Waxba yaanu xeerkay i marin xoolona i siine
Xaashee nin libin kaa xistiyey xumihi waa yaabe!
Mareegta www.caasimada.com ayaan 22kii bishan ka daalacday maqaal cinwaankiisu ahaa “Qaddiyadda Goonni-isutaagga Somaliland iyo caqabadaha dhabta ah ee horyaala” qoraalkiisana uu lahaa Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor” oo siduu sheegtay ah Bare wax ka dhiga Jaamacadda Al Madaninah International University oo Malaysia ku taal. Cinwaanka oo xiiso lahaa, qoraaga oo aqoonyahan sheegtay iyo Jaamacadda oo wadata magacii Madiina Al Munawara darteed ayaan maqaalka u furay akhrintiisana guda galay . Maqaalka oo ku magacawnaa “qaybta 1aad” (qaybtii 2aad oon muddo sugayey maan helin) ayaa ahaa mid aan niyad jab iyo hungo kala kulmay. Wuxuu ahaa maqaal hoos uga dhacay filashooyinkaa aan kor ku xusay ayna ka buuxeen hadallo runta aan asal ku lahayn.
“Hadalkaan daliil loo helayn waa duf iyo beene”
Sida culimada diinta taqaan ay arrinkasta oo ay ka hadlayaan ay daliil cuskiyaan ayaa qofka Academic-ga ahna uu odhaahdiisa ku miisaama caddaymo waafiya oo marjac loo noqdo leh. Sheekha isagoon daliil cuskan iska iftooda waxay Soomaalidu u taqaan “Kitaab-gaab”. Walaalkayga maqaalka qoray waxan u kala garan waayey in faraskiisu la gaabiyey, sidaa wadaadka aynu soo sheegnay, oo uu muquurtay waxyaabo aanu aqoon u lahayn baadhitaanna aanu ku samayn, iyo inuu yahay nin u badheedhay inuu reer Soomaaliyeed (Reer Sh Isxaaq) matag isla dul taago wixii xumaan ahaa ee uurkiisa jiifayna debedda keeno.
Ummadda Soomaaliyeed ee midnimada jecel ee gooni-isu-taagga Somaliland saluugsani waxay qabaan feker la yaqaan oo qodobbo asal ah salka ku haya, wadiiqo loo maro dooddeedana leh. Fekerkani uma baahna in been munkar ah lagaga midha dhaliyo, ceelka runta ninkii doonaya inuu ka waraabtona been ma sii gaadiidsado ee daw xalaal ah buu ugu arooraa.
Inkastoo dad badani aanay fahansanayn waxa dhaliyey goonni-isu-taagga Somaliland oo ay ku meeraystaan arrimihii 1988kii Isaaq loo geystey, haddana labada feker ee midnimo-doonka iyo Somaliland-doonku waa wax taariikh la raaco leh dood run ku salaysan oo labada dhinacba ka timaaddana guul lagaga dhalin karo. Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Afxumo colaadna wax kaagama taro, nabadna waa kaa geysaa“. Aflagaaddo, eedayn iyo been abuur waxay sii laalayaan jawigii dood walaalnimo oo caafimaad qabta. Si aan maqaalku iila taraarin haddaan ka hal celiyo hadalladii qayaxnaa iyo beentii walaalkeen ka umuliyey waxan ku soo koobi lahaa qodobbadan uu walaalkay ka hadlay oo dhammaan Somaliland ku kooban dhammaantoodna uu isagu taabtay.
