilka ayaa nin kasta waxa uu qalbiga gashey in uu isagu leeyahay Kontan Kun ee Doolar.

“Waxaa meeshii ka bilowdey Muran ku saabsan Ciida leh Abaal Gudka waxaana weli Goobta lagu hayaa Wiilkii la soo qabtey “ waxaa uu ku doodayaa war wax Hubsada  anigu wax  ma Dilin “ Markii ay eryadaasi ka soo baxaan waxaa ku dhaca Feer iyo Haraati,waxaa loo xirey laba Dible , Cid  Dheg Jalaq u siineysa ma jirto Calaacalkiisa “ Haweeney ayaa leh “Waaba soo indho Cad yahay  Indho adagaa aniga ma Dilin aa , Heee Heeee Walee maanta waa lagu hayaa, waxaa weli lagu muransan yahay Ciida qaadaneysa Kontanka Kun ee Doolar , intii  dooda soctey ayaa  waxaa yimid Ciidamo Boolis ah .markiiba Katiinad ayey gacamaha uga Boobeen ,waxayna Dadweynaha dhoobnaa Goobta weydiiyeen Ciida Soo qabatey Gacan ku Dhiiglaha markiiba waxay Farta ku fiiqeen Labadii nin, iyagiina horaa loo wadey  , intii la sii wadey ayaa waxaa Diirashada ka eegey Wiilka la sii wado, waaba Wiil aan aqoono , wuxuu weli ku qaylinayaa war wax Hubsada anigu wax ma dilin , yaaba u jeeda warkiisa waa la sii Qadaan Qadiyaa ,waxaa la geeyey Saldhigii Booliiska , Sarkaalkii  meesha ugu sareeye ayaa yiri “ Kan Marqaati uma baahna”.

“Labadii nin ee Wiilka soo qabtey ayaa mid waliba waxaa niyada gashey sida  loo siinayo Lacagtaas Abaal marinta ah  mid baa kii kale ku yiri” Saaxiib ninka anigaa soo qabtey anigaa iska leh Lacagta “ kii kalaa soo boodey oo yiri” Saaxiib Ninka anigaa Jalaafo u dhigey sidaana ku qabtey” waxa la doodo Akhirkii waxaa wiilkii la geeyey Maxakamada waxaana lagu Xukumey Dil ka dib markii ay ku marqaati Fureen labadii nin , Hooyadii iyo Aabahii Dhaley Wiilka waa kuwa aan aqaan ,waxay  ka walwalsan yihiin wiilkoodii oo ay ku ogaayeen in uu ahaa Wiil wanaagsan oo Adaab leh oo aan lagu aqoon waxa lagu sheegey , dhowr jeer bay ka  dalbadeen Dowladda in Kiiska si wanaagsan loo baaro “Yaaba u jeeda Warkooda , waxaa lagu yiraahdaa “ Wiilkiina kama war qabtaan ee raali noqda.

“ Qalbiga ayaa iska irhaadaa .”War maxaa qaadey,Wiilka wuxuu ahaa Wiil wanaagsan oo Waxbarashadiisa ka adag  , Habeenkii la qabanayey waxaa uu ka yimid Masaajidka walee arrintaa waxay u baahan tahay in si taxadar leh loo baaro , hadana markaana maqlo laba nin baa soo qabtey isaga oo falkii ku jira ayaa hadana  Candhuufta dib u liqaa oo is Iraahdaa wax waliba  Baniaadam ka filo dadka Xiliyadaan joogo lama Aamin karo, iyadoo la wada joogo ayaa hadan ruux waliba waxaa uu wataa Howl u gaar ah  marka Ilaah baa wax og ninkii Dulmi lagu diley maalinka Aakhiro ayaa heli doonaa Ajarkeeda”.

Markiiba waxaa Tiirka la geeyey  Wiilkii loo soo qabtey Wariyaha Dilkiisa  halkaa ayaa  lagu toogtey , waxaa markiiba  Fariin ii soo direy nin aan saaxiibo nahay oo i yiri”Saaxiib Hebel waa la toogtey “ labadii nin ee wiilka soo qabtey Konton Kun oo Doolar ayaa loo qaybiyey “ Markiiba Naxdin iyo Welwel baa la soo Baraarugey Inta Hurdadii ka soo toosey ,aniga oo qaylinaya ayaa Indhaha Sacabada mariyey “ ayaa iri “Acuudu Bilaah “  Ileen Sheekadu waxay ahayd Riyo “ Alxamdulalilaahi Ilaah baa mahad leh.

Sheekadaan Riyada ahayd waa Fariin ku socota Dowladda Fedraala siiba Raiisul Wasaaraha oo dhawaan ka dhawaajiyey in Ruuxii soo qabta ama soo sheega qof Diley Wariye in la siin doono abaalmarin dhan Konton Kun oo Doolar inkastoo Dilka uusan ku koobneyn Wariyayaasha Keliya oo maalin waliba la dilo dad aan wax galabsan , marka Riyada waxa tahay mid macno badan bixineysa oo ah in dadka qaarkii iyaga wax hubsan in ay Sameeyaan Fal loo qaadan karo in uu Xaqiiq yahay balse Xad gudub ku ah Bulshada kaasoo u baahan Baaritaan Qoto Dheer, marka waxaan leeyahay dadka ku jira Howlahaan in ay wax Hubsadaan Soomaalida waxay Tiraahdaa “ Hubsiimo Hal Dhan Baa la siistaa” wax waliba waxay u baahan yihiin Taxader waayo Wiilka la diley ee Riyada Tilmaameysey ee la iska soo qabtey isagoo Dambi lahayn iyo labada nin ee igana soo qabtey ee u qaatey in wiilka uu ahaa ruuxii wax Diley ,waxay Dhamaantood u baahnaayeen Cadaalad iyo Garsoor Dhab ah maadamaa uu dhacay Xukun Cadaalodaro ah oo la hubsan, Miskiinkaas waayey Cid u hiila waxaa uu la mid yahay Masaakiinta maalin kasta lagu Xadgudbayo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Afeef: Aragida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan


FAALLO: Yaa Colaadda Ka Dhigta Agab Siyaasadeed?

$
0
0

Nabad iyo Colaad waxaa laga warsadaa Qof labadaba usoo joogey. Tusale gaaban: Waxay u kala duwan yihiin sida jaannada iyo cadaabta. Nabadda waa lagu baraaraa, colaaddana waa lagu wiiqmaa.

Nabaddu waa macaan tahay, colaadduna waa xaraar tahay.

Inta dunida korkeeda ku nool, bulshada Yuhuudda mooyee, ma jirto cid kale oo Soomaalida uga waayo-aragsan barwaaqada nabaddu leedahay iyo ayaandarrada colaadda laga dhaxlo, waayo waxaan ku jirnaa sannadkii toddoba iyo labaatanaad oo dalka Soomaaliyeed ay ka taagnayd xasarad colaadeed-ha ahaadaan kuwo dawladu abuurtay iyo kuwo badan oo deegamada ka dhexdhashay; hadana bulsho-weynta Soomaaliyeed inteeda badani colaad bay isu-xambaarsan yhiin.

Haddaan la layska rogin baalkii xasaradaha colaadeed oo laysu tanaasuli, nabadu ma curan karto, colaaddu waa dahsoon tahay oo hadba meel ayay ksoo burqaan doontaa, cid walbana cidda dariskeeda ah ayay farta ku fiiqi doontaa.

Soomaalidu waa kala dhagar badan tahay ee ma kala caqli badna; nin walbana waa garan karaa waxa kan kale la hullaaban yahay.

Nabaddu waa hadiyo qaali ah oo u baahan in la kobciyo, in la koolkooliyo, in la bari kiintaaro oo marin habawga laga ilaaliyo. In kuwa seedda goynaya laga dhawro, kuwa xambaarsan oo u caleemo ruxayana lagu ammaano. Cadawga duullanka ku ah nabadda waa in laga yureeyo, kuwa uurdooxayana looga hortago sidii looga hortagi laha argagixisada iyo xag-jireenka.
Ifka iyo adduunyada waxaa ugu wanaagsan qofka nabadda xambaarsan oo kubcinteeda ku tusbiixsada; waxaana ugu aaya-xun kan colaadda huriya, waxdhibaalkeedana ku naaxa. Xasaradaha colaadeed ee maanta dalka ka aloosan waxay dibudhac iyo jahowareer ku noqon doonta jiilka naga dambeeya oo naga dhaxli doona hoog iyo ba’.

Colaad Maxaa Hurin Kara?

Sida badan colaadda waxay ku iman kartaa arrimha soo socda:

A - Keyd dhabiic ah oo dhulka ku jira, sida shidaalka, macdanta, haraha biyaha, wabiyada, dhul-beereedka, iwm. B - Awood milatari oo gobol kusoo kororta oo uu mid kale ku muquuniyo C - Derisnacab iyo aargoosasho D - Loollan awood bursi, iyo E -  Dal-ballaarsi.
Colaad Miyyi Ka Dhalata oo Siyaasadu Ku Maldahan tahay

Colaadda miyyi ka dhalata ma laha lahan raaga oo lagu kala fogaado. Marka shil dhaco, cuqaal, culumaauddiin iyo wax garad baa nabad marada u bitin jirey oo dhibaatada waa la xakameeyaa inta ayna sii fidin. Xilli qurah ma dhaafi jirin oo colaaddii nabad lagu soo dabbaali jirey. Si nabadda loo sii joogteeyo, waa lays xurmayn jirey oo gabdha ayaa lays wedaarsan jirey taasoo loola danlahaa in la gacaltoobo. “Meel xinjiru ku daadatay, xab baa lagu burburiyaa,” baa ahayd himilo weyn oo nabadda lagu joogteeyo.

Nolosha miyyi lama kala maarmo oo nabad baa lagu wada daaqi jirey. Cidna dan uma ahayn inay dariskooda geeska daraan oo xasarad colaadeed halkaas ka dhalato, waayo waa mid iyaga kusoo noqonaysa. Siyaasiga danaystaha ah ma tixgeliyo colaadda ka dhex-dhalata bulsha aan marna, mana ujeedo inuu burburinayo xeer bulsho oo soo jireen ah oo cid walba dan u ah. Dhulka deegaanka balad waa la kala leeyahay, hase yeeshee kan daaqsinta xoolaha waa la wadaagaa oo meesha raxmadda Eebbe hadba doojiso ayaa xilligaas la wada daaqaa.

Colaadda Siyaasigu Maleego

Colaadda siyaasigu curiyo lagama xafaaroobo. Lahan hore ayay soo kicisaa, laab lakac colaadeed bayna derisnimada bulshada kusoo kordhisaa. Ciil iyo calool-xumo hore leh baa is-biirsada oo bulshada ku abuurto uur-kutallo hore leh. Xiisaddaas colaadeed baa abuurta shaqaaqooyin nabadda gunta ka ridda. Colaadda siyaasigu maleego ma laha bilow iyo dhammaad midna, waxayna kala kaxaysaa busho deris ah oo is-hudhan oo dano badan wadaaga, noloshana ayana ku kala tagi karin. Waxaa magac iyo muuqaal baardheer leh yeesha siyaasiga abuura baaska, bulshaduna isaga ayay u afduuban tahay. Aqoonyahanka iyo indheer-garadka ayaa ka hortagi kara xeeladaha siyaasiga danaystaha ahu uu qabo oo bulshada dabka saara.

Caaqibo-xumada Colaadda

“Colaadda wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta,” waa xikmad fac weyn oo soo koobaysa dhibaatooyinka colaaddu keento. Colaadu waxay siiba usii u daran tahay bulshada derisnimada kula wadaagta oo kula qaybsata xigto iyo xigaalnimo, ha noqto midda colaadda hurinaysa ama midda colaadda lagu hurinayo. Nolosha dadka inta colaaddu saamayso ayaa dhalanteed noqota, horumarinta deegaanka iyo tanaadnimada bulshadana hakis baa ku yimaada.

Dhibaatada colaaddu waxay si gaar ah u taabanaysaa bulshda danyarteeda, sida: Dhallaanka, umulaha iyo dumarka uurka leh, naafada, waayeelka, agoonta, inta jirran, iwm. Colaadda raagta ama soo noqnota waxay dhaqanrogtaa xeerkii iyo haybaddii nabadda lagu sugi jirey. Intii colaadda damin jirtey, sida: Ugaasyada, nabadoonnada, salaadiinta, boqorrada, wabarrada, duubyada, malaaqyada, waxgardka, culumaauddinka iwm. way tabardhigaan markay ku hungoobaan xallinta colaadda soo noqnoqota. Colaadda aan damin waxay siyaasiga u tahay bandar laga hago himiladiisa. Waa u naas irmaan oo marna aan ka gurin.

Barwaaqooyinka nabaddu Kento

Nabaddu waa raaxo lagu tanaado. Waa halbowlaha nolosha waraabisa. Tacabka waxsoosaarka leh iyo talada dheellitiran ee bulshadu waxay ambaqaadaan xilliga nabad lagu daaqo. Reerku nabadda waa ku baraaraa oo ubadka dadka iyo kuwa duunyadba way ku calool-galaan wayna ku tarmaan.

Xiiso colaadeed nabad laguma dooni karo, hase yeeshee nabad baa colaad lagu damin karaa. Dhibaatada bulshada Soomaaliyeed kala fogaynsay waa qab qabdhaafsan iyo u hanqaltaag wax kororsi aan daawo loo heli karin. Colaaddu waxay kaa reebtaa tartanka horumarka iyo nimco ku noolaanshaha. Waxay bulshada baddaa halaag iyo dibu-dhac aan sahal looga soo kabsan karin. Intaba waa lasoo maray haddana laguma wano qaato.

Kii shalay nabad la’aan la gabidhaclaynayey baa laga yaabaa inuu maanta isagu yahay kan colaadda hurinaya. Hooyadii shalay colaadda ku balanbashay baa laga yaabaa inay hadda u mashxaradayso. Agoonkii shalaby abbihiis ku dhintay baa laga yaabaa inuu maanta colaad-huriyaha hubka u sido. Maalqabeenkii shalay ku xoolo beelay xasaradda colaadeed baa maanta huraya inuu ku beelo guntintii u baxsatay. Colaaddu waxay dhalan rog ku samayso waxaa u daran nuqsaanta soo gaarta dhimirka iyo maanka dadka! Taas baan sahal looga kabsan karin.

Yaa Colaadda Ka Dhigta Agab Siyaasadeed?

Waxay agab u tahay nin donaya inuu colaad wax ku noqdo. Dhiigga qubanaya iyo dhibka bulshadiisa buu sallaan ka dhigtaa, dantiisana sidaas buu ku gaaraa. Waa loo sacabbatumaa dhabarka ayaana lagu qaadaa. Ninka colaadda diiddan mid kale baa cadaw u arka oo farta ayaa lagu wada fiiqaa; colaad-ooguhuna waa kusii tanaadaa oo dhibkiisa ayuu sii badiyaa. Isagoon la rabin buu la wareegaa rabitaanka bulshadiisa, ciduna kuma dhacdo inay tiraahdo “War colaaddu dan nooma aha ee dhibka naga daa.” Xasaradaha colaadeed in tiro yar baa horumar ku gaarta, bulshada inteeda kalena geeri, dhaawac, burbur, barakac iyo nolol baaqata ayaa ku habsata.

Intaas waxaa kasii daran: “Haddii jiilkan af-Soomaaliga iyo dhaqan- wadaaggu ka dhexeeyo ay heshiin waayaan, ma kan dambe oo af iyo dhaqan-wadaag midna lahayn baa nabadayn waarta laga sugayaa???

By Prof. Mohamoud Iman Adan – Mohamoud.iman.adan@keydmedia.net

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Dilkii Sheekh C/Qadir Gacamey AUN Maxaa Looga Dan Lahaa?

$
0
0

Warku maqalkiisu wuu murugo iyo mashaqo waynaa. Wuuna Indo xumo iyo calool xumo badnaa. Qof walba oo Muslim ah naxdin iyo uur ku taalo ayuu ku reebay. Waligay ma sawiran sifo la mid ah. Una malayn maayo qalbi qof Muslima in uu ku soo dhici karo abid. Kuwii soo maleegay musiibo ayaa ku dhacday. Waana hubaal halaagooda in la arkayo. Alle waxaan ka baryaynaa adduunyada in uu nugu tuso aakhiro intii aan la gaarin aaya xumadooda. Yeey dileen Allaha dilee! Waa Sheekh Caalim ah. Wuxuu ahaa da’. Wuxuu ku jiray masjid gudihiisa. Wuxuu u taagnaa salaadii Rabbigiisa. Intaasba kuma aysan qadarine ee shaydaan baa u qurxiyay ficilkooda. Tollow! maxay u dan lahaayeen kuwii dilay, ujeedo unbaa ka dambaysay dilka Sheekha iyo culumadii kale ee ka horaysaye’. Waxaan is leeyahay qodobada soo socda ayeey kooxdii dishay Sheekha yoolkoodu ahaa.

1.In qof xaqa sheego la waayo. Sheekh C/Qadir AUN sida iska cad waxaa loo dilay hadaladiisii cadcadaa iyo go’aamadiisii geesinimada lahaa. Nin aan ka gaban xaqa oo cadeeya ayuu ahaa. Waana calaamada culumada lugu yaqaano. Xaqa dad badan baa isku daya in ay qariyaan si ay been ugu qaraabtaan. Xaqa dad baa isku daya in ay diidaan una arka danahooda in uu lid ku yahay. Nabi Mohamed (SCW) Xaqa markii uu la yimid, Quraysh oo dhan bay ku kala tageen, waliba qaarkood waxay damceen in ay dilaan oo adduunyada ay dhaafsiiyaan. Sidaas daraadeed, wax cusub ma aha in dadka loo dilo xaqa oo la sheego.

2.Kooxdii Sheekh C/Qadir AUN dishay waa koox is tidhi; inta uu Sheekha joogo ujeedkiina gaari karimaysaan. Marka waa in Sheekha iyo culumada la midka ah aad iska hor leexisaan. Oo boosku markuu banaanaado idinka culumo noqda, dadka u fatwooda, waxa aad doonaysaanna fushada. Waxay aaminsanyihiin maska madaxa ayaa laga dilaa. Sidaas daraadeed dadka cilmiga leh, waa in marka hore la gumaadaa si aan loo helin cid hor istaagi karta.

3. Kooxdii Sheekha dishay AUN, ujeedkooda waa in la dullaysto oo la bah dilo dadka Soomaaliyeed. Si ay arinkaas u hirgasho waa in culumada la warjeefo maadaama culumadu ay yihiin booska kaliya ee Soomaali u badbaada qabta maanta. Oo maxaa dhacaya markii culumada la warjeefo? Dantii la doonayay ayaa si fudud loo fushanayaa. Dullaysigaas waxaa kow ka ah cabsi galin. Dadka markii la cabsi galiyo, way is dhiibaan, wayna hogaansamaan. Kii hadla ama amar diido la yimaadana waa la dilaa. Oo wuxuu tusaalo u noqdaa dadka inta kale. Waa Fircoon dhaqankiisii oo uu kula dhaqmi jiray reer Banii Israaiil.

4. Kooxdii dishay Sheekha AUN waa koox rabtay culumada dhiigooda in ay fududeeyaan. Oo markaas waxaa ka dhalanaya arinkaas cid walba in ay ku dhiirato dhiiga culumada, oo aan dhibaataba loo arkin layntooda. Faa’iido wayn ayaa ugu jirta iyaga arinkaas. Oo waxay helayaan dad ujeedkooda u fuliya si fudud ama si dadban. Laakiin ma oga miyaa, dad badan oo caqli leh dadka in ay ku jiraan.

5. Kooxda Sheekha dishay AUN waxay kaloo doonayaan khayrka iyo wanaaga culumado ay u hayso bulshada in la waayo. Waxaa hubaal ah Sheekh C/Qadir dhimashadiisa khayr badan oo uu waday in lala waayayo sidoo kale. Burburka iyo baahida bulshada iyaga faa’iido ayaa ugu jirta. Sababtoo ah dhalinyaro farabadan oo ay ku shaqaystaan ayeey helayaan. Fursado badan oo ay ku qaraabtaana waa ay u soo baxayaan.

6. Kooxda Sheekha dishay AUN sidoo kale ujeedkooda waa in ay dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed isku diraan. Markii labo qabiil oo walaala ah oo isla dagan wiilashooda loo kala adeegsado dhexdooda, waxaa laga yaabaa xurguf in ay soo kala dhexgasho. Oo hadhow maxaa dhacaya? Waxaa dhacaya in lakala shakiyo oo aan la is aaminin. Iyaga faa’iido ayaa ugu jirta qalalaasaha. Sababtoo ah fal dambiyeedkii ay gaysteen, magac kale ayuu yeelanayaa. Oo markaas waxaa u soo baxaya boor ay isku qarin karaan.

7. Kooxda Sheekha dishay AUN ujeedkooda waa in ay indhaha tiraan Soomaali. Waxay gumaadeen waxgaradkii, aqoonyahankii, culamadii iyo dhamaan haldoorkii ummada. Oo Waxay rabaan cid ka daba hadasha ama la xisaabtanta in la waayo. Sidaasna ficilkii ay doonayaanba si fudud ay u fushadaan.

8. Kooxda culumada dhiigooda ka ganacsata sidoo kale ujeedkooda waa in la waayaa Sheekh fakarkooda halka uu ka soo farcamay dadka u iftiimin kara. Culumadu waa dad kaliya ee yaqaana afkaarta khaldan iyo sida loola dagaalamo. Sheekh C/Qadir AUN afkaarta kooxaha islaamiyiinta ah aad ayuu u yaqaanay. Waa sababta loo beegsaday oo waliba masjid dhexdiisa loogu toogtay.

Ugu dambayntii culumada Soomaaliyeed waa in ay go’aan wax ku ool leh ay la yimaadaan. Cadowga haddii uu badan yahay cududa ayaa la mideeyaa. Go’aankii geesinimada lahaa ee ay soo saareen culumadu bisha 19keedii, waa in la taabo galiyaa. Waxaa haboon cadowga in hal dhinac looga soo wada jeesto.

W/Q: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Soomaaliyeey, nimaan idinla qaxeyn, yuusan idin qixin

$
0
0

Dhibaatada soomaaliya iyo jiho wareerka ka taagan, waxaa inta badan huriya, dad carruurtoodii iyo maatadoodii, geystay waddamo amni iyo ammaan ah, ayna ku haystaan nolol adduun oo raaxo leh.

Bal u fiirso, waligaa ma maqashay dagaal ooge Qurac ama Qansax, ayaa qoyskiisa madfac ama xabbad doolaal ah haleeshay, sidoo kale xubnaha siyaasiyiinta waddanka soo maray dhammaan waa dad dibad joog ah intooda badan, khilaaf walbana iyaga ayaa huriya ama qeyb ayay ka yihiin, intaa waxaa dheer, kuwooda ugu cod dheer, kama taliyaaan saamaxaad, dulqaad iyo wadajir, waa rag, sidii Gorayadii lugna qurbaha u taal, lugna hoteelada dalka ugu amni iyo nolol fiican.

Dadkaa iyaga ah ee hurinaya dirirta ama had iyo jeer geedka dheer saara nabadda, sidaan kor ku soo xusayba, waa dad maatadoodii ka fogeystay daryaanka madfaca iyo rasaasta, qax warkii daaye, waxayna waddanka u joogaan in ay dhiigga shacabka qaxaya oo xabbaddu leefayso, ka biilaan carruurtooda dhigata iskuulada iyo Jaamacadaha adduunka ugu qaalisan.

Waxaan rabaa in aan idin la wadaago, qoraalkeygana ku xoojiyo: (Waxaan afar sano ka hor tagay, waddan ka mid ah waddamada carabta, waxaan meel maqaaxi ah kula kulmay, koox dhalinyara soomaaliyeed ah, oo daawanaya kubad/banooni. Waxaa dhalinyaradii ka mid ahaa, wiil ladnaan dheeri ah ay ka muuqatay, qof ka mid ah dadkii ila socday oo waddanka deganaa, ayaa igu yiri, kadib markii uu arkay eegisteyda dheeriga ah, wiilkaan ma taqaan ninka dhalay?, waxaan ku iri; maya, wuxuu igu yiri; waxaa dhalay Qurac. Wiilka aabbihii Qurac, waa nin hogaamiye beeleedyada caanka ah ka mid ah, oo dagaal galinta dhalinyarada ku wacan, wuxuuna inta badan ku baaqaa in dagaalka la galo!!!.

Waxaa u fiirsasho gaar ah mudan, raggan manaxayaasha ah, dadka ay dagaal galiyaan waa dad noocee ah, sidoo kale haddii, la qaxo ma yihiin dad bulshaddii ay qaxiyeen la wadaaga rafaadka qaxa uu leeyahay iyo wixii la mid ah?

Ugu dambeyntii, akhristoow waxaad maalin walba maqli dugaag dadoow cusub, oo gurbaan colaadeed garaacaya, si ay kibistiisa maraq ugu dhacdo, haddii aad intooda badan u fiirsatana waa dad qurbaha ka wada yimid, kuna soo fashilmay noloshii qurbaha, ayna hubaal tahay, in ay mushkiladda ka taagan waddanka in ay siyaadiyaan ma ogiye aysan wanaag ku kordhineyn, intaa waxaa dheer haddii ay maslaxadooda gaarka ah ka waayaan waa ay ciideynayaan.

W/Q Ahmed-haadi Muhumad

haadi30@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Ma taqaannaa sababta ay u dhamaan la’dahay QABYAALADDU?

$
0
0

Wax kasta oo dunidan yaallaa waxay maraan 3 MEERTO, Way dhashaan, way koraan, deetana way dhintaan marka laga reebo QABYAALADDA Soomaalida…!

Waxaan marka dhowr mar is waydiiyay sababta keentay inay QABYAALADDU naga dhamaan waydo, naga dheeraan waydo ama naga dhiman waydo?  Sidee u dhimanaysaa?

Tiiyoo aan wada sheeganno inaan QADYAAN ka taagannahay, ama aanba ognahay xanuunka ay na wada baday ee xayaatadii insaanka noo qoonsatay, misna waxaan u qornay xambaar aan xeer ku salaysnayn, magangelyo  aan shuruuddi ku xirnayn, ciqaamad abadi ah oo ay dalkeenna fiise la’aan ku joogayso iyo biil aan ka go’aynin.

Hadaba markii aan baaris ku sameeyay QABYAALADDA iyo sababta ay ugu yaraan u duqoobi la’dahay waxaa iisoo baxday taariikhdan soo socota:

Qablaayaddu iyadoo ilmo ah laakiin aan cid si gaar u daryeesha aysan jirin oo DERBI JIIF rubac dhiman ah ayaa waxaa korriimo (Adaption) kusoo qaatay siyaasadda qabyaaladaysan ee dalkeenna oo sidaa go’aansatay markii aan xornimo beenaadka qaadannay, kadibna waxay bilaabeen inay caano, beer, kalluun, khudaar iyo wax kastoo kale ka dherjiyaan.

Markii ay xoogaysatay ayay 70-meeyadii bilowday inay qooqdo oo wax qaniinto, dadka qaar baa is lahaa ‘’Halloo sugo way malaha caqliyaysan doontaa oo dhalinyaranimada ayaa ridridaysee’’ balse taasi ma dhicin oo 90-meeyadii ayay qaniinyadii ku dartay haraatti iyo feer.

Waxayna isla markiiba gacanta ku dhigtay hub culus iyadoo heshay cido ama qoysas ay maalinba mid la degto oo si wanaagsan ugu looga, iyadoo si wanaagsan loo soorayo waayo dadkii waxay u qaybsameen mid naftiisa uga cabsanaya maadaama ay markan hubaysan tahay oo aysan cidna waxba ka baryaynin iyo dad la dhacsanaa dhaqankeeda liita oo u sharfayay sidii Mahdigii lasoo dirayay Aakhiru sabaanka.

Haatan ayaa iyadoo dadkii ka dhigtay wax ay laysay, waxay badda ku shubtay, wax ka qaxay, mid ay il ka riday, mid ay lug iyo gacan ka jebisay, mid ay caloosha kasoo ridday, oo iyadiina dhowr meel laga GARAAFEEYAY maadaama ay dad badani dhibsadeen ayay dadkeenna qaarkood waxay bilaabeen inay QABYAALADDII u qiil sameeyaan oo ay yiraahdaan: ‘’Noo daaya wallaan la’aanteed la noolaanayne’’.

Waxaan hadaba is waydiiyay sida ay ku dhici karto in weli bahalkii laayaanka ahaa loo doodo? Waxaa marka isoo baxday inay hal sabab ku dhici karto waana marka ay qofka ku dhacdo bukto la yiraahdo STOCKHOLM SYNDROME oo ah in qofka la afduubto ee madax furashada laga doonayo uu JACAYL XAD DHAAF AH u qaado qofkii afduubka, dhaca iyo tacadiga u gaystay oo uu ku doodo inuu xitaa dartiis u dhimanayo si uu u difaaco.

Sidaa darteed baan maanta waxaan leenahay ‘’QABYAALADDU waa wax fiicane aan abaalmarino!!’’ si ay taasi u hirgashana QABIIL kasta CALAL ha samaysto oo gooni ha u istaago hadii lala hadlana dibadaha dhowr qori haka soo qaato (Bal eeg si qabyaaladdii aan isku laynay xal loogu helo ayaan xalkii qabyaalad ka raadinaynaa)……Taasoo waxa aan ka sugnaaba ay tahay hal tuulo oo 3 CALAN leh, cimaadaha oo isa sii laaya iyo dadka oo cols ii ahaada, haddii aan caqligu soo degin uusan saq dhexe soo gudin isagoo dhuumaalaysanaya, illeen caadi uma iman karoo QABYAALADDII ayaan yeelaynin oo sidii caano lo’aad oo LIIN lagu dhiijay u fasaqaysee.!!

Waxaan anigu is lahaa maadaama ay dagaalladii sokeeye ugu yaraan lug uga jabtay, dhibkeeda waa laga nasan doonaa oo intii hore wuu ka nasahnaan doonaa, balse waxaa la ii sheegay inay haatan raysatay oo ay caafimaad qabto oo uusan hal xididna xanuunaynin…..Waayo waxaa daweeyay Soomaali oo nolosheeda ku faraxsan….Illeen dadoow waxaa jira dad wixii dhibaya aan dhaawac u ogoleeyn…!

Hadda tiro aan badnayn oo SAMADOON ah ayaa waxay la isla garteen in cuntada iyo dawada laga yareeyo si ay ugu yaraan u caatowdo ama cudur ugu dhimato…..Maadaama haddii lagu taliyo in si toos ah loo toogto ay Soomaali badani usoo tafa xaydanayso taban taabadeeda.

Waxaa kaloo taas kasii khatarsan feeyrus (virus) xitaa way ka daran tahay oo markii dawo loo sameeyo waxaa is dhalan rogaya hide-sidkeeda oo waxay samaynaysaa waxaa loo yaqaanno ‘’GENETIC MUTATION’’ oo xitaa 70-meeyadii mar baa la isku dayay in la AASO, balse halkii ay ka dhiman lahayd oo RAQ  IYO RUUXDEED la is waydiin lahaa waaba tii soo DHALATAY sidii abuur GALLEEY…….Forza SOOMAALIYA.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Maxay Al-Shabab u qaadan la’ dahay nabadda? (Daawo Culumaa’udiin iyo Siyaasiin ka jawaabaya.

$
0
0

Iyadoo Dalka Soomaaliya uula daala dhacayey labaatankii sanno ee la soo dhaafay Colaado iyo abaaro ayaa waxa uu dalka Soo maray wax  ay marqaati ka wada yihiin dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ayaa hadana waxaa maalmihii danbe soo baxayey qeyla dhaan kazoo yeeraysa Culumaa’udiinka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ugu caansan.

Hadaba Barnaamij loogu magac daray barnaamijka Arimaha Bulshada oo markani si qaas ah loogu doodayey Su’aalooyin Kulul oo si weyn usoo jiidatay waxana su’aalahasi ka mid ahaa Maxay Al-shabaab Nabada u qaadan ladahay? Ma laga yaayaa in ay nabada qaadaataa? Waa maxay Fikirkooda ku aadan in la wada noolaado oo si wada jir ah wax la isugu qabsado.?

Barnaamijkani ayaa waxaa ka qeyb galaya Culumaa’udiin Caan ah iyo siyaasiin Soomaaliyeed sidoo kale waxaa ka qeyb galay Laba wasiir oo xilal waa weyn ka haaya dowlada Soomaaliya.

Barnaamijkani ayaa waxaa daadihinaya Cabdi Xafiid Maxamud Jaamac wuxuna barnaamijkani Soconayaa in ka badan sedex Saacadood.

Haddaba Hoos ka daawo Barnaamijka Oo dhan oo aad u xiiso badan.

Mareykanka ma ukun baa, Turkigana ma Xadiid baa!! “Maxaa loo yiri KMG waan ka baxney?”

