Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

11ka Siyaasi ee hor kacaya Horyaalka Fidno ee Somalia (Warbixin + Sawir)

$
0
0

Horayaalka Fidno Champion ee Somaaliya maxaad kala socotaa shaxda siyaasadeed ee lagu ciyaaro Dalkeena Somaaliya.

Horyaalka Fidno Champion League  ee Somaalia Lugtiisii koowaad ayaa la soo gaba-gabeeyay Taariikhdu markay ahayd  20/08/2012 , Lugtiisa labaadna waxay bilaabtay 21/08/2012  waxaana  uu socon doonaa ilaa laga gaaro  2032,  Horyaalka  Fidno sida caada u ah is aragiiba waxa uu socdaa  Mudo dhan 20 Labaatan sano, 7 Todoba Bilood, & 4 Afar maalmood.

Lugta labaad  wareega sadexaad waxaa  usoo gudbay afar 4 Kooxood oo culus. oo kala ah

 1-Kooxda HALAAG,

 2- Kooxda-TUSBAX,

3-Kooxda DABJOOG,

4-Kooxda UJEEDO BADAN

Gudoomiyaha Horyaalka fidno Mr MAN  ayaa  war uu soo saaray Taariikhdu markay ahayd  7/06/2013  waxa uu sheegay in  koox kale oo cusub lagu soo Daray  Horyaalka Fidno, ayuuna si lama filaan ah  liiskooda u soo gudbiyay  kooxdan cusub,  magaca kooxda waa (MAXAYSATO).

Kooxdaan cusub ee ku soo biirtay Horyaalka Fidno champion Magaca kooxda ayaa nagu  cusub lakiin ciyaar tooydooda oo dhan waa ciyaartooy caan ah oo kooxo badan usoo ciyaaray ,lana wada yaqaano farasamadooda iyo qaab ciyaareed kooda oo dhan, qaar ka mid ah waxay qabaan ilaa 2 Guduud (Red) Qaarna waxay qabaan Hal hal jaale(Orange) , qaar kale waxay qabaan  dhaawac culus oo ah  xaga maskaxda ah daawooyin ayay ku socdaan.

Ciyaartooyda Kooxda Maxaysato Magacyadooda  Waa sidan

Tababare Mr Qiyaano

1-  Qalin,  2- Sabraaye, 3-Lugta iisaar,  4-Xasuuq, 5-Warmoog, 6-Majabe, 7-kabtanka kooxda Laba weji  8- Bir, 9-Sheekh Boorso,  10 – Manaxe,  11-Xaajibeeso

kaydka waxaa u fadhiyo 12-Toogte 13 Taabsade 14-Harag Dugaag

Kooxdaan cusub ee Maxaysato waxaa ku jiro ilaa 2 ciyaartooy oo ciyaaraha siyaasada Somaaliya   ku cusub Labadaan ciyaartooy ee cusub waxay u soo safteen nasiib daro koox ay kujiraan ciyaartooy la wada nacay.

18_july_2013DDCiyaartooydaan cusub waxaa ka mid Mr QALIN  waa ciyaartooy ku cusub garoomada Mr Qalin aad baa loo yaqaanaa lakiin waxaa  ka qay liyay Qalin iyo Buug  waxayna  ku ee deeyeen inuu si xun ula dhaqmo uuna yahay nin aan  ukala xaq soorin Qalinka iyo Warqada uu wax ku qoro ayuu ukala eexdaa, marka waxay yiraahdeen ninkaan waa nin aan ku fiicneen in uu ciyaaro maxaa yeelay kubada waxa uu ubaasayaa ninka ay isku Beelyihiin oo kaliya xitaa hadii gool lagu leeyahay kalama jeclo waxaa  uga muhiimsan in uu kubada ulaado saxiibkiisa lajaalka ah si kooxda ay guul ugaaro.

Mr Qalin waxa uu yiri xalay ayay kooxdeena cusub ee Maxaysato ayaan iswada aragnay ee ahaa kulankeenii noogu horeeyay,  markaan casheenay kadib waxa talooyin ii soo jeediyay dad aan saaxiibo nahay waxay igu yiraahdeen saxiib Kooxdaan cusub isaga bax maxaa yeelay waxaa usafan ciyaartooy aad loo nacay iyo qaar cuslaaday oo farsamooyin hore ee laga tagay wato waxay igu la taliyeen in aan ku biiro kooxda Dabjoog ama Tusbax,  kooxda ujeedo badan  way kuu baahan yihiin lakiin No 1 culus oo booska aad ka ciyaarto ayaa ujoogo hada kooxda ujeedo badan  ee xiligaan uma baahno No 1 kale.

Mr Qalin talaa ku cadaatay waxa uu  sheegay inuu isaga baxay Kooxdaan Maxaysato waxa uuna u sheegay  taageerayaashiisa waan isaga baxay kooxdaan waxaan rajaynayaa in aan ku biiro kooxda Tusbax ama Dabjoog  waxay ubadantahay in aan usoo safto kooxda Dabjoog.