1.Dhulka (Somaliland): Map-ka uu adeegsaday ninkaasi oo uu toddobaadyo ka hor si ujeeddaysan u sameeyey Amin Caamir waa mid aad loogu qoslo xaqiiqna aan ku fadhiyin. Map-ka Ammiin Caamir wuxuu gobolkii hore loo odhan jirey Woqooyi Galbeed oo ay ku jirto Hargeysa, Berbera , Gabiiley iyo boqolaalka tuulo ee ay xukumaan uu raaciyey waxa uu ku yeedhay “Awdal state”. Dhanka barigana sidoo kale ayuu Caynaba, Ceelafweyn, Garadag, Ceerigaabo iyo boqollaalka tuulo ee ay xukumaan oo Isaaq dego uu u kala qaybiyey Harti Woqooyi (Fadlan eeg jiitinta cas ee khariiddada kaga suntan bari iyo Galbeed). Qoraaga maqaalka markiisa hore-ba waxa jar ka tuuray cabbirka uu isticmaalay oo ah Map-ka Ammiin Al-Cammuudi wuxuuna Isaaq oo 75% dega dhulka Somaliland uu u soo celiyey 25%. Arrin khalad u dhacday maaha ee waa mid ujeeddaysan oo shacabka lagu marin habaabinayo.
2. Dadka (Somaliland); Ninka maqaalka qoray wuxuu sheegay in ay Somaliland degaan qabiilooyin badan oo uu ku sheegay Isaaq, Dhulbahante, Samaroon, Warsangeli, Ciise, Gabooye, iyo Fiqishinni. Miyaanay shaki lahayn sida uu Isaaq oo “Majority” ahna mid uga dhigay, Harti oo Somaliland “mirority” ka ahna wuu ugu kala saaray Dhulbahante iyo Warsangeli si uu qabiilada ugu badsado. Magaalada Muqdisho waa la og yahay cidda degta uguna tirada badan. Arrintan xeeladaysan ee ninkaa odaga ahi sheegay waxay la mid tahay adigoo yidhaahda Xamar waxa dega Bandhabow, camuudi, reer faqay, eylo, Muq-shabeel, Shaanshi, raxanweyn, Shanta-caleen, Begedi, Geledi, Cumar maxamuud, Ciise maxamuud, gaalgale, yaxar, iyo Hawiye. Intaas oo qabiil iyo ka badanba Muqdisho waa laga helayaa laakiin xeelad baa ku jirta caruurtu xitaa fahmi karto waayo Muqdisho waa caasimad laakiin inay magaalo Hawiye tahay cidna la weydiin mayo Haddaad kun qabiil taxdona xaqiiqda ah in Xamar xero Muddullood tahay mid minguuraysa maahan. Arrintan ujeedada laga lee yahay waa in qabiilooyinka sidii caanihii la badhxo, ka dibna Isaaq inta gaar loo saaro lagu eedeeyo inay keligood gooni-isutaag wadaan. Waa iska dood naf-la-caari ah oo nin qiil kale waayey adeegsado sababtoo ah Isaaq 80% ku dhawaad buu ka yahay Somaliland si kastoo aad qabiilooyinka Somaliland dega u badsatana xaqiiqdaas baa ku hor taal. Midda kale Hartiga-Daarood oo 9% ah mooyee qabiilooyinka Dirta ee galbeedka Somaliland intooda badani way wataan Somaliland madaxna way ka soo noqdeen.
3. Soohdinta (Somaliland); Qofka aan sida ninka maqaalka qoray is yeelyeelayni wuu ogyahay farqiga u dhexeeya soohdin qabiil iyo mid caalami. Soohdimaha maanta lagu xisaabtamaa kuma fadhiyaan isir, haddii taasi run ahaan lahaydna waddamada aduunka jiraa muuqaal kan maanta aad uga duwan bay yeelan lahaayeen. Qabiilka Isaaq hadduu keligii dawlad rabo bariga Ethiopia ayuu deegaan ballaadhan ku lee yahay waxse taa diiday soohdimaha la aqoonsan yahay ama la aqoonsanaa ee isticmaarku dejiyey. Somaliland iyo Somalia waxa isu keenay waxay ahayd inay soohdin Caalami ah beddelaan iyagoo shan Soomaaliyeed raadinaya taasna halkay ku danbeysey waa la og yahay. Labadii gobol ee midoobay ee Somali Republic la baxay baa ku guuldarraysay ee maanta, tusaale ahaan, haddii Khaatumo waxa la yidhaahdo oo laba tuulo haystaa rabaan inay taas beddelaan waa iska hawo beenaad. Markii hore Isir bay kaashadeen oo dhaheen puntland baannu nahay oo isku reer nahay, ka dib Soomali baanu rabnaa bay yidhaahdeen, maantana isir bay dib ugu noqdeen oo Jubbaland bay u ololaynayaan. Somaliland waxay ku doodaysaa soohdin caalami ah oo adduunka ka diiwaan gashanayd 33 Dawladoodna aqoonsadeen 26kii June 1960kii intii aanay la midoobin walaalahooda Koonfureed. Diidmo iyo yeelisba Somaliland dooddeedu waa taas mana aha mid isir ku dhisan.
