Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all 1186 articles
Browse latest View live

Xog iyo Gorfeyn: Dhisidda Maamulka Jubaland xagee ayay ku dambaysay?

$
0
0

Ma sida roob xagaa koofureed ayuu xiiso ku ekaaday?

Ma sida hillaac xagaayeed oo biriq dhahay muu maskaxda minit uga baxay, mise dayrta soo socoto ayuu mar dambe soo muuqanayaa?

Dhammaadka bishii la soo dhaafay, waxaa Magaalada Kismaayo ka furmay dhisidda Xubin Federaaleed ama Is-Maamulka Juba.

Shirweyne ayaa lagu qabtay. Dad badan ayaa u durbaan garaacaayay, dareen ka beelaha ay u qabaan hawshaas ma yarayn – shucuur iyo sacab-garaac ma loo kala gaabinin!

Dhinaca kale dowladda Kenya waxay rajaynaysay inay ka soo baxaan qorshihii dagaalka ay u soo gashay qayb ka mid ah: In Jubbaland ay noqoto xukuumad barooksi (proxy administration) oo ay ka yeesho sida ay doonayso. Saaxiibadii Raas Kiyambooni ayaa lagu waday inay hawsha hor-seedaan. Kenya waxay rabtaa Badweynta Soomaaliyeed ee Hindiya ee Soomaaliya taabacsan, mar kii dhawaanahan la arkay  inay badda Hindiya ay hoos ceegaagto gaas dabiici ah iyo saliid (shidaal dareere ah). Damaca Kenya waa 2 arrimood:

  • Jubaland inay noqoto xukuumad maxaliyeed u adeegta Kenya; aadna uga caawinta dhinaca amniga.
  • Jubaland inay sahasho danaha Kenya ay ka rabto xeebaha iyo gudaha badda Soomaaliyeed ee Kenya deriska la ah. Hadda ka hor Memorandum of Understanding (MoU) ayaa uu saxiixay Mudane Abdirahman Abdishakur markuu ahaa Wasiirka Qorshaha iyo Wax La Qabsiga Caalamiga.

Laakiin maxaa dhacay oo hakad keenay? 

Madaxweynaha waxuu yiri “Shacabka iyagoo gobollo is-raba ah ha sameystaan Xubinta Federaal-kooda oo aan ka yarayn 2 gobol; kuwii jiray ka hor 1991.” Haddaba maxaa keenay khilaafka Xukumadda Federaalk ah iyo Shirweynihii ka socday Kismaayo? Sababahaan ayaa loo maleeyaa khilaafka inuu ku salaysan yahay:

  • Iyadoon jirin Sharcigii Federaal-ka ahaa oo xaddidaya oo qeexaya xuduudaha Jubbaland iyo tirada kale oo Xubno Federaal ah inta ay la eg yihiin. Waxaa lagu waday in Baarlamanka Federaalka uu arrintaas guddi u sameeyo, kadibna guddigaas uu soo gudibiyo go’aan kiisa baarlamanka si uu ugu codeeyo. Dhinacaas waa sharciyaynta Xubnaha Federaalka; xuduudahooda iyo tiradooda.
  • Dhinaca kale ma ay jirin ka qayb-gal Dawladda Federaalka ah iyo beelaha qaar oo gabi ahaanba Shirweynahaas guurti dooda iyo duubab kooda ka biyo-diiddan. Beelaha diiddan dad magac-yaal kooda ku qaraabanaya ayaa ka qeyb-galayay. Shirweyna haas sida cad kama dhaadhicin xukuumadda Federaalka ah. Waxaa shirka ka maqnaa Beelaha Gaaljecel, Sheeqaal, Biimaal, Cawrmaleh, Ajuuraan, Riibi, Jareerweyne (khaasatan Mashuunguli Reer Goleed), Wardaay, Baajuun, Tunni, Xawaadle, Dabarre, Carab, Dagoodiye, Jajeele iyo Garre Ceelwaaq iyo Murulle. Markii dambe waxaa si cad ah u diiday shirka Mareexaan. Xataa Hiraab-ka tuulooyinka Kuunyo Barrow, Hoombooy iyo Turdho  kama ay qeyb-galin. Shirkii wuxuu ku koobmay Absame iyo Harti gadaal ka hagayo, kuwaasi oo ah kuwa ugu tirada yar deegaanka, marka loo eego beelaha kale, balse isticmaalaya awood ay barakaynayso Kenya.  Markay uu cadaatay mawqif ka adag ee Xakuumadda Federaalka ayaa Kenya dib u guratay. Jubaland waxay ka dhexaysaa beelahaas kor ku qoran; ayaga ayaa ka wada tashan karo.
  • Qaabka shirka iyo goor ayna diyaarsanayn sharciyayntii lagu dhaqmi lahaa ayaa keentay Shirka Kismaayo in Xukuumadda Federaalka ah diiddo oo dib loo dhigo. Dadka inay sameystaan xukuumadooda lama diidin; balse waxaa la diiday shir aan loo dhammaynin iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa oo aan diyaarsanaynin.

Waa hakad un, balse Jubaland way dhismi doontaa!

Waxaa marag ma doonta ah inay Xubin  Federaalka Jubaland ay dhismi doonto maalin maalmaha ka mid ah, balse isku daygan uu yimid goor wax yaabo badan oo loo baahan yahay aysan diyaar ahayn. Sannadkan dhammaad kiisa Xubno Federaaleed oo tiradooda ay go’aan ka gaareen guddi iyo xuduudahooda ayaa la soo sharciyayn doonaa. Xubnahaas Federaalka ka mid noqon doono ayaa dadka ay u samaysan doonaan xukuumado maxalli ah.

Inta ka horrayso Jubaland way feertay sida Xagaagii Xamar, Dayrta soo socoto ayay sugaysaa in Shirweyne si wanaagsan dawladda ay u hagtay loona agaasimay; beelaha si buuxda ay uga qayb-galaan; kuna midoobaan Reer Jubaland dhammaanay qabsadaan oo Xukuumaddii Maxalliga ah ee Reer Jubaland oo shacabku sammaysan doono. Ma foga Dayrta (Oktoobar – Diseembar 2013) oo ay Jubaland dib u soo muuqan doonto.

Faaladii Salaamanews


”Dowladeey intaadan falin Kafiirso”

$
0
0

Maqaalkan waa maqaal ku socda madaxda dowlada Soomaaliya waana maqaal ka kooban bogaadin, talo, tusaaleyn,  iyo dhaliil dowlada kuwada socda. Qaybta koobaad ee maqaalka waxaan ku eegayaa booqashada raysal wasaaraha dalku kumarayo gobolada dalka qaar kamid ah. Qaybta labadna waxaan ku eegayaa go,aan dhowaan kasoo baxay dowlada oo runtii aniga iga yaabiyey laakiin aysan warbaahinta soomaalidu waxba kasoo qaadin aana u arko in lala soo degdegay oo uu waqtigiisii kasoo hormaray. Qaybta sadexaadna waxaan ku eegidoonaa doqob uusan ”chief protocolka” xafiiska raysal wasaaruhu ku farxidoonin oo ku saabsan heshiiskii uu raysal wasaaraha dalku shalay ku saxeexay magaalada Garoowe oo waxweyni ka qaldanaa oo runtii aan odhan karo wuxuu gef ku ahaa raysal wasaaraha iyo qaranimada Soomaaliyeed, heshiiskaas oo lagu faafiyey warbaahinta Soomaalida.

Dabcan waxaan ka wada war qabnaa in maalmahan uu raysal wasaaraha dalkeena Soomaaliya Abdi Farah Shirdon ”Saacid” uu socdaal shaqo ku marayey gobolada dalka. Socdaalka raysal wasaaraha ayaa ah mid bogaadin, amaan iyo dhaliilba aan usoo jeedinayo. Taas oo aan rabo in aan ku qaadaa dhigo maqaalkan si aan fekerkayga ugu biiriyo madaxda Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeedba. Dabcan bani,aadan ayaanahay oo qalad wuunaga dhacayaa, laakiin hadana waxaa loobahanyahay in feker iyo aragti aan iska waydaarsano si aan isaga saxno, talo iyo tusaaleyna aan isaga siino. Balse inta aanan talada iyo tusaaleynta u gudbin waxaan doonayaa in aan aad iyo aad u bogaadiyo booqashada uu raysal wasaaraha dalku ku tegay gobolada dalka oo uu kula kulmayo shacabka Soomaaliyeed iyo maamulada gobolada dalka. Runtii arintaasi waa arin loobaahnaa, mudana in labogaadiyo maadaama ay shacabka Soomaaliyeed arkeen wax ay mudo badan sugayeen oo ahaa inay mar,uun arkaan dowlad Soomaaliyeed oo danahooda iyo horumarkooda wada oo ugu tagta halka ay joogaan. Dabcan waan qiyaasi karaa dadkaas dareenkooda, inkastoo qaarkood ay wali qaflad ku jiraan. Waana arin runtii mudan in labogaadiyo aanuna aad iyo aad u soo dhawayneyno, ugana mahad celineyno madaxda dowlada Soomaaliya oo uu raysal wasaaruhu ugu horeeyo.

Dabcan waa markii ugu horeysay ee mudo 22 sano ah ay dowlad Soomaaliyeed booqato gobolada dalka, waanuna ugu hambalyeyneynaa dowlada saacid arintaas. Laakiin hadana waxaa runtii muuqda qaladaad waaweyn una baahan in lasheego si ay dowladu isaga saxdo. Dabcan qoraalkana ujeedadiisu ma aha mucaaradid ee waa wax saxid iyo toosin iyo dabcan talo iyo tusaaleeyn.

Arinta labad ee aan rabo in aan ka hadlo waa go,aankii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada oo ahaa in labedalo eray bixinta ku saabsan kalmada ”maamul” u samaynta gobolada oo ay golaha wasiiradu u bedeleen maamul samaysashada. Dabcan eraygu waa eray fiican laakiin aan u arko runtii inuu yahay eray waqtigiisii kasoo hormaray oo lasoo dedejiyey. Aanuna odhan karno dowladu way ku degdegtay oo kamay fiirsan arintaas. Sidoo kale waa arin keenikarta ama abuurikarta isfahmiwaa ka dhexdhasha dowlada iyo dadka shacabka ah, isla markaana keeni karta in laga faa,iideysto shacabka iyo dowlada dhexdooda iyadoo shacabka siqaldan wax loogu fasirayo. Maadaama ay dowladu jaaniskaas bixisay oo ay shacabkii u soo gudbisay arin aan dhanka dowlada ka bislayn oo aan waqtigii ku haboonaa lagaadhi, islamarkaana siinaysa fursad siyaasiyiin ku sheegii dalkan burburiyey oo danahooda ka hormariya danta dadka iyo dalka, dantooda shaqsiga ah ka dhiga tan dadka iyo dalka. Sidoo kale waxay fududeynaysaa in fursad loo helo in shacabka iyo dowlada la iska horkeeno, iyadoo dadka lootusayo in dowlada Soomaaliyeed ay shacabka Soomaaliyeed kala xigsanayso oo ay qaar gacan bidixaynayso. Arintaas oo hadii siyaasiyiin ku sheegu ku guulaystaan dowlada Soomaaliyeed dhaxalsiin karta cawaaqib xumo ay lashaqayn kariweydo, islamarkaana iska horkeenikarta shacabka iyo dowlada. Waana arin ay dowlada qaladkeeda leedahay hadii ay dhacdo. Waxaana arintaas keeni kara arimaha lasooboodka ah oo sifudud idin kaga soobaxaya hadhowna sababi kara arin cawaaqib xun dowlada dhaxalsiisa.

Dabcan sida sharciga ah dowlada Soomaaliyeed ayaa dalka iyo dadkaba masuul ka ah una xilsaaran oo ay tahay in ay waajibaadkeeda dowliga ah ee sharcigu saaray ay kasoo baxdo, isla markaana ay gobolada iyo degmooyinka u dhisto maamul, inta shacabka kagaadhayo inaysoo doortaan dadkii maamulka gobolada iyo degmooyinka hogaamin lahaa. Laakiin go,aankii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada wuxuu runtii ahaa mid aan ku haboonayn waqtiga uu soobaxay waxaana u arkaa in uu fursadsiinayo siyaasiyiin ku sheega raadinaya jaanis ay iskaga horkeenan shacabka iyo dowlada, iyadoo waliba qaarkood ay dalka wali idin lajoogaan iyagoo jabhado hubaysan wata halka qaarkalana ay maamul beeleed ay hogaamiyaan ay rabaan inay dalka u kala qaybiyaan ”imaaraatul qabaliyah”  taas oo aan u arko inay tahay wax aan shacabka Soomaaliyeed qaban. Halka kuwo kale oo badanina ay raadinayaan meel ay kasoo galaan siyaasada dalka oo ay gaadgaadayaan qalad yar oo ay dowladu gasho, si ay qabiil iyo wax aan loobaahnayn wax ugu abaabulaan oo ay dowlada iyo shacabka isaga horkeenaan amaba ay shacabka laftiisa isakaga horkeenan. Arin taa oo ugu yaraan dowlada kamashquulinaysa ama ku adkaynaysa arimihii muhiimka ahaa ee larabay inay dowladu qabato.

Hadaba waxaana dowlada Soomaaliyeed kula talinlahaa inaysan jaanis nagu siin dadkaas iyaga ah oo ay go,aankaas maamulsamaysashada dib ula noqoto intuusan dhalin dhibaato ka wayn ta hada muuqata, lana sugto waqtiga shuruucda maamulada gobolada iyo demooyinka lagasoo diyaarinayo. Sidoo kale waxaan soo jeedinayaa in hada ka dib go,aamada dowlada kasoo baxaya loosaaro qubaro soo lafa gura, islamarkaana kasoo talo bixiya waxa ka dhalan kara iyo sida loofahmi karo, inta aan lagu dhawaaqin go,aamada dowlada oo aan bulshada loo shaacin, sidii hada dhacday. Sababta aan sidaas u leeyahayna waa in arintan oo kale aysan soonoqon markale iyo in aan afmiishaar fursad loosiin inuu shacabka Soomaaliyeed iyo aduunkaba si qaldan wax ugu fasiro, islamarkaana aan loogaga faa,iidaysan in dowlada iyo shacabka la iskaga horkeeno.

Sidoo kale go,aankani waa go,aan aad moodo inuu muujinaya in dowladu ay awoodi sharciga ahayd ee ay lahayd ay iska wareejisay iyadoon shacabkii u sheegin cida sharciga ah ee dowladoodii sharciga ahayd u bedelaysa oo maamul samaysashada lasheegay ay ku socoto oo shacabka maamulka usamaynaysa. Dowladu waxay sheegtay oo ay tidhi maamul samaysashada! Su,aashuna waxaytahay! yaasamaynaya  maamulsamaysashada lasheegay? ma alshabab? Ma hogaamiye kooxeedyada jaanis gaadka ah ee darbiyada taagan ee gaadaya inay dowlada jaanis yar ka helaan? Masiyaasiyiinta afar jeeblayaasha ah ee dantoota ka dhiga tan dadka iyo dalka?

Yey dowladu lahadlaysaa oo ay ula jeeday inay shacabka maamul u sameeyaan ma xildhibaano iyo gole degaan oo dadku soo doortay ayaa jira oo dowladu lahadlaysaa? Su,aalaha uu go,aankii golaha wasiiradu nagu dhaliyey waybadanyihiin waxaana u aragnaa in dowlada go,aankaas lagu hodey iyaduna ay ku degdegtay. Dabcan waxaan filayaa in shacabkii 22 sano qaxa iyo dagaalka sokeeye iyo orodka ku jiray inaysan qaban go,aankii golaha wasiirada kasoo baxay ee maamulsamaysashada lagu sheegay ”regardless” ama iyadoon loo eegin wuxuu goluhu ulla jeedeen.

Sababto ah maamul sharcigii lagu maamulilahaaba uusan samaysnayn waxa dhisidiisa loogu kala ordayo waanu fahmi karaa, waxa ka imaan kara, waana in nin waliba maamul iska samaysto, taas oo hadhow dowlada dhib u keenaysa kuna adkaynaysa dowlada inay dalka u sameeyso sharciyo iswaafaqsan oo isla jaanqaadikara oo aan iska hor imaanayn, shacabka Soomaaliyeed dhaxalsiindoonta oo u horseedi doona nolol qabiil iyo qudhunkii ay ku daaleen iyo kala qodobkii ku dhisan oo aysan cidina ku faa,iideyn, aan ka ahayn kuwa maamuladaas madaxda ka noqda. Sidaa darted waxaan dowlada Soomaaliyeed sinaxariis le huga codsanaynaa.

  • Inaysan ogo,laan in ciidanka dowlada ciidan aan ka ahay uusan joogin dhulka ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM kala wareegeen alshabab iyo alqaeda.
  • In aan lasameyn maamul aan sharcigii lagu maamulilahaa diyaarsanayn, islamarkaana aysan dowladu cidna ka aqbalin maamul ayaan samaynaynaa sababtoo ah cida kaliya ee sida sharciga ah dalka uga masuulka ah waa dowlada Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed iyo aduunkuna kala xisaabtamimaayan waxa Soomaaliya ka dhacaya AMISOM iyo hogaamiye kooxeedyo jabhada wata cid kaliya ee sharciga ah ee lagala xisaabtamayaa waa dowlada Soomaaliyeed ee sharciga ah ee aduunkuna aqoonsaday. Shacabka Soomaaliyeed iyo aduunkuna idinka ayey maanta idin taageersanyihiin sidad u shaqaynaysaana sheeda ayaan kala soconaa.

Sidoo kale dabcan waxaa dowlada dhib ugu filan oo shaqo iyo xalin uga baahan maamulada laqabyaaladeeyey ee hadeer samaysan marka please idin kuna ha isku badinina anagana hanagu badinina. Waadna ogtihiin in magaalooyinka dalka qaar ay laba laba dowlad ku sheeg ka jiraan, marka fadlan wadankana yaan jaantaa rogan laga dhigin oo aduunka iyo shacabka u heelan ee niyada uhaya laga nijabin, Soomaalina dhibkay soomartay dib loogu celin ”please” waa codsi, ee halaga fiirsado go,aankii maamul samaysashadana lagu sheegay oo anigu u arko dib unoqosho qatarteeda leh.

Qodobka sadexaad ee aan doonayo in aan qormadan ku eego wuxuu ku saabsanyahay booqasha raysal wasaaraha waana runtii mid aan u roonayn dhegaha ”chief protocolka” xafiiska raysal wasaaraha. Raysal wasaaraha dalku markuu tegay magaalada Garoowe ee uu lakulmayey madaxda maamulka puntland waa lagu ceebeeyey runtii waxaana protocolkii kasoo baxay laga dhigay oo loo qoray sidii inay madax laba dowladood oo laba dal ka kala socotaa kulantay. Arintaas oo raysal wasaaraha dowlada gef ku ah aan saxna ahayn. Dabcan dadkii protokolka qorayey ama kas ha ugu qoraan sidan ama aqoondaro ha ugaysee, laakiin arintu waxay raysal wasaaraha dalka ku tahay arin meelka dhac ah. Micnuhu ma aha in raysal wasaaruhu uu garan waayey arintaas laakiin miis wax lagu saxeexo ma aha meel uu raysal wasaaruhu ku gorgortami karo protocolkii kasoo baxayna waa mid gef wayn ku ah raysal wasaaraha dalka in looguqoro siduu u qoranyahay. Tusaale hadii aan sooqaato waxaa ku qoran qodobka koobaad firqadiisa koobaad sidan ” In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada dowladood, la isna dhaafsado booqashooyin, lana ilaaliyo Protocolka dowliga ah” arintanina waxay meelkadhac weyn ku tahay raysal wasaaraha waxaana kamasuul ah ”Chief of Protocolka” xafiiska raysal wasaaraha iyo guud ahaan dadkii lashaqaynayey raysal wasaaraha in protokol noocaas ah oo uu raysal wasaaraha dalku ku saxeexanyahay kasoo boxo kulankaas. Waana arin dalkoodhan ceeb ku ah. Waxaana rajaynayaah in arintaasi ay tahay wax kama u dhacay oo aan ahayn arin kutalo gal ah. Sidegdeg ah loosaxo. Waxaan sidoo kale dhaliil ujeedinayaa madaxda warbaahinta qaranka oo aan iyaguna sixin qaladka dhacay ee sidiisii shacabka ugu baahiyey.

Qormadan talada iyo tusaalaynta ah waxaa idiin soo diyaariyey anigoo ah Abdiqani Jamac dharas oo ah arday wax ka barta kuliyada culuumta siyaasada ee jaamacada ”Stockholm University” ee dalka Sweden, isla markaana ah xubin ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee socialdemokratic party ee dalka Sweden. Wixii talo iyo tusaaleyn ah igala soo xidhiidh ciwankan  Abdikani.jama@gmail.com

OBS: qormadan ujeedadedu waa talo iyo wax toosin!

Mahadsanid

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

JUBBALAND YAA ISKA-LEH? !!!!!!

$
0
0

Hadba beeshii gacal iyo gawaad u ah gumeysiga.

Hadba beeshii garab iyo gurmad ka hesha gumeysiga.

Hadba beeshii gaadiid iyo gar-haye u ah gumeysiga.

Insha-Allaah lahaanshaha Jubbaland waxaan ku falanqeynayaa cirifka dambe ee qoraalka, waxaanse ka hormarinayaa jawaab ku wajahan naqdin lagu dhaleeceeyey qoraalkeygii hore ee cinwaankiisu ahaa “SAHAL waa sansaan dagaal sokeeye”

Dhowan waxaan baraha Internet-ka ku faafiyey qoraal biyadhaciisu ahaa in laga fogaado dananinta durbaanka colaadda iyo dagaal sokeeye oo dib u curta. Waxaan qeexay inay muhiim tahay shirweyne qaran oo laysugu yimaado  beel kastana ay goobta ka sharraxdo wixii loo geystay isla markaana ay qirato gaboodfalladii ay geysatay, gaar ahaan dembiyadii magaca dowladeed lagu galay kadibna lays cafiyo ama la qaan-baxo haddiiba qolo dheeri lagu yeesho. Sidii shacabka Koofur Afrika loo heshiisiiyey oo kale, qabiil ama qoys ama qofba dembiyadii la kala galay in habkaas looga heshiiyo ayaan soo jeediyey.