Taba baraha Kooxda Maxaysato Mr Qiyaano waxa uu hore Tababare ugu ahaa kooxda ujeedobadan way iska ceeyriyeen lakiin weli lataliye xaga farsamooyinka ayuu kayahay maadaama uu aad uyaqaano sida goolal farsamaysan loo laado Mr Qiyaano waa farsamo yaqaan afka wax ku farsameeyo.

Mid ka mid ah Ciyaartooyda kooxda Maxaysato Mr Xasuuq waa nin caan ah oo lawada yaqaano kana soo ciyaaray garoonka Geeri & Guul waa nin halaag ah oo taariikhdu aysan  ilaawi doonin weerarkii uu ka sameeyay xiligii uu uciyaraay kooxdiisii hore Damac Badan, Mr xasuuq markuu u ciyaaray kooxdaan waxaa uu sameeyay aroos aan caadi ahayn isagoo lacago fara badan geliyay taas oo ahayd lacag uu kasoo dhacay maamulihiisa Mr Aarsade, taas oo sababteeda  ahayd in ay guuldaro ku soo dhaamto kooxdiisa , Mr xasuuq waa nin ku dheer xaga farsamada iyo isadaba marinta lacageed, ayaa hadal u jeediyay ciyaartooyda kooxda Maxasato.

Harag Dugaag waa ciyaartooy aan la dhayal san karin lakiin nasiibdaran.

Ciyaartooyga Sabraaye laba koox ayuu usoo ciyaaray lakiin waa nin waqtiga uhiiliyo  mar walbo waana nin afgaaban qadafkana iska ilaaliyo.

Mr  Qalin waa Ciyaatooy caalami ah lakiin aan waayo arag ahayn, koox liidato ayuuna u soo saftay ciyaartiisii ugu horeeysay.

Xaaji beeso waa nin lagu yaqaano sida loo habeeyo lacagaha kooxda soo galo wax walbo waxaa ugu horeeyo in uu buuxiyo afartiisa jeeb.

Sheekh Boorso waa ciyaartooy nasiib badan lakiin waxa uqarsoon aan la garaynaynin waxaana lagu xantaa in uu u ciyaarijiray Kooxda Halaag.

Mr warmoog waqtigaba lama socdo hadii gool lagu leeyahay iyo hadii uu gool leeyahayba war uma hayo waxaa ku rakiban mashiin kale oo  aan lagaranaynin waxa uu yahay.

Kabtanka kooxda Mr Labo weji waa nin lagu yaqaano farsamooyin heer sare ah oo ay san fami Karin ciyaartooyda ka soo horjeedo lakiin markaan daal ayaa ka muuqdo iyo tabar yari , waxaana usii dheer Taageera yaashiisa ayaa aad u nacay maxaa yeelay  qaab laga tagay ayuu ku ciyaaraa, mana dhargo, mana xishooda kabtanka kooxda maxaysato.

Fg  sida uu sheegay maamulaha Horyaalka Fidno champion Mr Man  waxa uu yiri ciyaartooyda waa lakala qaadan karaa sidan  ayuuna  liisku yahay , kooxda Halaag iyo Dabjoog ciyaartooydooda way kala badalan karaan , sidoo kale kooxda Ujeedo Badan iyo kooxda Tusbax way kala qaadan karaan.

Kooxda maxaysato intooda  badan waxay kasoo ciyaareen garoomo badan sida garoonka Mugdi  Alaybade, Geeri & Guul waa ciyaartooy mudo soo ciyaaraysay laakiin weli mid gool dhaliyay  kuma jiro intooda.

Kooxda Maxaysato Ciyaartooydooda waxay ubadantahay inay dib ugu laabtaan kooxiihii hore oo ay uciyaari jireen ee kala ahaa Halaag, Dabjoog, Tusbax, ujeedo badan.

Afartaan koox ayaa lafilayaa in ay sii wadaan  Horyaalka fidno, way dhici kartaa in Maamulaha Horyaalka Fidno uu ku soo daro kooxo kale si Horyaalka uu xiiso uyeesho , wariyaasha ugu fiican ee soo tabin doono waxaa ka mid ah Wariye, Halbuug, wariye Biibaaye, Wariye mahubsade, wariye Mashiixe.

Radiyaasha aad ka dhagay san kartaan waxaa ka mid ah Radiyo shanta Mashiixdo, Radiyo Tolka, Radiyo guux weyne,Radiyo Birta dheer,Radio 4.5FM.

Webseedyada aad kala socon kartaan waxaa ugu muhiimsan WWW.QABQASADE.COM. WWW.QABIIL.COM

Tv  yada aad ka daawan kartaan waxaa ka mid ah Tv Tolka.com , Tv bulshadeena.com , Tv xanaaq.com

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan www.fidnochampionsomalia.com

Tel 0000000111 waxaa si  toos ah kaaga qabanaayo Mr Man  lasoco horyaalka Fidno champion Maqal iyo muuqaalba waa lagu soo tabin doonaa.

Cuqdada iska saar.

W/Q MOHAMED Adkeeste

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online.

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>