4. Halgankii hubaysnaa (Somaliland): Ninka maqaalka qoray isagoo tilmaamaya beelaha Harti (Daarood) siiba Dhulbahante wuxuu yidhi “halgan dheer oo taariikhi ah ayay usoo mareen u dagaalankii Soomaalinimo ee lagula dagaalamayey Gumeysigii Ingiriiska, rag badana hore ugu waayey, sidaa daraadeedna diidan in eey Taariikhdaa dheer ee Gobanimo-Doon eey maanta ka talaabsadaan, oo Hal Bacaad lagu lisey kasoo qaadaan.”
Ninka odayga waxaad mooddaa in aanu taariikhda baadhin amase aanu fahmin kelmedda “Halgan”. “Halgan” ma aha hadal af laga yidhi iyo dacaayad la fidiyo ee waa kifaax hanti iyo nafba loo huray taariikhdana marag iyo markhaati ku leh. Si kastoo loo qayliyo ama loogu celceliyona, beentii la sameeyey xilligii Kacaankii Maxamed Siyaad ma noqonayso taariikh.
Halgankii loo soo maray Somaliland ama gobollada woqooyi nimankii gobannimada “Maandeeq” ula baxay ee mu’alifka, mulaxamiistaha, heesaahaga, jilayaasha iyo masrax keenidda gobannimo ay gaarka ku ahayd waa Reer Sh Isxaaq. 1886kii oo Ingiriis Somaliland haystay 2 sano wax ka yar ayuu Suldaankii Habar Yoonis ee Suldaan Nuur Axmed Ammaan oo ciidan beeshiisa ah oo dhawr kun ah wataa Ingiriis ku weerareen Berbera. Suldaan Nuur oo warmo iyo seef ku dagaallamayey uma ay suura gelin inuu Berbera qabsado laakiin rucbi weyn buu gaaladii ku abuuray (eeg: under the flag and Somali Coastal stories by Langton P Walsh, p243-264). Halgankii Suldaan Nuur oo ahaa kacdoonkii ugu horreeyey ee Ingiriis looga horjeesto wuxuu hakad galay markii Ingiriisku qabtay shixnad hub ah oo Seylac uga soo degtay oo uu damacsanaa inuu ku dagaal galo iyo isagoo xaaskiisii iyo wiil uu dhalay gaaladu ka qafaalatay Karin oo 90km Berbera Bari ka xiga. Suldaan Nuur oo ciil qaba ayaa Maxamed Cabdulle Xasan soo baxay 1899kii wuxuuna noqday gacantiisa midig isagoo weliba wixii Saldanadu hantilahayd Daraawiish xoolihii ugu horreeyey ay yeeshaan uga dhigay. Halgankii Daraawiishta Waxa wadaadkii waalnaa labada dhinac ka taagnaa Suldaan Nuur iyo Xaaji Suudi Shabeelle oo ahaa ninkii fekerka Daraawiisheed lahaa ahaana ku xigeenta Ina Cabdulle Xasan. Labadan nin oo Burco ka soo jeeday ayaa u fududeeyey inay daraawiishi Burco qabsato sannadkii 1899kii ayadoon wax dagaal ahi ka dhicin.