Qoraalkeyga ulajeedadiisu waxay ahayd in la saxo wixii shalay qaldamay, maantana lays cafiyo oo aan dalka dib loogu celin dagaal sokeeye oo hambada hartay la caymiyo. Haddiiba qoraalkeyga la naqdinayo ma-ahayn in la caytamo ee waxay ahayd in loo doodo si waaqicin ah “academic” oo ku saleysan aqoon taariikheed iyo asluub wanaag ee marnaba sugimeyn caay foolxun iyo qabyaalad qaawan. Waxaa habboon inaan hadalka halbeegiisa la seejin oo si hufan loo wada hadlo. Caydu nabadda way kaa wadaa, colaadana wax kaagama tarto. Waayadii hore cayda iyo xanta waxaa loo nisbeyn jirey haweenka, taasina waxay ahayd wax ka reebban ragga oo hadal iyo hawraarba waa la qurxin jirey. Todoba fac raggii birlab ahaa, todoba fac bey bariweyn ahaadaan. Malaha aqoonyahankii iyo aftahamkii walaalaha SAHAL u doodi jirey ayaa god aakhiro u batay oo waxaa soo haray kuwo garaadkoodu ku siman yahay yooyootan runta ka fog. Gabyaa Salaan Carrabey wuxuu yiri “afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda ka jara”. Hadal aqoontu waa haybad Eebbe bixiyo waana hab lagu dagaallamo. Ninkaan war ka jawaabin waran iskama qabto. Golaha rag ku kulmo ninkaan si hufan oo haybad leh uga doodin waa doqon oo ragga ayaa loo kala saraa “hadal dhahe, hanti dhiibe, hub qarxiye & haween irmaaneeya”. Haween irmaaneeye  “category” ahaan wuxuu raacsan yahay safka bilis-xaawaley,  goobaha raggu ku doodana laguma martiqaado.

Haween irmaaneeye qabiil madaxmaray ayaa ii soo qoray “Caydiid naarta ayuu ku jiraa, Cabdullaahi Yuusufna jannada ayuu ku jiraa”. Subxaanallah jannada iyo naartu gacanta Alle ayey ku jiraan, axad kaloo awood u leh  ma jiro xataa ambiyadii Alle doortay. Qabyaaladda daneysiga ku dhisan inta ay ka weyn tahay oo mudnaan ka leedahay midnimada iyo qaran Soomaaliyeed oo qabiil kasta difaacayo dembiilaha ka dhashay, la sugimaayo dib-u-heshiin iyo dowladnimo.

Marka geel loo heeso ayaa doqontu gorayo u heestaa. Ayaandarro  dhagar-qabeyaal dhulku la dhaqdhaqaay ayaa qoraalkeygii si qaldan iyo qabiil eedeyn u fahmay, dabadeed waxaa la ii soo diray email-lo aflagaado iyo inkaar laga buuxiyey. E-maillada cantarabaqashka ah waxaa ku qoran
{{From: hanadyare2010@hotmail.co.uk.  “Isaaqu Hawiyaha waa yasaa wuxuuna ku tiriyaa beelaha la quursado, waxay ugu yeeraan Hargeysa dhexdeeda waar Wanla-weynta ha noo keenin, waar Hawiye Huutuu maxaa noo geeyey, taa beddelkeedii Hawiyuhu Isaaqa waa u naageeya dabada ayuu u dhaqaa oo u nacamleeyaa laakiin umeyba ogaba, anigaa Hargeysaan joogi jirey oo aan la iiga sheekayneyn. Markii ugu horreysay 1989 ayaa la maqlay magaca Hawiye wixii ka horreeyey shacabka loo taliyo ayuu kamid ahaa ee  Muqdisho, Gaalkacyo iyo Hobyo xaabada  iyo caanaha keeni jirtey, talo iyo dawladnimona waxba lagaama weydiin jirin. Marka yaa gun ah aniga mise adiga? Yaa dulli ah yaase dawlad ah? shit motherfucker”

From: garoowe5678@yahoo.com,  “Magool iyo Caydiid maanta Naarta bay ku jiraan, Ilaaheey ha xafido madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf dowlad ayuu idiin keenay, adinkoo mooryaan ah oo aan waxba qabsan karin. U mahadceliya, Ilaaheey jannada haka waraabiyo. Xaafidulaah Maxamed Abshir Muuse Haamaan, wuxuu ahaa ninkii Hawiye wax ka dhigay, oo iyagoo duurka ku jira kasoo kaxeeyey Galgaduud iyo Galkacyo. Markii horeba Hawiye lagama sugeyn inuu ka mahadceliyo axsaankii loo sameeyey”.

From: Abshir2000@gmail.com, “Hawiye waa addoon oo Daarood baa gumeysan jirey. Mardhow sida dameerahaa laydin rarayaa oo dhan walba Daarood baa idinkaga meersan. Ragga Hawiye qaar waa la laynayaa, qaarna waa la dhufaanayaa oo beerahaa lagu falayaa, haweenkuna waa addoon qaniimo ah”.}}

Nin madaxa ku socda oo la yaaban nin majaha ku socda ayaa la arkay. Wax nin ka faano ayaa nin ku faanaa. Haweenka Hawiye haddii  ragga Daarood qaniimeystaan dabcan waxay dhalayaan ubad Soomaaliyeed oo qurxoon, laakiin ma lays weydiiyey Haweenka Sawaaxiliga iyo Sankadhuudhigu silciyey ee qaar “AIDS” ku riday, qaar miska jebiyey, qaar maxalka jeexay, qaar ka dhalay carruur u eg daanyeer-gorile iyo doofaar-goome. Qof qaawan oo cawradiisu dibedda taal isla markaana wax ka sheegaya qof asturan, taasi waa maan gurracan iyo garasho jaan.

E-maillo xambaarsan aflagaado iyo caay ayaa si joogto ah la iigu soo diraa.. Erayada ku qoran emaillada maalin walba la ii soo diro markaan qiimeeyey waxaan tuhunsanahay oo malo-weyn igu ah inay soo direen shaqsiyaad reer Puntland ah. Sababta aan ugu maleeyey sidaas, waxay xiriir la leedahay dhacdooyinka taariikheed. Sababtoo ah aflagaado iyo islaweyni dhalanteed waa arrin lagu yaqaan reer Puntland. 1979 nin la oran jirey Khaliif Sheekh (reer Qandala) ayaa Sucudiga kasoo tebiyey gabay la mid ah oo aad ugu eg emaillada la ii soo diro maanta, Khaliif wuxuu yiri:

Hawiyoo mahigaan ka badan jaraha loo miiqye,

Waxay talo ku mooseen inay moxogga diirtaane,

Maarahaa Siyaad baa ka dhigay maata caano leh..

Idoor marduuf jaada helay waa majnuun falane,

Intaad wanka macasha weynleh iyo miidda karineyso,

Sida weer masuubaa intaad mayraq la ordeyso….

Xigmadda gabaygii Khaliif waxay dhaafi kari-weyday caay iyo dheri. Cuntadu waxay daruuri u tahay jiritaanka noolaha, dheri iyo cunto karin waa shaqo dumar. In asluub la’aantaas loo gabyo hidde-dhaqanka Soomaalida kuma jirto waase dhaqan hoosaad reer Puntland gaar u ah. Gabyaa la oran jirey Dharbaaxyo-Jin (reer Burco) ayaa la yaabay xigmad la’aanta Khaliif, wuxuuna u diray jawaab kooban oo aad loo jeclaystay wuxuu yiri

Murti xume, kalluun madax ka dabe, gabay Majeerteenle,

Maandhow murtiyo aqoontaad lahayd maxaa dheri ku meermeershay… Waa runtiis murtidii Khaliif waxay ku biyoshubatay “Hawiyaa moxog diirta, Isaaq baa jaad raamsada”.

Socodka taariikhda seben kasta suugaan baa laga allifaa. Nin reer miyi ah ayaa timir loo keenay wuxuu u fahmey sida bariiska in timir loo kariyo, isagoo timir hore weli haysta ayaa timir kale loo keenay, markaas buu yiri “timirtii horeba dab loo waa” oraahdaasi maahmaah bey noqotay. Sida la ogsoon yahay maahmaahda waxaa laga curiyaa nolol maalmeedka. Isbeddellada Soomaaliya ku dhacay dhowr maahmaah ayaa laga allifey tusaale gabayga Timacadde meeriska leh “dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaan” waa maahmaah. Dagaallada sokeeye waxaa laga dhaxlay dhaqanxumo iyo dhakafaar. Raqba waa ku rageeda, aqoonyahanno iyo abwaanno ayaa diiwaan u furay uruurinta:  maahmaah, murti & halkudheg wixii soo kordhay, waxaa ka mid ah:

Bad iyo beel xumi waxay liqaan banaankaa lagu arkaa.

Carrab yaxaas iyo caano baqal Casiis ma abuurin.

Cunto qubatay ama calool damaaci gashay.

Indha low ku yaal ma arkaan adinkooda.

Qaad raamsade qeyrkiis ma tiigsado.

Qaad raamsade ubad qaday dan kama galo

Aabbe aroor hurda agoonnimaa ka roon.

Naag xumi waa nacab naar ka daran.

Diinta ku qaraabte daacuun ka daran

Shabaab waa shisheeye iyo ubad Shaydaan.

Allow annagoon doorsoomin na dil.

Dhul Gaalo dhallaankaa ku luma &Yurub yaxaas baa ka sokeeya.

Dagaal waa damaca doqonta & Isbaaro waa ebtelo iyo edeg ibliis.

Qallooc iyo qabyaalad baa qaran dumiya & Qab qab dhaafay baa qaran ku jabaa.

Tafaraaruq iyo kala tag waa taws qaran & Wadajir baa wanaag iyo is weheshi leh.

Tujaar tabar helay miskiin uma turo & Tuug iyo taajir taladood waa tacbo.

Waxgarad Daarood oo ay ka mid ahaayeen (Jeneraal Morgan & Jineraal Gabyow) oo Kismaayo ku shiray ayaa rag goobta ka hadlay aad u caytameen, ha-yeeshee Xaliima Soofe waxay tiri “berrito Soomaali waa isu imaan doontaa ee halayga damiyo makarfoonka, waan caytami lahaayee”. Xaliima Soofe way garataa colaad kasta in  caaqibo nabadeed  ka  dambeyn, laakiin Jineraalladu ma garan inta Xaliima garatay. Sidoo kale, Shirkii Toronto ee cinwaankiisu ahaa “Xuska Xasuuqii 91” (Sucaad & Ubax) oo madasha ka hadlay waxay ka hadal fiicnaayeen oo ka asluub wanaagsanayeen odayaal loo xil-hayey. Sidaas awgeed markii lays barbardhigay hadallada ragga iyo haweenka waxaa la diiwaangeliyey maahmaah cusub oo leh:

“Murti Daarood waa marrey dumar

Waxaan xubin ka ahay “Golaha Samadoonka Soomaaliyeed” oo hadafkiisu yahay hirgelinta (dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska qarankii dumay, dib-u-soo nooleynta sharaftii iyo karaamadii luntay iwm). Weligey kuma riyoon mana jecli inaan dego Jubbaland iyo cimilada dhooboy, jago iyo kursina kama rabo maamulka Jubbaland. Waxaan ka shaqeyn jirey Kismaayo, weli waxaan si xanuun badan u gocanayaa caddaalad-darradii, kibirkii iyo kadeedkii lagu hayey beelaha dulman. Waxaan gocanayaa islaweynidii iyo santaagii Barasaab Cumar Lulaaye. Waxaan u soo joogay odayga Gaaljecel oo aan gabadhiisa bixin karin isagoo aan marka hore idan ka helin Kafiilkiisa Majeerteen. Waxaan u soo joogay wiilka Ogaadeen oo guursan kara gabadha Wardey, ha-yeeshee wiilka Wardey guur iska-daaye in uusan fiirin karin wejiga gabadha Ogaadeen. Beel gumeysteyaashii gacansaar la yeelatay inay heerkaas xad-dhaafka ah u gumeysato beelaha tabarta yar, waa kibir xad-dhaaf ah oo aan la qaadan karin. Haddaba hillaac biyihiis waa caddeeyaa,  shaqsiyan aan iftiimiyo mowqifkeyga, anigoo dawaafaya Kacbada inaan Xaramka ku dhinto, waxaan ka jecelahay inaan Jubbaland ku dhinto anigoo ku jira xoreynta masaakinta la dulmay. Fekradaas dad badan baa ila qaba oo diyaar u ah dagaalka xoreynta Jubbaland. Nin baa yiri “cibaadeysaan cindiga ku hayee daniba waygu celin ciyaaraha”. Kooxaha kibirka iyo islaweynidu madaxmartay, fadlan ha garwaaqsadeen “qofka la addoonsado markuu dareemo inuu addoon yahay waa xoroobay”.

Taariikhda waxaa loo bartaa wixii shalay dhacay dhib iyo dheef in laga faa’iideysto oo laga fogaado khaladkii shalay lagu ambaday, lana hormariyo wadadii wanaaga lagu gaarey shalay. Waa lagama maarmaan in la fahmo muhiimadda ay leedahay “shalay, maanta & berrito”. Taariikhda Soomaalida Cabdullaahi Yuusuf ayaa ahaa shaqsigii ugu horreeyey ee ciidan shisheeye dalka kusoo hoggaamiya oo madaxtinimo ku doona muruq ajnebi. Xaggee Cabdullaahi ku dambeeyey? Isagoo bahdilen oo kaba la’ ayuu qaxootinimo ku dhintay, baqo-cararkiina wuxuu ku calaacalay “Taariikh madow baan dhaxliyo toobad seegnimo’e .. Tabaalaha adduunyada maxaan tacadi soo joogay”. Qof garaad leh laba goor god lagama qaniino. Ceebtii Cabdullaahi iyo Maleeshiyada Dhafoorqiiq ku dhacday yaan la iloobin.

Kooxaha ka yimid “Qardho & Qorrxey” ee hoos carara ciidanka Kenya sida niyadsamida ahna ugu tiirsan awoodda shisheeye waxaan leeyahay sidu sidii hore maaha oo Hariifo waa baraarugtay, Giirgiirna waa gilgilatay. Teeda kale waxay hiil iyo hoo ka haystaan Soomaalida dulmidiidka ah ee sinnaanta iyo samaanta jecel. Insha-Allaah  Ciidanka Kenya mardhow way baxayaan ee yaan colaadda cirka lagu shareerin. Kooxaha Kismaayo ka heesaya dib taariikhda ha u eegeen oo hays weydiiyeen awood amaah ah in ummad lagu caburin karo iyo inay riyo tahay. Nin ciniin ahi caar amaah ah naag kuma arooso. Nin baa ku gabyey “wax kalaa lagaa caawiyaa oo cidi ku siisaaye, calankaa jab waa markii caarka caajis ka galo”. Calankaa jab waa cudud shisheeye ku ciilbax. Calankaa jab waa caamil gumeysi noqo. Calankaa jab waa markii caqliga caabuq ka galo. Calankaa jab waa markii cududu cilin ka noqoto. Calankaa jab waa markaad kibir is cajebiso. Calankaa jab waa markaad calmato calaf islaameed. Calankaa jab waa markii hablo cafiifaa Sawxiili caruuso.  Fariintaan oo waano iyo caqli celin u ah walaalaha SAHAL ee beryahaan ciidanka Kenya isku cajabiyey, bal aan intaas ku hakiyo, qoraalkana kusoo gunaanado “Jubbaland yaa iska leh???”

Labadii qarni ee lasoo dhaafay Lahaanshaha Jubbaland muran baa ka taagnaa, xalkuna waa sambuus afar gees ah. Duurjoogta iyo kalluunkuba sida ay u kala xoog weyn yihiin ayey isu cunaan “survival of the fittest”.  Bini-aadamku waa damaaci ka sii xun dugaagga. Dad Yurub ka haajiray oo hub iyo hantiba watey ayaa qabsaday qaaradaha: Afrika, Asiya, Australia & America. Dadkii ka dagaagay qaaradda Yurub waa ka ilbaxsanaayeen, xeelad iyo xirfad ciidanna waa ka hormarsanaayeen dadkii ay duldegeen. Dadkii loogu tegay qaaradaha Australia & North America waa la dabargooyey, tiro yar ayaa laga reebay, dhulkiina waxaa hantiyey dadkii reer Yurub.

Sidaas oo kale, Jubbaland waxaa qabsaday dadka kasoo rugdoorsaday omoska Puntland iyo Somaali Galbeed. Bartamaha qarnigii 19aad Ogaadeen hub iyo xeelad dagaalba ka sareeyey dadkii degi jirey Jubbaland, waxay qabsadeen qeybo ka mid ah Jubbaland, waxayna barakicin iyo caburin la beegsadeen beelihii aan hubeysneyn, gaar ahaan beesha Wardey, qaar waxaa loo qaxiyey dhanka NFD waxayna ku milmeen Booranta & Gabraha, qaarna waxaa laga dhigay madiidin xoolaha raaca. Isla sanadahaas abaar iyo macayshad xumo ka dhacay Woqooyi Bari, dad dhibaatadaas kasoo cararay ayaa soo degay Jubbaland. Sida taariikhyahannadu kasoo xigteen wakiilkii Kismaayo u fadhiyey Suldaan Barqash oo dhulkaas dusha ka xukumay doontii ugu horreysay ee xeebaha Woqooyi Bari kasoo shiraacatay ayaa baroosinka soo dhigatay dekedda Kismaayo Maarso 1868. 1920kii jabkii Daraawiishta kadib kooxdii seddaxaad ayaa Jubbaland soo beegsatay waxayna hayb ahaan ku biireen dadkii Woqooyi Bari doonyaha uga yimid.

Haddii lagu murmo lahaanshaha magaalo lagu nool yahay, siyaabo badan ayaa loo kala saaraa. Ugu horreyn waxaa laga baaraandegaa afar arrimood: “dhismeyaasha gaboobay, qabuuraha magaca leh, magacayada deegaanka ku meersan iyo dadka miyiga ka keena daruuriyaadka, sida: caanaha, subaga, hilibka, hargaha dhuxusha, qalabka dhismaha (dhagax, nuurad, ciid iwm). Dhismaha qadiimka ah ee Kismaayo waxaa u badan Baajuun, balse qabuuraha la siyaarto waxaa u badan Jareer iyo Gibilcadda xeebaha degta. Magacyada deegaanka 90% waxaa laga dhaxlay dadkii deegaanka loogu yimid, tusaale (Waamo, Qooqaani, Kamsuuma, Sanguuni, Yoontoy, Gajaroon, Sacmoojo, Raskaambooni, Manaraani, Warfela, Kudhaa, Unguuni, Kulbiyow, Turdho, Dhasheeg, Hoosingow iwm).  Daruuriyaadka Kismaayo looga nool yahay waxaa keena beelaha deegaanka ee kala ah: (Wardey, Madaluug, Sheekhaal, Gaaljecel, Biyamaal, Cawramaleh, Jareer iyo wixii soo raaca).

Intii aan soo galootigu xoog ku qabsan, Jubbaland dadkii asal ahaan lahaan jrey qoraall tiro badan ayaa laga qoray oo gumeysigii ayaa kaydka taariikhda geliyey, tusaale. Wakiilkii Talyaaniga Ugo Ferandi 13/01/1893 magaalada Baardheere wuxuu heshiis maxmiyad Talyaani kula saxiixday Suldaan Cabdi Cismaan oo ahaa suldaankii Ajuuraan. Sidoo kale Ugo Ferandi 18/11/1893 magaalada Luuq wuxuu heshiis maxmiyad Talyaani kula saxiixday Suldaan Cali Xasan Nuur oo ahaa suldaankii beesha Gasaare-gude “Raxanweyn”.  Doorasho baarlamaan oo ku celis ahayd “by election” oo la qabtay 15/01/1960, Luuq waxaa kasoo galay laba xildhibaan (Cabdikarim Xussen Malakh, Raxanweyn iyo Maxamed Cilmi Buraale, Surre Dir). Doorashadii 1964 Baardheere waxaa baarlamaanka kasoo galay laba xildhibaan (Keenadiid Amed Yuusuf, Ajuuraan iyo Xaaji Sid Bakar Shariif Cismaan, Raxanweyn) guud ahaan geyiga Soomaalida waxaa laga yaqaan halkudhegga “Baardheere waa beled Ajuuraan”.

North America & Australia dadkii loogu tegay sidii loo laayey oo kale soogalootigii Jubbaland qabsaday dadkii tabarta yaraa qaarna waa laayeen, qaarna waa barakiciyeen intii soo hartay waxaa laga dhigay madiidin sheegad ah oo haba yaraatee aan wax xuquuq ah lahayn. Maamulkii daaqiliga Ra’iisal-Wasaare Cabdullaahi Ciise ayaa  is addoonsigii ka jiray Jubbaland ka damqaday, 1957 wuxuu baarlamaankii xilligaas horgeeyey xeer loo dejiyey xoreynta dadkii laga dhigay xuquuq laaweyaasha sheegadka ah ee Kafiilka laga ahaa. Xeerkii RW Cabdullaahi Ciise baarlamaanka horkeenay waxaa ka carooday xildhibaannadii Majeerteen oo ku dooday “Cabdullaahi waxaan kuu haysanay waddani, waxaadse tahay qabiiliiste doonaya  nin Jaamac la yiraah in loogu waqlalo Jimcaale si Irir uga bato beelaha kale”. (Tixraac: Abolition of customary law of Harifo, was reported in the official newspaper corriere della Somalia on August 17, 1957)

Alle haka abaalmariyee, RW Cabdullahi Ciise waa ku guuleystay meelamrinta sharcigii xoreynta dadkii lagu suntay “Sheegad – Hariifo”. Ayaandarro dadaalkii Cabdullaahi mirodhal ma noqon oo wuxuu la kulmay murtidii “Abraham Lincoln 16th US President ee ahayd nin xoreyn rabaa la xoreeyaa”. Nin baa yiri “Nabi Muuse dabadi ninka doqon abaal tara dib-buu uga shallaayaa”.  Beelaha dulman shalay si fudud baa loo qabsaday, maantana maahan mintid abaabulan oo doonaya inay is xoreeyaan, waxayna u muuqdaan dad la bahdiley oo aad ugu nugul in la addoonsado. Nin baa yiri “canshuur qaade janno jidkeed kuma joogo, haddana uma jeelqabo”. Suurtagal maaha inaan qoraalkan kusoo koobo dulmiga iyo is addoonsiga ka jira Jubbaland, sansaanku waa“lixdan jirka Dhulbahante iyo 20 jirka Habarjeclo garta Caynabo kuma heshiiyaan”. Si kale haddii loo dhigo Jubballand waxay la mid tahay “Qudus – Jerusalem” oo Muslimiinta, Kirishtaanka & Yuhuuduba ay aamisan yihiin inay tahay goob muqadis ah oo ay leeyihiin. Ugu dambeyntii waxaan ku talinayaa taariikhyahannada, indheergaratada, aqoonyahanka, abwaannada inay furan dood ku saabsan xallinta mushkilada Jubbaland.

W/Q: Cali Sh. Maxamed

Sheekha333@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Ra’iisul Wasare Cabdi Farax Shirdoon fursad qaaliya miyuu dhumiyey?

$
0
0

Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid ) oo ilaa hada Soomaalida inteeda badani u aragto inuu wato halqabsigii caanka ahaa ee ( hadal yar iyo howl badan ) ayaa todobaadyadan danbe waday howl weyn oo loo riyaaqay taasoo ah inuu ku soo wareego soona booqdo gobolada dalka.