$
0
0

“War maxaa loo yiri Ku meel Gaarkii baan ka baxney,Beerka Caaro Idiin Goysey “Qayladaan waxay ka soo yeertey Nin Odey ah oo aan si wanaagsan isku naqaan da’diisana aan ku qiyaasey 70 Sanno” markaas baan ku irir” Adeer maanta war waa weyn baa kaa baxaya ee Sidee wax u jiraan ” Inta ii soo dhawaadey oo uu soo jiitey Kursi ayuu yiri” Adeer aad baan kuugu baahnaa” markaas baan iri” Soo dhawow “waxaan u raaciyey ‘ Adeer Koob Kafee ah ku Dhufo” si Kal iyo Laab ah ayuu iiga Gudoomey,,waxaana Weydiiyey “Adeer maxaa ka wadaa oo aad u tiri” War maxaa loo yiri Ku meel Gaarkii waan ka baxney “inta si hoose iigu soo dhawaaadey ayuu yiri “Hadde Maalmahaan waad maqleysey” In Madaxdii sare ee Dowlada in Saraakiil Darajadooda hooseysa in ay Garoonka Diyaaradaha ay ku qaabilayeen ” markaas baan iri ” Adeer maxaa ka Macno ah haddii Garoonka Diyaaradaha wax ku qaabilaan” Odeygii inta Xanaaqey buu yiri.

“Horta Garoonka Diyaaradaha Ma Madaxtooyaa mise waa Garoon Diyaaradeed ” markaas baan uga Jawaabey ” Haa Waa Garoon Diyaaradeed ‘ Markaasuu yri “In Madaxdii Sare ee Dowlada iyagoo dudaya oo is Garabinaya ay Saraakiil hooseysa ay halkaa ku qaabilaan ma Dow baa “Markaas baan iir haddii Dantooda ku jirto waa tagayaan” Aad buu ii kuurey oo i yri” markii uu imaanayey Raiisul Wasaaraha Turkiga ee uu tagayey Madaxtooyada iyadoo Xaalada intaan ka xun tahay , waxay ahayd Fariin ku soctey Madaxdeenna Ujeedkuna waxaa uu ahaa in uu iyaga dhiirageliyo si aysan hoos isugu dhigin oo ay noqdaan kuwa loo baahan yahay marka Casharkaas meel bay iska dhigeen in maanta farta loogu yeero waa mid aanan marnaba ka sugeyn Madaxdeena”waxa uu i weydiiyey Su’aal ahayd ‘ Maxaa loo sameeyey Madaxtooyada oo ah Astaanka Qaran uu leeyahay”waxaan ku iri ” Adeer waa runtaa Madaxtopoyada Waa Astaanka Qaranka waxaana loo Unkey in lagu qaabilo Madaxda Imaaneysa islamarkaana laga Maamulo Wadanka oo dhan” waxaa uu yri ‘ Sidaa baa u garaneysaa ‘.

Ninkii odeyga ahaa waxaa uu ii galey Qiso dheer waxaa u yiri “Mareykanka weligii Caddow buu nagu ahaa waagii aan qaadaney Xoriyada oo Qaranka oo Markaas Afar jirsadey ayaa waxaa Dalka uu dagaal la galey Dowladii Itoobiya waa 1964 tii Waagaas Ciidankeena si wanaagsan uma dhisneyn Hubka aad buu ugu yaraa,Janeraal Dauud ayaa waxaauu la kulmey Wafdi ka socdey Dowlada Mareykanka oo Saraakiil u badnaa waxaa ay Dowladii Xiligaas jirtey ay weydiisatey in ay siiso Hub ay isaga dhiciyaan Itoobiya waxaa uu Wafdigii Mareykanka uu si Cad ugu sheegey Dowladaas in aysan Hub sii karin balse ay dhinaca Dibolomaasiyada uu ka Taageerayo,aad bay arrinkaas uga Caroodeen waxay Dowladii Bilowdey in ay la xirato Dowladii Ruushka oo Albaabada u furtey gaar ahaan Dhinaca Hubka , waxaana Ruushka Dowlada ku wargeliyey in ay Xitaa Ciidamo u Tababarayaan , waxaa Dalka ku soo ququley Hub noocyo kala Duwan oo ay ku jiraan Diyaarado Dagaal , markaan Xasuusteyda aan Dib u raaco waxaa uu Mareykanka uu doonayey in Itoobiya ay qabsato Soomaaliya maadaama uu u diidey in ay siiyaan Hub.

Waan gartey Ujeedada Nuxurka Warkaada maxaa ku dareysaa ayaan daba dhigey ninkii Odeyga ahaa “Markii ay Dowladii ay Burburtey 1991 dii ayuu Mareykanka soo rogaal celiyey isagoo ku Marmarsiiyoonaya in uu Gacan siinayo Dadkii Abaaraha hase yeeshee qorshahaasi waa uu buburey Mareykankii Har Cad buu ka cararey Wadankii , weli ma harin hadana waxaa uu isku dayey in uu Hubeeyo Dhaqaale ku bixiyo Qabqablayaashii Dagaalka iyagana waa la ogaa halkii ay ku dambeeyeen, waxaa Xigey in uu Dabada ka soo riixo Dowladii Itoobiya oo iyana aan lagu soo dhaweyn Ubaxyo , waxay sheekadu socoto waxaa Dhawaan maqley in Mareykanka uu aqoonsadey Dowladii Xasan Shiikh , ma Xuma Xiriirkaas waxaan Aaaminsanahay in Mareykanaka ay weli Lug u laaban tahay waayo hadii uu Dowlada Aqoosadey Maxaa ay Dubolomaasiyiintiisa ay u tagi la’ yihiin Xarunta Madaxtooyada , waxaan soo Xasuustey Waagi la dooranayey Shiikh Shariif ayaa waxaa la taliye uu ka dhigtey Haweeney Mareykan ah taasoo Muran ka dhex dhalisey siyaasiyiintii la socotey Shiikh Shariif oo qaarkood ku adkeystey in La Talintaan ay Xiligaan u Baahan yihiin yagoo iska dhaadhiciyey Murtidii ahayd “Dantaada Maslo Eey Baa loogu Seexdaa” marka waxaan u maleynayaa in Tagista Madaxda Sare ee Dowlada ee Garoonka Diyaaradaha ay tahay Midaan oo kale hase yeeshee Taa Ma Xuma laakiin waxaa ka weyn Sharafta Qaranka Soomaaliyeed,Marka Madaxdeena weli iyaga ayaa Dhulka isku Jiidayo , Xamiid Karsaayey weligii Garoon Diyaaradeed kuma Qaabilin wafdi ka socda Caalamka waxaa loogu tagaa Xarunta Madaxtooyada , mararka qaarkood waa uu ka gilgishaa Waxyaabaha ay kula kacaan Mareykanka iyo kuwa la socda” inkastoo dadka qaar ay leeyihiin waxba kuma Jabna in ay Madaxda Dowlada tagaan Garoonka Diyaaradaha oo ay halkaa ku qaabilaan wafdi ka socda Calaamka , balse inta badan Bulshada si aad ah ayey uga soo horjeedaan waayo Madax waaweyn ayaa Soomaaliya yimid Xilli Xaaladu intaan ka Culus tahay..

“Waa yaab Dooraad waxaa yimid Senator Mareykan ah oo la mid Xildhibaan Soomaaliyeed waxaa Garoonka uga tagey Madaxweynihii Soomaaliya halka uu ugu diri lahaa Xildhibaan,waxaa Xigey in Garoonka uu ka soo dego Agaasimaha Hayadda USAID oo la mid marka la fiiriyo waa Darajadiisee Agaasimaha Hayadda SOMAID,markii Madaxweynaha uu qaabiley hadana waxaa Weydaartey Raiisul Wasaarihii Soomaaliya Marka waxaa Cad in Dowlada ay kala socoto Wax Madaxweynaha uu kala hadley oo ka duwan miyuu kala hadlayaa Raiisul Wasaaraha ma garan karo? waa arrin u baahan in si qoto dheer looga hadlo , Hadii Saraakiil sidaa uu Heerkooda u Hooseeyo ay Madaxdeena ku qaabilayaan Garoonka Diyaaradaha waxay arrintu tahay in Dalka uusan nabad ahayn oo aan la isku soo haleyn karin wax ka baxsan Garoonka Diyaaradaha , sidoo kale waxay Ihaano ku tahay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada oo noqoneysa in iyana la isku haleyn karin Amaankooda, Soomaalida waxay Tiraahdaa “ Mayd maxaa u Dambeeyey Kaa la sii sido” Maanta waxaa Magaalada Muqdisho dhex Mushaaxaya waa Raiisul Wasaare Ku xigeenkii Turkiga oo Madaxdii Dalka ugu Tagey Madaxtooyada waa Su’aalee Saraakiisha Mareykanka Ma Ukun Garoonka lagu Ilaaliyaa oo jabeysa Haddii Madaxtooyada yimaadaan, Madaxda Turkigana Ma Xadiid aan Jabeyn baa oo Wadooyinka mari kara,Madaxtooyada tegi kara !! isku soo duuduuboo waxay arrintu taagan tahay oo Madaxda Dowladda aan leeyahaya Haddii Dubolmaasi ama Sarkaal Sidaa u Hooseysa ku qaabilaan Garoonka Diyaaradaha ,OBAMA-na Sow ma aha in ay ugu tagaan Markab taagan Xeebaha Badwenta Hindiya Marka Soomaalida waxay Tiraahdaa “Waa baahanahay Bakhtiga Looma Cunno”


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

AL ka gurguuree AL u guur!

$
0
0

Adoon i HABAARRAMIN ila AQRI. Illeen qof HABAAR u hoyday lama heline. Mid DULMANSE ma halmaanin. Adoon CAAYTAMIN isha mari. Illeen AF CAAYTAMA NINKIISUU KU YAALE! Adoon CARAYSNAYNAYN ila WADAAG. Illeen CIISHOONE wax ma CAYNSHEE. Adoon CANAAD wadin ila eeg. illeen CAMAL XUMO qofka CIDAHA waa kaa saartaaye. Intaa iyo intoo kale adoon hannaan iyo hab, hub iyo haybd, caado iyo cod ka dhigan qoraalkan kooban isha ila mari.

Islaamkii dhawaangalka ahaa, ee Waddanka soo gaarsay dhammaadkii siddeetameeyadii iyo horraantii sagaashamaadkii, wixii laga dhaxlay loo wada joog. Ma xumaa ma samaa? Warcelinta aan isaga soo laabannee, bal horta ila jeexjeex aragtida, hana is dhihin marna inaan u kala eexanayo laba URUR DIIIMEED ee mid walbaa AL wato. Anoo kuu cilladayn doona, haddana, ha i dhararsan.

Laga yaabee, inaad la yaabtay, marka aan iri ISLAAM DHAWAAN GAL ah. Oo waxaan wada ognahay in DIINTA ISLAAMKU Waddanka ku fidday xilli aan dhawayn. Dadka qaar baaba qaba in farriinta diintu na soo gaartay intii SUUBBANUHU ifka joogay. haddana, maalintaa diintu timid ilaa maanta, maalmo ka murugo iyo maamuus xun maalmahan aan ku nool nahay nama soo marin. Dabcan waxaan u jeedaa dhan diimeed, ee kama hadlayo hoggaan, maamul iyo siyaasad.

Waxa dhacay aan wariyee, bal ila soco. Dunida Muslinka ee aan ka mid nahay waxaa jirtay xilli ay ka hana qaadeen wax loogu yeero afka CarabigaAL SAXWA AL ISLAMIYA” oo ka dhigan “BARAARUG ISLAAMEED” asal ahaan wuxuu ka ahana qaaday waddamada Masar iyo Sacuudi, oo ah labada waddan ee dhoof geeya aragti diimeedyada ugu xoogga baddan Dunida Muslinka.

Dhanka Sucuudiga waxaa horjoogay Ninka loo yaqaan: Maxamed Cabdil Wahaab, oo markii dambe magac ahaan isaga loo nisbeeyey qolada loo aqoonsaday “WAHAABIYA” haba diidaan ama dhahaan magac ahaan qof loo yaqaan ma jiro. Buugaagtiisa kuwa uga caansan ee aan filayo in inta badan la wada maqlay waxaa ka mid ah “FATXUL MAJIID” kooxaha aragtidaa qaadatay waxaa nagala jooga ITIXAAD, ICTISAAM, AL SALAFIYA , AL SHABAAB IKK.

Asxaab kooban weeyaan

Afar iyo shan weeyaan

Albaabkooda lama galo

Ehel iyo qaraabiyo

Xigta maba u oommana!

Dhanka dalka Masarna waxaa hordeed ka ahaa ninka kale ee la yiraa; Xasan Al Bannaa, oo markii dambe daldalaad lagu fuliyey. Isna wuxuu keenay aragtiga ku magac baxday “IKHWAAN MUSLIMIIN” ee ay nagala joogaan kooxaha kala ah; ISLAAX, MAJMAC AL CULAMAA {AALA SHEEKH} iyo kuwan dambee la baxay DAM JADIID.

AALA AALA weeyaan

ASHU waa billaawoo

Waa astaan u gaaroo

Waa iridda koowaad

Waa albaab u xiranoo

Aadane ka soo galin!

Labadii aragti ee labadaa nin kala dhaliyeen ee labadaa waddan ka kala hana qaadday, waxay saamayn xooggan ku yeesheen Dunida Muslinka. Horraantii todobaatameeyadii, sanadihii seddeetameeyadii iyo sagaashamaadkii waxaa Dunida Muslinka ka dillaacay DAACUUN SIYAASAD DIINEED ah, oo aan dhagax iyo dhir midna reebin.

Dunida Muslinka waxaa hareeyey qalalaase siyaasadeed, heer qaraxyo iyo qaarijin qaati laga istaagay. Waddamadaa waxaan ka xusi karnaa: Masar, Suuriya, Indoniseya, Aljeeriya, Tunis, Marooko IQB. Intaa waxaa sii dheeraa JIHAAD ku sheeggii waddanka Afganistaan, oo u ahaa isha ay waraabaan aragtiyada xagjirka ah. labada waddan ee Masar iyo Sucuudina uu Maraykanka gabbaad ka dhigtay, lana wadaagay jabintii Soofiyeedka. Una hirgalshay in lagu Jihaadkaana inay xaq tahay. Wixii ay ku dambaysay loo wada joog.

Waddanka [Soomaaliya] berigaa waxaa ka talinaysay Dawladdii Tanti Wadaagga ee ay hoggaanka u hayeen Ciidanka Qalabka Sida. Dabcan aragtidaa diimeed sida Waddamada kale ee aan diin wadaagga nahay ayey dalka soo gashay. Waan hubaa in sheeko ama shaahid mid aad ku heshay sida xaalku ahaa. Dawladdii Militarigu waxay gacan bir ah ku qabatay wadaaddii waday diinta soo galootiga ahayd, heer ay qaarkood dil toogasho ah ku xukuntay, kuna fulisay.

Dilkaa lagu kala aragti duwan, sida aan loogu kala aragti ahayn intii ay dhib gaysatay Dawladdii magaca Kacaanka ku suntanayd. Laga yaabee, in xilligaa aan dadka intiisa badan aragti xadidan iyo mid xarafsan midna aysan ka qaadan. Balse, dhawaanahan aragtidu hal dhan bay u ciirtay, aanse dhan kale kaa wadaajiyo, adoon igu soo degdegin.

Waxaa jira qodob qeexaya in la raaco WALIYU AMRIGA. Marka qodobkaa laga shidaal qaato raggii qaranka iyo hannaan dawladeedkii jiray ka soo horjeestay maxaa laga dhihi karaa? Mise iyagu magac Culimo ayey ku suntan yihiin oo marna qaban maayo qodobkaa miyaa? Oo waa: La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan!

Maxaa yeelay Jabdahaba dawladdu dagaal ayey kala hor tagtay, in qabiil loogu qiilaya ma ahane, waa la wada qirsan yahay inay qaranka qalalaase ku wadeen. Haddana, lama qarin inay qaldanaayeen.

Diin ahaan marka xagga la iska dhigo, illeen dad badan oo xuurto kugula soo dul dhacaya ayaa jiree, aan ka eegno laba arrimood, oo laga yaabo mid ka mid ah inay hoos galayso isla diintaba. Waxaan isla qiraynnaa in qofkii qilaaf dhalin kara qalaalaaso siyaasadeedna abuuri kara ee qatar galin kara qaranka inay xaq tahay in dadka laga qabto. Sidee? Waa meesheeda, ee adba si uun u suurayso.

Midda kale, ee maalmuhu noo caddeeyeen waxa ay tahay, in haddii aan raggaa maalintaa go’aanka caynkaa ah lagu fuliyeen, in Dawladda Soomaaliya aysan soo gaarteen sagaashankii, ee ay ka hor dhici lahayd. Maxaan saa u leeyahay? Waa mid bannaan taal ah, maxaa yeelay, waddamadii uu ka hana qaaday Daacuun Diimeedka oo dhan midna uma xasillayn sida Soomaaliya ahayd.

Tan kale, Al shabaabta maanta na horjoogtaa, waa qatarii dawladdu ay uga hortagtay go’aan geesinimo iyo wax ku ool lahaa. Laga yaabee inaad i leedahay, oo ma dilka raggaa ayaad qiil u samaynaysa? Qiil u samayn ka sokow, adoon indha damuuqsi wadin waxaad eegtaa dhibka maanta na haysta iyo kan Dunida Muslinku soo martay ama ay marayso, ninkii maalintaa kaa horjoogsaday go’aankiisu miyuusan ahayn in dhaliil la’aan lagu dhigo, kaba sii muhimsane, haddaadan ku qanacsanayn taa, waxaan ku leeyahay maxaad u aragtaa dagaalka ka dhan ah Al shabaab? Adi ahaan haddaad u xamlan tahay aragtidooda kuma daran, ee inta aan kula midka ahayn ee aad dhanka xumaa go’aankii raagga lagu dilay aad ka tustay baan doonayaa inaan u muujiyo sooyaal uu ka indha saanbaa ama uusan ku baraarugsanayn.

Ani ahaan waxaan qabaa haddaan tallaabada dilka la qaadi lahayn, in aan dalwad Soomaaliyeed cagaheedu ku sii taagnaateen. Igama ahan inaan dilka dadka ku boorrinayo. Balse, waa inaan ogaannaa qofku heerka uusan dhaafi karin iyo halka uu mudan yahay inuu ku ekaado.

Tan kale, buulka aqalkaaga ku dhaggan hadduu holcayo, ee aad aragto nin dab u soo sita kaaga, maxaad ka yeeli lahayd, ma gacnaha ayaad isa saaran lahayd, mise waad ka hortagi lahayd? Waan kula qabaa in markii damababa dawladda aan diin lagu dumin, ee qabiil iyo qabyaalad eersatay.

Islaamkii dhawaan galka ahaa waxaa laga dhaxlay arrimo anfariir leh. Waxaan qabaa inuusan jirin qof Soomaali ah oo uusan saamayn dhibkii ka dhashay. Qofba si ayuu u saameeyey. Wuxuuse si guud u saameeyey DHAQANKII, HIDDIHII, AFKII, CAADADII, QAAB FEKERKA QOFKA SOOMAALIGA ah IWM. Dhaawaca iyo dhabarjabka ay kuwaa u gaysteen lama koobi karo.

Abtirsiimadeenniyo

Rag Abuulleenkeenii

Inta ay amuugeen

Ood saaray weeyaan. 

Hiddihii aloosnaa

Dhaqankii ardaagiyo

Rag ufeeyey weeyaan.

 

Ummad kale u raranoo

Unug baas abuuroo

Ibtiloowday weeyaan

Walina waa ordaayaan!

Soomaali haddaan nahay dabeecadda caadifadda iyo laab xaarnaanta ayaa wax walba naga dhaamaysa. Anoon ku dheeraanayn, maalintii Maxkamaduhu ka dillaaceen Muqdisho, waxaa lagu soo dhaweeyey caleemmo qoyan, cod dheer iyo cudud furan. Waa ayaan darradeennee, la isma weydiin; nimanku waa ayo? Xaggee naga soo galeen? Maxay doonayaan? IWM.

Maalintii xornimada la qaatay ilaa maantadan, dadka waxaa lagu waalay eraga “Isbadal” wax walba oo dhaca xumaan iyo samaan waxaa lagu suntaa “Isbadal”.

In “ISBADAL”ku yahay eray

ishu aysan qaban karin

uuna maqal inagu yahay

horaa lay ajarayoo

Asoo nuucyo badan buu

Aalloow nasoo maray

Astaan Qaran ku sheeg iyo

Mar Kacaan ku aasnaa

Mar Islaam ku daabnaa

Intaa iyo intoo kale

Ayaa wali inoo dhimman!……

Maansadii: “Ajar-Diid”.

Berigaa Maxkamadaha anigu waxaan lahaa war raggu waa raggii Dagaalkii Buundadii Araare, ee Kismaayo ka qaybqaatay, dagaalkii Boosaaso ee Gobolka Bari iyo kii Gobolka Gedo. ISBADAL ma wadaane sheeekadoodii ayey dib u soo celin rabaana naga jira.

Yaaba dhagaystay? Laga yaabee in la ii arkayey nin waalan ama caalam kale ku nool. Halka qaar badan ii arkayeen cadaw aan rabin in wadaadadu dalka xukumaan ama diin Islaam la isku xukumo. Wixiise laga dhaxlay maanta ayey na wada horyeelliin.

Maalmihi Maxkamadaha oo aan qorayey qormooyin digniino iyo dardaaran warin isugu jira, oo ay ka mid yihiin; “QABSATAYE MA QARAMAYN KARTAA?!” ayaa nin aad u taageersanaa ku iri: “Ma la waayey Wadaad Diinta Islaamka Dhaqankeena noogu fasira, maxaa maalin walba Dariiqad Sheekh ama Urur Carbeed naloogu soo dhoofinayaa?” wuxuu igu yiri: “Mar kale igu celi?”. Haddaan ugu celshay, buu igu yiri: “Waligay ma maqal”. Waxaan ku iri: “Haddaba maqale, bal maankaaga gali”.

Waxaad maanka ku haysaa, sooyaalka burburka marka laga hadlayo inuu leeyahay laba marxaladood oo aad u kala fog, kalana ah: 1990-2006 iyo 2006 ilaa inta si rasmi ah Al shabaab cudud ahaan looga sifayn doona dalka. Maxaa yeelay qasaaraha dhacay labadaa xilli, ee leh dhib, dhaawac, dhimasho, dhismo iyo dhaqaale burburray, qaxa aan tiraynta lahayn waxaa badan kun iyo kow jeer kan dhacay 2006 iyo ka dib. Sababtu maxay tahay? Adba bal jawaab u yeel.

Sooyaal kugu daalin maayee, wixii dhacay ama dhacaya, marka kanbeenaalaha siyaasi ku sheegga ah iyo qabqablaha dagaal oogaha laga soo tago, waxaa xanuun badnaa raadka ay reebeen Wadaadda Waallida Waday. Maanta qof walba indhihiisa ku aragye, wadaad dambe miyaa lagu kadsoomayaa iyo qof ku doodaya XARIGGA ALLE iyadoon la qabsan waxba hagaagi maayaan?.

Haddii Xabashi Maxkamadihii xabbad indhaha ka galisay, ee ay kaynta u kala carareen, waxaa fud soo yiri, oo awalba Qamiiska ugu jiray Alshabaab. Adba kaalay maaro iyo tab u hel. Haddii rag ka mid ah siyaasad wadaag la noqdeen dawladdii C/laahi Yuusuf, wali waxaa nalagu hagayey nidaamkii ASHA [AALA SHEEKH]. Haddii 20012 maamul cusub yimid, wali waxaa na daba taal ASHII [DAM JADIID] AMA [ISLAAX-IKHWAAN MUSLIMIIN]. In kasta oo raggan cusubi ku leeyihiin anagu kama mid nihin ama kama mid noqonba. Haddana saw ma ahan AL KA QAADO AL U DHIIBO. Middase isu kay qaban waysay ee aan qaadan waayey ba ah Maamulka Machadka SIMAD dibna JAAMACAD laga dhigay, sida ay halkaa ku joogeen iyo midda ay maanta doonayaan inay naga gadaan? Mid waa diidi karaan in magaca la doono aan loogu yeerin, balse, inaysan aragti IKHWAAN MUSLIMIIN wadan taa ma filayo inay naga dhaadhin karaan, illeen waa anoo ku iraa Cadceedi ma jirto.

Fisha qaybta xigta ee qormada. Dhanka kale, Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ka mid yihiin maanso dhawaan aan soo bandhigi doono.

La soco qeybta xigta Insha allah 

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan


DOWLAD DALKEEDII KA MARTI AH: Federaalka qabyaaladeed iyo khatarta uu soo wado (Xog muhiim ah)

$
0
0

Cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawada lama gaarayoo waa hadal abwaan hore waana howshan haatan dalkeenna ka hana qaadday.

Dowladdu faraha haka qaaddo gobol hebel! Madaxweynuhu kama hadli karo arinta gobol X! Ra’iisul Wasaaraha maxaa ka galay arinta gobol Y! Dowladda Federaalka waxaanu ku casuunnay inay shirka kasoo qaybgasho! (Xagee dunida ka dhacday dowlad dalkeedii marti ka ah?) Dowladda waxaa wata reer hebel!

Waxaas iyo kuwa kale oo ka xaraari waxay ka mid yihiin ifafaalayaasha ay abuureen iyo kuwa kale ee jidka kusoo jira ee salka la gelaya hannaan lagu sheegay FEDERAAL oo ah hannaan wanaagsan hadii aan la wareerin, balse markii dhan kasta laga eego dhaqankeenna aan ka tarjumaynin ama aan u taagnayn xalka umadda Soomaaliyeed, oo sida muuqata iyadoo markii hore kala firirsanayd hanaankan aan la fahamsanayn kusii kala fogaan doonta.

Halkee sartu ka qurunsanayd maxaase qaranka jebiyay shalay?

Anagoo xaaladda u qiimaynayna si qoto dheer oo qaangaarnimo ku dheehan tahay bay ahayd inaan su’aashan is waydiinno rubuc-qarni ku dhowaad kadib, si aan markaa u gudoonsanno wixii ay danteennu kujirto.

Haddii aan ku fududaado inaan ka jawaabana Soomaaliya waxay ku burburtay siyaasad qabyaaladaysan (Political tribalism) iyo cadaalad darro, taasoo dhacday markii iyadoo magac qabiil la huwan yahay awooddii dalka lagu tacadiyay, nasiibdarro si taas xal loogu helana lafteedu ma marin dowgii saxda ahaa oo jabhado qamaam ah oo qabyaaladaysan isla markaana ajeendayaal qaran dumis ah xambaarsan oo ay wadaniyadda iyo waaya aragnimada siyaasadeedba ku yar tahay ayaa dalkii qabsaday, deetana kala qoqobay, qarankii dumiyay, dagaallo qabiil horseeday, xaajadii meel bay ka khaldan tahay la lahaana iyada dhanba khaarajay, sheekana qub iyo qac waa tii ku khasaartay.

Marka aan halkaa taagannahay xalku halkee ku jiraa, dalkase ma hanaan baa fashilay mise habdhaqankeenna gurracan ee QABYAALLADDA la yiraahdo?

Soomaaliya wax badbaadinayaa ma jiraan hannaan kasta oo aad keento, waayo xitaa diinta Islaamka ee bilan ugama xishoonno QABYAALLADDA, marka ay halkaa taagan tahay waxaad ogaan kartaa in dhibka na haystaa uusan ahayn mid hannaan siyaasi ah oo la qaataa uusan xal deg deg ah (Quick fix) usoo sidin, balse waxa muhimka ihi uu yahay inagoo helna hogaan adag oo horboodaya hannaan ka caaggan qabyaalad iyo wax kasta oo qabyaalad ku dhisan, cadaaladda dabaqa iyo cidohoo Caadilkood ka baqa ceebohoodana saxa.

Federaalku ma xal baa? 

Haddii laga daayo qabyaaladda laga yaabe!! Oo tusaale ahaan gobollada la isu raaciyo sida ay dhaqan ahaan isu fahmi karaan ee laga daayo hanaanka qabyaaladaysan iyo xinka aan meelna inoo wadaynin (Waloow ay Soomaalidu isku dhaqanba tahay guud ahaan), misna tusaale ahaan qofka Laascaanood degan waxay is dhaqan fahmayaan Burco, qofka Berbera degan waxay is fahmayaa Ceerigaabo, Qofka Gedo deggan waxaa u dhow Baay iyo Bakool, qofka Ceel Dheer degan Galguduud bay is fahmayaan).

Waxaa la hubaa inuu dhaqanku ka xoog badan yahay dhalashada

Midda muhimka ah ee la hubo ayaa waxay tahay inay dadku dhaqanka isku fahmi ogyihiin in kabadan inta ay qabiilka isku fahmaan, tusaale ahaan waxaa jira qoysas aan qaraabo nahay oo deggan magaalada DIINSOOR ee koofur-galbeed Soomaaliya balse marka ay noo yimaadaan anagoo isla soconna hadii ay arkaan dad kale oo reer Diinsoor ah xitaa inaan la soconnay iyo in kale shaki baa kaa gelaya.

Marka haddii hannaanka loo dhiso qaab dhaqan iyo yaa is fahmaya ama isku dan ah lagaa yaabee inaan maalmo ku shaah cabno hadii kale xal nooma aha inuu xasarad hor leh keeno mooyee!

Sababtuna waxay tahay qaabka aan doonayno inaan federaal u noqonno oo nasiinaya qish ku aadan waxa kasoo socda waana inuu dalku u kala googo’o tuulo tuulo iyo qabiil qabiil oo la isugu duulo ama la isu caburiyo.

Tusaale ahaan magaalooyin aan u bixiyay magaalooyinka dulman oo aan ka xusi karo Boosaaso, Muqdisho, Kismaayo IWM waa in dadka degaanka laga daayo afkaaraha dusha sare looga keenayo si looga dhabeeyo sheekada la leeyahay wax baa loo ogolaanayaa dadka degaanka oo dabcan qabiil kasta ka kooban.

Waayo waxaad durbaba arkaysaa in aan la fahamsanayn ama la iska indha tirayo awoodaha ay kala leeyihiin dowladda dhexe iyo gobollada, waayo maamul goboleed micnihiisu maaha dal yar oo xor ah ee kaliya awooddii heerka degaan ayaa lagu siiyay. (Tusaale ahaan halkee u socdaa maamul goboleed leh wasaaradda xiriirka caalamiga ah iyo tan dibedda leh?).

In haatanba la bilaabay hannaan aan ka tarjumaynin sidii ay ahayd inay maamulladu u dhismaan iyadoo ay isu boola xoofteeynayaan dad aysanba khuseeynin wax ka dhihidda meelaha cidlada ah ee la isku haysto mucaarad iyo muxaafidba. (Reer hebel baa arki la’ waxa aan dhisanayno! Iyo reer hebel waxba meeshaas kama dhisi karaan) iyadoo durbaanno colaadeed oo aan loo baahnayn la garaacayo tiiyoo aysanba jirin wax la taaban karo oo la isku qabtaa.

Hadaba sidee u ekaan doontaa marka Soomaaliya laga dhiso federaal qabyaaladeed?

Hadda Soomaaliya waxaa ku taalla degmo Gaalkacyo la yiraahdo oo ay laba maamul ka kala taliyaan, laba calan, laba ciidan, laba hannaan, hadde waa hal degmo, Alloow naga hay! Balse dhaqankaas ayaa dalka oo dhan ku faafi doona, waayo waxaa naloo sheegay inuu xalku sidaa kujiro.

Tuuladii ay 3 beel isla degan tahay 3 calan-qabiil baa laga taagi doonaa ama inta la isku dilaa laga qixi doonaa.

Midii hal beeli u badan tahay kuwa kale ayay albaabada ka xiran doontaa sida haatanba meelaha qaar ka muuqata.

Waxaana ka dhalan doona qodobadan soo socda oo ifafaalayashooda aad qaar haatanba dareemo karto:

Dadka dib u socodka ah iyo kursi-doonka waxaa u sahlanaan doonta:

1- Inay helaan fursad ay dadka uga gadaan sunta-hargaha ee ay wareejinayaan dalkana kusii qaybiyaan si ay danohooda rakhiiska ah u gaaraan.

2- Waxay kaga sii dari doonaan qabyaaladda iyo qoqobka dhexdeenna iyagoo umadda isu tusaya CADOW RUUXI ah.

3- Inay khayraadka dalka qiime yar ku iibiyaan iyagoo ku jaan gooynaya baahidooda shakhsiga ah.

4- Inay awaamiir ka dhan ah horusocodka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed kasoo qaataan cadowga Soomaaliyeed si ay saldano ihaanaysan u helaan.