Daraawiishi qoys ma ahayn balse akhristoow bilawgii halganka illaa dhammaadkiisii qabiilooyin Isaaq ah baa udub dhexaad u ahaa. Waxse xusid mudan, Isaaq waa qabiil ballaadhan oo in badan oo ka mid ihi way ka soo hor jeesteen Wadaadka markay qabyaalad, dhac iyo dil kala kulmeen. Kacaankii Siyaad Barre ayay Dhulbahane uga faaideysteen inay Daraawiish sheegtaan oo qandaraas ku qaatan arrintuse taas way ka duwan tahay. Tusaale, beesha Dhulbahante nin madax ah oo halgankii wax taray kuma aanay lahayn halka jilibka Aadan Madoobe ee Habar Jeclo keligiis ku lahaa Ku xigeenta wadaadka oo ahaa Xaaji Suudi, Wasiirka arrimaha debedda Cabdalla Shixiri (1899 -1907), iyo Abbaanduulaha ciidamada Daraawiisheed Ibraahim Buqul. Xaaji Suudi iyo Ibraahim Buqul waxa lagu dilay dagaalkii ugu danbeeyey ee diyaaradaha iyagoo ahaa labada nin ee keliya ee Daraawiish ka dagaallamay markii xitaa wadaadkii iyo kooxdiisii carareenna iyagoo dagaallamaya ayaa agagaarka Taleex lagu dilay labadaba. Sannadihii 1916kii -1920kii wuxuu Maxamed Cabdulle Xasan la yiilay oo daraawiish looga arrimin jirey Midhishi, Sanaag oo ah beesha Habar Yoonis bari badhtankeeda halkaas ayaana diyyaaradihii Ingiriisku ku weerareen Daraawiish. 1916kii markii Warsangeli iyo Majeerteen Daraawiish xoolihii ka dheceen wuxuu Maxamed Cabdille Xasan u cid dirsaday Habar Yooni sidaasaana HY iyo Daraawiish wada socotaa cagta u mariyeen Harti-Daaroodkii riddoobey.
Dhulbahante oo sheegta inay Daraawiish ahaayen horta waa marka hore ee Garaadkii Dhulbahante ayuu Ina Cabdille Xasan dilay 1899kii iyadoon Ingiriisba la isla gaadhin. Sheekada ay maanta meel walba mariyeen ee ah “Daraawiish baanu nahay” ayay sannadkii 1905tii, dagaalkii Jidbaale ka dib, ula tageen Wadaadka laftiisa. Jidbaale oo Daraawiish si xun loogu jebiyey waxa ciidankii Daraawiish basaasay isla markaana xasuuqay u badnaayeen Dhulbahante. Iyagoon Daraawiish ahayn dhaawacii ay gaadhsiiyeenna weli cusub yahay bay indha adaygooda wadaadka ula tageen Daraawiish baanu nahay iyadoo ninka hadalkaas leh reerkiisa oo Aaibihiis (Diihaal Halanje) u horreeyaana Ingiriis la joogeen. Gabaygii Ina Cabdille Xasan uu markaas yidhi baa markhaati ku ah inaanay Daraawiishnimo shaqo ku lahayn intii Garaadkooda la dilay ka dib.
“Doqonyohow nin kaa fiican waa laga danbeeyaaye
Deelqaafka xumi waa waxaad dir u lahaydeene
Hadalkaan daliil loo helayn waa duf iyo beene
Kufraad derejadaysaane waa dururuqdiinniiye
Duullaanka goortaan wacdaad iga digeyseene
Markaan idin dareensadana waad iga didayseene
Sidii deera yaacdaad kurtiin sii durduriseene
Wiilyohow dadkii aad ahayd nagu dafaarowye
Dekeddii Cadmeed bay tageen duulki reer Gorode”
Max’d Cabdille Xasan, 1905.