Safarkiisa oo wata fidinta maamulka dowlada federaalka isu soo ururinta ummada Soomaaliyeeed iyo in lasoo af jaro qilaafyada iyo dal-daloolada muqdiga ah eek u kala jiray Dowlada federalka iyo maamul gobeleedyada , arintaasoo ilaa hada ku socota si wanaagsan loona arko waa sida ay dadbadani aaaminsan yihiine inuu guulo lixaadle kasoo gaaray.

Waxaa kaloo aan Meesha kamaqnayn cabdi faarax wuxuu noqonayaa R/wasaarihii u horeeyey oo Soomaaliya oo intaasoo gobol isu soomara mudo kabadan 20 sano , iyadoo arintaani keeni karto isu soo dhawaasho, is aaminaad, kalsooni IWM.

Hadaba aan usoo noqdee ciwaanka qoralkaygee akhristoow ma is leedahay fursad qaaliya ayaa oo ay ku jirto danta dadka iyo dalka ayaa meeshaas ka muuqata , ma u jeedaan waxaan ujeedo, mise anigaa iska riyaaqayoo hami baas iwadaa.

53 sano kahor 26kii jun ayay ahayd maalinkii Somaliland Xornimada ka qaadatay ingiriiska iyagoon labalabayn ayay calanka gaari soosaareen oo keeneen koonfurta Soomaaliya oo iyana xornimada ka qaadatay talyaaniga ,waxay waqtigaas Somaliland garteen in ay walaalahooda Soomaaliyeed la midoobaan oo wax laqayb sadaan.

Dowladii dhisantay dalkii Horumar gaar, kadibna waxaa bilaamay dagaaladii Sokeeye oo aanan dooneyn inaan gartaas galo kuna dheeraado wixii soomaali kala gaaray .

Waxaa ku xigtay goosashadii Soomaaliland hadaba dad badan oo Soomaaliya ayaa waxay isku mashquuliyaan oo ay had iyo jeer ku cel –celiyaan Somaliland ma GO’I karto laakiin waxaa ka haboon inay ku cel-celiyaan maxaa ka keenay inay Somaliland gaarto qaraarkaas adag ? maxaa halkaa gaarsiiyey ? maxaa laga baran karaa arintaan sideebaase loo hubin karaa , inaysan qayb danbe oo Soomaali ahi aanay halkaasoo kale istaagin,

Dhanka kalena R wasaare Cabdi FAARAX fursad qaaliyuu haystaayee hadii dowladiisii maraykan aqoonsaday oo aduunyadu u heelan tahay, anigu waxaan oran lahaa Mudane R/wasaare Galgaduud iyo Garoowe haku meeraysane orodoo ,Gebiley gaar.

Taa waxaan kawadaa mararka qaarkood hogaamiyaha waxaa laga rabaa inuu qaato go’aan qaraar oo yaab leh oo aan laga filayn, taasoo keeni karta in la helo jawaab yaab leh ,oo aan lafileyn. Ama waxaa ka dhici lahayd ( kaa raystay kuma raba e , ha I raadsan, hadba soo roogaal celinta haku raagin )

Hadii uu R/wasaarugu Calankii iyo xornimadii Somaliland u keensatay kuna soo darsatay 53sano kahor haduu maanta intuu diyaarad saaro kana dago hargeysa oo yiraahda Somalilandeey awalna idinkaa na aaminay maantana anakaa idin aaminey ee gooya garta , gogolla noo fidiya martina waan idiin nahay calankiina waan sidaa ee iga gudooma,

Maxay dareemi lahayd Somaliland ? maxayse oran lahayd Somaliland ?

waa su’aal aan jawaabteeda la arki lahaa hadii ay diyaarada Rwasaaruhu Hargeysa ka dagato.

W/Q: Abukar Awale ( Qaad diid )
abukar_aw@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Hal qodob oo muhim u ah dastuurka Somalia in lagu daro

$
0
0

1.  Dastuurka wa xeer la sameystay oo wax laga bedeli karayo waxna lagu kordhin karayo, aydo la fiirinayo danaha Dalka iyo midnimada Shacabka.

2.  Dastuurka waa in u ahaada mid shacabka danahiisa ka shaqeynayo Qaranimada, Karamada iyo sharafta ummadda Somaliyeed meel kasto ha joogaane, Waxaan Madaxda sharafta leh la xasuusinayaa in ay yihiin mas’uuliyiinta xilka weyn dhabarka u ritay una dhartay iney badbadiyaan, dadkooda iyo dalkooda, sidaas daradeed Waxaan so jedineynaa)- in ruuxii ruux dilaa lagu fuliyo dil, taas oo lagu  darayo dastuurka, ayado loo daneynayo amniga qaranka, xukunka dilka ah la dadajinyo sida ugu dhaqsiyaha badan, ayadoo loo aneynayo in laga dabageeyo ruuxii uu dilay, aaskiisana dowladda xilqaado, ehelediisana maalintii uu wax dilay ayuu ka dhintay,

3.  Waxaan kaloo codsaneynaa haddii gacan ku dhiglaha baxsado in xukumadda dul dhigto lacag abaal marin ah oo la siinayo ruuxii soo sheegaa, kii soo qabtaa, kii macluumad soo gudbiyaa, ujeedkuna yahay in dilka la xakameeyo lana adkeeyo dilka, sidu allah u adkeyey.

Somaaliya waa Somali wax ay leedahay hal diin, hal dhaqan, hal luuqad,wa hal Qaran,  kumana  haboona in la goob goobeyo wa dad reer guuraa ah oo is dhaxmari jiray, miyeyna ku haboonen wada jirkii hore xukummad adag oo heykalki dowladnimo leh.

4.  Somaliya ha noolato wadajirkedana wa muqadas.

Waxaa Qoray Qoray                                                                                                                                                                                                                           Sheikhalin Gulled

Sheikhalin7@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Caqabadaha iyo Faa’iidooyinka ku xeeran qaadistii xayiraada hubka

$
0
0

Muddada sannadka ahee uu Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay xayiraaddii hubka ka fududeeyay Soomaalya ayaa u ogalaanaya xukuumadda in ay soo iibsato hub fudud si ay ula dagaallanto al-Shabaab, laakiinse falanqeeyayaasha qaar ayaa ka digaya in hubka oo loo oggalaado waddanka ay dhici karto in hubku uu gacmo khalad ah ku dhaco.

15-ka xubnood ee ka tirsan Golaha Ammaanka ayaa si buuxda ugu codeeyay 6-dii Maarso in muddo sannad ah la fududeeyo cunaqabatayntii hubka ee labaataneeyada sano jirtay, taas oo calaamad u ah kalsoonida uu caalamku ku qabo xukuumadda fadaraalka ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa talaabadan ammaanay, isaga oodalbanayay in cuna qabatayntan la qaado laga soo bilaabo Janaayo.

“Waxaan soo dhawaynaynaa Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu ku qaaday cuna qabataynta hubka iyada oo ah maslaxadda dawladdeenna. Go’aankan wuxuu si cad uga jawaabayaa horumarka xaaladda siyaadadda Soomaaliya,” ayuu Maxamud ku sheegay war-martuyeed uu soo saaray.

Qaraarka tirsigiisu yahay 2093 ayaa u oggalaanaya Soomaaliya in ay soo iibsan karto hub aan cabbirkiisu ka waynayn 12.7 milimitir. Qaraarka ayaa sidoo kale kordhiyay sharciyadda ciidanka 17,000 ku ah ee Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ilaa iyo 28-ka Febraayo 2014-ka.

Sida uu go’aankan dhigayo, ayaa xukuumadda Soomaaliya waxa laga doonayaa in ay shan maalin oo wargalin ah siiso gudiga u xilsaaran la socodka xayiraada Qaramada Midoobay wixii shixnadaha hubka fudud ah ee soo galaya Soomaaliya. Soomaaliya ayaa sidoo kale laga doonayaa in ay lixdii biloodba mar ay ka warbixiso qorshayaasheeda la xidhiidha dammaanad-qaadka in ay meel ammaan ah hubkaas ku haynayso.

Ilaalin

“Tallaabadan lagu fududaynayo xayiraaddii hubka ee Soomaaliya waa guul wayn oo u soo hoyatay shacabka iyo xukuumadda Soomaaliya waxyna ka dhigan tahay tallaabo wanaagsan oo muujinsaysa kalsoonida ay caalamku ku qabaan xukuumadda cusub,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji maxamuud Fiqi.

Fiqi wuxuu carrabka ku adkeeyay in fududaynta cunaqabatayntu ay xukuumadda Soomaaliya ka caawinayso in ay gaadho hadafkeedii u waynaa ee ahaa in ay jabiso al-Shabaab. “Hadda oo cunaqabatayntii la fududeeyay, ayaa xukuumadda Soomaaliya ay soo iibsan kartaa hub fudud iyada oo hadafkeedu yahay xoojinta ciidamadeeda ammaanka una saamaxaya in ay si karti leh ay shaqadooda ammaan u gudan karaan,” ayuu yiri.

“Waxaan rabaa in aan saaxiibadeen u xaqiijiyo in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay fulinta waxyaabhihii ku qornaa go’aanka Golaha Ammaanka si aan mugdi ku jirinna u fulinayso, waxaan doonayaa in aan u sheego shacabka Soomaalida in fursadan ay xukuumaddodu heshay in aysan khatar ku noqonayn nolasha rayidka, hubkana aan si khaldan loo isticmaali doonin,” ayuu yiri Fiqi.

“Soomaaliya si la mida waddamada kale ee caalamka waxa ay u baahan tahay in ay hubeeyso ciidankeeda qaran una istimcaasho ciidankaas difaaca madax-bannaanideeda iyo difaaca dhulkeeda,” ayuu yidhi.

Cawaaqib kama’ ah

Bishan horaanteedii, ayaa Hay’ada Xuquuda Caalimaha ah ee Amnesty ka digtay inka qaadida cuna qabataynta hubaka ee Soomaaliya ay hubka gacanta u galin karto al-Shabaab, haddii aysan jirin ilaalin waafi ahna, ay dhici karto in kala wareejinta hubku ay kaga sii dari karto xaaladda bini’aadannimo.

Falanqeeyayaasha xagga siyaasadda iyo ammaanka ayaa sidoo kale ka digay in haddiii aan la helin ilaalin noocaas ah, cuna qabataynta oo la fududeeyo ay khatar galin karto amaanka gobalka.

“Haddii aan tallaabooyin daruuri oo lagu xaqiijinayo isticmaalka hubka aan la qaadin, hubka la soo iibsadana aan lala wadaagin maamullada dawlad-gobaleedyada, in markaa ka qaaditaanka xanibaada hubka laga yabo in ay sii cakirto xaaladda,” Maxamed Xasan Cabdi oo ah falanqeeye siyaasadeed oo jooga Gaalkacyo.

Waxa dhici karta in maamul-gobaleedyada sida Puntland iyo Soomaaliland ay maciinsadaan suuqa madaw si ay u helaan hub la mida kan ay xukuumadda fedaraalka ah soo iibsatay iyada oo la tix-raacayo qaraarka Qaramada Midoobay, ayuu  sheegay. Taana laga dhaxlo “in ay dhaliso tartan xagga hubka ah oo ka dhaca Soomaaliya kaasoo markiisa dhalin kara colaado cusub oo ka dhex biloowda Muqdisho iyo goballada aan kor ku soo sheegnay,” ayuu yidhi.

“Shakiga ay maamullada Puntland iyo Soomaaliland muujiyeen waa mid dow ah, sababta oo ah waxay qabaan cabsi ah in xukuumadda fedaraalka ah ay hubkaas u adeegsanayso in ay waddanka ku mideeyaan awood, waxaa kale oo jirta cabsi ah in hubkaas uu ku dhaco gacmo khalad ah–gaar ahaan kooxaha xag jirka ah ee calaaqada la leh al-Qaeda iyo maleeshiyada qabaa’ilka,” ayuu yidhi.

Faafidda hubka oo walwal keenaya

Cabdishakuur Axmed oo ah kornayl ciidan oo howl-gab ah ayaa sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn hub kale. Laakiinse ay u baahan tahay, ayuu yidhi, in xukuumaddu ay xoogga saarto in ay hubka ka dhigto maleeshiyada qabaa’ilka iyo kooxaha kale ee hubaysan.

“Waddan sida Soomaaliya oo kale ah oo uu curyaamiyay dagaal sokeeye, khilaaf qabiil iyo hubka oo meel walba yaalla, looma baahna in hub kale la keeno,” ayuu yiri Axmed. “Taas lidkeeda, faafitaanka uu hubku ku faafayo gacmaha shacabka ayaa runtii ah mid walwal leh.”

Wuxuu sheegay in ciidanka dawladdu uusan wali ahayn mid matalaya Soomaaliya oo dhan, waxaana ku jira xubno wali niyada kala jira qabaail oo aan wali si toos ah loola falgalinin ciidanka qaranka.

“Waxaa jira maleeshiyo qabiil oo xukuma qaybo waddanka ka tirsan, sida Ciidanka Ras Kamboni ee Kismaayo iyo Ahlu Sunna wal Jamaa ee Galgaduud. Sidaas oo kale ayaa la dhihi karaa goballada Hiiraan iyo Baay oo ciidamo maleeshiyo ah oo qabiilo gooni ah ay u xoog badan yihiin xukumaan,” ayuu yiri Axmed.

“In kasta oo ay xukuumadda Soomaaliya ku dadaalayso in ay dhisto ciidan qaran, hadana xaqiiqadu waa in ciidanka qaranku uusan wali matalin qaybaha kala gadisan iyo goballada Soomaaliya oo aanan si sax ah loo odhan karin waa ciidan qaran,” ayuu yidhi.

Gen. Dhega Badan: “Maamuus kuuma quuraan’e MAHADSANID”

$
0
0

Inta badan waxaa la igu eedeeyaa, qoraalladaydana lagu dhilaalaa inaan meel xun uun wax ka fiirsho mar walba oo aan wax qorayo, oo malaha la igu dhibsaday, haddaanba la igu nicin. Taa oo leh qiil iyo qaab marna lagu qotomin karo, marka kalana lagu qabbiro. Waa loo qiilin karaayoo dadka dhibkaa ka tan badshoo qaati ayey ka tagan yihiin xun sheegid iyo xan faafin. Waa marka kaloo waa lagu qabbiri karaa, illeen marka aan samo sheeg noqonayo waa marka aan arko samo la falayee. Haddiise wax walba ee la sameeyo ay gurracan yihiin, gadaalna ka go’an yihiin, ee aan warsho ma anaa ku eed leh, mise ninkii dhacdadaa sababay? War anagaa ebtelo aragnay!

War Soomaalida maxaa ka qaldan baa lagu leeyahay? Haddii aanba Sooyaal la sheegi karin, goorma ayey wax toosaayaan? Oo ka dhigan inaan midda taaganna laga hadli karin, illeen FIDNO WADE ayaad tahay haddaad ka hadashee, oodna ku noqon QAAB XUN WAX U SHEEGE! Aniguse waxaan leeyahay si aan wax xun loo sheegin yaan wax xun la samayn.

Arartaa ka dib, qormadan way ka duwanaan doontaa qormooyinkii aan hore u qori jiray. Waa maroo waxaan isku dayi doonaa inaan wanaag ku muujiyo, madaama xume sheeg uun la ii arkay. Marka xigtana markii u horreysay intaan qoraalka ku dhex jiray ayaan qori doonaa qoraal ammaan iyo bagaadin ah oon mudane gaar ah u jeediyo. Dabcan taana waxaa keenay wixii uu qabtaye, ee bal ila soco.

Waxaan xilka ka qaadis lagu sameeyey Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. C/kariim Yuusuf Aadan “Dhagabadan” oo labaduba laf dhabar u ahaa dagaalkii lagula jiray xagjirka iyo kuwa mayalka adag ee Alshabaab iyo inta ku abtirsata.

Xil ka qaadistaa waxaa ka dhashay dareemmo kala duwan, use badnaa sida looga wada maqsuuday shaqada ay qabteen labadan mudane. Qormada anoo Gen. Dhaga badan kaliya ku eegi doona ayaan haddana Genanka kalana ka marnayn. Kama sheekayn doono korriimadiisii, waxbarashadiisii iyo wax qabadkiisii toona, waxaanse doonayaa inaan dhawr sadar oon sooyaalka u reebo saaka yaalkana ku samriyo ku wadaajiyo.

Ugu horreyn, aan mar kale afeeftee, ha moodin inaan Gen. Dhega badan qaraabo nahay. Haayoo waaba nehee, waa Soomaalinnimo kaliya. maadaam uu yahay Aabbaha udubkii Ashabaab lagu ab jaray. Taa qaraabo waan ku nehee, waxaan ka feejinahay waa midda nacasnimada iyo naasnuujinta ah, ee dhalyo beenaadka iyo dhiig aan jirin la isugu dhiibo. Qaraabadeennuse waa mid qarannimo iyo qawmiyad ku qaabsan.

Taa ka dib, xilliga Gen. Dhaga badan loo magacabayey jagadaa sare dalku wuxuu ku jiray MUGDI. Magaalada Muqdisho badideeda waxaa gacanta ku hayey oo maamulayey mooryaanta Alshabaab iyo malleeshiyaadka caloosha u shaqaystayaasha ah ee ay beesada ku baabeen.

Taa ka sokow, guud ahaan madaxda sare ee dalka hoggaankiisa haysay waxay madaxa iyo majaha kula jireen musuqmaasuq maamul, maaliyadeed iyo maaraynba.

Mar walba waxaa taagnaa khilaaf iyo muran la xiriira awoodda madaxda dalka, kaba darene, waxaa la isku hertin jiray Shilimaadka yar ee dunidu ku deeqdo iyo Kumiyaasha ka soo xarooda Dekadda iyo Garoonka Muqdisha.

Hoggaan aan haybad lahayn, hadar iyo hadal uun ku hawllan iyo halaag wadayaal aan hooyooyinku u nixin ayuu ku soo aaday xil qabashada Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhega badan sidii uu xilkaa u qabtay waxaa isbadal laga dareemay Hoggaanka Ciidanka, gaar ahaan kuwooda qalabka sida, ee ku hawllan la dagaallanka Argagixisada.

Adaygga shaqada Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhega badan muranka madaxda iyo maatoa cunka kaliya ma ahan, ee waxaa taa ka darnaa, in dhammaan Hay’adaha Dawladda, ee leh shaqaale jaad walba ay yeelan kara iyo Ciidanka noocyadiisa kala duwan inay ku milnaayeen oo ku dhex jireen xubno ka tirsanaa ama gacan saar iyo wada shaqayn la lehaa Alshabaabta uu halganka kula jiro Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhega badan. Taasoo sii adkaysay shaqadiisa.

Horaa loo yiri: “Geesi ma xirmee” hadal iyo hawl miday tahaybee, Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhaga badanGartu Alleey taqaane” waa ka soo dhalaalay shaqadii loo xilsaaray ee uu qoorta u ritay.

Dad badan yaa qaba in Alshabaab looga gacan sara maray kaliya awoodda AMISOM. Taa oo aan dhihi karo waxay ka fog tahay waaqica iyo sida wax yihiin. Hubaal in AMISOM kaalin mug leh ka qaateen. Haddana, Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhega badan iyo ciidankiisa la’aantood miyaa inta maanta hirgashay la suuragalin lahaa? Jawaabtu waa maya, ee Soomaaliyeey aan qof walba inta uu qabtay u sheegno kana run sheegno.

Marxaladda adag ee lagu jiray, kala qaybsanaanta mar walba dhex taallay madaxda dawladda, Ashabaab oo xafiis walba oo dawladda xubno ku leheed, ciidanka oo aan mushaar joogta ah qaadan jirin, hubka iyo rasaasta oo ku yiraa, mararka qaarkoodna ka go’ayey, Anigu waxaan qabaa, ninkii aan intaa u dhutine dhabar adayg ku dhammaystay shaqadiisa inuu mudan yahay in si gaar ah loo xuso.

Taa kaliya ma ahan. Soomaalida qofkii meel loo magacaabo isagaa isa siiya, wuxuuna isku dayaa inuu meelo kale lugaha iyo faraha la galo, haddusan madaxa iyo majahaba wada galin “Anaa taabsaday!” Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhega badan wuxuu ku koobnaa shaqadiisa ciidan. Marna ma dhexgalin Maamulka Wasaaradda Gaashaandhigga iska daa kuwa kalee xariir shaqo la yeelan karta sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Taa badalkeed, isaga ayaa shaqadiisa mar walba faraglin lagu hayey. Waxaan ka xusi karaa ragga uu aad uga cawday ama ka sheegtay intuu xilkaa hayey Mudane Gaas oo mar ahaa Wasiirka koowaad ee Xukuumaddii u dambaysay Dawladdii Shariif. Ayaandarro ayaa ah inuu maanta na leeyahay anaa dalka ka badbaadshay in la qabsado. Shalay isagaa u soo horkacay Keenyaanka markuu diiday Shariifna inta daba maray heshiis la soo galay. Kaba sii muhimsane, isagaa shalay taageersanaa Xabashisu inay dalka qabsato, malaha maalintaa C/laahi Yuusuf ayaa u muuqday iyo han aan jirin.

Gen. Dhega badan ayaa u dulqaadan waayey qaabxumada mudane Gaas, oo ka gilgishay gardarradiisa qaawan ka dib markii Gen. Dhega badan ka warhelay soddon Askar ah oo loo qaadi rabay Tababbar, oo uusan Gen. Dhega badan  waxba ka ogayn, loona qaadi rabay wadanka Jabuuti, lana yiri waxaa ogaa mudane Gaas.

Gen. Dhaga badan ayaa is hortaagay ciidankaa la qaadi rabay, kuna amray in la geeyo xarunta dambi baarista, si su’aalo loo weydiiyo. Waaba iga su’aale, mudane ciidan si gaar u tababaranaya, qas ka weyn miyey jirtaa? Walibana waddo sharci darro ah u maraya.

Gen. Dhega badan meesha ay isku qabteen Gaas taa kaliya ma ahan, ee waxay isku maandhaafeen qaabka loo soo xulayo odayada beesha uu ka soo jeedo Gen. Dhega bdan, oo mudane Gaas soo faragaliyey, bal aqriste qas ka qweyn miyaad haysaa, in mudane Gaas uu faraha la galo, beel uusan u dhalan, qaabka loo xulayo odayadooda? Haddana waxay doonayaan inay naga dhaadhiciyaan waxaa jira Qaswadayaal kale.

Hadduu garan waayey mudane Gaas inuusan galin meel aan loo dirsan, iskuna qaadin meel aan u qummanayn, ayaa waxaa si toos ah ugu jawaabay Gen. Dhagabadan oo yiri: “Ma waxaad tahay Kaabo Qabiil Soomaliyed? Mise Ra’isal Wasaare Soomaaliyeed?” siina raaciyey: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!”.