Dalalka daneheenna farafareeya waxaa u sahlanaan doonta:

5- Inay helaan meel (Platform) iyo fursad ay nagusii kala qaybiyaan oo ay isku kaaya jebshaan.

6- Fursad ay ku hor istaagaan inay soo laabato SOOMAALIYA xooggan oo midaysan.

7- Inay sii rakaateeyaan inay Soomaaliya xal kama dambays ah ka gaarto xasaradaha ragaadiyay.

8- Inay aduunka kasii iibiyaan aragtida ah inay Soomaalidu tahay dulli aan dux lahayn oo aan danteeda aqoonin taasoo halisteeda leh.

9- Inay dalka la maamulaan dowladda iyagoo kusoo gambanaya maamulladan madiidinka ee aan micnaha qaran lahayn sida haatanba muuqata.

Dowladda Soomaaliya waxaa ku adkaan doonta:

10- Inay dalka maamulkiisa u madax banaanaato

11- Inay mideeyso umadda oo ay weli dad usii meceeynayaan qabyaaladdii ay ku maratay

12- Inay dibedda lasoo istaagto aragtida iyo danaha qaran ee dalka maadaama gobolladii dalku ay usii ekaanayaan dalal yar yar oo dal kale ku dhexyaalla, kuwaasoo u taagan ilaalinta danaha deriska in ka badan ilaalinta danaha dalkeenna….Alloow Alle.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ku adkaan doonta:

13- Inay u midoobaan sidii ay ahayd iyo inay fuliyaan danohooda qaran ama gaaraan hamiga ay huwanyihiin.

14- Inay isu dhex socdaan sidii ay doonaan, meeshii ay doonaanna ay dookhooda ku degaan maadaama aan dalal kala noqonayno (Horayna astaamo noocaas ihi wayba u jireen).

15- Inay ka xoroobaan saamaynta cadaawaha soo jireenka ah oo markan u helaya fursad dahabi ah oo uu kuii kala furfuro.

Beesha caalamka waxaa ku adkaan doonta:

16- Inay hesho cid ay rasmiyan ugala hadasho Soomaaliya

17- Inay fahamto Soomaalida guud ahaanba taasoo keenaysa in nalaka quusto deetana sidii la doono oo aan dan noo ahayn nalookugu taliyo (Alloow naga hay).

18- Inay diidaan aragtida dalalka horay dhulkeenna ku qaatay oo haatan helaya fursad ay ugu sharaxaan inay Soomaalidu tahay xoolo mudan in la raaco.

Waxaas aan sheegay oo dhami hadii ay kula yihiin khiyaali (Fiction) markale fikir adigoo meel iska dhigaya aragtida ay inta yari ku raadinayso KURSI-BAHDILAN iyagoo aan eegaynin danta guud ee qaran ee ay aasayaan si ay taas u gaaraanna dadka ku harawsanaya ‘’Reeb hebel baan difaac ugu jiraa’’!!

Aan hadaba qormadan kusoo xiro tix gabay ah oo aad u waaqici ah kaasoo ka hadlaya Soomaalida maanta laakiin waxaa cajiib ah inuu gabaygan tiriyay (AUN) Guhaad Cabdi Gahayr horraantii 80-meeyadii oo ay Soomaalidu qaranimadeedii ka dooratay jabhado daba dhilif ahaa oo Itoobiya kasoo tahliilsan jirey, isagoo dabcan saluugsanaa dadka Soomaaliyeed oo uu caqliyadooda ka gartay inaysan ahayn duul nidaam dowladnimo iyo dan guudba u bisil MUCAARAD IYO MUXAAFIDBA isagoo yiri:-

ULUULIDA ALAALIXIDA TUBAN, ARIGAN SOOMAALI.
EE AAN AQOON KALA HAGTIYO, ILI USOO JEEDIN.
ISU TAGA ABAABULA SHIRWEEYN, AAYA KAMA REEBA. (imisa shir ayan maraynaa)
ARXAN DARAN AGOONTEEDA CUNA, HOOSTA KA ABEESO.(Isuma garoowdo aan loo garaabin)
IIDAHA ISLAAM LAGU MATAAL, JAMACA AAMIINTA (Umaddu waa af ka islaam masaajiddo badan)
ARAGAAGU GOORTUU KA TAGO, CUNA ARWAAXAAGA. (Inta salaada laga baxayaa ku dheer)
MID IIBSADEY ALAAB IYO DILLAAL, INA ADEERLEEYA. (Kii qalayeey qaraabaysataa)

ILOOW BADAN SIDII NAAG UMULA, FOOSHA KU ILMEEYA.(Jugtu intaysan kugu dhicin iska eeg)
UGAAR DHAGA LA´ UUB LOO QOD DHEER, DABINNO LOO AASA.(Fashilan iyadu isku fooggan)
WAX MA ARAGTO ISU QABA ILA DHEER, AQALKA LOOSOO GAL. (Ama reer hebel baa wata ama reer hebel baa loola danleeyahay intay leedahay baa laga muraadsadaa)
ALWAAXDIYO DADKAA XAABADA AH, E ISLA AMIIRA. (Waraabaha ka carar walaalkaase iskajir)
IFKA MARATO AAKHIRANA NAAR, LAGU ABAALSIIDA.
ANUUN BAA U EEDAAMAYEE, MALAHA IIMAANE.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

SAHAL waa sansaan dagaal sokeeye!

$
0
0

Bulshaan kala sareyn iyo sinaan baan sugeynee,

Sedbursigoo la suulshiyo xaqsoor baan sugeynee,

Saxalkoo dhammaadiyo sharaf baan sugeynee,

Gacmo laysi saariyo nabad baan sugeynee,

Sallaankii midnimadoo la kabaan sugeynee,

Seermaweydo hoortiyo xareed baan sugeynee,

Guryosamo la dego iyo barwaaqaan sugeynee,

Saadaashii may noqon oo saakey ka daran tahay,

Eebbow na samatabixi oo guusha hayna seegin.

W/T: Maxamed Warsame Tabantaabo

Ragga gabya ama wax-qora, qaar baa afeef iyo arar dheer ka hormariya biyodhaca, qaarna toos bey u abaaraan ujeedada, waa nin iyo dooqi. Qoraalkan oo ku saabsan 3 arrimood oo isbarkan ama isku dheehan, afeef iyo arar la’aan toos baan u abaarayaa yoolka, waxayna kala yihiin:

(1) “Genocide & Ethnic/clan Cleansing”. (Xasuuq & Isir-sifeyn)

(2) Durbaan colaadeedka kooxda SAHAL.

(3) Gaboodfalladii gacanta dowladda lagu fuliyey.

War la og-yahay xiiso maleh. Arrimahaan horaa looga hadlay, afmaal tiro badan ayaa suugaan qiime leh ka tiriyey. Qalin-maal ama qoreyaal tiro badan ayaa qoraallo dhaxalgal ah ka qoray, waxaa ka mid ah (Raaqiya Omaar, Maryan Cariif, Danjire Max’d Cismaan Cumar, Jaamac M. Qaalib, Xuseen Cali Ducaale, Xuseen Tansaniya, Nuuradiin Faarax, Ciise Salwe, M.M.Afrax, Axmed Jilicow, Cabdulqaadir Oromo iyo kuwo kale. Ajnebiga wax ka qoray waxaa laga xusi karaa: John Drysdale, Paol Tripodi, Maren Michael, Mark Bowden, Virginia Luling, Danjire Peter Bridges iyo kuwo kale).

Aadamigu inta badan wuxuu isla ogol yahay jiritaanka Allaha abuuray koonka, waxayse isku diidan yihiin habka loo caabudayo. Qaar baa aaminsan inay raaceen Nabiyaal Alle u waxyooday, kooxo kalena waxay aaminsan yihiin oo wax ku caabudaan nidaam ay dejiyeen: Gautama Buddha & Guru Nanak. Qof walba qumanihiisaa qoorta u suran. Burbur baaxad weyn inuu ku dhacay Somaaliya waa laysku waafaqsan yahay, waxaase laysku maandhaafsan yahay wixii colaadaha sokeeye ka curteen. Gabyaa Cabdi-dhuux wuxuu yiri “Somaaliya wey buktaa, bisteed weeyoo la hubi”. Somaaliya waxay la mid tahay qof qandho kulul hayso oo loo geeyey dhaqtar ay u muuqato calamadihii xanuunka “symptoms” balse aan fahmin ama aan hayn warqadii qeexiddii sheybaarka “diagnose”. Qof kasta sida la quman ayuu u qeexay cudurka ku dhacay Somaaliya, balse aan soo gudbiyo aqoon iyo aragti sidey iila muuqato.

(1) Genocide & Ethnic/clan Cleansing:

Beryahaan waxaa aad loo hadal-hayaa gumaad & isir sifeyn “genocide & ethnic cleansing” la sheegay inay Somaaliya ka dhacday. Sheekadaan oo u eg been-abuur la buunbuuniyey waxaa faafiyey qoreyaal shisheeye oo malaheyga qol mugdiya warka lagu xafidsiiyey, dan kastaba halaga yeeshee. Dagaalladii Somaalida dhexmari jirey xeer bey lahaayeen oo waa laysu turi jiray, colaadaha adduunka ka jira marka la barbardhigo tan Somaalidu waa ka nastahnayd oo geyiga Somaalida lagama aqoon wax la yiraahdo “genocide & massgrave” oo kama dhici jirin dhibaatadii ka dhacday Ruwandha iyo Boosniya wax la mid ah. “Genocide iyo Massgrave” af-Somaaliga kuma jiraan, waxayse u dhow yihiin gumaad arxandaran ama xasuuq bahalnimo iyo xabaal wadareed.

Dagaalkii beelaha Somaalida ka dhex aloosmi jirey, dhowr sano markuu socdo ugu badnaan waxaa ku dhiman jiray 100 rag ah, dumar iyo caruurna lama dili jirin. Hase yeeshee dagaalkii 77 kadib ciidamada dowlada oo ku hubeysan hubkii qaranka iyo jabhado midabyo badan ayaa geystay xasuuq foolxun. Taariikhda Somaalida markii ugu horreysay xabaal wadareed lagu aasay dad tiro badan oo isku goob lagu diley waxaa lagu arkay Hargeysa. Sida la sheegay xasuuqaas waxaa geystay ciidankii qaranka iyo jabhado hadafkoodu ahaa kala aarsi qabiil, waxaana laga abaabuley madaxtooyada. Xabaal wadareedkii xigay wuxuu ahaa 14/07/1989, rag aan hubeysneyn oo tiradooda lagu sheegay 55 nin oo ahaa Isaaq ayaa lagu diley laguna aasay Xeebta Jasiira. Aragti ahaan waxaan qirsanahay “xasuuq bahalnimo iyo xabaal wadareed” inuu ka dhacay deegaanka beesha Isaaq kaliya, hase yeeshee inta kale hubin taxadar leh iyo qeexid bey u baahan yihiin.

Teeda kale waxa loo yaqaan “ethnic/clan cleansing” oo hidde dhaqankii soo jireenka ah aan ku jirin, waxaa loo turjumi karaa isir sifeyn. Marka laga reebo Banaadiriga iyo Jareerka, Somaalida kale waa dad muuqaal ahaan isu-eg oo hal luuqad ku hadla, in laga helo calaamad beel-beel loogu kala sooco waa madhacdo, marka labaadna waa xidid iyo xasabo, xabiib iyo seedi ay u dheer tahay magangelin iyo maamuuska deriska. Dagaalladii Somaalida dhexmari jirey waxay sababi jireen kala qax iyo barakac ee marnaba ma dhalin jirin isir sifeyn la mid ah tii Carabta iyo Yuhuudda ka dhex dhacday 1948kii.

Qax iyo barakac ballaaran oo la mid ah wax loo yaqaan “exodus” taariikhda Somaalida saddex goor ayuu dhacay: (1) 1978-79 waxaa qaxay dhowr boqol oo Majeerteen ah. Markale 1988-89 waxaa qaxay dhowr kun oo Isaaq ah. Labadaas qax waxaa fuliyey taageereyaashii Siyaad Barre oo gacan ka helay ciidankii qaranka, hadafkii shacabka loo qaxiyey wuxuu ku saleysnaa difaac saldano, maxaa yeelay labadaas beelood waxay ka horyimaadeen kadeedkii Kacaankii Oktobar. (2) Qaxii labaad oo dhacay 1991-92 waxaa lagu barakiciyey dhowr kun oo isugu jirey (Daarood, Digil-Mirifle, Banaadiri iyo Jareer). Gaboodfalkaas waxaa geystay taageereyaasha USC iyo SNM oo wisiisaqay. Dhibaatadaas waxaa dhaliyey burburkii dowladii dhexe kadib, hub xad-dhaaf ayaa gacanta u galay dad 21 sano ku jirey kadeed iyo caburin oo ciil iyo caro karaar dhaaftay caloosha ku hayey. Waxaa taas sii dheeraa dowlad la’aantii waxaa ka faa’iideystay tuugo iyo wax-ma-garato shacabkii difaac la’aanta ahaa u geysatay dil, dhac iyo kufsi, xaaladiina waxay ku biyoshubatay “Saqajaan qori leh mooyee, nin kale silic ku noolaa” (3) Qaxii sadexaad oo koofurta Somaaliya ka dhacay 2007/8 oo xiriir la lahaa qaxii 1991/92 waxaa si ulakac ah oo kala aarsi qabiil cuskan u

hirgeliyey Kornayl Cabdullaahi Yuusuf, madaxweynihii TFG oo adeegsaday Ciidanka Xabashida iyo Maleeshiyada Dhafoorqiiq.

Walow kala aarsigu haybad iyo sharaf ku yahay hidde-dhaqanka Somaalida, taarikhiyan ma dhicin masiibadii dhacday 1978 ilaa 2008 wax la mid ah. Somaalidu waa isku isir, isku af, isku diin, isku deegaan, xigto iyo xidid, deris iyo oodwadaag, gerger iyo garab-wadaag, gacal iyo gunno wadaag. Taariikhiyan waxay ahaan jirtay qowmiyad nasiib wanaagsan oo barwaaqo iyo baraare ku nool oo dugsata diinteeda iyo dhaqankeeda sharafta leh. Taariikhiyan waxay ahaan jirtay Muslimiin anshax iyo asluub wanaag lagu yaqaan, kuna caanbaxay martisoorka iyo magan bariinta, dhilleysiga iyo dhaqan xumadana waa ka dheeraayeen. Waxaa kaloo soo mari jiray marxalado ay ku nooleyd colaad, abaar iyo gaajo. Taariikhiyan dagaallada ka curta kala-riixashada khayraadka dabeeciga oo dalka ku yar waxay ahaayeen joogto. In lays dilo oo lagu diriro khayraadka dalka, Somaalida gaar kuma aha ee waa habdhaqan bini-aadamku ka siman yahay oo qaaradaha adduunka ku baahsan.

Somaalida oo waayadii ay miyiga ku noolayd xilliyada dhibaatada is kaalmeyn jirtay, kuna dhaqmi jirtay nidaamka ‘tol waa tolane’ iyo ‘tol xeer leh xantiir ma leh’, wixii mushkilad ka dhex aloosmana ugaasyada iyo culimada diinta ayaa ku xallin jirey shareecada iyo xeer dhaqan soo jireen ah. Ayaandarro 1960kii goortii la qaatay xorriyad aan loo bisleyn iyo dowladnimo aan aqoon loo la lahayn, waxay goroda la gashay jahowareer iyo nafaq madow “dark tunnel” welina waxay ku jirtaa TIIH iyo iska-daba-wareeg. Mushkilada maanta Somaalidu la ildaran tahay waxaa falkiyey siyaasi isku-sheeg saldano-doon ah, balse baaxaadegga siyaasadda iyo cilmiga bulshada lagu maamulo aan beydna ka aqoon. Qaranjabka Somaaliya ku dhacay ee qeyrkeed ka reebay waa seddax: (1) Siyaasad qabqable leh, (2) faragelin qorshe leh iyo (3) qaad sun leh.

Qabqable siyaasi ‘alamtara’ way soo dhaafeen, waxayna u qeybsameen koox hubeysan oo dalkii ku sii hartay iyo koox dibed-joog ah oo isku magacaawday “diasparo” balse guuxa dadweynuhu ku suntay “dayuus-baro”. Laga soo bilaabo 2006 qabqableyaashii gudaha joogay Rabbi garabkooda waa ka baxay, waxayna u muuqdaan gorayo gucdur gudeysa oo gabbal u dumay. Waxaa si fudud u suuldaaray kooxo afduuban oo Aayadaha Qur’aanka si qaldan u adeegsata; waa wadaado saaxada siyaasada Somaaliya ku cusub. Taariikhiyan Somaalidu waxay tiqiin hab loo daweeyo cudur kastoo noolaha asiiba, marka laga reebo idaha iyo wadaadada. Sida badan subaga laga shiilo baruurta idaha ayaa lagu daweeyaa cudurrada, ha-yeeshee haddii iduhu bukoodaan daawo maleh. Sidoo kale dadka caamada ah ee colaadu ka dhaxayso, fidnadaas taagan culimada ayaa ku daweysa wacdi diini ah iyo waano islaamnimo cuskan, balse haddii ay wadaadadu diriraaaan midba kan kaluu Gaal ku tilmaam. Sidaas awgeed murti baa leh cudurka wadaad ku dhacay daawo maleh oo wuxuu la mid yahay wan bukooday. Waxaa kaloo la yiri “caamo dirirtay culimaa kala saarta, culimo dirirtayna, Caadilkaa kala saara” illaa Alle maalinta qiyaame kala xukumo ma heshiiyaan.

Dadweynaha dalka gudihiisa jooga wax colaad ahi ma dhex taal oo dalku gees-ka-gees waa isu furan yahay. Dagaallada Somaaliya la degay waxaa daadihiye oo dabka-shida dhagar-qabayaal diinta ku qaraabta iyo dibed-joog derajo doon ah, labadaas kooxood ayaa fidnada hormood ka ah. Gabyaa Yamyam wuxuu yiri

“adoo Harar taagan Hargeysa xoreynta, waxaa ka haboon adoo halka jooga oo Kacaanka u heesa”. Qurba-joogta intey ku mashquuli lahaayeen dowlad goboleed iyo durbaan colaadeed, waxaa la gudboon inay muruq iyo maalba qeyb libaax ka qaataan dib-u-heshiisinta iyo dib-u-dhiska dalka.

(2) Durbaan Colaadeedka Kooxda SAHAL:

Qoraalkan kuma falanqeyn karo gaboodfalka ay geystaan kooxda loo yaqaan Alle-diid afduub, waxaanse si kooban ugu guudmarayaa dibed-jooga soo dira doollarka dagaallada sokeeye lagu socodsiiyo. Beryahaan kooxo isku magacaabay SAHAL ayaa shirar aan kala joogsi lahayn ka wada wadamada (Australia, East Afrika, Yurub, Woqooyiga Ameerika). Ajandaha shirarka looga hadlo waxaa ugu muhiimsan guubaabo iyo kicin qabiil. Waxaa kaloo ka mid ah isballaarin qabiil iyo caburin ku wajahan beelaha aan weli is abaabulin. Erayada xanuunka leh waxaa ka mid ah “Jubbaland halow Puntland, Jubbaland halow Jigjiga, Jubbaland halow Gaarisa” sarbeebtu waxay tahay dhulkaas halow is-yiri oo dhan waxaa iska leh SAHAL oo Somaalida kale ka sareeya. Magaca SAHAL sida la sheegay wuxuu ka taagan yahay (Sede + Absame + Harti + Awrtable + Leelkase) waa magac cusub oo aan si dhab ah loo aqoon sababta loo allifey iyo ujeedada laga leeyahay. Hidde-dhaqanka Somaalida kuma jirto in la nasaqo magac tol ama hayb qabiil loo yaqaan ee sababta loo beddelay maxay cuskan tahay? Waa su’aal Somaaliweyn dhextaal loona yahay in si taxadar leh looga jawaabo.

Walow aan weli ku jiro ka baaraandeg iyo baaris, garashadayda kooban magaca SAHAL wuxuu iila muuqdaa afar ujeedo in mid laga leeyahay: (1) Dagaalkii labaad kadib Jarmalka iyo Talyaanigu waxay fahmeen in adduunka oo dhan laga karhay magacyada “Nazi & Fascist”, lagama maarmaanna ay tahay in qaamuusyada caalamka laga masaxo. Sidaas oo kale qarniga 21aad in la garwaaqsaday magacii hore inuu la mid noqday “Nazism & Fascism”, lana joogo waqtigii laga xuubsiiban lahaa godobtii hore loogu galay magacaas xasaasiyada leh. (2) In la doonayo in la helo magac maldahan (cover and covert) oo hadda dakano horleh lagu galo. Kooxda Alshabaab ee hadafkoodu yahay tirtirista magaca Somaaliya, qofkii ku biira magacii hore waa laga beddelaa oo waxaa la siiyaa magac cusub oo la yiraah XARAKI (fadlan daawo wareysi laga duubay wiil ka mid ah dhallinyaradii Boosaaso ku dishey Sh. Axmed X. C/maan). (3) SAHAL inuu ku dhisan yahay quraafaad iyo curaafeysi oo la aaminay inuu ka burji wanaagsan yahay magacii hore. Kohaanno ku xeeldheer falaga iyo faalka inay hal-abuureen magaca SAHAL, ayna ku andacoodeen inay arkeen dayaxoo dirirkii la degay iyo dhergane ku mataansan garbaraar. Waxayse saadaashu u eg-tahay bilcaksi la mid ah, gabaygii ahaa “qabqable iyo afyuub faalkaan rogay qardhaastiisa, qoomamey dhaxlaan qoladii kibir is qaad-qaadaa. Beyd laaxig laguma naaloodo haddaan lo’ iyo naago loo dhigan”. Cabdi-Qays wuxuu ku yiri “markaan nin la gigay ka faashaday wuxuu sheegay nuur dhacay iyo naaf galbeedsaday” (4) Indha low ku yaal ma arkaan adinkooda ee in magac beddelidu ku wajahan tahay aragti riqiis ah oo la doonayo in la cuuryaamiyo Xawaalada SAHAL oo ay leeyihiin ganacsato Somaali ka kooban, si magaca xawaaladu ugu muuqdo shirkada qabiil leeyahay. Magac

tol oo la beddelay waa arrin ugub ah ee bal aan dhowrno biyodhaca. Shaqsiyan qofku magaciisa waa beddeli karaa, laakin ma beddelo magaca aabihii iyo awoowgi oo waxay kasoo horjeedaa sharciyada caalamka.

Gabyaa Sangub wuxuu yiri “ha israacdo diidaye hays raamsatee daa”. Dagaalkii 77 kadib dalka waxaa ka jirey colaad madhamaato ah, in 2013 loo hamuun qabo dagaal cusub waa waalli iyo jiritaanka waddankaba halla waayo. Murti baa leh “Aafadii ilcadeeye qof kasoo doogay oo la cadaabay waa nacas”. Waxaa taas la mid ah qof soo joogay darxumadii dhacday isla markaana ka diir-naxaya qaranjabka iyo quusta taagan ee haddana afuufaya bigil colaadeed una jeel-qaba dagaal sokeeye, waa axmaq iduhu ka caqli roon yihiin. Caano daatay dabadoodaa la qabtaa ee maanta waxaa loo baahan yahay in dhaawacyada la dhayo, lana ambaqaado dib-u-heshiisiin si markale Somaalida kala irdhowday ay isugu soo hilowdo, heykal dowlad laga wada raalli yahayna ay u dhisato. Kolley arrinta SAHAL dad badan baa suugaan qiime leh ka tirin doona, waxaanse leeyahay:

SAHAL ma aan kala sareyniyo, Somaalida caburi baa Jubba iyo Gedo ma sidig baa, saldhiguna ma Kenyaa Saadaashuna ma dirir baa, madfac iyo ma Zuu baa Ma sagaashan-kow iyo seerigii colaadaa, 7 iyo ma jiib baa Gantaalihiyo sawaariiqda heegani, sahankood ma Bari baa Somaalidu ma hurudaa, mise way siloon tahay

Nabadii sideysnayd, saldanadii ninkii rogay,

Dembigii inuu suro, nimaan suulba ku lahayn

Saakana santaag yiri, anigu sinaan ma ogoli

Sidu inay sidii tahay, sidii beri inay tahay

Raggiinaa sahwinayow, sidrigiina yey gelin

Kala sareyntii Waamood, seben hore wixii jirey

Soo noqonba meysee, haku silinsiloonina !

“Bahal ceeriin ma daayo, SAHALna cunsuriyad qabiil ma daayo”. Subax walba addunka wax cusub baa kusoo kordha. Iyadoo aan la yaabanahay shirarkii SAHAL, waxaan Youtube markale ka daawaday barnaamij lagu magacaabay “Xuska Xasuuqii 1991” laguna dhigay Toronto-Canada 28/01/2013. Markaan ka baaraandegay nuxurka barnaamijku xambaarsan yahay, waxaa igu dhacay anfariir iyo amakaag, qosol gariir iyo naxdin isku dheehan. Filimeyn 2013 in barnaamij noocaan oo kale ah lasoo bandhigayo, ayna jirto gocasho iyo ciilqab heerkaas gaarsiisan. Waxaan dareemay in dib loogu noqday 1991kii oo weli lala saqraansan yahay saar qabiil, dagaal sokeeye oo markale qarxana aan laga baaqsan karin. Dad badan baa madasha ka hadlay, waxaase dareenkeyga soo jiitay hadalkii dhowr qof meesha kasoo jeediyeen, gaar ahaan hadalkii Cabdiwahaab Xaaji Xuseen. Xaaji Cabdiwahaab wuxuu yiri “doqon ciirta ruxa in nala siiyo oo Ra’iisul Wasaare laga dhigo, yeelimeyno”. Marka hore waxaan leeyahay madaxtinimada Somaaliya boqortooyo beel u xiran maahan, marka labaadna waxaan jeclaystay inaan Cabdiwahaab xusuusiyo dhowr sheeko oo aad looga yaqaan geyiga Somaalidu degto, waxaa ka mid ah:

(1) Qowsaar baa geeli u ilaalin jirey nin hanti leh, geelu wuxuu ahaa aaf-daaq lagu bulsheeyo keymaha. Wiil qowsaarku dhalay ayaa geela wax ka ilaalin jirey, qowsaarkii waa dhintay, xilkii geelana waxaa la wareegay wiilkii oo aaminsan inuu geela ka dhaxlay aabihii. Milkilihii geela ayaa soo doontay geeliisa, waxaase u diiday wiilkii oo ku andacooday aabahey baan ka dhaxlay. Milkilihiii laba dhengadood ayuu wiilkii ku dhuftay, geeliina waa kaxaystay. Wiilkii oo ku waashay geela aabahey baan ka dhaxlay ayaa lagu naaneysay “Cali Geeli ba’ay”.

Dhib iyo dheefba adduunku waa meerto, silic iyo darxumo laguma waaro, barwaaqo iyo baraare laguma waaro. Mar waa la dallacaa oo derajo saraa la gaara, marna waa la degaa oo dadweynaa la noqdaa. Waa dunida iyo xaalkeeda oo waa harka labadisa gelin iyo hal galgalatay. Madaxtinimadu waa meerto oo marba koox baa qabata. Walow Somaalidu aysan weli u bisleyn “Maamul wanaag — Good governance” marka laga shidaalqaato diinta Islaamka iyo nidaamka demoqoraadiyada, madaxdu waa adeegaha bulshada. Haddii madaxdu u dhaqanto ilaah-yare shacabku addoon u yahay, markaas waa CALI GEELI BA’AY. Hoggaamiyaha xilka haya hadduu iska dhaadhiciyo adiga mooyee qof kaloo mudan ma jiro oo geela baarqab kale kuma jiro, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Haddii hoggaamiyuhu tolkiis u qeybiyo mansab & maal wixii shacabku u dhiibtay, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Hoggaamiyuhu waa qowsaar ilaaliya geela shacabka, hadduu xilkaas loo igmaday si hufan u gudan waayo, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Waxaa haboon in laga faa’iideysto waaya-aragnimadii lasoo maray oo maanta laga gudbo “cadkaanow walee ku cunay ama ku ciideeyey”

(2) Boqor baa isku saacad waxaa u yimid inantiisa Barni iyo addoonkiisa Barre. Gabadhii Barni waxay tiri “aabbe addoonka Barre iibi oo lacagta isii aan dhego-dahab kusoo iibsadee”. Markii Barni ka tagtay waxaa u yimid Barre oo yiri boqorow Barni ii guuri waan jeclahaye. Boqorkii inta qoslay ayuu yiri “Barre iyo Barni waa ismaandhaafsan yihiin” dabadeed gabay baa laga tiriyey halkudhegiisu ahaa “ismaandhaafkii maan Barni iyo maan Barre mahadhadiisii dheh”. Waxaa lagu celceliyey hanti baa nalaka bililiqeystay, ha-yeeshee Somaali tiro badan waxay aaminsan tahay hantidii laga dhacay Xamar iyo Hargeysa in lagu dhisay Puntland, qaybna ganacsi lagu samaystay, lagama maarmaanna ay tahay in xoog looga soo celiyo. “Waa ismaandhaafkii Barre iyo Barni”. Wadaad sujuudsan baa wariiri wejiga ka qaniinay, sidii wax dakano galay ma cararine meeshii ayuu iska meermeeray. Wadaadkii markuu salaadii ka baxay wuxuu yiri “wariirigu ma waalan yahay, inta wax qoomuu qunyar iska socdaaye”. Hashu geela iyadaa cunta haddana cabaadda.

Intaas aan ararta ku hakiyo, una gudbo danta iyo ulajeedada mowduuca. Qoraalkaani maaha maqaal siyaasadeed, maaha murti iyo suugaan, maaha maaweelo iyo madadaalo. Sababta qoraalkaan igu kaliftey waxay tahay walaalaha ku shiray Toronto-Canada iyo kuwa ku tumaya durbaanka SAHAL inaan u iftiimiyo ama xusuusiyo dhacdooyinka taariikheed qaar ka mid ah, gaar ahaan godobtii lagu galay magaca dowlada ee reer Puntland horseedka ka ahaayeen:

(3) Gaboodfalladii gacanta dowladda lagu fuliyey:

Ma ogtahay Maarso 1964 Jineraal Maxamed Abshir, Boliis ka kooban Harti kali ah inuu u xilsaaray laynta iyo barakicinta Habargidirta Galgaduud iyo Hiiraan. Boliiskaas waxaa horkacayey: Xersi Cismaan Keenadiid, Maxamuud Caagane, Maxamed Jaamac Kosafaare iyo Khaliif Baadiye. 24/03/1964, Dhusamareeb waxaa lagu diley 17 nin oo doonayey kaliya inay doorashadii maalintaas dhacaysay codkooda ka dhiibtaan. Meydkii in la aaso waa la diiday, shacab tiro badan oo aan waxba galabsanna waa la xir-xiray, waxaase ugu xanuun badnaa nin iyo sodohdii oo wada qaawan in qol lagu xiray. Taliyihii falkaas geystay Khaliif Baadiye, naaneystiisii waxay isu beddeshay Khaliif Qaawiye. Dad layntii iyo qaawintii waa laga daray. Reer miyigii waa la barakiciyey, xoolihii oo dhanna waa la xareeyey. 3,000 oo halaad ayaa Matabaan lagu xareeyey loona diiday biyo iyo baad. Maxamuud Caagane oo geel-dhacista loo xilsaaray ayaa xeradii geelu ku jirey yimid. Nabaddoon Sheekhdoon Cismaan ayaa ku yiri Maxamuud Caagane war Alle ka cabso ee geela baarka iska cunay biyo iyo baad u ogolaw oo xoolaha ciqaabta ka daa. Maxamuud Caagane wuxuu yiri “maanta anigaa Ilaahii Matabaan ah, geeluna xerada ayuu ku baqtinayaa”. Toban sano kadib Jabhadii lagu magacaabi jirey Daadcelis oo saldhigeedu ahaa Cabudwaaq duullaankii loo yiqiin Kibir-weerar waxay ku qaadeen beesha Cadaado, goobta lagu magacaabo God-dhurwaa 14/03/1983 waxay ku dileen 53 qof oo ay ku jireen Macallin dugsi iyo ardaydisii. 1964 iyo 1983 shacab ka qaxay Gobolka Galgaduud waxay baqa-cararkii ku tageen Adis Abab waxayna magangaleen cadowgii soo jireenka ahaa Xabashi.