Reer Gorodka uu sheegayaa waa jilibka Maxamed Cabdille Xasan dhalay ee Cali Geri oo ahaa kuwii Dhulbahante ugu danbeeyey ee Daraawiish ka baxa. Dhulbahante halgan aan Daraawiish ahayn ma sheegtaan kaasina waa been.
5. Hagankii Siyaasiga (Somailand): Ninka maqaalka qoray wuxuu noo sheegay in ururkii SNL ee xorriyada Somaliland dhaliyey aanu isku darka labada gobol rabin ee ay ku qasbeen ururkii USP ee ay ku midaysnaayeen Harti iyo Dir ka ddib markay waayeen waxa uu ugu yeedhay “absolute majority”. Halgammadii dalka lagu xoreeyey waxa hoggaanka u hayay qolada qoraagu beesha dhexe ugu yeedhay. Sheekh Bashiir iyo Faarax Oomaar oo halgankoodii laga wada dheregsan yahay waxay u dhasheen beesha HJ. Sheekh Bashiir isagu dagaal hubaysan buu galay oo lagu dilay. Halgankaa waxa ka danbeeyey oo dagaalkii labaad bilaabmay ururkii xornimadoonka ahaa ee SNL oo hal reer ahaa. Nimankii halgankaa hoggaaminayey, kuwii maal iyo nafba taageerayey, kuwii gabayada guubaabada ah tirinayey intuba hal reer bay ahayd. Suugaantii shucuurta waddaninimo xanbaarsanayd ee Maxamed Xaashi, C. Suldaan Timacadde, X. Aadan AfQallooc, Cabdi Iidaan, Barkhad cas, Qaasim, Yuusuf X Aadan Qabille, Cabdi Hawd intuba isku reer bay ahaayeen. Ururkii NUF ee Michael mariano Cali uu hoggaanka u hayey ee New York iyo London galaabaxayey isna isla reerkaasuu ahaa. Ururka USP oo ay ku kulansanaayeen Harti-Daarood iyo Dir (Ciise & Gadabuursi) hadafkiisu wuxuu ahaa isbahaysi qabyaaladeed oo doonayey inay “beesha dhexe” iska midaystaan. Halka SNL & NUF gaalo inay xorriyadooda ka soo dhacsadaan ay u muuqatay, USP iyana labadan urur waxay soo dhacsadaan sidee qaybteenna u helnaa baa hadafkooda u weyn ahaa.
Ninka maqaalku la anbaday waxaan u sheegayaa Baarlamaanka Somaliland wuxuu ahaa 33 xubnood. 3-da Xisbi ee jirey laba ka midi Isaaq bay ahaayeen, SNL keligeed waxay haystay 20 Kursi oo u dhiganta 61%. Haddaanan qaldanayn 61% waa “absolute majority” hadalkii ninkaa odayga ahi sheegay ee aan senedka lahaynina runtaas baa qashinka ku dartay. Ururka USP qaarkood oo uu ku jiro Garaad Cali-gii Dhulbahane way ka soo hor jeedeen in Koonfur lala midoobo waana tii SNL oo uu Marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal hoggaaminayaa ku tidhi hadalka caanka noqday ee “La’ (maya) yaa Garaad”. SNL ayaa ka danbaysay isku darkii labada gobol, ninkii arrinkaas dafiraana waa maraan dafiray taariikhdii ummadda Soomaaliyeed u wada dhexda ahayd oo qoloba kaalin ku lahayd. Ruuxii doonaya inuu arrimaha Soomaaliyeed xal u raadiyana waxa la gudboon inuu u laabto taariikhaha asalka ah oo uu caadifad iyo xaqiirnimo ay qabyaaladi hagaysaa aanay indha tirin.