Yeysan qormadu ila baxsane aan ka bayro taaye. Geesinnimida Gen. Dhega badan  ma ahan mid u baahan caddaymo iyo baaris. Kaliya waxaad u baahan tahay inaad dib u eegto marxaladda uu ka shaqanayey, xaalka siduu ahaa iyo hadalladiisii. Halqabsigiisa cajiibka ahaa ayaa ereygan “JID iyo JIHA DIID!” marka uu doonayo inuu tilmaamo Alshabaab iyo argagixisada.

Ugu dambayn, aan toos erayo kooban u iraahdo Gen. Dhega badan. Anoo cinwaanka qormada cusmaya MUDANE MAAMUUS KUUMA QUURAAANE MHADSANID.

Anigu weedhaa eray aan ku daro ma hayo, qofkii hayaa hana wadaajiyo, illeen waan u baahannehee. Malaha waxaan eray u helayn ayaa ah dareenka oo jiq is iri iyo afka oo aan doonayn inuu arar badan sheego.

Waxaan doonayaa inaan arrin muhim ah soo jeediyo, oo marna nacasnimadeenna muujinaysa marna xasadnimadeenna muujinaysa. Marka hore waa inaannaan qofka sida uu mudan yahay maqaam iyo magacba aannaan ku maamuusin. Marka kale waa inaannaanba u quurin inta uu mudan yahay. Taa waxay keenaysaa in mar walba magac gaad iyo mid aan jirin wax laga dhigo.

Dhanka kale, had jeer iyo jeer waxaad maqashaa “HALYEEY” dabcan ay ku lammaansan tahay waddani. Badanaa kuwa lagu timaamo magacyadaa mid mudan iska daaye, xitaa mid u soo dhaw kuma jiro. Horaa loo yiri “Nimaan shaqaynsan Shaah waa ka xaaraane” maxaa mar walba kuwan jaan magacyada loogu hullaabaa? Anigu ma garan. Waase hubaal inay ka turjumayso qabyonimo na haysata.

Haddii mudnaanta la siiyo kuwa aan jirin inta mudan ayaa gabaysa. Maanta qof naga mudan maamuus waan haynneeye, ee weydiinta yaa ah, sidee loo maamuusi karaa? Anigu waxaan qabaa siyaabahan soo socda inay lagama maarmaan tahay in la raaco. Gaar ahaan waxaan u soo jeedinayaa Madaxda Dawladda, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyayaasha xilka kala wareegay. Waxayna kala yihiin:

  • In Mushaar joogta ah oo Hawlgabnimo loo qoro.
  • In Ilaaladiisa aan laga kala dirin ama kuwo kale loogu badalo.
  • In Abaalmarin la guddoonsiiyo, sida: BILLADDA GEESINNIMADA iwm.
  • In wax lagu xasuusto loo sameeyo, sida: in Waddo lagu magacaabo. Xarun Ciidan loogu magac daro. Goob Fagaaro ah loo baxsho. Machad Ciidanku wax barto IWM.

Intaa iyo intaa la midka ah waxay wax ka tarayaan inay dhiirraglin u noqdaan qof walba oo doonaya inuu wax u qabto umaddan, si uusan isu dhihin, awalba kuwaan waxba kama dheefaysine, maxaad uga dhabar jabaysaa? Taa oo ah mid taagan dad badanna hortaal.

Marka waa in taa maankooda laga saaro, lana tuso, in qofkii wax qabata ee mudan maamuus inaan laga hagrayn.

Haddii kale maalin aan loo baahnayn ayaa la dhihi doonaa, hebel halyeey ayuu ahaa iyo nin qiimo badan. Malaha waxay hirgalinayaa “Haddaad ammaan rabto Dhimo!” Illeen waa tii heesti ahayd.

Ifka laysu turaaye

Iilka laysma gargaaro!”

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Mareegtii ugu dambeysay ee Shabaab oo shaaca ka qaaday tabardarro

$
0
0

Qeybtii saddexaad ee al-Shabaab mareegtooda Gaidi Mtaani ayaa isku dayeeysa in ay soo bandhigto in kooxdu ay mideeysantahay ayna barwaaqeysantahay, balse waxa ay muujisay tabardarrada dhexdooda kasoo baxeeysa, sida ay sheegayaan falanqeeyeyaal dhanka ammaanka ah oo reer Kenya ah.

Iyadoo lagu daabacay 3-dii Maarso Ingiriisi iyo Sawaaxili, waxaa 42-da bog lagu sharaxayaa sida aysan dimoqraadiyadda iyo Islaamku isku qaadan karin, ku turjumeysa shilalka sida arrimo Ilaah uu wato, waxa ayna gudbineysaa koorsooyin deg deg ah oo mowduucyadooda ay ka mid yihiin ammaanka telefoonada gacanta iyo sameeynta bamka quraaradaha iyo baasiinka laga sameeyo.

Daboolka sare waxa uu muujinayaa sawirkaSheekh Aboud Rogo Mohammed, wadaadkii burjiga lahaa ahaa iyo taageerihii al-shabaab oo la dilay isagoo gaari ku wada Mombasa Agoosto 27-keedii, iyadoo cinwaan looga dhigay “Dhiiri Galiye Isbeddel”.

Al-Shabaab ayaa isku dayaysa inay u gacan haatiso taageerayaashii Rogo ee Kenya in ay ku soo biiraan taageerayaashooda iyagoo dib u daabacay warbixintii ay kooxdu shaacisay maalintii dilkiisa iyaga oo sheeko Sawaaxil kaliya lagu qoray daabacay.

Warbixintu waxay ku boorrisay Muslimiinta reer Kenya ” in ay midoobaan” iyo “inay qaadaaan tallaabooyin kasta oo lagama maarmaan ah si ay uga difaacaan diintooda, sharaftooda, hantidooda iyo naftooda cadowga Islaamka”.

Warbixintu waxa ay ku dhaleeceeysay xukuumadda Kenya inay kula heshiisay reer galbeedka dilka Sheekha ayna sharciyeeysay dilka Muslimiinta gobolka Xeebta, kuwaas oo caro gaamurtay ugu haya xukuumadda dhexe arrimo ku saabsan horumarinta iyo u qoondeeynta lacagaha.

Sameeysashada xulafo si ay ugu muuqdaan muhiim

Gaidi Mtaani ayaa sidoo kale ku fogaatay aqbalka in xiriir uu ka dhexeeyo al-Shabaab iyo kooxda goosad doonka ah ee Golaha Jamhuuriga Mombasa (MRC).

“Ku biiritaanka MRC, ayay al-Shabaab ku rajeyneysaa in ay hesho jaal dambiyada si ay ugu kabto khasaaraha ay kala kulantay goosashooyinka iyo guuldarrooyinka,” ayuu yiri Madaxa Bilayska Xeebta Aggrey Adoli. “Waase suurtagal in ay raadinayaan in ay martigaliyaan MRC.”

Adoli ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay baacsan doonaan falalka dambiilanimada ah ee ka dhacaya gobolka, wuxuuna ka soo horjeestay warka jariiradda ee ah in Muslimiinta la cadaadinayo oo uu ku tilmaamay wax aan qiil loo hayn.

“Kooxdu waxa ay isticmaaleeysaa dacaayad kasta si ay u carqaladeeyso midnimadda iyo wada noolaanshaha dadka heysta diimaha kala duwan ee dalka ku nool, waxaanan heegan u nahay xaqiiqdaas,” ayuu yiri.

Wilberforce Onchiri, oo ah la taliye xagga ammaanka ah iyo taliye hore oo ciidamada ah fadhigiisuna yahay Nairobi, ayaa sheegay in xagjiriintu ay isku dayayaan in ay hantiyaan dadka saboolka ah kuwaas oo aqrinta majaladda looga dhaadhicin karo in ay bilaabaan rabshado maxaa yeelay waxa ay dareemayaan in la gacan bidixeeyay.

“Kooxdu waxay beegsanaysaa shakhsiyaadka ay macquul tahay in ay wax uun ka caraysan yihiin … Al-Shabaab, micno uguma fadhido haddii dilka loo adeegsado magaca jihaadka ama caro jirtay. Dil wadareed walba iyaga waa uu u wanaagsanyahay,” ayuu yiri.

Dadka sidan oo kale ah waxa ay sameyn karaan bambooyinka lagu tilmaamey majaladda maxaa yeelay waxaa lagu sameyn karaa si aan qaali ahayn iyadoo la isticmaalayo aalado si fudud loo heli karo,” ayuu yiri Onchiri.

Casharrada ayaa muujinaya in al-Shabaab aysan ku sii raaxaysaneeynin meelo ammaan ah, oo aysan u bixin karin tababaro sidii ay ugu fududeyd markii hore.

“Koorsada deg-degga ah ee bambooyinka ayaa caddeynaya inaysan heli karin meel ay ku tababaraan [kuwa ay askareeyaan], ayna diyaar u yihiin inay qof walba isticmaalaan si ay u abuuraan degganaansho la’aan,” ayuu yiri Onchiri. “Ujeedadu waa in ay si walba u abuuraan rabshad, ayna sheegtaan mas’uuliyadda si ay u muujiyaan saameyntooda iyo inay wax qaban karaan. Waxa ay doonayaan in ay sii jiraan.”

Maqaalka ka hadlaya ammaanka taleefanada gacanta ayaa sidoo kale caddeynaya in kooxda ay cadaadis ka dareemayso ciidamada ammaanka, ayuu yiri.

Quusta al-Shabaab ee sii kordhaysa

Majallada cusub ee jaraa’idka ayaa sii wadaysa dadaalada al-Shabaab ee xiriirka dadweynaha, oo loola jeedo in looga hortago warar sheegaya dagaalka ka dhexeeya iyo caqabadaha xagga dhaqaalahaoo musiibo ku noqotay kooxda, wiiqdayna hoggaankooda.

26-kii Diseembar, Muslim Youth Centre (MYC), oo sheegta in ay yihiin kuwa al-Shabaab askarta uga qora Bariga Afrika, ayaa sii daayay war saxaafadeed cinwaan looga dhigay “Dhiiri galinta iyo Ilhaaminta Jihaadka: MYC 2012-ka”, iyagoo ku faanayey guulaha ay sheeganayaan inay gaareen mujaahidiinta Kenya.

Febraayo 18-keedii, qoraa aan haybtiisa la garan oo sheegtay in uu xiriir la leeyahay al-Shabaab ayaa sii daayay dikuminti cinwaan looga dhigay “Runta oo laga jeesto kuma qarsoomayso: Daabool ka qaadka qisada dheer ee Abuu Mansuur”. Dokumintiga ayaa looga gol lahaa in sumcadda looga dilo jihaadiistaha Mareykanka u dhashay ee Omar Hammani, oo sidoo kale loo yaqaano Abu Mansuur al-Amriiki, oo hore u ahaa afhayeenka al-Shabaab, muddooyinkanna si toos ah uga hor yimid kooxda.

Febraayo 25-keedii, garabka warbaahinta al-Shabaab ee Mu’asasada al-Kataib ayaa sii daysay muuqaal askareyn ah oo loogu magac daray “Waayaha Mujaahidiinta”, kaas oo isku dayay in uu hoosta ka xariiqo fariinta kooxda ee ah in xiriirka jihaadiyiinta maxalliga ah iyo kuwa ajaaniibta ah uu wanaagsanyahay.

Daabacaaddii ugu dambaysay ee Gaidi Mtaani ayaa sidoo kale soo hadal qaadaysa arrinta dimuqraaddiyadda, maalin ka hor doorashooyinkii guud ee Kenya ee 4-tii Maarso, iyagoo ku andacoonaya in doorashooyinka iyo hannaanka baarlamaaniga ah aysan waafaqsaneyn Islaamka.

Guddoomiyaha Daladda Muslimiinta Qaranka, qeybteeda Wajeer Sheekh Maxamed Xasan, ayaa sheegay in al-Shabaab ay qaloocinayaan qeexidda dimuqraaddiyadda si ay u fushadaan ujeedadooda argaggixisanimo, ayna uga faa’idaystaan kuwa aan wax badan aqoon.

Xasan ayaa sheegay in al-Shabaab ay dimuqraaddiyadda u qeexayaan awood buuxda oo biniaadamku uu sharciga ku samaynayo. “Marka taa loo eego, waxay ka dhigaysaa ilaah garab socda Allah, iyo jaalanimo xagga sharci u dajinta khalqiga,” ayay majaladdu leedahay. “Dimuqraaddiyadda, oo wadata baarlamaankeeda iyo doorashadeeda, waxba ma ahan balse waa khiyaano maan doorinaysa awoodda Islaamka.”

Balse Xasan ayaa dafiray sawirka ay al-Shabaab ka bixinayso dimuqraaddiyadda. “Siyaasadda iyo diinta aad bay u kala duwanyihiin,” ayuu yiri. “Qofna laguma caabudo siyaasadda si loo xaqiijiyo is bar bardhigga Allah. Dadku waxay ka qeyb qaataan doorashada hoggaamiyayaasha si markaas ay u helaan dad horumar ku hoggaamiya.”

Hoggaan la’aanta al-Shabaab

Daabacaaddii koowaad ee Gaidi Mtaani, ama “Argaggixisada Waddooyinka Joogta”, waxaa la daabacay bishii Abriil 2012-kii, waxaana lagu dacaayadeeynayay Howlgalka Ciidamada Difaaca Kenya ee Linda Nchi (Difaac Dalka) iyagoo magaca u baddalay Howlgalka Difaac Islaamka. Daabacaaddii labaad ee lasii daayay Luuliyo, waxaa xoogga lagu saaray Kismaayo, oo markaas aheyd meeshii ugu dambaysay ee ay ku xoogganaayeen kooda xagjirka ah, taas oo ay lumiyeen bishii Sebteembar.

Sideed bilood ka dib, saameeynta al-Shabaab ee sii yaraanaysa ayaan u reebin waddo aan ahayn inay kordhiyaan dacaayadda, ayuu yiri Reuben Ngugi, oo ah la taliye xagga ammaanka ah oo fadhigiisu yahay Nairobi.

“Daabacaaddan saddexaad waxa ay u muuqataa mid looga jawaabayo dhacdooyin halkii la soo gudbin lahaa hoggaannimada ay u baahan yihiin kooxda niyadda jabsan,” ayuu sheegay.

Majalladda ayaa muujinaysa in awoodda militari ee al-Shabaab ay wiiqantay, ayna si ba’an u raadinayaan askar cusub, ayuu yiri. Waxaa intaa dheer, sii socoshada hadallada riddinta ah ayaa muujinaya khilaafka iyaga ka dhexeeya.

“Aaway hoggaamiye isku sheegyadii al-Shabaab sida [Axmed] Godane, oo xilligan looga baahnaa in ay bixiyaan [hoggaan]? Maxay shakhsiyaadka sar sare doorkooda u jilayaan ciidamada cagta si ay u soo gudbiyaan baaqyo ficil? Taas waxay kaliya muujinaysaa in kooxda ay la’dahay hoggaan cad,” ayuu Ngugi yiri.

W/D: Sabahi Online

KISMAAYO:- Hal Booli ah oo Rag aan laheynin ay maalayaan “Taariikhda maamulladii soo maray magaalada”

$
0
0

Aan dib u jaleecno sooyaalka taariikheed ee gobolka Jubbada hoose iyo sida markastaba gobolkaasi dad aan u dhalan ugu talin jireen, ayagoo afduubaayo dadka degaanka u dhashay, xuquuqdoodana dudsinaayo.

Magaalo xeebeedda Kismaayo waxay Muqdisho ka xigtaa xagga koofur galbeed,ayadoo u jirta 528 km (328 miles), una dhowdahay Goonweyn oo ah meesha webiga Jubba uga darsamo badweynta Hindiya. Waxaana asal ahaan aasaasay beesha Baajuunta oo kalluumaysato ahayd, una bixisay magaca magaalada oo ah Kisimayu oo ka kooban: Kisima (ceel) Yu (sare).

Waayo magaaladu waxay caan ku ahayd ceelaal gaagaaban oo aan hoos u dheereen oo cadaadis dhulka dhaxdiisa ka jira uu biyaha kor u soo qaado, waxaana loo yaqaan ceelsare (artesian well) sida ceelsaraha ay ku yaalo magaalada Warsheekh. Waxaana magacii afka sawaaxiliga ka soo jeeday u rogay Kismaayo xoola dhaqatadii iyo doonleeydii beeyada (Luubaan) iyo cawda ka keeni jiray gobolka Bari oo ku soo qulqushay gobolka 65 sannadood ee la soo dhaafay.

Kismaayo oo ah magaalada 3aad ee Soomaaliya marka loo eego Xamar iyo Hargeysa, waxaa sannadkii 1835tii qabsaday suldaankii Sansibaar. Wuxuuna dhisay magaalada sannadkii 1872. Sannadahii 1875-1876 waxaa ka talinaayay xukuumaddii Maxamed Cali Baasha ee dalka Masar. Sannadkii 1887dii, guud ahaan gobolka iyo jasiirahii Baajuunta (Bajuni Island) waxaa la wareegtay Boqortooyadii Britain. 1 July 1895, dhulkii loo yaqiin Trans Giubba Land wuxuu si rasmi ah uga mid noqday maxmiyaddii Ingiriiska ee Bariga Afrika (British East African Protectorate).

15 July 1925, Ingiriisku wuxuu dhulkii Trans Giubba ku wareejiyay Talyaaniga Taasoo noqotay bilowgii musiibadii ku habsatay gaar ahaan Beesha Baajuunta, guud ahaanna beelaha mushulguliga oo beeraleyda ahaa ee gobolka asal ahaan u degganaa, ilaa iyo haatanna degaannadoodii lagu magacaabo magacyadii ay u bixiyeen sida Mana Moofa, Labaanga, Zanguuni, Bangeeni, Ras Kianboni iwm. Waana dhulkii uu ka talin jiray Boqorkii Nasiib Buundo.

Barbaartii lagu addoonsan jiray gobolkii Banaadir marka ay cawayska dheelaayaan waxay isku guubaabin jirin: “Nimcadaan Nasiib Buundo maxaa kaa nageeyay?”. Waxay u baxsan jireen Jubbada Hoose oo cid uga daba tagi kartay aysan jirin.

Aun Xaaji Busuri Sheekh Cabdulcasiis oo ka mid ahaa raggii lagu marti qaaday xafladdii Talyaanigu kula wareegay dhulkii Trans Giubba wuxuu ii sheegay in 15 July 1925 in Kismaayo Baajuun qura ay degganayd. waana sida aan ku haayno mapkii Talyaaniga qoray oo sheegaayo gobol walbo dadka deggan iyo duurjoogta laga helo.

Musiibada ku dhacday dadkii asal ahaan u degganaa Jubbada Hoose waxay la mid tahay tan hadda ku socoto dadka reer Muqdisho, kuna dhacday reer Gaalkacyo iyo Hobyo sannadkii 1887dii, kaddib markuu ku soo duulay Cali Yuusuf Keenadiid oo watay koox calooshood-u-shaqaysato hadramiyiin hubaysan ee uu Yaman kala yimid ama tii ku dhacday reer Gedo sannadkii 1910kii, markii qabiil hubaysan oo ka soo hayaamay Cabuudwaaq uu dadkii degaanka ku laayay Garbahaarreey oo ciddii tagtay xawaalahoodii indhahooda ku soo arkeen.

Ragga barakicinta iyo cadaadinta beelahii Baantuuga ugu magac dheeraa waxaa ka mid ah: Cumar Lulaaye oo Guddoomiyaha Gobolka J/hoose noqday, dadka degaankuna ku magacaabi jireen: “Governatore di Alabama”.

Alabama State waa Gobolka koofureed ee dalka Maraykan oo dadka madowga ahi sida xun loogu cadaadin jiray. La yaab ma leh in dhul uu isbaddal deganaansho (demografic change) ka dhaco. Waayo Cristoforo Colombo wuxuu qaaradda Maraykanka daaha ka rogay 12ki Oktoobar 1492, taasoo keentay in loo hayaamo, lana baabi,iyo Cali beesteenkii dhulka deganaa oo hadda inyar ka soo hartay oo ku nool ceshiimooyin (reservations) ama duurka amasoon-ka. Hase yeeshee waa loo qirsan yahay inay ayagu yihiin kuwii dhulka loogu yimid asal ahaan, inkastoo ay ka soo wareegtay 520 sannadood.

Hase yeeshee Soomaalidu waxay isku dayee in daboosho dhulboob soo bilowday 87 sanno oo qura muddo haatan laga joogo.

Sannadkii 1960-1969kii, xubnahii Baarlamaanka ka soo galay gobolkii Jubbada hoose la dhihi jiray oo ka mid ahaayeen:

1. Hilowle Macalin

2. Xaaji braahim Osmaan (uunlaaye)

3. Cabdi Cigaal

4. Xuseen Jiis

5. Maxcamed Bile Jaamac

aaabbayaashood daayee, ayagu kuma dhalanin gobolka, qaarkood waxay ka soo tallaabeen xuduudda ama waalidkood ka soo tallaabshay. Kaddib dhiciddii xukunkii kelitaliyahii Siyaad Barre, waxaa Kismaayo ku dagaalamay:

1. Maxamed Faarax caydiid

2. Aaadan Gabyow

3. Maxamed Saciid Morgan

4. Barre Hiiraale

5. Yuusuf Mire Seeraar

6. Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale.

Kuwaasoo midkoodna uusan gobolka ku dhalan, midna Keenya ka yimid. Haatanna waxaa maamulka Gobolka u soo haliilaayo Axmed Madoobe oo Keenyaanka maqaasaar u ah meeshana ka saaray professor Gaandi oo ku hungoobay riyo maalmeedkiisii Asaaniya.

Hadda, sida nooga muuqato sooyaalka taariikhda, Kismaayo oo ah caamimadda Gobolka Jubbada Hoose waa hal booli ah oo ay maalaayaan rag aan lahaynin sida Axmed Madoobe oo ah ajnabi ku hadla Af-Somaliga, kana yimid Qoraxey oo ka tirsan kililka 5-aad ee degan Itoobiyaanka Afsomaliga ku hadla.

Muddo dheerna sidaasay ahayd, arrintu waa nin xoog leh xaajo u toostay. Allaha na gaarsiiyo marka Soomaalidu xaqa u soo laabato, kana harto damaceeda waallan.

W/Q: Axmed Moxamed Axmed

Qabyaalad ficil ahaan u jirta, Af ma qarin karaa? (Xaqiiq iyo Gorfeyn)

$
0
0

QABYAALAD FICIL AHAAN U JIRTA, AF MA QARIN KARAA?

“Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane”- Cabdilahi Suldaan Maxamed “Timacade”

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaas kabacdi, akhristaha sharafta badanoow, waxaan qormadan uga hadlidoonnaa sida dadkeena Soomaaliyeed qaarkood iyagoo afka ka diidaya Qabyaalada, gaar ahaan marka eey meelaha maxfalka ah joogaan, eey hadana dhinaca kale, ficil ahaan ugu dhaqmaan isla qabyaaladii, taasoo ku dareensiineeysa baahida ummadeenu u qabto, in afkooda iyo ficilkoodaba uu wanaaga isku raaco,  iyo sida ummadeenu guud ahaan ugu baahantahay in eey si dhab ah ula dagaalanto cudurkaa naafeeyey Qarankeenii Soomaaliyeed, halista weeyna ku haya horumarka dalka, nabad ku wada noolaashaha, si cadaalad ah u wada qeeybsashada kheeyraadka dalka, iyo jiritaankeena ka ummad ahaanba. Qormadii oo ku socondoonta qaab layaabid dhaqanka dadka qaar ee iska soo horjeeda waa tan. Waxeeyna ku bilaabaneeysaa sidatan:

Bal kawaran madaxda Safaaradeed ee mataleeysa Qarankii dhamaa ee ummada Soomaaliyeed, hadana dowladaa eey dalka u matalaan deeqihii waxbarasho eey ummada Soomaaliyeed ugu soo dhiibtey, inteedii badneyd ku tixaya reeraha eey kasoo jeedaan, ee waliba inta file ardeykasta loogu abtirinayo u sameystey, odayaasha reerahooda soo hordhigaya, iyagoo jago uga raadsanaya wax u qabadkaa Reerkaa eey ka dhasheen, Nasiibdarase! Ardeyda Soomaaliyeed ee aan reerkooda aheyn balse ogol lacagtii sida xaaraanta ah looga qaadanayey, bal si eey waxbarasho u helaan, aaneeyba xitaa wax ku heleynin. Bal malee waxa madaxdaa Safaaradeed eey ardeydaa Soomaaliyeed dareensiinayaan, amaba barayaan, iyo waxa laga yaabo in eey ardeydaa iyagana sameeyaan marka kursigaa Safaaradeed eey mustaqbalka dalka iyo dadka u fariitaan. Nasiibdarase! Raga nuucaas ah ayaa inta kusoo hor istaagaya kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay, waligeen cid uguma eexan, Soomaalinimada ayaa inagu weyn, ama warbaahintaba sidaa la taagan, oo ummada muuqaal aan jirin u dhisaya, iyo wax xaqiiqda dhabta ah ka fog!

qabiilKawaran urur dhan oo Diineed, hadana madaxda ugu sareeysaahi oo dhami, iyo xitaa kuwa jogooyinka muhiimka ah ee kuwaa ugu sareeya ku xigaahi eey wada hayaan Rag dhamaan isku wada reer ah, hadana aan ogoleeyn in eey xaalkaa wax ka badalaan, ee waliba ku andacoonaya in eey ugu mudanyihiin, sidii la rabo haloo sababeeyee! Nasiibdarase! Raga nuucaas ah ayaa iyagoo Diin iyo Culimonimo sheeganaya, inta kusoo hor istaagaan kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay, ama warbaahintaba sidaa la taagan, oo ummada muuqaal aan jirin u dhisaya, iyo wax xaqiiqda dhabta ah ka fog!

Kawaran dhaqaale lagu aruuriyey macaga gurmad ummad weeynta Soomaaliyeed. Dhaqaalahaas oo eey Soomaali oo dhami wada bixisey, iyadoo arinta dhaqaalahaa loo aruuriyeyna gobollada dalka oo dhami eey kawada jirto, hadana qofkii ama kooxdii ugu sareeysey gudigaa “Soomaaliyeed” dhaqaalihii oo dhan, gobolka uukasoo jeedo/eeykasoo jeedaan oo kaliya wixii oo dhan u wada leexiyey, halkii si niyad wanaagsan oo Somaalinimo eey ku dheehantahay, dareen iyo cudurna aan dhalineyn gobollada dalka loogu kala diri lahaa, gaar ahaan meelahoodii ugu darnaa. Nasiibdarase! Raga Nuucaas ah ayaa inta kusoo hor istaaga kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay, iyo Soomaalinimada ayaa inagu weyn!

Kawaran aqoonyahannada inta Jaamacad aasaasey, ee badanaa ardeyda ogolaashaha jaamacadeed (Admission-ka) sida sahlan ku hesha iyo dhamaan inta badan deeqaha waxbarasho dal iyo dibad ee Jaamacadaasi bixisaba, eey yihiin intooda badan ardey hal reer u badan? Oo Soomaalida la socota xaalka kugu dhahayaan jaamacadaas reerkaas ayaa awood ku leh! Ama iska daldasha deeqaha magaceeda lagu helo. Nasiibdarase! Raga Nuucaas ah ayaa inta kusoo hor istaaga kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay, waligeena cid uguma eexan oo Soomaalinimada ayaa inagu weyn!

Qabiil (1)Bal kawaran culimada diinta dadka baraya, gaar ahaan kuwa dugsiyada Qur’aanka Kariimka dadka udhiga, ee ummada qur’aanka xifdisiinaya, hadana marka Qabiiladu eey isku dhacaan,oo eey is dagaalaan, inta meel banaan ah isugu taga “ASMO Mariid ah” reerkii kale kugamaya, ee waliba inta ciidankii qabiileed inta eeysan dirin, reerkii lagu duulayey dhinaca eey jireen inta qoryo/hub amaankooda wada furanyihiin uwada jeediyaan quraan ku aqrinaya, si eey reerkaa iyo ciidankoodaba ubaaba’aan, oo aan cidiba ka baxsan. Nasiibdarase! Waloow eey u badantahay in aqoonta dhabta ah ee diinta ku yartahay sida Tafsiirka iyo Axaadiith-ta Nabigeena (SCW), ayaa hadana raga nuucaasi ah iyagoo diin iyo culimanimo sheeganaya ayey ku wacdinayaan, oo waliba inta kusoo hor istaagaan kugu aqrinayaan qabyaalada waan necebnahay, sidaana  ummada muuqaal aan jirin ugu dhisaya, iyo wax xaqiiqda dhabta ah ka fog!

Bal kawaran sarkaalka sare ee qaranku uu waxkasta ku bixiyey, ee ciidamada qaranka ka gaarey heer Korneeyl ama Jeneraal, hadana hogaaminaya dagaalo qabaa’il dhexmaraya, kaasoo eey macquul tahay in Maras Soomaaliyeed ee isugu jirta dumar, caruur iyo dad waayeel ah lagu laayo kuwaasoo aan waxba galabsan. Waqti dambase raba in isla isagaa lagu aamino ciidamo qaran, oo isugu jira dhamaan ummad weynta Soomaaliyeed! Rabana iyagoo saraakiil Qaran sheeganaya in eey inta kusoo hor istaagaan kugu aqriyaan qabyaalada waan necebnahay iyo waligeen cid uguma aanan eexan ama kuma aanan waxyeelleeyn!

Kawaran ninka raba in ummadu wada taageerto, oo Soomaalinimo lagu wada taageero, hadana Safiirada, Qursuliyeyaasha iyo inta badan shaqaalaha Safaaradaha, madaxda ciidamada, deeqaha waxbarasho, qandaraasyada dowlada bixiso intooda badan, shaqalaaaha dowlada, gaar ahaan xafiiskiisa, Ilaaladiisa gaarka ah, iyo meelkastoo muhiimadeedaba uu fahamsanyahay ku koobaya inteeda badan jufadiisa, reeraha iyo Gobollada uu kasoo jeedo ama xigaalada uu la yahay. Nasiibdarase! Raba in uu kusoo hor istaago oo kugu aqriyo qabyaalada waan necebahay! Oo Soomaalinimada ayaa igu weyn!

Kawaran urur wata magaca ardey Soomaaliyeed, ee hadana qaabka doorashada la iskugu ololeeynayo, sida la isugu codeeynayo, iyo waliba qaabka jagooyinka Urur-Ardayeedkaasi loo qeeybinayo, dhamaan qabyaalad iyo reero ku saleysanyihiin. Ogoow waa aqoonyahankii ummada, iyo hoyaamiyeyaashii mustaqbalka ee dalka iyo dadkaba wax ka badali lahaa. Nasiibdarase! Isla raga nuucaas ah ayaa inta kusoo hor istaagaan kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay, oo Soomaalinimada ayaa inagu weyn!

qabiil-2Kawaran culimo dad xukum ciqaabeed ama [Xad] ku fulinaya, hadana xukunkoodaasi uu badanaa ku dhacayo dad gaar ah, ha ahaadeen dadka Soomaalidu waqtiyadii dagaalada sokeeey u bixiyeen “Looma Ooyaan”, ama ku dhaca reerahooda wixii kasoo hara oo kaliya. Nasiibdarase! raga nuucaas ah ayaa inta kusoo hor istaaga culimo nadiif ah, oo Allaah ka cabsigiisa iyo cadaaladu eey waxkasta kala sareeyaan, oo cid aan xukunka Alle uga gambaneyn isaga kaa dhigaya, warbaahintana sidaa la taagan, oo ummada muuqaal aan jirin u dhisaya, iyo wax xaqiiqda dhabta ah ka fog!

Bal kawaran odayaasha kor ka dhahaya qabyaalada ma fiicna oo waa qurun, hadana hoos ka dhahaya, “Ma reer hebel? War gabdhaheena uma guurino, oo “Ma geeyaan”, cuqdado nuucyo badan darteed! Nasiibdarase! Inta kusoo hor istaaga kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay oo Soomaalinimada ayaa inagu weyn!

Bal kawaran gabdhaha Soomaaliyeed ee cadaanka, Jameeykaanka, iyo ajaanibta nuuckastaba ha ahaadeene guursanaya, hadana marmarsiiyo uga dhigaya “Wuu muslimi doonaa!, ama waa muslimba”, Balse wiilka Soomaaliyeed ku nacaya waa reer hebel, oo dhahaya “Ma Reer hebel! Acuudkoow! Intaan guursanlahaa maan Yahuud guursado”. Waa su’aale aawey marmarsiyadii midkan kale waa Muslim looga dhigayey, miyaanu kan muslim aheyn? Kaa kalase reerka uu ka dhashey mala weydiiyey? Nasiibdarase! Dumarka nuucaas ah ayaa kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay oo Soomaalinimada ayaa inagu weyn!

Ugu dambeyna, bal kawaran shaqsiga Soomaaliyeed ee kugu dhahaya Qabyaalada waan necebahay, mana ihi qabyaaladiiste, hadana bixinaya marka odayaal reerihiisa ah lacag qaaraan weeydiiyaan, lacagtaasoo Hub iyo Saanad Military dagaal oo dad kaloo muslimiin Soomaaliyeed ah uu ogyahay in lagula dagaali rabo, oo eey suurto gal tahay in maras isugu jirta: Dumar, caruur, odayaal lagu laayo, ee waliba ku qanacsan sidaa, nasiibdarase! Ku aakhiro seegaya! Laakiinse raba in uu kugu aqriyo Qabyaalada waan necebahay, oo Soomaalinimada ayaa igu weyn, ama warbaahintaba sidaa la taagan, oo ummada muuqaal aan jirin u dhisaya, iyo wax xaqiiqda dhabta ah ka fog!

GABAGABO/GUNAANAD

Waxa qofka lagu aamino waa ficilka, hadalka iyo huuhaada waxaa lagu siraa doqonta. Qofka ficilkiisa ayaa dhabtu tahay, ee ma aha waxa uu afka ka sheego.

Si qabyaalada ummadeena looga ilaaliyo, loogana dagaalamo, waa in aan hadal ahaan oo kaliya cidina lagu qiimeyn oo aan lagu aaminine, ficilladooda qabyaalad laga fiiriyo, hadii madax loo yahayna aan fursad eey wax ku qabyaaladeeyn karaanba aan lasiin oo loo diiyo, maadaama qabyaaladu dhib farabadan dalkeena iyo dadkeena eey ku heeyso. Miisaanka dhabta ah ee qabyaaladi in eey meel ka jirto lagu garto, waa eegista in Soomaali kuwada jirto meelaha ummadu wada shansaneyso ee ka dhaxeeysa, reer gaar ahina aanu u badneyn, ficilladuna yihiin kuwa Soomaali oo dhami si cadaalad ah wax ugu wada qabanaya, oo aan reer ama reeo kooban u aheyn maqaayad u shidan. Qabyaalada waxa sii faafiya waa in dadku dareensanyihiin in cadaaladi aaney jirin, oo Sad-bursi iyo nin-jecleeysi darteed eey waxkasta ku heli karaan, waxkastana ku waayi karaan, waxaana taa looga bixikaraa oo kaliya, marka la helo hogaamiyeyaal u qalma heer Qaran, oo silsiladii hore xariga u jara, diidikarana xirkaha eey ku xirayaan reeraha eey kasoo jeedaan, xirkahaasoo dhahaya,”Shalay waxeey aheyd reer hebel, maantana waa maalinkeenii” iwm, lana yimaada fikir cusub oo ku dhisan wadaniyad, midnimo, dad iyo dal jaceyl, xoogana saara in ficil ahaan ummada eey u wada dareensiiyaan cadaalada iyo sinnaanta heerka qaran ah. Ogoowna tani ma aha impossible ama wax aan dhici karine, hogaankii u istaagi lahaa ayey sugeeysaaye, oo aan ku rajo weynahay in ummadeenu heli doonto.

boqor“Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane”- Cabdilahi Suldaan Maxamed “Timacade”

Wabillaahi Towfiiq.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”

Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com

Somalia: Siyaasadda Geeska Afrika ee Maanta (Faallo xiiso badan)

$
0
0

Guud ahaan dalalka dunidu waxay leeyihiin dan ee ma leh saaxiib, asii ay danta daleed qeexayso in dalku uu yagleelo saaxiibbo badan oo joogto ah oo danaha lagu gabraarto. Siyaasaddu na waa wixii suurogal ah oo kula gudboon, ma aha wixii aad lexejeclo u qabto ee waa wixii had iyo goor dantu ku jirto, ayada ayaa waddo kuu jeexda ee adigu waddada uma jeexdid. Isla mar ahaantaas na waa hawlaha dawladeed ee la xiriira arrimaha siyaasadeed ee dalalku ay leeyihiin. Dal walba xiriirka uu dal kale la leeyahay waa u siyaasaddiisa gaar ahaaneed ee uu aayihiisa, jiritaankiisa iyo ujeeddooyinkiisa ku furdaamiyo.

Haddaba siyaasadda Soomaaliyeed dhankaas waxaad mooddaa in ay muddo dheer dhantaalnayd oo ay ku dhisaalnayd dan-beel, horraantii burburkii dawladdii dhexe iyo ka dib ba. Ma muuqato dhiirrinaan, garasho iyo dhug loo leeyahay arrimaha adduunweynaha iyo siyaasadaha geyiga Geeska Afrika. Ma muuqato siyaasad xambaarsan danaha guud ee dalka. Waa la dheelliyay intii la liici karay, waa laga maahsanaa isbeddelada dhacayay oo la moogganaa qaab looga miro dhaliyo. Sidaas awgeed Soomaaliya ma yeelan saaxiib joogto ah oo dan siyaasadeed ay la wadaagto. Sidaas darteed siyaasadda Soomaaliyeed waxaa saameeyay jahowareer iyo habow.

Waxaa in muddo ah farogalin ku hayay dalal ay ugu darraayeen Itoobiya iyo Masar. Run ahaantii labadaas dal siyaasadda Soomaaliya dhumuc weyn ayay ku lahaayeen jiritaankeedii. Waxaa labadaas dal dhexaadiyay loollan gahayray oo ku salaysan biyaha webiga Niil. Sidaas awgeed ayay dawladihii is xigay ee Masar ay isku taxalujiyeen in ay Soomaaliya la yeeshaan gacansaar iyo saamayn ay ku fuliyaan danaha Masar. Waxay kaalin weyn Masaaridu ku lahayd dagaalkii ‘77dii ee Soomaaliya ku guuldarraysatay dhan siyaasadeed, militariyeed, dhaqaale iyo sibil ba ee waxyeelladiisii ay teer iyo maanta aloosan tahay.

Farogelintii Itoobiya ku haysay Soomaaliya labaantankii sano ee burburku jiray siyaasad ahaan iskaashigii Masar iyo Soomaaliya ayaa door weyn ku lahaa. Itoobiya waxay ka foojignayd dawlad Soomaaliyeed oo soo celisa xiriirkii militariyeed, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay la lahayd Masar. Kaas oo Itoobiyaanku u arkay khatar ku soo food leh maadaama Masar danayso in ay Itoobiya ku furto furimmo dagaal oo hor leh, gaar ahaan dawlad Soomaaliyeed oo aagga bari colaad kaga soo qaadda. Hankaas siyaasadeed ayuu Soomaaliya ka lahaa madaxweynihii hore ee Masaarida ee Anwar Saadaad markii uu u ololeeyay in Soomaaliya ku biirto ururka Jaammacadda Carabta.

Masaaridu dedaal dheer ayay had iyo goor ugu jirtaan aafaynta Itoobiya. Tusaale ahaan waxaa jira ciidan kumaandoos ah oo ay Masar leedahay oo u tababbaran in ay ka dagaallamaan dhulal hawd iyo dhir miiran ah, taas oo Itoobiya ugu dhigan ciidan loogu talo galay dhulkeeda. Si ay cadaadis Itoobiyaanka u saaraan ayay Masaaridu xiriir dhinacyo badan leh la leedahay dalalka Suudaan iyo Soomaaliya oo labaduba soohdin dheer la wadaaga Itoobiya. Dhawaan waxaa magaalada Qaahira ee xarunta Masar warbaahinta ugu gooddiyay Itoobiya taliye sare oo ka tirsan ciidammada Sucuudi Carabiya, kaas oo si bareer ah oo aan looga baran Sucuudiyiinta ugu hanjabay Itoobiya ku na tilmaamay dal lid ku ah danaha iyo arrimaha dawladaha Carbeed.

Geesta kale dawladda Itoobiya waxay ku hawlan tahay taageero ay ka kasbato reer Galbeedka oo ay u muujiso in ay tahay dal qaddiim ah oo Kiristaan ah oo sabool ah oo ay ku oodan yihiin dalal ay ka jiraan Islaamiisteyaal xagjir ah oo yididdiilo weyn u leh in ay tirtiraan jasiirad Kiristaan ah oo dhexdooda ku taal. Itoobiyaanku waa dadka ugu waddanisan Afrika waxaa na ka jira barnaamijyo taban oo dadweynaha iyo ciidammada lagu baraarujiyo oo ku saabsan dagaalka qabow ee biyaha webiga Niil. Biyaha webiga Niil boqolkiiba sagaashan waxay ka soo gororaan buuraha Itoobiya. Biyuhu Masar waa u nolol oo la’aantood waa baa’ba. Dagaalka qabow ee labada dal wuxuu soo jiray teer iyo 1929dii markii la saxeexay Heshiiskii Niil.

Haddaba dagaalkaas qabow Soomaaliya dheef ugu ma jirto dhan walba, waxaa habboon in dalku gaar ka ahaado siyaasadaha isdiiddan iyo danaha qallafsan ee dalalku ay leeyihiin. Ogsoonaanta iyo u hoggaansanaanta xaqiiqdaasu waa in ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed u lahaato taxaddar weyn oo aan yarayn. Isla mar ahaantaas waa in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay danaha dalka iyo dadka u baadigoobaan qaabka ay siyaasiyiinta dalalka kale ugu heeggan yihiin oo waxtarkooda lagu cabbiro heerarkaas.

Dhawaan ayay ahayd markii Masar ay Muqdisho u soo dirtay wasiirka arrimaha dibedda oo ay ku dhawaaqday iskaashi dheellitiran. Heshiiskaasu waxa uu durba walbahaar ku abuuray madaxda dawladda Itoobiya, waxaa xigay in ciidammadii Itoobiya ee saacidayay ciidammada dawladda Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada Bay iyo Bakool dib-u-gurasho ku dhaqaaqay, sidaas awgeedna ay Shabaab qabsatay Xudur.

Danta siyaasadeed ee uu dal leeyahay waxaa ugu horraysa sugidda soohdimaha iyo xiriirka deriska, taas oo ka horraysa xiriirrada dal ama dalal fog lala yeesho, gaar ahaan marka uu loollan iyo dagaal qabow ka dhexeeyo dal dhaw iyo mid fog. Xodxodashada Masaaridu waa mid dan daleed lagu gabraarto oo aan u roonayn Soomaaliya iyo guud ahaan Geesta Afrika. Mar waa colaad hor leh, mar waa Carabysi iyo saamayn, mar na waa siyaasad gurracan.

Masuuliyiinta Muqdisho waa in ay u dhugyeeshaan tagtadii shalay, waa in ay ka foojignaadaan ujeeddooyinka gurracan iyo dalalka durba meelo fog uga gacan haatiyay oo aan dhib hor leh loo loogin bulshada daashay. Khaas ahaan kuwii shalay ku dhaayaday ba’ii iyo hooggii ummaddu dhexmaquurtay oo ay weli ka soo kabanin. Ma jiraan gacaltooyo iyo gacanqabad ay Masaaridu iyo ururka Jaammacadda Carabtu Soomaaliya tareen oo la taaban karo muddadii burburka, haatan oo ay Soomaaliya cagaheeda ku istaagaysana ma muuqdaan kuwo hor leh, waxaa un muuqata fursad ay dareemeen oo burinayaan, taas oo waxyeello mooyaane faa’iidooyin aan u holladayn dalka iyo dadka.

W/Q: Mahad Kooshin
Mahadkooshin@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gar tahay qoraaga ku saxiixan

Durbaan Colaadeedka Kooxda SAHAL

$
0
0

 (Halkaan ka Aqriso Qeybta Koowaad ee Qoraalka) Qoraalkan kuma falanqeyn karo gaboodfalka ay geystaan kooxda loo yaqaan Alle-diid afduub, waxaanse si kooban ugu guudmarayaa dibed-jooga soo dira doollarka dagaallada sokeeye lagu socodsiiyo.

Beryahaan kooxo isku magacaabay SAHAL ayaa Shirar aan kala joogsi lahayn ka wada wadamada (Australia, East Afrika, Yurub, Woqooyiga Ameerika). Ajandaha shirarka looga hadlo waxaa ugu muhiimsan guubaabo iyo kicin Qabiil. Waxaa kaloo ka mid ah isballaarin Qabiil iyo caburin ku wajahan beelaha aan weli is abaabulin.

Erayada xanuunka leh waxaa ka mid ah “Jubbaland halow Puntland, Jubbaland halow Jigjiga, Jubbaland halow Gaarisa” sarbeebtu waxay tahay dhulkaas halow is- yiri oo dhan waxaa iska leh SAHAL oo Somaalida kale ka sareeya.

Magaca SAHAL sida la sheegay wuxuu ka taagan yahay (Sede + Absame + Harti + Awrtable + Leelkase) waa magac cusub oo aan si dhab ah loo aqoon sababta loo allifey iyo ujeedada laga leeyahay. Hidde-dhaqanka Somaalida kuma jirto in la nasaqo magac tol ama hayb qabiil loo yaqaan ee sababta loo beddelay maxay cuskan tahay? Waa su’aal Somaaliweyn dhextaal loona yahay in si taxadar leh looga jawaabo.