Ma ogtahay xukuumadihii C/Rashiid & C/Risaaq in doorashada la musuqmaasuqi jirey oo kuraasta Baarlamaan la boobi jirey (tusaale: Dhusamareeb & Kismaayo) Kacaankii Oktobar 1969 ka hor Gobolka Jubada Hoose waxaa ka talin jirtay koox shacabka kadeeda, shacabkana waxaa loo qeybiyey dabaqad sare oo dulmi ku nool ah iyo dabaqad hoose oo silic ku nool ah (Harti iyo Hariifo, iyo Daarood iyo Giirgiir). Ganacsatada iyo shaqaalaha dowladu 95% waxay ahaayeen reer Puntland. Geel-jireyaal laga soo qoray Puntland ayaa canshuurta ka qaadi jirey suuqyada, waxyaabaha ay ku kici jireen waxaa ugu foolxumaa, haweenka caanaha keena tii dhaban qurxoon leh oo naaskeedu taagan yahay, waxaa laga qaadi jirey haruubka dhiisha, dabadeed waxaa haruubka la siin jirey nin reer Puntland, gabadhu markey casirkii ku laabaneyso gurigeedii miyiga waxaa lagu oran jirey haruubkaagii waxaa haya hebel ee ka doono, markey haruubka dhiisha soo doonatana waa la faraxumeyn jirey. Kufsiga haweenka iyo xadgudubka waxaa billaabay reer Puntland. Rag waxaa ugu liita arki-jiray doon iyo abaal-laawe. Shirarka looga hadlo Jubbaland waa riyo maalmeed, maxaa yeelay dadkii la kadeedi jirey ee lagu naaneysay Hariifo iyo Giirgiir maanta waa hubeysan yihiin oo hurdadii waa ka tooseen, xataa Wardey iyo Cawramaleh cadkooda lama cuni karo. “Raggii beri la saanyaday miyaa seymo bahal yeeshay”.

Carabtu waxay tiraah “kulli dawiil lahaa daraf” Wax kasta Alle wuxuu u qadaray waqti ay dhammaadaan. Si jirtay siima jirto oo gacansareyntu waa meerto. Abaartii daba-dheer 1974 dadkii la dejiyey Shabeelaha Hoose, qaxootigii

77 dadkii la dejiyey Woqooyi Galbeed, Hiiraan, Shabeelaha Hoose & Luuq. Abuuridii 18 gobol iyo magacaabistii 3 duq magaalo “mayor” Banaadir (Aburaas, Xasan Abshir Cabdullaahi Salaad) waxaa laga lahaa qorshe fog, waxaa la doonayey in caalamka laga dhaadhiciyo in Daarood “majority” yahay, mustaqbalkana gobol kasta xildhibaan Daarood ah kasoo galo Golaha Shacabka. Riyadaasi waa beenowday waana qeyb ka mid ah cunsurka dagaallada sokeeye. Ayaandarro markale ayaa riyadii soo laba-kacleysay oo Garoowe laga soo hindisay “Halow Jubbaland, Puntland, Jigigalanad & Gaarisaland”. Sow ma muuqato dagaal sokeeye oo markale qarax si loo tumo saarka ka dhashay waallida iyo walaahowga qabyaalada iyo isla weynida ku dhisan.

Ma ogtahay Kacaankii Oktobar 1969 ka hor, dalku wuxuu ka koobnaa 8 Gobol & 48 degmo. (40 degmo, DC & taliye saldhig Boliis waxaa ka ahaa saraakiil reer Puntland ah, Somaalida kale 8 degmo ayey DC & taliye saldhig k ahaayeen). Sidoo kale 8 Gobol waxaa Barsaab ka ahaa 8 sarkaal oo xigto la ah C/Rashiid Cali Sharmaake. Ma ogtahay 1967 Jineraal Maxamed Abshir inuu dallacsiiyey 71 sarkaal oo Boliis ah, 51 sarkaal waxay ahaayeen Daarood, 35 waxay kasii ahaayeen Majeerteen, xataa alifle Isaaq ah laguma darin raggii la dallacsiiyey, taasina waxay qeyb ka tahay gocashada Isaaq ku doonaayo goosashada maadaam la duudsiyey saamigii ay xaqa u lahaayeen. (Tixraac wargeyska Alyoom cadadkii 20aad ee soo baxay 07/09/1967) Qaranjabka iyo in qoys-qoys loo kala qaxo oo Soomaali tusbax go’ay noqoto sababteeda waxaa iska leh reer Puntland, bal dhowrkaan dhacdo si dhugmo leh ugu fiirso:

Ma ogtahay horraantii 1990kii Cali Aar Xasan Cabdulle oo ahaa reer Galmudug inuu Barasaab ka ahaa Gobolka Woqooyi Bari, waxaa digniin lagu yiri Hawiye ayaad tahaye iskaga bax Boosaaso ma xukumi kartid oo waxaad tahay reer hebel, digniintii markuu ka dhego adaygay, goor barqo ah ayaa xafiiska lagu toogtay. Isla 1990kii Xasan Cabdi Mayle (reer Hiiraan) iyo Maxamed Odawaa Cigaal (reer Togdheer) oo Gobolka Nugaal ka ahaan jirey Barasaab iyo DC ayaa lagu yiri ka baxa Nugaal, kadibna kabo la’aan ayaa laga eryey Garoowe? Ma ogtahay 1984 shacab iyo shaqaale Habargidir iyo Xawaadle wixii joogay Gobolka Jubada hoose in laga sifeeyey, kadibna iyagoo maxaabiis ah lagu guray jeelka Xamar? Waxaa ka mid ahaa Guddomiyihii Maxkamada Gobolka Cabdiraxmaan Xaaji Ereg oo hadda ku nool Minnesota USA. Ma ogtahay 1990kii Wasiirkii Arrimaha Gudaha inuu Gobolka Gedo Taar u diray kuna yiri ganacsatada Harbargidir ee Gobolka Gedo Meheradaha ganacsi ku leh hala soo raafo, kadib laga soo sifeeyey guud ahaan Gobolka Gedo. Ma ogtahay 1990kii shirkada Western Geophysical oo shidaal ka baareysay Gobolka Sool, shaqaale ay Xamar ka qoratay in loo diiday inay ka shaqeeyaan riigii ku yiil rugta Holhol, kadibna la raafay oo Xamar dib loogu celiyey.

Ma ogtahay Maxamed Macallin Cagadhiig oo ahaa Ogaadeen Bah-Geri Taliyihii dooxatadii Daraawishiita aagga Hiiraan inuu Wabiga ku hafiyey dhowr boqol oo ka mid ahaa gaashaanqaadka reer Hiiraan. Ma ogtahay Qaxootigii 77 kasoo barakacay Somaali Galbeed ee la dejiyey Hiiraan in la hubeeyey lagana dhigay Maleeshiyo ka garab dirirta ciidanka dowlada. Waxaa kaloo laga dhaadhiciyey nawaaxiga Hiiraan inay leeyihiin oo awooweyaashood ay ku aasan yihiin, dhowr goobood oo ku yaal Galgaduud iyo Hiiraan ayaa lagu magacaabaa (Lafa Gumcadle, Makaahiil, ina-Med iwm). Iyadoo magacyadaas daliil ahaan loo

cuskaday, Hiiraan waxaa lagu xudumay Ogaadeen. Qaxootigu iyagaa dagaal ka qeyb qaatay “qofkii tiin tallaala, timir ma sugo”.

Ma ogtahay Qaxootigii la dejiyey Woqooyi Galbeed in askar ahaan loo tababaray, si rasmi ahna loo dejiyey oo qaar ka mid ah xoolo nool loo iibiyey, warqadaha aqoonsiga ee teesaraha dowlada hoose Hargeysa la siiyey. Waxaa la qorsheeyey in la dhalanrogo qaab-deegaanka bulshada (demographic population). Qaxootigu waxay si firfircoon safka hore uga galeen dagaalkii ka dhacay Woqooyi. Ma ogtahay Jineraal Ogaadeen ah oo Hargeysa joogay inuu qaxootiga ku guubaabiyey dagaalka wada ilaa la gaaro “halkani waa Radio Hargeysa codka beelaha Absame”. Ma ogtahay shir ka dhacay madaxtooyada in beelaha Daarood isku raaceen in Daarood mideysan dagaal ku qaado Isaaq, walow sidii lagu ballamey aan qorshaha dagaalku u hirgelin. Ma ogtahay Daarood dowlad sheeganaya inuu xasuuqay Isaaq. Ma ogtahay xasuuqii, barakicintii iyo burburkii ku dhacay Woqooyi inay hormood ka ahaayeen 12 sarkaal oo reer Puntland ah oo adeegsaday ficil qabyaalad cuskan iyo kala aarsi, waxaa taliye ka ahaa Jineraal Morgan. Ma ogtahay xukuumadii Siyaad Barre inay beertay arami iyo uurkutaal Somaali ka irdheeyey, qaxootigii la dejiyey Woqooyi Galbeed iyo Hiiraan lagu sagootiyey marti edeb-daran madfac bey mudan yihiin.

Ma ogtahay suugaan guubaabo ah oo qabiil lagu kiciyo in reer Puntland billaabeen. Beryahaan waxaa aad loo buunbuuniyaa Magool baa tirisay heeso kicin ah oo nuxurkoodu ahaa in Daarood la laayo. Waa kutrikuteen oo codkii Magool lama hayo, waxaase duuban (gabayo iyo heeso iyo baraanburo) qaar Youtube ku jiraan, waxaa ka mid ah: Guri Kismaayo ku yaal oo Daarood ku shiray, baraanbur lagu aflagaadeeyey Hawiye, laguna guubaabiyey Daarood waxaa ka tirisay Xaalimo Soofe oo weliba ku andacootay inay ka mid ahayd halgameyaashii SYL. Qof sheegtay horseedkii SYL inuu dagaal sokeeye ka qeyb qaato, waxay la mid tahay “haddii masaajidkii qayladu ka yeertay xaggee loo baxsadaa”? 1982kii koox laga abaabulay madaxtooyada oo loogu waqlalay “Ergo Daarood” ayaa loo xilsaaray inay goobta lagu magacaabo Heylaan oo u dhaxaysa Ceerigaabo iyo Laasqoray ka dhisaan Taallo lagu magacaabay Qabrigii Daarood. Sida runta ah lama yaqaan meel Daarood ku aasan yahay oo horaa loo yiri “qabri Daarood iyo qaraabo Hawiye midna hore looma arkin”. Kooxdii qabriga soo dhistay waxay ku shireen madaxtooyada, waxayna tiriyeen gabayo xanuun badan oo mahadho reebay. Afmaaladii gabyey waxaa ka mid ahaa (Aadan Axmed Toosi Luquntaada oo u dhashay beesha Dhulbahante, kuna maansooday:

Hawiye daartii Hobyo ma iloobin iyo daqaradeediiye,

Waxaa Irir haatan loo dundumay waa dakano dheere,

Yaa Daarood Cismaaciil aheey durugtay ceebtiiye.

Dudubliyo kulay riibi ku tahay lay dardaarweriye,

Tuni bey daandaansatiyo Begedi duurjoog ah,

Yaa Daarood Cismaaciil aheey durugtay ceebtiiye.

Afmaal Majeerteen ah oo aanan magaciisa xusuusan ayaa ku xigsaday wuxuuna yiri:

Malkadii Caabuwaaq waxaa ka fulay Geelii Moorifley

Magac ba’aye mataanihii Daarood miyaa midiba meel aaday.

WAA CAJIIB. Iyadoo dalka dowladi ay ka jirto ayaa madaxtooyada sidaas looga gabyey ee waa maxay sababta been abuurka loola daba taagan yahay Magool? Mise dadka cabanaya ee calaacalaya afkooda iyo dhegahoodu isma maqlaan?

Ma ogtahay 14/07/1989kii ilaa 26/01/1991 dagaalkii Xamar ku dhexmaray Maleeshiyada USC iyo ciidankii dowlada, dagaalka oo ka dhaxeeya mucaarad iyo dowlad, Maleeshiyo Majeerteen ah oo ka faltameysay aagga Staadiyo Muqdisho iyo Maleeshiyo Dhulbahante ah oo ka diriraysay aagga Taleex inay dagaalkii weji qabiil u rogeen oo dadkii ay qabteen ay ku dhaheen “yaad tahay”. Ma ogtahay in Daarood ku dagaallamay nooc kastoo hubka ka mid ah sida: (taangi, BM, madfac, diyaarad iwm), Hawiyena ku dagaallamay (AK47 & RPG7) isla markaana goobta dagaalku ka dhacay ay ahayd xudunta Hawiye, sidaas daraadeed khasaaruhu u badnaa dhanka Hawiyaha, qiyaastii 70% iyo 30%.

Ma ogtahay 1990kii Taliyihii XDS Jineraal Moorgan inuu mas’uul ka ahaa xasuuqii iyo barakicintii ku dhacday beesha Galgalo. Moorgan wuxuu hubeeyey koox Galgalo ah oo lagu barxay koox Majeerteen yaryar ah, waxaa amar lagu siiyey inay ciqaab iyo cunaqabateyn saaraan deegaanka Abgaal oo wado kasta laga xiro, markii ceelashii biyaha iyo wadooyinkii laga xiray, waxaa loo raaciyey bililiqeysi iyo kufsi laga simay haweenkii gabadh iyo gambooleey dabadeed nin Galgalo ah ayaa ku shirbay “Gaadiidku ha kuu gudbee, u galliin Geeda Qorow. Gus Galgalaa kugu socdee, ha ku galee garaarka goy”. Maxaase ka dambeeyey

Ma ogtahay kumanyaalkii macaluusha ugu dhintay Bay & Bakool in sababta mas’uuliyada Daarood lahaa. Abrile 1991 ilaa Abrile 1992 Jabhada SNF oo xoog ku haysatay Bay iyo Bakool, shacabka Digil & Mirifle wixii xabbad lagu diley mooyee intii kale gaajo ayey u dhinteen, maxaa yeelay waxaa laga dhacay hantidii mood iyo noolba. Mar labaad ciidankii USC/SNA oo 24/04/1992 ka kicisay SNF Bay iyo Bakool waxay boobeen macaawinadii hay’adaha samafalku u keeneen shacabka Digil & Mirifle, taasina qeyb bey ka ahayd macaluushii asiibtay Bay iyo Bakool.

Ma ogtahay diyaarad siday Somaali laga soo tarxiilay Sucuudi Carabiya markey kasoo degtay garoonka Garoowe intii reer koofurka ahayd in loo diiday inay diyaarada kasoo degaan oo cagaha dhigaan ciidda Puntland, amarkaas waxaa bixiyey Cadde Muuse oo Xamar ku dhashay.

Ma ogtahay shaqsigii ugu horeeyey ee Gumeysigii Talyaaniga dalka soo geliyey, hub & hantina ka qaatay inuu ahaa Yuusuf Cali Keenadiid. Shaqsigii labaadna ahaa Cabdullaahi Yuusuf oo suurtageliyey in Taangiyada Tigreegu ay naf iyo maalba burburiyaan Koofurta Somaaliya, gaar ahaan Gobolka Banaadir. Ma ogtahay guuldaradii dagaalkii 77 inay shirqoolkiisa maleegeen saraakiil reer Puntland ah oo Cabdullaahi Yuusuf arrintaas meel fagaare ah kaga tookhay. In maanta dad ku hantaataco Cabdullahi Yuusuf waa geesi qaran, sida Cabdullaahi Yuusuf oo kale geesi wadnahiisa iyo xiniinyihiisu isi saaraan yihiin oo noo aara

ayaa Daarood u baahaan yahay, isla markaana Jineraal M.F.Caydiid & Maxamed Qanyare waa dembileyaal mudan in la horkeeno Maxkamda Heeg, carada ay abuuri karaan ma laga fiirsaday?

Ma ogtahay belo kastoo Somaali beerka ka asiibtay waxaa laga unkay Mandaqada Puntland “kulli fidna cinda geel”. Ma ogtahay Somaali qabyaalada ka xuubsiibatay oo ku midowday halgankii SYL dadaalna ugu jirta mideynta shanta Somaaliyeed, in reer Puntland ku wacadfureen hadafkii SYL oo ay 22/07/1958 furteen Xisbigii SDU, munaasabadii furitaanka afmaal la oran jirey Cali Cilmi Afyare ayaa ka gabyey wuxuuna yiri “Habargidir hakuu taliso iyo Murusadoo tuuga iyo tima-qurmoonow Abgaal iyo toban hal Hiiraan ah. Tolla’ayey tacadi weeyaane, maxaan gabayga teelteeliyaa waaba teec dhigaye”

Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya maanta waxa Somaaliya ku haya waa qarawga iyo riyo maalmeedka lagu doonayo Jubbaland oo “buffer zone” u noqota Kenya iyo Puntland oo “buffer zone” u noqota Itoobiya. Dadka maanta ku faraxsan gumeysiga ee aaminsan inay ka helayaan gurmad iyo gaashaan, hubaal guuldarro iyo shalaay bey ku dambeyn. Nin baa ku shirbay “Abeeso Ibliis aroostayoo uunsi loo shidaan arkaa”. Sh. Xasaan Xuseen (Ogaadeen) oo jeediyey muxaadaro ku saabsan “xukunka qofka Gaalada dhulka Muslimiinta lagu soo hoggaamiyo” wuxuu tibaaxay beelaha Daarood inay dalka Gaalo kusoo hoggaamiyeen ayna gacal u noqdeen, gargaarka iyo gurmadna weydiistaan. Somaalida kalena wax eed ah aysan ku lahayn, links-ka cirifka hoose daawo.

Ma ogtahay xasuuqii ugu xumaa ee abed ka dhaca Somaaliya inay geysteen maleeshiyada Dhafoorqiiq oo kaashanaya ciidanka Xabashida. Ma ogtahay labadaas kooxood inay dileen dad lagu qiyaasay nus malyan, hal malyan oo kalena barakiciyeen isla markaana magaalada Xamar guryihii ka dhisnaa nus la dumiyey oo dhulka lala simay. Ciil kama baxe weligi waa cadaaban yahay, dadna waxaa ugu doqonsan ninka aan ogeyn wuxuu geystay ee gocanaya oo keliya wixii loo geystay. Hadaad ku aarsateen muruqa Itoobiya iyo maalka Mareykanka, weli ma ciilqabtaan? Doonyaha Boosaaso ee ay ku qoran tahay “dadow dollar keen doonta raac aan kusoo dilee” hadaad bad-cas ku hafiseen kumanyaal qof oo reer koofur ah oo aan SAHAL ku abtirsan, weli ma ciilqabtaan? Goormaad ciil baxeysaan? Ma ilaa buunka qiyaame la afuufaad ciilka iyo calool-xumada ku jireysaan? Nin kasoo dhoofay Somaaliya 1961 oo East Afrika degay ayaa ku habsaamey qaad-raamsi. 1991 wuxuu arkay dad kasoo firxaday dagaalladii, dabadeed wuxuu yiri “Madaxweyne Aadan Cadde wadaad wanaagsan buu ahaaye muxuu dad u qaxinayaa”. Ma sida ninkaas ayaad hurdo dheer gasheen oo waxaad ku riyooneysaan “mar haddaanan gaariga wadeyn geyrba gelimaayo”

Ma ogtahay dagaalkii Mudug ka dhacay inay bilaabeen reer Puntland Tusaale: Aas-aaskii SSDF kadib, goortii Cumar Maxamuud lagu suntay magaca Mahbar, Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xiligaas ayaa Gaalkacyo kula shiray beelaha Mudug oo laga reebay Cumar Maxamuud, wuxuu yiri hadal taariikhda baal-madow ka galay, hadalkii wasiirka waxaa ka mid ahaa “waa idiin bannaan tahay naf iyo maalba, inaad dishaan oo dhacdaan oo naagahooda meher

la’aan guursataan Cumar Maxamuud”. Caaqilkii Sacad Jaamac Seed wuxuu yiri “nooma bannaana, waa Muslim, waa Somaali, waa deris, waa xigto iyo xidid”. Inta badan beelihii Mudug waa fuliyeen baaqii wasiirka balse Sacad, wixii Cumar Maxamuud ahaa naf iyo maalba waa badbaadiyey. Dhowr sano markii dagaalkii SSDF socday, Sacad mooyee beelaha kalena godob ka galeen Cumar Maxamuud, arrintaas waxaa ka marqaati kacay caaqilkii jufada Reer Cali Maxamed nabaddoon Axmed Gurey oo meel fagaare ah ka yiri “Sacadoow wax foolxun ayaa Cumar Maxamuud idinku abaalgudi doonaa ee maanta wax ka laaya sida beelaha kale”. Siduu saadaaliyey ayaa dhacday.

Ma ogtahay 1989kii Sacad oo ah warmoog aan beerba laf ka filan in saraakiil reer Puntland ah oo Madaxtooyada Xamar laga abaabulay weererka ku qaadeen Sacad iska hurda. Taliyihii Gaaska 54aad XDS ee saldhigiisu ahaa Garoowe ayaa dagaalkii Sacad lagu qaaday taliye ka ahaa. 17/11/1989 ciidan ka kooban (milateri & dhafoorqiiq) 61 nin oo ahaa odayaal iyo ganacsato magac leh inay ku dileen tuulooyinka Hilmo iyo Docol. Xasuuqa iyo bililiqeysiga hantida waxaa loo raaciyey gabayo aflagaado ah “Hawiye daba madoobe idinkoon diririn bari ma u dareerteen iyo Hawiye baqayoo baduu dhaafaye Alla baroon ma ku baadigoobnaa”. Haweenkii Sacad ee deegaan kusii haray markey suuqa Gaalkacyo caano keenaan waxaa laysugu daray kufsi, caanihii oo laga dhamay iyo aflagaado foolxun, waxaa lagu yiri erayo anshaxa ku xun, balse markaan si asluub leh u sarbeebo waxaa ka mid ahaa “Cambar & Calaf isku wado”. Sacad la bahdiley oo nindoorkisii la laayey, hantidisii la dhacay, haweenkiisii la kufsaday, ayaa weerar rogaalcelin ah ku qaaday Gaalkacyo, 26/02/1991 waxay ku dileen 70 nin oo lagu sheegay maqaawirta Majeerteen. “Ninba waa mare, mus-ma-kula koray”. Kooxaha beryahaan garaacaya durbaanka colaada, marka hore ha xisaabtameen oo hays barbardhigaan wixii dhibaato loo geystay iyo wixii dhibaato ay geysteen, kadibna hasoo gole fariisteen oo ha-gashi baxeen.

Qoraalka waxaan ku afmeerayaa fariin ku socota Xasan Karatee oo ah abaabulaha xuska xasuuqii 91 iyo Cabdiwahaab Xaaji Xuseen oo la dhashay RW hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Xasanow waxaa laguu yiqiin saxafi hufan oo si firfircoon uga qeyb qaatay halgankii Itoobiya lala galay. Inta aadan Youtube-ka gelin barnaamijka sow ma habooneyn inaad tifaftirto “editing” oo aad ka saarto erayada aflagaadada ah sida “geesi xiniinyihiisa iyo wadnahiisa isi saaran yihiin. Cabdiweli Harvard University ayuu kasoo qalin jebiyey, Saacidna Kulliyada Lafoole iyo doqon ciirta ruxa, waan goosaneynaa iwm”. Waa ayaandarro weyn, Xasanow waxaad toosisay fidno huruday oo layska iloobey, barnaamika Xuska Xasuuqii 91, wuxuu horseedayaa: (in Isaaq xuso xasuuqii 1988-90 saraakiisha Daarood u geysteen, in Hawiye xuso gumaadkii Cabdullaahi ka fuliyey Gobolka Banaadir 2007/9 ee loo adeegsaday Maleeshiyada Dhafoorqiiq iyo Ciidanka Itoobiya, in Raxanweyn xuso xasuuqii iyo boobkii SNF ay ka geysteen dhulka Digil iyo Mirifle, in Banaadiri xusto hantidii laga bililiqeystay, in Jareer xuso dhulkii jiinka wabiyada ee laga xoogay, in Gabooyuhu xusaan bahdilka iyo darxumada taal xaafadda Daami ee Hargeysa). Xusku waa isdaba-joog. Fidno madax la qabtey leedahay ee majo la qabto maleh”. Sanadihii (2007/9) ee dagaalku ka socday Banaadir waxaa la sheegay Maleeshiyada Dhafoorqiiq inay ku heesayeen “burburka Banaadir waa baraaraha Puntland”. Sidoo kale

Cabdullaahi Yuusuf waxaa laga soo xigtay inuu ku tooqay “Tekniko waxaan Bakaaraha u diray iyo tuugo la hubeeyey, in tolweynaha Hawiye sii taajirey tii aan rabay maaha. Tigree haddaan keenay iyo toban kunoo qaawan, Hawiyena Utaango uusan tegin tii aan rabay maaha”

Jabkii dagaalkii 77 ilaa maanta Somaaliya waxaa ka socda xasuuq, barakicin shacab iyo burbur hanti, waxaan ku xusisinayaa shan todobaatan. 10/02/1991 dugsiga saree Maxamud Axmed Cali ee degmada Kaaraan waxaa lagu xasuuqay 70 nin oo Galgalo ah. 26/02/1991 Gaalkacyo waxaa lagu xasuuqay 70 oday. 12/09/1992 xarunta ADC Xamar waxaa lagu xasuuqay 70 nin. 12/07/1993 guriga Cabdi Qeybdiid UNOSOM waxay ku xasuuqday 73 qof (rag iyo dumar). 04/10/2011 Hargaha iyo Saamaha waxaa lagu xasuuqay 70 qof oo arday u badan. Xasanow sow ma habooneyn in la wada xuso xasuuqyadii dhacay oo dhan? Waxaad carrabka ku adkeysay 70kii Gaalkacyo iyo 70kii Kaaraan, inta kalena sooma aadan hadal-qaadin, gartay 70ka Gaalkacyo waa Kablalax, sababta aad 70ka Kaaraan u xustay ma waxaad aamintay magaca Nuux Maxamuud Suleymaan iyo sheeko baraleyda la allifay 1990-yadii? Xasanow xoolaha ayaa la sidkaa ee dadka lama sidko. Somaalidu waxay tiraahdaa “dhalasho iyo dhega geelna meeshooda ma dhaafaan”. Xasanow xusuuso gabaygii awoowgaa Sayid Maxamed ee ahaa “ixsaan lagama tago maandhow eed hadaad faliye”.

Abtigey Cabdiwahaab Xaaji Xuseen wuxuu ku celceliyey waan goosaneynaa. Laba nin ayaa safar dheer galay, habeen saqdhexe ayaa la daalay oo awrtii heeryadii laga rogay si loo nasto waxna loo cuno. Nin wuxuu qabay marwo gob ah mirihii jannada, waxay jiscin/sahay uga soo dhigtay “oodkac” nina wuxuu qabay habaar qabto aan hoygeeda la seexan, waxay jiscin/sahay uga soo dhigtay “salool”. Ninkii jiscinkiisu ahaa oodkaca ayaa kii kale ku yiri “war aan isku darsano sahayda” ayaandarro ninkii saloolka watay ayaa yiri “ninba sahaydiisa ha cuno”. Ninkii oodkaca watay ayaa yiri “ninba wax la hullaaban ee jiscinkaaga Alle haku barakeeyo”. Somaalidu wadajir iyo is weecaansi bey ku wanaagsan tahay. Somaaliyey yaan la hirgelin oo si adag halloo horjoogsado hindisihii iyo hal-abuurkii “RW Miles Zenawi” hindisahaas oo yoolkiisu ahaa “Building blocks & Lixland = Somaliland, Puntland, Midland, Bayland & Jubbaland”.

Somaalidu waa isu baahan tahay oo midnimada ayey ku wanaagsan tahay, laakiin haddii qolo is mahadiso oo ku hamiso goosasho waa laga maarmaa oo hanqaraarac lug uma hitiyo. Wax kastoo koonka ka dhacay waxay leeyihiin dhib iyo dheef isbarkan, dhan kasta miisaanku ha u batee. Qaranjabka Somaaliya ku dhacay 80% waa khasaaro ballaaran laakiin 20% waa faa’iido iyo wanaag. Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo Majeerteen ku doodaya gooni-u-goosi iyo Federaal oo aan rabin xaq ummad kale. Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo guryihii qarni ka hor Sayid Maxamed ka dhisay Taleex Dhulbahante dayactiraya oo dhaqaale ahaan ku tiirsan NGO-ga Gurmad ee Saado Cali Warsame. Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo Ogaadeen beero ka falanaya Godey iyo Qoraxay oo aan hortaagneyn Jubba & Curuba iyagoo Laaji ah. Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo haddii magacii eedda lagu galay ee ummadda lagu kadeeday lagu

beddelay SAHAL. Allow SAHAL hantidiisa deeqsii, maankiisana ka saar hanqaltaagga iyo sedbursi doonka iyo is ballaarinta aan joogsiga lahayn.

Ugu dambeystii waxaan ku duceynayaa Somaali waa walaalo aan kala maarmine, Allow kor isugu gey ama hoose isugu keen. Nin la oran jirey Xaaji Axmed oo ganacsi ku lahaa Yaman iyo Somaaliya ayaa 1950-yadii fooq dheer ka dhistay bartamaha Xamar. Qadadii kadib Xaaji Axmed oo dabaqa sare hurda, waxaa albaabka soo garaacay rag bayhoof ah oo ka yimid miyiga oo Xaajiga ilma-adeer la ah. Ilaaliyihii wuxuu ku yiri “Xaajigu nasiino ayuu ku jiraaye markale soo laabta”. Raggii miyiga ka yimid waxay waardiyihii ka codsadeen inuu Xaajiga toosiyo. Wardiyihii oo ahaa Banaadiri aan ragga yimid aqoon wuxuu yiri “Xaajiga lama toosin karo oo wuxuu ku jiraa “dormire & riposare”. Oday raggii ka mid ah oo erayada af Talyaaniga ah ka carooday ayaa sacabada doogtay, wuxuuna yiri “tol baan-nahoo kalama maaranee, Allow ama kor isugu kaanna gee ama hoos isugu kaanna keen”. Ducadii odayga Alle waa aqbalay oo hantidii Xaaji Axmed waa dhaaftay oo hoos baa tolkii isugu yimid.

Sheeko taas la mid ah ayaa Somaaliya ka jirta. 1960-yadii goortii la helay gobanimada, habdhaqanka iyo heerka garashada beeluhu waa kala taganaa, waxayna kala ahaayeen qolo qabyaaladda ku xeeldheer iyo qolo aan beydba ka aqoon. Si garaadka bulshada loo simo, Alle haka abaalmariyee macallimiin u dhalatay Puntland ayaa berrin kastoo udub aqal Somaaliyeed ka mudan yahay ka furay dugsi hoose ilaa jaamacad-Phd looga barto qabyaalada iyo qaranjabka. 53 sano kadib Isaaq iyo Dir Woqooyi waxay ka qalin jebiyeen Bachelor, waxayna u gudbeen Master. Habargidir, Surre Dir, Xawaadle iyo Murusade waxay dhameeyeen dugsiga sare, waxayna u gudbeen jaamacada heerka bilaawga Bachelor. Abgaal, Sheekhaal iyo Gugundhabe waxay dhameeyeen dugsiga dhexe, waxayna u gudbeen dugsiga sare. Digil-Mirifle iyo Biyomaal waxay dhameeyeen dugsiga hoose waxayna u gudbeen dugsiga dhexe. Banaadiri iyo Jareer weli waxay ku jiraan dugsiga hoose. Anigoo soo xiganaya ducadii odayga, waxaan leeyahay Allow Somaali kalama maarantee kor isugu gey oo sida Majeerteen qabyaalada quluubtooda ku beer ama hoos isugu keen oo sida Banaadirga qabyaalada quluubtooda ka sifee.

AAMIIN YAA RABBI

W/Q: Cali Sh. Maxamed

sheekha333@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku  gaar  tahay  qoraaga ku saxiixan

Links:

Soomaaliya oo qodoneysa godkii lagu aasi lahaa (Warbixin Xasaasi ah)

$
0
0

Waxaan halkan idin kugu soo gudbinayaa maqaal dheer oo aan u bixiyey {Soomaliya oo qodoneysa godkii lagu aasi lahaa} waxaa igu dhaliyey inaan maqaalkaan qoro markaan arkay Soomalidii oo ku waalatay Faderalism iyo Dowlad Gaboleedyo aan xitaa wax fikrad ah laga haysan marka laga reebo Aduunka ayaa Faderaalka ku dhaqmo, hadaba aan gudaha u galo maqaalkan dheer.

Walaalayaal burburkii ku dhacay dowalddeeni ma’ahayn wax iska dhacay ee waxa uu ahaa mu’aamaro ay iska kaashadeen Dowlado iyo damiirlaawayaal Soomaali ah kuwaasoo cadow ku ahaa wadankeena waxaana tusaale noogu filan wixii dhacay 60 sano ee la soo dhaafay ka dib marki Gumetsayaashii reer Yurub u kala qaybiyeen dhulkeenii ilaaa shan qaybood iyagoo labo qeyb oo ka mid ah shantii qaybood siiyey Itoobiya iyo Kenya,laga bilaabo maalintaasi ilaa yowunaa hadaa waxaa uu loolan adagi u dhaxeeyey Soomaliya iyo cadowgeeda mu’aamaraadkuna waxa ay ahaayeen kuwa isdaba jooga.