6. Caddaalad & Sadbursi: Ninka maqaalka qoray wuxu ku dheeraaday inay caddaalad darro iyo sed bursi baahsan ay beesha Isaaq ku hayso beelaha la dega. Marka hore dadkan aad leedahay waxbay qaateen waa dadka ugu tirada badan Somaliland oo 6-da magaalo ee ugu waaweyn mid mooyee (Borama) iyagaa dega. Waa run in guddoomiyayaasha saddexda urur ee soo baxay Isaaq ka soo wada jeedaan laakiin waxa kaa maqan in guddoomiye Xisbi iyo musharrax Xisbi ay kala laba yihiin. Musharixiinta khasab maahan inay la beel noqdaan ninka xisbiga madaxda ka ah waayo iyadoo 3da xisbiba Isaaq guddoomiye ka yahay ayaa Riyaale ka soo dhex baxay. 2002kii dhimashadii Cigaal baa Riyaale fursad siisay balse waxaad illaabaysaa inuu 2003kii xisbi iska sharraxay, tartan galay, oo weliba 83 cod kaga guulaystay reerkan aad leedahay waxbay dhacayaan. Riyaale 8 sano ayuu ku amarku taaglaynayey Somaliland mana ahayn nin mansab looga dhintay haystay ee doorashuu ku helay waddankana siduu rabuu ka yeelayey. Madaxweynihii sidaa ahaa iyo dadkooda ayaa la jujuubayaa oo la dhacayaa waa been aadan markhaati u soo joojin. Sadbursigaad sheegtayna raad waxaanu u lahayn urur kastoo tartamay deegaan buu cod ka helay sidaa darteed xisbigii guulaystay la yaab ma leh hadduu deegaannadii doortay dhankooda u jandheedhsado iyadoon dadkii kalena la qadinayn.
7. Difaaca Qaranka (Ciidanka Somaliland): Waxaad sheegtay in beesha Isaaq hub gacanta u galay taasoo caddaynaysa inaadan aqoon u lahayn waxaad qorayso cid taariikhda kuu saxdana aadan raadsan. Horta Isaaq hubkii uu 1991 haystay ee uu isku dilay wuu iska ururiyey maraaxiil bandanna way soo martay. Ma jiro beel Isaaq ah oo hub haysataa taasaana Ilaahay mahadi ha ka gaadhee guul iyo nabad lagu gaadhay. Mashruucii hubka dhigista ee sida taariikhiga ah uga hirgalay Somaliland ee duwalka caalamku naga caawiyeen haddiiba aad dhaliil iyo eedayn u beddeshay sow marka kaa dhigi mayso nin hadaf iyo ujeeddo maroorta oo tolaysan guusha ummaddaasi leedahay ugu duufsanaya. Ciidanka Soomaliland qabiil walbaa ku jira hubkuna waa mid qaran oo loogu tala galay in lagu ilaaliyo jiritaankayaga ummadnimo taasna caalamka dawladnimada jecel baan kala mid nahay.
Eedaynta Isaaq markii uu dhameeyey ayuu ninkan maqaalka qoray ku andacooday in SNM xasuuqday qaxoontigii kililka 5aad. Qaxoontiga Oromada iyo Daaroodka ah ee Hargeysa afarta gees laga dejiyey markii dagaalku dhacayna hubka loo qaybiyey waxay galeen dunuub aanan jeclayn inaan ka hadlo oo magaaladii dadkeedii la xasuuqay bayba degeen iyagoo hubaysan oo dabbaaldegaya. Hadalkaaga beenta ah waxan ku burinayaa in dadkan aad sheegayso magaalada Hargeisa lagu qabsaday 1991kii waxna aan la yeelin sidaasna ay dalkoodii ugu laabteen. Xasuuq haddaannu damacsanayn ma jirin xilli uu nooga fududaa Jan/Feb 1991kii markaanu ciilka qabnay ee askartii taliskii Siyaad Barre la jebiyey.Adigu waxaad is leedahay sheeko aad xaqiiq jirta ku buriso samee Ilaahbaase kaala xisaabtami haddaad tahay ruux innnaba iimaanka far loo darayna dadkii diyaaradaha iyo Taangiga la mariyey ee magaaladoodii lagu dumiyey waa qaxooti ma tidhaahdeen. Sheekadaada dhinaca ka raran ee shaydaanku beenta kuugu iidaamay, waxaad na leedahay Isaaq baa hadda oo ay tahay 2013 laynaya caruur iyo cirroole. Waxa hadalkaagaasi ii sawirayaa inaad tahay qolyahan laga tirada badan yahay ee Somaliland dega iyo inaad tahay nin ay maanka ka rarteen oo isagoon is ogeyn afkii dhagarqabayaasha qaranimada Soomaaliyeed ku saxarooday ku hadlaya. Inkastood ciidan, hub iyo hantiba yeelato, oboobeey wax laga xoroobo caqligaa ugu wanaagsane.
