Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Ma la socotaa Sh Xasan Daahir Aweys uma xirna Xasan Sheekh Maxamuud!

$
0
0

Hogaamiye diimeedka Xasan Daahir Aweys ayaa mudo bil ka badan ku jira gacan aaney Soomaalidu sida ay tahay ugu warheyn ,xili uu isagu isku soo dhiibay gacanta dowlada curdunka ah ee madaxweyne Xasan Shiikh .

In uu isku soo dhiibo dhanka dowlada ma,aheyn qorshaha Mr Aweys laakiin danta ayaase sidaas usheegtay markii maamulka ka taliya deeganada uu ka soo jeedo ee Ahlu Sunna ay si wada jir ah ugu gacan seereen in Xasan Daahir uu saldhigto Dhuusamareeb ama Gurigceel midood .

Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh ma aaney fileyn in Xasan Daahir uu isku soo dhiibi doono ,laakiin diidmadii Ahlu Sunna ayaa keentay in Xasan rag ay isku heyb yihiin ay wada hadal la furan taliska madaxeyne Xasan Shiikh oo ugu dambeyn sameeyay balan qaad uusan ogaan Karin sida uu usuurtoobi karo.

Imtaatinkii Xasan Daahir ee Muqdisho waxaa uu abuuray jawi su,aalo badan kadib marki wiilasha Alfa Group ay jirdil kula kaceen duqey Soomaaliyeed .

Laakiin ma is weydiisay waa kuwee Alfa Group?

Waa ciidan ku labisan dhar maasgarati ah, waa Somalia, waxaana ay toos u hoostagan waaxda la dagalanka arga gixisada ee Bariga Africa waana mushaari ee ma,ahan sida ciidamada dowlada Somalia oo marna qada marna hela, ku darso waxaa ay fuliyaan  howl galada gaarka ah ee ay uxil saaraan sirdoonka Mareykanka ee jooga Muqdisho.

Xasan Shiikh Maxamuud iyo amarkiisa ?

Iikeena Xasan Daahir Aweys waxaa uu ahaa amarkii Madaxweyne Shiikh laakiin waa oraah aan afka dhaafi Karin oo aan siyaado wadan maxaa yeelay madaxweynaha Somalia oo dowladiisa loo lulay calan cad, wali waxba isuguma toosna.

Mr Maxaamuud ma uusan laheyn amarkii lagu jidrilay odayasha mana uusan xitaa awoodin in uu hor istaago maxa yeelay dowladiisa ayaa magan u ah aduunka u dagaalku kala dhaxeeyo Al qaacidada.

Xasan Shiikh waa ay ku aadkaatay in uu garab siiyo nin ka mid ahaa xag jirinta Somalia mudo dheer ,laakiin xitaa hadii uu isku dayo in uu Somaalinimo wax ku dabaro dowladiisa ayaa ku taageero beeli karta meeshaas.

Saxaafada ayaa buun buunisay in madaxweynuhu uu hor taagan yahay in la sii daayo Xasan Daahir laakiin xaqiiqada Xasan Shiikh oo aan aheyn hogaamiye milatari arintan kumalahan door weyn , sidoo kale saraaskiisha Soomaalidu kuma lahan door ka badan ninkan ii xaree ama ii soo bixi.

Dadka ka faalooda siyaasada ayaa aaminsan in Xasan Shiikh uu jeclaan lahaa in dowladiisu ay si nabad ah ku dhameyso colaado Somalia taas oo loo arko wado hadal lala galo mucaaradka isi soo dhiba sida Xasan Daahir oo kale ama kuwa wali xabada wada.

Wariyaasha aragtida dheer ayaa dareemi kara in Xasan Shiikh Maxamuud uu ugu dambeyn cadeyn doono xaalada Xasan Daahir Aweys laakiin waa markii ay ka soo dhameystaan dadka uu gacanta ugu jiro oo ah waxaad la dagalanka aragagixisada ee dowlada Mareykanka.

Xasan Shiikh Maxmuud iyo dowladiisa ugubka ah oo laga hago xaga amaanka ,dhaqaalaha , iyo istiraatiijiyada, malahan go,aanka qaabka loola macaamilaayo hogaamiyasha Al Shabab oo ay reer galbeedku kula dagalamayan Somalia.

Xasan Daahir, caawimaadka Habar-gidir iyo sirta ay ka heli karaan reer Galbeedka ?

Mr Aweys waa hogaamiye mayal adag ,dadka dabeecadiisa yaqaanahine waxaa ay ku micneeyaan nin jacel in tiisa lagu raaco .

Waa koorneel ka tirsanaan jiray ciidanka xooga dalka Somalia,waana nin  in ka badan rubac qarni ku soo jiray dagaalo xaga diinta ah.

Wey ku adag tahay Mr Aweys in uu dulmi ku tilmaamo wixii uu soo waday mudadaas ,laakiin waa ay ufudud dahay in uu intaa ku hakiyo musalsalkii colaada.

Reer Galbeedka ayaa wado walba umari doona in ay Xasan Daahir ka helaan sir ku saabsan Al Shabab ,laakiin dadka ka faalooda arimaha Al Shabab ayaa aaminsan in uusan Xasan Daahir heynin xog badan oo ku saabsan Al Shabab madama uusan waligii ku biirin madaxda sar sare ee Al Shabaab.

Waxaa uu ka dhashay mid ka mid ah qabaa’ilada ugu tirada badan Soomaalida ,laakiin 3-dii sano ee la soo dhaafay waxaa aad uyaraa doorka ay beesha Habar-gidir kulaheed Al Shabab taas ayaana loo arkaa in ay hoos udhigi doonto taageero buuxda oo ka timada beeshiisa.

Sil walbaba dowlada yar ee gacanta lagu hayo ee Somalia, taageerayasha Mr Aweys ,inta reer ahaan uu uxanuun jinaayo ,Soomaalida aaminsan in uu dhib gaarsiyay iyo dadka udhuun daloolaha arimaha Somalia ayaa sugaya go,aanka wakiilada aqalka cad ujooga muqdisho ay ka gaaraan arinta Xasan Daahir Aweys.

Cabdulaahi Cismaan Faarax
Somali senior Journalist
raafac11@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>