Walow aan weli ku jiro ka baaraandeg iyo baaris, garashadayda kooban magaca SAHAL wuxuu iila muuqdaa afar ujeedo in mid laga leeyahay:

(1) Dagaalkii labaad kadib Jarmalka iyo Talyaanigu waxay fahmeen in adduunka oo dhan laga karhay magacyada “Nazi & Fascist”, lagama maarmaanna ay tahay in qaamuusyada caalamka laga masaxo. Sidaas oo kale qarniga 21aad in la garwaaqsaday magacii hore inuu la mid noqday “Nazism & Fascism”, lana joogo waqtigii laga xuubsiiban lahaa godobtii hore loogu galay magacaas xasaasiyada leh.

(2) In la doonayo in la helo magac maldahan (cover and covert) oo hadda dakano horleh lagu galo. Kooxda Alshabaab ee hadafkoodu yahay tirtirista magaca Somaaliya, qofkii ku biira magacii hore waa laga beddelaa oo waxaa la siiyaa magac cusub oo la yiraah XARAKI (fadlan daawo wareysi laga duubay wiil ka mid ah dhallinyaradii Boosaaso ku dishey Sh. Axmed X. C/maan).

(3) SAHAL inuu ku dhisan yahay quraafaad iyo curaafeysi oo la aaminay inuu ka burji wanaagsan yahay magacii hore. Kohaanno ku xeeldheer falaga iyo faalka inay hal-abuureen magaca SAHAL, ayna ku andacoodeen inay arkeen dayaxoo dirirkii la degay iyo dhergane ku mataansan garbaraar.

Waxayse saadaashu u eg-tahay bilcaksi la mid ah, gabaygii ahaa “qabqable iyo afyuub faalkaan rogay qardhaastiisa, qoomamey dhaxlaan qoladii kibir is qaad- qaadaa. Beyd laaxig laguma naaloodo haddaan lo’ iyo naago loo dhigan”. Cabdi-Qays wuxuu ku yiri “markaan nin la gigay ka faashaday wuxuu sheegay nuur dhacay iyo naaf galbeedsaday.

(4) Indha low ku yaal ma arkaan adinkooda ee in magac beddelidu ku wajahan tahay aragti riqiis ah oo la doonayo in la cuuryaamiyo Xawaalada SAHAL oo ay leeyihiin ganacsato Somaali ka kooban, si magaca xawaaladu ugu muuqdo shirkada qabiil leeyahay.

Magac tol oo la beddelay waa arrin ugub ah ee bal aan dhowrno biyodhaca. Shaqsiyan qofku magaciisa waa beddeli karaa, laakin ma beddelo magaca aabihii iyo awoowgi oo waxay kasoo horjeedaa sharciyada caalamka.

Gabyaa Sangub wuxuu yiri “ha israacdo diidaye hays raamsatee daa”. Dagaalkii 77 kadib dalka waxaa ka jirey colaad madhamaato ah, in 2013 loo hamuun qabo dagaal cusub waa waalli iyo jiritaanka waddankaba halla waayo. Murti baa leh “Aafadii ilcadeeye qof kasoo doogay oo la cadaabay waa nacas”.

Waxaa taas la mid ah qof soo joogay darxumadii dhacday isla markaana ka diir-naxaya qaranjabka iyo quusta taagan ee haddana afuufaya bigil colaadeed una jeel-qaba dagaal sokeeye, waa axmaq iduhu ka caqli roon yihiin. Caano daatay dabadoodaa la qabtaa ee maanta waxaa loo baahan yahay in dhaawacyada la dhayo, lana ambaqaado dib-u-heshiisiin si markale Somaalida kala irdhowday ay isugu soo hilowdo, heykal dowlad laga wada raalli yahayna ay u dhisato. Kolley arrinta SAHAL dad badan baa suugaan qiime leh ka tirin doona, waxaanse leeyahay:

S A H A L ma aan kala sareyniyo, Somaalida caburi baa Jubba iyo Gedo ma sidig baa, saldhiguna ma Kenyaa Saadaashuna ma dirir baa, madfac iyo ma Zuu baa Ma sagaashan-kow iyo seerigii colaadaa, 7 iyo ma jiib baa Gantaalihiyo sawaariiqda heegani, sahankood ma Bari baa Somaalidu ma hurudaa, mise way siloon tahay Nabadii sideysnayd, saldanadii ninkii rogay, Dembigii inuu suro, nimaan suulba ku lahayn Saakana santaag yiri, anigu sinaan ma ogoli Sidu inay sidii tahay, sidii beri inay tahay Raggiinaa sahwinayow, sidrigiina yey gelin Kala sareyntii Waamood, seben hore wixii jirey Soo noqonba meysee, haku silinsiloonina !

“Bahal ceeriin ma daayo, SAHALna cunsuriyad qabiil ma daayo”. Subax walba addunka wax cusub baa kusoo kordha. Iyadoo aan la yaabanahay shirarkii SAHAL, waxaan Youtube markale ka daawaday barnaamij lagu magacaabay “Xuska Xasuuqii 1991” laguna dhigay Toronto-Canada 28/01/2013.

Markaan ka baaraandegay nuxurka barnaamijku xambaarsan yahay, waxaa igu dhacay anfariir iyo amakaag, qosol gariir iyo naxdin isku dheehan. Filimeyn 2013 in barnaamij noocaan oo kale ah lasoo bandhigayo, ayna jirto gocasho iyo ciilqab heerkaas gaarsiisan. Waxaan dareemay in dib loogu noqday 1991kii oo weli lala saqraansan yahay saar qabiil, dagaal sokeeye oo markale qarxana aan laga baaqsan karin. Dad badan baa madasha ka hadlay, waxaase dareenkeyga soo jiitay hadalkii dhowr qof meesha kasoo jeediyeen, gaar ahaan hadalkii Cabdiwahaab Xaaji Xuseen.

Xaaji Cabdiwahaab wuxuu yiri “doqon ciirta ruxa in nala siiyo oo Ra’iisul Wasaare laga dhigo, yeelimeyno”. Marka hore waxaan leeyahay madaxtinimada Somaaliya boqortooyo beel u xiran maahan, marka labaadna waxaan jeclaystay inaan Cabdiwahaab xusuusiyo dhowr sheeko oo aad looga yaqaan geyiga Somaalidu degto, waxaa ka mid ah:

(1) Qowsaar baa geeli u ilaalin jirey nin hanti leh, geelu wuxuu ahaa aaf-daaq lagu bulsheeyo keymaha. Wiil qowsaarku dhalay ayaa geela wax ka ilaalin jirey, qowsaarkii waa dhintay, xilkii geelana waxaa la wareegay wiilkii oo aaminsan inuu geela ka dhaxlay aabihii. Milkilihii geela ayaa soo doontay geeliisa, waxaase u diiday wiilkii oo ku andacooday aabahey baan ka dhaxlay. Milkilihiii laba dhengadood ayuu wiilkii ku dhuftay, geeliina waa kaxaystay. Wiilkii oo ku waashay geela aabahey baan ka dhaxlay ayaa lagu naaneysay “Cali Geeli ba’ay”.

Dhib iyo dheefba adduunku waa meerto, silic iyo darxumo laguma waaro, barwaaqo iyo baraare laguma waaro. Mar waa la dallacaa oo derajo saraa la gaara, marna waa la degaa oo dadweynaa la noqdaa. Waa dunida iyo xaalkeeda oo waa harka labadisa gelin iyo hal galgalatay. Madaxtinimadu waa meerto oo marba koox baa qabata. Walow Somaalidu aysan weli u bisleyn “Maamul wanaag — Good governance” marka laga shidaalqaato diinta Islaamka iyo nidaamka demoqoraadiyada, madaxdu waa adeegaha bulshada.

Haddii madaxdu u dhaqanto ilaah-yare shacabku addoon u yahay, markaas waa CALI GEELI BA’AY. Hoggaamiyaha xilka haya hadduu iska dhaadhiciyo adiga mooyee qof kaloo mudan ma jiro oo geela baarqab kale kuma jiro, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Haddii hoggaamiyuhu tolkiis u qeybiyo mansab & maal wixii shacabku u dhiibtay, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Hoggaamiyuhu waa qowsaar ilaaliya geela shacabka, hadduu xilkaas loo igmaday si hufan u gudan waayo, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Waxaa haboon in laga faa’iideysto waaya-aragnimadii lasoo maray oo maanta laga gudbo “cadkaanow walee ku cunay ama ku ciideeyey”

(2) Boqor baa isku saacad waxaa u yimid inantiisa Barni iyo addoonkiisa Barre. Gabadhii Barni waxay tiri “aabbe addoonka Barre iibi oo lacagta isii aan dhego- dahab kusoo iibsadee”. Markii Barni ka tagtay waxaa u yimid Barre oo yiri boqorow Barni ii guuri waan jeclahaye. Boqorkii inta qoslay ayuu yiri “Barre iyo Barni waa ismaandhaafsan yihiin” dabadeed gabay baa laga tiriyey halkudhegiisu ahaa “ismaandhaafkii maan Barni iyo maan Barre mahadhadiisii dheh”. Waxaa lagu celceliyey hanti baa nalaka bililiqeystay, ha-yeeshee Somaali tiro badan waxay aaminsan tahay hantidii laga dhacay Xamar iyo Hargeysa in lagu dhisay Puntland, qaybna ganacsi lagu samaystay, lagama maarmaanna ay tahay in xoog looga soo celiyo. “Waa ismaandhaafkii Barre iyo Barni”.

Wadaad sujuudsan baa wariiri wejiga ka qaniinay, sidii wax dakano galay ma cararine meeshii ayuu iska meermeeray. Wadaadkii markuu salaadii ka baxay wuxuu yiri “wariirigu ma waalan yahay, inta wax qoomuu qunyar iska
socdaaye”. Hashu geela iyadaa cunta haddana cabaadda.

Intaas aan ararta ku hakiyo, una gudbo danta iyo ulajeedada mowduuca. Qoraalkaani maaha maqaal siyaasadeed, maaha murti iyo suugaan, maaha maaweelo iyo madadaalo.

Sababta qoraalkaan igu kaliftey waxay tahay walaalaha ku shiray Toronto-Canada iyo kuwa ku tumaya durbaanka SAHAL inaan u iftiimiyo ama xusuusiyo dhacdooyinka taariikheed qaar ka mid ah, gaar ahaan godobtii lagu galay magaca dowlada ee reer Puntland horseedka ka ahaayeen.

Lasoco Qeybta Sadexaad ee Qoraalka iyo Xogta Kooxda Sahal!

W/Q; Cali Sh. Maxamed - Sheekha333@gmail.com

Xog iyo Gorfeyn: Shirqoolada Kenya ay u maleegeyso qaranka Somalia!

$
0
0

Wixii ka danbeeyay Septembar sanadkii la soo dhaafay Soomaaliya waxay yeelatay dowlad dastuuri ah oo beesha caalamka si buuxda u ictiraafsan tahay. Kenya iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo dano gaar leh ayaa iska kaashanayaan in hormarkaas Somalia kasbatay la wiiqo iyo in weli lagu sii jiro dhaqammadii qaranimo-diidnimada ku saleysnaa intii lagu guda jiray xiliyadii Ku meelgaarnimada iyo kii ka horreeyay ee qabqablayaasha.

Siyaasadaha Kenya ee maanta ka mid ma ah inay xushmayso, ama caddeysato iney Soomaaliya yeelato Dowlad iyo nidaam deggan oo ay la sameysato xiriir ku qotoma derisnimo wanaag iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo si siman ugu adeega danaha labada dal. Taas beddelkeeda, waxay Kenya ku haysaa faragelin aan xushmadeysnayn arrimaha gudaha ee Soomaaliya iyo qaddiyadaheeda dowladnimo, si gaar ah waxay qaataa taaloobooyin iyo xadgudubyo qatar ku ah amaanka qaranka Soomaaliyeed iyo soodimaheedaa dhuleed iyo badeed.

Sidoo kale waxay ku hanjabtaa in la eryayo ganacsatada iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee managelyada ku jooga Kenya, gaar ahaan kuwa magaalooyinka iyo xeryaha deganba, mararka qaarkoodna waxay u adeegsataaba xadgudubyo ka dhan ah sharafta aadanimada.

Ilaa iyo hadda Kenya waxay weli ku dhegan tahay qeybo ka mid ah gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, sida J/hoose iyo magaalada Kismaayaba in ay ka sameyso maamul iyada taabacsan iyo xeendaabyo laga difaaco dalkeeda. Tallaabooyinkaas, waxaa ugu qarsoon in ay dhulkeeda ku darsato qeybo ka mid ah biyaha dhuleed ee koonfurta Soomaaliya, si ay halkaasi uga la soo baxdo wixii kheyraad dabiici ah, sida Gaaska iyo Shidaalka. Waana Arrimo strategic ah oo qayb weyn ka ah siyaasadaheeda ku aaddan Somalia.

Midowga Africa iyo Umaddaha Midoobay waxay qaranka Soomaaliyeed meel uga dhaceen markii ay soo dhaweeyeen in Kenya qaadato go’aan iskeed ah oo ay ciidamadeeda ku soo gelinayso gudaha Soomaaliya, haddana ay u oggolaadeen in ay ka mid noqdaan AMISOM. Taasi waxay kaloo Kenya ku dhiirogelisay, haddana, inay iskeed u weydiisato Golaha Amaanka ee umaddaha midoobay in ciidamadeeda badda loo fasaxo iney ka howlgalaan gudaha biyaha Somalia.

Meel ka dhaca dowladda Kenya ay ku heyso madaxbannaanida qarameed ee Somalia ma ahan wax qarsoon, bal way caddahay inay ka fa’iideysaneyso xiliga dhibaatada oo ay ummada Somaliyeed ka haysato difaacidda xagga amigeeda qarameed iyo inay si dhab u hirgasho talaabo kasta oo lagu xoojin karo dib u heshiisiin ka aslaaxda dhexdeeda.

Nairobi waxaa hadda ka socda abaabulo dowladda Kenya ku shirinayso dad Af-Soomaaliga ku hadla oo aan u dhalan Jamhuuriyadda Soomaaliya, kana soo kala jeeda Zoonka 5-aad ee Ethiopia iyo NFD, kuwaasoo sheeganaya iney degaan gobolka Jubbada Hoose.

Waa arrin qayb ka ah istaraatiijyada Kenya ee ajnabigaasi looga sii jeedinaayo iney qayb ka yihiin qoomiyadaha wax ka dega Ethiopia iyo Kenya. Axmad Madoobe oo dambiyo argagixiso ugu xernaa Ethiopia ayaa hadda isagoo xor ah wuxuu madiidan weyn u yahay Kenya sidii himilooyinkeeda iyo danaheeda siyaasadeed ugu meel mari lahaayeen gudaha Somalia.

Waxba isma dooriyaan qatarta qaran diidnimada Somalia ugu imaaneya Kenya iyo argagixisada Al-Shabaab, waa isku mid waana isku hadaf, waxayna yihiin labo argagixiso oo dano kala duwan leh, halisna ku ah amaanka Qaranka Soomaaliyeed iyo guud ahaan xasiloonida mandaqadda oo dhan.

Waxaa horay looga soo gudbay faragelintii Ethiopia oo ku soo gababoobmay guuldarro taariikheed kadib markii ay ku fashilantay xoog adeegsigeedii ka baxsanaa danaha amni ee mandiqada, hase ahaatee, Kenya oo hadda loo arko inay ku cibaarad qaadan waaya-aragnimadaas ayaa kol dhow waxay wajihi doontaa cawaaqib xumo ka sii darran guuldarradii Ethiopia marka dib loo eegoo damacyadeeda waalan ee caddaawadda ah oo ay Somalia la dul joogto xiliga ay dhibaateysan tahay.

Dabcan Shacbka waddaniyiinta Soomaalidu waxay og yihiin Kenya shirqooladaas inay u marto maamul beeleedyo si dhoobdhoob ah uga dhisan qaybo ka mid ah gudaha Somalia sida kan artifishaalka ah ee Garoowe ka jira oo kale, taasi oo turaanturo ku ah isbadalka cusub ee Somalia ka hana qaaday.

Ajaaniibta argagixisada ah, kana barbar dagaalama Al-shabaab waxay xooggooda ka soo gudbaan dhanka Kenya, iyada oo ay shaki badan ka jiraan in Askarta Kenya ay ku lug yeeshaan u fududeyntooda. Dhanka hubka iyo saannadoodana ay ka soo gudbaan xeebaha gobolada Bari iyo sanaag, waxaana loo arki karaa inay yihiin qorshe qarsoodi ah oo isku xiran.

Shacbiga waxaa la gudboon feejignaan iyo iney indhaha u furaan dhaqdhaqaaqyada Kenya wato iyo gaar ahaan shirarka shirqoolada ah oo ay ka abaabuleyso Nairobi gudaheeda. Waxaa habboon inay muujiyaan waddaniyad, dib u midow iyo inay is-cafiyaan. Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan, kuwa ula qaxay naftooda iyo maalkoodaba Kenya, kuna heysan sharaf iyo xurmo loo haayo canshuuraha ay bixiyaan, waxaa kaga habboon dareen xumada ay ku joogaan halkaasi iyagoo dib ugu soo noqda dalkooda hooyo, kana qaybqaata dib u dhiskiisa iyo dib u mideyntiisa Kenya la daba joogto shirqooladeeda.

Isha: Warfaafiye.com

Somaaliyeey: Ha loo gurmado reer Beledwayne (Maxaadan ogeyn oo jira)

$
0
0

Akhristayaasha Soomaalidow sii gudbiya,adinkuna intiisa wanaagsan qoraalkaygaan kaga dhaqma.

Inaynu isku-gargaarno waa aasaaska diinteenna Islaamka, waana dhaqkeenna Soomaliyeed.

Daacuunka ka dhacay Beledwayne waxkasta oo aad wax uga qaban kartid haka hagran.

Waxay in badan oo ka mid ah dadkeennu qabteen howlo waxtar leh oon la soo koobi karin. Waxay waddanka ku dhiseen ISKAA WAX U QABSO, sida Hotello, Beero, ceelal qodin, kanaalo jeexid, bacaad celin, dhisme waddooyin iwm.

Waxaynu mar ku dhawaannay inaynu isku filaansho buuxa gaarno. Waxay la dagaallameen jahliga oo mar ku dhawaaday in dhammaan dadkeennu ay waxna qori karaan,waxna akhriyi karaan.Waxay ka faani jireen xumaanta, waxayna ku faani jireen wanaagga.

Nasiibdarrose raadkeennii baynu dib u qadnay 30 kii sano ee u danbaysay.Mar kale baynu ISKAAWAX U QABSO wax walba ku burburinay,innagoo kaashanayna shisheeye,waxma garadna na hoggaaminayo.

Aqoontii,waddaninimadii,iskaashigii,fahamkii diinta islaamka,la dagaalanka qabyaalladda iyo xumaanta baa dhammaan ceel ku dhacay. Waxgaradkii, aqoonyahannadii, culumadii, saraakiishii iyo dhuuxii ummadda ayaa birta la saaray. Waxaa lagu dhiirraday kala googoynta iyo kala qaybinta dalka iyo degaannada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee,dadaal yar oo ay sameeyeen in yar oo Soomaalinimo iyo waddaninimo ku danbayso iyo gargaarka Alleayay Soomaaliya u egtahay mid cagaheeda dib isugu soo taagaysa. Mid caalamka ka mid noqonaysa. Waxaa soo dhiiraday dhallinyaro maskax furan oo dibadaha wax ku soo bartay,doonayana inay dalkooda wax u qabtaan.

Farriintayda: 

Walaal ha noqon dumiye,ee noqo dal dhise. Waa inaan ka faannaa magacyada reer hebel, odayaal beeleed, sheegashada aqoonta beenta ah,buubuunin qof dano gaar ah,kana fogaannaa sheeg sheegista xumaanta. Waa inaynu ku dedaalnaa wixii dadkeenna isku keenaya,kana fogaannaa wixii dadkeenna kala kaxaynaya. Waa in wariyeyaasha iyo bahda war-isgaarsiintu u dhaqaaqaan dhanka wanaagsan,iyo raalli galinta Allaah,una shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda.

Is-gargaarid:

Inaynu isku gargaarno waa diin,walibana waa dhaqankeenna suubban.Arrintaas hadda ma cago badna, tusaale ahaan dhibaatada haysata walaalaheenna Reer Beledwayne,dadka damqanayaa ama u gurmanayaa way yar yihiin.

Waana arrin qaran oo u baahan gargaar degdeg ah,lana doonayo inay ka timaaddo ummaddeena oo dhan. Haddii qofkastaa 10USD baxsho ogoow maalin qura bay 5 milyan u aruurin karnaaye.

Qore. Dr. Abdi Farah Taano
Denmark
taano1@hotmail.com

Samataroow: Waligaa WAN LA WEYN ma lagu yiri?!

$
0
0

Astaaq furullaah. Inaan PROF. Axmed Ismaaciil Samatar dhaho ayey ahayd. Illeyn haddii kale wuxuu dhihi doonaa: Mansabkii aan aqoontayda ku gaarana waa la ii quuri waayey! Dhanka kale, waayahan dambe haddaan hadalkaaga eray Carbeed ku jirin, waxa aad sheegtaba waa BAADIL. Haddaan XILDHIBAAN dhihi lahaana, isagaaba ka soo carooday, oo yiri kama soo fasax qaadan, waana ku soo laaban doonaa qodobkane, aqriste, bal ila qabo qormada.

Qof walba oo is weydiin jiray ama aanba is weydiinba XAGGEE SOOMAALIDA LAGA HAYSTAA? Ha ku cibra qaato hadallada Prof Samatar. Waxay soo koobayaan TIIHA lagu jiro inta uu duugan yahay iyo sida uu u daaban yahay. Waliba heerarka uu kala leeyahay iyo sida uu ugu kala daran yahay dadka uu hayo ama uu ku dhici karo.

In badan baan arkay qoraallo laga qoray ILAMA SAMATAR. Ammaan iyo dhaliilba isugu jira, oo waliba qaarkood meelo fog la gaarsiinayey. Anigu sidaa ma samayn doono, oo waxaan isku dayi doonaa, inaan soo bandhigo dood MAANGAL ah. Ma dhahayo CILMIYEYSAN, illeen CILMI asagaa PROF u ehe, oo haddaa adba PROF dood cilmiyeysan la gal, ha kugu daba gaddiyee.