Soomaaliya waxa ay ahayd inteysan burburin dowladda ugu firfircoon Geeska Africa hadaanan qaladanayn waxa ayna loolan adagi kala dhaxeeyeen Dowladaha darisk la ah kuwaasoo dhul iyo dadba ka haystay iyadoo Dowladihii soomaray Soomaaliya ay u arkaayeen in dhulkaasi iyo dadkaasi la soo ceshado wado kastaaba haloo maro, halka Dowladahaasina u arkaayeen Soomaaliyoo leh dowlad xoogan inay qatar galin karto jiritaankooda waxa ayna iyagoo iskaashanayo ku heshiiyeen in Soomaaliya kabteeda la gooyo waddo kastaaba haloo maro oo ay ugu horeeyaan kuwa dhabadhilifyo Soomaali ah.

Ka dib markii ay dhacday Dowladdii Soomaaliyeed waxaa Soomalidii la isigu dhiibay wax kasta oo wax lagu dilo si aysan dib danbe qatar u gelinin dariskeeda waxa ayna musiibadaasi socotaa ilaa maantadan aan joogno,dhowr jeer oo la isku dayey in Dowladi la dhisaana waxaa horistaagay kuwii shalay qeybta ka ahaa burburkii ku dhacay Dowladdii Soomaliyed iyagoo adeegsanayo kuwa damiirlaawayaal Soomaali ah waxaana tusaale u soo qaadan karaa Dowladdii C/qaasin Salaad Xasan oo in badan ka fiicaneyd kuwii iyada ka danbeeyey oo ay ku jirto midda hadda jirta ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Xasan.

Aniga waxaan aaminsanahay in Soomaliya marna aysan ka badbaadin shirqoolo iyo mu’aamaraadyo haday ahaan lahaayeen kuwa local iyo kuwa Caalami ahba,waxaana shirqooladaasi ka mid ah nidaamkan Faderalism-ka ee sanka geliska ah kaasoo ujeedadiisu tahay in aan la helin Dowlad Dhexe oo xoogan oo dadkuna ay isku dhex mashquulaan sida hadaba laga soo sheegayo Jubooyinka,wey jiraan kuwa Soomaali ah oo u arko Federalismka inuu xalinayo mashaakilka Soomaliya laakiin waxa aan dhihi karaa waa kuwa maangaab ah oo u adeegayo dano Shisheeyo ookiyaalah ay sitaana uu arko oo kaliya ah danaha qabiika.

Nidaamka Faderalismka ah waa nidaam aan ku habooneyn dad sida Soomaalida oo kale ah maxaa yeelay Soomaalidu waa hal qoys Af,Diin iyo Dhaqanba wadaago marka maba jirto sabab aan u qaadano Federalism hadaanan u adeegeynin Itoobiya iyo Kenya,Mida kale Federalsim ku dhisan hab qabiil xagee la geynayaa ma waxaa la rabaa in la waayo labo reer oo isu gudbo oo Hashii ka gudubta Baardheere ama Luuq ee gasho Baay iyo Bakool in aan laga dabatagin waayo ileen waa labo Dowlad Goboleed oo ku dhisan hab qabiil DaaroodLand iyo RaxaweynLand,mise waxaa la rabaa qofkii wax ku dilaa HawiyeLand ee u galo DaaroodLand in aan la soo qabinin,mise waxaa la rabaa in hadii Isaaqland ogalaado in Malaayiin Itoobiyaan ah ku noolaadaan IsaaqLand aysan ka hadli karin DaaroodLand iyo HawiyeLand,ma fahmin waxa loogu ordaayo nidaam aan dantaadu ku jirin.

Mida kale Systemka Dowladda hadda jirta lagu soo dhisay waa Ststemka 4.5 oo ah oo xaaraam ah waxa isaga kuxigaana waa Dowlad Gaboleedyo ku dhisan qabiil oo midkii Madax ka noqdaana doonayo inuu dabada la golo Itoobiya iyo Kenya hadaba sidee lagu helayaa Dowlad dhexe oo xoog leh oo loolan gali karta mustaqbalka,Aniga sida ay ila tahay waxa laga dhaxlayo nidaamka Faderalismka ee lagu judbeysan yahay hadda waa Dowlad Goboleedyo ku dhisan hab qabiil oo Berri isku dila dhul cidla iyo xoogaa kheyraad ah mid kastana waxoogaa Boolis ah intay sameysto Itoobiya iyo Kenyana dabada gashato gawda ka galiso kuwa kale bal fiiriya shaxda mustaqbalka Dowlad Goboleedyada ay ka koobmi doonto Dowladda Federaalka.

DaaroodLand + HawiyeLand + IsaaqLand + RaxaweybLand = Dowladda Federaalka

Ogaada Feralismku ma’aha mid ay u codeeyeen Dadweynaha Soomaliyeed ee waa mid ay ku heshiiyeen niman Siyaasiyiin ah marka inta laga helayo fursad ay dadku ugu codeeyaan nidaamka ay doonayaan waa in Baarlamaanku qaataa go’aano taariikhi ah oo Barri lagu xasuusto waxna ka badalaan Systemka lagu maamulayo wadanka waa haday wanaag nala doonayaan ,Gaba gabadii waxaan u soo jeedinayaa Hogaanka Wadanka hadii Dastuurku yahay Kitaabka Quraanka oo kale oo aan waxba laga badlo karin ahlan wasahlan, hadiise wax laga badali karo Dastuur baaskan fursaddii ugu fiicnayd waad haystaan ee Wadankan hala badbaadiyo ,mida kale Wadanka malahan Siyaasiyiinta oo kaliya waa in qeybaha kale ee Bulshada wax laga weydiiyaa mustaqbalka Wadanka.

Gunaanudkii waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Soomaliya inuu inta cabsida iska dhaafo uu Umadda ku hogaamiyo sidii loo heli lahaa Dowlad Dhexe oo xoog badan isagoo ka qeyb gelinayo hogaanka Wadanka dad damiirkoodu nool yahay oo jecel Soomaliyoo xoogan hormuudn u ah Geeska Africa.

Hadaydan ka hortagin Faderalism-kan waxaad ogaataan inaad qodoneysaan godkii la idinku aasi lahaa, Federaal xal uman ah dadkan xoolo dhaqatada ah oo waliba qabyaaladd ay dishay,kolay anigu bari baan ka ahay Federalism.

W/Q: Maxamed Ibraahim

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Xaqiiq & Caddeyn: Kismaayo, Daarood iyo Hawiye yaa dadka deegaanka ah?

$
0
0

Afeef:

  • Maqaalkan ujeedadiisu waa in wax la toosiyo oo wixii Soomaali halaagay (eex) laga koro
  • Inkasta oo Maqaalka lagu xusay Magacyo Qabiilada qaarkood haddana ma jirto qabiil la aflagaadeynayo ee ujeeddadu waxa weeye in qabiil walba xaqiisa la caddeeyo.
  • Maqaalkan qaybtiisa hore waa xisaabtan ka dhexeeye 2da beelood ee Hawiye iyo Daarood cidda Kismaayo xaqa u leh ee kama hadlayo 3da beelood ee kale ee iyaguna xaqa u leh Kismaayo.

Waxaa beryahan dhegaha Soomaalida wareeriyey arrinta maamul u sameynta Jubbooyinka taasoo ay hormuud ka ahayd beesha Daarood doodo bandanna laga qabtay, dadkii daawaday doodaha ama akhristay website-yada waxa si weyn uga muuqatay doodahaasi in beesha Daarood ay caro weyn muujineyso mar alle markii ay qabaa’ilka kale ka hadlaan Kismayo gaar ahaan beesha Hawiye oo ay marar badan ku tilmaameen beel boob iyo dhul ballaarsi wadato oo Magaalo (Kismaayo) uu Daarood leeyahay usoo hanqal taagaysa. Ogow beesha Hawiye uma diidana inay Beesha Daarood qayb libaax Kismaayo ka helaan ama talo ku yeeshaan ee beesha Daarood ayaa beesha Hawiye u diiddan inay qayb libaax ku yeelato Kismaayo. Maadaama hadda lakala saarayo Hawiye iyo Daarood cidda deegaanka u ah Kismaayo waxaa garsoore ah 3da beelood ee ah beesha 5aad, Digil-iyo-Mirifle iyo beesha Dir. Haddii maqaalkan waxa ku qoran ay igu raacaan 3da qabiil ee garsooraha ah (qof walbow adiga weydii 3daas beelood in waxa meesha ku qoran sax yihiin iyo in kale) waxaa soo bixi doonta in Daarood yahay hasha geela cunta ee cabaadda (isagoo gar daran uu dhib tirsansanayo), haddii ay igu khilaafaanna waxaa idiin caddaan toonta in Hawiye uu dulmi wado (dhul boob wado).

Maxaa igu dhaliyey maqaalkan?

Inta la socota arrimaha jubbooyinka waxaa dhegahooda ka batay “DADKA DEEGAANKA (DAAROOD) AH HADDII AY TASHANAYAAN MAXA KA GALAY INTA KALE (YACNI SOOMALIDA KALE)”, “DOWLADDA DASTUURKA AYEY KU TUMANAYSAA” “ARRIMAHA JUBBOOYINKA MAXAA KA GALAY XAMAR (YACNI HAWIYE)” “HELLO GAARISA, HELLO JIGJIGA, HELLO GAROWE (YACNI ALL DAAROOD ISU KAALAYA)” iwm. Waxaan arkay arrinti oo faraha ka sii baxaysa oo dowladdii iyo madaxweynihii dalka howlihii uu qaban lahaa ee ah in Soomaaliya ay dib caalamka ugu soo biirto looga mashquulinayo Kismayo, waxaan arkay siyaasiyiin PHD wata sida Dr. Cali Khalif Galaydh oo arrinta Kismayo ay kala weynaatay arrintii Khaatumo oo madaxweynaha ka eedeynayo telefishanada, waxan arkay in xiisado iyo dhiillo 20 sano ka hor dhexmaray 2da beelood ee walaalaha ah dib loo gocanayo, waxan arkay in jaaliyadihii didadda lagu kicinayo waa laydin dhacayaaye mudaaharaada, waxaa waajib noqotay marka, bal horta inta qalin iyo buug la qaato la isu deegaan (tuulo) tirsado si ay usoo baxdo cidda deegaanka ah.

Dadka deegaanka ee magaalo daggan waa kuwee?

Marar badan ayaa lagu dooday dadka deegaanka ayaa maamul sameysanaya haddaba dadka deegaanka ah ma dadka magaalada daggan ee saraha ku leh ayaa ah mise dadka dhulka baadiyaha ah ku xeeran daggan ayaa deegaan ah? Waxan muran ka taagneen in qofka baadiyaha daggan ama ha daganaado magaalada ama yuusan dagganaanine uu yahay qofka deegaanka dhabta ah, laakiin qof kasta oo magaalo daggan uusan magaaladaas deegaan u ahayn, tusaale Nairobi waa deegaan Kikuyo iyo Masaay laakiin qabaa’ilka Kenya oo dhan ayaa daggan, Soomaalida daggan Islii-na lagu tilmaami Karo inay yihiin dadka degaanka u ah Nairobi, waxaa marka lama huraan ah inaan bal si dhab ah u eegno dhulka baadiyaha ah ee ku xeeran magaalada Kismaayo oo aan tirinno tuulooyinka ay leeyihiin Hawiye iyo Daarood.

Tuulooyinka Hawiye

Tuulooyinka Gaaljecel (Hawiye) ee Jubbada Hoose ee ama kaligiis uu leeyahay ama qayb libaax ka yihiin waa kuwan:

1- Baarka, 2- Koban, 3-Kamsuuma, 4-Sanguuni, 5-Yoontooy, 6-Buulo Guduud,

7-Ganjaroon, 8-Kubbakibir, 9-Jannaay cabdalle, 10- Sacmoojo, 11-Galool yar yar, 12-Canjeel

13-Buurgaabo, 14-Raaskaambooni (degmo), 15-Ooddow, 16-Manaraani, 17- Ilig, 18-Warfele ,

19-Leheleey, 20-Beerxaani (degmo), 21-Geles, 22-Gumbis, 23-Dhexmar, 24-Kudhaa, 25-Istanbuul,

26- Unguuni.

Tuulooyinkaas oo dhan marka laga reebo 5ta tuulo ee ugu horreysa oo hoos taga degmada Jamaame iyo Raaskaambooni, 20-ka kale waxay hoos tagaan (laga xukumaa) Kismaayo

Cawr-Male (Gaaljecel iyo Dagoodiye ayuu la dhashay) tuulooyinkiisa waxay kala yihiin:

1-Cabdalla Biroole, 2-Buulo Xaaji iyo 3-Cusbo, dhammaan waxaa laga xukumaa Kismaayo

Shiikhaal (Hawiye) tuulooyinkooda Kismaayo hoos taga (laga xukumo) waa 1-Hoosingoow (degmo),

2- Dhasheeg Waamo, 3- Baqdaad

Abgaal iyo Murusade (Hawiye)

(dad badan ayey filan waa ku noqon dootaa in Abgaal iyo Murusade ay dagaan Jubbada Hoose) waxay dagaan tuulooyinka 1- Turdho, 2- Naftaahuur. Dhammaan Tuulooyinka Hawiye waa 34 tuulo (inta aan ogahay), 8 ma ogiye inta kale waxay hoostagaan Kismaayo

Tuulooyinka Daarood

Sida ay reer Waamo og yihiin ma jirto hal tuulo oo uu Daarood kaligii daggan yahay oo hoos tagta Kismaayo (soo baara walaalayaalow), ogaadeen ninka ugu sokeeya Kismaayo ee baadiyaha daggan wuxuu daggan yahay soona Afmadow oo 120km Kismaayo u jirta, tuulooyinkiisana halkan ayaan ku caddaynayaa

Absame (Daarood) tuulooyinkiisa jubbdada hoose waa kuwan:

1-Kulbiyow, 2-Badhaadhe, 3-diif, 4-Taabto, 5- Dhoobley, 6- Afmadow, 7- Xagar, 8-Bibi, 9-Qooqaani, Dhammaan waa 9 tuulo laakiin mid hoos timaadda oo laga xukumo magaalada Kismaayo kuma jirto, Sababtoo ah 2 ka mid ah ayuu Maxamed Siyaad Barre u magacaabay degmo waxayna kala yihiin: Afmadow iyo Badhaadhe marka 7da kale 2daas ayey hoostagaan

Majeerteen (Daarood) isagu magaalada Kismaayo ayuu daggan yahay tuulo uu gooni u deggan yahayna kuma taallo Jubbada Hoose, in yar oo kaluumaysato ayaa la deggan Axmed Adan oo Galljecel ah tuulooyinka Kudhaa iyo Istanbuul, kuwa yar oo lo’ gatay si ay deegaan u noqdaanna ayaa Cawr-male Buulo Xaaji la daggan, qabaa’ilka kale ee Daaroodka magaalada Kismaayo un bay deggan yihiin ee baadiyaha ma deggana. Ogow 7 tuulo ayuu hawiye ku leeyahay Jamaame (caasimaddii Jubbada hoose xilligii talyaaniga), Daaroodna isagu Jamaame tuulo kamaba daggana, haddii xaalku sidaas yahay, yaa Kismaayo deegaan u ah Hawiye iyo Daarood? Dadka Hawiyaha ah ee ilaa iyo 1992 xerada IFFO dagganse xaggey kaxoo qaxeen?

Uruka SAHAL

Qolyahan magaca qabiilka kula baxay SAHAL ee London jooga ee ku dooda Kismaayo waa magaalo Daarood, ee ku mudaaharaada madaxweynaha, ee ka hadla idaacadaha iyo telifishanada Soomaalida  waxan ka codsanayaa inay keenaan hal tuulo oo uu Absame (Ogaadeen iyo adeerkiis) leeyahay ama Majeerteen leeyahay oo laga xukumo Kismayo illeyn waxa la isku haysto waa Kismayo e, iska sheegona waxba tari meyso e, OGOW LA ISKUMA HAYO IN DAAROOD MAGAALADA KISMAAYO WAX KA DAGGAN YAHAY EE WAXAAN KA HADLAYAA TUULO KISMAAYO HOOS TAGTA.

Haddii aadan keeni Karin hal Tuulo oo ay SAHAL leedahay oo laga xukumo Kismaayo, haddaba magaalo ma lagu milkiyaa gudaheeda ayaan dagganahay dadka deegaanka ah ee aad sheegtaanse sidey degaan Kismaayo ku noqdeen haddaysanba hal tuulo ku lahayn Kismaayo? haddiise Hawiye uu 28 tuulo oo Kismaayo laga xukumo leeyahay maxay SAHAL u aflagaadeynayaan  nabadoon Maxamed Xasan Xaad (Odayaasha Hawiye)- oo qabiilkiisa (Hawiye) wax ka dagaan  Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe- haddii uu yiri waa in si caddaalad ah arrimaha Jubbooyinka loo qaybiyaa? Maxaase u diidaya in Hawiye in qayb libaax uu ka qaato talada Kismaayo,Yaase dulmiga wado?

Ururkan SAHAL dadka ku jira qof Kismaayo ku dhashay kuma jiro ama waa ku yar yahay, waxay inta badan ka yimaadeen Killil 5 iyo Puntland, waxay maqleen dhulka jubbooyinka ayey beeshiinu dagtaa mana is weydiinin yaa la daggan, waxa hal ku dhig u ah  labo erey; labadaas erey mid waxa weeye“ LABO GOBOL IYO WIXII KA BADAN HADDII AY IS RAACAAN DASTUURKA AYAA OGGOL, MADAXWEYNAHA DASTUURKA AYUU KHILAAFAYAA” waa yahaye haddii anigoo hawiye ah oo deegaan ka ah iyo qabaa’ilka kale ee iyaguna deegaanka ah aan isku darsanno JUBBADA HOOSE, JUBBADA DHEXE IYO SHABEELADA HOOSE Dastuurku muxuu ka qabaa, ma diidayaa ayey kula tahay? Haddiise Digil iyo Mirifle iyo qabaa’ilka kale ee deegaanka ay lix gobol sameeyaan, Dastuurku ma u diidayaa? Haddiise 3 maamul goboleed oo kala duwan oo qolo walba Dastuurku u oggol yahay aan hal aag ka wada dhisno sow dagaal sokeeye oo kale ma aha? Soomaaliyey ma garateen in SAHAL iyo inta ku fikir ahba aysan meesha waxba ku hayn? Halkudhiggode kale ee ay madaxweynaha ku duraan waxaa weeye inuu yiri “ BAYDHABO IYO BELEDWEYNE ISKU TASHADA (MAAMUL GOBOLEED) KISMAAYONA MA TASHAN KARTO!” horta aniga madaxweynaha afhayeen uma ihi oo isaga ayaa is difaacaya laakiin madaxweynaha ereyadaas sidaas uma dhihin, laakiin markii uu labadaas magaalo tegay dadkii wuxuu ku yiri heshiiya oo tashada, sababtoo ah Baydhabo waa magaalada 3aad, B/weynena waa magaalada 4aad ee ugu khilaafka iyo dagaalka badan Soomaaliya marka laga reebo Xamar iyo Kismaayo oo 1aad iyo 2aad ah, madaxweynaha kama hadleynin dowlad goboleed oo ma dhihin B/weyne iyo Jowhar ha dhisteen maamul goboleed, Baydhabo iyo Xudurna ha dhisteen maamul goboleed, ee waxay ahayd is khilaafka iyo dagaallada qabaa’ilka dhexdiinna joojiya, ladaas magaalona dhexdooda way heshiin waayeen sidaas ayey dowladda Federaalka guddoomiye gobol ugu magacawday mid walba(B/weyne iyo Baydhabo), haddii uu madaxweynuhu Kismaayo tago sidaas un buu u dhihi lahaa  “war reer Kismaayow heshiiya oo tashada”, haddii marka khilaafkii reer kismaayo uu taagan yahay maxaa u diidaya in dowladda federaalku soo faro geliso oo guddoomiye gobol u magacowdo sida B/weyne iyo Baydhabo?  Tan kale madaxweynaha qabiilka hoose ee uu ka dhashay ee Abgaal hal tuulo kama dagaan Hiiraan iyo Bay midna laakiin waxay dagaan Jubbada Hoose oo tuulooyinka Turdho iyo Naftaahuur iyo aagga Jamaame ayey deggan yhiin, marka meel ay Jufadiisa hoose waxba ka dagganeyn (B/weyne iyo Baydhab) muxuu uga hiilinayaa meel ay reer kiisa deggan yahiin oo ah Jubbada Hoose? Soomaaliyey ma garateen qodobka 2aad ee ay SAHAL iyo inta ku fikirka ah ku doodaan inuu yahay hal bacaad lagu lisay?

Ururka Raaskaambooni (taariikh)

Ururka Raaskaambooni wauxuu ka mid ahaa ururkii Al-Itixaad ee Luuq ay Itoobiya ku jebisay 90-aadkii, ururkii Al-Itixaad markuu jabay wixii reer Xamar ahaa Xamar ayey iska xaadiriyeen, wixii reer Puntland ahaana deegaankoodii ayey aadeen, waxii reer Gedo ahaan gobolka gedo ayey ku dhex milmeen, wixii ka soo jeeday Killilka 5aad- maadaama aysan aadi karin deegaankoodi- waxay isku soo shubeen Dhoobley oo dad reer Waamo ah oo ay heyb qabiil wadaagaan ay joogeen, ka bacdi Kenya ayaa ka war heshay oo u hanjabtay, ka dib waxay u hayaameen Raaskaambooni oo Gaaljecel iyo Baajuun dagganaayeen (warkan qof walbow xaqiiji) waxayna u sheegeen inay yihiin niman wadaaddo ah oo Itoobiya ay gumaadeyso, waa la soo dhaweeyey (Somalida way is ka jeceshahay dadka diinbaa wadnaa dhaho, reer Raaskaanboonina wey ku sirmeen ururka Xasan Turki sida ay hadda qabaa’il badan ugu sirmeen Al-Shabaab)sidaas ayey ururka Xasan Turki badda madow (dhulka jiqda ah) ku galeen magaca Raaskaamboonina ugu beddesheen magacii Al-itixaad, waqtiganna waa kuwaas Jubbooyinka ayaan deegaan u nahay dhahaya oo xitaa jufooyinkii ay ka soo jeedeen ee reer Waamo ayey afduub ku haystaan qabaa’ilka kale iska dhaafe.

Hadda Maxaa ka socda jubbooyinka

Horey waxaan ku soo sheegay in 9-kii tuulo ee Absame 2 ka mid ah (Afmadow iyo Badhaadhe) Siyaad Barre uu degmo uga dhigay, taasina ay tahay eexdii ay dowladdii Maxamed Siyaad gashay waayo 34 tuulo oo uu hawiye ka daggan yahay Jubbada hoose sidee mid degmo u qalanta looga waayey oo 9 tuulo oo uu Daarood dego 2 degmo looga helay, ma fahamtay sheekada? Shiikh shariif ayaa fahmay caddaalad darrada markaasuu 3 degmo oo kala ah 1-Beerxaani 2- Raaskaambooni iyo 3-Hoosingow degmooyin u magacaabay intii uusan shaqada ka tagin, hase yeeshee C/weli Gaas oo bil ka hor Bacaadweyn (Gaalkacyo) oo ay reerkiisu degaan degmo u magacaabay ayaa wuxuu ku doodayaa baarlamaanka iyo golaha wasiiradaba aysan ansixin degmooyinka uu Sh. Shariif magacaabay, waa su’aale ma kuwii siyaad barre magacaabay ayey baarlamaan iyo gole wasiirraba ansixiyeen?

Shirka maamul u sameynta Jubbooyinka ee la rabo in Kismaayo lagu dhoodhoobo waxa la yiri waxa wax lagu qaybsanayaa hab degmo taasoo degmadiiba ay qaadaneyso 27 xubnood, Absame -kaaga darane – tuuladii Xagar ahayd ayey degmo ka dhigteen iyadoo aan la ogeyn meel lagu magacaabay iyo cidda magacawday sidaasi ayey Jubbada Hoose oo kaliya ka filayaan inay ka helaan 81 xubnood oo ah 3 degmo oo min 27 xubnood ah oo waliba lagu sii daray wixii Kismaayo kaga soo aado, qiyaastii waa tiro 100 kor u dhaafaysa ogow waa 9-koodii tuulo! Majeerteen kismaayo kaliya ayuu 100 ergo ka helayaa asagoon hal tuulo ku lahayn deegaanka. Hawiye maxaa soo aadaya? 34-tiisii tuulo weli waa tuulooyin, sida ay SAHAL u leedahay Daarood ayaa majority ka ah Jubbada Hoose waxa weeye 3 degmo (Afmadow, Badhaadhe- kuwii Maxamed Siyaad iyo Xagar- Jeebkeenna) ayaa 9-kii tuulo ee daarood ka soo baxday Hawiyana hal degmo kuma laha (xataa kuwii Sh. Shariif) war bal adduunyadaan eega!

Haddaba wararkii Kismayo laga helay 21/2/2013 waxay sheegeen in qolyaha magaalada haysta ay soo jeediyeen in dadka loo qaybiyo Daarood iyo inta kale (ashaamud) lana qaybsado 500 xubnood oo ah ergada shirka ka qaybgeleysa, waxaana loo qoondeeyey waxan Daarood ahayn oo ah Hawiye, Dir, Beesha 5aad iyo Digil-Mirifle in la siiyo 113 xubnood oo ergada shirka ka tirsan, halka inta kale Daarood la siiyey! Qolyaha meesha haysta waxay leeyihiin waryaaya (Hawiye, Dir, Digil-Mirifle iyo Besha 5aad) qaata waxan annagu idiin qooneeyney, haddaad diidaane ciidanka Kenyatiga ayaan idinkugu yeereynaa fartaad taqaanaan akhriya,  Akhyaarey, haddii uu warkaasi sax yahay, Jubbooyinka xal ma ka soo socdaa?

Haddaba hawiye iyo qabaa’ilka kale siday rabaan in wax loo dhiso?

Hawiye iyo inta ku fekerka ah waxay rabaan in maamulka Jubbaland loo dhiso sidii Puntland iyo Somaliland loo dhisay. Waxan ognahay markii 2dan maamul la dhisayey, in deegaanada ay xukumayaan oo dhan ay xor ahaayeen oo ay ergadu uga imaan kartay siday doonto, ka ololeyn kartay, qabaa’illada talada isku darsadayna ay wada sinnaayeen oo uusan jirin qabiil ay dowlad kale hubaynayso oo u yeerinayo qabaa’ilada kale saamigooda, ka bacdina guurtidii ayaa isu timid si xalaal ah ayena maalin cad wax qaybsadeen iyadoo ay Kenya iyo Itoobiya faro gelinin, iyagoon caasimadahooda ku soo shirin sidaas ayey ahayd sidii Puntland iyo Somaliland lagu soo dhisay, Maxay inta badan Beesha Daarood ee aan walaalaha nahay ku diiddan tahay in maamulka Jubbaland loo dhiso sidii Puntland iyo Somaliland lagu soo dhisay? Maxay caasimadaha dowladaha deriska ah ugu shirayaan oo ay caasimaadda federaalka ah ee Sommaliya u diidan yihiin inay talada ku goostaan? Maxaa lala cararayaa? Maxay ugu qarwayaan IGADD oo ay qaranimada iyo madaxbannaanida Soomaliya ee dastuurka ku qoran u qilaafayaan? Sow timir laf kuma jirto?

Maxay Puntland uga duwan tahay Jubbooyinka?

Puntland waxaa daga hal qabiil oo la dhaho HARTI DAAROOD, markii la dhisayey arrintaas ayaa xisaabta lagu daray oo waad aragtaan in gobolka Mudug qaybo ka mid ah sida Hobyo, Xarar-dheere iyo koonfurta Gaalkacyo iyo tuulooyinka hoos taga midna kama tirsana Puntland, maxay sidaas u yeeleen? Waxaa u soo baxday dadkii Puntland dhisayey in magaalooyin iyo tuulooyin uu Hawiye daggan yahan aysan xukumi Karin haddii aan wax la isku darsanin marka hore, sidaasoo kale haddii Faarax Macallin uu leeyahay Kulbiyow Xamar lagama xukumayo Hawiyana ay leeyihiin dhulkeenna Jubbooyinka Xamar ayuu hoostagayaa, dhulkiina aan si sahlan loo kala jari Karin sida Mudug sow dagaal sokeeye oo kale ma aha? Sow dowladda ma aha inay arrinta soo dhexgasho oo ay ka hortagto? Maxaa dowladda looga cararayaa?

Dastuurka yaa Khilaafaya madaxweynaha iyo kooxda u ololeysa Jubbaland?

Dastuuska Soomaaliya QODOBKIISA KOOWAAD wuxu qorayaa Somaliya inay tahay QARAN MADAX BANNAAN oo taladeeda iyadu leh, haddaba qaran madax bannaan dalal kale maamul ma ka sameeyaan gudihiisa iyada uusan qaranku raalli ka ahayn ? Sow Dastuur ku tumasho ma aha? Qolyaha dhahaya Kenya iyo Itoobiya ayaa xaq u leh maamulka Jubbooyinka taladiisa inay wax ka gooyaan (Axmed Madoobe ayaa 28/02/2013 sheegay in IGAD ay shirka hal sano soo wadday!)  iyo qolada diiddan sida (madaxweynaha) yaa dastuurka ku xadgudbaya? Faarax Macallin-se ma ku dhacaa inuu dhaho Liboy Kenya Nairobi lagama xukummayo? Ma Gaarisa ayaa laga soo magacaabay ragga ,Immigration-ka Liboy?, Tan kale madaxweynaha mas’uuliyad ayaa ka saran dalka in aan dib danbe loo dagaallamin oo qabaa’ilku heshiiyaan, sida gobolada la isu raacinayo sow ma aha arrin keeni karta dagaal sokeeye? Haddii uu Axmed Maddobe maamul uu hadda Kismaayo ka dhiso oo uu dhaho ciidamada Kenya way sii joogayaan oo maamulka “deegaanka” ayaa rabo oo ay dowladda Soomaaliyana amarto in ciidanka Kenya lagu beddelo ciidan kale amaba ay Soomaaliya ka baxaan sow shiddo kale ma aha? Yaa damaanad qaadaya dadkii wafdigii dowladda federaalka ah soo celiyey Kismaayo inay dhahaan Kenya way sii joogeysaa sow waxa ay Kenya doonayso ma aha? Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Ra’isul baarlamaanka waa inaysan arrimaas aan kor ku soo sheegay fududeysan, maadaama ay yihiin rag aqoon yahan ah (Jubbooyinka aniga aragtidayda intay KENYA joogta maamul lagama dhisi karo).

Soomaalida ha is cafiso ilaaheyna ha ka baqdo oo waddanka yaan qas kale la gelinin gaar ahaan dadka lacagta ceyrta ah ka qaata Yurub iyo Kanada dhulkiinna ha gubina.

Waxaa Qoray: Abdi Osman   Adam2025@Gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Fallanqeyn: Sakaraad-ka Somaliland iyo Soo-Ifbaxa Soomaaliya

$
0
0

Gu’yaal labaatan iyo dheeraad ayay jirtaa Somaliland. Dadaal faro badan oo gudaha, dibadda iyo caalami ah ayay ku bixisay si ay u gaarto madax-banaani  buuxda iyadoo rabta inay ka go’do dalweynaha Soomaaliya. Dhagax kasta way rogtay si ay u gaarto  madaxbanaani iyo inay noqoto waddan waddamada Afrika ka mid ah sida Koofur Suudaan ama Eretriya. Nasiib-darro ama nasiib-wanaag, dadaal kaasi waxba ma dhalinin oo fikradda Soomaaliland oo xor ah way ka gadmi waysay caalamka iyo shacabka Soomaalida ah. Waxaa kaloo xusid mudan in Somaliland ay kala go’a la soo baxeen marar hore sida 1961 dii.

Dadaal kaasi wuxuu soo afjarmay ka dib markay Beesha Caalamka ku qanceen inay Somalia ahaato hal waddan oo aan kala go’i karin, balse la darsayo sababaha dhaliyay inay Reer Somaliland gaaraan heer ah inay ka baxaan midnimadii 1960 kii. Dhinaca kale, dad ka Somaliweyn mar kasta way u caddeed in ay suurta gal ahayn wax ka yar Somalia oo ah dhulkii madaxbannaanida ka qaatay Ingiriiska  iyo Talyaaniga 1960kii.  Marna Soomaali ma oggolayn inay kala go’do haddii laga reebo dad yar oo ku wareeggan Hargeisa, dad kaasoo xanaaq iyo dulmi loo geestay ka faro batay. Xataa waxaa hubaal ah Gobolka Awdal inuuna la qabin kala go’a Soomaaliya ka sokow Khaatumo-Maakhir.

Maxaa dhaliyay inay suurta gali wayso go’idda Somaliland? 