8. Midnimo & Kala go’: Ninka maqaalka qoray wuxuu yidhi “ Caalamku wuxuu jawaab maqcuul ah u la’yahay sababta iyo logic-ga “Gooni-Isu-Taagan!” iyo “Ictiraf Raadintan!” Ma waa la ina laayeybaa? Ma cadaalad darro ayaan Soomaalida Koofureed katirsaneynaa baa? Ma kala Diin, Dhaqan, Luqad, Isir iyo Midab beynu nahay baa? “. Ninkan iyo inta la midka ahi haddaanay fahmin sababaha dhaliyey in shacbigga Somaliland gooni isu taagaan oo aanay is yeelyeel ka ahayn waa u liidnimo waayo arrin aadan fahansanayn xal uma raadin kartid. Anigu ma arkin “Caalam” ku wareersan sababaha goonni-isu-taagga Somaliland waxaanaan aaminsanahay haddiiba danta Europe iyo America ay Somaliland gasho inay aqoonsanayaan sidii ay meelo kaleba uga dhacday.
Safar dheer ood u hanweyneyd haddaad gasho oo aad quus la soo gurya-noqoto sababta ku soo celisay maaha dhibka kaa gaadhay jiidaashii aad martay ee waa himiladii jabtay. 1960kii hammi baan lahaa ahaa in labada gobol la isku daro inta maqanna la raadiyo. Iska daa kuwo maqan oo la doono ‘e, anigii niyadsamida kuula imid baad I laqdeen.Waxan kuula midoobay waxay ahayd in Soomaali la isu doono, la mideeyo oo calanka la wada hoos keeno ee ma ahayn inaad sidii nibiriga aniga I laqdo. Caasimad, Madaxweyne, Raiisal Wasaare iyo mansab kastoo wanaagsan markii la kal boobay baa la yidhi nimankani soo Qaldamay (Qaldaamiinta) bal wasiirka waxbarashada iyo meelahaa ha la siiyo. Hankii jabay waxa ka danbeeyey inqilaabkii 1961kii saraakiisha reer Woqooyi dhigeen oo hadafkiisu ahaa in Somaliland dib looga saaro “union”kii. Dilka iyo xasuuqa aad dafirtay inkastooy “Cause-ka” gooni-isutaagga shacbiyad u samaysay, haddana ma ahayn sababta keliftay la soo noqodka karaamadayadii iyo sharaftayadii ee waa wadiiqooyinkii dhaxanta iyo dhibka badnaa ee afkii nibiriga Ilaah nagaga soo saaray. Qof aqoon leh, garawshiinyo leh oo indheer-garad ah baa fahmi kara. Dil shacabkayaga ku dhacay hadduu na wado way noo fududayd inaannu xasuuq aan hore loo arkin geysanno hayeeshee taas maanu yeelin ee wixii danta gobolladaasi ka dhaxaysay oo waxgarad, waayeel, suldaan, garaad, iyo aqoon yahanba dib u heshiisiin weli Ilaahay noo negeeyey oon been ahayn baa loogu baaqay sidaasna iyadoo loo dhan yahay ayaa 1991kii dhidibbada loogu taagay Somaliland. Waxan tan u lee yahay inaan kuu caddeeyo in xasuuqu aanay la soo noqodka karaamadayadu aanay dhalin ee ka xeel dheer tahay. Mansab doon nagama ahaa oo caqliga caafimaadka qabaa wuxuu ii qirayaa in Soomaaliland oo mansab kasta oo Caasimaddu ku jirto loo soo bandhigay waxay intaas u gees mareen aanu ahayn wax sahlan.
