Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Xog & Gorfeyn: Dowladda Xasan Sh. ma heshay fursad ay wax ku qabto?

$
0
0

Waxaa beryahaan soo ifbaxaaya olola siyaasadeed oo ey bilaabeen rag siyaasiyiin ah oo siyaasadda soomaaliya meela sar sare kasoo galay oo doonaaya iney dib ugusoo laabtaan masraxa siyaasadda iyo hogaaminta dalka hasayeeshee su,aashu waa waa maxay wadada uGu habboon ee loo maro in wadanka taladiisa la qabto?

Waxaa loo baahanyahay in aan leesku qaldin in loo hanqaltaago hogaaminta dalka iyo in loo ololeeyo fashilinta dowladnimada.

Runtii waxaa loo baahanyahay in mucaaradaka dowladdu in ey ilaaliyaan qaranimada dalka iyo heybadda madaxda qaranka oo eysan noqonin buris cadawga dalku adeegsado oo lagu dumiyo dawladnimada laguna aflagaadeeyo madaxda qaranka.

Waxaan shaki leheyn in madaxweynaha xiligaan wadanka maamula Dr Xasan Sheekh maxamuud iyo Ra,isulwasaarihiisa iyo xukuumadduba ey wax badan qabteen mudda aad u kooban eyna mudanyihiin in gacan weyn la siiyo niyadana loo dhiso wadankana lagaarsiiyo in lagu baahiyo nadaamka dowladnimo.

Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in mucaaradadu isu bedesho mid wax dhiseysa ee eysan u muuqan mid wax lagu duminaayo amaba makaroofan u ah dowlado shisheeye oo doonaaya iney soomaaliya dib uGu celiyaan is qabqabsigii hore iyo wasaayadii ey la doonaayeen iney wadanka geliyaan oo looga taliyo caasimadaha wadamada diriska.

Sidookale dowladda waxaa looga fadhiyaa iney la timaado siyaasad cad oo ku wajahan nabadgelyada iyo dhismaha maamullo dadku ey iyagu toos usoo doortaan maamaulada gobaladooda iyadoo dowladda dhexe ey dusha ka ilaalineyso nabadgelyada iyo horumarintana iyadu gacanta ku heyneyso.

Waxaa muuqata in dowladdu ka daahday iney ka faa,iideysato awoodda ciidan iyo dhaqaale iyo siyaasadeed ee shacabka soomaaliyeed uu leeyahay taasoo hadey wasaaradda arimaha aguduhu ka shaqeyn leheed manta wadanku isbedel ku tilaabsan lahaay.

Tusaale hadaan usoo qaato gobolka hiraan haddey dowladdu qaban leheed shirweyne ey isugu yimaadaan dhamaan aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta gobolku si ey uGu doortaan gole heer gobol ah oo doorta maamul loo dhanyahay kaasoo asaguna abaabula dhismo ciidan nabadgelyo ee gobolku leeyahay iyo dhaqaalihii lagu dhisi lahaay oo ey iska aruuriyaan dadka gobolka dega amaba ku abtirsada waxaa lagu guuleysan lahaay xilli hore in gobolkaas gacanta lagu dhigo dadkuna wexey dareemi lahaayeen iney deegaankoodii iyagoo mideysan ey maamaulanaayaan.

Tusaalahaasna waxaa lagu dabaqikaraa dhamaan gobolada dalka iyadoo muhimaddu tahay in gobolkastaahu ow iskiis u dhismo intaan laga hadlin dowlad gobaleedyo aan aasaas leheyn.

Haddaba walaalayaal waxaa lagama maarmaan ah in dowladda qaranka u hana qaaday jaanis la siiyo iyadoo dowladdana laga rabo iney bedesho siyaasadda ku saleysan raadin xukun aruursan oo kooxyar gacanta ey ku haayaan oo laga rabo taas bedelkeeda in madaxweynuhu u istaago in umadda asoomaaliyeed jaanis loo siiyo iney kaalinteeda ku aadan dhismaha maamulada deegaanadooda lagu abaabulo si nabaddu dhaqso usoo laabato loona helo amaan deg dega oo weliba deegaaneysan oo aan eheyn amaanka gacama ku rimiskaa oo ka go,an shacabka oo ku boola xoofteeya wadooyinka waaweyn.

Taasoo ku timid in eysan kala abaxsaneyn ciidamada amaanka guud,kuwa amaanka deegaanada,iyo kuwa melateriga ee loogu tala galay difaaca dalka iyo ilaalinta xuduudaha ilaa taas xal loo helo oo isku yaacaan lasoo afjarana wey cuslaa doontaa in amaan dhab ah wadankaan laga ataaba geliyo ilaahey umuuraha hanoo sahlo dowladdana allaha noo adkeeyo isku duubnina allaha na siiyo aamiin.

Falanqeyntii Sheekh Cali Wajiis

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>