  • Beelaha Somaliland ma wada rabaan inay raacaan Somaliland balse badan kood ayaa raba inay Soomaaliya ka mid noqdaan. Awdal iyo Waqooyi Bari (Khaatumo-Maakhir) khasab kuma raacayaan Soomaaliland. Ugu dambaynta shacab ka Soomaaliyeed ma oggola kala go’a.
  • Somaliland uma suurta galayso inay dhaqaale ahaan lug teeda ku istaagto (Somaliland is not economically viable as state!).
  • Cabashada Soomaaliland wax baa laga qaban karaa haddii si xirfad leh loo dhiso Is-Maamulo xor ah oo xubin ka ah Federaalka Soomaaliya. Waxaa suurta gal ah inay Soomaaliland dulmi la’aan, cad keeda saxa ah qaadato iyo caddaalad wax ku hesho.
  • Beesha caalamka waxay raaceen fikradda uu qabo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.

Haddaba maxaa la habboon Somaliland?

Somaliland waa inay dhabta suurta-gal ka ah aragtaa oo ay samayso sida qeyb laxaad leh uga qaadan lahayd inay noqoto mid ka mid ah Is-Maamulada xubnaha Federaal ka ah noqon doono oo ay bilowdo la tashi dad keeda gudaha ah iyo Soomaaliya iyo gorgorton ay la galayso Dawladda Federaal ka Soomaaliya. Waxaa u suurta gali kara inay Is-Maamusho oo ay la harto arrimo badan sida is-maamul hoosaad oo leh baarlaman (sharci-dejin), Gole Fulin ah – oo uu madax u yahay Wasiirka Is-Maamulka Somaliland (oo aan ahayn waxa maamulada hadda jira ay sheegtaan sida Madaxweyne) iyo Judisari oo ah hannaan maxkamadeed oo kala sarreeyo. Waxaa si gooni ah ay u maamulan kartaa caafimaadka, waxbarashada, horumarinta, adeegga kale ee bulshada, is-xukunka oo ah awood qaybsi. Awooda qeyb ka mid ah waxaa leh Xamar, qeybna iyada ayaa leh. Sidoo kale waxaa la qeybsanayaa khayraad ka dabiiciga ah. Waxaa laga mid noqonayaa dhinaca lacagta, Ciidanka Xoogga Dalka iyo ka qeyb-galka Dawladda Dhexe 3deeda qeybood iyo wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jinsiyadda iyo muwaadin-nimada oo Soomaali ah.

Somaliland waa in dib loo qeexaa oo loo hindisaa!

Somaliland hadday ku sammaysantay la dagaalan dulmi, cabburin iyo xurriyad, ma loo oggolaan doonaa iyada inay mar keeda dulmiso dadayow kale sida Khaatumo iyo Maakhir. Dad ka Maakhir iyo Khaatumo way diiddan yihiin inay xukunto Soomaaliland sida Soomaaliland ay ka dagaalantay caddaalad darro, ixtiraam la’i iyo dulmi guud. Taas waxay keenaysaa inaan Soomaaliland lagu qeexo dad ka raba oo kali ah oo aan lagu qeexin Gobolkii ka xorroobay Ingiriiska 1960 gii. Waxaa cad inay ka soo baxayaan oo gooni u istaagayaan dad ka Reer Maakhir – Khaatumo! Waxaan haysana 3 dhibcood  oo taariikh ahaan loo tixraaci karo ama ah “Bench Mark”:

  • Gaalka intuuna kala qeybinin shacabka Soomaaliya, Soomaalida waxay ahayd dad beelo iyo qabaail u kala deggan oo barbarka isku haya; xeer iyo dhaqan raaca.
  • Somaliland Ingiriiska xukumayay (Somaliland waxay aaminsan tahay in dib loogu noqdo Bench mark gaan).
  • Burburkii oo loo kala jabay Qabaail iyo beelo.

Weli isku-darsan Soomaaliland iyo Soomaaliaya ma dhawa!

Waxaa hadda Dawladda Federalka ee Somalia waddaa sammaynta Is-Maamulada xubnaha ka noqon doono Federaalka Soomaaliya tirade iyo qaabka loo hagaajin doono. Sharciyeen ayaa ka horraysa wax kasta, komishanka xududaha Is-Maamulada ayaa la sammayn doonaa oo go’aan ka gaari doono tirade Is-Maamulada iyo xuduudahooda. Haddana waxaa xiga wada-tashi lala sammayn doono Is-Maamulada dad kooda iyo gorgorton siyaasadeed iyo aragti dhaqaale inay ku salaysan yihiin Is-Maamulada Lixda ama Toddobada ah ee soo bixi doono si ay u sammaysaan Federaalka Soomaaliaya.

Sida gorayadii madaxa bacaadka la gashay!

Runta lays kama qariyo. Dad yar ayaa ka dhaadhici la’ inay Soomaaliland ay kuftay dibna u soo noqonaynin iyadoo madax bannaan. Fikradda kala-go’a way suurta gali waysay. Soomaalida badan keed way arkaan oo ay aaminsan yihiin ina wadiiqada kaliya oo u harsan Soomaaliland inay tahay inay ku gorgortanto sida ay xubin Is-Maamul ah u noqon lahayd. Taas ayaa ah waddada dhabta ah oo ay horumar ku gaari karaan Somaliland. Haddii taas la waayo xanuunka ayay isku dheereenayaan – sakaraat kuna in badan ayuu u soconayaa. Dabcan sakaraatka waxaa xiga dhimashada fikradda Somaliland oo xor ka ah Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

Eng. Abdulkadir Abiikar Hussein; qaadir.abiikar@hotmail.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Haddaan la i dooran anna waa duulay

$
0
0

Haddii Abwaan Mustafe Shiikh Cilmi hore u yiri: “MADAXWEYNE MAR I DHAHA!” ayaan beri dhexdaa ah oo lagu waashay MADAXDOONNIMO, waxaan qoray qormo cinwaankeedu ahaa: “Anna Musharrax baan ahay!” oo aan ku qaadaadhigay sida aan ugu wada bukno MADAXNIMO. Anoo ku dhigay in dhacdaada muujinayso sida xalku nooga fog yahay.

Maanta mar kale baan ku soo laaban isla mawdiicii. Anoo meel kale ka eegaya, kuna soo qaadanaya wixii isbadalay maalintaa ilaa iminka. Anoo isla cinwaankii hore mid la xiriira soo qaadan doona, kuna xiraya sida wax ku dambeeyeen iyo intii noo been guurtay, ee aan maalintaaba ka digay,oo aan mar kale ku celin doono.

Sidii ay u soo dhawaatay xilligii doorashada, waxaa Magaalada Muqdisho ku soo batay rag lagu sheegay ama isku sheegay AQOON YAHANNO, aniguse aan HAL AQOON u baxshay, oo jaadad kala lahaa, sida PROF, DR, ENG, IWM, oo dhammaan ka wada yimid Waddanka dibaddiisa. Gaar ahaan wadamada Reer Galbeedka, sida: Maraykanka, UK, Canada, Australia iyo Scandinavianka.

Maalmo ka hor Magaalada Muqdisho meel aad cagto dhigto ma lahayn. Maantase sidaa ma ahan. Dad awalba kuma yarayn, haddaan laga qixine. Markan waxaa u dheeraa dad ujeedka ay u yimaadeen la ogaa, inta aan laga aqoonse ka sii badnayd.

Waxay ahayd markii u horraysay ee dalka ay ka dhacdo doorasho tan iyo markii KALI TALIYE Maxamed Siyaad Barre Jabhaduhu xoogga dalka uga saareen. inta kale wixii shirar dhacay mar walba meesha nalooga gacan haatiyo ayaan u hayaami jirnay. Haddaba, ajnabigu kama marnayn, la’aantiisba Xamar iyo Xalane laguma xuleen Xildhibaanno. Haddana, dhul shisheeye waa dhaantey.

Imaatinka Xamar dhadhan kalana waa lahaa, oo ABKOW QABQABLE oo dhan daaqadda ayuu ka baxay. Hadduusan ka bixinna awooddiisii waa wiiqantay. Kaliya ma ahane, xitaa WADAADADII WAALLIDA WADAY dacartoodii waa baqday oo gadmi waysay. Sidaa awgeed, gulufka waa loo dhammaa, oo meel walba ayaa la isaga yimid. Haddaba maxaa la doonayay?!

Waxaa Xamar soo buux dhaafshay AW QURBAJOOG oo dhan, magac walba ee uu lahaa ama yeelayn karay, Oo AQOON YAHAN ugu muhimsan yahay. Aniguse aan u baxshay HAL AQOON. Waxaa loo soo wada xaytay sidii MAANDEEQ qayb looga heli lahaa, qaar Ururro xalay dhalay ah ayey la soo shirtageen. Qaar kale, magac qabiil ayey Qaaroodka la soo xeragaleen. Qaar kale, xulufo xiran ayey ku soo xamaarteen. Qaarka kale, magacyo ay is dheheen waa gadmayaan ayse ku kadsoomeen ayey la yimaadeen. Ninba taagtii ama tolkii ama tabtii iga dheh. Dabcan, intaba tigaad ayaa tiir u ahayd.

Halaagga nagu dhacay, Tiiha aan ku jirno iyo tabar [habayd] la’aanta waxaa qayb ka ah inaannaan lahayn hoggaan nagu habboon ama noo hubban. Kkaliya ma ahane, waxaannaanba hayn AQOON YAHAN ARAGTI DHEER iyo ARAR wax nagu dhacsiiya.

Sida dhagaxa dadka loogu dilayo ayaa naga daacada. Mar magac qabiil, marna diin, oo labadaa wax aan ahayn ma jiraan miyaa? Hadday maya tahay waaba sida wax u socdaane, hadday haa tahay aawaye?.

Inta aanan waxqabad iyo waxgal u gudbin, waxaan jeclaan lahaa inaan wax yar ka iraahdo waxa aan uga jeeday HAL AQOON ama HAL YAQAAN. Dib u eegidda eraga waxaa igu dhaliyey inaysan jirin ama yartay qof ka turjumaya macnaha dhabta ah ee raga. Qof qoyskiisa ku ekaaday kama hadal, ee inta Soomaali dhex boodee, baan tilmaamayaa. Sidoo kale, weydiin  macnihiisa la i warsaday, ka dib markaan ku adeegsaday qormo cinwaankeedu ahaa: “Aqoon yahan Aragti ka arradan!”.

AFARREEY nin tiriyaa

ABWAAN kuma mutaystoo

HAL ABUURNA lama dhaho

CODKAR iyo AFTAHAN iyo

CURIYUU la Ehel yahay!

Maadaama eraga AQOON YAHAN yahay eray aad u dhumuc iyo mug weyn, tilmaamayana qof AQOON badan ama baaxad leh koobay. Sida eraga AFTAHAN, NABADDOON ama ABWAAN ay u tilmaamayaan sifooyin milga leh, oo aan qof walba loogu yeerin, sidaa oo kale ayaan dareemay in eraga AQOON YAHANNA aan qof walba aan la dhihin.

Taa kaliya ma ahane, madaama uu qofku waqti iyo wacaal ku baxshay waxbarasho, eraguna noqday eray hirgalay, ayaan isla eragii ka dhalaalshay eray aan ka fogayn macne iyo muunadba, si haddii eray kale loogu waco aan u dhalan DHIMAAL ka daran kan laga digiyey.

AQOON yahan la sheegiyo

INDHEER garad ma joogoo

Indhawaale maan arag

Astaamaha la qeexee

Aas-aaska laga dhigay

HAL YAQAAN iskiis iyo

HAL AQOON ha lagu daro!

Sidaa awgeed, ayaan ugu magac daray HAL AQOON ama HAL YAQAAN. Eraga hore, wuxuu tilmaamayaa in qofku wax yaqaan, balse, uusan gaarsiinayn  AQOON YAHAN. Kan xiga qudhuusu kama foga, wuxuu sheegayaa in qofku wax yaqaanno, balse, labada erayba adeegsigeedu waxay kaa dheeraynayaan in aadan  marna ku dhicin in aad qof ku tilmaamto wax uusan ahayn, adoon waxa uu yahay ka qaadayn.

Micnaha, sida HAL ABUUR walba aan ABWAAN loo dhihin, ayaan soo jeedin lahaa inaan HAL AQOON ama HAL YAQAAN kasta loo dhihin AQOON YAHAN. Aan sii jilciyee, waxaa ka dhexeeya labadan eray MACNE GUUD iyo mid GAAR, oo AQOON YAHAN walbaa waa HAL AQOON ama HAL YAQAAN balse, HAL AQOON ama HAL YAQAAN walbaa ma ahan AQOON YAHAN.

Aan u laabto maalmihii Xamare, inta aan xafladdan weyn la isugu imaan Waddanka gees ka gees iyo guud ahaan Geeska Afrikaba waxaa ku dhufatay abaar xun iyo biyo la’aan daran oon sannado badan la arag.

Gurmadkii iman lahaa iyo Gasiinka lagu deeqi lahaaba, waxaa hor sitaagay ALSHABAAB. Eray ahaan [Alshabaab] dadka caay buu la yahay, balse, wuxuu ka mid yahay erayada la dhalanrogay sida: JAALLE, MUDANE, XILDHIBAAN IQB. Cuntadii yarayd ee Caalamku keenayna MUSUQ kama marnayn.

Haddii aan xoolo jirin, deeqdiina la hor istaagay, ama la leexsaday, marka laga reebo dhawaqyada nuxuuska ah ee aan marna baahida dabooli karin marna aanba cidna dhagaysanayn, weydiinta ugu weyn baa ah, AQOON YAHANka Soomaaliyeed, ee Xamar la ciirciiraysay maalmo ka hor, xaggee jiray? Ma hadda ayaa god laga soo foogay, mise xabsi laga soo daayey? Saw ma ahayn in uu xilka saaran guto, ee kaga aaddan dadkaa dhibaataysan?.

Maahmaah baa dhahaysa: “Mayd waxaa ugu dambeeeyey kii la sii sidee!” Waxaan uga socdaa inta aqoon lagu tilmaamo ee maalmo hore u sharraxnaa xilka madaxtinimada, imisa ayey gaarayeen? Nin walba wuxuu baxshay Toban Kun oo Dollar! Xilliga ay lacagta bixinayeen ee ay doonayeen inay u tartamaan inay maamulaan Soomaaliya waxaa NAFAQA XUMO loogu dhimanayey Gobollada Soomaaliya qaar ka mid ah.

Haddaba, lacagta laga qaaday AQOON YAHAN BAASka isu gaynteeda imisa ayey noqon kartaa? Haddii la isu geeyo maxaa lagu qaban karaa? Horta lagaba qaadyee, xaggee ka baxday? Waa weydiimaha u baahan inaan is weydiino, ma ahan inay nooqdaan Erayada Prof, Ruugcaddaa, Waaya arag IWM.

Damiirka Walaaltinimo, midka Aadanenimo iyo midka Diimeed aan idin ku weydiiyee, LACAGTAA LAGU TARTAMAY miyeysan wax u qaban karin boqollaal Soomaali ah oo dhibaataysan? Saw ma dayactiri ama dhisi karto SCHOOL/DUGSI, JAAMACAD, ISBITAAL, XARUN AGOOMEED, DARYEEL WAAYEEL iwm?

Waxaa taa oo dhan ka sii muhimsan sanad ka hor waddanka waxaa ka dhacay abaaro xun, qof walbana og yahay. AQOON YAHANKAN BAAS ee iminka dhagaha nalooga dillaacshay, xaggee markaa jiray? Toban kaan Kun ma haysan miyaa? Yaa soo amaahiyey hadda?

Dunida dadka Bulshada saamaynta ku leh, wax muuqdo ayey u qabtaan, ee kuwaan waxa ay ku mudan yihiin in lagu doorto ee waa Jaamici aan ka ahayn bal ii sheega?!

Intaa kaliya ma ahan, inta aan doorashadu dhicin, waxaa dooddii ugu kulaylayd ka dhacday DASTUURKA, walina ka taagan tahay, maadaama aan go’aan laga wada qaadan. Odayaashii Dhaqanka iyo Culumo Awdiinka la maqal, diidmo iyo talo waxay ahaataba. Aqriste, adigu ma maqashay wax la yiraa AQOON YAHAN ee Muqdisho joogay oo wax ka yiri? Haddi anigu hal qof iyo laba qof kama hadlayo, sidoo kale qof walba oo aragtidiisa ku biirshay sixidda qodobbada qaldan ee ku jira Dastuurka kama hadlayo.

Meeshii laga rabay inay dadkii siiyaan Muxaadarooyin ku saabsan waxa qaldan iyo sida loo sixi karo, yaaba warkooda maqlay, aan ka ahayn marka ay doonayeen inayn xil u qaylshaan.

Dabcan waa la dhihi karaa, ammaanka ayaa adkaa, oo haddaa ma Waardiye la’aan ayey magaalada joogeen! Ma taa baa marmarsiye u noqonaysa? Anigu ma qabo.

Wixii hore u dhacay ee tagay, gaabis iyo guluf yari ku yimid, waanba ka gaabsaday. Sidaa awgeed, labadan tusaale, waxaan u soo qaatay inay wali qoyan yihiin, ayna muujinayaan fashalka jira qaradiisu inta uu la eg yahay. Waana midda cinwaanka aan uga dhigay sida uu yahay, si aan u muujiyo dhibka inuusan ahayn kaliya sida loo dhigo mar walba.

Dunida AQOON YAHANKU wanaag walba isagaa hal abuura. Dhankeena isagaa ugu dambeeya qof ogaada. Kaba darane, badanaa isagaaba dila oo duuga. Dunida AQOON YAHANKU isagaa dhaqdhaqaaq walba horkaca. Dhankeena isagaa igu dambeeya dhaqdhaqaaq billowda, hadduusan dhaqdhaqaaqa jira dabrin. Dunida AQOON YAHANKU isagaa farfiiqa qofka mudan hoggaaminta dalka, marka laga reebo nasiibka doorashada iyo cod bixinta dadweynaha. Dhankeena, isagaa farta isku fiiqa, inta lagu fiiqana wuxuu ka dhigaa falwadayaal fawdo ma ahane aan faa’iido lahayn!

Dhawaan waxaa laga dooday sidii Baarlamaanku u qaadan lahaa bil walba SHAN KUN oo DOLLAR, in kastoo marki dambe ay kala bar saxiixdeen.

Sida la wada og yahayna, Baarlamaanka waxaa ku jira dad lagu sheego AQOON YAHANNO. Aqriste, ma aragtay qof ka mid ah oo ka hadlay arrintaa? Hadal ma ahan, go’aan muuqda ka qaatay, ee waliba caddeeyey inuu ka soo horjeedo, ee ay tahay in laga hortago?.

Awalbaysan wax qabane, ma waxay kari waayeen inay eray uun wax ku sheegaan? Ma waxay kari waayeen inay dadka u sheegaan waxa jira iyo wax dhacaya? Ma waxay ka kari waayeen inay afka uun ka sheegaan sida arrimo badan oo isku miliqsan xal loogu heli karo? Allow adaa faxan.

Waxey Soomaalidu tiraahdaa: “DOQONEEY IL KU XUUBLEEY AF KU XUNBAALEEY!” Ama “ISHAAN MEEL DHEER WAX KA ARAGEEY DHAC!” Ma waxey saadaalin waayeen ama oddorosi waayeen waxa dhici karo ama doorashada iney ku guuleysan karaan iyo in kale?

Shirib ayaa ahaa:

Aadan Yabaal u soo aroor, Abaalna kuuma erganee!

Hadda waxay dhahayaan rag tashadaa na heley! Aqooneey xaal qaado.

Haddii madaxweyne la doortay, Wasiirkii koowaadna la soo magacaabay, maalintii xigtay, qaar baa diyaaradda sii saarnaa, anigu kuu magacaabi maayee, adba dib u xasuuso. Qaar kalana kama dambayn, haddii Wasiirradiiba laga dhigay Toban, nin walba ee isku qanciyey Wasiirrada ayaad soo galaysaa, wuu niyad jabay, haddii la xulayna waaga ayaa ku baryey. Way garan waayeen intuu gartay nin GEELLEEY ah oo CEEL u soo ARORAY, ee yiri: “GEED MAGAALIYO MAANYO HOOSTEED, MAAD UMA IMAAN, MAAD UMA IMAAN!

Daniba tiriye, hadda waxaa loo soo wada dhoof yahay qurbihii laga yimid, oo haddii ay beri dhexdaa ah ahayd, kontomeeyo wada sharraxan oo aan anigu qoray qormo ahayd: “Anna Musharrax baan ahay!” maanta waxaan joognaa: “Anna waan dhoofay” oo haddaa shalay maxay soo dooneen? Aan ka ahayn xil iyo xukun, oo aan marna looga jeedin in loogu daneeyo ummad iyo arlo.

Aqriste, saw xaalku ma ahan, meeshii hal abuurka ka yiri:

Sii hadoodilan

Soo hadoodilan

Harga maran sida

Habaarna u dheer!

Nin walba waxaa sugaya Tagisgii ama dukaankii uu soo dayacay. Illeen meesha magaca lagu yimid bug buu ahaaye, la yiri: “Lama huraan waa Cayska Jiilaal” marka intii madax doonka ahayd nin walba hawshii uu soo qabyeey ayaa sugaysa.

Hadday shalay soo dheefeen, hadday is sharraxeen, hadday waxba keeni weeyaan, waa rag caadadiisee, waxay maraysaa, inay mar kale sii dhoofaan, oo haddaa maalin walba dhoof miyaa lagu jirayaa iyo sii soco ama soo soco. Waxey ku habboonayd inay is ku sharaxaan magaca ah; “DHOOF YAQAAN” illeyn waa kii halqabsugu ahaa: “Ninba wuxuu bartoo berga show billaabayaa!Allow adaa faxan.

Inan yahaw Abaalkii

Uu dadkaagu kuu galay

Isku duubni lagu falay

ISKUULLADA dhammaan

Nin walboow iskaa iyo

U tar loogu dhax dhigay

Ku Abaabi ubadkoo

Aqoon biiri lagu waday.

 

Tarbiyadda ISLAAMKIYO

Asluubta iyo DHAQANKIYO

IJTIMAACA noloshiyo

EDUCATION Lagu barey.

 

Aaway Aayatiinkii

Ubaxii ay beereen

Araggana u roonaa

Anfacay ka sugayeen?

 

Adigaa irdheeyoo

Uubato danleey iyo

YEEY iyo ABEESIYO

ABRIS uga darraaday.

 

INKAAR qabe inaad tahay

Aan lagu aflixin abid

Iintaadu badan tahay

Agagaas inaad tahay

Ama aad ABOOR tahay

Igu diidi mayside

Umaddan maxaad tari

Ama maanta ugu taal
HAL AQOONNA ugu tahay?

Dhammaad. 

F.G: Mardhaw fisha qormo kale ku saabsan isla mawduuca oo aan doc kale ka joogsan doono. Dhanka kale, Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ka mid yihiin maanso dhawaan aan soo bandhigi doono. 

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Sideen usoo celin karnaa qiimihii laacagta Shilling Soomaaliga? (Q1)

$
0
0

Hordhac…

Xaaladda dhaqaale ee ay Soomaaliya maanta marayso daraateed, waxaan maqaalkan oga hadli doonaa dhowr qeybood oo dhamaantood ka hadi doona baaritaan ku aadan lacagta soomaaliya laga isticmaalo, asal ahaan, magic bixintii shilling soomaaliga, xilliyadii dhaqaalaha soomaaliya uu wanaagsanaa lacagteenu siday ahayd, sababihi keenay burburkii shilling soomaaliga, iyo siyaabaha ugu haboon ee lagu soo celin karo lacag qiima badan leh.

Qeybtan koobaad inteeda badan waxaan kusoo qaadan doonaa taariikh ahaan meesha uu kasoo jeedo Shiling soomaaliga, inkastoo ay badnaaayeen lacagaha laga isticmaali jiray waayadii hore soomaaliya hadana waxaan xooga saari doonaa shiling soomaaliga siduu ku imaaday iyo siyaabaha loo doorbiday intaba.

Sida taariikhdu sheegeeyso shilling Soomaaliga waxaa la bilaabay isticmaalkiisa kadib xornimadi 1960, laakiin Gumaystayaashii ka hor, waxaa Soomaaliya ka socon jirtey lacag loo yiqiin Maria Theresa Thaler. Lacagtaas waxaa loogu magacdaray boqoraddii Imbaradooriyadda Austria, Maria Theresa, oo iyadu lacagtaas soo saartay sanadkii 1741. (5) Ereyga  thaler waa meesha laga keenay magac lacageedka aduunka ugu caansan ee dollar.

Soomaaliya waxaa kala haystay dhowr dal sida Britain, Italy, iyo French oo dhanka Djibouti haystay , maadaama maqaalkani ku saabsanyahy shiling soomaaliga, waxaan soo qaadanaynaa gumaystayaashii Ingriiska(Britain) iyo Taliyaaniga (Italy) 

Gumaystihii Ingiriiska

Ingiriisku wuxuu Maxmiyadda Waqooyiga Soomaaliya (British Protectorate of Somalialnd) ku dhawaaqay sanadkii 1887. Waxaa ka horeeyey, heshiisyo uu Ingiriisku la galay Madax dhaqameedyo Soomaaliyeed qaarkood laga bilaabo sanadkii 1884.

Ingiriisku markuu qabsaday Gobollada waqooyi wuxuu u aqoonsaday Rubiyadda Hindiya lacagta keliya oo rasmi ahaan uga socon karta gobolladaas.  Wuxuu ku doortay Rubiyadda Hindiya waayo lacagtaasi horay ayey uga socon jirtey deegaanka.

Sandkii 1919 wuxuu Ingiriisku asaasay Hay’adda Lacagaha ee Bariga Afrika “East African Currency Boar” Hay’addu waxay u xilsaarnayd inay soo saarto shilinka Bariga Afrika “East African Shilling” oo lagu dabaqayo dalalka Kenya, Tanganika (Tanzania)  iyo Uganda, dalalkaasoo horey ugu isticmaali jirey Rubiyadda Hindiya. Sanadkii 1937 wuxuu maamulka Ingiriisku oggolaaday in Shilinka East Africa uu ka socon karo Gobollada Waqooyi. Ka dib, labada lacagadoodba  si rasmi ah ayey uga wada soconayeen deegaanka. Haseyeeshe, xisaabaadka dawladda waxaa lagu qorayey Rubiyadda Hindiya. Sidaas ayaana lagu soo gaaray 1940.

Gumaystihii taliyaaniga

Taliyaaniga wuxuu soomaaliya kusoo galay qaab ganacsi oo markii danbana isku badashay qaab gumaysi gar ahaan koofurta iyo bartamaha soomaaliya. Taliyaanigu siyaasadihiisa aad ayay u qasnaayeen marka loo fiiriyo dhanka gumaystihii ingriiska.

Siyaasadiisa dhanka lacagaha ma fadhinin oo markasta wuxuu badbadlaayay nooca lagacaha laga isticmaalo inta uu ka maamulo dalka iyo magacyadoodaba.

Sanadkii 1935 Dawladdii Talyaaniga waxay ku duushay oo qabsatay Itoobiya, waxayna ku dhawaaqday Afrikada Bari ee Talyaaniga (Africa Orientale Italiana) oo ka kooban Soomaaliyaa, Eritreea iyo Itoobiya.

Wuxuu saddexdaas dal u soo saaray lacag lire Taliyaani ah oo gaar ahaan dalalkaas loogu talagalay,  arintan waa tan keenaty (qabsashadii taliyaaniga ee Ethiopia) in ay xukuumada Ethiopia oo marka boqortooyo ahayd ay taariikhdeeda ka reebto 7 sano, taasoo ilaa hadda kaga danbayso caalamka intiisa kale.

Maxmiyadi Taliyaaniga

ka hor maxmiyaddi taliyaaniga Waxaa kaloo Soomaaliya oo idil ka socotay Rubiyadda Hindiya oo iyaduna dhinc soconeysey shilinka East Africa. Halkii Rubiyad waxay u dhigantay shilin iyo bar.

Markay taariikhdu ahayd 1950, waxaa soomaaliya la hirgaliyay maxmiyad taliyaani ah oo ay qaramada midoobay kor kala socoto “United Nations Trusteeship Administration” taliyaanigu maadaama uu dhanka maamulka madax ka ahaa una qaabilsanaa Qaramada midoobey 1950- 1960, Wuxuu asaasay Hay’adda Wareegga Lacagta ee Soomaaliya (Cassa Per La Circolazione Monetaria Della Somalia) oo u xil saaran soo saaridda lacagta “Somalo”, wuxuuna ka tixraacay habkii ay u shaqeeyneysay  Hay’addii “East African Currency Board”.

Wuxuu daabacay xaashi-lacageed u qaybsan min 100, 20, 10, 5, iyo 1 “Somalo”; iyo lacag cadadi ah oo min 1 “Somalo”, 50, 10, 5 iyo1 senti. Lacagta xaashida ahi waxay caan ku ahayd dabqaadka ku sawiran. Lacagta xashida ah ee halka shilin suuqa ma gelin. Sidoo kale halka senti oo loo bixiyey “dhururuq” isaguna ma dhaqangelin. Lacagtaasi waxay beddeshay lacagtii “East African Shilling” oo suuqa laga saaray. ilaa soomaaliya xornimadeeda ka qaadatay 1960 lacagtaas ayaa ka socotay.

Lasoco qeybta 2-aad oo,aan kusoo qaadi doono bilaabashadii Shiling Soomaaliga, sababihii looga doorbiday magaca “Shiling” magacyadi kale, iyo macnaha dirham iyo Dinar ay ku dhex leeyihin Dunida Muslimka.

About the Author: BSC in Economics from Mogadishu University 2008, Master in MBA Finance and Accounting from Islamic University in Uganda IUIU 2010.

Contacts

E-mail: zakydiin@hotmail.com

Skype: ahmedzaky101

Xigasho

  • Benjamin Powell, Ryan Ford, Alex Nowrasteh (November 30, 2006). “Somalia After State Collapse: Chaos or Improvement?”.
  • CIA World Factbook: Somalia (2003)”. Bartleby.com. Retrieved 2010-06-27.
  • Central Bank of Somalia – Monetary policy
  • CIA World Factbook: Somalia (1995)”. Permanent.access.gpo.gov.
  • Mohamed Dalmar Abdurahman’s article about Somali currency history on Wardheer.net

Been-abuurka Shabab & Aamuskayga

$
0
0

Ilaahay Qur’aanka ayuu kaga jawaabay dicaayadihii gaalada iyo munaafiqiintu islaamka ka sameeyeen iyo beenihii ay nabiga ka sheegeen. Sidoo kale nabigu axaadiistiisa ayuu kaga hadlay. Waxaa kale oo Qur’aanka iyo axaadiistu ka hadleen khaladaad ay muslimiintu galeen; waayo waxaas oo dhan waa xumaan ay waajib tahay in la reebo.

Haddaba aniga oo ka shidaal-qaadanaya Qur’aanka iyo xadiiska nabiga sida ay uga jawaabi jireen dicaayadaha iyo nabista cadowga waxaan qormadaan fikrad gaaban kaga bixinayaa qaar ka mid ah xeeladaha kooxda Alshabaab ay culumada iyo ducaadda uga joojiso shaqada ay diinta iyo ummadda u hayaan oo dicaayadda iyo been-abuurku kow ka yihiin, waxaana soo qaadaynaa afarta xeeladood ee ugu muuqaalka dheer, waana:

1. In marka hore Sheekha la marinhabaabiyo iyada oo loo adeegsanayo warar iyo warbixino farabadan oo dicaayad iyo been-abuur wada ah, kuwaas oo ay si is dabajoog ah ugu muujinayaan iyaga fiicnaantooda iyo khayrka ay qabteen, iyo kuwo ay ku soo bandhigayaan khayrdarada iyo sharka dadka kale ilaa wadaadka dadkii xumaa la wanaagsanaadaan, kuwii wanaagsanaana la xumaadaan.

Intaa waxaa u dheer in wadaadka ammaan iyo buunbuunin nafta lagaga qabto ilaa uu kala badbato, isla markaasna la weydiiyo su’aalo miinaysan oo dabinka lagu soo galinayo, ka dibna waxaa la gaarsiinayaa heer laga dhex hadlo oo uu noqdo makarafoon iyaga codadkooda gudbiya.

Way ila tahay in la garanayo rag badan oo magac ku lahaa diinta, bulshaduna u hanweynayd oo ugu dambayntii nimankaas u noqday la haystayaal sida shimbirta BABAGHAA wixii ay nimankaas sheegaan ka daba-dhaha, sacabkana ugu tuma xaq iyo xaqdaraba. Ragga noocaas ah waxay isugu dareen inay ka joojiyeen sheegista xaqii ay wadeen iyo difaacista baadilkii ay ka digi jireen; sidaa darteed kooxdaani waa tan ugu nasiibka daran.