Prof Samatar wuxuu ka mid yahay AQOON YAHANNO badan oo wax ku soo bartay CANSHUURTII umadda, fursadna u helay inay Waddanka gudihiisa ka shaqeeyaan. haddiise dawladdii dhacday, qof walba wixii uu galay ama gooyey la kala ogaa, oo dadkii waxay noqdeen; qof CINDIGA xirtay, oo ku jira: AFKIIBAA JUUQDA GABAY!  qof CALOOL hadla, qof CAQLI hadla iyo qof CALEEMO saar hadla.

  • Kan AAMUSAY laga nabadgal, asna nabadgal. Illeen afkiisa eray kama soo afuufine, isna inaan lagu afuufin ku muday. Waa fara ku tiris oo waa yar yihiin ma la dhihi karaa? Hubaal, illeen afdheeridu waa aafoo dadkeennu uusan ogayne .
  • Kan CALOOL hadlay, waa mid ay isugu darsoontay saddax cudur, oo kala ah:
    • XUKUN DOON
    • XOOLO DOON
    • XIGTO DOON

Saddaxdaa oo aan u kala dhicin, marba mid ayuu ku DUKAAMAYSTAA. Micnaha hadba tii soconaysa ee suuq leh, ayuu la soo baxaa. Maalin beesha ayuu BOQOR u yahay kuna yahay. Maalin BEESO ayuu boobayaa. Maalin kalana Boorso Wasaarad ayuu bogga ku haystaa. Noloshiisii intaa ayuu ku dhammeeyey, yaa nool yaa dhintay? Xaggee la marayaa iyo xaggee loo socdaa? Midna war uma hayo.

  • Kan CAQLI hadla, haddii uusan naadir ahayn maba jiro baan dhihi karaa. Yaanan dadka quusin iyagaaba iskood quus u taagane, aan dhaho waa tiro yar oo yar. Heer ay ku gaarsiido in shaki kaa galo, inay jiraan ama la helayaba. Sida loo waayey ayaa wax badan oo la xiriiray loola waayey. Illeen waa qaybta wax badali lahayde.
  • Qaybta u dambaysa, oo ah kan CALEEMO SAAR hadla. waxaa u cad uun in xil loo dhiibo, mar walbana eegta caleemo saar iyo magac aan jirin.

Qaybtan in kasta oo kuwii hore qayb ka mid ah laga dhadhansan karo, haddana, waxaan ku kala duwi lahaa, kuwani, waxay kuwii hore ku dhaamaan waa; OGAAL iyo ARAGTI. aragti markaan ku leeyahay ha moodin sidii UL SIXIR ah inay gacanta ku hayaan wax weyn, balse, wax uunbaa u qoran una degsan.

Kuwani XILDOONNIMADA waxaa u wehlisa inaysan xayraan ahayn sida kuwii hore. Sidoo kale, waxaysan ku raadin qaabka ay ku soo marto ama lagu helo, oo midda ugu muhimsani tahay inaan BEELAYSI iyo BOOB lagu doonin, kan awood qaybsiga ee afar iyo barta, duruufta iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaase sababay, qofkaan soo maraninna uusan xil helayn, hadduusan helinna aragtiyo badan la maqnaa kara.

Arartaa ka dib, waxaan daawaday qudbo Prof. Samatar jeediyey ka dib markuu ku laabtay Maraykanka oo uu muddaba deganaa. Qudbaddaa dadka qaar waxay ku sheegeen XOG WARRAN. Dad kale, XILLI WARRAN. Dad kale, XABAD WARRAN. Dad kale, XIIQ WARRAN. Dad kale, XIS WARRAN. Dad kale, XANAAQ WARRAN. Intaa iyo inta kale ee lagu macnayn karaba, waxaan jeclaan lahaa inaan dhawr eray ka iraa.

Ugu hurrayn, Prof. Samatar wuxuu ka mid ahaa dadyow dhawr ah oo Muqdisho tagay, nasiibna u yeeshay inay ka mid noqdaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ku jiray raggii u tartamay Madaxtinimada Waddanka, kuse guuldarraystay. Markuu Maraykanka dib ugu laabtay ayaa waxaa ka soo yeeray hadallo aan sidaa u sii buurnayn, ee aqriste, bal ila fiiri.

Inta aanan kuu furin mid baan doonayaa inay kuu caddaato. Ninkii Xamar taga, ee haddana kala soo laabta dhaliil waan garan karaa, ee qofkii Xamar taga, ee kala soo laabta sidaa maxaa loo yeeli waayey? Waxay ila tahay inuu dalbanayo wax aan jirin, illeen magaalo aad ogtahay sida xaalkeedu yahay waxa laga sugaa waa inay koobnaadaan.

Prof. Samatar, wuxuu Madaxda ku dhaliilay inuusan jirin qof booqday xerayaha QAXOOTIGA ee Soomaalidu ku jirto, eek u yaaldadlka Kenya, marka isaga laga reebo. Waa qodob fiican, una baahan in la sii xoojiyo, balse, aqriste, hadalkiisa kale ila sii dhuux.

Magaalada Muqdisha wuxuu ku sheegay inay tahay xero Qaxooti tahay. Muqdisho inay hoy u noqoto Qaxootiga Soomaaliyeed, ma ceebbaa? Sow hadda nama lahayn xeryaha Qaxootiga in la booqdo ayey hayd? Maxaadan u booqan kuwa Xamarta aad sheegtay dhan walba ka deggan? Marka aad Buugga iska mashquulinaysay, maxaadan isugu mashquulin inaad dadkaa wax u qabato, wax la wadaagto ama aad wax u kordhisaba? Ma dhicin.

Magaalada Muqdisha wuxuu ku tilmaamay XASHIISH. Marka laga soo tago eraga uu adeegsaday oo aad u liita, haddana, yaa moog taa? Magaalo 22 sano dagaal sokeeye ku jirtay iyo faragalin shisheeye, miyaad ka sugaysaa inay sida Minnesota oo kale noqoto? Anigu ma garan, Profku waxa uu Xamar ka sugayey, ee ka duwan midda uu ku soo arkay? Taa wali aniga waxbaa iigu laaban. Malaha wuxuu sugayey magaalo khiyaali ah ee maankiisa ka dhex dhisan, taa la waa.

Eraga XASHIISH ee Profku adeegsaday iyo muuqaalka uu Magaalada Muqdisho ka baxshay, waxay ka liidataa, midda uu ka bixin lahaa Wiil ku dhashay UK, ee Abkiis iyo Aabayaashiis afar fac aan waligood tagin Waddanka bannaankiisa, ee mar qura la geeyey Xamar. Haddii loo sheego in Waddankan dagaallo la degeen kuma timaameen tilmaamtaa uu ku suntay Prof Samatar. Aqriste, adba isu eeg labada tusaale.

Midda aan cinwaanka qormada uga dhigay baa ah, in Porfku ka cawday in la dareen siiyey “Reer Waqooyinimo” gaar ahaan intii uu tartanka ku jiray iyo ka dibba. Balse, midda aan ka oranayo waa: Samataroow: Waligaa WAN LA WEYN ma lagu yiri?! Micnaha sida laguu yiri REER WAQOOYI baa inta KOOFUR ka timid loo yiraa WAN LA WEYN, waliba Waddanka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Anigu DOODAA uma ihi Reer Koofur, balse, eraga uu dhibsaday Profku yaananba dhib u arag. Illeen labadaa eray baa meesha taal, mid uunbaana lagu dhihi lahaaye, waliba Prof. adiga waxaa kuu sii dheer, inaad ka soo jeeddo deeganno sheegtay inay Soomaali ka goosteen, adigu inaadan raalli ka ahayn waad sheegtay, haddana, Prof. is aamminaaddii dhammaatay.

Waxaan uga jeedaa, labadii GOOF isla degannadeyd ama BARRIN wadaagtay ayaan dabka kala qaadan, ee adoon Gabilleey tagi karin, haddii lagu yiri, xoogaa naga lug dambeedi, ma ceebbaa ku jaban? Midda kale, marka aad leedahay wax aan kala sheekaysto aan waayey, macnaheedu waxay tahay inaan lagaa diideen, ee malaha aad weysay qof aad isku aragti tihiin ama aad adigu si aan habboonayn u soo bandhigtay aragtidaada.

Midda kale, Muqdisho yaanba wax lagaa dhagaysane, ugu yaraan waa ku soo dhawaysay, ee bal magaaladii aad ku dhalatay bal intaa ka soo hel, ee aan aragno haddii wax is badalayaan iyo haddii kale. Illeen soo dhawayntaaba meel walba lagama helee.

Midda musuqmaaqusa Baarlamaanka, taa cidna caad kama saarnayn, oo waxay ahayd bannaan yaal. Adigu waxaadba gashay Baarlamaanka, ee waxaa la hayaa rag aanba galin Baarlamaanka, ayna hor istaagtay kaliya inuusan bixin laashuushkaa iyo ii dhiibta aad sheegayso. Midda kale, sawta dunidu soo bandhigtay ma ahan ceebtaa ku aaddan maaraynta maalka.

Waddanka Talyaaniga oo ku jira siddeeda Waddan ee ku hormaray dhanka Warshadaha ahna waddanka saddaxaad ee ugu dhaqaalo badan Qaaradda Yurub dhanka tirsiga Musuqmaasuqa wuxuu ka galay kaalinta 71-aad. Haddii Talyaani kaalintaa ku jiro, Soomaali oo sida ay tahay aan ognahay ilamahan inay yahay wax lagula yaabo, waase hubaal inuusan ahayn dhaqan habboon, aqriste, maxaad ka dhihi lahayd?.

Midda kale Profku markuu jagadii uu doonayey waayey ayuu sheekadii dhan ka dhigay in la qabyaaladeeyey! Waa wax caqliga ka weyn in qabyaalad uu ku wareegaysto markii la dooran waayey.

Maslax Maxamed Siyaad wuxuu Jabuuti kula tartamey Sh. Shariif oo codad aad u badan ayuu heley, doorashadii danbana codad kuwii hore ka yar ayuu helay, lagamana hayo inuu yiri waa la qabyaaladeeyey doorashada. Prof. Cadullaahi Axmed Caddow waa la mid oo labo goor ayuu ahaa ninka labaad, haddana doorashadii dambe codad badan ma helin, mana gunuunicn.

Midda dhaqanka la xiriita, Prof. magaalo 22 sano ITIXAAD DACWATU SHAARIC iyo MUXAADARO ku dhex hayey, 8 sano ALSHABAAB xoog ku haystay, dhaqanka aad ka sugee waa kee? Mid CARBEED hubaal, ee mid Soomaali ugu imaan maysid. Marka aad leedahay waxaan waayey meel lagu Baraanburayo iyo in dumarka meel ku xiran yihiin, saw ma ogid in la yiri: DUMARKA CODKOODU waa XAARAAN? Dhanka heesaha, saw ma ogid in heesaha la mamnuucay, oo la diiday in idaacadaha laga sii daayo?.

Dhanka kale, Prof waddanka sidaan uga qaxnay ayaa loogu soo qulqulayey, haddi raggaasi qaybtooda ayey qalqaalsanayeen EE uma imaan Qurbaan iyo Qaloon.

Waxaad dhaliil jeedisaba, haddaadan Madaxweyne Xasanna ku darin waad caymataa, igama ahan inaan nasteexo gaar ah u hayo Xasan, ee ugu yaraan inuusan fara jafjafan baan ka wadaa, oo uu dib u laaban doono. Mid baanse doonayaa inaan Profka weydiiyo, marka laga soo tago in wax lagaa dhagaysan waayey, maxaad ugu dhabar adaygi waysay?.

Saw ma ogid, ummad baddalkeedu inuusan sahlayn, maalin iyo dhawrna qaadanayn, sidaa awgeed, lagaaga baahnaa adooN soo niyad jabin inaad inta guntiga dhuuqsato ee marada xanjeerata aad meel walba wajiga ku diirto. Illeen adaa soo doontee, meeshaad joogtay cidna kaama soo qasbine. Hubaal inaad gaari lahayd yoolkaaga.

Dhanka shaqo la’aanta, profku wuxuu sheegay in Dhallinyaradu aysan shaqayn 70% waa qiyaas sax ah oo aan qofna diidi karin. Balse, waddanka aad ka timid ee Maraykanka ee dunida ugu dhaqaalo badan dhallinyarada aan shaqayn  waa 10% Midawga Yurub 10,6%  waddanka Grecia 58% Spania 55% Portogallo 36% Italia 36%. Waddamadii warshadaha lahaa iyo dhaqaalaha xooggan ayaan ka sarrayna 30% markaa ma wax nalagu cawryaa mise waa wax lagu caynsho? Prof-ka ayey u taal.

Dhanka kale, sanadkii hore Xafiiska Tirakoobka Maraynka “United States Census Bureau” ayaa soo saaray waddamada ugu saboolsan dunida, kuna sheegay:  1. Haiti 2. Guinea Equatoriale 3. Zimbabwe 4. Congo (Repubblica democratica) 5. Swaziland 7. Madagascar 9. Sierra Leone 10. São Tomé e Príncipe. Soomaaliya laguma darin, oo iyadu waxay ku jirtaa dawladaha fashilmaye.

Midda marna iga nixisay marna iga yaabisay baa ah, mar Pfofku ka hadlayey dhallaanka iyo dhimashada, ayuu sheegay in labaduba badan yihiin. Isagoo eray aan mudnayn ku sheegay ilmaha. Markaasna waa la wada qoslay. Waxa lagu qoslay ma garane, yaan daba QAAWNAAN ku soo korin? Malaha inta qososhay iyo isaga waxaa loo galin jiray XAFAAAYAD? Isma dhihin, oo haddaa maxaa dhallaanka Soomaaliyeed loogu ceebaynayaa wax aysan dambi ku lahayn, kaaga darane la soo wada maray?.

Isagoo sii wato ayuu wuxuu tusaale u soo qaatay waddamada Maraykanka iyo Yurub in dhimadu yartahay oo dadku gaaraan ilaa siddeetan sano. Halka dhankeenna dhimashadu tahay aad uga hoosayso sanad kontamaad. Taa waa sax, mase is waydiiyey Profku in waddamada uu sheegay kontan sano ka hora ay sida aan maanta nahay ahaayen dhanka dhimashada? Hadduu is weydiiyey muxuu isugu jawaabay? Isaga lee waaye.

Hadal malaha faan u ekaa faan ama tookh ayuu ku sheegay inuu uusan ka soo fasax qaadan hoggaanka Baarlamaanka. Taa oo ka dhigan inuu jabshay ballaantii iyo dhaartii uu dusha u ritay kuna damanad qaaday inuu si hufan u fulin doono. Taa ka sokow, haba qaldamee, hadduu qaladkiisii u sheegayo sidii isagoon qaladba galin saw dhib hor leh ma ahan? Kaba sii darane, haddi Profyadii sidan u dhaqmayaan, maxaad ka filan kartaa qabqablaha, mooryaanka iyo beeneelaha? Anigu ma garan.

Qudubkii Prof Samatar oo dhammaystiran mehaan hoose ka muuqso:

Dhanka kale, berigii caddaanka Soomaaliya imaanayeen ayey la yaabeen Soomaalida oo Kaneecada ka shidata dhir la gubay, maadaama Kaneecadu aysan u adkaysan karin ura qiiqa, oo tiraa cudurka DUUMADA waxaa sababa KANEECADA markaa caddaanku waxay lahaayeen dadkan waa dad waalan, dibbaase laga xaqiijieyey cilmi ahaan.

Sidoo kale, ilma xambaarashada qaabka aan anagu u xambaaranno daraasado dhawaanahan la soo bandhigay ayaa lagu caddeeyey inay qayb lixaad leh ka qaadanayso qaab socodka ilmaha iyo luga toosnaantiisa, dabcan ayna ka hortagayso cudur walba oo keeni kara. Sidoo kale, cudurka FURUQ marka uu xoolaha ku dhaco, ee neefku u dhinto ayaa Soomaalidu gubi jirtay, taa oo iyana dhawaan si cilmi ah loo xajiinayey inay qayb ka tahay dabarjarka cudurka si uusan ugu faafin dad iyo duunyaba.

Uma soo qaadan tusaalooyinkan inaan leeyahay Soomaali baa cilmi daadisay, balse, wixii shalay la ahaa ma ahan in loo illoobi waxa jira iyo dadyowga kale sida ay yihiin.

Ugu dambayn. In wax qaldan yihiin lama mooga, haddana, waxaa la yiri: “Majo dhiiqo, midba maraa la siibaaye” inta hadda la gaarayba saw naruuro ma ahan aan shalay la haysan? Maxaa la isu indha tirayaa? Saw ma habboona mar walba inaan tallaabada laga dheerayn hadba tabarta la leeyahay? Miyaan marna laga gudbayn wax jira ma aha iyo waxba ma yaallaan?

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan


Ilma lix bilood jira, ayaad leedahay muxuu u ordi waayey! – Shacabka & Dowladda Cusub

$
0
0

Maqaalkan waxaa igu dhaliyey inaan qoro markaan maqlay dad dhahaya Wadaadada Siyaasadda galay iyo kuwa dagaalamaya ayaa waxay dadka nacsiinayaan Diinta. Dadka sidaa dhahaya waxaan u kala soocnayn Diinta Islaamka iyo dadka aaminsan.

Diinta Islaamka waa diin sax ah oo kheyr kaliya keenta laakiin dadka aaminsan ee Muslimiinta waxay isugu jiraan kuwa diinta ku dhaqma ee ka run sheega iyo kuwa aan ku dhaqmin ee sheegta magaca diinta.

Dadkaasi waxay intaasi ku dareen inay Soomaalid ay cilmaaniyadda dooran doonto haddii dowladdan cusub ay dhacdo sida shacabka Romanka ay u naceen masiixiyidda ka dibna ay u doorteen nidaamka cilmaaniga (diinta oo nolosha laga fogeeyo). Dadkaasi waxay ku doodayaan in dowladdii hore ay wadaadidii ku jiray fashiliyeen tannina ay wadaada ku jira ay fashilin doonaan.

Aniga waxay ila tahay inay lama huraan tahay inaan helno hal beeg aan ku kala cabirno dhaqanka wanaagsan ee horumarka keena iyo dhaqanka xun ee dib u dhaca dhaliya, iyadoo aan la fiirin qof, qabiil, urur diineed, ama urur siyaasadeed.

Haddii halbeegaasi aanu jirin waxaa dhici kara caddaalad daro lagu naco shaqsi ama qabiil am urur Islaami ama urur siyaasadeed iyadoon la sameyn qiimeyn sax ah oo dhameystiran.

Sayid Cali (RC) wuxuu yiray: Waligaa hal beeg ka dhigo xaqa (Qiyamka Islamka) adigoo ku cabirayo yaa wanaagsan iyo yaase xun (oo haddii qofkii, ama qabiilkaaga ama urur diineed ama urur siyaasadeedkaaga ay xaqa iyo dhaqan wanaagga raacaan adigana iyaga raac, haddiisa ay ka leexdaan waddadaasi markaasi ha raacin).

FURSAD SIIYA DOWLADDA SOOMAALIYA EE CUSUB

Marka hore madaxweyne Hassan iyo dowladdiisu aan fursad fiican siino waayo weli Sanad ma jirsan si loo qiimeeyo oo la cabiro waxqabadkeeda dhinacyada dowlad wanaaga, amniga, caddaaladda, horumarka dhaqaale, la dagaalanka musuqmaasuqa, midnimada, madaxbanaanida.Ilma lix bilood jira oo guur guuranayo oo kufoo dhac ku jira ayaad leedahay muxuu ilmaha u ordi waayey. 

Sidoo kale waxaa jira taxadiyaadka  (challenges) iyo dhibaatooyin badan dowladda heysta ama hortaagan oo aan la soo koobi karin.  Sidaa darteeda, dowladda waxay mudan tahay in la taageero oo garab loo noqdo lana siiyo waqti ay wax ku qaban karto ka dibna lagula xisaabtami karo.

NOOCYADA SHACABKA

Waxaan u arkaa in shacabka Afar qeybood loo qeybin karo:

1. Taageerayaal        

2. Daneystayaal

3. Dowlad Diid

4. Mucaarad dowlad.

1. Taageerayaal:

Waa in badan oo shacabka ka mid ah oo rabta dowladnimo iyo kala dambeyn oo u ooman nabad, caddaalad, midnimo, horumar iyo madaxbanaani.  Kuwani waxay aaminsan yihiin inuusan qofka uusan waxba ahayn haddii uusan dowlad lahayn. Haba ahaato dowladdiisu mid tabar daran. Sidaa darteeda taageero ayey dowladda siinayaan si ay u rumowda nidaamka dowladdnimo ee Somaaliyeed.

2. Daneystayaal:

Kuwani waa danaystayaal oo qaar dowladda ku jiri kara iyo kuwaan ku jirinba.  Kuwa dowladda ku jira maslaxadooday ugu jiraan. Waxayna taageeraan meeshay ay maslaxadooda ka arkaan oo dan kama gelin dowladda horumarkeeda, dalka iyo dadkaba.

3. Dowlad diid oo 3 nooc ah:

Kooxo diimeed qaarkood oo xag jir ah oo isugu jira kuwa hubeysan iyo kuwaan hubeysnayn:

Kuwani ma ogola  in ay dowladda shaqeyso ama ay jirtaba waayo waxay aaminsan yihiin dowladda inay ahayn dowladda xalaal ah ama dowlad Islaami ah oo shareecada Islaamka ku xukunta.

Ururo xag jir ah ama dad la shaqeeya dowlado kale: 

Waxay aaminsan yihiin dowladdan haddii ay dhisanto oo ay awood yeelato inay khatar ku tahay jiritaankooda iyo jiritaanka dowladaha ay la shaqeeyaan.  Sidaa darteed waxay ka shaqeeyaan fashilinta ama taag daraynta dowladda cusub.

Kooxda aan deganayn: 

Kooxdani ma degana, waddanka inuu degana dan uma arkaan. Waa kooxo ama afraad aaminsan in lala xisaabtami doono haddii la helo dowladda degan oo awood leh oo caddaalad sameyneyso.  Sidee darteeda ma rabaan dowlad oo dhan. Fowdada, dilka iyo dhaca ayaa u ah sahay ay ku noolaadaan.

4. Mucaaradka dowladda waa laba nooc oo kala ah:

Mucaarad deg degayo: 

Waa kuwa ka soo horjeeda dowladda oo ku qiimeyey dowladda inay fashilantay iyagoo wax waqti ah aan siin si ay u qiimeeyaan dowladda iyo waxqabadkeeda.  Hal beeg cad oo ay wax ku qiimeeyaana ma lahan.

Mucaaradka bisil:

Waa kuwa aan ku qanacsanayn qaabka ay dowladda ku timid ama qaabka ay wax u waddo laakiin ogol inay jirta oo ay shaqeyso marxaladdan, waqtina la siiyo, iyagoo leh hal beeg (starndard) ay wax ku qiimeeyaan una qoran barnjaamijyadooda markii loo baahdo inay wax bedelaan. Waxay aaminsan yihiin isbedel weliba oo dowladeed in loo marayo waddada sharciga hadda jira ama iman doona oon gacan ka hadal ahayn.  Kooxdani way naqdiyaan ama saxaan dowladda markay ku arkaan wax khalad ah ama khalad u arkeen.  Kooxdani way niyad fiican yihiin oo waxay daacad u yihiin diintooda, dadkooda iyo dalkooda.