Hankaa ummaddu qabtay dhaawac culus baa gaadhay dareenkeeduna wuxuu bilaabmay isla markii la isku darsaday. Quusta dadka reer woqooyi laguma soo celin karo dacaayad iyo daandaansi. Ma soo celin karaan kooxaha magaca “state-ka” la baxay ee Soomaalinimada u haysta feker “part time” ah oo markii dan laga lee yahay lagu guuro. Waxay wataan magac qabiil oo ay “State” ku dhex qariyeen qarannimo Soomaaliyeedna way ka hadlayaan!!! Waxa la yidhi habar baa awrkii ay raraysay cullaabtii ka badisay oo uu u kici waayey. Markii awrkii hinqan waayey bay tidhi “Sheekh Cabdilqaadiroow” ka dibna illeen waa wax lagu sababayaaye awrkii baa istaagay. Gabar ay dhashay oo la yaabtay karaamada sheekha ayaa tidhi “Hooyo Sheekha maxaynu isu nahay”. Islaantii runtii bay sheegtay oo tidhi “Hooyo awrkaygaan ku kacsadaa”. Haatan nimankii shalay Maxamed Siyaad Barre garabka ku siiyey inuu furfuro karaamadii ummadeed. Nimankii taariikhdii Soomalinimo u beddelay mid reerkoodu lahaa ee ku hadaaqi jirey “War yaa Daarood Ismaaciil aheey durugtay ceebtiiye”. Nimankii shalay carwadii hore intay isku urursadeen xasuuqa ba’an ku dhigay dadkii deegaankas ka ag dhawaa si Siyaad Barre u badbaado. Nimankii shalayto Somaliland qaybta ka ahaa ee Garaaddadooda iyo siyaasigooda Cali Khaliif ka midka yahay ay Somaliland calankooda lulayeen. Nimankii lahaa midnimo iyo Soomaalinnimaan u dagaallamaynaa laakiin markii dantii reerkoodu Kismaayo ka hillaacday hadalkoodii isu beddelay “Jubbaland waan jeclahay”. Nimankii markay fursadda ay wax ku hagaajiyaan haystay iska hilmaamay Soomaalinnimo ee dantii reerkooda u burburiyey qaran dhan. Nimankaas tirada yar ee aan dalka ka haysta tuulada Taleex haddii Soomaaliyi ku siranto oo ay is tusaan inay gaadhsiinayso midnimo soo noqota waxan lee yahay “go ahead”, waxe aan qabaa in ummaddu intaa ka maskax iyo maan durugsan tahay.
Shacabka Somaliland ku dhaqani iyagaa isku daray labada gobol maantana iyagaa leh goonni baan u baxaynaa. Shacabka Koonfurta ku nooli u malayn maayo inay filayaan in reer Woqooyi sidii shalay dhacday oo kale sameeyaan oo iyagoo jibbaysan Xamar imanayaan. Markan waxa laga rabaa shacabka Koonfureed inay la yimaaddaan tii shalay reer woqooyi Xamar keentay iyo mid ka sii xeel dheer. Ninka hawsha baaxaddaas leh ay u taallaa ma aha inuu ku meeraysto dacaayado iyo been la dhoobdhoobay sida ninka maqaalkan aan jawaabtiisa ku dheeraaday qoray.
W/Q: Khadar Ismail
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online. Mahadsanid