2. Markii sheekhu diido marinhabaabintooda, uuna caddeeyo xaqa ay diidanyihiin ama uu buriyo baadilka ay doonayaan waxaa lagu furayaa dicaayad xoog leh oo been-abuur ah, taas oo marxalado maraysa, laguna celcelinayo, loona adeegsanayo habab iyo waddooyin kala duwan oo isku meel ku biyo-shubanaya ilaa aakhirka la soo gaaro heer ninkaas wixii laga sheegaba la rumaysto. Ujeeddada sheekha been-abuurka iyo dicaayadda looga samaynayo, loogana faafinayo waxaa weeye in kalsoonida bulshadu ku qabto la seejiyo; si aan cilmigiisa loo qaadan, xumaha uu ka digayana looga harin, khayrka uu sheegayana loo raacin.

3. Waxaa dhinac socda dicaayaddaas iyo been-abuurkaas hanjabaad iyo cagajuglayn joogto ah oo sheekha si toos ah iyo si dadbanba loo soo gaarsiinayo. Waxaa ka mid ah in loo soo diro: E-mail ama text massege ama telefoon loogu hanjabayo. Waxaa kale oo dhacda in dad saaxibadiis ama qaraabadiis ah loo soo marsiiyo hanjabaad shaati naseexo wadata oo ah xaalku waa xunyahay, nimankaana waa khatar ee iska aamus ama meesha isaga carar, maxaa adiga kaligaa ku waalaya!. Marmar kale sheekha gurigiisa ama goobta uu ka shaqeeyo ayaa rag ama gaari ku warwareegayaa; si loo cabsigaliyo oo uu u aamuso ama dalka uga cararao.

4. Kolka ay sheekha sumcadda ka dilaan waxaa u sahlan (sida ay iyaga la tahay) in ay dilaan oo lagu farxo ama ugu yaraan aan laga nixin. Mar walba ujeeddadii laga lahaa dilkiisa waa la gaaray, waxaase muhiim ah in la sii diyaariyo ciddii dilkiisa dusha laga saari lahaa, lana allifo sababta loo dilay. Marka sheekha la dilana nin walba oo kooxda ah meesha uu joogo ayuu ka faafinayaa been-abuurkaas; si sheekha dhiiggiisa looga fakado, shar kalena loogu adeegsado.

Xeeladahaan haddii la faahfaahiyo mid walba waxay u kala farcamaysaa laamo badan, waxaanse ku gaabsan doonaa labo tusaale oo qur ah ee waa inoo kulan dambe iyo qaybta labaad ee qormada.

Axmed C/samad
E-mail: alwaqaar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Xasan Shiikh, Saacid iyo Jawaari soo Fiiriya Xabsiga Dhexe

$
0
0

“Ma Ogidiin Miyaa in Shiikh Shariif laga adkaadey”

( Ha la yaabin waa Xaaladaha ka jira Xabsiyada )

Koox Wariyayaal ah oo Dhawaan Booqatey Xabsiga Dhex si ay u soo ogaadaan Nolosha Maxaabista halkaa ku jirta waxayna si gaar ah u Daneynayeen Xaalada Wariye Cabdicasiis Koronto oo dhawaan Maxakamada Racfaanka Ku Xukuntey Lix Bilood oo Xariga ah markii uu wareystey Haweeney Sheegatey in la Kufsadey wuxuuna Taliyihii Xabsiga si weyn u soo dhaweeyey Wariyayaashii ka dib waxaa uu u gudbiyey Xafiiskiisii waxaana Dhex martey Sheekadaan

Mid ka mid ah Wariyayaashii ayaa Taliyihii weydiiyey Taliye waxaan kaa rabnaa in Wariye Cabdicasiis Koronto aad geyso Qol ka wanaagsan midka hadda uu ku jiro ?. inta Qosley ayuu ku jawaabey”Qolka hadda uu ku jiro waa mid VIP ah “Markaasaa Wariye ka tirsan Wariyayaasha la soo boodey “Ma Qolkaas baa VIP ah oo ay ku jiraan 45 Qof “Taliyihii ayaa qaatey oo yiri” Soo fiiriya Qololka kale “markiiba waxay ku soo wareegeen Qololkii kale “ Markii ay soo dhameysteen Kormeerkii ayaa mid ka mid ah Wariyayaashii ku qayliyey “Taliye waan kuu Mahadcelineynaa maadaama Wariyaha aad keentey Qol VIP ah”

Wariye ka tirsan Wariyayaashiii Booqdey Xabsiga ayaa hadana Taliyihii weydiiyey oo yiri “Taliye CabdiCasiis ma siin karnaa Maro Kaneeco” ama Sansayeeri” Taliyihii ayaa ku jawaabey “ Cabdicasiis Qolka waxaa kula jira 45 Qof mid Maro Kaneeco haysta ma jiro waxaana sidaa u yeeley arrimo jira “Wariye kale ayaa weydiiyey “Taliye maxay tahay arimaha kale ee jiro “ markaasuu yiri “ ha iga hadal siin “ markaasuu ku celiyay Taliye noo sheeg arrimaha jira “inta qosley ayuu yiri “Xabsiga waxaa la dhisey Sannadkii 1910 kii waa Hal Qarni iyo Toban Sadex Sanno marka Sansayeeriga wuxuu u baahan yahay Musbaar marka meel looga muddo Darbiga Kore ma laha oo haddi siidaa loo taabo Darbiga waxaan ka Cabsi qabaa in uu soo Dumo oo waxyeelo kale uu keeno “ arrin kalena waa jirtaa haddi Maxaabiistaan helaan Masaabiir waxaa laga yaabaa in ay isku dilaan marka sidaa baan uga Mamnuucney wax Maro kaneeco ah.

45 Qof ee Qolka kula Jirta Wariye Cabdicasiis Koronto Waxaa ka Dhaxeeya Hal Musqul oo aan marnaba aan faaruqin weliba Maxaabiista kale waxay sheegeen in aysan u adkeysan Karin waxa ka soo baxay Suuliga , sidoo kale Maxaabiista aad bay uga Cabanayaan dhinaca Raashinka oo Subaxii waxaa la siiyaa qofkiiba laba Rooti ah oo aad u yar yar ,Qadada waa Bariis aad u liita oo adiga wax kaa raadinaya mararka kalena waxaa la siiyaa Soor , Habeenkiina Canbuulo ayaa loo kariyaa hase yeeshee taliyaha ayaa sheegey in intaa ay haatan helaan Maxaabiista ay ku soo helaan si aad dhib badan.

Maalinta Arbacada ayaa loo fasaxaa Dadka in ay booqdaan Maxaabiista hase yeeshee Qofkii loo keeno Xoogaa Dhigaal ah way adag tahay in keligi Cunno waayo waxaa Xabsiga ku jira dad aan lahayn qaraabo oo Muddo Xirnaa wixii maalinkaa loo keeno ayay Dhamaan Maxaabista Afka wada geliyaan waxaana Wariyayayashii Taliyaha uu kula Dardaarmey in Madaxda Dowladda Sida Madaxweynaha , Raiisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka ay gaarsiiyaan fariin ah in ay sida ugu dhaqsiyaba badan u soo eegaan Xabsiga dhexe haddii kale dhibaato mida Maxaabiista haysto mid ka weyn ayaa ka imaan doonto haddii aan wax laga qaban Dhismaha Duqoobey ee Xabsiga Dhexe.

Markii aan u soo baxney Xabsiga ayaA waxaa horey noo soo raacey Wiil Dhalinyaro ah wuxuuna noo sheegey arrin aan aad ula yaabney waxaana uu yiti “ Xabsigaan Dhexe waa i Dhunko oo I Qarso ee meel aan soo arkey ayaa ka daran “markaasaa Wariye kale waxaa uu yiri oo halkee ka daran “markaasuu ku jawaabey “Xabsiga Baarista Xisbiga ee Mdaxtooyada ku dhow “ oo Maxay ahaayeen waxa kaa yaabiyey “Markii Bil iyo Bar laga joogo Doorashiidii Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la I geeyey Xabsigaasi markaasaa Maxaabiistii I tiri “Xaalada ka waran “markaasaa iri “Sow ma ogidiin in Shiikh Shariif laga adkaadey “kuwaa la soo boodey oo yaa ka adkaadey “markaas baan iri” Nin la yiraahdo Xasan Shiikh “markii uu hadaladaaasi iga soo baxeen ayaa waxa Maxaabiistii u kala jabeen laba qaybood kuwa soo Dhawaayey in Xilka laga qaado Shiikh Shariif iyo kuwa ka soo horjeestey” markaas baan iri “ oo intaa miyeydaan Maqalin “waxay la soo Boodeen “ oo yaaba kuu ogol in aad Idaacad Dhageystey sidaan baa meeshaan Dhego Xiran ugu nahay ”

Ugu dambeyntii Maxaabiista ku jira Xabsiyadaas waxay isugu jiraan qaar aan la Xukuimin iyo kuwa la Xukumey marka la fiiriyo Dastuurka Dalka waxaa uu sheegeyaa in aan aan qofna la hayn karin 24 Saacadood ka badan marka inta badan Maxaabiista waxay u cabanayeen Dowladda Federaalka oo qaarkood Doonaya in ay helaan Xukun Cadaalad ah qaar kalena waxay Doonayaan in ay wax laga badelo sida ay hada yihiin Xabsiyada hada lagu hayo dadka sidoo kale Ciidamada Ilaalada Xabsiga ayaa iyana ka muuqtaa Daruufo Dhaqaale iyo mid Qalab kuwaas oo doonaya in ay Dowlada ka helaan Xaquuqdii ay ku lahaayeen weliba waxay doonayaan in Madaxda Dowlada soo Booqdaan .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Urur Beeleedka “SAHAL” waa kuma?, Yaase ka dambeeya? – Xog culus

$
0
0

Mar aan fogeyn waxaan warlaliska Allgalgaduud ka akhriyay War Saxaafadeed la yiri waxaa soo diyaariyay Ururka isku magacaabay SAHAL. Warsaxaafadeedkaas oo ay ugu hanjabayaan Madaxweynaha Dalkeena iyo Dawlada Soomaaliyeed.

Hanjabaadooda iyo ku halqabsiga dad iyo deegaano uusan matalin aanan aqoona SAHAL iyo cida wadata ayaa waxaa ka mid ahaa sida tan.

“8. Ugu danbayntii waxaan ka digaynaa in haddii madaxwayne Xasan Shiikh, iyo kooxdiisu aysan faraha kala bixin arimaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka, waxaan horseedi doonaa kacdoon ay beelaha degan gobolada Jubbooyinka, Puntland iyo Galgaduud ay kalsoonida kala noqdaan dawlada Fadaraalka ah taasoo loo aqoosan doono inay ku xadgudubtay dastuurkii fadaraaliga ahaa ee lagu soo doortay.”

Su’aalaha muhiimka ah ee in laga jawaabo mudan ayaa ah marka, waa ayo Ururkaan SAHAL oo sheeganaya awooda uusan laheyn iyo deegaanada uusan matalin, una hanjabaya Madaxweynaha iyo Dawlidiisa ay tamartooda, tayadooda iyo taageeradooduba caalamka saaqday? Yaa xubin ka ah Ururkaan nasiibka daran? Muxuu yahay hadafkiisu? Goormaase la aasaasay? Su’aalahaan jawaabohoodu waa kuwa aan rabo in aan halkaan kusoo koobo.

Xubnahaha Ku Midaysan Sahal

Ururkaan sahal wuxuu ka koobanyahay rag iyo dumar soomaaliyeed oo ku kala sugan dalalka; Yurub, Waqooyiga-Ameerika, Kenya, Itoobiya, iyo Soomaaliya. Waa inta aynu hada ka war hayno waxaana macquul ah in ay jiraan meelo kale oo ay joogaan.

Ururkaan waxaa la aasaasay markiisii ugu horreysay taariikhdu markay aheyd Oktoobar 11, 2013, waxayna aheyd sababta keentay in la unko caro ka dhalatay khilaaf soo kala dhexgalay masuuliyiinta kala ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasa Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha ismaamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole.

Muwaadiniin kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari aadna u taageera siyaasada Duq Faroole ayaa waxay Oktoobar, 7 2012 xiriir lasoo sameeyeen nin lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Daahir oo ku sugan London, England. Cabdirashiid iyo shaqsiyaad kale oo ku sugan magaalada London ayaa markaas xil iska saaray sidii ay u hirgalin lahaayeen qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo hanjabaad siyaasadeedkii uu Duq Faroole usoo jeediyey Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud. Ma hayno xog intaa dhaafsiisan oo ku saabsan hanjabaadu waxa ay aheyd iyo kalmadaha uu Faroole adeegsaday inkasta oo ay ficillada Ururka SAHAL muujinayaan, sawir fiicana ka bixinayaan guud ahaan waxa uu ahaa khilaafku iyo caradii xad-dhaafka aheyd ee ku kaliftay Duq Faroole in uu hanjabo.

Dadaalkii ay galeen Cabdirashiid iyo xulufadii uu la kulmay waxay sababtay in ay si Official ah ugu dhawaaqaan Ururka SAHAL oo saldhigiisa maldahan uu yahay London halka uu kiisa rasmigaana yahay Garoowe.

Lagasoo bilaabo kulankii Cabdirashiid iyo ragii kale ee qorshaha ku weheliyay ilaa maantay waxaa u suurto gashay inay isku keenaan dad aanaan tiradooda rasmiga ah haynin laakiin ay kamidyihiin shaqsiyaadka aan hoos ku tixi doono. In kastoo ay ururka kamidyihiin ayna kala joogaan caalamka, hadana xubnohoo dhan isku hadaf iyo mabda’ maahan laakiin shaqsi kastaahi dan gaar ah buu ugu jiraa ururka sida aan gadaal ku qeexi doonno.

Xubnaha Katirsan Ururka “SAHAL” (ee aan ilaayo hada magacyadooda hayno)

1, Cabdirashiid Daahir Maxamed. Waa shaqsiga si maldahan u matalaya Gudoomiyaha ururka SAHAL.(Dhagaxbuur)

2, Cabdullahi Cabdisalaan Ashkir (Garoon). Gudoomiye ku xigeenka jagada maldaha ee SAHAL. Xubintaan  Waa hawlkar haseyeeshee go’aamada ururka waxba kuma lahan. (Burgeesoole)

3, Cabdirashiid Maxamed Daahir. Sildilada isu haysa Puntland iyo Ururka SAHAL ahna Aas’aasaha Ururka SAHAL. (Garoowe)

lasoco; Xubnaha SAHAL badidoodu ma oga xiriirka u dhexeeya ururka SAHAL iyo ururkaHORSEED ee uu gudoomiyaha ka yahay Faroole.

4, Cabdibarre Yuusuf Jabriil. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya xubinna ka ah ururka SAHAL. (Bacaadweyn)

5, Professor Maxamuud Siyaad Togane. Xubin kamid ah ururka SAHAL. (Shalay: Kaaraan, Muqdisho, Maanta: Garoowe)

6, Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer). Gudoomiye ku xigeenka maamulka ku meelgaarkaa ee Kismaayo ahna xubin katirsan SAHAL. (Kismaayo)

7, Cabdinaasir Seeraar. Afhayeenka ururka Raaskanbooni, xubinna ka ah SAHAL. (Bu’aale)

8, Hebelkaa Godo-Godo. Maamulaha webka Shacabkamedia xubina ka ah SAHAL. (Bacaadweyn)

9, Cabdiraxmaan Maxamed Cali. Xildhibaan hore xubina ka ah SAHAL. Ninkaan waa acter/jilaa weyn aadna ugu takhasusay fidna abuurka. Gadaal baan ka qeexi doonaa waxa ay ka dheheen dadkii daraaseeyay oo uu kamid yahay nin lagu magacaabo, Cabdi Cabdullahi Cismaan. Cabdiraxmaan waa reer (Beledweyne)

10, Cabdiwahaab Xaaji Xuseen. Walaalka Raysal Wasaarihii hore, Cabdirisaaq. Cabdiwahaab wuxuu xubin aad u culus ka yahay ururka SAHAl. (Xaafuun)

11, Cabdirashiid Maxamed Xidig. Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Somaliya ahna xubin ka tirsan ururka SAHAL. (Gaarisa)

12, Xasan Cabdullahi Cumar. Maamulaha OgaalRadio xubina ka ah SAHAL. (Shilaabo)

URURKA AHDAAFTIISA IYO AFCAASHIISA.

Sidaan horayba u soo tilmaanay, Ururku waa urur laba wajiilaa oo aysan islaheyn muuqiisa iyo midabkiisa dhabta ah. Tusaale ahaan, wuxuu ku shaqeynayaa una adeegayaa hal siyaasad iyo hal qabiil isla mar ahaantaasna waxaa loo muujiyay mid ay sameysteen beelweynta degta degaanada Galgaduud, Bari, Sanaag, Galbeedka Mudug, Gedo, Jubada Dhexe, Sool, Gaarisa iyo Jigjiga.

Sidoo kale, Inkastoo loo muujinayo inay xaruntiisu tahay Ingiriiska laguna aas’aasay, hadana dhabtu waa in ay xaruntiisa rasmiga ah tahay Garoowe.

Waxay xubnaha SAHAL sidoo kale aad isugu jirabaan udoodida dhismaha Jubaland, laakiin xaqiiqda rasmiga ah ayaa ah in aysan dantooda iyo hadafkooda kama dambeystaahi midaas aheyn. Hadii uu Eebe idmo mawduucaan si gaar ah oga hadlaya baan qormooyinkeyga danbe ku soo bandhigi doona cadeymaha muujinaya in HADAFKA kama dambeystaa ee ururka SAHAL uusan aheyn dhimaha Jubaland.

Hadii aan markaan dhinaca afcaashooda    eegno, SAHAL wuxuu soo bandhigaa waxkasta oo iska horkeeni kara Dawlada iyo Shacabka. Wuxuu sawirro khaldan ka bixiyaa Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha isagoo aanan ku gaboodfaleyn inuu adeegsado Shacabka qaarka habfikirkoodu dabacsanyahay, aaladaha maqalka iyo muuqaalka, been abuurka,  jilida iyo matalaada, ku mashquulida ficillo dhalinaya ama bulshada u jiidaya hadafkooda ay higsanayaan oo aan anigu kusoo koobay, “Fashilinta Dawlada Iyadoon Wax kale loo aaba yeeleyn dariiq kastana loo marayo”

AFCAASHA AY HIRGALIYEEN ILAA iyo HADA.

Afcaasha ay hirgaliyeen ee uu ururka SAHAL ku higsanayo Fashilinta Dawlada Xasan Sh. Maxamuud waxaa kamid ah kuwan;

1, Kala geynta qabaaillada Soomaaliyeed.

• Dood muuqaal ah oo looga dan lahaa in qabaaillada Soomaaliyeed ee walaalahaa la isku diro oo dhex martay laba nin oo SAHAL ka wada titsan; Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo Cabdirashiid Daahir Axmed. Doodaann dhexdeeda Bulshada waxaa lagu barayaa waxa uu magaca SAHAL u taaganyahay. Waxaa kaloo la adeegsanayaa kalmado qabaailada lagu kicinayo sida; Wiilashii indhaha gudguduudnaa baan idiin soo diraynaa, iyo Utaangaa la isku arkayaa. Waxay u jilayaan sidii sheydaankii.

• Flim ay duubeen oo ay ugu magac dareen, “Xusuusta Xasuuqii 1991″  Dadka ugu badan ee xafladaan abaabulay waa isla dadkii xasuuqa ka qeybqaatay.

• Mudaharaadkii ka dhacay Mineapolis, Mn ee looga soo horjeeday Madaxweyne Xasan iyadoo la adeegsanayo magaca beelweynta ku dhaqan Jubaland, Mudug, Sool ,Bari iyo Galgaduud.

• Mudaharaadkii ka dhacay London ee lamidka ahaa kii Mineapolis oo Md Xasan loogasoo horjeeday.

• Xaflado hir ah oo lagu kala qabtay Yurub iyo Waqooyiga Ameerika iyadoo lagusoo darayo wixii dumar ah iyo wixii daacad ahoo idil, laguna muujmuujinayo waxa la isleeyahay gobolada iyo garaadadu waa ku kala caroon karaan. Xaflad kamid ah oo Seatle lagu qabtay waxaa la adeegsanayaa gabar ka tirsan SAHAL si ay oga jawaabto Hadalladii jilaaga Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Xildhibaankii hore ee hanjasbada beentaa ahaa. Taas kaliya maahan xaflado badan bay dumarka ka tirsan SAHAL kusoo celcelinayaan jawaabaha ceynkaan ah si reer tolka loo kiciyo loona abuuro jawi ah Anaga iyo Ayaga.

• Xaflad ay Kismaayo kusoo qabanqaabiyeen Yaasiin Raadeer iyo Cabdinaasir Seeraar oo haween kaliya ahaa Yaasiin Raadeerna u muujinayo bulshada in reer tolka weerar lagu yahay.

• Xaflad Garoowe ka dhacday oo la adeegsanayo Muwaadin Soomaaliyeed oo guri looga haysto Xamar. Waa ururka SAHAL waxa xafladaas soo abaabuulay una muujinaya arrinta inay Dadka Muqdisho oo dhan Ku haliilayaan haysashada maal xaaraan ah si looga aamin boxo kadibna ay ku gaaraan hadafkooda kala geynta.

Ilaa iyo intuu abuurmay ururka SAHAL waxay dunida ku faafiyeen ilaa 107 video oo kuli la isaga horkeenayo dawlada iyo dadkeeda, qabaaillada walaalahaa iyo siyaasiyiinta.

HADALO BEEN ABUUR iyo BOROBAGAANDO AH.

• “Madaxweynuhu Beledweyne  markuu tagayna wuxuu ku yiri Maamulkiina waad dhisan kartaan, Jubalandna wuxuu yiri dawladaa u dhisaysa” Waa beenabuur ay sameeyeen ururka SAHAL sida uu Madxweynuhuba cadeeyay.

• “Madaxweynahanu dalka inuu 1991 ku celiyuu rabaa”

• “Madaxweynuhu waa qabyaaladeyste”

• “Dawladu Federalkay kahor timid, Dastuurkey dhinac mareen”

• “Madaxweynuhu shaqadii Raysal Wasaaruhuu faraha kula jiraa”

• “Muqdisho ma qabiil kaliyaa iska leh?”

• “Baarlmaankii waa la afduubay”

• “Raysal Wasaaruhu Dibadaha ma aado, Ajnabiga lama shiro Xasan baa wixii oo dhan qaatay,” cajiib cajiib!

• “Madaxweynuhu dhuxusha Kismaayuu shaqo ka dhigtay, Cabdiqaasim buu la taliye ka dhigtay, Dam Jadiid baa wadanka haysata” Amakaag!

• Ku mashquulida wax kasheega Odayaasha beelaha dega Muqdisho iyo gobollada dhexe si looga hadliyo kadibna hadaladooda tusaale foolxun loo soo qaato.  Buunbuuninta halmar oo uu Odey Xaad la yiraahdo ku dhacay dabin qabyaaladeed iyo daboolida dib kasixidii hadaladaas.”

• Dalabka joogtada ah oo ku aadan in guryihii Xamar la isku celiyo iyadoon ujeedada rasmiga ah aheyn wax wanaajin.

Hadaladaan iyo kumannaan kale oo ujeedkoodu yahay in lagu kala dhambalo labada qabiil ee ugu waaweyn qabaaillada soomaaliya si qalalaase oga dhex abuurmo kadibna u fashilanto Dawlada Soomaaliyeed ee ay hogaaminayaan Madaxweyne Xasan iyo Raysalwasaare Saacid waa Been-abuur iyo Borobagaando ay sameysteen khaasna u leeyihiin ururka SAHAL.

Waxaa la hindisay isticmaalkooduna bilowday Oktoobar 6, 2012. Hadii aad rabtid in aad hadaladaan ka bogatid  kaliya dhageyso xubnaha SAHAL iyo raaciyadooda oo fiirso Videoskooda.

Websiteyada

Kaambeynkoodu waxay adeegsadaan website kasta oo ay fursad ku helaan si ay ugu faafiyaan waxa ay wataan.

Websiteka “Shacabkamedia” oo ay SAHAL si khaas ah u adeegsadaan ayaa tusaale u ah. Maalin dhexe webkaan wuxuu tallaabay xadka saxaafada kadib markuu u gudbay inuu faragalin khaas ah ku sameeyo qoysaska Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha, iyo Wasiirka warfaafinta Ciilmooge, kadibna waxaa eedeyay wariyayaal Professionals ah oo Radiomuqdisho iyo Allgalgaduud ka shaqeeya.

Waxay muujiyeen sida aadka u hooseysa ee uu shaqsiga webka maamulaahi (Hebelkaa Godo Godo) oga dhacsanyahay xeerka iyo xirfada saxaafada. Deetana waxaa dhiigu kacay xubin ka tirsan ururka SAHAL oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kadibna difaacay. Xildhibaanka lagu magacaabo Cabdibarre Yuusuf Jabriil xubina ka ah SAHAL wuxuu arrintaa ku dhaleeceeyay Dawlada asagoo dawlada weydiinaya inuu Radiomuqdisho yahay mid beeleed mise mid qaran. Su’aashiisu waxay ku salaysantahay qawaacida ururka SAHAL ee ah in wax waliba loo bedelo qabyaalad iyi “Anaga iyo Ayaga”.

Waxay Ururka SAHAL si khaas ah u dhaleeceeyeen iyagoo waliba ku beenabuuranaya Wasiirka warfaafinta Ciilmooge oo ay ururka SAHAL aad u daneeynayeen inuu kusoo biiro uguna hiiliyo ficilladooda khaldan ee ay xitaa isaga ku waxyeeleeyeen.

Hadii aad websiteyadooda fiiriso, waxaad arkaysaa iyagoo Wasiirka handadaya oo ku beenabuurana waxna ka sheegaya si ay u liidaan maadaama uu qaxarkooda ka doortay qaranka.

Hadaba, Intaani waa qeybyar oo kamid ah waxa ay yihiin ururka SAHAL. Insha’Allah halkaanaan ku joojinayaa qeybtan maadaama uu qoraalku naga dheeraaday.

Hadii uu Eebo idmo waxaan qeybaha dambe ku muujinayaa arrimahan

Dadka SAHAL ay shaqo galiso waa dad noocee ah? Halkeebay Madaxweynaha Kala qaadeen qoomku marka laga soo tago Hanjabaada Duq Faroole? Halkeebay Raysal Wasaaraha kala qaadeen? Ma jirtaa in inta badan Madaxweynaha la dhibaateeyo iyadoo Raysal-Wasaaraha lagu xumeynayo? Maxay ururka SAHAL ugu haliilayaan inay Dawlada Fashiliyaan? Yaa ururka ka mid ah oo lagu guurayaa/lagu Awr-kacsanayaa yaase ku awr-kacsanaya? Xubnaha Ururku ma wada ogyihiin waxa rasmiga ah ee ururku u dhisanyahay ama ku mashquulsanyahay? SAHAL maxaa ku kalifa had iyo goor inay gobollo iyo qabaaillo aysan matalin maxaabsadaan, kubeen-abuurtaan ama sheegtaan inay matalaan? Ururkaan Da’da yar ficillada uu sameeynayo dartood dad masaakiin ah dhibaato ma loogu geystay? Majiraan weeraro, iyo isku day dilmo oo been-abuur ah oo ay ururka SAHAL noo agaazimeen, noo jileen, kadibna noo soo wariyeen oo Muqdisho ka dhacay? Iyo Qaar Kaloo Badan.

Wabilaahi towfiiq

Fiiro Gaar ah; Magaalooyinka aan xubnaha SAHAL ku lamaaninay kama turjumayaan meelaha ay ku noolyihiin hada ama ku dhasheen. Waxaan kala jeednaa oo kaliya in aan ku muujino halkay dhalasho ahaan kasoo jeedaan. Mahadsanidiin!

W/Q: Cabdinaasir C. Hangash. (Haad)
luqyare@yahoo.com - Caabudwaaq, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

KASHIFAAD: Urur Beeleedka “SAHAL” waa kuma!? – Ujeedada iyo been abuurka laga leeyahay | Qeybti 2aad

$
0
0

Qaraabo, waxaan qormadeydii hore gudeheeda idinkugu ballan qaaday in aan idiin soo gudbin doono arrimo badan oo ku saabsan ururka SAHAL. Hadaadan Aqrisan Qeybtii Koowaad, Halkaan ka Aqriso.

Arrimahaas waxaa kamid ahaa Been-Abuurro lagu faafiyay dunida oo idil iyadoo ujeedooyinka laga lahaana ay ugu horreyso, “Kala geynta qabaaillada Soomaaliyeed hadey ahaan laheyd, heer shaqsi, (Siyaasiyiinta), heer qoys, heer qabiil iyo heer qaranba, si bulshadoo qaliban looga horkeeno Dawladooda Soomaaliyeed kadibna loo fashiliyo Nidaamka wanaagsan ee ay hogaanka u hayaan, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Mudane Saacid Faarax Shiirdoon.”

Hadaba mid kamid ah arrimahaan ballan qaadnay ee aan rabno in aan halkaan ku soo gudbinaynaahi waa Been-Abuur ku saabsan xildhibaan ka badbaaday dil isku day ah oo loogu geysan rabay Hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho. Waxaan tilmaami doonnaa waxa uu ku saabsanyahay been-abuurkaas, Ujeedka laga lahaa, iyo dadka ka qeyb-qaatay ee aan ilaa iyo hada ka xusi karno.

BEEN-ABUURRADA AY CURIYEEN “URURKA SAHAL”

Aamusnaan siyaasadeed oo ay Dawladu kaga gaabsatay ka hadalka gobollada Jubooyinka iyo la moogeysiga maamul qabyo ah oo la sheegay inuu ka jiro magaalada Kismaayo, iyo tu kaloo aamusnaanta dawlada wehelisay oo ah Shirar iyo wadatashiyo ka socday gobolka Gedo, ayaa abuuray kalsooni-darro soo wajahday hogaanka sare ee Jabhada Raaskambooni iyo Ururka SAHAL. Ururka SAHAL sidaan horeyba u sheegnay waxaa loo aas’aasay difaacida dano gaar ahiyo dibindaabyaynta dalkeenna iyo dadkeenna.

Kalsooni-darrida Kambooni iyo SAHAK waxay aheyd mid ku wajahan xiriirrada diblamaasi ee dhex mari kara masuuliyiinta Dawlada iyo qaar kamid ah masuuliyiin kasoo jeeda gobollada Jubooyinka, khaasatan Gedo oo uu maqnaanshahoodu kurbo weyn ku hayay Kanbooni iyo SaHaL. Afar kamid ah masuuliyiinta Gedo waxay Kanbooni kuwaafaqsanyeen/yihiin yagleelida Maamul aan udbo ad’adag ku taagneyn oo ka hirgala Jubooyinka, kuna saleysan degdegsiinyo iyo duudsi ka dhan ah Dadka, Dalka, iyo Dawlada Soomliyeed.

Si ay markaas oga hortagaan isfaham dhexmara Dawlada Soomaaliyeed iyo Masuuliyiinta faro-kutiriska ah ee ay isku aragtida yihiin Jabhada Kanbooni, ee kala ah Maxamed Maxamuud Yuusuf (Awlibaax), Cali Madoobe iyo Cabdullaahi Fartaag, ayaa ururka SAHAL waxay istuseen in ay adeegsadaan waxoodii xilka lahaa, (Been-Abuur).

Iyagoo arrinkaas ka duulaya ayaa hadaba waxaa magaalada London Shir qarsoodi ah (Waa siday u arkayeene) ku qabsaday Xubnaha ugu firfircoon ururka SAHAL oo uu kamid yahay nin lagu magacaabo, Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuubsireed). Xuseen wuxuu ahaan jiray Lataliyihii Madaxweynihii hore Allaha u naxaariistee, Cabdullahi Yuusuf Axmed. Xuseen sidoo kale waa Maamulaha shabakada Allidamaale oo lafdhabar u ah ururka SAHAL.

Xog kamid ah xogaha aan helnay waxay tilmaameysaa in uu Xuseen oga qeybgalay “Faqqaas” qaab Teleefon. Waxaa dhici karta in uu telefoonka la sheegayaahi yahay mid ay xog kale tilmaamayso oo sheegaya in ay shirkaasi xaga taleefonka kaga soo qaybgaleen xubno ku sugan Kenya iyo Soomaaliya. Shirkaas waxaa sidoo kale ku tolnaa kuwa kale oo ku qabsoomay Brimingham iyo Leicester, England iyo Oslo, Norway.