GABO GABO

Labo waa lama huraan in si fiican loo fahmo. 

Ta hore, in loo fahmo inay dowladdu tahay adeegto ama qabbaan ama khaadim (servant) oo waxay u shaqeeysaa shacabka oo shacabkaa leh.  Adeegto waxaa lagu yaqaan inay dhagaysato sayidkeeda (master) oo ay u shaqeyso oo ay ka amar qaadato.

Shacabka waxay dowladda u keensatay inay u adeegto.  Taasi micnaheed waxaa waaye inay dowladda sameyso waxay shacabka rabto oo xalaal ah oo macquul ah iyadoo isticmaalayso dhamaan aaliyaadka ugu suurta galka ah awood ahaan.

Shacabka waxay rabaan: shareeco oo lagu xukumo, nabad, midnimo, caddaalad, adeegyo bulso oo horumar leh, tacliin iyo caafimaad iwm.

Ta labaad, waa inaan fahamnaa in shacabka uu yahay sayid (loo adeege).  Sayidka wanaagsan waa inuu u naxriistaa oo uu la shaqeeyo khaadimkiisa.  Shacabka wanaagsan waa in ay dowladda la shaqeysaa oo ay waqti siisaa si ay u gaarto hadafyadeeda waa weyn ee ay ugu khidmeynayso shacabkeeda (ku dhaqanka shareecada, dowladnimo, nabadeyn Soomaaliya oo dhan, horumar, caddaalad, midnimo iyo walaalnimo).

Imaam Xasan Jaamici, J.D.
Director of Minnesota Dawah Institute & Adjunct Prof. Of William Mitchell College of Law

Xog & Gorfeyn: Hubkii madaxtooyada laga xaday, ma qiyaano caalami bay ahayd mise qiyaano gobol?

$
0
0

Waxaa hal mar wada kulmay golaha ammaanka oo cunaqabatayntii mudo sanad ah ka qaaday dawladda Soomaaliya iyo hubkii madaxtooyada yaalay oo la xaday? Sidee ku dhacday? Anigu ma aqaan laakiin hasha maankayga gaddaye ma masaar bay laqday!.

Waxay ila tahay in ay ahayd arrin weyn oo dan weyn laga lahaa. Arrin ku lug leh sanad ka dib cusboonaysiin hubka dawladda iyo waxaa la filan karo. Ma waxay ahayd mu’aamarad caalami (international conspiracy) mise mu’aamarad gobol (regional conspiracy) Ma wax iska dhacaybaa mise wax qorshaysan. Maxaa isku soo aadiyay? Hadii ay qolo direysay baaq, yay ahaayeen cidda diraysay fariintaas yaase loogu dan lahaa.

Abwaan soomaaliyeed oo aanan hadda magaciisa xasuusnayn baa yiri:

“ Baadida nin baa kula daydayi daalna kaa badane
oo aanan doonahayn inaad heshaa daa’in abidkaaye”

Beesha caalamka iyo dawladaha deriska waxay leeyihiin dawladda taagta daran ee Soomaaliya ayaan caawinaynaa oo gobolada u qabanaynaa ammaankana u sugaynaa laakiin su’aasha waxay tahay xataa dawladda ma loo quuri waayay in Ethipia inta aanay ka bixin Xudur loo sii sheego. Sidaasi ma derisnimaa? Shacabka Xudur marna ma is lahayn habeen madow ayay ciidamada Ethiopia iyo ciidamada dawladda iyo maamulka magaalada iskaga bixi doonaan. Yaa masuulka ah dadkii qaxay ama cabsaday ama niyad jabay, Sow dawladdu mas’uul kama ahayn ammaanka Xudur side iskaga baxday? Sida iska cad dawladda Somaliya xog kama hayn arrinta xadista hubka iyo ka bixitaanka Ethiopia ee Xudur.

Nin ka mid ah dadkii ka agdhowaa keligii taliye Maxamed Siyad ayaan weydiiyey. Sidee ku dhacday ninkii xoogga weynaa ee ciidamada qaranka iyo dawladnimada ku raagay inay jabhad ka cayriso madaxtooyada? Wuxuu iigu jawaabay adeer Ciidamada dawladda ama xoogga dalka looma abuurin loomana tababarin inay dawladnimo ama keligii taliye ka ilaaliyaan dadkiisa. Dawlad waxaa ilaaliya ama rida waa sirdoon Maxamed Siyaad Barre sirdoonkiisa goor hore ayuu dumay dawladdiisana goor hore ayay dhacday dadka uun baan ogayne- meesha waa iska fadhiyay duqa, dawladd walba awoodeeda waxay ku xiran tahay hadba sida sirdoonkeeda u dhisan yahay.

Odayga waxaa kale oo uu raaciyey Fiir Suuriya Reer Asad 60 sano waxay ku hayeen sirdoon awood leh oo qofwalba meesha uu joogo iyo waxa uu damacsanaa la ogaa ilaa hadda beesha caalamka ku soo duushay. Maxamaed Siyaad sirdoonkiisa ma jrin xataa ma ogayn Villa Somaliya waxa ka socda iskaba daa Muqdisho ama gobolada kale.

Tusaalahan waxaan u soo qaatay in aan dawladda Somaliya iyo madaxweyne Xasan Shiikh ku baraarujiyo

1) In sirdoonka la tabobaro lana habeeyo

2) Shaqada sirdoonka kuma koobna xaafadaha Xamar oo lagalo ama dhalin yaro laga shakiyay oo la ururiyo ee waxay u baahan tahay in wixii hantida iyo khayraadka wadanka dhacaya kahortagaan.

3) Inay hore u sii ogaadaan dawladaha deriska iyo kuwa caalamiga waxa ay damacsan yihiin inta aanay ku kicin.

W/Q: Aadan Shiribow

Aadanhirboow@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Xog iyo Gorfeyn: Sirdoonka Somalia iyo Dilalka qorsheysan ee Muqdisho

$
0
0

QAWDA MAQALSII, WAXNA HA U QABANIN!

Arrinta foosha xun oo CID da loogu geysta inta la hubo lix dhallinyaro oo baaris ugu xirnaa xarunta dhexe ee Hay’adda sirdoonka Somaaliya laguna tilmaamay in Ciidanka Alshabaab ay ka mid ahaayeen ayaa Umadda waxaa fajac ku noqotay in meedkooda oo xabbado Madaxa uga yaallaan laga helay Labo xaafadood ka mid ah magaala Madaxda.

Dhacdadaas waxay dad badan soo xasuusiday Xasuuqii 17 July 1989 Xeebta Jaziira loogu geystay rag reer Somaliland ah keddib markii dad gaaraayo 47 Qof oo wax ay galab sadeyn jirin in habeen barkii guryaha lagala soo baxay dabadeedna Subixii meedkooda bannaanka Jaziira lagu arkay, dhacdadaas waaxay ahayd arrin aad u muruga badan oo qaraabadii iyo inta xaqa jecel ilaa manta ay ka calool xun yihiin kuna noqotay uur ku taallo xanuun badan.

Balse middaan Wiilasha yar-yar lagula kaxay waxay uga duwan tahay ayagoo xabsi dowladeed lagu ogaa in haddana meedkooda lagu soo tuuro waddooyinka.

Murugada iyo fadeexada CID da ku kaceen laguma soo koobi karo War iyo Qoraal, umaddana waxay sugeysaa in dhibka iyo geerida meeshaas ka dhacday deg- deg xal waafi ah oo dadka ku qanci karaan laga gaaro.

Macquul ma aha in Dowladda u dhaqanto sida Al-Shabaab ama Kooxda Booko Xaraamta Nijeriya oo dadkii xabsiyada ku jiray la jir dilo keddibna meedkooda jidadka la soo bilqo, dowladda waxay awood u leedahay in ciddii ay dembi ku tuhunto Maxkamad la tiigsato si looga abaal mariyo fal-fal xumada ay ku kaceen, balse marna dadka ma oggolaan karaan in xabsiyada Habeen barkii Dhallinyarada lagala baxo keddibna si aar goosi ama aano Qabiil u muuqdo looga taqalluso meedadkoodana sida xaabada jidka laga helo.

Markii Warkaan foosha xun uu soo baxay, Dowladda waxay Labo Toddobaad ka hor Seddex wasiir u xil saartay in ay si Deg-Deg iyo Daacad uga soo baaraan degaan sida wax yihiin keddibna Go’aanka barista dib ugu soo naqaan kal fadhiga Golaha Wasiirada si Go’aan looga gaaro.

Ilaa Maanta oo mar Seddexaad barista dib u dhac ku yimid waxa dad badan ay ula ekaatay in Daacad maqan tahay ujeedadana ay tahay qawda maqalsii waxna ha u qabanin.

Dhegaha Soomaalida kuma cusbo Qiyaanada ah (Baaris ayaa socoto) keddibna shanqar dambe la waayo, haddii Arrinta sidaas lagu daayo oo ciddii fal dembiyeedkaas gashay wax laga qaban waayo Dowladda ha ogaato in dhibatadii la isu geysto ay Masuuliyaddeda ayada qaadeyso.

Waddanka fowdada weli kama dhamaanin, waxaa maalin waliba la maqlayaa in Dagaal dhex maro Ciidan Dowladda ka wada tirsan, markii dib loo raacana in dagaalkaas u salka ku hayo hab Qabiil, fiiri midka ugu dambeeyay kana dhacay magaalada Marka.

Ayadoo laga duulaayo in Dowladda tahay mid dib u heshiisiin, ayaa waxaa lagu talinayaa in Deg Deg xal waafi ah uga gaarto sidii looga abaal marin lahaa qalatada iyo qowleystada gowraca kula kacay Dhallinyaradii gacantooda lagu ogaa.

Haddii sidaas la yeeli waayo o dowladda xal keeni weydo faraheeda na kala baxdo ha ogaato in Wiilasha ay reer ka dhasheen wixii dhibaato ah oo dhacana in fadeexadaas ay Madaxda dusha ka saran tahay.

Shaki kuma jiro in arrintaan laga hari doonin ilaa xaqa la gaaro, mana suurtowi doonto in gil-gilisho iyo Siyaasad been huwan sida haatanba ka soo yeertay Rag Darajo Jeneraal lebisan oo ku hantaaqay in wiilasha ay xabsiga ka fakadeen.

Jeneraalka waxaa Jawaab ugu filan nin fakad ah xabadaha lagu rido melal badan ayeey ka haleesha ee ma aha kaliya in dhowr xabadood Madaxa uga dhacaan korka intiisa kale jir dil ma ahee xabado uga yaalin, yaa la isku jaha wareerin dadka na yaa lagu Mashquulin been abuur raad lahayn sabab jiri na yaa raadin si umadda loo qaldo.

Arrinta ha laga abbaro runta ayadoo cidna looga baqin, haddi sidaas wax ka duwan ama arrinta lagu gooyo qawda maqalsii waxna ha u qabinin in ugu dambeyntii mar xeero iyo fandhaal kala dhecen in si xun looga qooma meyn doono.

Ugu dambeyntii Umaddadda waxay u ooman tahay in caddalad lagu dhaqo, intaas ayaa Deeqdo, Musuq Maasuq iyo dibindaabyo hore ayeey uga soo daashay, Dowladda haatan jirto ididillo fiican ayaa ka muuqdo, falka CID da ku kaceen dad badan wuxuu uugu muuqdaa in ujeeddo xun xambaarsan yahay oo la doonaayo in la iska hor keeno shacabka iyo dowladda curdunka ah oo la daala dheceyso sidii nidaamka iyo kala dambeynta dib loogu hanan lahaa.

Ayadoo intaas laga duulaayo yaa Nin jaceelsi xaqa looga leexanin, arrinta taagan na halaga ilaaliyo oraahdii can noqotay qawda maqalsii waxna ha u qabanin intaas ka gadaal waxa ay dadka dhoorayaan in xalka Dilka Wiilashaas la marsiiyo Cadaalada iyo Waddada ugu habboon.

Avv.Xussein Diiriye Afrax – Edmonton London

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar  tahay qoraaga ku saxiixan

FAAH-FAAHIN: Isbeddelada ceyrta ee ka dhacaya Britain bisha April

$
0
0

Marka hore mahad idilkeed waxa iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta lahoow iga gudooma salaanta islaamka ah ACWW.

Kadib markii ay xukunka dalkan ingiriiska ay ku guuleysteen xukuumadan conservativeka ayaa waxaa ay wax badan isku dayeen in ay dhimaan qarashaadka dowladda si ay waddanka uga saaraan dhaqaale xumida ka jirta. Arimaha ay xooga  saareen waa sidi ay u yareen lahaayeen waxa loo yaqaan benefitka oo ay dhiira galin ugu sameyn lahaayeen shaqada. Waxaa ay wax badan ka hadleen in ayan xaq aheyn in la simo qof shaqo u kalahaya iyo qof kale. Haddaba sanadkan 2013ka ayeey ballan qaadeen in uu dhici doono isbadal weyn kaasoo lagu qiyaasay in uu yahay isbadal dhaca muddo lixdan sanadood ah kii ugu weynaa.

Haddaba bal aynu wax yar ka taataabano isbadalada dhacaya iyo halka ay ka dhacayaan.

- Bedroom tax: – laga bilaabo April 2013ka waxaa lasoo rogayaa sharci oranaya qof walboo heysta ama reer walboo heysta qolal ka badan baahidooda, in lagu amrayo in ay raadsadaan guri ku filan baahidooda ama qol walbaa oo dheeraad ah laga jarayo lacag. Tusaale ahaan qofkii heysta 2 qol oo ay baahidiisu tahay 1 qol kaliya qolka kale waxaa laga jarayaa todobaadkiiba lacag dhan boqolkiiba 14%. Haddii ay dheeri kugu yihiin 2 qol waxaa lagaa jarayaa boqolkiiba 25%.

- Qolalka waxaa la badalay sidi hore ee loo seexin jiray caruurta oo caruurta ay da’doodu ka yar tahay 10 jir waa leysla seexinayaa wiil iyo gabar oo qol walbaa waxaa wadaagaya labo caruur. Haddii ay ka weyn yihiin 10 kana yar yihiin 16 jir waxaa leysla seexinayaa wiil iyo wiil, gabar iyo gabar. Haddii uu cunugu ka weyn yahay 16 qol ayuu xaq u yeelanayaa kaligii midkuu doono ha ahaaddo wiil iyo gabar.

Council Tax Benefit: – Council tax benefit oo aheyd lacagta canshuurta ee laga bixiyo dadka qaata ceyrta, magacii hore waa laga badaly oo waxaa loo bixiyey Council Tax Support, qof walbaana waxaa laga qaadayaa oo ceyr qaata boqolkiiba 20%, inta kale ayeey dowladdu ka bixinaysaa. Tusaale ahaan haddii lagaa shubi jiray lacag dhan £950.00/ sanadkii waxaad hadda bixinaysaa lacag dhan illaa iyo £200 ama £250/ sanadkiiba.

Housing benefit:- Councilada qaarkood laga bilaabo April 2013 waxaa ay jaryaan lacagta HB haddii uu qofku kaalmada uu qaataa ay todobaadkiiba ka badato qoysaska £500.00/ per week qofka kaligaa ahna £350.00 todobaadkiiba. Mar walbaan inta uu dhaqaalihiisa yahay ayeey qiimeynayaan oo wuxuu xaq u yeesho ayeey siinayaan todobadkiiba. Sida Haddaba ay magaalooyinka qaar kusoo cadeeyeen waraaqaha aya dadka u soo direen.

- Unversal Credit: - universal credit waa system cusub oo waddanka oo dhan ka hirgali doona bisha October 2013 kaasoo ah in hal meel oo qura uu qofku lacagtiisa ka qaadanayo taaso meel isugu keenaysa lacagihii tirada badnaa ee meelaha kala duwan ka kala iman jiray sida Housing benefit, income support, jobseeker allowance, child tax credit iwm.. lacagahaas ma dhici doonaan in ay meelo kala duwan ka kala yimaadaan oo waxaa leysku oranayaa Universal Credit oo qofka hal mar ayaa loo soo shubayaa.

- Universal credit waxa ay suurto gal ka dhigaysaa in qofna ama qoysna uusan qaadan doonin wax ka badan £500.00/ todobaadkiiba halka qofka kaligaa ahna uu qaadan doono £350.00/todobaadkiiba.

- Univeral credit waxaa laga dalban karayaa oo kaliya Online oo ma jireyso meel aad si toos ah intaad u tagto ka dalbaneyso. Qofku computerka ayuu ka dalbanayaa.

- Arrintan waxa ay dhiiragalinaysaa in ay dadku shaqo raadsadaan ama qofka waqtiga yar shaqeeya uu saacadihiisa shaqada kordhiyo si uu u qaato working tax credit.

- Arimahan aan soo sheegnay waxa ay gaar ku yihiin oo kaliya dadka jooga xilliga la shaqeysan karo, oo dadka waaweyn iyagu hadda arintan ma quseyneyso.

- Arintaan waxa ay sameyn weyn ku yeelaneysaa qaasatan dadka degan magaalooyinka waaweyn sida London oo kale.

- Sidoo kale waxaa jira benefityo kale oo isbadal ku dhacay iyagana dib baan ka soo sheegi doono haddii uu Allaha awooda iska leh yiraahdo.

- Qofkii doonaya Faahfaahin dheeraad ah waxa uu nagala soo xiriiri karaa Somali Advice and information services (SOMINFOS) Mob 07949900582 ama e-mailsaicentadv@yahoo.com.

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Xog iyo Gorfeyn: Tallaabada xigta ee DF, kadib wada-hadalladii Kismaayo

$
0
0

Muqdisho ( Caasimada Online) - Isku dayadii ugu dambeeyay ee Dowladda Somalia ay ku dooneysay in kooxda Axmed Madoobe ee Raaskambooni ay uga dhaadhiciso in talada Gobolka Jubbada Hoose lala wadaago, oo dowladdu maamulka wax ka dhisto ayaa fahsilmay.

Ra’iisul Wasaare Saacid iyo waftigii la socday ayaa dib ugu laatay Muqdisho, ayaga oo dhaliilay kooxda Axmed Madoobe. Ra’iisul wasaaruhu waxa uu sheegay in kooxdaasi ay qabsatay saddex maalmood oo ay fikir kale kula yimaadaan, hase yeeshee aanay u muuqan inay wax is-beddeli doonaan.

Horta Maxaa la isku hayaa?

Sidii la doono ha loo dhigo ama ha loo faah-faahiyo, laakin Caasimada Online waxa ay ku koobeysaa waxa la isku hayo dhowr eray oo ah:- Kooxda Axmed Madoobe waxa ay dooneysaa inay dhisto maamul ay ayada hormuud ka tahay, oo beelo badan oo deegaanka miisaan ku leh ay ka maqan yihiin, Dowladduna waxa ay leedahay “si loo xaqiijiyo in dadka deegaanka oo idil laga qeyb geliyo maamulka waa inaan annaga hormuud ka noqonnaa dhisdda maamulkaas”.

Haddaba!

Ayada oo wada-hadal warkiis uu dhammaaday, ayaa su’aashu waxa ay tahay maxay tahay tallaabada xigta oo Dowladda ay qaadi doonto, ileen inta iska aamusto meel farriisan meyso’e.

Waxaan arrintaas wax ka weydiinay Maxamed Cabdirisaaq Jimcaale, oo ah diblomaasi Soomaaliyeed, oo isaga oo jooga London qeybta wada sheekeysiga facebook kula hadlay Caasimada Online, waxaana uu qeexay dhowr qodob oo ay dowladdi qaadi doonto ama laga yaabo inay qaado.

Xayiraad: Dowladduu waxa ay isku dayi doontaa inay xayiraad dhaqaale saarto maamula Kismaayo, ayada oo aan ka mid noqosho federaal u aqoonsan doonin Jubaland marka la dhiso. Taasi waxa ay maamulkaasi ka xanibi doontaa dhaqaale badan oo ka mid ahaanshaha federaalka ay ku heli lahaayeen.

Waxaa kale oo Maxamed uu sheegay in sidoo kale ay suurta gal tahay in dowladdu ay xannibto isha dhaqaale ee ugu weyn ee kooxda Raaskambooni oo ah dekdedda Kismaayo, ayada oo adeegsaneysa aqoonsigeeda caamaliga ah.

Hanashada Gedo: Isaga oo adeegsanaya dhalashadiisa, ayaa ra’iisul wasaare Saacid, waxa uu ka dhaadhicin doonaa beeshiisa iyo gobolka Gedo inaanay marnaba qeyb ka noqon Jubaland. Inkasta oo inta badan beeshu iminkaba ogoleyn maamulka kooxda Raaskambooni, haddana waxaa jira xubno yar oo ku jira, qorshuhuna wuxuu noqon doona in kuwaas laga saaro.

Xusuusnow, dhammaan beelaha Hawiye ee dega gobolka Jubbada Hoose, sida Sheekhaal, Gaal-Jecel, Cowramale, Abgaal iyo Murusade iyo kuwa kale, ayaa horey u diiday ka mid noqoshada maamulka Axmed Madoobe.

Calaamadeynta Raaskambooni: Dowladdu waxa ay kooxda Raaskambooni ku calaamadeyn kartaa koox fallaago ah oo nabad diid ah, oo kasoo horjeesatay dowladda.

Ciidamada Kenya: Waxaa Dowladda iminka ka go’naan doonta in ciidamada Kenya iyo dowladooduba u sheegto inaanay sii garab siin karin Raaskambooni, islamarkaana talada gobolka ay uga dambeeyaan ciidanka Dowladda ee jooga magaalada, oo qaar badan oo ka mid ah ay shalay tageen.

Dowladda Somalia kama laba labeyn doonto inay ciidanka Kenya ku amarto inay dalka ka baxaan, haddii aysan maqal waxa loo sheegayo. Ogow dowladda iminka waa la aqoonsan yahay calami ahaan, hadalkeeduna waa gadmayaa.

Waxaa mar horeba la diyaariyay ciidamada Sierra Leone inay tagaan Kismaayo, taasina waa digniin dadban oo ku socota Kenya.

Si kastaba, dhammaan tallaabooyinkaasi, waa kuwa ay dowladdu qaadi karto, hase yeeshee waxaa intaas oo idil ka horeeya inayba adkaan doonto in kooxda Axmed Madoobe ay dhisto maamul iyo inay maamusho Kismaayo, sababtuna waxa ay tahay in ciidamo badan oo ka tagay Gedo, islamarkaana taabacsan dowladda ay qeybo badan oo ka mid ah Kismaayo joogaan iminka, inkasta oo dagaal uu noqon doono xulashada ugu dambeysa ee Dowladda.

Viewing all 1186 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>