Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

MA GARBAA EEDAHA loo jeedinayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sh.?

$
0
0
Waxa aan rabaa inaan maqaalkan kaga hadlo eedo dhawaanahan loo jeedinayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh eedahaasi oo ka imaanayey qaar ka mid ah Rag xilil kala duwan ka soo qabtay Wadanka iyo Siyaasiyiin xilal ka haya qaar ka mid ah Maamulada ka jira wadanka,Waxa ayna Madaxdaasi ku eedeynayaan in Madaxweynaha ka gaabiyey howshii loo igmaday ee nabadeynta Wadanka iyo in Madaxweyanuha yahay qabiileyste ka soo horjeeda beelaha qaar, Hadaba ma garbaa eedeymahaasi?Inta aanan ka jawaabin eedeymaha loo hayso Madaxweyne Xasan Sheekh bal aan isweydiinno Su’aalahan:–Maxa loo doortay Xasan Sheekh,Madaxweyne dowlad federal ah mise maamul goboleed ?
-Ma waxaa loo doortay Madaxweyne dal xor mise dal la haysto ?
-Ma waxaa loo dhiibay dowlad dhisan mise dowlad magac uyaal ah ?
-Ma waxaa loo dhiibay dal nabad ah mise dal uu ka socdo dagaal sokeeyo ?
-Ma waxa loo dhiibay dal midaysan mise dal kala gogo’an ?Dhamaan in laga jawaabo su’aalahani waa muhiim maxaa yeelay waxa ay naga caawinayaa inaan fahamno xaqiiqda ka jirta Wadankani ka hor iyo ka dib doorashada Madaxweynaha,Waxa ay sidoo kale su’aalaahani noo ifinayaan eedaha loo jeedinayo Madaxweyne Xasan Sheekh in ay yihiin kuwa ay wax ka jiraan iyo in ay yihiin kuwa dan kala  laga leeyahay oo ay daba ka riixayaan dowlado cadow ku ah Wadankeena.Shaqsiyan Madaxweyne Xasan Sheekh waa nin Aqoonyahan ah kana soo shaqeeyey Bulshada Rayidka ee Soomaaliyeed,waxa uuna si gaar ah uga soo shaqeeyey arimaha nabadeynta iyo waxbarashada,dhinaca kale inta aan ka maqlay Madaxweynaha waa nin ikhyaar ah oo jacel nabadda kuna weyn tahay Soomaalinimada,Ninkii u baahan inuu waxbadan ka ogaado Shaqsiyadda Madaxweynaha ha dhageysto qudbadihiisa gaar ahaan tii uu dhowr maalmood ka hor u jeediyey Saraakiisha Ciidamada.

Mishkiladda Soomaaliya waa labo qeybood oo midba midda kale ka daran waxa ayna kala yihiin Miskilad Siyaasadeed iyo mid Amni,Bal sidee bay ahaayeen labadan Mishkiladood inta aan Xasan Sheekh la dooran ?

Arimaha Siyaasadda:
Tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre waxa Wadanka ka dhacay dagaalo sokeeyo oo galaaftay nolosha Kumanaan kun,Waxaa sidoo kale kala aamin baxay Qabaa’iladii Soomaaliyeed ee Walaalaha ahaa Iyado oo qabiil kasta inta meel yar ootay u bixiyey maamul goboleed la yiraahdo BeelLand halka goboloda qaarna sheegteen in ay ka go’een Wadanka intiisa kale.Intaas kuma eka Mishiladda Siyaasadeed ee Wadanka ka jirta ee waxaa la qaatay Nimaadka Federaalka oo aan wax badan laga aqoon Iyadoo beel kastaaba Degmooyinkii iyo Tuulooyinkii ay deganeyd sheegtay in ay ka dhistay maamul goboleed aan wafaqsaneyn Dastuurka u yaalo Wadanka,Bal fiiriya Ilaahaybaan idinku dhaariyey waxa ka jira labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud waxa ka dhisan labadaasi gobol dhowr maamul goboleed sida Puntland,Galmudug,Ximan iyo Xeeb,Central State iyo Suufiland ( All Ridiculous Land)Waxa intaasi dheer faragelin siyaasadeed oo ka imaaneyso dowladaha dariska sida Itoobiya iyo Kenya oo iska maamulanayo Wadanka ninkay rabaana keenayo kan ay rabaana ceyrinayo Iyadoo dalku leeyahay dowlad,Waxaa Iyagana dhinacooda qaska iyo lugooyada ka waddo Xafiisyada UN-ka ee qaabilsan Soomaaliya.
Arimaha Amaanka:

Dowladda Federaalka oo dhisan in ka badan 10 sano malahan maanta ciidan lagu sheegi karo ciidan qaran oo sugi kara amaanka degaanada ay gacanta ku hayso dowladda Federaalka,Waxaana intaasi dheer gabood falada ay Ciidamadaasi ka geystaan degaanada ay maamulaan kuwaas oo isugu jira dil,kufsi iyo dhac joogta ah.
Waxaa ka sii daran ciidamada wata magaca dowladda Federaalka ee ka howl galo goboloda laga saaray Xarakada Alshabab maba hostagaan dowladda Federaalka,Bal waxa ay dhinaca kale hoostagaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya kuwaas oo markay rabaana iska xira marka ay  rabaana iska soo sii daayaa sida ku dhacdayba Abaanduulihii Ciidamada ee Jubooyinka.
Waxyaabaha la yaabka ah ee aan Caalamka ka dhicin ee lagu arkay dowladda Federaalka waxaa ka mid ah waxaad maqleysaa magaalo hebel waxaa isla qabsaday Ciidamada dowladda Federaalka iyo Kooxda Raaskaanbooni ama gobol hebel waxaa la wareegay Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu Sunna, Waa la gartay in ay labo dowladood ciidamadooda ay wada howl galaan,waana la gartay in labo jabhadood dagaal wada galaan,laakiin sidee ku dhici kartaa dowlad iyo Jabhad in ay meel wada qabsadaan hadana ay wadan qur ah!!Mishkilaadkan aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo badan oo loo baahan yahay in la xaliyo si looga baxo dhibaatadan daba dheeraatay ayaa Waxa ay ahayd in Madaxweynaha iyo dowladdiisa looga danbeeyo talada Wadanka  ayna saxaan wixii ka khaldan dowladda Federaalka iyo Hay’adaheeda kala duwan,Maamulada jiraana dowladdu waafajiso sharciyada u yaallo Wadanka.Bal fiiriya  waalida ka jirta Wadanka nin maamulo Xaafad ka mid ah Magaalada Gaalkacyo iyo dhowr tuulo oo hoostagto Magaaladaasi ayaa waxa uu sheeganayaa maamul goboleed,waxaa ka sii daran kan Cadaado fadhiyo oo ku dhahayo Madaxweynaha maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb.Waxa ka sii qosol badan midka Jaajuuska ee Kenyaatiga meesha saarteen oo ku dhahayo waxaan ahay maamul goboleed la yiraahdo Jubaland oo xitaa aan shan Kilomitir Kismaayo dhaafi Karin oo hadana aan ogoleyn in wax la saxo!!!Gaba  gabadii waxa aan leeyahay  Madaxweyne  Xasan Sheekh waxa loo dhiibay dal burbursan,dowlad magac uyaal ah iyo waliba dad waalaan oo aan la toosin Karin,Waxaana aaminsanahay hadii lagu  garabsiiyo howshiisa inuu leeyahay karti uu Wadanka kaga saari karo dhibaatadan,Waxaan ku soo gunaanudayaa hadalkayga eedaha loo jeedinayo Madaxweynaha ma’ahan kuwa gar ah ee haday Soomaali dooneyso in ay ka baxdo dhibaatadan ha taageerto dowladda.
Hadaba Waxa aan soo jeedinaya talooyin dhowr ah
1-Waxa aan kula talinayaa Madaxweynaha in aanu ka daalin dadaalkiisa qiimaha badan ee dib loogu soo celinayo Sharaftii iyo Karamaadii ay lahayd Umaddu.2- In uu ku dadaalo sidii loo bilaabi lahaa wadahadal lala yeesho Xarakada Alshabab cid kastaaba ha lala kaashado3- In la dhiso guddi dib u heshiisiin qaran ah oo ka kooban dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
4- In la sii wado wadahadala lala leeyahay maamulka goboleedka Somaliland Iyadoo la ilaalinayo Midnimada iyo Wadajira Wadanka.5-In aanu marna aqbalin faragelinta ay wadaan dowladaha Itoobiya iyo Kenya.6-in dowladda shaqaaleysiiso soona dhaweyso dadka wadaniyiinta ee gumeysi diidka ah si looga maarmo kuwa aaminsan nidaamka 4.5 ama 5-ka
W/Q:Maxamed Ibraahim
Greatman33@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>