Kulankaas kadib waxaa ay ururka hagardaamada Soomaaliyeed (SAHAL) soo saareen islana meeldhigeen qodobo aanaan si buuxda u helin ilaayo hada aanse wali ku mashquulsannahay faagidooda. Raad rasmi ah oo ay ka muuqato in uusan ku dhamaaneyn meel kheyr qabta ayaa muujinaya been-abuurro isdabajoog ah oo ay curiyeen ururka SAHAL, soo bandhigistiisana ay ka qeybqaateen xubno katirsan Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya, Jabhada Raaskambooni, Shabakadaha Soomaaliyeed qaarkood, shaqsiyaad ka tirsan ciidamada Dawlada, iyo shacab fara badan oo warmoogayaal ah isuguna jira odayaal, dhalinyaro, iyo haweenba.

Hadaba inagoo tixgalinayna nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed kana feejigan xasaradaha ay abuuri karaan gudbinta xogaha qaarkooda foolfoosha xun oo ay kamid yihiin muwaadiniin dil loogu geystay magaalada Kismaayo, ayaan waxaan ku gaabsanaynaa soo bandhigida dhowr been-abuur oo uu kamidyahay midka ujeedkeennu yahay in aan halkaan idinkugu soo gudbino.

Dhowrka Been-abuur ee aan hayno ee ay curiyeen ururka SAHAL waxaa kamid ah:

  • U muujinta in ay Dawladu (Xasan iyo Saacid) carqalad ku tahay Nidaam ka hirgala Jubooyinka, ayna xaqooda qarinayso duullaana ku tahay Beelo khaas ah. (Been-abuur)

dareen

Diyaarad ay sheegeen in ay Muqdisho ka duuli laheyd oo ay Dawladu hor istaagtay si loo xannibo ergo ka imaan laheyd Gobolka Gedo oo ka qeybgali laheyd “Shirka” Jubooyinka. (Been-abuur). (meelo kale, Saacid baa xanibay bay dheheen.) Raadi.

dareen 2

 

XILDHIBAAN XIDIG OO DIL KA BADBAADAY” (Been-abuur)

Taariikhdu markay aheyd 24-2-2013, waxaa Shabakadaha sida khaaska ah ugu adeega ururka SAHAL kusoo baxay war been-abuur ah oo sheegaya in xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu ka badbaaday isku day Dil ah oo la rabay in lagu khaarajiyo, Kaw looga siiyo “Xildhibaanka Soomaaliyeed”. Sida ay u dhigeen/alifeen madaxyo-weynta Sahal, Xildhibaanka khaarajintiisa waxaa laga soo abaabulay Villa-Somalia waxaana iska kaashaday masuuliyiinta dawlada iyo Hawlwadeennada Radiomuqdisho, kadib markuu Xildhibaanku “Cadeeyay” in Dagaalkii ka dhacay Kismaayo (23-2-2013) uu ahaa mid ay soo abaabuleen masuuliyiin ku sugan Villa-Somalia.

Marka loo fiiriyo Maqaal uu la laabtay allidamaale, habka ay wax u dheceen, iyo jawiga guud ee dagaalkaas, waxaa muuqanaya sawir humaagtiisa leh oo kuu birbirinaya in dagaalkaas uu fikir ahaan oga jiray London, England kahor intuusan ficil ahaan oga dhicin Kismaayo, Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in been-abuurka dilka Xildhibaanka ku saabsan uu ku soo baxay shabakadaha qaarkood taariikhdu markay aheyd, 24-2-2013 halka uu qaarkalana kusoo baxay 25-2-2013. Qormadaas been-abuurka ah oo aan filayo inay kasoo farcantay WaXsidaha Allidamaale.com ayaa ah mid farriinteeda lagu jaangoynayay hadba bulshada lala beegsanayo. Tusaale ahaan, warka loogu talogalay bulshada ku dhaqan Waqooyi-Bari, Somaliya wuu ka gedisanyahay kan loogu talogalay Jubada-dhexe iyadoo isla mar ahaantaasna warku xambaarsanyahay hal farriin.

Fadlan akhri kadibna isbarbar dhig labadaan qormo ee isku midka ah hadana kala duwan. Waa warka Been-abuurka ah ee kasoo fulay ururka SAHAL.  (Haku sirmin magaca “Cali Yare” ee la adeegsaday)

  • http://bit.ly/YPvcxC – Waamonews
  • http://bit.ly/12xBuKD – Puntlandi

Commentska ma eegtay? Ma ku dhex aragtay Sahal oo farriintooda si fasiix ah u gudbinaya?

Fadlan markale isbarbardhig labadaan akhris oo ay midna baahisay mid kamid ah shabakadaha SAHAL, miduna ku saxiixanyahay magaca ururka SAHAL.

Labaduba waxay kasoo fuleen ururka SAHAL waxaana saaran isku hal laxan;

(1) “”Halkii ayay ilaalada ku fashiliyeen weerarkii qorsheysnaa ee lagu qaarijini rabay xildhibaan Cabdirashiid Xidig, kaasoo laga soo maleegay Madaxtooyada. Cabdirashiid Xidig waa mudane hadala cad cad isla Markaasina aan ka gabanin waxa uu xaqa u leeyahay iyo dulmiga lagu hayo deegaanada laga soo doortay ee Mudanaha u yahay. Waa xildhibaanka keliya ee gobalada Jubboynka ugu jiro dowlada Federaalka ee ka dhiidhiya had iyo jeer qaladaadka lagula kacayo deegaanada uu matalo, waana tan lagu maagay oo weerarka loogu qaaday.”"

(Warkaan waxaa la laabtay shabakada kismaayood.com). Way dhici kartaa inuu aniga iga qarsoomay, laakiin nasiibwanaag waxaan ka hayaa koobi hadii loo baahdo.

(2) “”4. Waxaan si adag u cambaaraynaa isku daygii dilkii la rabay in magaalada Muqdishu loogu gaysto Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah xildhibaanadda Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed kuwooda uga kartida, daacadnimada, iyo xilkasnimada badan. Waxaan u aragnaa in isku dayga dilka Xildhibaan Cabdirashiid Xidig uu yahay mid loogu dan lahaa in lagu carqaladeeyo maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka isla markaasna lwaxaa la aaminsan yahay inuu ahaa mid ay soo abaabuleen siyaasiinta xafiiska madaxyanaha ee Villa Sooomaaliya;”"

Dheeri: 

Arag Laxanka ay ururka SAHAL noo saareen ama ku lamaaniyeen Hab-dhaqanka Madaxweynaha Dalkeenna si ay u kharibaan Hab-fahankeenna ku aadan Madaxweeynaha. Akhri,

http://kismaayonews.com/2012/11/08/warsaxaafadeedururka-sahal-oo-dawladda-cambaareeyey/

Sahal oo carcartiisa qaba. Akhri;
Waxaa lasoo daabacay, 31 Oktoober, 2012.

Xildhibaanka magiciisa qardeeyay una hibeeyay ururka Sahal inay u adeegsadaan falalkooda sirgaxan ee gaboodfalka ku ah Qoyska iyo Qaranka Soomaaliyeed, waxaa  lagu magacaabaa Cabdirashiid Maxamed Xidig. Xidig waa xubin ka tirsan ururka SAHAL wuxuuna magaalada muqdisho ka dhoofay (24 ama 25)-2-2013 si ay isaga iyo dhowr Xildhibaan oo kale oga qeybgalaan xujana ugu noqdaan shir loo qoondeeyay inuu (28-2-2013) ka dhoco magaalada Kismaayo.

Shirkaas oo ay Jabhada Kanbooni iyo ururka SAHAL ugu talogaleen in ay boobsiiyaan arrimo aanaan garan awgood, ayaa ku soo gabogaboobay fashil  kadib markii ay Xidig, Shuuriye iyo Xildhibaano kale buuxin kari waayeen booskii Dawladnimo ee ay ururka SAHAL ugu talogaleen in ay ku gufeeyaan si uu “shirku” u noqdo mid ansax ah.

Ma hayno ilaayo hada wax war ah oo kasoo baxay Been-abuurkan ay ururka Sahal ugu talo galeen inay ku khaldaan mujtamaca Soomaaliyeed si ay ugu gaaraan danahooda qaloocan ee ah kala qoqobida qoyska Soomaaliyeed iyo abuurida qalalaaso markale curyaamiya Qowmiyadeena iyo Qarankeenaba.

Fikradaha kama dambeysta ah ee madaxeyga dhex hulaaqaya ayaa ku meeraysanaya in been-abuurkan waxyaabaha looga danlahaa ay sidoo kale kamid yihiin, iswaafajinta “hanjabaad” la sheegay inay kasoo yeertay beel soomaaliyeed oo nin looga dilay magaalada Kismaayo iyo ka hayaanka Muqdisho ee Xildhibaanada qaar, iyadoo loo muujinayo in aysan Muqdisho aheyn meel la isku haleyn karo, isla markaasna loogu raadgadayo Xildhibaanadii rabay inay ka qayb galaan shir ku sheegii Kismaayo.

Inagoon cidna tazkiyeyneyn, hadana u sawirida Muqdisho inay tahay meel harka cad la isqalanayo isla markaasna loo muujinayo in la beegsanayo beelweynta ku dhaqan Jubooyinka, Khaatumo, Galgaduud, Mudug iyo Waqooyi-bari, waa arrin looga dan leeyahay in looga hortago isdhexgalka iyo isfahamka bulshadeenna Soomaaliyeed. Waxay arrintani si toos ah u nuurinaysaa hadaf kamid ah ahdaafta SAHAL ee ah, “Kala fashkixinta Qoowmiyadeena Soomaaliyeed.”

SAHAL VS MASHALAAYE.

Mashalaaye waa muwaadin soomaaliyeed oo malaha naaneys ahaan u qaatay magacaan. Mashalaaye wuxuu akhriyay war ay soo daabacday shabakada allgedo,com, waa war iska caadi ah sida aad hoos ka akhrin doonto.  Qaybta commentiga/Oraahda ee isla webka waxaa ku qoran warbixin kale oo aan haba yaraatee wax xiriir ah la laheyn mawduuca uu webku soo bandhigay.

Warbixintaasu (Waa mida meesha commentiga ku qorane) waa isla warbixinta aan kor ku xusnay ee ay Faabrikeeyeen ururka SAHAL ee tilmaamaysa in uu Xildhibaan Xidig dil ka badbaaday.

Sida qoraalkiisa ka muuqata, Mashalaaye wuxuu ku wareeray ujeedka ay warbixinta danbe xambaarsantahay iyo waxa ay ka walax tahay. Wuxuu si ay caro ka muuqato isu weydiinayaa waxa lagala jeedo iyo waxa iska quseeya labada warbixinood, wuxuuna kamadbeystii ku dhacayaa xadgudub ka dhan ah muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed.

Waakan Mashalaaye oo dareenkiisa si caro leh u cabiraya. Akhri meesha commentiga (Ha ku sirmin magaca “Cabdiraxman Kismaayo”).

http://www.allgedo.com/2013/02/25/ciidamada-amisom-iyo-kuwa-dowlada-oo-la-wareegay-deegaano-ka-tirsan-gobolka-bay-2/

Ujeedka ay ururka SAHAL ka leeyihiin warkaan Been-abuurka ah ee ay daaqada oga soo dusinayaan bulshada ay filayaan amaba qiyaasayaan in ay webkaas si khaas ah ugu xiranyihiin, waa ka fogeeynta walaalohooda kale ee soomaaliyeed. Waxay u sawirayaan sawir khaldan oo ah in ay “Muqdisho Joogaan Bahallo wax cuna”, aysanna ku habooneyn in la tixgaliyo isdhexgalna lala sameeyo cid kastoo halkaas ku sugan maadaama ay beegsanayaan Xildhibaanada. Tani waa wadada ay rabaan in ay ururka SAHAL iyo Jabhada Kanbooni u maraan hirgalinta Maamul qalaad oo ay iyagu si khaas ah unuunka u hayaan.

Mashalaaye wuxuu tusaale u yahay dhowr iyo toban milyan oo kale oo soomaali ah oo ku wareersan meesha ay xaajadu iska qaban la’dahay, “Victamna” u ah ururka SAHAL iyo SAHAL oo kale. Fahamka ku adkaaday dartiis, waxay Mashalaaye ku xambaartay in uu dhibaateeyo bulsho kale oo soomaaliyeed    kana mid ah ehelkiisa si uu u qanciyo dareenkiisa walaaqmay.

XUBNAHA SAHAL EE LIISKEENII HORE KU SOO BIIRAY.

1, Maxamed Ismaaciil Shuuriye. Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya xubina ka ah SAHAL. (Jubada dhexe) Shuuriye wuu qalbi fiicnaaye SAHAL baa kharibay.

2, Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuubsireed). Lataliyihii Madaxweynihii hore Allaha u naxariistee, Cabdullahi Yuusuf Axmed. Sidoo kale waa maamulaha Allidamaale.com waana xubin qarsoon oo kamid ah SAHAL.

INAKU SOO FOOL LEH ASBUUCYADA IYO  BILAHA SOO SOCDA. (Insha’Allah)

Waxaa inaku soo fool leh arrimo badan oo ku saabsan hurinta colaadeed iyo hagardaamada ay ururka SAHAL la beegsanayaan mujtamaca soomaaliyeed gabi ahaanba. Dadka ugu horreeya ee ay SAHAL u mindiyo lisanayaan waa isla dadka ay ururka SAHAL sheegtaan inay “matalaan” ee ku nool, Khaatumo, Jubooyinka, Mudug, iyo  Galgaduud.

Waxaan sawirro fiican ka bixin doonnaa xiriirrada u dhaxeeya ururada; SAHAL, HORSEED, iyo RAASKANBOONI. Waxaan wax ka tilmaami doonnaa haykalka (Structurka) urukaan oo ay dabakhadiisa ugu sarreysa yoxolloobaan rag ay kamid yihiin Duq Faroole iyo Gaandi halka dabakhadiisa ugu hooseysana ay bilqanyihiin koox aan markaan magac u waayay isaga yeeray, “Qadaad weynta”.

Xog Dheeri Ah

Waxaan idin xusuusinayaa in uu Ururka SAHAL ka mug weynyahay, kana masiibo badanyahay sidaan moodnay markii hore. Ilaa iyo hada waxaan ku wareegeysanaynaa gafuurka hore ee ah inta muuqata oo kaliya. Waxaa jira dallad aad u baaxad weyn oo uu ururka SAHAL u yahay fududeeye. Sida aan ku helnay xog aan la isku haleyn karin, magaca SAHAL wuxuu ahaa “Facilitators” laakiin gadaal baa laga soomaaliyeeyay waana mida ka dhigtay SAHAL.

Wassalaamu Caleykum!

Fiiro Gaar ah: Ma iloobin in aan Gaandi liiska ku daro ee war baa iigu laaban. Sidoo kale, wuxuu war iigu laabanyahay shaqsiyaad kale oo uu kamidyahay nin lagu magacaabo, Deeq oo Norway ku sugan.

Waxaa Qoray Qoraalkaan: Cabdinaasir C. Hangash. (Haad)
luqyare@yahoo.com - Caabudwaaq, Soomaaliya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan 

Al-Shabab in lagu jihaado ma xaqaa?

$
0
0

Sida wax walba oo muunad iyo magac gaar ah u lahaa loo dhaamay, ayaa waxaa jira erayo badan oo dhaamiddaa dhanacooda ka soo gaartay. Anoon ku sii dheeraanayn, maadaama ujeedka qormadu aysan ahayn taa, ayaan jeclaystay inaan dhawr tusaale ka bixiyo.

Laga yaabe, inaad qaarkood u aragto wax laga gudbay, ama xilli gaar ah ku xirnaa. Taaba ka darane, dadka qaar ayeyba u noqon karto Laf dhuun gashay iyo wax aysan liqi karin. Haddana, waa sidaayoo, afka ayey ku jiraane, ma dhimaadda loo gaystay ayaan ku dhaafnaa mise waa dhawrnaa? Anigu tan dambaa ila qumman, aqriste, adna?

Erayada la dhaamay ee qofkii loogu yeeraa uu caro kaala hor imaanayo waxaa ka mid ah: “SHABAAB, JAALLE, MUDANE, XILDHIBAAN, UGAAS, SHEEKH, AQOON YAHAN IWM” laga yaabee, inaad is leedahay maxaan intaan isu wada raacshay? Waxaanse ku leeyahay kalama haraan marna. Maxaa yeelay waxay tusaale u yihiin saddaxda hannaan ee Bulshadeenna laga hago, oo kala ah: “ODAY DHAQAMEED, WADAAD IYO AQOON YAHAN” hadday kuu caddaatay aan u gudagalo qormada.

Ereyga “Shabaab” waa erey Carabi ah, macno ahaan afka Soomaaliga ku noqonaya “Dhallinyaro” haddaba, is weydiinta baa ah, haddaan ku iraa: “Dhallinyaro” ee aysan faduul iyo fawdo kale la socon, ee aad run ahaan dhalinyaro tahay, haddaad diidmo iga hor keento, labadeenna kebaa qaldan? Hubaal inaad adigu isla saxan tahay, haddaba, sida aad isku siisay, aan kuu dhilo.

Marka macnaha laga soo tago, waxaan isla qirsannahay in magaca SHABAAB yahay caay, aan caad saarnayn. Haddaa maxaa ka dhigay? Illeen eragu kaligii isma dhaamo ismana dhisee, oo bulshada ayaa hadba dhan u dowdee! Sida eraga Jaalle loogu karaahsaday xertii KALI TALIYE Maxamed Siyaasad Barre, isagoo eragu macne sare iyo maqaam hufan muujinaya, oo Wadaaynimo iyo waayo xiriir tilmaamaya, ayaa haddana, markii dhaqan qalloocii hoggaankii Ciidanku ka soo rayn waayey, ayaa dadku ereygii iyo araggoodii isla tuureen.

Dadka qaar haddaadba ku tiraa, wuxuu ku leeyahay; “ma anaa GUULWADE ah?” Eray kale oo isna qiimo tirmay. Maadaama uu Hankool u ahaa Xukuumaddii hore. Aniguse ereyada aad baan u dhadhansadaaye, waxaan hubaa, haddii la heli lahaa, boqol “GUULWADE” ah in hormar la taaban karo la gaari lahaa. Haddi ereyga kama hadline iska ilaali. Macanaha uu xambaarsan yahay baan xiganayee.

Dhaamadka ereyga ku dhacay iyo inta dhib lagu gaystay isuma dhigantee, aan gudagalo tan dambe. Maanta waxaan maraynaa marxalad adag, laga yaabee inaad is leedahay maxaa adayg ah, illeen Alshabaab deegaanno badan baa laga saaree? Waxaan uga jeedaa, in arrinta Shabaab saddax qayb tahay. Mid la soo dhaafay, midna gabagabo tahay, tan kalana wali noo dhimman tahay, ee horta ha is dhigane, waligaa heegan ahaaw.

Jawaabta qormada anoo wali dib u dhiganaya, oo aan hubo inaannaan ku kala aragti duwanayn, haddii aadan ka mid ahayn inta wali u xamlan xamuulka Shabaab. Qormada qoraalkeedu wuxuu ka dambeeyey, ka dib markii aan aqristay War Saxaafadeed ay soo saareen KOOXDA AL ICTISAAM, oo daba socday wadaad dhawaan lagu dilay Masjid dhexdii, taa oo caro badan laga wada muujiyey, inta badan dadkuna isku meel uga soo wada jeesteen.

Weydiinta ugu horraysay ee maankayga isku soo taagtay waxay ahayd; “Masjid dad lagu dilaa maanta uma u horreyne, carada intaa la eg maxay tahay?” haddana waxaan isku qanciyey “Oohintu Orgiga ka weyn!” waa maroo intii Masjid dad lagu dilay ururkani sida maanta uu ula falgalay ulama falgalin. Waa mar kalee, inta waxgarad, wax ku ool, aqoon yahan iyo oday dhaqameed la dilay maalin wax kama dhihine, maxaa maanta qaylodhaanta ku soo beegay?.

War Saxaafadeedka AL ICTISAAM waxaa ku jiray oo nuxurkiisa iyo farriinta uu xambaarsanaa ahaa “IN AY XAQ TAHAY IN LAGU JIHAADO ALSHABAAB”. Madaama wiilka dilay Sheekhaa uu sheegay inay soo direen Alshabaab. Haddaba, weydiinta baa ah; Jihaadka Alshabaab ma maanta kaliya ayuu xaq noqday? Kaba muhimsane, horta AL ICTISAAM waa ayo? Alshabaab imisa Oday ayey kala tirsadaan? Ma is dhaleen, ma wada dhasheen, mise…? Ha ila yaabin, sidii beelihii baan ka dhigee, iyaba illeen waa beel aan Soomaali ahayne. Tan kale, waxaan sidaa uga dhigay, inaad si ka dhaw sidii hore laguugu sheegay ama aad u maqashay aad u fahamto.

Dunida Muslinka ee aan ka mid nahay waxaa jirtay xilli ay ka hana qaadeen wax loogu yeero afka CarabigaAL SAXWA AL ISLAMIYA” oo ka dhigan “BARAARUG ISLAAMEED” asal ahaan wuxuu ka hana qaaday waddamada Masar iyo Sucuudi, oo ah labada waddan ee dhoof geeya aragti diimeedyada ugu xoogga baddan Dunida Muslinka.

Dhanka Sucuudiga waxaa horjoogay Ninka loo yaqaan: Maxamed Cabdil Wahaab, oo markii dambe magac ahaan isaga loo nisbeeyey qolada loo aqoonsaday “WAHAABIYA” haba diidaan ama dhahaan magac ahaan qof loo yaqaan ma jiro. Buugaagtiisa kuwa uga caansan ee aan filayo in inta badan la wada maqlay waxaa ka mid ah “FATXUL MAJIID” kooxaha aragtidaa qaadatay waxaa nagala jooga ITIXAAD, ICTISAAM, AL SALAFIYA , AL SHABAAB, IKK.

Asxaab kooban weeyaan

Afar iyo shan weeyaan

Albaabkooda lama galo

Ehel iyo qaraabiyo

Xigta maba u oommana!

Dhanka dalka Masarna waxaa horseed ka ahaa ninka kale ee la yiraa; Xasan Al Bannaa, isna wuxuu keenay aragtiga ku magac baxday “IKHWAAN MUSLIMIIN” ee ay nagala joogaan kooxaha kala ah; ISLAAX, MAJMAC AL CULAMAA {AALA SHEEKH} iyo kuwan dambee la baxay DAM JADIID.

AALA AALA weeyaan

ASHU waa billaawoo

Waa astaan u gaaroo

Waa iridda koowaad

Waa albaab u xiranoo

Aadane ka soo galin!

Labadii aragti ee labadaa nin kala dhaliyeen ee labadaa waddan ka kala hana qaadday, waxay saamayn xooggan ku yeesheen Dunida Muslinka. Horraantii todobaatameeyadii, sanadihii seddeetameeyadii iyo sagaashamaadkii waxaa Dunida Muslinka ka dillaacay DAACUUN SIYAASAD DIINEED ah, oo aan dhagax iyo dhir midna dhawrin.

Dunida Muslinka waxaa hareeyey qalalaase siyaasadeed, heer qaraxyo iyo qaarijin qaati laga istaagay. Waddamadaa waxaan ka xusi karnaa: Masar, Suuriya, Indoniseya, Aljeeriya, Tunis, Marooko IQB. Intaa waxaa sii dheeraa JIHAAD ku sheeggii waddanka Afganistaan, oo u ahaa maaxda ay waraabaan aragtiyada xagjirka ah.

Waddanka [Soomaaliya] berigaa waxaa ka talinaysay Dawladdii Tanti Wadaagga ee ay hoggaanka u hayeen Ciidanka Qalabka Sida. Dabcan aragtidaa diimeed sida Waddamada kale ee aan diin wadaagga nahay ayey dalka soo gashay. Waan hubaa in sheeko ama shaahid mid aad ku heshay sida xaalku ahaa. Dawladdii Militarigu waxay gacan bir ah ku qabatay wadaaddii waday diinta soo galootiga ahayd, heer ay qaarkood dil toogasho ah ku xukuntay, kuna fulisay.

Sibiqdaa markii ay nagu soo galeen Wadaada dambe, ayna ka faa’iidaysteen laba cunsur oo wali taagan oo kala ah: FAWDO [DAWLAD LA’AAN] iyo SABOOLNIMO ayna u kala bexeen  qayb SAXAAFADDA iyo WAXBARASHADA xoogga saartay [IKHWAANKA] iyo qolo MASAAJIDDA, JIHAADKA iyo KHILAADA ISLAAMIYA ku salsashay [Wahaabiya] ayaa waxaa dhashay MAXKAMDIHII.

Dhalashadoodu waxay midaysay aragti ahaan inta badan Wadaadadii. Waxaan uga jeedaa labada quwad ee isku riixriixa hoggaan diimeedka Soomaaliya, marka Ahlusunna laga soo tago. Haddii afka loo daray Maxkamadihii talo xumo awgeed, illeen tallaabo aan tabartaada ahayn haddaad qaaddo  tub wanaagsan ma tiigsatide, oo AMXAARO ayaa ALLE u baxshay, belo kale ayaase ka dhalatay, oo la yiraa Alshabaab.

Alshabaab isla markii ayey xoog yeelatay, waxaana u fududeeyey laba arrimood oo kala ah: (1) Inay isu muujiyeen inay dhaamaan kuwii keynta Kismaayo u cararay, oo iyagu cadawga ay iska caabinayaan. (2) Qayb ka mid ah haraadigii hoggaanka Maxkamadaha oo boos ka waayey Shirkii Asmara, oo sutiga u qabtay haadaan ka tuuridda dhallinta dhug la’aantu u dheer tahay dhaayo xirnaantu. Wixii ka dhacaba waa la wada ogaa.

Falalkii gurracnaa ee dareenka Aadmiga marna aan oggolayn, ee lahaa: GACMA GOYN, LUGA JARID, MADAX GOYN, DHAGAX KU DILID, JEEDLID IWM, ayna sii dheereyd: CABURIN, CADAADIN, CUNQABATAYN IWM, wadaada ay bah wadaagta yihiin Alshabaab ee lahaa AL ITIXAAD iyo AL ICTISAAM lama imaan masulliyad qaran iyo mid muwaadinnimo toona, ee waxay u dhaqmeen sidii shisheeye oo kale [isha ka daawo] maxaa iga galay?.

Haddii Amisom guulo waaweyn ka soo hoysay dagaalkii ay kula jirtay Alshabaab, oo dabcan mira u ahaa dunida oo qaati ka taagnayd argagixiso laba aflay ah, oo kala ah: ALSHABAAB iyo BURCAD BADEED, oo sanadihii hore aan jirin, balse, labaduba xoog yeeshay wixii ka dambeeyey 2006. Taageerada adduunka iyo talo dalbo leh, ee hoggaanka dalku marba meel kula dhacayeen ayaa guusha lagu hantee, bal yaan la moogaan.

Maanta waxaan joogaa maalin la wada leeyahay Alshabaab waa laga taqallusay ama awooddeedii waa wiiqantay. Hubaal in midda hore aysan sax ahayn, waaqicana ka tarjumayn. Balse, tan dambe, la qaadaa dhigi karo ama la faaqidi karo. Maxaa yeelay tani waxay ka mid tahay marxaladda labaadee Alshabaab een wali dhammaan, oo aan sare ku xusay, ee hoggaanka yaan la dabcin, heegankana yaan la dajin. Illeen waxa naga horreeya maalmo mugde ahe.

Marxaladda saxadaad, oo aan anigu qabo inay tahay midda ugu adag, waxay ka billaaban doontaa maalinta si rasmi ah Alshabaa looga sifeeyo cudud iyo ciidan ahaan dhammaan gobollada dalka. Lagaa yaabee, inaad i leedahay, oo haddaa maxaa haray haddii awood ahaan looga taqallusay? Aana kuu sheegayee, horta, aan kuu dhexgalsho, inaysan suuragal ahayn in, nimankii Alshabaab iyagu dhalay ama la dhashay, ee soo barbaarshay, inay maanta la soo istaagaan sidan: “IN AY XAQ TAHAY IN LAGU JIHAADO ALSHABAAB”.

Inay xaq tahay aqriste aniga iyo adigu maanta naloo sheegi maayee, haddaannaan hore u ogayne, xaggee sheekadu iska qaban la’dahay? Si kale isuma qaban la’ ee AL ICTISAAM waxaa ku dhacay erayada ku jira heesta ay isla Xareediyaan labada Fannaan; Maxamed Nuur Giriig (AUN) iyo Maryan Mursal Ciise Bootaan. Oo Giriig leeyahay;

Ninka dila Abeesee

Ubadkeeda daystee

Daajee rabbeeyaa

Dib u qoomameeyee.

Maanta waxaan joogaa in cod dheer iyo cod hoosaba lagu yiri ALSHABAAB ha lala jihaado. Midse lama eegin; qofka dhahayaa; Alshabaab ha lala dagaalo, waa kee? Ma mid shalay markii MAXKAMADUHU JIHAADKA la jadbaysnaayeen u codaynayaa, waliba diin ugu qiilinayaa, mise waa qof kale? Hadduu kan hore yahay, ha ka dhagaysan, illeen hadalkaa waxaa ka keenay isagaa wareegtadu ku timide, oo naftiisa ayuu baxsi la yahay, kuu shalay dhaliilay iyo asagu Alshabaab u siman.

Ma qof intii canaabta Alshabaab aan la daala dhacaynnay nagu fiirsanayey, ee waliba hoosta ka qoslayey ama si dadban ugu qiilinayey ayaan maanta ka dhagaysannaa inay xaq tahay in lagu Jihaado Alshabaab? Isma dhihin. Horta aqriste, ma ogtahay in Alshabaab yihiin dhal AL ICTISAAM, AL ICTISAANna yihiin dhal AL ITIXAAD, AL ITIXAADna yihiin dhal WAHAABIYO? Aragtida hore ee ah inay is dhaleen Alshabaab iyo Al ictisaam iyagaa afkoodu ku qirayee, bal mehaan hoose ka muuqso:

Aan meel ka dhaw kaa tuso, adoon is dhihin, ninkan sheekadii Suufiyada ayuu noo maldahayaaye. Ninkii shalay ku lahaa; 1- WACALNIMAAD ku DHALATAY, oo HOOYADAA iyo AABBAHAA waa iska SINAYSTEEN. 2- WALAALKAA inaad GOYSO ayaad ALLE ugu DHAWAAN kartaa, oo AADAN SALAAMIN, CUNTO la WADAAGIN, illeen waa BIDCIYE. 3- WALAALKAA inaad ku JIHAADDO oo kali ah ayaad JANNO ku GALI kartaa. 4- WARAABAHA ayaa XALAAL ah. Waxa dambe ee laga filan karaa maxay noqon karaan? Adba qiyaaso.

ASHAHAADO beenoo

Afka laga yiraahdoo

Uurka aanan jirinoo

Dadka lagu ugaartoo

Ubad lagu gumaadoo

Ayeeyiyo cirrooliyo

Marrastiyo Awoowaba

Aan loo arxamahayn

Asluubtooda weeyaan!

Tusaalooyinkaa waxaan u soo qaaday markii aan lahaa marxaladda sadaxaad ayaa ugu dhib badan. Maxaa yeelay beentii ay beereen ayaa u baahan in bayd bayd burhaan loogu bayaamiyo.

Intii qormada qoristeeda aan ku guda jiray ayaa anoogoo saaran gaari saaxiibkay uu shiday Subac Quraankii hooriska lahaa ee la isla qaadayey Aayadda dhammaadkeeda. Markaa baan ku iri inta Subac Quraankan oo kale looga noqonaya wax badan way qaldanaanayaan. Maxaa yeelay nimankan dambe, qaabkii diinta kaliya ma badaline, waxay badaleen wax walba oo xiriir la leh nolosha.

Midda Wadaada AL ITIXAAD iyo AL ICTISAAM haysata gaar ahaan iyo guud Umadda Soomaali waa taa oo kale. Illeen labadan Urur iyagaa dhalay, beeray, barbaarshay Al shabaab. Soomaalina waa garan waysay, inay kala gartaan kuwa dhaqan dooriska loo soo diray ee magac walba ku iman kara inay ka feejignaato.

Malaha meeshii ay ka jilicsanayd ayaa laga soo galay, ee diinta ah. Raggan diin dacareedka doojinaya waxay ku soo gabbadeen FAWDO dawlad la’aan ah iyo SABOOLNIMO baahsan.

Shulugyada Carbeediyo
Kuwa shukada qaatee
Indhahana Shareertee
Shiishaan la haystee
Shaam laga haagayee
Shayb iyo dhallaan iyo
Dumar aan ka shiixayn
Haddii aad Shabeelliyo
Shangaanida ku taal Xamar
Shalaambood xorayseen
Ood Shabaab ka saarteen

Inta shaqal ay leexsheen
AAYADO shakaaleen
XADIISYADA shucayska ah
Say rabeen u sheegeen
Sunta ay shubaayeen
Nukleer la shidayiyo

Shaxdu male ka wayne
Sidee lagu shifeeyaa?!

Dhammaad. 

Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ka mid yihiin laba maanso oo aan dhawaan soo bandhigi doono. 

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Viewing all 1186 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>